DFS oo mas’uul muhiim u ahaa qarax looga dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxani oo Abaaro Barqanimadii Maanta ka dhacay wadada Makka Al Mukarrama gaar ahaan nawaaxiga Isgoyska Debka ee Magaalada Muqdisho ayaa ahaa miino lagu soo xiray gaari yar oo nuuca raaxada ah.

Gaariga ayaa waxaa watay Nin la sheegay in uu ka tirsan yahay Saraakiisha Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi Jiray Cabdullaahi Max’ed Gardhuub.

Sargaalka la qarxiyay oo dhaawac culus uu kasoo gaaray qaraxaasi ayaa la xaqiijiyay in uu u Isbitaalka ku geeriyooday , waxaa sidoo kale la sheegay in qaraxaasai uu dhaawac fudud kasoo gaaray qof kale oo rayid ah oo ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay.

Taliyaha Qeybta Waliyow Cade ee Boliiska Soomaaliyeed Col Max’ed Daahir Cabdulleoo warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyay qaraxa in ay geysteen Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa horay looga bartay in ay la bartilmaamsadaan Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya, Xildhibaanada iyo shaqaalaha kale ee dowladda Federaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com