24.7 C
Mogadishu
Sunday, July 26, 2026

DF oo war kasoo saartay duqeyn lagu laayay Shabaab badan kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah, taas oo ka dhacday gobolka Shabeellaha Dhexe, isla markaana lagu beesaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta oo ahayd bartilmaameed ayaa si gaar ah uga dhacday deegaannada Cadow Jilib, Gayfo iyo Qordheere ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyada oo khasaare lagu gaarsiiyay Khawaarijta, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay ugu yaraan illaa 26 ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kalena lagu burburiyay gaari Cabdi Bile ah iyo booyad shidaal u waday kooxda.

“Duqeymaha ayaa lagu dilay 26 dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab. Sidoo kale, waxaa lagu burburiyay gaari Cabdibile ah iyo booyad shidaal oo ay Khawaarijtu u adeegsanayeen dhaqdhaqaaqyadooda iyo fulinta falalka argagixisanimo,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Sidoo kale, Wasaaradda ayaa si weyn ugu mahadcelisay saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya kala shaqeeya la-dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada, maadaama ay ciidamada dowladda ka gacan siiyeen weerarkaasi.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka ay ku baacsanayaan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab, laguna wiiqayo awooddooda abaabul iyo fulinta weerarrada argagixisanimo.

Dhanka kale, Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab, ilaa laga ciribtiro khatarta ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Maalmihii u dambeeyay dowladda Soomaaliya ayaa kordhisay weerarrada ka dhanka ah argagixisada, waxaana sidoo kale socda diyaar garow ku aaddan dagaal cusub oo uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Muxuu Mareykanka ka yiri xadgudubka calankiisa loogu gaystay Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horreysay ka hadashay rag watay dareeska Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliya, kuwaas oo la arkay iyaga oo ku xadgudbaya calanka Mareykanka.

Bayaan kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu bogaadiyay tallaabada deg-degga ah ee ay qaaday dowladda Soomaaliya oo durbaba lagu soo xiray eedeysanayaal loo haysto falkaasi.

“Shakhsiyaadka falalkaas ku lugta leh ee isku dayaya inay dhaawacaan xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka waxay dhibaato u geysanayaan shacabka Soomaaliyeed, waana in lala xisaabtamaa,” ayaa lagu yiri qoraalka Mareykanka.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in Mareykanka uu dhaqaale badan ku bixiyay dib u dhiska Soomaaliya, gaar ahaan sidii Ciidamada Xoogga Dalka usoo kaban lahaayeen.

Hadalka kasoo yeeray Mareykanka ayaa kusoo aadaya, iyada oo maanta  Dowladda Federaalka ay soo bandhigtay afar eedeysane oo loo haysto inay ku xadgudbeen calanka Mareykanka, iyaga oo xiran dareeska Ciidamada Xoogga.

Raggaas ayaa muuqaal ku baahiyay baraha bulshada, iyaga oo ku istaagayo calanka Mareykanka, taas oo ay ka dhalatay falcelin aan caadi aheyn.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa waxaa lagu sheegay in eedeysanayaasha ay gacanta ku jiraan, isla markaana laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan, waxayna kala yihiin;-

1-Cabdikhadar Mahad Cumar oo 22 sano jir ah, 2-Maxamed Raage Xuseen oo 16 sano jir ah, 3-Muudey Faysal Muudey oo 17 sano jir ah iyo 4-Maxamed Amiin Qaasim Muuse oo 15 sano jir ah.

“Dhammaan shakhsiyaadkii ku lugta lahaa falkii lagu xadgudbay dareyska Ciidanka Qaranka iyo calanka Mareykanka ayaa gacanta lagu soo dhigay. Wasaaradda Gaashaandhigga waxay ka digaysaa in aan loo dulqaadan doonin fal kasta oo lagu dhaawacayo sharafta iyo sumcadda Ciidanka Qaranka,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Wasaaradda ayaa shaacisay in aan loo dulqaadan doonin fal kasta oo lagu dhaawacayo sharafta iyo sumcadda Ciidamada, isla markaana lala xisaabtami doono cid kasta oo sameysa xadgudub noocaan oo kale ah.

Muxuu Muungaab kala hadlay Duqa Magaalada St. Louis Park? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Duqa Magaalada St. Louis Park, Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, Marwo Nadia Mohamed oo haatan booqasho ku joogta dalka.

Labada mas’uul ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Muqdisho iyo St. Louis Park, is-weydaarsiga khibradaha maamulka dowladaha hoose, horumarinta adeegyada bulshada, iyo kobcinta wada-shaqeynta.

Guddoomiye Muungaab oo si diirran u soo dhaweeyay Nadia Mohamed, ayaa ku bogaadiyay guusha taariikhiga ah ee ay gaartay, taas oo ka dhigtay haweeneydii ugu horreysay ee Soomaaliyeed, Muslimad iyo Madow ah ee loo doorto xilka Duqa Magaalada St. Louis Park.

Sidoo kale Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in guushaasi ay tahay mid dhiirrigelin u ah dhammaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada iyo haweenka, isla markaana ay muujinayso kartida iyo kaalinta sii kordheysa ee ay Soomaalidu ku leeyihiin hoggaaminta iyo adeegga bulshada.

Dhankeeda, Marwo Nadia ayaa uga mahadcelisay Duqa Magaalada Muqdisho soo dhaweynta iyo martigelinta uu u sameeyay, iyadoo bogaadisay dadaallada ay Dowladda Hoose ee Muqdisho ku horumarinayso adeegyada bulshada, bilicda magaalada iyo dib-u-dhiska Caasimadda.

Waxaa kale oo ay muujisay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada magaalo.

Nadia Mohamed ayaa horay ula kulantay madaxda sare, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay u sheegtay inay ka go’an tahay xoojinta xiriirka, dhiirrigelinta iskaashiga iyo taageeridda dadaallada lagu horumarinayo Soomaaliya, iyada oo tilmaantay in ay lama filaan ku noqotay amniga iyo horumarka ka socda caasimadda dalka ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba, Nadia ayaa sidoo kale kulamo dadweyne ka wadda caasimada, iyadoo la kulmeyso qaybaha kala bulshada, sida ardeyda jaamacadaha.

 

Senator Lindsay Graham: Taageerihii xasuuqa Gaza iyo saaxibkii Israel oo geeriyooday

Washington (Caasimada Online) Senator-ka Mareykanka Lindsey Graham, oo ka mid ahaa siyaasiyiinta Washington sida weyn ugu ololeeya Israel, isla markaana muddo dheer ku baaqayay in awood militari loo adeegsado Iran, ayaa geeriyooday kaddib xanuun kooban oo kedis ah, sida uu xafiiskiisu sheegay Axaddii.

Graham, oo 71 jir ahaa, ayaa geeriyooday habeenkii Sabtida, 11-kii July, wax yar kaddib markii uu kasoo laabtay Ukraine, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweyne Volodymyr Zelensky. Waxay ahayd booqashadiisii tobnaad ee uu ku tago Ukraine tan iyo markii Ruushku qaaday duullaankiisa ballaaran sannadkii 2022.

Xafiiskiisa ma uusan shaacin nooca xanuunka sababay geeridiisa.

