Galmudug oo gaadiidkeeda dagaalka bannaanka usoo saartay & dagaal laga cabsanayo inuu ka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaano hoostaga Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkaasi laga dareemaayo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan Ciidamada maamulka Galmudug iyo Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Dhaqdhaqaaqa xoogiisa ayaa waxaa wada Maleeshiyaadka Al-shabaab kaasi oo iminka laga dareemayo Degmada Xarardheere iyo deegaanada kale ee hoosyimaada.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa hadda gacanta ku hayo inta badan Degmada Xarardheere waana Degmada keliya oo ay Al-shabaab Gobolka Mudug kaga sugan yihiin, iyadoona ay Galmudug ballanqaaday in ay gacanta ku dhigi doonto Degmadaasi.

Maamulka Galmudug ayaa banaanka usoo saaray gaadiidka dagaalka waxaana lasoo warinayaa inta badan deegaanada iyo wadooyinka ugu muhiimsan maamulka la dhigay Ciidamada Maamulka.

Wasiirka Amniga Galmudug Cismaan Ciise Nuur ”Taar-dhuleed” ayaa sheegay inaanay Shabaabku sii joogi doonin Degmada Xarardheere iyo dhulka kale, ee ay ka jooggaan Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Waxa uu sheegay inay la socdaan dhaqdhaqaaqyada ay wadaan balse waxa uu cadeeyay in iyagana dhankooda ay kawadaan guluf ka dhan ah oo ay dhulka kula jari doonaan Al-shabaab.

Waxa uu sidoo kale Wasiirku sheegay inay la socdaan in saacadihii ugu dambeeyay Degmada Xarardheere iyo dhulka kale ay gaarayeen Maleeshiyaad Al-shabaab ka tirsan oo gurmad u ah kuwa iminka ku sugan Degmada Xarardheere.

Maleeshiyaadkaasi gurmadka ah ayaa kasoo ambabaxay deegaanka Galhareeri ee Bariga Gobolka Galgaduud, halkaasi oo ay Maleeshiyadu ku leedahay fariisimo waaweyn.

Dhanka kale, Ciidanka Galmudug oo gacan ka helaaya dadka deegaanka oo ku sugan duleedka Degmadaasi, ayaa si qunyar ah ugu siqaaya Al-shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com