CC Shakuur oo si yaab leh u xiriiriyey qaraarka 1267 iyo xayiraada DF ee Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) ― Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa maanta ka hadlay amarada ay DF Soomaaliya ay ku soo rogtay maamulka Jubbaland iyo diidmadii qaraarkii Qaramada Midoobay ee tirsigiisu ahaa 1267.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dowlada federaalku aysan cadow u aqoon Al-Shabaab, balse ay cadow u arkaan cidii ay ku kala aragti duwanaadan siyaasada, waa siduu hadalka u dhigaye.

Cabdiraxmaan ayaa arrimahaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuuna u dhigna sidan: 

“Dawlada Federaalka ah waxay diiday in Al- shabaab lagu daro liiska ururada argagixisada ah ee Al-Qaacida, Dhaaliban iyo Daacish ku jiraan ee hoos dhaca go’aanka Golaha Amaanka ee tirsigiisu yahay 1267. 

Waxay dawladu ku dooday sababo la xiriira bani’aadanimo. Waxaase la yaab leh in dawladu ay cunaqabatayso shacabka Jubbaland oo hawada iyo baddaba ka xirto. Kiiska bani’aadanimo ee deegaanada ay Alshabaab xukumaan loo fiiriyey ee aan shacabka Jubbaland loo tixgelin muxuu yahay?

Halkaan waxaa ka cad in maamulka Villa Somalia ka arrimiyaahi uu Alshabaab cadaw u aqoon ee cadawgoodu yahay cidii ay aragtida siyaasadeed iyo xukunka isku qabtaan. 

Haddaba haddii xukuumadii dhaqankeedu sidaa yahay, aaway labadii aqal ee Baarlamaanka? Aaway guddoonkii Baarlamaanka labada aqal? Mise Waxay noqdeen shaabad lagu dhufsado wixii la doono”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com