25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Koonfur Galbeed oo soo gaba-gabeyneysa doorashada magaalada BARAAWE

0

Baraawe (Caasimada Online) – Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa shaaciyey liiska 13-kursi oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

13-kaan kursi waxay gabagabo u yihiin kuraasta taalla magaalada Baraawe, waxayna guddigu sheegeen in maalmaha soo socda ay qabanayaan doorashada kuraastaan.

Maanta waxaa lasoo gabagabeeyey doorashada 13-kii kursi ee lagu bilaabay doorashada Baraawe, waxaana degmadaas oo ah deegaan doorashada labaad ee Koonfur Galbeed laga soo doortaa 26-kursi.

Koonfur Galbeed oo xubnaha ugu badan ay ka soo galaan baarlamaanka dalka ayaa hadda si dardar leh ku wada doorashada golaha shacabka, xilli dowlad goboleedyada kale gaabiyeen dhaqdhaqaaqa geedi socodka doorashada.

Dhanka kale doorashada Baraawe waxaa loo diiday warbaahinta, iyadoo aan la xadeyn sababta, hase yeeshee waxaan qarsooneyn in musuq iyo wax si daba marin badan ay ka jirto doorashada ka socota dalka.

Hoos ka aqriso liiska kuraasta lagu dooranayo Baraawe

Xog: Axmed Madoobe iyo SACIID DENI oo hakiyey doorashadii golaha shacabka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynahayaasha maamulka Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa hakad geliyey doorashada Kuraasta Golaha Shacabka ee ka socotay deegaanadaas.

Maamulka Goboleedka Jubbaland ayey ugu dambeyso inuu qabto doorashada Kuraasta Golaha Shacabka ee maamulkaas 27-dii Bishii hore ee January.

Sidoo kale Saciid Deni ayaa isna hakad geliyey doorashada Golaha Shacabka, waxaana ugu dambeysay 2-dii February markaas oo qaar kamid ah Kuraasta Golaha Shacabka lagu doortay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulkaas.

Isku darka labada maamul Goboleed ee Jubbaland iyo Puntland ayaa soo saaray Kuraas gaareyso illaa 30 iyadoo ay u dhiman tahay in ka badan intaas.

Gebi ahaan waxaa hakad ku jiro howlihii doorashada ee labadaas maamul Goboleed, waxaana xusid mudan in guddigii doorashada ee Jubbaland inay ku sugan yihiin Magaalada Nairobi ee dalka Kenya xilli laga sugayo inay dhameystiraan doorashada.

Illaa hadda si rasmi ah looma ogo sababta ka dambeyso hakad ku yimid doorshadii ay wadeen iyadoo ay xusid mudan tahay in waqtigii loo qabtay in lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka ay ka dhima tahay 15 Maalin.

Saciid Deni oo la filayo inuu isku soo taago xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayey xogaha sheegayaan inuu ku mashquulsan olole lacag raadin ah sidaas ay isaga iyo Axmed Madoobe ku heshiiyeen in hakad la geliyo doorashada si ay waqti ku filan u helaan.

Maamul Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa si dardar leh ku wado doorashada Golaha Shacabka iyagoo fulinayo heshiiskii uu Golaha Wada-tashiga Qaran ku gaaray Muqdisho.

Shabaab oo sheegasho yaab leh kasoo saartay qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii maanta ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

War kasoo baxay Shabaab ayaa lagu sheegay in Is-miidaaye ka tirsan xarakada uu fuliyay qaraxaas, bartilmaamedkiisana uu ahaa afar Bas oo siday Ergo kasoo baxday xarunta Jeneraal Kaahiye oo ay maanta ka dhaceysay doorashada xildhibaanada kasoo jeeda gobolada Waqooyi.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in qaraxaas ku dileen 6 xubnood oo kamid ah ergadii soo xulaysay xildhibaanada iyo 5 kamid ah ciidamadii Booliska ahaa oo saarna kolonyo galbinayay.

Sidoo kale waxaa warka kasoo baxay Al-Shabaab lagu sheegay in qaraxaas uu dhaawac ka gaaray 13 Ergo ah iyo 3 ka tirsan askarta ilaalada u aheyd ee booliska.

Illaa hadda ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijisay khasaaraha ay sheegatay Al-Shabaab inay gaarsiisay ergada iyo ciidamadii la socday, maadama ay wararka qaar sheegayan in ergada qaraxaas lala beegsaday ay ka badbaadeen.

Dhanka kale, Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo goor sii horeysay ka warbixiyey qaraxaan ayaa sheegay in waxyeelo xoogan kasoo gaartay dad shacab ah oo xilligaas ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Maalmihii u dmabeeyey ayaa waxaa gudaha caasimada ee Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah ammaanka, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ku soo aaday, xilli doorasho.

DF oo shaacisay magacyada Soomaali meydkooda laga helay xuduudda laba dal

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay magacyada Soomaali kamid ahaa tahriibayaasha meydkooda laga helay xuduudka Giriiga iyo Turkiga ee la sheegay inay qabowga u dhinteen.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay si weyn uga xumaatay dhacdadaas naxdinta leh, ayada oo dalbatay in baaritaan lagu sameeyo xaaladaha ku xeeran dhimashada muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Shanta qof ee dhimashadooda xaqiijisay dowladda ayaa lagu kala magacaabi jiray; Cabdi Mahdi Cali, Yaxye Jamaal Muumin, Abuubakar Axmed Ibraahim, Naasir Suleymaan Xasan iyo Najax Cabdi Axmed.

“Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si murugo leh loogu wargaliyay in dadka tahriibayaasha ah ee meydkooda laga helay xadka Giriiga iyo Turkiga ay ku jireen shan qof oo Soomaali ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu dalbaday baaritaan ku aadan arrintaas, ayada oo dowladda ku boorisay dalalka ay khuseyso iyo hay’addaha QM u qaabilsan qaxootiga ee UNCHR ay si deg deg ah ugu sameyso daba-gal dhacdada naxdinta leh.