“Qoyska Senator Graham waxay ka mahadcelinayaan ducooyinka, waxayna codsanayaan in loo tixgeliyo gaar ahaanshahooda xilligan aadka u adag,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa Graham ku tilmaamay qof “la mid ah xubin qoyska ka tirsan”, isaga oo sheegay in senator-ku uu telefoon kula hadlay markii uu kasoo laabtay Ukraine.

“Wuxuu u muuqday in yar oo daallan, laakiin xaaladdiisu waxay u muuqatay mid wanaagsan,” ayuu Trump u sheegay barnaamijka Meet the Press ee NBC.

Taageerid Israel oo aan shuruud lahayn 

Graham wuxuu Congress-ka Mareykanka ka tirsanaa in ka badan 30 sano, balse sanadihii ugu dambeeyay waxaa sumcaddiisa si gaar ah u qeexay taageerada aan shuruudda lahayn ee uu siin jiray Israel iyo hawlgalladeeda militari ee Gaza iyo Iran.

Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa Graham ku tilmaamay “mid ka mid ah saaxiibbadii ugu waaweynaa ee Israel”, hadalkaas oo muujinaya xiriirka dhow ee ka dhexeeyay senator-ka iyo dowladda Israel.

Kaddib weerarkii Xamaas hoggaamineysay ee 7-dii October 2023, Graham wuxuu si joogto ah u difaacay dagaalka Israel ka wadday Gaza, xilli ay kordhayeen dhimashada rayidka, barakaca iyo burburka baaxadda leh ee dhulka Falastiiniyiinta.

Markii la weydiiyay dhammaadkii 2023 in ay jirto tiro dhimasho rayid ah oo ku qasbi karta Mareykanka inuu dib uga fiirsado taageeradiisa Israel, Graham wuxuu ku jawaabay in aysan jirin “xad”, inkastoo uu sheegay in Israel ay ku dadaasho yareynta khasaaraha rayidka.

Wuxuu sidoo kale si adag uga hor yimid go’aankii maamulkii Madaxweyne Joe Biden uu muddo kooban ku hakiyay qaar ka mid ah hubka culus, sababo la xiriiray walaaca laga qabay weerar ballaaran oo Israel ku qaaddo magaalada Rafah.

Graham wuxuu ku dooday in Israel la siiyo bambooyinka ay dalbaneyso, isaga oo dagaalka Gaza barbar dhigay duqeymihii nukliyeerka ahaa ee Mareykanku ku burburiyay magaalooyinka Hiroshima iyo Nagasaki dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka, islamarkaana sidaas oo kale la yeelo Gaza.

“Markii dalkeenna uu wajahay burbur kaddib Pearl Harbor, waxaan go’aansannay inaan dagaalka kusoo afjarno duqeyntii Hiroshima iyo Nagasaki,” ayuu yiri wareysi uu bixiyay bishii May 2024.

Wuxuu intaas ku daray in Israel loo oggolaado inay sameyso wax kasta oo ay u aragto inay lagama maarmaan u yihiin badbaadadeeda, isaga oo ku baaqay in Washington ay siiso “bambooyinka ay u baahan tahay”. Hadalladaas waxay dhaliyeen cambaareyn xooggan, waxaana dadka dhaliilay ay ku eedeeyeen inuu caadiyeynayo burburinta baaxadda leh ee rayidka.

Graham wuxuu sidoo kale saadaaliyay in Israel ay Gaza xoog kula wareegi doonto, isaga oo ololahaas la barbar dhigay burburintii iyo qabsashadii Jarmalka iyo Japan ee xulafadu sameeyeen Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Waxa uu hormuud ka ahaa dadaalladii lagu ciqaabayay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah, markii dacwad-oogaha maxkamaddu uu tallaabooyin ka qaaday Netanyahu iyo saraakiil kale oo Israel ah oo loo haystay dambiyo dagaal. Graham wuxuu sidoo kale ka hor yimid hindisayaal Senate-ka la horgeeyay oo lagu doonayay in lagu hakiyo hubka Mareykanku u diro Israel.

Bishii September 2025, guddiga madaxa-bannaan ee baaritaanka Qaramada Midoobay wuxuu ku soo gabagabeeyay in Israel ay xasuuq ka geysatay Gaza. Amnesty International ayaa horey u gaartay gunaanad la mid ah.

Israel waxay eedeymahaas ku tilmaantay kuwo been ah oo siyaasadeysan, halka dacwadda xasuuqa ee Koonfur Afrika ka gudbisay Israel ay weli hortaallo Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, oo aan weli gaarin xukun kama dambeys ah.

Inkastoo eedeymahaas iyo khasaaraha rayidka ay sii kordhayeen, Graham wuxuu sii ahaa mid ka mid ah difaacayaasha ugu codka dheer ee Israel ku lahayd Washington.

U ololeeyihii ugu weynaa dagaalka Iran

Senator-ka ayaa sidoo kale caan ku ahaa mowqifkiisa adag ee Iran. Muddo sanado ah wuxuu ku doodayay in wada-hadalka iyo cunaqabateynta dhaqaale aysan ku filneyn joojinta barnaamijka nukliyeerka Tehran.

Wuxuu taageeray weerarradii Israel iyo Mareykanka ku qaadeen xarumaha nukliyeerka iyo militariga Iran, wuxuuna Congress-ka ka noqday mid ka mid ah dadka ugu xooggan ee taageera fidinta dagaalka intii lagu jiray muddo-xileedkii labaad ee Trump.

Graham wuxuu ku tilmaamay qalalaasaha siyaasadeed ee Iran “xilligii Darbiga Berlin”, isaga oo ku baaqay in Mareykanku gacan ka geysto ridista nidaamka Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Wuxuu mar dambe soo jeediyay in hub la siiyo shacabka Iran, qorshahaas oo uu ku tilmaamay “xalka Qodobka Labaad”, isaga oo ula jeeday qodobka dastuurka Mareykanka ee ilaalinaya xaqa hub-qaadashada.

Mowqifyadaas waxay Graham nacayb xooggan uga abuureen Iran iyo qaybo badan oo Bariga Dhexe ah, laakiin waxay sii xoojiyeen xiriirkii uu la lahaa Netanyahu iyo madaxda kale ee Israel oo u arkayay saaxiibkooda ugu kalsoonida badan ee Washington.

Dhaliile Trump oo noqday saaxiib dhow

Graham wuxuu Senate-ka galay sannadkii 2003, kaddib siddeed sano oo uu xubin ka ahaa Aqalka Wakiillada. Wuxuu ahaa qareen hore oo ka tirsanaa ciidamada cirka Mareykanka, waxaana siyaasaddiisa dibadda saldhig u ahaa taageerada faragelinta militari iyo xulafada Mareykanka, gaar ahaan Israel, NATO iyo Ukraine.

Intii lagu jiray tartankii madaxtinimada Jamhuuriga ee 2016, Graham wuxuu si adag u dhaliilay Trump, isaga oo ku tilmaamay inuusan u qalmin xilka madaxweynaha, kuna cambaareeyay weerarradii uu ku qaaday saaxiibkiis Senator John McCain.

