Ethiopia oo taageertay tallo horey loo soo jeediyey oo ahayd in Somalia…

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Ethiopia (Caasimada Online) Dowladda Ethiopia ayaa ayiday in la kordhiyo tirada ciidanka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) si loo xoojiyo dagaalka lagula jirro Al-Shabaab.

Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn oo la hadlaayay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in loo baahan in la kordhiyo askarta AMISOM ee jooga Soomaaliya, maadama Al-Shabaab ay weli tahay koox khtar ah.

Mr. Desalegn tilmaamay in dalalka reer Galbeedka iyo kuwa kaleba looga bahaan yahay kordhinta taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya iyo howlgalka AMISOM.

Ra’iisal wasaaraha ayaa dhinaca kale ka dhawaajiyay inuusan arkin baahi keeneysa in la kordhiyo ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Si kastaba, hadalka ra’iisal wasaaraha Ethiopia ayaa ku soo aadaya iyadoo golaha ammaanka iyo nabadda ee Midowga Afrika uu soo jeediyay in loo baahan yahay in ciidamo tiradooda ay gaareyso 6,235 kuwaasoo lagu biirinaayo howlgalka AMISOM si tirada guud ee ciidanka AMISOM loo gaarsiiyo 23,966 muddo ku eg 18 ilaa 24 bilood.

Dowladda Ethiopia ayaa ciidamo u dirtay Soomaaliya, kuwaasoo dagaallo kula jira Al-Shabaab walow ciidankeeda aanay hoos-tagin howgalka AMISOM.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com