Kenya oo Hanjabaad culus u jeedisay Al-Shabab

Kismaayo (Caasimada Online)- Taliyaha ciidamada dowlada Kenya oo safar ku tagay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa hanjabaad adag u jeediyay ururka Alshabaab oo uu ku tilmaamay mas Madaxiisa Soomaaliya yaalo.

Taliye Samson Mwathethe, ayaa ka sheegay magaalada Kismaayo in Alshabaab ay ku baabi’in doonaan gudaha dalka Soomaaliya ka hor inta aysan galin dalka kenya oo weraro badan ay ka geysteen.

Wuxuu sheegay in ciidamada Kenya ay sii joogi doonaan dalka Soomaaliya ilaa inta Alshabaab laga saarayo guud ahaan dalka, taasina lagu keeni karo howlgalo joogto ah oo ciidamada AMISOM ay sameeyaan.

“Hadii mas doonayo inuu gurigaaga soo galo kadibna caruurtaada cuno ma gurigaagaad ku sugaysaa mise waad ka hortagaysaa, sidaasi oo kale ayaan Alshabaab kaga hortageynaa oo aan kaga saareynaa Soomaaliya oo idil, umana ogolaan doono iney Kenya gudaha u galaan’’ayuu yiri taliyaha.

Taliyuhu wuxuu sheegay in Alshabaab ay ugaarsan doonaan kuna layn doonaan gudaha Soomaaliya.

https://www.youtube.com/watch?v=LJcznYIfbFQ

Caasimada Online
Xafiiska Jubbaland
Caasimada@live.com