Hase yeeshee, markii Trump uu ku guuleystay madaxtinimada, Graham wuxuu isu beddelay mid ka mid ah difaacayaashiisa ugu daacadsan. Wuxuu garab istaagay Trump labadii dacwadood ee xil-ka-qaadista, wuxuuna dib ugu laabtay taageeradiisa kaddib markii uu muddo kooban uga fogaaday weerarkii 6-dii January 2021 lagu qaaday xarunta Congress-ka.

Muddadii labaad ee Trump, Graham wuxuu noqday la-taliye joogto ah oo arrimaha Israel, Iran, Ruushka iyo Ukraine ah, isaga oo kamid ahaa siyaasiyiinta Mareykanka ee sida ugu xooggan ugu ololeeya adeegsiga awoodda militari ee dibadda.

Geeridiisu waxay bannaaneeysay kursiga South Carolina xilli uu isu diyaarinayay inuu markale u tartamo doorashada November, waxayna Washington ka saartay mid ka mid ah siyaasiyiintii ugu saameynta badnaa ee taageeri jiray dagaallada iyo faragelinta militari ee Mareykanka.

Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay raggii calanka Mareykanka ku xadgudbay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay afar eedeysane oo loo haysto inay ku xadgudbeen calanka Mareykanka, iyaga oo xiran dareeska Ciidamada Xoogga Dalka.

Raggan ayaa muuqaal ku baahiyay baraha bulshada, iyaga oo ku istaagayo calanka Mareykanka, taas oo ay ka dhalatay falcelin aan caadi aheyn.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in falkaas uu ka hor imaanayo anshaxa iyo xifradda ciidamada, sidoo kalena uusan ka tarjumeyn aragtideeda, maadaama haatan ay xiriir wanaagsan la leedahay dowladda Mareykanka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa waxaa lagu sheegay in eedeysanayaasha ay gacanta ku jiraan, isla markaana laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan, waxayna kala yihiin;-

1-Cabdikhadar Mahad Cumar oo 22 sano jir ah, 2-Maxamed Raage Xuseen oo 16 sano jir ah, 3-Muudey Faysal Muudey oo 17 sano jir ah iyo 4-Maxamed Amiin Qaasim Muuse oo 15 sano jir ah.

Sidoo kale, Wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday in aan loo dulqaadan doonin fal kasta oo lagu dhaawacayo sharafta iyo sumcadda Ciidamada Qalabka Sida.

“Dhammaan shakhsiyaadkii ku lugta lahaa falkii lagu xadgudbay dareyska Ciidanka Qaranka iyo calanka Mareykanka ayaa gacanta lagu soo dhigay. Wasaaradda Gaashaandhigga waxay ka digaysaa in aan loo dulqaadan doonin fal kasta oo lagu dhaawacayo sharafta iyo sumcadda Ciidanka Qaranka,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Bayaankan waxaa ka horreeyay mid kale oo ay Sabtidii dowladda Soomaaliya ku sheegtay inay aad uga xun tahay dhacdada, iyada oo tilmaantay in ay si weyn u qadarinayso iskaashiga muddada dheer kala dhexeeya Maraykanka, ayna ilaalineyso xiriirka ka dhexeeya xukuumadaha Muqdisho iyo Washington.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka waa wayn ee taageerada siiya Soomaaliya, iyada oo bayaanka lagu xusay doorkiisa ku aadan la dagaallanka Al-Shabaab.

“Wadashaqeyntaas ayaa door muhiim ah ka qaadatay la dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish (ISIS), iyo xoojinta hay’adaha amniga Soomaaliya. Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay mar kale caddeynaysaa ixtiraamka ay u hayso shacabka iyo calanka Maraykanka, iyo sidoo kale iskaashiga waara ee ka dhexeeya labada dal” ayaa lagu yiri qoraal ay shalay soo saartay dowladda.

DF oo shaacisay billaabista qodista shidaalka ceelka Holhol iyo shirkad loo xilsaaray

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay qorsheynayso in si rasmi ah loo bilaabo qodista shidaalka ee ceelka Holhol ee deegaannada Waqooyi Bari, kadib heshiis ay la gashay shirkad Soomaaliyeed oo loo xil-saaray sahaminta iyo qodista ceelkaas.

Ceelka Holhol, oo ka mid ahaa ceelashii ay sahmisay dowladdii Kacaanka ayaa noqonaya ceelka labaad ee shidaal laga soo saaro kadib ceelka Curad ee Galmudug, kaas oo loo xil-saaray dowladda Turkiga.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Maxamed Xaashi Carabeey oo hadal ka jeediyay magaalada Laascaanood ayaa sheegay in shirkaddaasi la filayo inay dhawaan billowdo howlaha sahaminta iyo qodista, isagoo xusay in mashruucu uu qeyb ka yahay qorshaha dowladda ee lagu horumarinayo ka faa’iideysiga kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

Agaasime Carabeey ayaa tilmaamay in bulshada deegaanka ay si toos ah uga faa’iideysan doonto mashruuca, isaga oo sheegay in la abuuri doono fursado shaqo iyo koboc dhaqaale oo la xiriira howlaha sahminta iyo qodista shidaalka.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in gobollada Sool iyo Sanaag ay ka mid yihiin meelaha ugu qanisan macdanta Soomaaliya, balse ay ka jirto qodis sharci-darro ah oo loo baahan yahay in lagu beddelo nidaam sharciyeysan oo lagu maamulo kheyraadka dalka.

Carabeey ayaa xusay in Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ay diyaarisay hindise sharciyeed lagu maamulayo macdanta, kaas oo la horgeyn doono Baarlamaanka Soomaaliya marka uu dib u furmo, si loo helo hannaan sharci oo mideysan.

Si kastaba, haddii lagu guuleysto in si hufan loo maamulo soo saarista kheyraadka dabiiciga ah, Soomaaliya waxay fursad u heli kartaa inay ka gudubto caqabadaha dhaqaale iyo horumar la’aanta. Hase yeeshee, haddii lagu guuldarraysto maamul wanaaggiisa, waxaa suuragal ah in dalku wajaho khilaafyo iyo colaad kheyraad oo hor leh.

Carruur Soomaali ah oo halis ku wajahaya Minnesota kadib muuqaal uu baahiyey Trump

Minneapolis (Caasimada Online) – Hoggaamiyeyaasha Soomaalida, Muslimiinta iyo ururrada xuquuqda madaniga ah ee gobolka Minnesota ayaa si kulul u cambaareeyey muuqaal uu madaxweyne Donald Trump ku faafiyey bartiisa Truth Social, kaas oo muujinaya carruur Soomaali iyo Muslimiin ah oo u dabaaldegaya qalin-jabintooda fasalka xannaanada.

Muuqaalka oo soconaya 14 ilbiriqsi ayaa laga duubay munaasabad ka dhacday Gateway STEM Academy, oo ah dugsi charter ah oo ku yaalla magaalada St. Paul. Carruurta ayaa xirnaa koofiyado iyo khamiisyo buluug ah oo qalin-jabin, halka gabdhaha qaarkood ay xijaab xirnaayeen.

Muuqaalka waxaa markii hore baahiyey Somali TV of Minnesota, oo tabinayey xafladaha dhammaadka sannad-dugsiyeedka ee dugsiyada ay dhigtaan carruurta Soomaalida.