“Dowladda ayaa si weyn uga xumaatay dhacdadii naxdinta lahayd ee soo gaartay shaqsiyaadkii aan u baroor-diiqnay toddobaadkan. Dowladda federaalka ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoysaska iyo eheladii ay ka baxeen dhibanayaashaas.”

Ugu dambeyntiina waxaa qoraalka lagu cambaareeyay xad-gudubyada ka dhan dadka Soomaalida, karaamada aadanaha iyo badbaadada nolosha bini’aadamka, iyadoo la raacayo Axdiga 1951 ee la xiriira xaalada Qaxootiga iyo baaqa caalamiga ah ee xuquuqul Insaanka.

Weerar culus oo lagu qadaay garoon diyaaradeed ku yaal Sacuudiga + Khasaaraha

Abha (Caasimada Online) – 12 qof ayaa lagu dhaawacay firirka diyaarad Drone ah oo lagu weeraray garoonka diyaardaha Abha ee dalka Sacuudiga, taasi oo Sacuudiga ay sheegeen inuu dhexda ka qabtay barnaamijkooda difaaca hawada.

Howlgalkii diyaaradaha ee garoonka ayaa caadi kusoo laabtay kadb markii muddo kooban la hakiyey, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay isbaheysiga Sacuudiga ee dagaalka ka wada Yemen.

Dadka ku dhaawacmay weerarka ayaa isugu jira shaqaalaha garoonka iyo dad safar ahaa oo kasoo kala jeeda dhowr dal, ayuu intaas ku daray bayaanka oo ay baahisay warbaahinta Sacuudiga.

Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa inta badan beegsata garoonka Abha oo ku yaalla koonfurta Sacuudiga, meel ku dhow xuduudda Yemen iyo qeybo kale oo ka mid ah Sacuudiga, ayada oo adeegsaneysa gantaallo iyo diyaarado drone ah.

Inta badan gantaalladaas ayaa dhexda laga qabtaa, balse qaar ka mid ah ayaa dilay dhowr qof kuwa kalena dhaawacay.

Xulufada Sacuudiga ayaa si joogto ah duqeymyo uga fuliya Yemen, halkaasi oo ay sheegaan inay beegsadaan bartilmaameedyada Xuutiyiinta.

Imaaraadka Carabta oo xubin ka ah Isbaheysiga, ayaa laba goor sheegtay bishii Janaayo inay burburisay gantaallo ballistic ah oo ay Xuutiyiinta kusoo weerareen.

Hase yeeshee weerar dhacay horraantii Janaayo oo loo adeegsaday diyaarad Drone ah ayaa saddex qof ku dilay magaalada Abu Dhabi, ayada oo lix kalena ay ku dhaawacmeen, weerarkaas oo ay sheegteen Xuutiyiinta.

REUTERS + VOA

Taliye C/Xamiid oo mar kale hadal heyn dhaliyey – Halkee ku dambeysay shaqo joojintii?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada badda Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir oo uu dhowaan shaqo joojin ku sameeyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta kasoo muuqday warbaahinta.

Cabdixamiid ayaa ka hadlay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho, taas oo loogu dabaal-dagayey sanad guurada 57-aad ee aaska aaska ciidamada badda Soomaaliya.

Taliyaha ayaa sheegay in muddadii uu joogay xafiiska uu tayeeyey ciidamada badda, isla-markaana ay haatan diyaar u yihiin inay ilaaliyaan biyaha Soomaaliya.

“Ciidamadda badda waynu tayeynay, badeena waan ilaashan doonnaa,” ayuu yiri taliyaha ciidamada badda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Mar dambe ma soconeyso, haddii Allaha awooda leh idmo in badda Soomaaliya ay noqoto meel kotorabaan ah oo ay cid walbo iska soo gasho,” .

Dhinaca kale hadal xoogan iyo falcelin ayaa ka dhalatay hadalka uu maanta taliyuhu siiyey warbaahinta, waxaana dadka isticmaala baraha bulshada ay su’aallo ka keeneen, halkii ay ku dambeysay shaqo joojintii isaga lagu sameeyey?

“Ninkan shaqo ka joojintiisii ma Prank bay ahayd?. Soomaaliya inaynan kala danbayni ka jirinbay markhaati ka tahay,” ayuu yiri Sahal Muumin oo ka mid ah dadka isticmaala aaladda Facebook-ga ee ka falceiyey hadalka taliyaha ciidanka badda.

Dhankiisa Liibaan Cali Mire oo ka hadlay arrintan ayaa yiri “Ninkaan Rooble muxuu u xiri waayay?,”.

Dadka kale ee ka hadlay in taliyaha uu shaqadiisa sii wato waxaa ka mid ah nin kale oo lagu magacaabo Cabdi Sheekh Yuusuf oo yir “Gen. Cabdi Xamiid oo iska wata shaqadiisa,”.

Si kastaba, taliye Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa horey eedeyn culus ugu jeediyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Roobe oo uu ku eedeeyey inuu boobayo dhul ay leeyihiin ciidamada badda, hadalkaas oo sii huriyey khilaafka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxii ka dhacay Ceelgaabta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo tarata macluumaadka laga helayo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qarax is-miidaamin ahaa oo maanta ka dhacay isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo ka warbixiyey qaraxan ayaa shaaciyey inuu fuliyey qof isku soo xiray walxaha qaraxa.

Cabdifitaax ayaa sidoo kale xaqiijiyey in qaraxa ay waxyeelo xoogan kasoo gaartay dad shacab ah oo xilligaas ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Dhanka kale warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in is-miidaamiyaha uu beegsaday ciidamo ku sugnaa goobta iyo gaari la sheegay inay saarnaayeen ergey ka mid ah kuwa qayb galaya doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee ka socota caasimadda.

Wadada uu qaraxu ka dhacay ayaa xirneyd, sababo la xiriira doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee Dugsiga Tababarka  Booliska Janeraal Kaahiye.

Sidoo kale waxaa meesha uu qaraxu ka dhacay ku taalla bar-koontarool oo laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada, isla-markaana lagu hubiyo gaadiidka galaya Villa Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan deggan, balse waxaa burbur xoogan uu ka muuqdaa isgoyska Ceelgaabta oo ah halka uu qaraxu ka dhacay, kaasi oo laga maqlay inta badan Muqdisho.

Maalmihii u dmabeeyey ayaa waxaa gudaha caasimada ka dhacayey falal liddi ku ah ammaanka, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ku soo aaday, xilli doorasho.

QM oo baareysa markab Turkish ah oo lagu arkay xeeb ay maamusho Al-Shabaab

Istanbul (Caasimada Online) – Guddiga khubarada QM ee qaabilsan Soomaaliya, kuwaas oo kormeera hubka sharci-darrada ah ee lasoo geliyo dalka, ayaa sheegay inay baarayaan markab Turkish ah oo lagu arkay xeebta aag ay maamusho Al-Shabaab, bishii August 2021, sida uu qoray Wargeyska Nordic Monitor oo helay caddeymo muujinaya arrintan. 

Markabka oo ay leedahay islamarkaana maamushoa shirkadda Mavi Deniz Taşımacılığı ve Sanayi Ticaret Limited Şirketi, ee fadhigeedu yahay Istanbul, ayaa muddo 24 saac ah ku sugnaa meel kaliya 1000-meter ama hal km u jirta xeebta aag maamusho Al-Shabaab, sida laga ogaaday qalabka ku xiran markabka ee sheega halka uu ku sugan yahay ee loo yaqaan (AIS)

“Aagaas ma ahan meel ay maamulaan ciidamada amniga Soomaaliya, waana meel ay Al-Shabaab maamusho, waxaa loo yaqaan Cali Gaudud, oo u dhow Cadale,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay baarayaasha QM.

Sida muuqata, shakiga ayaa ka dhashay sababta markab uu muddo 24 saac ah ugu sugnaa aag ay maamusho Al-Shabaab, waxaana ka dhashay tuhun ah in laga yaabo inuu hub u geeyey kooxda.

Milkiilayaasha markabka ayaa sheegay inay weerar kula kulmeen xeebaha Soomaaliay 13-kii August 2021, islamarkaana lagu soo rogay qorayga sabanka ama RPG iyo rasaas yaryar, sida laga soo xigtay kabtanka markabka.

Ayada oo ay u muuqato inaanay ka dhaadhicin sheekadaas, ayaa baarayaasha QM waxay warqad rasmi ah u direen shirkadda Turkish-ka ee leh markabka, ayaga ka dalbaday caddeymo ku saabsan sababta markabka ugu xirtay biyo aad ugu dhow meel ay maamusho Al-Shabaab iyo xog dheeri ah oo ku saabsan weerarka ay sheegeen in lagu qaaday.

Shirkadda ayaan kasoo jawaabin su’aalihii baarayaasha QM, waxaana warbixinta loo gudbiyey Golaha Ammaanka QM, 6-dii October 2021. 

Dowladda Turkiga ayaan weli ka hadlin dhacdadan.

Baaritaanka QM ayaa muujinaya in markabka uu ka tegay Fethiye oo ka tirsan gobolka ku yaalla Koonfurta Turkey ee Antalya, islamarkaana ku nagaaday xeebta aaggan ay maamusho Al-Shabaab 12-kii illaa 13-kii August.

Sida ku cad xogta diiwaan-ka, markabka ayaa waxaa leh qoyska ninka ganacsade Turkish ah oo lagu magacaabo Erdal Tümsek.

Shirkadda markabka leh ayaa bishii Febraayo 2019 codsatay in laga badbaadiyo inay musalafto, taasi oo ay maxkamad ogolaatay. Inkasta oo dhowr mar loo dheereeyey badbaadadaas, haddana ugu dambeyn shirkadda ayaa musalaftay 15-kii September 2021, sida ku cad go’aan kasoo baxay maxkamad ganacsi oo ku taalla Istanbul.

Tani waxa uu macnaheedu yahay in xilligii markabka uu ku xiranayey halka shakiga uu ka dhashay, ay shirkadda leh wajaheysay culeys dhaqaale. 

Arrinta kale ee shakiga weyn dhalisay ayaa ah in markabka ay horey u laheyd hay’ad Turkish oo lagu magacaabo IHH, oo hadda kahor lala xiriiriyey ururuka Al-Qacida, taasi oo iska iibisay 2018. 

Waxaa sidoo kale marar badan soo baxay caddeymo muujinaya in IHH ay taageero siisay kooxaha Daacish iyo Al-Qacida ee Iraq iyo Syria.

Bishii Janaayo 2014, dacwad-oogaha Turkey ayaa dacwaddii ugu horeysay ka xareeyey hay’adda IHH kadib markii baaritaan ay sameeyeen booliska lagu ogaaday inay hub u dusisay jihaadiyiin Al-Qacida ah oo ku sugan Syria.

Sawirro: DOORASHO gacan taag ah oo MUQDISHO ka dhacday – Yaa kusoo baxay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa haatan ka socota doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuraasta deegaan doorashadooda ay tahay gobollada waqooyi.

Kursiga HOP#205 oo lagu bilaabay doorashada ayaa waxaa ku guuleystay Axmed Cabdi Kooshin, kadib markii ay u tanaasushay Muna Xusen Faarax oo la tartami laheyd.

