Mareykanka oo warbixin dhaawac culus ku ah DF ka soo saaray xaalada Somalia

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Washington (Caasimada Online) – Warbixin sanadle ah, oo ay wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka kasoo saartay xaaladda xuquuqda aadanaha Soomaaliya, ayaa eedeymo culus loogu jeediyey dowladda federaalka, si la mid ah kooxda Al-Shabaab.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya, Al-Shabaab iyo maleeshiyo beeleedyo ay ku kaceen xadgudubyo waa weyn oo xuquuqda aadanaha ka dhan ah, oo ay ku jiraan dilal ka baxsan sharciga oo ka dhan ah dad rayid ah.

Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale lagu eedeeyey mas’uuliyadda dad la waayey, jirdil, falal cadowtooyo, kuwa ka baxsan bani’aadannimada iyo dhaqan liidid ama ciqaab ah, si la mid ah maleeshiyada Al-Shabaab iyo maleeshiyo beeleedyo.

“Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada waxay geysteen xarigyo ay ka dambeyso siyaasad oo ay ku jiraan kuwa ka dhan ah suxufiyiinta,” ayaa lagu yiri warbixinta wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka.

Warbixinta ayaa sidoo kale dowladda ku eedeysay ficillo dhowr oo musuq-maasuq ah, xadidaadda iyo is-hortaagga in dadka ka qeyb galaan hanaanka siyaasadda iyo si qaldan ugu adeegsashada caruurta askar ahaan, si la mid ah maleeshiyada Ahlu-Sunna iyo maleeshiyo beeleedyada.

Dhanka kale, warbixinta ayaa si gaar ah ugu eedeysay Al-Shabaab iyo Ahlu-Sunna rabshado ka dhan ah haweenka iyo gabdhaha, taasi oo qeyb ahaan sabab looga dhigay ficil la’aanta dowladda federaalka ah.

Maleeshiyo beeleedyada iyo Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyey inay sii wadaan xadgudubyo waa weyn oo ka dhan ah xuquuqda aadana. Warbixinta ayaa si gaar ah Al-Shabaab ugu eedeysay inay fulisay xadgudubyad ugu darran xuquuqda adanaha ee ka dhacay gudaha Soomaaliya.

Haddii dooneyso warbixinta oo dhameystiran oo English, halkan ayaad ka heli kartaa. Warbixinta Mareykanka ee xaaladda Soomaaliya