Trump ayaa muuqaalka laba jeer ku baahiyey Truth Social Isniintii. Markii hore wax faallo ah kuma uusan darin, balse markii labaad wuxuu raaciyey qoraal ka yimid akoon lagu magacaabo “End Wokeness”, kaas oo yiri: “Dugsi dadweyne oo ku yaalla St. Paul, Minnesota. Gabadh kasta waxay xiran tahay xijaab — iyaga oo weliba ku jira fasalka xannaanada.”

Inkasta oo Trump uusan si toos ah u sharxin sababta uu muuqaalka u faafiyey, hoggaamiyeyaasha bulshada ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka uu awooddiisa iyo taageerayaashiisa u adeegsaday inuu carruur yar yar ka dhigo bartilmaameed dood siyaasadeed iyo naceyb diimeed.

Golaha Xiriirka Mareykanka iyo Islaamka ee CAIR iyo laantiisa Minnesota ayaa sheegay in tallaabada Trump ay halis gelin karto carruurta muuqaalka ka soo muuqatay iyo guud ahaan dugsigooda.

“Madaxweyne Trump wuxuu madashiisa caalamiga ah u adeegsaday inuu sii faafiyo naceybka Muslimiinta, isaga oo bartilmaameedsanaya carruur dhigata dugsi hoose,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen labada hay’adood.

CAIR waxay sheegtay in hadallada ama fariimaha naceybka ah ee ka yimaada hoggaamiye siyaasadeed ay dhiirrigelin karaan dadka doonaya inay weeraraan bulshooyinka laga tirada badan yahay.

Ururka Somali American Partnership ayaa isna sheegay in carruurta Soomaalida aan loo adeegsan karin hurinta cabsi iyo kala-qeybsanaan.

“Soomaali-Mareykanku waxay qeyb muhiim ah ka yihiin taariikhda, nolosha maanta iyo mustaqbalka Minnesota,” ayuu ururku yiri.

“Carruurteennu waxay mudan yihiin in lagu aqoonsado kartidooda, halkii loo adeegsan lahaa hurinta naceybka Muslimiinta iyo dadka soo-galootiga ah.”

Guddoomiyaha gobolka Minnesota Tim Walz ayaa sidoo kale Trump ku eedeeyey inuu weeraray carruurta sababo la xiriira dharkooda.

“Madaxweynaha Mareykanka wuxuu weerarayaa koox carruur ah oo ku jirta fasalka xannaanada, sababtoo ah dharka ay dugsiga u xirnaayeen,” ayuu Walz ku qoray barta X.

‘Carruurta waa khad cas’

Hoggaamiyeyaal Muslimiin, Masiixiyiin iyo Yuhuud ah ayaa Arbacadii shir jaraa’id ku qabtay xarunta ganacsiga Karmel Mall ee Minneapolis, halkaas oo ay kaga digeen saameynta ay hadallada noocan ahi ku yeelan karaan carruurta iyo amniga bulshada.

Imaam Yuusuf Cabdulle, oo ah agaasimaha Islamic Association of North America, ayaa sheegay in carruurta Muslimiinta ahi ay xaq u leeyihiin inay ogaadaan inay si buuxda uga tirsan yihiin Minnesota iyo Mareykanka.

“Waa inaan carruurteenna loo sheegin inaysan dalkooda ka tirsaneyn dharka ay xiran yihiin awgiis,” ayuu yiri.

Malika Dahir, oo hoggaamisa ururka Reviving Sisterhood, ayaa sheegtay in carruurtu aysan ahayn calaamado ay siyaasiyiintu u adeegsan karaan doodahooda.

“Carruurtu waa inay noqdaan khadkeenna cas. Ma aha astaamo la adeegsan karo; waa carruur u baahan in lagu ilaaliyo hadalladeenna iyo ficilladeenna,” ayay tiri.

Maamulka Gateway STEM Academy ayaa ka gaabsaday inuu si toos ah uga jawaabo Trump, balse agaasimaha dugsiga Mohamed Ahmed wuxuu sheegay in mudnaanta koowaad ay tahay daryeelka iyo badqabka ardayda, qoysaskooda iyo shaqaalaha.

Wuxuu sheegay in dugsigu sii wadi doono abuurista jawi waxbarasho oo ammaan ah, ardaydana ku dhiirrigeliya kalsooni, iskaashi iyo inay gaaraan awooddooda buuxda.

Cabsi soo noqnoqotay

Murankan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Soomaalida Minnesota ay muddooyinkii dambe sheegeen inay wajahayaan hadallo siyaasadeed oo isa soo taraya, kuwaas oo la xiriirinaya Soomaalida dembiyo, musuq iyo soo-galooti sharci-darro ah.

Trump ayaa bishii December Soomaalida ku tilmaamay “qashin”, isagoo sidoo kale sheegay in Minnesota ay Soomaalidu ka dhigeen “meel halaag ah”. Hadalladaas ayaa markaas cambaareyn kala kulmay Walz, ururrada xuquuqda iyo hoggaamiyeyaasha Soomaalida.

Deegaanka Minneapolis–St. Paul waxaa ku nool tobannaan kun oo qof oo asal ahaan Soomaali ah, kuwaas oo muddo dheer qeyb muhiim ah ka ahaa dhaqaalaha, siyaasadda iyo nolosha bulshada Minnesota.

Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta ayaa sheegay in cabsidoodu aysan ku salaysneyn hadallo keliya.

Bishii May, nin ay boolisku sheegeen inuu watay laba mindi ayaa lagu xiray bannaanka masaajid ku yaalla Lakeville, kaddib markii shaqaalaha masaajidku sheegeen inuu dhaqmayey si laga shakiyey.

Dhacdadaas ayaa timid xilli ay bulshooyinka Muslimiinta Mareykanka ka walaacsanaayeen weerarro iyo hanjabaado ka dhan ah masaajidda iyo xarumaha Islaamiga ah.

Jaylani Hussein, agaasimaha CAIR-Minnesota, ayaa hore u sheegay in muddo saddex sano ah gobolka laga diiwaangeliyey in ka badan 40 dhacdo oo isugu jira gubid, burburin iyo qalqal lagu sameeyey masaajidda, kuwaas oo sababay khasaare ka badan saddex milyan oo dollar.

Hoggaamiyeyaasha bulshada ayaa hadda ku baaqaya in carruurta laga fogeeyo dagaallada siyaasadda, iyaga oo sheegay in qof kasta oo haysta madal dadweyne, gaar ahaan madaxweynaha dalka, ay waajib ku tahay inuu carruurta ilaaliyo halkii uu khatar gelin lahaa.

Cabsi weyn oo soo wajahday Al-Shabaab kadib amarkii madaxweyne Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya ayaa waxaa haatan soo wajahday cabsi xooggan, kadib amarkii kasoo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh oo maalmo kahor ku dhawaaqay in Ciidamada Qalabka Sida ay qaadayaan dagaal kama dambeys ah oo dalka looga ciribtirayo cadowga Khawaarijta ah.

Maleeshiyaada kooxda oo culays badan wajahaya ayaa haatan bilaabay inay isku soo dhiibaan Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan furimaha dagaalka.

