AMMAANKA DALKA IYO ARGAGIXISADA (Warbixin)

Bishii ogoosto, sannadkii 2011 ayaa si buuxda loogu guuleystay in argagixisada laga saaro magaalada muqdisho. dheel iyo is dhigasho kuma iman ee dhiig la daadshay, dhallin la dooxay, hooyo gablantay, mid asay qaadday iyo caruur badan oo agoomowday ka dib ayey suurta gashay in argagixisada laga saaro muqdisho, waxaa la ogaa in Keliya haddii argagixisada muqdisho laga saaro aysan joogsan doonin falalkiii amni darro ee ay ka wadeen muqdisho, balse bixitaanka alshabaab wuxuu guul weyn u ahaa dawladddderaalka kumeel gaarka ahayd. dhabar jab weyn ayuu ku ahaa argagixisada, in muqdisho laga saaro waxay ahayd cashar iyo xiisad wax badan inaka bareysay mustaqbalka al-shabaab. waxaa si toos ah u caddaatay in alshabaab aysan muddo dheer dagaal toos ah ku sii jiri doonin. dhab ahaan, waa ay muuqatay in dagaalka alshabaab ay kula jirto dawladda uu u diga ogan doono mid ku dhifo oo ka dhaqaaq ah bacdamaa dhaqaale ahaan iyo Siyaasad ahaanba aysan tahli kari doonin dagaal fool ka fool ah.

Jabkii alshabaab, dabadeed maxaa xigay? Kolkii argagixisada laga saaray muqdisho, waxaa hoos u dhacay hankii iyo hadafkii kooxda, inkasta oo aan si buuxda looga guuleysan, haddana waxaa jirtay jaanis 80% ah in laga guuleysto. Dawladdii Sheekh shariif iyada oo ahayd dawlad kumeel gaar ah dhaqaale iyo awood buuxdana aan u lahayn in ay argagixisada dalka ka sifeyso,haddana waxay biro u liqeen sidii argagixisada looga adkaan lahaa, taas mireheedii waxaa la arkay goor dambe. anigu waxaan is leeyahay, runtiina ay u dhowyahay in si ba’an looga gaabiyey dagaalka ka dhanka ah al-shabaab. dadaalkii 2011 Al-shabaab muqdisho lagag saaray, hoos ayuu u dhacay oo kuwa xukunka haya waxay u maleeyaan oo u sawirma, in maadaama caasimadda argagixisada laga saaraya aan loo baahnayn in la sii dedaalo si dalka oo dhan looga saaro argagixisada.

ARGAGIXISADA MA LA CIRIBTIRI KARAA? 

Argagixisada, lagama adkaan karayo inta xaalku sidatan yahay. haddii la doonayo in argagixisada la ciribtiro, waxaa loo baahan yahay in xoog, dhaqaale iyo xeeladba la isugu geeyo dagaal culus oo lagu qaado argagixisada, waa haddii ay dhab tahay oo la doonayo in maatada iyo masaakiinta laga badbaadsho gummaadka ay dulmanaha u yihiin. haddii la doonaayo in si dhab ah loo ciribta tiri argagixisada waa in dawladdu indhaha shacabka si toos ah ugu jeedisaa dagaal ka dhan ah argagixisada. argagixisada waxaa looga adkaan karaa, isku duubni, wada jira, weerarro joogto ah, dagaal gelinta shacabka iyada oo laga faa’ideysanayo xammaasadda shacabka, meel in la iska dhigo wax walba oo ahmiyadda koowaad la siiyo ciribtirka nabad diidka ayaa horseedi karta in afka ciidda loo daro argagixisada. Marka intaas la inaka helo waxaan 100% hubaa in al-shabaab dambe aan laga caban doonin, weerarro ay gesytaanna aan dib dambe loo arki doonin.

30,000 iyo 4,000

Aniga maankayga waa geli la’dahay waana aan qaadan kari la’ahay in 4,000 oo dagaalyahan oo alshabaab ah ay gilgilayaan soomaaliya oo dhan , halka ku dhowaad 30,000 oo askari oo soomaali ahi caal u la’ yihiin in ay la dagaallamaan tiradaas yar ee ay dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo bulsho ahaanba ka awood badanyihiin. marka ay sidaas tahay, waxaa qummaati maskaxdaadi u soo buux dhaafinaya su’aalo ay tahay in jawaabo habboon loo helo, balse aniga naftayda ilaa imminka yaab ayey igu tahay arrintaasi, waxaase inoo cad in gaabis ba’ani uu jiro oo far weyn ay ku godantahay siyaasadda millatariga dawladda. waa wax lala yaabo in Al-shabaab ay weerar tahay dawladduna ay difaac ku jirto. Ma laga adkaan waayey?  Maya, sidee looga adkaan kari waayey, yaabaa la dirira!?

