Sawirro argagax leh oo laga soo qaaday weerarkii Banadir Beach

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Somalia, ayaa soo gaba gabeeyay weerarkii ka socdey makhaayadda Banaadir Beach ee Muqdisho abbaaro 3 am Jimcihii ee xilliga Muqdisho.

Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay oo ay la socdeen tiro u dhaxeysa 3 ilaa iyo 5 Qof ayaa lagu weeraray Makhaayada Banaadir Beach sida saraakiisha amaanka ay sheegeen.

Weerarka ayaa la sheegay inay ku geeriyooden ugu yaraan 8-Ruux oo ay ku jiraan laba shaqaale oo ka tirsan Makhaayada Banaadir Beach.

Milkiilaha makhaayaddaasi C/risaaq Maxamed Jimcaale, ayaa sheegey in khasaaraha weerarka uu ahaa mid ka yar intii laga filaayay.

Gudaha makhaayada ayaa waxaa laga soo badbaadiyay tiro ka badan 20 Qof oo shacab ah, kuwaas oo ka mid ahaa dadkii ku jiray Makhaayada.

Maleeshiyaadka al-Shabaab, ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaasi.

q1

q4

q5

q6

q7

q8

q9

q10

q11

q12