Home Warar Dagaal ay ka qeyb qaaten ciidamo caddaan ah oo ka dhacay Mubaarak...

Dagaal ay ka qeyb qaaten ciidamo caddaan ah oo ka dhacay Mubaarak xalay

 

Sidoo kale, qoraal ay Hay’adda Sirdoonka qaranka Somalia soo dhigtay barta Twitter-ka ku sheegtay in hawlgal xalay saq dhexe ka dhacay Mubaarak ay ku dileen xubin ka tirsan Al Shabaab, sidoo kalena lagu dhaawacay kuwa kale.

Qoraalka Hay’adda ayaa waxaa lagu sheegay in xubnaha la weeraray ay ku hawlanaayeen weeraro ay ka geystaan magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee weerarka ayaa dhacay xili ay maleeshiyaadka Alshabaab weeraro is xig xiga ka geysteen magaalada Muqdisho iyo Marko.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com