Axmed Madoobe oo shaaciyay sir ka qarsoon Soomaalida oo ah…

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe  ayaa ka hadlay dagaalka lagula jiro ciidamada Al-shabaab iyo howlgalka ciidamada AMISOM.

Axmed Madoobe ayaa ugu horeyn runta ka sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladaha shisheeye ineysan amni ka dhigi karin dalka Soomaaliya oo loo baahan yahay Shacabka Soomaaliyeed iney isku tashadaan.

Wuxuu sheegay in dowladaha Shisheeye ay kaliya awoodaan iney caawiyaan ciidamada dowlada Soomaaliya balse masuuliyada ay saaran tahay ciidamada dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada.

Dhinaca kale Axmed Madoobe ayaa ka dhawaajiyay in marar badan ay dhacday in ciidamada AMISOM meel ay qabsadeen isaga baxeen kadibna Al-shabaab ay dhibaateeyeen dadka shacabka ah, taasi oo dhibaato ku ah shacabka SOomaaliyeed.

Shacabka Soomaaliyeed iyo madaxda dowlada Soomaaliya ayuu kula dardaarmay iney qaataan masuuliyada amaanka guud ahaan ee dalka Soomaaliya oo aan shisheeyaha lagu haleyn.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com