Madashada Xisbiyada Qaram oo hal xisbi ku midoobaya soona saaray 13 qodob ah

Saalax Saciid SabriyeBy Saalax Saciid Sabriye

Ankara (Caasimada Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya, oo ay ku midooobeen lix xisbi siyaadadeed ayaa waxaa ay war-murtiyeed ay uga hadlayaan arrimo dhowr ah kasoo saareen shir muddo shan cisho uga socdey magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

War-murtiyeedka oo ka kooban laba bog ayaa waxaa ay ku sheegeen in shirkooda uga hadleen caqabadaha amni iyo midka siyaasadeed ee xilligaan dalka ka jira, sidii xal loga gaari lahaa, kuwaas oo wiiqi kara dowladnimada mudada la soo dhisaayey.

War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay kadib wadatashi iyo talooyin badan in ay isku raaceen inay ku midoobaan hal xisbi siyaasadeed.

Si arrrintaas loo gaaro, war-murtiyeedka ayaa lagu xusay in la magacaabay guddiga farsamo oo howlahaan kusoo dhameystiro muddo 45 cisho gudahood.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa dalbaday in doorashada dalka ay ku dhacdo watigii loogu talogalay, oo aysan aqbali doonin waqti kororsi.

Sidoo kale, waxay dalbadeen in si shuruud la’aan ah ay isugu imaadaan dhammaan saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya, si looga tashto doorashada iyo marxaladaha uu marayo dalka.

Madashada xisbiyada ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin in ciidankii iyo dhaqaalihii loogu talo galay la-dagaalanka argagixisada loo adeegsado burburinta dowlad goboleedyada dalka ka jira, waxaana shacabka Soomaaliyeed ay ugu baaqeen inay u diyaar garoobaan madal dib u heshiisiineed.

Ugu dambeyntii Madasha ayaa sheegtay inay ka tacsiyeyneyso isla markaasna ay ka xun tahay dayac ay sheegtay in loo geystay ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Shabeellada Hoose,  kuwaas oo dhawaan khasaaro xoog leh ay u geysteen kooxda Al-Shabaab kadib markii laga qabsaday xiradii ay ku sugnaayeen lagana qaatay gaadiid iyo saanad ciidan.

Halkaan hoose ka akhriso war murtiyeedka oo dhameystiran