Al-Shabaab waxay u baahan tahay yad iyo gacan qaad joogta ah si hoos loogu dhigo awooddood dhaqaale, juhdi, siyaasadeed iyo tooda dhiirranaaneedba.

Maantay argagixisada Al-shabaab awood uma leh in ay dagaal toos ah la galaan dawladda federaalka soomaaliya. waxaan aamminsanahay in Al-shabaab aysan dagaallami Karin muddo ka badan 6 bilood, sababta oo ah dhaqaalohooda iyo awooddooda marka aan ka qiyaas qaaddanno ma ahan koox muddo dheer dagaallami karta.waxa dagaalka ina kula jira ma ahan dawlad xoog ciidan iyo mid dhaqaaleba leh, ee waa koox yar oo aan anigu aqoon halka ay dhaqaalaha ka helaan balse waa laga yaabaa in dadka qaar ogyihiin meesha ay dhaqaalaha ka helaan. argagixisadu ma dagaallami karaan muddo 6 bilood ka badan. tusaale haddaan u soo qaadanno ururka daacish(ISIS),  judhii hore waxay ahaayeen koox mintid ah, dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo millatari ahaanba ka xooggan argagixisada alshabaab, balse muddo kooban gudeheeda ayey ku noqdeen eber aan awoodda badan lahayn.

In daacish hoos u dhac ku yimaado awooddeedii waxaa sabab u ahaa dagaal joogta ah oo huwantii reer galbeedku ku hayeen. Marka koox aan awood dhaqaale oo xooggan lahayn ay dagaal gasho, waxaa hoos u dhaca awooddooda dhaqaale, waayo waxay si xawlo sare ah u isticmaalayaan dhaqaale ka badan kii ay horey u isticmaali jireen.tusaale, haddii ay bishii 1 milyan isticmaali jireen marka ay dagaal galaan waxay bishii isticmaalayaan 3 milyan taasi oo dhaawac halis ah u geysaneysa dhaqaalohooda, ugu dambeynna sababeysa in  hoos u dhac uu ku yimaado awooddooda millatari. sidoo kale lamid ah marka ay kooxdu dagaal dheer gasho, waxaa gaaraya qasaare ka soo kabashadiisu ay muddo ku qaadaneyso. marka loo diido wakhti ay isku abaabulaan oo dagaal har iyo habeen lagu wado hubaal argagixisadu waa ay jilceysaa.

SIRDOON MA JIRAA!? 

Sirdoonku waa sahmiyaha iyo soo helaha xogo dhab ah kuwaas oo qayb libaax leh ka qaata wiiqadda awoodda cadowga maadama sirdoonku ay soo xera geliyaan siro iyo siyaaasado ay cadowgu damacsan yihiin. sirdoonku waa tiir ka mid ah tiirarka uu millatarigu ku taagan yahay, haddii aan sirdoon jirin ciidammadu waxba kama duwanaanayaan jabhad hubeysan oo aan hadaf iyo ujeeddo dheer lahayn.

Soomaaliya sirdoon ma leedahay?! Maya ayaan anigu is leeyahay, waayo haddii sirdoon dhab ahi jiro, waxaa meesha ka bixi lahaa argagixisada dhuuga dhiigga shacabka.
wax sirdoon lagu sheego asii aan sirdoon ahayn ayaa jira.haddii sirdoonku si dhab ah u shaqaynayaan waxaa xog laga heli lahaa isla markaana la soo xiri lahaa kannaallada ay Al-shabaab dhaqaalaha ka helaan,waxaa la ogaan lahaa halka saanadda iyo hubku uga yimaadi iyo cidda u keenta.

Haddii sirdoon jiro waxaa la ogaan lahaa halka laga soo abaabulo qaraxyada, cidda bixisa baabuurta iyo adeegyada kale ee qaraxa fududeeya.

hay’adaha sirdoonku soomaaliya waa kuwo dhaqaalaha uun lagu khasaariyo, sababta oo ah macno ma sameyneyso in hay’ado sirdoon ay jiraan haddii aysan awoodi karin keenidda xog iyo sir lagu dhabar jebinayo cadowgu in sirdoonkeennu uusan tago lahayn waxaa si toos ah looga garan karaa in aysan jirin cid maanta taqaan meesha argagixisadu ay dhaqaalaha ka helaan iyo halka loo soo marsho, miyey jirtaa cid og?!  Maya, waayo haddii ay jirto waa ay soo xiri lahayd sidaas darteed waa in aan u qaadannaa in aysan jirin cid og ilaha dhaqaalaha ee argagixisada. sidaas awgeed waa in aan dhehnaa sirdoonka soomaaliya wuxuu u baahan yahay qaabayn ballaaran oo doc walba ah.