Maalmihii lasoo dhaafay dhowr Horjooge oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay dowladda, iyagoo sheegay inay soo wajahday cabsi badan, sida ay shaacisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

Sidoo kale, waxay xubnaha soo goostay sheegeen in markii horaba ay la kulmi jiray weerarrada iyo duqeymaha Ciidamada Qaranka iyo saaxibada caalamiga ah oo ay u dheeraayeen duruufaha adag ee duurka ku heysta Khawaarijta.

Meelaha ay iska soo dhiibeen xubnaha soo gacan galay ayaa waxaa kamid ah deegaanada Mubaarak, Buulomareer iyo Jilib-marka ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay sidoo kale gaabiga ku hayaan ciidamada dowladda.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Madaxweynaha Soomaaliya uu Toddobaadkii Xoriyadda markale cafis u fidiyey qofkii kasoo hara fikirka guracan ee argagixisada ee isku soo dhiiba dowladda, dibna ugu soo laabta dadkiisa, isaga oo mar kale iclaamiyay dagaal kama dambeys ah.

“Dowladda Soomaaliya waxay qaadi doontaa guluf dagaal oo kama dambeys ah, kaas oo dalka looga saarayo Khawaarijta, dadka Soomaaliyeedna dhawaan ayaan la wadaagi doonnaa qorshahaas,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Tan iyo markii uu soo baxay amarka Madaxweynaha waxaa sidoo kale dhaq-dhaqaaq cidian iyo isku dabarid bilaabay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidamada Xoogga Dalka oo tegay furimaha hore ee dagaalka.

Soomaaliya iyo dalal dhowr ah oo dhambaal u direy amiirka Qatar kadib geeridii ku timid…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeysay geerida amiirkii hore ee dowladda Qatar, Sheekh Hamad Bin Khalifa Al Thani oo maanta geeriyooday. Dhambaalka tacsida ayaa si gaar ah loogu diray Amiirka Qatar, Sheekh Tamim Bin Hamad Al Thani oo uu ahaa aabbihii.

War-saxaafadeed kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu ammaanay kaalintii uu Sheekh Hamad ka qaatay horumarinta Qatar iyo taageerada uu u fidiyay dalal badan oo caalamka ah. Sidoo kale, Dowladda Federaalka ayaa tacsi iyo samir u rajeysay qoyska, shacabka iyo dowladda Qatar.

Geerida Sheekh Hamad kadib, waxaa isa soo tarayay dhambaallada tacsida ee ka imanayay madaxda caalamka, iyadoo hoggaamiyeyaal badan ay farriimo tacsi ah u direen dowladda Qatar.

Waxa kale oo la filayaa in madax kala duwan ay u safraan magaalada Dooxa si ay uga qayb-galaan aaska iyo saxiixa buugga tacsida ee loo furayo marxuumka.

Sheekh Hamad Bin Khalifa Al Thani ayaa Qatar hoggaaminayay intii u dhexeysay 1995 illaa 2013. Intii uu talada hayay, wuxuu hormuud ka noqday isbeddello waaweyn oo dalkaas ka hirgalay, kuwaas oo sare u qaaday doorka Qatar ee gobolka iyo caalamkaba. Sannadkii 2013 ayuu si iskiis ah xilka ugu wareejiyay wiilkiisa, Amiir Tamim Bin Hamad Al Thani.

Dhanka kale, dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqday afar maalmood oo baroordiiq qaran ah oo ka bilaabanaysa maanta, iyadoo calanka dalka hoos loo dhigay. Dowladda ayaa sidoo kale wada qaban-qaabada aaska rasmiga ah ee loo sameynayo amiirkii hore.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda magaalada Doha ay gaaraan madax iyo wufuud ka kala socota dalal badan oo caalamka ah, kuwaas oo ka qayb-geli doona aaska Sheekh Hamad Bin Khalifa Al Thani, isla markaana tacsi u gudbin doona hoggaanka iyo shacabka Qatar.

Somaliland: Xilkii guddoomiye Saleebaan baneeyay oo la buuxiyay – Yaa loo doortay?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland oo maanta xarunta golaha ee magaalada Hargeysa ku yeeshay kalfadhi aan caadi ahayn ayaa doortay guddoomiyaha cusub ee golaha kadib markii uu saaka xilkii iska casilay Saleebaan Maxamuud Aadan oo muddo 22 sano ah soo hoggaaminayay golaha

Kadib markii golaha uu ansixiyey is-casilaadda guddoomiyihii hore waxa si rasmi ah loogu dhawaaqay musharraxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, kuwaas oo kala ahaa:

  1. Xildhibaan Muuse Xaaji Cabdi Ducaale
  2. Xildhibaan Sahal Iidle Dirir
  3. Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan

Markii musharraxiinta la siiyey fursad ay golaha uga jeediyaan hadalladooda, Xildhibaan Sahal Iidle Dirir ayaa ku dhawaaqay inuu si rasmi ah uga tanaasulay musharraxnimadiisii.

Sidoo kale, Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan, markii la siiyey fursad uu hadal u jeediyo golaha, waxa uu soo jeediyey in doorashada guddoomiyaha golaha dib loo dhigo si loo sii wado wada-tashiyada. Intaas kadib, Ismaaciil ayaa isaguna si rasmi ah uga tanaasulay musharraxnimadiisii.

Sidaas darteed, Xildhibaan Muuse Xaaji Cabdi Ducaale ayaa noqday musharraxa keliya ee u taagnaa xilka guddoomiyaha Golaha Guurtida, kaas oo sida muuqata loo waday kursiga.

Mudaneyaasha Golaha Guurtida ayaa si wadajir ah ugu codeeyay in loo doorto Guddoomiyaha Golaha Guurtida, iyadoo aan wax diidmo ah laga muujin.

Sidaas darteed Xildhibaan Muuse Xaaji Cabdi Ducaale ayaa si rasmi ah loogu doortay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, isaga oo helay kalsoonida iyo taageerada dhammaan Mudaneyaasha golaha ee fadhiga joogay.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland oo is-casilay

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa saaka ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka guddoomiyenimada Golaha Guurtida, taas oo uu ku shaaciyay fadhi aan caadi ahayn oo goluhu yeeshay.

Go’aanka Saleebaan ayaa imanaya kadib in ka badan 22 sano oo uu hoggaaminayay Golaha Guurtida Somaliland, iyadoo is-casilaaddiisa uu ku sababeeyay duruufo shaqsiyeed, oo ay ugu horreyso da’da.

“Waan daalay, da’ ayaa gaaray. Haddii maskaxdu joogtana muruqii ayaa maqan oo tallaabadeydu way gaabinaysa. Marka inta xasuustu tagin, waxaa isleeyahay ha ka gaadhsiisid. Odeyaal, waxaan idinka codsanayaa in wanaaggii hore iigu dartaan oo maanta i fasaxdaan. Is-casilaaddiina waan saxiixayaa,” ayuu yiri Saleebaan Maxamuud Aadan.

Saleebaan Maxamuud Aadan oo 92 jir ah ayaa xilka guddoomiyaha Golaha Guurtida hayay tan iyo sannadkii 2004, waxaana lagu tiriyaa siyaasiyiinta ugu muddada dheer ee xil sare ka soo qabtay Somaliland.

Sababta ugu weyn ee xilka uu uga degayo ayaa ah da’diisa oo sii korortay iyo rabitaankiisa ah inuu ka nasto mas’uuliyadda culus ee uu muddada dheer soo hayay.

