25 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

“Waa sharci darro warqada Maxkamadda Gobolka ee ku aadan lacagta Imaaraadka Carabta,” Waxaa sidaas yiri…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-xigeenkii hore ee xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya, Garyaqaan Dr. Mukhtaar Nuur Abuukar ayaa sharci darro ku tilmaamay waraaqdii ay Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa dhawaan ku hakisay bixinta lacagta Imaaraadka.

Warqada kasoo baxday maxkamadda gobolka Banaadir 30-kii bishii hore, islamarkaana lagu soo aadiyey safarka Rooble uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa lagu faray guddoomiyaha bangiga dhexe iyo wasiirka maaliyadda in lacagtaas aan laga bixin karin qasnadda dowlada.

Garyaqaan Dr. Mukhtaar Nuur Abuukar ayaa sheegay in ugu horeyntii ay aheyd qalad in la qabto lacagta u socotay safaarada Imaaraadka ee Soomaaliya, kaasi oo jabinaya xeer caalami ah.

“Marnaba qaanuunka marnaba ma cadeynayo in Safaarad hanti ay leedahay ama boorsooyin ay leedahay la baaro oo la xanibo. Wadan kasta oo caalamka ka jira qanuunkaas ayey ku dhaqmaan, weyba dhacday hadda waxaa go’aan ka gaaray Golaha wasiirada oo in dib loogu cesho lacagta dowladda Imaaraadka Carabta,” ayuu yiri.

“Waxaa la is-weydiinaya halkee xeer ilaalinta kasoo gashay arrintaan? Ma Madaxweynaha ayaa u dacwooday, ma aheyn inay gesho xeer ilaalinta oo dacwad maamul haddii ay jirto waxay aheyd in maxkamada sare loo dacwoodo.”

Sidoo kale waxa uu soo dhaweeyay in Ra’iisul Wasaaraha iyo Golahiisa wasiirada ay raali-gelin ka bixiyaan qaladka lagula kacay dowladda Imaaraadka Carabta, islamarkaana uu ku dhiiraday in uu ballan-qaado in uu lacagtii dib ugu celiyo.

“Dacwado badan ayaa la gudbiyay ardaydii la qaaday Eretria oo aan illaa hadda la ogeyn halka ay ku dambeeyen, runtii waxaa leeyahay in arrintaas ay xal u iman doonaan iyo in meesha laga saari doono hay’addaha la isku adeegsanayo.”

Hadalkan ayaa imanaya kadib markii Maxakamadda gobolka ay shaaca ka qaaday in lacagtaas oo dhan 9,600,000 inay si sharci darro ah kusoo gashay dalka, isla-markaana ay weli hortaallo xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka.

Amarka maxkamadda gobolka Banaadir ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, islamarkaana ra’iisul wasaare Rooble uu aadayay dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay, isaga oo maalmihii dambe la kulmay madaxda dalkaas.

Horey madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u soo saaray wareegto ka dhan ah tallaabada ra’iisul wasaaraha, wuxuuna amar ku bixiyey in lacagtaasi aan laga saari karin bangiga dhexe, isaga oo sheegay in go’aanka Rooble uu yahay mid uu gaaray hal nin, sidaaas daraadeedna aan lagu bixin karin lagacaataasi oo la qabtay bishii April ee sanadkii 2018-kii, xilli laga soo dajiyey garoonka Aadan Cadde.

Somaliland oo Mareykanka u yaboohday laba waxyaabood si ay uga beddelato aqoonsi

Washington (Caasimada Online) – Somaliland ayaa militariga Mareykanka u yaboohday deked iyo garoon diyaaradeed oo ku yaalla marin badeed muhiim ah, ayada oo uga bedelaneysa tallaabooyin ku wajahan in loo aqoonsado dal madax-banaan.

Isaga oo rajeynaya inuu ka faa’iideysato walaac sii kordhaya oo Mareykanka uu ka qabo is-ballaarinta Shiinaha ee Afrika, ayaa madaxweynaha Somaliland wuxuu qorsheynayaa inuu bisha March booqdo Washington, halkaasi oo la filayo inuu ku sahmiyo xiisaha Mareykanka ee ku aadan isticmaalka xarumo ku yaalla magaalada Berbera.

Berbera waxay ku taallaa Gacanka Cadan, oo ah marin muhiim ah oo xiriiriya Badweynta India, marin biyoodka Suez iyo Badda Meditareeniyaanka.