Kooshin ayaa loo qaaday codeyn gacabn taag ah, wuxuuna helay 99 cod, sida uu shaaciyey guddiga maamulka doorashada kuraasta gobollada waqooyi (Somaliland).

Guusha xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin ayaa aheyd mid lasii oogaa, maadaama si gaar ah kursiga loogu xiray, si uu ugu biiro baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Kursiga labaad HOP#263 waxaa ku guuleystay Muuse Siciid Jaamac oo helay dhammaan codadka ergada oo ah 101, waxaana u tanaasushay, Khadra Cabdi Maxamed.

Sidoo kale waxaa cod gacan taag kusoo baxay xubna kala ah: Cali Maxamuud Aadan oo ku guuleystay kursiga HOP#240, Cali Cabdi Ibraahim oo ku soo baxay HOP#271 iyo Cabdiqani Ismaacil Siciid oo isna ku guuleystay kursiga tirsiigiisa uu yahay HOP#241.

Guddiga doorashada ee Somaliland ayaa ku howlan dadajinta doorashada, taas oo qayb ka ah fulinta heshiiskii doorashooyinka ee ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Si kastaba, doorashada Golaha Shacabka ayaa haatan si dardar leh u socoto, waxaana qorshaha uu yahay in lasoo gabagabeeyo 25 bishan Febraayo ee sanadka 2022-ka.

Xog: Saddex qodob oo Cali GUUDLAAWE uu ku xaliyay tabashadii reer Baladweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo waxgaradka Reer Beledweyne ayaa heshiis ka gaaray khilaafkii taagnaa mudadii sanadka aheyd ee sababay inuu Cali dhisi waayo xukuumad, inuu Beledweyne tagi waayo ama inuu xataa qabsan waayo xafladdii caleemka saarka.

Ciidan ay madaxtooyada geysay magaalada Beledweyne ayaa dhawaan sababay inuu Guudlaawe tago magaaladaas, iyadoo aysan dhicin wax rabshado ah.

Hadalkii koowaad ee uu jeediyey markii uu Beledweyne tagay ayaa kamid ah waxyaabaha furaha u noqday inuu wada-hadal la yeesho Bulshada Magaalada, gaar ahaan Beeshii tabashada qabtay.

Inkastoo arrintaan muddo laga soo shaqeenayey, haddana Cali wuxuu sheegay maalintaas inuu diyaar u yahay xallinta tabasho kasta haddii ay tahay mid beeleed, mid deegaan ama mid shakhsiyadeed.

Kulan muhiim ah oo ay Beledweyne ku yeesheen Cali Guudlaawe iyo cuqaashadii Beeshii tabashada qabtay ayaa lagu gaaray heshiis buuxa, sida uu maamulka faafiyey.

Muuqaalada lasii daayey waxaa ka muuqatay odayaasha Beesha oo cudurdaar bixinaya. Kulanka wuxuu ku bilowday in Cali laga raali geliyey in loo diiday inuu tago Magaalada Beledweyne.

Intaas kadibna waxaa loo gudbay qodobada muhiimk ah ee salka u ahaa tabashada, tabashada Beeshaan waxay bilaabatay markii ay waayeen kursigii hoggaanka maamulka HirShabelle iyadoo ay Jowhar isku heshay caasimaddii iyo hoggaankii maamulka.

3 qodob ayaa si buuxda oo loo dul istaagay kulankii ka dhacay Beledweyne, kuwaas oo la xaqiijiyey in is afgarad laga gaaray.

1- Caasimadda

Cali Guudlaawe waxaa la hor dhigay inuu caasimadda soo wareejiyo maadaama uu hoggaankii maamulka qaatay. Cali waxaa la sheegay inuusan arrintaasi diidin markii horana uusan diidmo ka qabin. Balse wuxuu sheegay inuusan isaga bixin karin oo ay tahay in sifo sharci ah loo maro oo loo baahan yahay codka 3/2 kamid ah xubnaha baarlamanka HirShabelle.

Cali Guudlaawe wuxuu odayaasha u sheegay inuu arrintaasi kala shaqeenayo uuna diyaar u yahay. 63 xildhibaan oo kamid ah baarlamaanka HirShabelle waxay kasoo jeedaan Gobolka Hiiraan, wuxuuna Cali u sheegay odayaasha inay taasi ka caawineyso in mashruucaan deg deg lagu hirgeliyo.

Oydaashii waxaa la sheegay inay ku qanceyn in arrintaasi loo wajaho si Baarlamaani ah.

2- Awooda hoggaamiye ku xigeenka maamulka

Cali Guudlaawe waxaa lagu xujeystay inuu awood badan heystay markii uu ahaa hoggaamiye ku-xigeenka maamulka HirShabelle, sidoo kalana ay beeshiisa heysatay wasaarado muhiim ah.

Waxaa la waydiistay inuu soo wareejiyo wixii ay isaga iyo reerkiisa heysteen markii uu ahaa hoggaamiye ku xigeenka maamulka, waxaa la sheegay inuu Cali taas aqbalay oo uu hoosta ka xariiqay.

3- Degmooyin cusub

Odayaasha waxay Cali Guudlaawe ka dalbadeen in degmooyin cusub la siiyo ama kuwa la magacaabay xilligii Cali Cabdullaahi Cosoble inuu sharciyadooda baarlamanka geeyo oo uu soo dhameystiro dagmanimadooda.

Waxaa la sheegay inuu Guudlaawe aqbalay qodobkaas isagoo xusay inay jiraan degmooyinka ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe oo iyaguna miiska saaran uuna isku dari doono sidaasna uu Baarlamaanka u gudbin doono si looga dhigo degmooyin rasmi ah.

Waxaa kaloo kulanka lagu soo hadal qaaday in kuraasta Golaha Shacabka ee taala Magaalada Beledweyne in doorashadooda ay si hufan oo caddaalad ah ay u dhacdo, iyadana waxaa la sheegay in mabda’ ahaan la isla qaatay.