Muddadii uu hoggaaminayay Golaha Guurtida, Saleebaan wuxuu door muuqda ka qaatay xallinta khilaafaadka siyaasadeed iyo fududeynta wada-hadallada u dhexeeya dhinacyada siyaasadda Somaliland. Taageerayaashiisu waxay ku ammaanaan kaalintii uu ka qaatay ilaalinta xasilloonida iyo dejinta xiisadaha siyaasadeed ee soo noq-noqday.

Saleebaan iyo Golaha Guurtida ayaa sannado badan wajahayay dhaliilo uga imanayay xisbiyada mucaaradka, ururrada bulshada rayidka ah iyo falanqeeyayaasha siyaasadda, kuwaas inta badan la xiriiray muddo-kordhinno loo sameeyay hay’adaha dowladda iyo eedeymo ku saabsan in goluhu uusan si buuxda u gudan waajibaadkiisa dastuuriga ah.

Si kastaba, is-casilaadda Saleebaan ayaa si rasmi ah u soo afjareysa sooyaalka mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii ugu muddada dheeraa ee hay’adaha Somaliland.

Sawirro: Taliyaha Booliska Jabuuti oo yimid Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliiska Jamhuuriyadda Jabuuti Col. Cabdiraxmaan Cali Kaahin iyo wafdi hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa Taliyaha Booliska Soomaaliya Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaah (Diyaano) oo kusoo dhaweeyay garoonka magaalada Muqdisho.

Soo dhaweynta ayaa waxaa si wayn uga qayb-qaatay saraakiisha kala duwan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo safiirka Jabuuti u fadhiya magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti oo la hadlay warbaahinta ayaa ka mahad-celiyay soo dhaweynta loo sameeyay, wuxuuna kadib faah-faahiyay ujeedkiisa safarkiisa ee Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dhowr cisho uu joogi doono gudaha dalka, isla markaana uu usii gudbi doono gobollada, si uu usoo qiimeeyo xaaladda.

“Dhowr cisho ayaan joogayaa waxaan ku tala jiraa inaan gobollada wada maro oo indha-indheeyo, Soomaaliya wax badan oo been ah ayaa laga sheegaa,” ayuu yiri Taliye Cabdiraxmaan Cali Kaahin.

Dhanka kale, waxa uu ka hadlay arrimo ku aadan taariikhda labada dal ee walaalaha ah iyo halganka adag ee ay usoo mareen xoreynta labada waddan.

“Soomaaliya waa waddankaygii labaad Soomaaliya waxa ay Jabuuti u qabatay waan garaneynaa dadaalkii ay dowladda Soomaaliya u gashay waa la wada garanayaa. Soomaaliya haddii aynan jirin Jabuuti xor ma noqoteen,” ayuu mar kale yiri Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska ee Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Sidaas daraadeed maanta oo ay Soomaaliya ka yara liicday Jabuuti kaalintii berigii ay Soomaaliya joogtay maanta u joogsato weeyaan, wayna u joogsatay”.

Jabuuti ayaa kamid ah dowladaha dariska ah ee saaxibtinnimada wayn ay kala dhexeyso Soomaaliya, waxaana lagu soo xasuustaa doorkeeda ku aadan dhismaha dowlad dhiska Soomaaliya, iyadoo sidoo kale ciidamo ay ka joogaan dalka, kuwaas oo ka qayb ka ah ciidanka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika.

Ciidamada NISA oo fuliyay howlgal lagu beegsaday…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ayaa caawa howlgal qorsheysan ka fuliyey xaafadda Galmudug ee degmada Garasbaaley, kaas oo lagu beegsaday laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Howl-galka ayaa lagu guuleystay in lagu dilo mid ka mid ah maleeshiyaadkii la bartilmaameedsaday, halka kii kalena la dhaawacay, sida ay xaqiijiyeen saraakiishii hoggaaminaysay ciidamada fuliyey howl-galka.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in howl-galka uu u dhacay sidii loo qorsheeyey, isla markaana ciidamada ay si buuxda u gaareen ujeeddooyinkii laga lahaa.

Ciidamada amniga oo ka feejigan dhagarta iyo shirqoolada kooxda ayaa sidan oo kale xalay fashiliyey qorshe weerar oo xubno ka tirsan Al-Shabaab damacsanaayeen inay ka geystaan xaafadda Xaawo-Taako ee magaalada Beledweyne.

Ciidamada ayaa si degdeg ah uga hortagay falkaas, iyagoo toogtay mid ka mid ah xubnihii kooxda, halka xubin kalena la qabtay isagoo nool.

Si kastaba, ciidamada dowladda ayaa sii wada howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, si looga hortago weerarro iyo falal amni-darro oo ay qorsheynayaan.

Howl-galladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay hay’adaha ammaanka Soomaaliya ku xoojinayaan sugidda amniga iyo ciribtirka kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta dalka.

Sawirro: Soomaalida Holland oo muujiyay wadaniyad iyo cudud ay kusoo bandhigeen….

0

Zwolle (Caasimada Online) – Kulan weyn oo dadweyne ayaa lagu qabtay magaalada Zwolle, kaas oo ay isugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Nederlaan iyo dalalka deriska la ah. Kulanka ayaa lagu weynaynayay maalmaha xorriyadda, gaar ahaan 66-guuradii ka soo wareegtay madaxbannaanida Soomaaliya ee 1-da Luulyo, waxaana lagu muujiyey midnimada, wadajirka iyo taageerada dowladda Soomaaliya.

Shirweynahan, oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Ururka Jaaliyadda SFON iyo hay’adda Kardo Aid, waxaa ka qaybgalay haldoorka bulshada Soomaaliyeed ee Nederlaan, ururrada bulshada, Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Brussels, Mudane Cabdiqani, iyo wafdi uu hoggaaminayay. Waxaa sidoo kale goobta ku sugnaa Xildhibaan Cabdullaahi Xuseen, oo ka tirsan xisbiga PRO kana tirsan Golaha Deegaanka degmada Nijmegen.

Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Guddoomiyaha SFON, Cabdikaadir Cali Nuune, oo u mahadceliyey dhammaan martidii ka soo qaybgashay. Wuxuu sidoo kale ammaan iyo mahadnaq ballaaran u jeediyey mutadawiciintii iyo qabanqaabiyayaashii suurageliyey qabsoomidda kulanka.

Guddoomiye Nuune ayaa khudbaddiisa kaga hadlay taariikhda xorriyadda Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in madaxbannaanida dalka lagu helay geesinnimo, naf-hurnimo iyo halgan dheer oo ay soo galeen awoowayaasheen. Wuxuu ka qaybgalayaasha ugu baaqay inay taariikhdaas qayb ka dhigaan noloshooda, sii xusaan naf-hurnimadii halgamayaashii xorriyadda, isla markaana mar walba u istaagaan midnimada iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.

Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Brussels, Mudane Cabdiqani, ayaa isna bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey 66-guurada madaxbannaanida Soomaaliya. Wuxuu maamulka SFON ku bogaadiyey sida heerka sare leh ee ay u soo qabanqaabiyeen kulanka.