“Madaxweynaha wuu soo dhoweyn lahaa joogitaanka Mareykanka iyo inuu ilaaliyo mari-biyoodyadan,” waxaa sidaas yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, Ciise Kayd oo wareysi siiyey Wargeyska Wall Street Journal ee Mareykanka.

“Mareykanka waa inay si deg deg ah falcelin u sameeyaan,” ayuu yiri.

Somaliland ayaa mudod 30 sano ah wadday olole ay ku raadineyso aqoonsi caalami ah. Hase yeeshee dadaalkan cusub ayaa imanaya xilli ay haysato fursan weyn.

Waxaa jira niyadjab ay Washington ka qabto dowladda federaalka ee Muqdisho, oo dhowr jeer dib u dhigtay doorashooyinka, islamarkaana ku lug yeelatay khilaafyo siyaasadeed oo dhexdeeda ah, taasi oo dhalisay guuldarro ku aadan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Niyadjadbka laga qaaday dowladda federaalka, oo ay wehliyaan walaacyada ka dhashay dagaalka dalka deriska ah ee Ethiopia iyo afgambiga militari ee Sudan, ayaa dhaliyey in Congress-ka Mareykanka uu dabacsanaan u muujiyo Somaliland oo ku guuleysatay doorashooyin Dimoqraadi ah iyo nabad.

“Xasillooni darrada sii socota ee Geeska Afrika iyo tartanka caalamiga ah ee loogu jiro kheyraadka iyo saameynta ayaa ka dhigaya muhiim inaan la shaqeyno saaxiibada nagu aragtida ah ee gobolka sida Somaliland oo ay ka go’an tahay nabad, dimoqraadiyad iyo barwaaqo,” waxaa sidaas yiri Senator Jim Risch, oo ka mid ah xubnaha ugu sarreeya xisbiga Jamhuuriga ee ku jira Guddiga Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Aqalka Senate-ka. 

Si kastaba, maamulka Biden ayaa ku adkeysanaya siyaasadda Mareykanka ee ah in Soomaaliya ay tahay hal dal, oo Somaliland ay ku jirto. Sidoo kale dowlado badan oo Afrikan ah ayaa aqoonsi ay hesho Somaliland u arka inay dhiiri-geli karto inay ayagana wajahaan gooni u goosad dalalkooda ka dillaaca.

Ayada oo ay sidaas jirto, ayaa haddana Diblomaasiyiinta Mareykanka aysan qarin sida ay uga niyadjabsan yihiin madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo marar badan dib u dhigay doorashada iskuna dayey muddo kororsi.

Sanadii 2017, Shiinaha ayaa saldhig militari ka sameystay dalka Jabuuti, oo ku dhegan Somaliland, meel u dhow marinka Bab el-Mandeb, oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadan.

Inkasta oo Jabuuti aysan muujin inay sidaas dooneyso, haddana waqti kasta ay xiri kartaa saldhigga Mareykanka ee dalkaas, taasi oo militariga Mareykanka ku qasbi karta inay raadiyaan mid cusub.

Somaliland ayaa u aragta loolanka quwadaha adduunka inuu u furayo albaab ay ku xaqiijiso aqoonsi caalami ah. 

“Haddii Shiinaha ay awood ku qabsadaan dalkeena, ama siyaabo kale, markaas marinka oo idil ayagaa maamuli doona,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Ciise Kayd.

Bishii August 2021, diyaarad militari oo Mareykan ah ayaa cago dhigatay garoonka Berbera, halkaasi oo saraakiil Mareykan ah ay qiimeyn ku sameeyeen dekedda iyo garoonka. 

“Militariga Mareykanka waxay hadda haystaan Jabuuti, balse waxay u baahan yihiin qorshe labaad (Plan B), islamarkaana Somaliland waxay noqon kartaa midkaas,” waxaa sidaas yiri Tibor Nagy, oo ahaa kaaliyihii Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Afrika, ee maamulkii Trump.

Bishii November, Ciise Kayd oo ah muwaadin Mareykan ah ayaa booqday Washington si uu olole uga sameeyo Congress-ka Mareykanka. Bishii ku xigtay ee December, kaaliyeyaal sare oo ka tirsan Congress-ka ayaa booqday Berbera iyo Hargeysa.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa qirsan inaysan u muuqan inay deg deg u heli karaan aqoonsi, balse waxay raadinayaan inay xulufo la noqdaan Washington kuna guuleystaan tallaabooyin ay xiriir toos ah kula yeelanayaan.