Intaas ayaa ugu muhiimsanaa doodii Cali Guudlaawe iyo Reer Beledweyne, waxaana la sheegay inuu kulanka kusoo dhammaaday is calool fiyowbi leh.

AMISOM oo magaca laga beddelayo + Magaca cusub

0

Muqdisho (Caasimada Oline) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Ururka Midowga Afrika oo shirar kala duwan ka yeeshay qorshaha kala guurka ee ay ciidamada AMISOM uga baxayaan dalka ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay saxiixeen labada dhinac.

Bayaanka oo ka kooban dhowr qodob ayaa wxaa lagu qeexay geeddi socodka howlaha kala guurka ee howlgalka AMISOM oo haatan loo beddelayo mid ku meel gaar ah.

Sidoo kale dowladda federaalka iyo Midowga Afrika ayaa isla qaatay jadwal cusub oo ay ku xuseen, sida howluhu u kala horreeyaan.

Halkan hoose ka hoose ka aqriso:-

  1. Kaddib markii la soo-dhoweeyay wafdiga Midowga Afrika (AU), Qarammada Midoobay (UN) iyo Midowga Yurub (EU) dooddaha farsamo ee Kooxda Afarta Xubnood ah iyo wadahadallada la qabtay 28ka Janaayo 2022 ilaa 9ka Febraayo 2022 ee horumarinta Fikirka Hawlgallada, Warbixinta Wadajirka ah Xulashooyinka Taageerada Saadka ee Hawlgalka Cusub Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.
  2. Kaddib markii la xusay geesinnimada iyo naf-hurnimada ciidammada AMISOM iyo Ciidammada Amniga Soomaaliya nafta u hureen la dagaallanka Al-Shabaab, isla markaasna la ammaanay doorka AMISOM iyo kan dalalka aynciidamada ka joogaan Soomaaliya ee lagu dhisayo Soomaaliya oo xasilloon oo nabad ah.
  3. Kaddib markii la soo-dhoweeyay khariidad-hawleed ay diyaariyeen Kooxda Afarta Xubnood ee CONOPs-ka, Warbixinta Wadajirka ah iyo Xulashooyinka Taageerada Saadka ee Hawlgalka Cusub Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo xaqijinta muhiimadda ay leedahay in la raaco jadwalka iyo habraacyada dhammaystirka CONOPs-ka, Warbixinta Wadajirka ah iyo Xulashooyinka Taageerada Saadka ee ku jira khariidad-hawleedka lagu heshiiyey ee Kooxda Afar-Geesoodka ah.
  4. Kaddib markii la aqoonsaday heshiiskii hore ee farsamo ee DFS iyo MidowganAfrika ay ku kala saxiixdeen Addis Ababa 21ki Janaayo 2022 ee ku saabsanaa cabbiraadda iyo ujeeddooyinka istaraatijiyadeed ee mustaqbalka ee Hawlgalka Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyo in la xuso ka qayb-galka kulanka is-waraysiga ee Qaahira ee ku saabsanaa Hanka Soomaaliya ee 2021 kabdib ee agaasintay Xarunta Caalamiga ah ee Qaahira ee Xallinta Khilaafaadka, Nabadaynta iyo Nabaddhiska.
  5. Kaddib markii la isku raacay horumarka laga sameeyey diyaarinta qabyo-qoraalka CONOPS-ka, qabyo-qoraalka Warbixinta Wadajirka ah iyo qabyo-qoraalka Xukashooyinka Taageerada Saadka ee Mugdisho intii u dhaxeysay 29kii Janaayo 2022 ilaa 9ka Febraayo 2022 in ay waafaqsan tahay Khariidada lagu heshiiyey ee Kooxda Afar-Geesoodka ah.
  6. Kaddib markii loo mahad-celiyay saaxiibada caalamka taageerada ay siiyeen AU, AMISOM iyo DFS 14kii sano ee la soo dhaafay dadaallada lagu xoojinayo nabadda Soomaaliya.
  7. Kaddib markii la isla oggaaday in hawsha Kooxda Farsamada Affar-Geesoodka ah (Quartet) loo gudbin doono Madaxda Sare ee Quartet-ka si loo tixgeliyo.
  8. Maxaa Xigayo? Kooxaha Farsamada Afar-Geesoodka ah waxay ku heshiiyeen sida hoos ku xusan:
  9. Gudbinta qabyo-qoraalka CONOPs-ka, qabyo-qoraalka Warbixinta Wadajirka ah iyo qabyo-qoraalka Xulashada Taageerada Saadka ee Shirka Heerka Madaxda Sare ee Quartet-ka waxaa la qorsheeyay inta dhaxayso 14ka ilaa 18ka Febraayo 2022 si loo tixgeliyo.
  10. Gudbinta qabyo-qoraalka CONOPs-ka, qabyo-qoraalka Warbixinta Wadajirka ah iyo qabyo-qoraalka Xulashada Taageerada Saadka ee Shirka Heerka Madaxda Sare ee Quartet-ka waxaa la qorsheeyay inta u dhaxayso 21ka ilaa 25ka Febraayo 2022 si loo oggolaado.
  11. Gudbinta qoraalka kama dambaysta ah ee saddexda nuqul ee Golaha Nabadda iyo amniga Midowga Afrika iyo Golaha Amniga Qarammada Midoobay waa ugu dambayn 7da Maarso 2022 si loo tixgeliyo loona meelmariyo 31ka Maarso 2022.

Golaha Wadatashiga Qaran oo kulan deg deg ah yeeshay kadib xayiraadii Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada dalka oo ku mideysan Golaha Wadatashiga Qaran ayaa xalay yeeshay kulan deg deg maalin kadib markii Mareykanka uu soo rogay xayiraad la saaray mas’uuliyiin Soomaaliya.