ARGAGIXISADA SIDEE LOO JEBIN KARAA? (Fikir) 

Marka hore waxaan qabaa in argagixisada looga adkaan karo wadajir iyo wadashaqayn buuxda. haaatan taas diyaar uma ahan maamulka jiraayi, waxaan aamminsanahay in argagixisada dharbaaxo weyn lagu dhifan karo, haddii xukuumadda laga helo juhdiga iyo dedaalka ay u baahan tahay, argagixisadu maantay uma baahna waxa ay dawladdu raadineyso. argagixisadu waa kooxo yar oo aan tabar ay ku dagaaallanto lahayn, argagixisada waxaa looga adkaan karaa in loola dhaqmo sida ay iyagu inoola dhaqmaan, waa in weerarro joogta ah loo geysta, waa in aan la siin nefis yar oo ay xitaa qarax ku abaabulaan.
waxay u muuqataa in argagixisadu ay inaka dadaal badan tahay, balse ay innagu ka dhaqaale iyo awoodba badannahay. waxay har iyo habeen u soo jeedaan sidii ay dhibaato inoo gaarsiin lahaayeen, halka innagun aan sariiro dhaadheer ku jiifanno.

Shalay waxay madaafiic ku soo ganeen madaxtooyadii qaranka, waa xaruntii qaranka looga talinayey, wali ma maqasheen dawladda oo madaafiic ama gantaallo ku garaacday hoyga hoggamiyaha alshabaab? taasi waxay caddeynesa in dawladdu aysan danayn dadaalkii looga baahnaa, bal kwrn al-shabaab oo haysata dhaqaalaha iyo awoodda ay dawladdu haysato sow dalka oo dhan muddo kooban kuma qabsateen?  haddaba waa iska caddahay in Al-shabaab aysan awood lahayn balse ay dadaal badan yihiin, dawladdana marka loo fiiriyo Al-shabaab ay awood leedahy dadaaalkuse ku yaryahay waa wax lala yaabo in dadka qaar aamminsanyihiin in Al-shabaab laga adkaan kari waayey. Alshabaab lagama adkaan kari waayin ee waxaa jirin cid dooneysa in ay dagaal la gasho!

Waxaa mooddaa in madaxda qaar ay u haystaan in Alshabaab aysan dhibaato inaku hayn bacdamaa uu isagu ammaan haystona ay la tahay in guud ahaan dalku ammaan yahay .
argagixisada waxaa looga adkaan karaa;

(1) in ugu yaraan 5,000 oo askari si toos ah loo dagaal geliyo, dagaalkuna uusan noqon mid muddo kooban socda balse uu noqdo mid joogta ah oo har iyo Habeen lagu hayo. Marka taasi dhacdo waxaa hoos u dhacaya dhaqaalaha kooxda taas oo sababeysa in saamayntoodu ay dhulka gasho.

(2) tayaynta sirdoonka iyo soo helidda xogo ku saabsan ilaha dhaqaale ee  kooxda, sidoo kale waa in kooxda la saaro cunaqabtayn dhan walba,  tusaale waa in meelaha xeebaha ee la is oran karo hub ama saad ayaa uga soo degi kara la dhigo ciidamo la socda dhaqdhaqaaqooda. in dhaqaale ahaan la beegsaso kooxda waa mid dhabar jab weyn ku noqon doonta, waana midda ugu fudud ee la samayn karo. ugu yaraan samaynta labadaas arrimood,  waxaan is leeyahay in meel looga soo hari doono argagixisada.

GUNAANAD

Argagixisadu waa cadow diineed, daleed iyo dadeedba, waxay sawira qaldan ka bixinayaan diinteenna suubban ee islaamka ah, waxay,  Qaraxa, miino iyo madfac ku burburinayaan quruxda dalkeenna waxay sidoo kale gummaadayaan shacabka Soomaaliyeed iyaga oo aan waxba galabsan. sidaas awgeed waa ku  waajib qof walba oo soomaali ah in uu dagaalka qayb ka noqdo sI meesha looga saaro, fikirrada sunta ah ee ay argagixisadu xanbaarsantahay.

waxaa qof walba looga baahan yahay in uu farna ha ahaatee uu wax uun ku yeesho dagaalka argagixisada lagula jiro, waayo maanta ma jiro qof soomaali ah oo aysan argagixisadu murug gelin, ka dib markii ay dileen kuwo ay jeclaayeen, imsa ayaad taqaan oo ay argagixisadu xaqdarro ku disahay?

Dawladda waxaa looga baahan yahay in ay wax walba ka hormariso badbaadinta shacabka Soomaaliyeed, xooggana saarto sidii argagixisada cadawga ah looga cirib tiri lahaa gayiga Soomaaliyeed.

W/Q: Yacquub Xayir Afweyne
yacquubxayir2625@gmail.com

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid