Hay’adda Human Rights oo soo bandhigtay su’aalo ku xeeran baxsashada Janan

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya 28-kii bishii January shaacisay in uu Cabdirashiid Janan ka baxsaday xabsi ah ku hayeen, waxaa isasoo tareysay hadal-heynta ku saabsan sida ay arrintaas ku dhacday.

Mar uu Janan qudhiisa la hadlayay BBC-da wuxuu sheegay inay jiraan “dad ku caawiyay tallaabadaas”, laakiin uusan magacaabeynin.

Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha(Human Rights Watch) ayaa soo saartay warbixin ay diiradda ku saareyso su’aalo badan oo ku gadaaman baxsashada Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, oo loo yaqaanno “Cabdirashiid Janan”.

Warbixinta ayaa lagu soo bandhigay eedeymo ka dhan ah Janan iyo dhaliil loo jeediyay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Inkastoo dowladda Soomaaliya ay shegetay inuu ka baxsaday Cabdirashiid Jsanan, haddana waxay caddeysay inay ku howlan tahay dib usoo qabashadiisa.

Hay’adda Amnesty International, oo iyana safka hore uga jirta ururrada u dooda xuquuqda aadanaha, ayaa sidoo horay u muujisay walaaca ay ka qabtay baxsashada siyaasigan ku eedeysan dambiyada, iyadoo dalbatay in la xaqiiqiyo dib usoo xiristiisa.

Maamulka Jubbaland, oo dhankiisa sharci darro ku tilmaamay xarigga wasiirkooda amniga, ayaa soo dhaweeyay inuu xorriyaddiisa dib u helay.

Su’aalo badan

Human Rights Watch waxay qormada ku saabsan Cabdirashiid Janan ku soo bandhigtay su’aalo iyo Jawaabahooda macquulka ah.

Su’aalaha HRW, oo dhammaantood la xiriira sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya u maareysay xarigga Cabdirashiid Janan, waxaa ka mid ah:

Waligiis si rasmi ah dacwad ma loogu soo oogay? Maxay u jiri waysay tallaabo kale oo ay maxkamadda qaaddo, kaddib dhageysigii ugu horreeyay ee dacwaddiisa? Maxaa loogu hayay xabsi aan rasmi ahayn? Siduuse ku baxsaday?

Waxay hay’addu sheegtay in dhammaan su’aalahan ay u baahan yihiin baaritaan iyo jawaabo ku habboon.

Dowladda Soomalaiya wali wax war ah kama soo saarin hadalkan u dambeeyay ee ka sooo yeray hay’adda.

Human Rights Watch ayaa qormadeeda ku sheegtay in maxkamadeynta qof noocaas ah ay u baahan tahay farsamo sharciyeysan, khibrad iyo dad waayo aragnimo u leh kiisaska noocaas ah, iyadoo sheegtay in waxyaabahaas oo dhan aysan Soomaaliya lahayn xilligan.

Waxyaabaha kale ee aan laga heli karin Soomaaliya marka dacwad lasoo oogayo ayey ku qeexday jiritaan la’aanta hannaan khaas ah iyo ilaalinta dadka dhibbaneyaasha ah.

“Markhaatiyaasha iyo dhibbaneyaasha ayaan inta badan amnigooda la sugin, sidoo kalena waxaa khatar ku jira shaqaalaha waaxda caddaaladda”, ayaa lagu yiri warbixinta HRW.

Jawaabaha macquulka u ah Soomaaliya

HRW ayaa sheegtay inay jiraan waddooyin u furan dowladda Soomaaliya, haddii ay dhab ka tahay inay maxkamadeyso dadka la eedeynayo sida Cabdirashiid Janan.

Sida ay qormadeeda ku sheegtay hay’addu, Sanadkii lasoo dhaafay, dowladda federaalka Soomaaliya waxay magaalada caasimadda ah ka abuurtay maxkamad iyo xabsi. Waxay ujeeddada loo dhisay ahayd in lagula tacaalo dadka loo heysto falalka la xiriira kooxda hubeysan ee al-Shabaab, kuwaasoo laga soo weecinayo maxkamadaha milatariga, loona soo wareejinayo kuwa rayidka.

Taageradii ugu horreysay ee dhinaca beesha caalamka waxaa diiradda lagu saaray dhismaha awood caddaaladeed oo lagu wajaho dambiyada la xiriira dhinaca amniga iyo sidoo kale tababarista howl-wadeennada.

Dhanka kalena, xafiiska Madaxa Caddaaladda ee Soomaaliya wuxuu fadhi ku sameystay maxkamadaha racfaanka iyo maxkamadaha heerka gobol, si uu dacwado ugu qaado dadka galay dambiyada waaweyn.

Iyadoo ay intaasi jirta ayaa HRW waxa ku talisay “sidii loo dhisi lahaa qeybo khaas ah, khibrad ku dhisantahay, oo qabilsanaada islamarkaana baaritaan ku sameeya, dacwadona kusoo ooga dadka lagu tuhmo dambiyada dagaal, kuwa ka dhanka ah bani’aadannimada iyo waliba tacaddiyada kaleba”

“Tani waxay wax lagu farxo u ahaan lahayd dhibbaneyaasha iyo qoysaskooda, kuwaasoo arki lahaa kuwa la tuhunsan yahay, sida Cadirashid Janan, oo ugu dambeyn caddaaladda la horkeenay”, ayay sii raacisay HRW.

Kaalintii uu Janan ku lahaa Dagaalkii Beledxaawo

Wax yar kaddib markii uu Cabdirashiid Janan ka baxsaday xabsiga ay ku heysay Dowladda Soomaaliya, wuxuu hormuud ka ahaa dagaalkii ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ku dhex maray degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Mar uu BBC-da uga warramayay qaabkii uu xabsiga uga soo baxsaday, ayuu sheegay inuu ku sugnaa Beledxaawo uuna abaabulayay dagaal lagula wareego degmooyin ka tirsan Gedo.

Labadii bishan March ayey isku dhaceen ciidamo ka kala tirsan labada dhinac, kuwaasoo in muddo ah is horfadhiyay.

Dagaalkaas oo khasaare dhaliyay ayaa markii dambe kusoo gaba gaboobay in ciidamada dowladda federaalka ay la wareegeen magaalada iyo inta badan goobihii lagu dagaallamayay.

Dadaalka ku aaddan dib usoo qabashada Cabdirashiid Janan

Dolwadda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay inay aaminsan tahay in janan uu ku sugan yahay gudaha dalka Kenya.

Hay’adda caalamiga ah ee u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa dowladda Kenya ka dalbatay inay xirto Cabdirashiid Janan, kaddibna ku wareejiyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Amnesty ayaa sheegtay in Janan uu ku eedeysan yahay “xadgudubyo waaweyn” oo ka dhan ah xuquuqul-insaanka, loona baahan yahay “inuu caddaaladda Wajaho”.

Sidoo kale dowladda Federaalka Soomaaliya, oo dadaal ugu jirta dib usoo qabashada Cabdirashiid Janan ayaa codsatay in lo soo gacan galiyo.

Taliska booliska Soomaaliya oo war-saxaafadeed soo saaray 4-tii bishii February ayaa dowladda Kenya ka daladay inay usoo xiraan Jajan, waxayna sidoo kale codsi u direen booliska adduunka ee INTERPOL, kuwaasoo ay weydiisteen inay ka caawiyaan sidii dib loogu soo gacan galin lahaa.

Laakiin dowladda Kenya kama jawaabin labada dalab midna.

W/Q: Cabdishakuur Casoowe
BBC Somali