Al-Shabaab oo weerar xoogan ku qaaday xarunta Shanta Golaha Sare iyo khasaare ka dhashay

Afgooye (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan Alshabaab ayaa weerar xoogan xalay ku qaadeen degmada Lafoole ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA.

Dagaalka oo ayaa mid ku bilowday weerar culus oo ciidamada Alshabaab ku qaadeen deegaanka Lafoole gaar ahaan xarunta Shanta golaha sare ee kutaala degmada Lafoole ee Shabeelaha Hoose.

Afhayeenka maamulka Shabeelaha Hoose Maxamed Xuseen Shiine, oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in dagaalkaasi uu ahaa mid xoogan oo saacado socday, wuxuuna sheegay in ciidamada Alshabaab qasaaro adag ay gaarsiiyeen.

Ku dhawaad lix kamid ah dagaalyahanada  alshabaab ayuu sheegay iney ku dhinteen weerarka, sidoo kalana askar dhaawac ay horey u jiiteen,sida uu hadalka u dhigay.

“Wax qasaaro ah oo dhankeena nasoo gaaray ma jiraan, marka laga reebo labo ruux oo dhaawacyo ah oo rayid ah, xalay ayay weerar soo qaadeen ciidamada NISA ayaa si adag isaga difaacay, lix ayaan ka dilnay kuwana wadada ayay ku jiideen”ayuu yiri afhayeenka.

Alshabaab ayaa dhankooda guulo ka sheegtay weerarka ka dhacay degmada Lafoole ee Shabeelaha Hoose, laakiin afhayeenka maamulka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in labo ruux oo rayid ah ay ku dhaawacmeen weerarka, islamarkaana ciidamada dowlada aysan soo gaarin qasaaro badan.

Caasimada Online
Xafiiska Afgooye
Caasimada@live.com