10 tuhmanayaal Al-Shabaab ahaa oo lagu xukumay Addis-Ababa

Addis Ababa – (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla dalka Ethiopia, ayaa shalay dambi ku heshay 10 qof oo lagu eedeeyay in ayaga oo caawimaad ka helaya kooxda Al-Shabab ay qorsheeyeen weeraro argagxiso, waxaana ay ku xukuntay xabsiyo u dhaxeeya 3 illaa 20 sano.

Dadka xukunka lagu riday waxaa ku jira Xasan Jarso oo ah Kenyan lagu eedeeyay inuu ahaa maskaxda weerarada oo lala damacsanaa bartilmaameedyo siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale.

Kooxda dambiga lagu helaya, ayaa sidoo kale ay isku dayay inay xerrooyin tababar ka sameeyaan gudaha Ethiopia ayna ku tababaraan xubno jihaad ka fuliya dalka Ethiopia, sida uu yiri afhayeenka wasaaradda cadaaladda Desalegn Teressa.

Lix ka mid ah dadka dambiga lagu helay ayaa ah kuwa aan gacanta lagu hayn, waxaana marka laga reebo Jarso ay dhammaantood yihiin Ethiopian.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay inay xabsi daa’in u raadin doonaan Xasan Jarso , oo sida ay sheegeen qirtay inuu yahay Al-Shabab.

Xukunkii dhacay Talaadadii shalay ayaa ka dambeeyay xariga 15 qof oo laba toddobaad ka hor la qabtay, ayada oo lagu tuhmayo inay yihin xubno ay soo tababartay kooxda Al-Shabaab.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Adis Ababa