Arrin soo shaac baxday & ciidanka Amisom ee Muqdisho oo la amray

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan la filaayo in dalka ay ka dhacdo doorasho ayaa waxaa soo baxaaya baaqyo loo kala diraayo ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Baaqyadaani ku wajahan ciidamada AMISOM ayaa waxaa diray Taliyaha Ciidamada Gen.Cismaan Nuur Subagle oo sheegay in Saraakiisha iyo ciidamada AMISOM uu ku wargalinaayo inay galaan feejignaan hor leh waxa uuna sheegay in maleeshiyaadka Al-shabaab ay ku howlan yihiin weeraro argagixiso sidaa darteedna ciidamada looga baahan yahay inay sugaan amniga caasimada.

Gen.Cismaan Nuur Subagle waxa uu sheegay in ciidamada AMISOM ay mas’uuliyad ka saaran tahay xaqiijinta amaanka gaar ahaan Goobaha loo diyaarinaayo in lagu qabto doorashada Somalia, waxa uuna baaqiisa ku sheegay inuu la xiriiro falalka amni darro oo ay maleegayaan Al-shabaa.

Gen.Cismaan Nuur Subagle, waxa uu sheegay in Saraakiisha ciidamada AMISOM looga baahan yahay inay laba jibaaraan xaqiijinta amniga Goobaha ay ka dhici doonaan doorashooyinka.

Taliyaha Ciidamada AMISOM Gen.Cismaan Nuur Subagle waxa uu sheegay in ka hortaga weerarada argagixiso ee Al-shabaab looga hortagi karo keliya iskaashi dhexmara ciidamada dowlada Somalia iyo kuwa AMISOM.

Dhinaca kale, waxa uu dowlada Somalia ugu baaqay inay diyaariso cutubyada ka qeybqaadan lahaa doorashooyinka dalka waxa uuna ka digay in habacsanaan ay ku imaado amniga goobaha doorashooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com