Dagaal qaraaran oo caawa ka socda Marka

Afgooye (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu caawa ka socdo qeybo kamid ah magaalada Marko ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka oo leysu adeegsanaayo hubka culus ayaa waxa uu u dhexeeya ciidanka dowladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

Dagaalkan ayaa wuxuu yimid kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar culus ku qaaden degmada Marko.

Dadka deegaanka oo xiriir kala duwan aan la sameynay ayaaa soo sheegaya in xiligan ay dagaalamayaan ciidanka dowladda iyo Shabaabka weerarka qaaday.

Waxa ay sheegen dadku inay arkeen maleeshiyaad  hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab, kuwaasi oo ka dhex dagaalamaya gudaha xaafadaha magaalada.

Hubka culus iyo Qaraxyo bam gacmeed ayaa laga dhex maqlayaa gudaha degmada, waxaana socda difaac dagaal oo ay muujinayaan ciidamada dowlada.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka wali socda waxaase lasoo sheegayaa in xaafadaha qaar ay ku dhacayaan xabado wiifto ah maadaama xabadu aanay joogsan oo rasaas ay dhaceyso.

Caasimada Online

Xafiiska Afgooye

Caasimada@live.com