Daawo farriin ka timid: Gabar uu nin taksiile ah ku kufsaday Hargeysa oo guurkeedii raja beelay

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Hargeysa (Caasimada Online) – Fadumo waa gabar 16 sano jir ah, waxay taagan tahay dariishada xafiis NGO oo ku yaal Hargeysa, waxay ka fikireysaa markii la kufsaday labo bilood kadib markii ay kasoo laabaday arooska saaxiibteed.

Waa arin murugo iyo dareen gelinaya qof kasta oo fiirsada muuqaalkaan oo hay’adda Unicef ka diyaarisay Fadumo oo guurkii ay ku balansanaayeen lamaanaheeda ku weyday xadgudubka jinsiyadeed ee lagula kacay.

Waxay celin weyday ilin kasoo daadatay indhaheeda, markii ay bilowday in ay ka sheekeyso qisadii xanuunka badneyd ee xadgudubka jinsi uu kula kacay nin taksiile ah oo ay kireysatay gaarigiisa, xili ay kusoo socotay gurigooda, wuxuuna ku leexiyay meel cidlo ah, dabeeedna ku amray in ay la sameyso galmood qasab ah.

“Waxaan isku dayay inaan ku ordo guri meesha ka dhawaa, laakiin wuu iga soo daba orday, wuuna iga itaal roonaaday ul ayuuna igu dhuftay, kadibna halkaasi ayuu igu kufsaday” ayey tiri Fadumo oo ilmada ay ka qubanayaan.

Arintan ugu dhibka badan ayaa ah, Fadumo waxay isu diyaarineysay guurka saaxiibkeed oo qaban qaabadiisa socday, laakiin rajadii guurka uu halkaasi ku dhamaaday.

Hadda Fadumo waxay ka tirsan tahay dadka kaalmada ka hela xarunta daryeelka dumarka la faquuqo ama kufsi jinsi lagula kaco, halkaasoo ay taageero ka hesho Baahi Koop Group.

Soomaaliya, ayaa waxay kaalimaha hore kaga jirtaa dalalka xadgudubyada jinsi iyo dhibaateynta dumarka. Warbixin dhawaan ay soo diyaariyeen ururada u dooda xquuqda dumarka ee ka dhisan Hargeysa ayaa qeexday n bishiiba la qabto 25 dumar ah oo kusfi loo geysto.

Xarunta Baahi-Koob Hargeysa waxay bixisaa adeegyo kala duwan oo loogu talagalay dadka ka badbaada rabshadaha jinsiga ku dhisan (GBV) sida kufsiga. waxayna bishiiba qaabishaa 25 dumar ah oo qaarkood la dhaafsiiyay gabarnimoadoda ama bigranimadooda. Sidoo kale, dumarka la kufsada ayaa waxaa la siiyaa dawooyin ay ku jiraan kuwa cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS.

W/soo aruuriyay: Ali Muhiyaddiin Ali

Muxiyaddiin@hotmail.com