Kulanka oo ay Golaha Wadatashiga Qaranku ku yeesheen habka fogaan aragga, ayaa looga hadlay dhammeystirka howlaha doorashooyinka, xaaladda amniga iyo sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ka jira dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble.

Faah-faahinta intaas dheer lagama bixin kulanka, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay in  golaha ay isku dayayaan inay doorashada Golaha Shacabka dhammeeyaan kahor 25-ka Febraayo, oo ah muddada uu u qabtay Mareykanka, taasi oo ay naga xigto kaliya 15 maalmood.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa Talaadadii ku dhowaaqay soo saarista xayiraado Visa oo ka dhan ah shakhsiyaad hadda xilal ka haya iyo kuwa horey uga soo qabtay Soomaaliya, oo lagu eedeeyey inay mas’uul ka yihiin waxyeeleynta hanaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.

Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri “Maanta, ayada oo ay ku beegan tahay sanad-guuradii koowaad ee marka uu muddo xileedka ka dhammaaday madaxweynaha Soomaaliya, waxaan ku dhowaaqayaa fulinta xeerka Socdaalka Qaranka qeybtiisa 212(a)(3)(C), kaasi oo diidaya in Visa la siiyo shakhsiyaad xilal ka haya iyo kuwa horey uga soo qabtay Soomaaliya, kuwaasi oo la rumeysan yahay inay mas’uul ka yihiin waxyeeleynta hanaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.”

Blinken ma shaacin magcayada shakhsiyaadkan lagu beegsaday siyaasaddan.

Mareykanka ayaa horey u sheegay inuu xayiraado la beegsan doono madaxda Soomaaliya haddii aan doorashada lagu dhameyn kahor 25-ka Febraayo, waxaana laga cabsi qabaa inuu soo rogo kuwa cusub

Sawirro: Koonfur Galbeed oo qabatay doorashada kuraas uu ku jiro kursiga DALXA

0

Baraawe (Caasimada Online) – Magaallo xeebeedka Baraawe waxaa maalintii labaad lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka, kuwaas oo deegaan doorashadooda ay tahay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa waxa ay kala yihiin, Hop-250, Hop-160, Hop-173 iyo Hop-080, waxaana ku jira kursigii uu ku fadhiyey Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo horey u shaaciyey in loo diiday inuu ka qayb-gala doorashada ka socota Baraawe.

Aweys Xuseen Macalin ayaa ku soo baxay kursigaas oo uu tirsigiisa yahay Hop-080, maadama loo xiray, wuxuuna helay 76 cod, sida uu shaaciyey guddiga.

Sidoo kale xubnaha kale ee soo baxay ayaa waxaa ka mid ah:-

1-Cali Maxamed Sheekh oo helay 80 cod ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-250

2-Maxamed Yuusuf Xasan oo helay 73 cod ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-160

3-Cabdifataax Cabdulaahi Araye  oo isna helay 73 cod ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-173.

Baraawe oo ah deegaan doorashada labaad ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa shalay lagu qabtay doorashada illaa 7 kursi, waxaana kusoo baxay xubno aad ugu dhow Lafta Gareen.

Maxkamadda ICJ oo ku dhowaaqday xukun adag oo ka dhan ah dalka Uganda

0

Hague (Caasimada Online) – Maxkamada cadaaladda aduunka ee ICJ ayaa shalay ku dhawaaqday xukun ay dowladda Uganda ku amrayso inay magdhow boqolaal milyan ah siiso dalka Jamhuuriyada Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).

Magdhowga ay xukmisay maxkamadda ayaa dhan $325 Milyan oo doolar, waxayna la xiriirta dagaalkii arxan darada ahaa ee u dhaxeeyay wadamadan deriska ah ee billowday dabayaaqadii 1990-kii.

Maxkamadda ICJ ayaa sheegtay in magdhowga la siinayo Congo uu yahay waxyeelada dadka iyo hantida dalkaas kasoo gaartay falalkii ay Ugand ku jebisay waajibaadkii caalamiga ahaa ee ka saarna dariskeeda, kuna hubeysay jabhado.

“Maxkamaddu waxay xustay in magdhowga lagu abaalmariyay DRC waxyeelada dadka iyo hantida ay ka tarjumayso waxyeelada soo gaaray shakhsiyaadka iyo bulshooyinka taasi oo ka dhalatay jebinta Uganda ee waajibaadkeeda caalamiga ah,” ayuu yiri madaxweynaha maxkamadda Joan E Donoghue oo ah garsoore Mareykan ah.

Xukunka maxkamadda ee magdhowga ayaa yimid in ka badan 15 sano kadib markii ICJ ay xukuntay xukun adag oo ka koobna 119 bog oo ah in dagaalka ay ciidamada Uganda ku qaadeen dalka Congo uu jabiyay sharciga caalamiga ah.

“Lacag gaareysa $225 Milyan waa magdhowga khasaarada nolosha iyo waxyeelada kale ee dadka oo ay ku jiraan kufsiga, askaraynta caruurta iyo barakac illaa shan boqol oo qof. $40 Milyan waa burburka hantiyeed iyo $60 Milyan ee waxyeelada khayraadka dabiiciga ah.”

Sanadkii 2005-tii ayey aheyd markii maxkamadda ICJ ay sidan oo kale ku xukuntay Ugand inay bixiso magdhow lacageed, laakiin illaa hadda ma bixin.

Si kastaba, lacagta ay xukmisay maxkamadda ayaa aad uga hooseysa codsigii Congo ku dalbatay magdhow in ka badan 11 bilyan oo doolar, kaasi oo lagu sheegay qasaarihii ka dhashay qabashada gobolka Ituri ee Waqooyi-bari ee dalkaasi.

