DFS oo shaacisay 2 qorshe oo ay la damacsan tahay gobolada Somaliland iyo kuwa Al-Shabab

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Somalia Cabdiraxmaan Max’ed Xuseen (Odawaa), oo mar kale ka hadlaayay doorashada la filaayo inay ka dhacdo Somalia, ayaa sheegay in DF ay qorshooyin badan u dajisay hanaanka lagu qaban lahaa.

Odawaa waxa uu sheegay in qorshaha DF ay u dajisay doorashada ay kamid tahay in dhamaan Gobolada dalka ay si dadban uga qeybqaatan Doorashada, waxa uuna sheegay in degaannada aan la gaari karin dad matala loo heli doono.

DFS ayuu sheegay inay ka go’an tahay in doorashadaani ay kuwada qanciso Soomaalida oo idil waxa uuna farta ku goday in cid waliba ay u furan tahay in wasaaradu ay kusoo biiriso aragtideeda.

Wasiir Odawaa waxaa uu sheegay in 2016 ay dalka Doorasho ka dhaceyso taas oo noocii la qaataba dadka Soomaaliyeed ay ka wada qeybgali doonaan.

”DFS waxa ay ku rajo weyn tahay in doorashadaani ay taariikh u noqoto Somalia. qorshaha aan wadno waa mid deeqi doona Somali oo idil. waxaan shacabka ugu baaqeynaa inay is dajiyaan oo ay kor kala socdaan qaabka ay Dowladu wax u wado”

Odawaa waxa uu sheegay in ay jiraan dhulal aysan gaari karin Dowladda Somalia sida dhulalka ay ka taliyaan maleeshiyaadka Al-shabaab iyo Gobollada Somaliland, balse dadka meelahaasi ku sugan ay kasoo qaadan doonaan wakiilo xaqooda u dhiciya oo iyaga un matalla.

”Deegaan waliba oo Somalia ka tirsan waan gaarsiin doonaa. deegaanada Al-shabaabka heystaan waan ka saari doonaa, haddii ay dhici weyso waxaan u heli doonaa wakiilo u matalla doorashada”

Haddalka Odawaa ayaa imaanaya xili maamulka Somaliland ay iska filqeen Somalia inteeda kale, waxaana xusid mudan in Gobolada ay wali gacanta ku hayaan Al-shabaab ay Dowladu ku adkaan doonto inay gaarto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com