Hal arrin oo haddii ay dowladda sameyso ay kaga hortagi karto Qaraxyada Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimadda Online ) – Dowladda Soomaaliya ayaa bil ka hor sameysay ciidamo loogu magac daray xasilinta Muqdisho, kuwaas oo la dhigay inta badan Waddooyinka Muqdisho.

Inkastoo ilaa xad ay Ciidamadaan xakameeyeen qaraxyada Al-Shabaab isla markaasna ay baaritaankaan dan weyn ugu jirto shacabka Muqdisho, haddana waxaa muuqato in Al-Shabaab oo diidan in shaqadooda laga hor istaago ay soo laba jibaareyn qaraxyada ay ka sameynayaan gudaha Muqdisho.

Tan iyo markii Ciidamadaan la sameysay waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay ilaa 5 Qarax oo geystay dhibaato dhimasho, Burbur iyo dhaawac isugu jirto.

Ciidamada Xasilinta Muqdisho waa ciidamo tababaran isla markaasna u diyaarsan inay amniga Muqdisho wax badan ka qabtaan inkastoo ay jiraan caqabado badan oo hortaagan taasoo looga gudbi karo waxyaabo badan oo aan weli la sameyn.

Qaabka ay hadda dowladda Soomaaliya u wajahday Xasilinta Muqdisho waa qaab fiican balse, waxaa muuqato inay dowladda ka jiifto qaab kale oo aad u fiican.

Dowladda Soomaaliya weli ma aysan hirgelin ciidamo  sirdoon ama Dharcad tayo iyo tababar fiican leh kuwaas oo ka howlgalo xaafado kala duwan ee Muqdisho, suuqayada iyo meelaha ay dadka ku badan yihiin, inkastoo ay ciidamadas leedahay haddana uma howlgalaan sida laga rabay maadaama aysan laheyn qibrad fiican oo dhinacaas ah.

Qaabka kaliya ee qaraxyada looga hortagi karo waa inay dowladda Soomaaliya hesho sirdoon dharcad ah kuwaas oo soo ogaan karo qaraxyada ka hor inta aan lala beegsan meesha ay Al-Shabaab damacsan tahay si looga hortago.

Dharcadda waxay awood u leeyan karaan inay xog iyo sir ka helaan qaraxyada ka hor inta aanan lagu dhibaateyn shacabka Muqdisho, macquulna maahan inay arrinta kaliya ku ekaato ciidamo lasoo dhoobo Muqdisho isla markaasna qaraxyada sugo inta laga sameenayo.

Dadka qubarada xagga ciidamada iyo nabadsugidda ayaa aaminsan in haddii dowladda Soomaaliya ay qaado tallaabadaan ay ka saacidi doonto in la xakameeyo qaraxyada Al-Shabaab oo meelmihii ugu dambeeyey  xad dhaaf noqdo.

Dowladda Soomaaliya waxay u baahan tahay inay tababar caalami ah siiso ciidamo badan oo sirdoonka ah iyadoo la kaashaneyso hey’ado caalami ah, waana wadada kaliya ee dowladda uga adkaan karto Al- Shabaab.

Sidoo kale dowladda waxay u baahan tahay inay xiriir fiican oo aad u dhow la yeelato Shacabka Muqdisho, taasoo dowladda ka saacidi karto inay hesho xog iyo aqbaar fiican oo ku aadan halka ay Al-Shabaab qaraxyada kusoo diyaariyaan iyo meelaha lasoo marsiiyo.