Waxa uu sidoo kale adkeeyey in Safaaradda Soomaaliya ee Brussels ay muhiimad weyn siinayso iskaashi wanaagsan oo dhex mara safaaradda, bulshada Soomaaliyeed ee Nederlaan iyo Ururka SFON.

Marwo Ruqiyo Caddoow, oo ka mid ah haldoorka bulshada Soomaaliyeed ee Nederlaan, ayaa jeedisay khudbad dhiirrigelin leh. Waxay ka qaybgalayaasha ugu baaqday inay gacan ka geystaan dib-u-dayactirka dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Brussels.

Cali Waare, Muuse Xirsi, Maxamed Gure iyo Cabdiqa Nuur Heeled, oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed, ayaa iyaguna muujiyey sida ay ula dhacsan yihiin dadaallada SFON iyo kaalinta uu ururku ka qaadanayo isku xirka bulshada. Waxay ururka uga mahadceliyeen soo qabanqaabinta dabaaldegga guusha ku dhammaaday.

Dabaaldegga waxaa qayb ka ahaa ciyaaro iyo bandhigyo dhaqameed Soomaaliyeed oo ay soo bandhigtay fannaanadda Yurub Geenyo, iyo sidoo kale is-dhexgal ballaaran oo dhex maray xubnaha bulshada.

Kulanka ayaa guud ahaan ka tarjumayay xiriirka adag, midnimada iyo wadajirka ka dhexeeya bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Nederlaan.

Xog: Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland oo maanta xilka iska casilaya

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa la filayaa inuu maanta oo Axad ah si rasmi ah ugu dhawaaqo inuu iska casilay xilka guddoomiyenimada iyo xubinnimada Golaha Guurtida, kadib in ka badan 22 sano oo uu hoggaaminayay golaha.

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, Saleebaan ayaa qaatay go’aan kama dambays ah oo ku saabsan is-casilaaddiisa, wuxuuna arrintaas la wadaagay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro). Afhayeen u hadlay Golaha Guurtida ayaa sidoo kale xaqiijiyay in guddoomiyuhu si rasmi ah u qaatay go’aanka is-casilaadda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadaallo kala duwan oo lagu doonayay in dib loogu dhigo ama looga noqdo go’aanka is-casilaadda aysan miro dhalin, maadaama Saleebaan uu ku adkaystay inuu baneeyo xilka uu muddada dheer hayay. Waxaa la filayaa inuu go’aankiisa kaga dhawaaqo fadhi aan caadi ahayn oo Golaha Guurtidu yeelanayo.

Saleebaan Maxamuud Aadan oo 92 jir ah ayaa xilka guddoomiyaha Golaha Guurtida hayay tan iyo sannadkii 2004, waxaana lagu tiriyaa siyaasiyiinta ugu muddada dheer ee xil sare ka soo qabtay Somaliland.

Dad ku dhow guddoomiyaha ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee uu xilka uga degayo ay tahay da’diisa oo sii korortay iyo rabitaankiisa ah inuu ka nasto mas’uuliyadda culus ee uu muddada dheer soo hayay.

Muddadii uu hoggaaminayay Golaha Guurtida, Saleebaan wuxuu door muuqda ka qaatay xallinta khilaafaadka siyaasadeed iyo fududeynta wada-hadallada u dhexeeya dhinacyada siyaasadda Somaliland. Taageerayaashiisu waxay ku ammaanaan kaalintii uu ka qaatay ilaalinta xasilloonida iyo dejinta xiisadaha siyaasadeed ee soo noq-noqday.

Dhanka kale, isaga iyo Golaha Guurtida ayaa sannado badan wajahayay dhaliilo uga imanayay xisbiyada mucaaradka, ururrada bulshada rayidka ah iyo falanqeeyayaasha siyaasadda.

Dhaliilahaasi waxay inta badan la xiriireen muddo-kordhinno loo sameeyay hay’adaha dowladda iyo eedeymo ku saabsan in goluhu uusan si buuxda u gudan waajibaadkiisa dastuuriga ah.

Haddii is-casilaaddan si rasmi ah u dhaqan-gasho waxay soo afjari doontaa sooyaalka mid ka mid ah hoggaaminnadii ugu muddada dheeraa ee hay’adaha Somaliland.

Golaha Guurtida ayaa sidoo kale la filayaa inuu bilaabo hannaanka dastuuriga ah ee lagu soo dooranayo guddoomiye cusub, iyadoo isbeddelkan si weyn isha loogu hayo marka la eego kaalinta muhiimka ah ee Goluhu ku leeyahay nidaamka siyaasadeed ee Somaliland.

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Soomaaliya iyo Masar oo ku wada xiriiray khadka taleefanka ayaa ka wada-hadlay iskaashiga labada dal iyo arrimo xasaasi ah oo ku aadan gobolka.

Wasiir Cabdisalam Cali (Dhaay) iyo dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Jaaliyadaha Dibadda ee dowladda Masar, Mudane Dr. Badr Abdelatty ayaa wada-hadalkooda kusoo qaaday xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo xaaladaha gobolka, gaar ahaan Geeska Afrika, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Wasiir Cabdisalaam Dhaay ayaa uga mahadceliyey dowladda Masar taageerada joogtada ah ee ay Soomaaliya ka siiso dhinacyada siyaasadda, horumarinta iyo amniga.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, isku duwidda iyo danaha ay labada dal wadaagaan.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Abdelatty ayaa asna sheegay taageerada aan leexleexadka lahayn ee Masar u hayso madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed iyo hay’adaha qaranka ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa mar kale ku celiyey diidmada Masar ee isku day kasta oo Israa’iil ay ku aqoonsanayso gobolada waqooyi ee Soomaaliya inuu yahay dal madax bannaan, taas oo ka hor imanaysa madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Masar ayaa leh iskaashi ballaaran, iyagoo hore u gaaray heshiis dhanka amniga ah, waxaana labada dal ay iskaashigooda sii xoojiyeen kadib heshiiskii muranka dhaliyay ee Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo Addis Ababa ay ku dooneysay inay ku hesho marin ay ku gaarto badda Soomaaliya.

Qaahira ayaa sidoo kale haatan door weyn ka qaadaneysa tayeynta ciidamada Soomaaliya, iyadoo siinaysa hub iyo qalab ciidan.

Amarkii Guddoomiye Muungaab oo ka dhaqan-galay Muqdisho + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa si rasmi ah uga dhaqan-galay amarkii ka dhanka ah lo’da ee dhawaan kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), kaas oo ay si wayn u bogaadiyeen shacabka caasimada.

Ganacsatada suuqa wayn ee Bakaaraha oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in muddo dheer ay la tacaalayeen dhibaatada lo’da lagu soo daynayo gudaha suuqa, balse ay hadda ka nasteen, waxayna u mahadceliyeen Maamulka Gobolka.

Sidoo kale, ganacsatada ayaa sheegay tan iyo markii uu soo baxay amarka Guddoomiye Muungaab in suuqa yu noqday mid nadiif ah, kadib la xakameeyay lo’dii dhibaatada ku haysay ganacsigooda, gaar ahaan qudaarta iyo badeecadaha kale.

