Xog cusub: Maxay beesha caalamka u diideen ka qeyb galka furitaankii shirka magaalada Jowhar

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa shalay oo Talaado ahayd bishan Janaayo 12, 2016 ka furmay shirka maamul u sameynta Sh. Dhexe & Hiiraan. Shirkan oo uu furay madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa aad uga duwanaa shirarkii loo qabtay maamul u sameynta K. Galbeed iyo Galmudug.

Shirkan ayaa waxaa gebi ahaanba qaadacay ka soo qeyb galkiisa beesha caalamka iyo urur goboleedka IGAD.

Haddaba maxaa uu shirkan kaga duwanaa shirarkii hore?
1. Beesha Caalamka waxaa aay wel-wel badan ka qabtaa in uu mar labaad dhaco falalkii musuqmaasuqa ahaa ee lagu soo doortay Cabdikariin Guuleed oo illaa hadda aanan gacanta ku dhigan maamulka Galmudug.
2. Beesha Caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa shaki weyn ka qaba in mar labaad Xasan Sheekh uu musuqmaasuqa shirkan isagoo markaa looga cabsi qabo in uu saaxiibkii Faarax Cabdulqaadir uu madaxweyne uga dhigo Sh. Dhexe & Hiiraan.
3. Beesha caalamka, USA iyo EU ayaa kaga digay Madaxweyne Xasan Sheekh in Cabdulqaadir Cosoble uu madaxweyne ka noqdo Sh. Dhexe iyo Hiiraan. iyagoo u arka in uu yahay shaqsi ku xiran urur diimeedka Ictisaam oo lagu tiriyo in aay ku siyaasad yihiin Shabaab iyo Daacish.

Waxaa gebi ahaanba qaadacay shirka iyo kasoo qeyb galkiisa beesha Xawaadle oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalda Beledweyne. Waxaa adkaan doonta in Jowhar aay ka soo baxaan maamul mira dhal ah oo heshiis lagu wada yahay.

Guud ahaan dalka oo dhan ayaa waxaa qal-qal siyaasadeed geliyaya maamuladan ku meel gaarka ah ee sharciga aan ku dhisneyn. Waxaa la isku haystaa Galmudug, Koofur Galbeed oo laba ukala go’aday iyo Jubbaland oo dadkii degenaa xoog loogu keenay dad kale oo hadda iyaga gacanta ku haya maamulka isla markaasna gabood ka dhiganaya Itoobiya iyo Kenya.

Waxaa aad isu soo taraya hadal haynta in qaranimadii Soomaaliya aay faraha kasii baxeyso, waxaana loo badinayaa in dhawaan dalka oo dhami uu ka dhaco gadood shacab iyo bannaan baxyo lagu diidan yahay Federaalka, loogana soo horjeedo Itoobiya

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com