DF Somalia oo Maxkamada ICC-da ku eedeeysay Beegsiga Madaxda Africa

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

ADIS ABABA (Caasimada online) Dowlada Soomaaliya ayaa ka hadashay markii ugu horeysay Go’aanka Midowga Africa ee Ku aadan Maxkamadda ICC-da oo doon dooneysa Hogaamiyaal African ah oo ay ka mid yihiin Madaxweynayaasha Kenya, iyo Suudaan.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya , ahna La taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya, Engneer, C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow, ayaa sheegay in Maxkamadaas ay tahay mid kaliya Baacsaneyso Hogaamiyaasha iyo Muwaadiniinta Africanka ah .

Afhayeenka ayaa sheegay in Madaxweynaha uu Maanta Adis Ababa, uga qeyb galayo Shir looga hadlayo Arimaha ku aadan Baacsiga Maxkamada Dambiyada Aduunka ee ICC-da , Kaas oo uu sheegay inay ka rajeynayana inay kasoo baxaan Go’aano Cad oo ay gaaraan Madaxda dalalka Africa.

Madaxda Midowga Africa, ayaa laga Doonaya in maanta ay Go’aan wada jir ah ka qaataan Maxkamada ICC-da oo la tilmaamay inay si gaar ah ugaarsi ugu heyso Madaxda wadamada Africa Sida ay shaaciyeen .

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo qeyb ka ah Wafdiga Madaxweynaha ee Adis Ku sugan , ayaa sheegtay in Kulanka Maanta laga filayo inay kasoo baxaan Go’aano ku aadan in Maxkamadaas ay u sinaadaan Dhamaan dalalka Caalamka Balse aan Dalal  gaar ah sida Africa aan loo Bartilmaameydsan.

Dhanka kale , Waxaa lagu wadaa in Adis Ababa uu ka furmo Kadib Kulankaas shir kale oo ay yeelayanaan Wadamada Ku bahoobay, Urur Goboleedka IGAD, kaas oo sida la sheegay looga hadlayo Xoojinta Dagaalka lagula Jiro Shabaab iyo Xaqiijinta Amniga Somalia.

Si kasto Wadadamada Africa waxaa horyaala Bab baadinta Madaxweynayaal Hadda Xilal ka haya Dalalkooda oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata, iyo Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-BASHIIR.

Caasimada online

Xafiiska Adis Ababa

Caasimada@live.com