KASHIFAAD: Madaxii amniyaadka Al-Shabab oo lagu sii daayey $30,000

Muqdisho (Caasimada Online) – Toddobaad ka hor ayaa magaalada Muqdisho, waxaa lagu qabtay madaxii amniyaadka kooxda Al-Shabab, ee dhibaatada ka wadda magaalada caasimada ah.

Haddii aadan fahamsaneyn amniyaadka waxaa loola jeeda kooxda sirdoonka Al-Shabab, mana ahan oo kaliya sirdoon ee waa koox sidoo kale fulisa dilalka qorsheysan ee sida xowliga ah uga socda Muqdisho.

Madaxii amniyaadka koxoda Al-Shabab ayaa lagu qabtay howl gal ciidamada nabad sugidda ay ka fuliyeen Muqdisho, waxaana lagu xiray xabsi ay nabad sugidda ku leedahay Muqdisho, sida dad xog ogaal ah oo aan dooneyn in la magacaabo ay u sheegeen Caasimada Online.

Laba maalin un kadib markii ninkaasi oo loo yaqaan un Abu Ayman oo aan magaciisa runta ah la aqoon la xiray, ayaa durbaba laga waayey xabsiga.

Xubno ka tirsan hay’adda nabad sugidda oo aan dooneyn in la magacaabo, ayaa Caasimada Online u sheegay in Abu Ayman lagu sii daayey lacag dhan 30 kun oo dollar, oo ay qaateen xubno sare oo ka tirsa nabad sugidda.

Arrinta ayaa la sheegay inay ku lug lee yihiin sidoo kale madaxda hay’adda nabad sugidda gobolka Banaadir.

Sida ay Caasimada Online xogta ku heshay, waxaa arrintan iminka ka war haya dowladda, oo billowday baaritaan ku aadan, aadna u careysan.

Dhibaatadan musuq maasuqa ayaa in mudda ahba heysatay nabad sugidda Somalia, ayada oo la rumeysan in tiro ku dhow 90% lacag lagu sii daayo xubnaha Al-Shabab ee lagu qabto howl gallada Muqdisho, taasi oo ah sababta ay dhibaatada uga dhammaan la’dahay Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com