AMISOM oo lagu qaaday weerar khasaare xooggan gaarsiiyey.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar Qaraxyo iyo mid fool-ka-fool ah oo lagu qaaday ciidamo ka tirsan AMISOM kuwaasi oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

Weerarka oo ahaa mid laga shaqeeyay ayaa waxaa ciidamada AMISOM loo adeegsaday Miinooyin iyo Sabano, waxaana xigay dagaal fool-ka-fool ah.

Ciidamada AMISOM ayaa Qaraxyada kadib ku nagaaday Degaanka Goolweyn ee Gobolka Sh/Hoose, iyaga oo halkaasi Al-shabaab kula galay dagaal qaatay ku dhawaad Seddex saac oo xiriir ah.

Qaraxyada iyo Dagaalka fool-ka-foolka ah ee u dhexeeyay AMISOM iyo Maleeshiyada Al-shabaab ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad Todobo ruux oo isugu jira labada dhinac iyo dad rayid ah, halka dhaawacana uu gaaray Afar oo u badnaa dhanka AMISOM.

Ciidamada AMISOM ee lagu weeraray Degaanka Goolweyn ayaa dhawaan ka baxay Magaalada Muqdisho, waxaana ay ku wajahnaayeen Degmada Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose.

Ma jiraan wax hadal ah oo ka soo kala baxay AMISOM iyo Al-shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com