“Aqoonsi beddelkiisa, hadafkeena ugu weyn waa wada-shaqeyn,” ayuu yiri Ciise Kayd.

Sanadii tegtay, Senator Risch, oo laga soo doorto gobolka Idaho ayaa qoray sharci ku qasbaya Pentagon-ka inuu wada-shaqeyn militari la yeesho Somaliland, ayada oo la dhinac marayo dowladda federaalka. Sharcigaas ayaa ka gudbi waayey Aqalka Senate-ka. Balse Risch wuxuu doonayaa inuu mar kale dib usoo nooleeyo wada-xaajoodka Somaliland.

Mareykanka oo QATAR u aqoonsanaya dal maqaam gaar ah leh – Muxuu yahay?

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Isniintii u ballan-qaaday amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani inuu dhowaan Qatar u aqoonsan doono xulufo weyn oo aan NATO aheyn, taasi oo dalkan siineysa maqam gaar ah.

Intii uu socday kulan ay ku yeesheen Aqalka Cad, ayuu madaxweyne Biden sheegay inuu dhawaan ku wargelin doono Congaress-ka Mareykanka magacaabista Qatar, taas oo Mareykanka u ogolaaneysa inuu soo dhaweysto xulufada aanan NATO ka tirsaneyn, balse militariga Mareykanka la leh xiriirka shaqo ee istaraatiijiga ah.

Biden oo uu dhinac fadhiyay Amiirka Qatar, Sheekh Tamim Bin Hamad, ayaa ku tilmaamay Qatar saaxiib wanaagsan oo la isku halleyn karo oo karti leh, Islamarkaana soo dhaweynteeda Isbaheysiga NATO ay aheyd arrin muddo dheer dib looga dhacayay.

Qatar waa dalka ugu soo saarista badan gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah, waxaana hadda suuragal ah in wax soo saarkeeda ay u weeciso Yurub, haddii colaadda Ukraine ay carqaladeyso Gaaska uu hadda Ruushka siiyo Qaaradda Yurub.

Ajandaha Biden ee Aqalka Cad ee kulanka Amiir Tamim ayaa qeyb ka ahaa wadahadallada nukliyeerka Iran iyo xiriirka Afghanistan, halkaas oo danaha Mareykanka hadda uu wakiil uga yahay dalkaan yar ee ku yaalla Gacanka Khaliijka.

Madaxweyne Biden ayaa sidoo kale sheegay in isaga iyo Amiirka Qatar ay Isniinti ka hadleen arrimo kale oo dhowr ah oo ay ku jireen xoojinta xiriirka ganacsiga iyo iskaashi ay labada dhinac ka sameeyaan maal-gashiga.

Sida ay sheegeen saraakiil, Sheekh Tamim ayaa sidoo kale kulamo gaar ah la yeeshay Xoghayaha Ammaanka Gudaha ee Mareykanka, Alejandro Mayorkas iyo Xoghayaha Gaashaandhiga Lloyd Austin, oo uu kala hadlay arrimo la xiriira iibinta hub iyo arrimo kale oo militari.

Qatar oo ka mid ah dalalka Bariga Dhexe ee martigeliya saldhigyada millatari ee Mareykanka, ayaa muddo dheer xiriir la lahaa Dowladda Mareykanka.

REUTERS + VOA

Musharax loo xiray kursi xildhibaan oo weerar culus lagu qaaday + Khasaaraha

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in rag hubeysan ay weerar ku qaadeen Musharax u taagan kursi xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka.

Musharax Xildhibaan Maxamed Faarax Nuur (Maxamed Dheere) oo u taagan kursiga uu tirsigiisu yahay HOP#192 ayaa waxa uu dhaawac fudud kasoo gaaray weerarka maanta lagu qaaday.

Sidoo kale rasaasta ay dableyda hubeysan ku fureen Musharaxa ayaa waxaa ku dhaawacmay labo kamid ah Askarta ilaalada u ah, sida ay noo sheegen goobjoogeyaal.

Weerarka lagu qaaday Maxamed Dheere ayaa salka ku haya khilaaf xoogan oo ka taagan kursiga xildhibaan ee uu isku soo taagay, kaasi oo la soo warinayo in si gaar ah loogu xiray.

Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Puntland ayaa maanta Musharax Xildhibaan Maxamed Dheere siiyay shahaadada musharaxnimada, ayada oo lasii xoojiyay amniga musharaxa oo hore uga mid ahaa xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland.

Kursiga HOP#192 ee uu isku soo taagay Maxamed Dheere ayaa waxa lagu wadaa in maalinta berri ah ay doorashadiisa ka qabsoomto magaalada Garoowe, taasi oo dab ku sii shiday xiisada ka taagan kursigaas, maadama ay ka hor-yimaadeen jufooyin la wadaaga.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in xiisada ka dhalatay loolanka kursigaas ay ku baxeen qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka magaalada Garoowe, si loo qaboojiyo oo aysan u dhicin beegsiyo kale.

Waddan ka carooday in magaciisa lagu daray liis ay ku jirto Soomaaliya + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Colombia ayaa ka carootay in waddankaas lagu daray liiska warbixinta Qaramada Midoobay ee 20 dal oo ay ka jirto “baahi daran”, isla-markaana ay qayb ka tahay Soomalaiya, sida ay tebisay Wakaaladda Wararka ee AFP.

War Isniintii kasoo baxay xukuumadda Bogota ayaa lagu dalbaday in Colombia laga saaro liiska waddamada lagu tilmaamay inay halis ugu jiraan “raashin la’aan.”

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Colombia ayaa xafiiska hay’adda FAO ee magaalada Rome u gudbisay go’aanka ku saabsan sida ay uga soo hor jeedaan warbixintaas, sida ay ku warrameen warbaahinta dalkaas.

Warbixinta carada dhalisay waxaa isbuucii lasoo dhaafay si wadajir ah u shaaciyay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada iyo Berraha iyo hay’adda Caafimaadka Adduunka.

Waxaa lagu sheegay in “dad ay tiradoodu gaareyso 7.3 milyan oo reer Colombia ah ay heystaan dhibaatooyin cunto la’aan ah ayna u baahan yihiin in raashin lagu caawiyo 2022-ka.”

Waddamada kale ee liiska ka muuqda waxaa ka mid ah Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed, Itoobiya, Madagascar iyo Yemen.

Arrintan ayaa sidoo kale dhalisay hadal heyn xoogan, waxaana siyaabo kala duwan uga falceliyey dadka Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ee Internet-ka.

BBC

Guddigii uu magacaabay ROOBLE oo digniin kasoo saaray boobka doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka ee uu horey u magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay doorashada socota ee Golaha Shacabka Soomaaliya, isaga oo digniin culus kasoo saaray boobka lagu hayo kuraasta Baarlamaanka.

Marwo Caasho Siyaad oo ka mid ah xubnaha guddigan ayaa sheegtay inay ka digayaan in la boobo kuraasta loo qorsheeyey haweenka ee Baarlamaanka, kadib wareysi ay siisay Universal TV.

Caasho Siyaad ayaa sidoo kale soo jeedisay in Qabaa’ilka aan laga qabanin liis aysan ku jirin gabdho, si loo ilaaliyo qoondada haweenka ee 30%.

“Cabasho way jirtaa waana ka sii digeynaa, waana ka sii dardaarmeynaa gabdhaha kuraastooda in la ilaaliyo Qabaa’ilka gabdhaha laga rabo inaanan laga qabanin liis aysan gabdho ku jirin” ayey tiri Caasho Siyaad oo ka mida Gudiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka.

Sidoo kale waxay intaasi ku dartay inay dacwad culsu ka gudbin doonaan kuraasta gabdhaha ee la boobayo, haddii aan wax laga qaban , inta ay socoto doorashada.

“Annaga dacwo ayaan ka gudbineynaa, haddii ay dhacdo in kuraas gabdho loo qoondeeyey ay rag ku soo fariistaan,” ayey sii raacisay.

Ugu dambeyn Marwo Caasho Siyaad ayaa farriin u dirtay madax goboleedyada, waxayna ugu baaqday inay ka shaqeeyaan hunfnaanta doorashada iyo ilaalinta qoondada haweenka.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayda oo aysan weli waxba iska beddalin hannaanka doorashada, kadib shirkii Muqdisho waxaana weli socda ‘boobka’ doorashada iyo in kuraasta qaar loo xiro shaqsiyaad gaar ah, taas oo xiiso beel ku ridday doorashada.