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goordhow ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Sida ay innoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka qaraxa waxaa uu ahaa mid is-miidaamin ah, waxaana fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa.

Wadada uu qaraxu ka dhacay ayaa xirneyd, sababo la xiriira doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee oo ka socota Dugsiga Tababarka  Booliska Janeraal Kaahiye.

Sidoo kale waxaa meesha uu qaraxu ka dhacay ku taalla bar-koontarool oo laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada, isla-markaana lagu hubiyo gaadiidka galaya Villa Soomaaliya.

Khasaara ugu badan ee ka dhashay qaraxan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu gaaray dad shacab oo xilligaas marayey waddada, waxaana haatan socda gurmad loo fidinayo.

Xaaladda goobta ayaa sidoo kale weli aad u kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Faah faahinta kala soco:Caasimada.net.

Cabdiraxman Cabdishakuur oo si rasmi ah u xaqiijiyey arrin muddo la hadal hayey

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan kursi kamid ah Golaha Shacabka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa galankii dambe ee maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Dhuusamareeb, halkaasi oo si weyn ugu soo dhaweeyen Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil, Odayaasha dhaqanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu Cabdiraxmaan ku shaaciyay musharaxnimadiisa, wuxuuna ku yiri “Waxaan u tartamayaa mid ka mid kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Galmudug. Waxaan rajaynayaa doorasho hufnaan iyo daahfurnaan leh.”

Waxa kale oo qoraalkiisa ku yiri “Waxaan si mug leh ugu mahadcelinayaa wasiirrada, xildhibaannada heer Federaal iyo dowlad goboleed, masuuliyiinta degmada, qaybaha kala duwan ee bulshada, saraakiisha iyo odayaasha dhaqanka ee sida miisaanka iyo milgaha leh ii soo dhoweeyey.”

Inkasta oo uu sheegin Cabdiraxmaan tirsiga kursiga uu isku soo taagay ee Golaha Shacabka, ayaa haddana waxaa ogaanay in kursigaas uu tirsigiisu yahay HOP#138, kaasi oo uu hadda ku fadhiyo Xildhibaan Saciid Nuur Qayliye (Siciid Giriish).

HOP#138 ayaa kamid ah kuraas uu guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug uu shaaciyay 5-tii bishaan, waxaana lagu wadaa in doorashadiisa la qabto toddobaadka soo socda.

Cabdiraxmaan oo ah siyaasi si weyn uga soo horjeeda madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu cadaadis badan kala kulmayaa Villa Somalia oo rabta inay dhaafiso kursigaas, inkasta oo uu kalsooni ka haysto beesha.

Qoor-Qoor oo si toos ah ugu xiran Villa Somalia ayaa la sheegay in lagu qasbayo inuu sameeyo dariiq walba oo Cabdiraxmaan Cabdishakuur lagu dhaafin karo kursigaan, balse arrinta aan la dhaafi karin waa inaan kursigaan loo sameyn karin Ergo been ah oo aan la boobi karin.

Kursigaan ayaa wuxuu ku jiraa kuraasta dabka ku ah madaxweyne Qoor-Qoor ee dhallin kara xiisadaha Amni, haddii la isku dayo in la boobo.

Inkastoo la sheegay in reerka isku raaceen in kursigaan la siiyo Cabdiraxmaan, haddana musharixiinta kale ee kursigaan raadinayo waxaa kamid ah Xasan Cadde, Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde, Nin wasiir ka ah Koonfur Galbeed iyo xildhibaanka hadda ku fadhiya kursiga Saciid Nuur Giriish.

Qorshaha uu Cabdullaahi Kulane u tagay Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Cabdullaahi Aadan Kulane oo kamid ah saraakiisha sare ee NISA ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Kulane oo ka yimid dhanka Caabudwaaq oo maalmihii dambe uu ku sugna ayaa waxaa Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay ciidamo iyo gaadiid fara badan oo ay ku jiraan kuwa dagaalka, waxaana la dejiyay gudaha magaalada.

Cabdullaahi Kulane oo kamid xulafada Farmaajo Fahad Yaasiin, Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, haatanna ah La-taliyaha Amniga Qaranka ee Farmaajo ayaa magaalada Dhuusamareeb u tagay doorashada kursi kamid ah Golaha Shacabka.

Kulane ayaa u sharaxan kursiga uu tirsigiisu yahay HOP#040, kaasi oo ay hadda ku fadhido Xildhibaanad Nafiiso Faarax Jaamac.

Musharaxnimada Kulane ayaa waxaa la fahamsan yahay inay qeyb ka tahay qorshe ujeedkiisu yahay in doorashada Golaha Shacabka lagu soo saaro saraakiil ka tirsan NISA, si ay ku helaan xasaanad, kaasi oo uu qeyb ka yahay Fahad Yaasiin.

Taliyaha ku-meel gaarka ah ee NISA Yaasiin Cabdullaahi Farey ayaa horey xulafada Farmaajo iyo Fahad ugu guuleysteen inay u boobaan kursiga HOP#067, arrintaasi oo mar dhalisay xaalada hubanti la’aan ah.

Si kastaba, Kursiga uu isku soo taagayo Kulane ayaa waxa uu kamid yahay kuraas uu guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug uu shaaciyay 5-tii bishaan, waxaana lagu wadaa in doorashadiisu qabsoomto toddobaadka soo socda.

Daawo: Heshiiska uu Cali Guudlaawe la galay beesha Xawaadle oo la sheegay in aanu aheyn sida loo dhigay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Caaqil Muumin Gariig oo la hadlay warbaahinta ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiiskii shalay la shaaciyay inay wada gareen Madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Beesha Xawaadle.

Caaqilka ayaa sheegay in Odayaasha heshiiska la galay Cali Guudlaawe ay yihiin kuwa hore u taageersanaa oo uu shalay la kulmay, hase yeeshe aysan aheyn kuwii tabashada ka qabay maamulkiisa.

