Alshabaab oo lagu haligay dagaalkii ka dhacay deegaanka Diif & Tirada ka dhimatay oo la xaqiijiyay

0

Kismaayo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dagaal qaraaran ooo ciidamada Jubbaland iyo Al-shabaab ku dhexmaray degaanka Diif oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka oo muddo socday ayaa waxaa la sheegay in lagu kala furtay Hub iyo Gaadiid dagaal oo labada dhinac ah, waxaana sidoo kale ka dhashay khasaaro xoogan.

Sarkaal u hadlay ciidamada maamulka Jubbland ayaa sheegay in dagaalka uu jiro balse ay Al-shabaab uga furteen Hub iyo gaadiid dagaal oo ay kusoo duulaantagen Shabaabka.

Sarkaalkan u hadlay ciidamada maamulka ayaa sheegay in ciidamada maamulka ay hadda ku sugan yihiin deegaanka Diif, isla markaana ay shabaabka ka dileen ilaa Todobo Maleeshiyo.

Sidoo sarkaalkan ayaa beeniyay war ay baahiyeen warbaahinta qaarkood, kaasi oo ahaa in Taliyihii Booliska Jubbaland nolol iyo geeri inaan midna lagu heyn.

Wuxuuna tilmaamay Taliyaha inuu nool yahay, kuna sugan yahay magaalada Kismaayo, dhawaana uu la hadli doono saxaafada, wallow aan la xaqiijin Karin hadalkiisa.

Dhinaca kale, maleeshiyada Al-Shabaab ayaa dhankooda ka sheegtay inay guul ka gaaren dagaalka ay Diif kula galeen ciidamada maamulka Jubbaland.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com

SHARE