“Annaga oo ay rasaas nagu socoto ayuu OSAMA Bin Laden iga diiday inuu gabado”

Dukumintary ay BBC-du ka sameysay taariikhdii dhinaca jihaad doonka ee Osama Bin Laden ayaa dadkii lagu wareystay waxaa ku jira nin ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii mujaahidiinta oo lagu naaneyso ‘Ma Cabsade’.

Waxa uu ka sheekeeyay sida uu Bin Laadin ahaa markii ugu horreysay ee uu tababarka u sameynayay iyo sida uu ninkaas uu bilyaneerka aabihiis ahaa ku noqday maskaxdii ka dambeysay weerarro argagixiso.

‘Ma cadsade’ waxa uu sheegay in Osama uu ahaa nin aamusnaan badan, balse sheekada xiisaha badan waxa ay ahayd mid ku saabsan maalin ay dagaal culus ka qayb galeen.

Ninka qisada ka sheekeynaya waxa uu ka mid ahaa dagaalyahannadii reer Afghanistan ee u babac dhigay ciidamadii miwdowga Soviet. Dad kale oo jihaad doon ah ayaase uga yimid meelo kale oo caalamka ka tirsan, sida waddamada carabta, si ay garab u siiyaan.

“Raggii carabta ahaa ee noo yimid waxaan ku qaabilnay sida ay yihiin carruur. Aad bay u dhiirranaayeen balse wax fikrad ah kama aysan heysanin sida loo dagaallamo. Way iska keen socdeen, qaarkoodna raashin ayay noo karinayeen. Hoggaamiyeyaasheenna marka ay xulanayaan dad soo dagaallama way ka leexan jireen kuwa Carabta ah.

“Waxaa jiray 12 nin oo Carab ah oo nagu soo biiray, mid ka mid ah waxaa lagu magacaabi jiray Osama. Dhowr maalmood kaliya ma ahayn waxa uu nala joogay balse bilo ayuu nala joogay, waxay ahayd 6 bilood mise 8 bilood, ma xasuusto,” ayuu yidhi Ma Cabsade.

Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee heystay dagaalyahannada waxaa ka mid ahaa waddooyinka oo aan dhisneyn, sida uu sheegay ‘Ma Cadsade’.

Andullah Anas, oo isagana ka mid ah mujaahidiintii hore, kuna jira muuqaalka dukumintary-ga ah, ayaa yidhi: “Waxaan xasuustaa mar aan safar ku tagay dhinaca waqooyi inaan arkay Osama oo aad u xamaasadeysan oo kaxeynaya baldoosar.

“Waan u tagay, markaas ayaan ku dhahay, ‘Maxaad sameyneysaa Osama?’, Markaas ayuu igu yidhi: ‘Waa lagama maarmaan inaan waddooyin u dhisno mujaahidiinta, sidoo kalena waa inaan xarumo caafimaad ka sameyno godadka buuraha dhexdooda ku yaalla’, sidaas awgeed injineerro ayuu ka keenay shirkaddiisa dhismaha ee ku taallay Jidda.”

Ma Cadsade waxa uu sheegay inay mar walba arki jireen Osama oo dhiiqada ku dhex jira marka uu baldoosarka ku dhisayo waddada, balse aysan waligood fahmin inuu isagu bixinayay lacagta oo dhan.

“Waxaan u heysannay in ay dad kale kharashka bixinayeen isaguna uu ka ahaa shaqaale caawinaad sameynaya.”

Dagaalkii qaraaraa

“Nimanka Carabta ah ee noo yimid waxba kama aysan aqoonin hubka, tusaale ahaan sida loo isticmaalo AK47 ama sida wax loo toogto. Waligoodba ma aysan ku fikirin,” ayuu yidhi.

“Osama wuxuu noo arkayay inaan nahay macallimiintiisa tababarka siinayay, jihaadka iyo dagaalkana barayay. Annaga ayay naga fiirsan jireen, ugu dambeyntiina way barteen.”

“Markii ay wax barteen waxaan u kaxeyn jirnay jiidda hore ee dagaalka. Waxaan xasuustaa in annagoo dagaal qaraar ku jirna aan Osama ku kari weynay inuu gabbado xilli ay rasaas nagu socotay. Waxaan ku dhahnay, ‘gabbo haddii kale xabbadda way kugu dhaceysaa’, balse ma uusan is xakameyn karin oo maba aysan kusoo dhaceynin inuu gabbado.