“Qofka marka uu mas’uul yahay waa laga fiican yahay in uu xoog adeegsado oo meel ku tago, xoogna meel fog tagi maayo, shalay waxaa maqlayay Odayaal inta la xareeyay kuwii taageerayaasha ahaana la reebtay, markaa kuwii laga reebtay iyaga ayaa war laga rabaa,” ayuu yiri.

“Awood ayaa ku sheeganaya ma shaqeynayso taas ogaada, Nin rag ah gadaashada lagama dayo ee garabkaga laga daya. Dadkana waxaa u hormaray dad jaahiliin ah ee ha iska qabtaan.”

Waxa uu carabka ku adkeeyay in uu rabo in xiisada taagan si daah-furan loo wada-hadlo, oo aysan dhibaato dhicin, islamarkaana aan awood la isku maquunin.

Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in doorashooyinka ka socda dalka ay noqdaan kuwa musharaxiinta lagu dooranayo waxqabad, oo aan lagu soo saareyn laalush, sida inta badan ka dhacday doorashooyinka.

“Hala tashto oo Soomaalinimo ha la muujiyo oo dagaalada ha la joojiyo oo ha la wada-hadalo, hala wada-heshiiyo ma dooneyno dagaal iyo bur, qofkii la qaban waayana ha la yiraahdo qofkaas qabta.”

Hadalka Caaqil Muumin ayaa imanaya xilli ay shalay madaxtooyada HirShabelle shaacisay inay heshiiyeen Odayaasha dhaqanka beesha Xawaadle iyo madaxweyne Guudlaawe oo in ka badan sanad ay u diidanaayeen inuu tago magaaladaas.

“Madaxweynaha iyo odayaasha dhaqanka ayaa heshiis rasmi ah ka gaaray tabashadii iyo diidmadii ay ka qabeen Dowladda, iyagoona ku balamay in maanta wixii ka dambeeyo laga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka Dowladnimada,” ayaa lagu yiri qoraalka Madaxtooyada HirShabelle.

Wararkii ugu dambeeyey ee ciidanka Itoobiya oo duqeyn culus ku billaabay Mekelle

0

Mekelle (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Mekelle ee degaanka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in duqaymo dhanka cirka ah oo ay ay fuliyeen ciidamada cirka ee Itoobiya ay ka dhaceen magaalada Mekelle.

Duqayntan ayay ciidamada cirku u adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxaana lasoo sheegayaa inuu jiro khasaare badan.

Duqayntan maanta ka dhacday magaalada Mekelle ayaa kusoo hagaagtay iyadoo Afhayeenka TPLF Getachow Reda uu maanta sheegay in haddii xal kama dambays ah la helin ay qaadi doonaan hawlgallo adag.

Wali waxaan joogsan dagaalka u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo kooxda TPLF, iyadoo haatan uu dagaalku u badan yahay dhanka degaanka Canfarta, oo ay ka barakaceen shacab aad u tiro badan, kuwaas oo ka cararaya dagaalada u dhaxeeya TPLF iyo ciidanka gaarka ah ee degaanka Canfarta.

Dagaalka Itoobiya oo socdo ku dhawaad hal sano ayaan weli wax natiijo ah laga gaarin, waxaana muuqata hadda inuu fashilmay wada-hadaladii u dhaxeeyey dhinacyada is haya.

Xiisadda udhaxeysa dowladda Federaalka iyo gobolka Tigrayga ee ay hogaamiso kooxda TPLF ayaa bilaabatay kadib markii raiisul wasaare Abiy uu xukunka qabtay bishii April 2018.

TPLF oo mar awood badneed oo maamuli jirtay dowlada in kabadan 27 sannadood, waxaa booska ka saaray Abiy Axmed.

Saddexdii bishii Nofember 2020 ayay ciidamada amniga ee gobolka Tigray ay weerareen saldhigyada ciidammada qaranka ee Tigray

Abiy wuxuu ku dhawaaqay khilaafka dabayaaqadii bishii Nofeembar, balse dagaalka wuxuu socday tan iyo markii la qabtay doorashooyinka qaran ee 21 Juun.

Qarax xoogan oo ka dhacay Boosaaso iyo dhimasho iyo dhaawac badan oo jira

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegay in halkaas uu ka dhacay qarax xooggan oo sababay khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Qaraxa ayaa lala beegsaday meherad nooca loo yaqaano Merfish ay fariistan dadka qayila, taasi oo ku taalla bartamaha magaalada Boosaaso, halkaasi oo ay fadhiyeen dad isugu jira shacab iyo askar.

Inta la xaqiijiyay illaa hadda waxaa ku geeriyooday qaraxaas saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen 10 qof oo kale.

Mas’uuliyada qaraxa ayaa durtadiiba waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab, oo ayadu inta badan qaraxyada ka fulisa dalka.

Boosaaso ayaa amnigeeda uu sii xumaanayay, tan iyo markii ay soo bilaabay xiisadii ka dhaxeysay xukuumadda Saciid Deni iyo saraakiisha sar-sare ee hay’adda PSF-ta ee maamulkaas.

17-ka bishii hore ayay aheyd markii labo qarax lagu weeraray laba shirkadood oo ku yaalla bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga dowlad goboleedka Puntland.

Weerarka koowaad oo ahaa bam ayaa xiligaas waxaa lagu tuuray xarunta shirkad lagu magcaabo Al-Najax, waxaana ku dhaawacmay hal ruux, halka qaraxa labaad lagu weeraray xarun ay leedahay shirkad kale oo la yiraahdo Muwaafaq.

Boosaaso ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyey ka dhacayey falal liddi ku ah amniga magaaladaas oo ka mid ah goobaha loo qorsheeyey inay ka dhacdo doorashada.