“Guddoomiye Muungaab iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka shaqada ay noo qabteen aad ayaan ugu riyaaqsanahay annaga hadda nahay ganacsatada Bakaaro ee dhibanaa, lo’da dhib badan ayay nagu haysay haddana waa ka raysanay,” ayuu yiri wiil kamid ah ganacsatada suuqa wayn ee Bakaaraha.

Sidoo kale wuxuu ku daray “Waxaan rajeynayaa Muungaab sida uu Lo’da u qabtay inuu Ariga xittaa sii xaraasho, waana ku mahadsan yihiin waxqabadka muuqda ee uu la yimid”.

Dhankooda qaaar ka mid ah shacabka ku dhaqan Bakaaraha ayaa iyaguna xusay in isku socodka suuqa iyo waddooyinka ay soo hagaageen, maadaama ay meesha ka baxday lo’dii caqabadda ku ahayd suuqa.

“Shacabka Bakaaro waa ka nasteen lo’dii dadka dabada ka hirtineysay guddoomiyaha Gobolka Banaadir waan u mahadcelineynaa khayr Allaha siiyo,” ayay tiri hooyo kamid ah dadka deegaanka.

Maamulka Gobolka Banaadir ee uu hoggaaminayo Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa horay u sheegay in ololahiisa ku aadan hormarinta caasimada iyo bilic soo celinteeda ay sii socon doonto, iyadoo la adkeynayo fulinta awaamiirta la xiriirta nadaafadda guud ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo war kasoo saaray geerida ku timid Cali Shucaac

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada, Ciidamada Qalabka Sida iyo guud bulshada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee halgamaa Xaaji Cali Cabdille Fiixiye (Col.Cali Shucaac), oo ku geeriyooday dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay Marxuumka uu ahaa halgamaa qaran oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isla markaana kaalin muuqata ku lahaa difaaca dalka, adkaynta midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta qiyamka dowladnimada.

Sidoo kale wuxuu intaas in Marxuum Cali Shucaac uu door wax-ku-ool ah kasoo qaatay marxalado kala duwan oo taariikhda ummadda Soomaaliyeed ku suntan, iska markaana si weyn loogu xasuusan doono.

Waxaa kale oo uu Madaxweynihu Marxuumka Alle uga baryay in uu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, dambigiisa dhaafo, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa, ehelladiisa, asxaabtiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Ra’iisul wasaare Xamza ayaa isna ka tacsiyeeyay geerida xanuunka badan ee ku timid Eebbe ha u naxariistee halgamaa Cali Cabdille Fiixiye (Cali Shucaac), isaga oo xusay halgankiisii dheeraa ee ku aadan mideynta Ummadda Soomaaliyeed.

“Xaaji Cali Shucaac wuxuu ahaa Halgamaa magac iyo taariikh dheer ku dhexleh dhammaan gayiga Soomaaliyeed, isaga oo juhdi iyo dadaal dheer uso galay sidii uu uga dhabeyn lahaa halganka iyo mideynta ummadda Soomaaliyeed. Marxuumku wuxuu sido kale soo noqday sargaal katirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Waxaan dhammaan qoyska, Ehelka, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Dhaqanka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida Xaaji Cali Shucaac, Waxaana Alle uga baryayaa in uu siiyo naxariistiisa waasaca ah”.

Allaha u naxariistee Marxuum Cali Shucaac ayaa astaan u ahaa halganka adag ee Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo ay ku waynayd wadaniyadda oo uu mar weliba ku wacyigelin jiray guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

DF oo xirtay askar ku xadgudubtay calanka Mareykanka kadib markii..

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya oo bayaan soo saartay ayaa hadashay dhacdo la xiriirta muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada oo muujinayo askar la sheegay inay ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo ku xadgudbaya calanka Mareykanka, iyada oo muuqaalka laga arkay askarta oo ku istaagaya calanka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in falkaas uu ka hor imaanato anshaxa iyo xifradda ciidanka, waxayna Wasaaraddu sheegtay in uusan ka tarjumeyn aragtida Dowladda Federaalka oo haatan xiriir wanaagsan la leh Mareykanka.

“Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ogaatay muuqaal lagu faafiyey baraha bulshada oo muujinaya shaqsiyaad xiran dareyska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyagoo ku kacaya fal aan la aqbali karin oo la xiriira calanka Maraykanka. Falkaasi wuxuu ka hor imanayaa qiyamka, anshaxa iyo xirfadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, mana matalayo aragtida Wasaaradda Gaashaandhigga ama Dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qiraalka.

Sidoo kale, waxay Wasaaraddu sheegtay in lasoo xiray dadkii ku lugta lahaa falkaas ee baahiyay muuqaalka lagu xumeynayo xiriirka labada dal, waxaana haatan ku socda baaritaanno dheeraad ah, sida lagu sheegay qoraalka.

“Dadka ku lugta leh arrintan waa la xiray, waxaana socda baaritaan lagu ogaanayo duruufihii ku xeernaa dhacdada iyo in la go’aamiyo tallaabooyinka sharci iyo anshax ee ku habboon,” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale intaas ku dartay in si weyn ay u qadarinayso iskaashigeeda amni ee muddada dheer kala dhexeeya Maraykanka, isla markaana ay ilaalineyso xiriirka Muqdisho iyo Washington.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka waa wayn ee taageerada siiya Soomaaliya, iyada oo bayaanka lagu xusay doorkiisa ku aadan la dagaallanka Al-Shabaab.

“Wadashaqeyntaas ayaa door muhiim ah ka qaadatay la dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish (ISIS), iyo xoojinta hay’adaha amniga Soomaaliya. Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay mar kale caddeynaysaa ixtiraamka ay u hayso shacabka iyo calanka Maraykanka, iyo sidoo kale iskaashiga waara ee ka dhexeeya labada dal,” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka.

 

 

 

Liiska Golihiisa Wasiirrada Koonfur Galbeed oo la shaaciyay + Magacyada

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) Ayaa xalay magacaabay Golihiisa Wasiirrada cusub, kadib wareegto uu soo saaray.

Golaha Wasiirrada cusub Koonfur Galbeed ayaa ka kooban 26 wasiir, 3 wasiiru dowle iyo 22 wasiir ku xigeen, sida ku cad liiska uu shaaciyay Aadan Madoobe.

Xubnaha la soo magacaabay waxaa u badan Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed, halka tiro kalena laga keenay bannaanka.

Sidoo kale, xubnaha kusoo baxay liiska la shaaciyay ayaa ah dhalinyaro, qaarkood shaqooyin kala duwan kasoo qabtay Dowladda Federaalka iyo Koonfur Galbed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa wasiirada uu soo magacaabay kula dardaarmay inay si daacadnimo leh u gutaan waajibaadka loo igmaday, maadaama ay horyaallaan shaqooyin adag, lagana rabo isbeddal dhab ah.

Tallaabadan ayaa noqoneysa tii ugu dambeysay ee lagu soo dhammaystirayo hay’adaha Koonfur Galbeed, kadib markii uu isbeddal ka dhacay Baydhaba, kaas oo meesha looga saaray maamulkii uu hoggaaminayay Lafta-gareen.

Horay Sheekh Aadan Madoobe ayaa usoo magacaabay saraakiisha amniga ee maamulkiisa, si wax looga qabto xaaladaha ammaan ee ka jira halkaasi.

Hoos ka akhriso liiska Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed;-


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60