“Marba qof ayuu ku ordaa, haddana qof kale ayuu ku ordaa. Markii dambe aniga ayaa ku xanaaqay, waan ku qeyliyay “fariiso” kaddib ayuu fariistay.”

“Waxa uu ahaa nin dheer oo caato ah, dabeecaddiisa ayaaba ahayd inuusan gabbanin, weligiisna kama uusan baqin inay xabbad ku dhacdo,” ayuu yiri.

Bin Laden oo markii dmabe mas’uul ka ahaa weerarradii 9/11 ee lagu qaaday Mareykanka, waxa uu ku dhintay howlgal ay ciidamada Mareykanka fuliyeen bishii May ee sanadkii 2011-kii. Howlgalkaas waxa uu ka dhacay guri uu Osama dagganaa oo ku yaallay gudaha dalka Pakistan.

Xigasho: BBC SOMALI

“Waxaan ka cabsi qabaa in baarlamanka 11-ad ee dalka uu argagixiso noqdo” + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka mid ahaa baarlamaankii 10-aad ee waqtigu ka dhamaaday oo dhawaan laga reebay tartankii kurisigiisa oo laga soo doorto Koonfur Galbeed ayaa ka deyriyey hanaanka ay u socoto doorashada Soomaaliya iyo waxa laga dhaxli karo.

Waxa uu sheegay in dalku uu khatar ugu jiro inay u soo baxaan xildhibaano Al-Shabaab ah, “Waxaan ka cabsanaa in baarlamaanka 11-aad uu noqdo argagixiso, waxaan la yaabay ayaa dalka ka socda,” ayuu yiri.

Idiris Dhaqtar ayaa sheegay in xukuumadii loo xil saaray doorashada ay howlo kale ku mashquulsan tahay, waxuu sheegay in rag taageersanaa nidaamka Farmaajo oo isaga ku jees-jeesay markii laga reebay tartanka ay hadda K/Galbeed ka soo laabteen iyadoo loo soo diiday kuraastii.

“Ragga kuraasta loo soo diiday waxay igu eedeynayeen inaan ahay mucaarad, waxay igu yiraahdeen ’20 sano ayaan kuriga ku fadhinay, nin kasta oo xukunka yimaadana muxaafid ayaan u aheyn’ Farmaajo ayey soo saarteen Facebook-yadooda, hadana waxaa laga reebay tartankii, wadankaan waxuu u socdaa meel qaab daran,” ayuu yiri.

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar ayaa walaac ka muujiyey qorshaha cusub ee Daacish ay baada uga qaadaneyso ganacsatada Suuqa Bakaaraha, taas oo dowladdu aysan waxaba ka qaban karin, sida uu sheegay.

“Waxaa igu maqaalaa in deegaan ka tirsan Muqdisho ay Shabaab dacwadaha dadka ku qaadaan oo loogu tago xafiisyo ay ku leeyihiin, dowladdii sheeganeysay inay xukunto magaaladaan kama warqabto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Idiris Dhaqtar.

Abaaraha dalka ka jira iyo lacagaha tirada badan ee la isku dooranayo ayuu sheegay in xukuumadda Rooble ay iska indhatireyso, isagoo ku dhaliilay safaradda badan ee dibadda ah.

“Qaladaadka dhacaya masuuliyadooda Rooble ayaa iska leh oo mar Kenya aadaaya, mar Qatar, marna Imaaraadka, kamaba war-qabo waxa dalka ka socda, anigu hadda xukuumadda Rooble 11-kun oo lacag ah ayaan ka rabaa, qasnada ayaan ugu shubay inaan kurisiga beesheyda u tartamana waa la iga hor istaagay,” ayuu yiri Xildhibaan hore Idiris Dhaqtar.

Waxuu intaas ku sii daray, “Lacagta waxaan ku soo shubay Bankiga dowladda, mas’uuliyadda doorashadana waxay saaran tahay Rooble, kama hari doono lacagteydii maxkamad ayaan la koraa, hadii maanta ay awood leeyihiin, maalin aysan awood laheyn ayaan ka qaadanaa lacagteydii.”

Hoos ka daawo

PUNTLAND oo xukunno adag ku ridday shabakad ka kooban 6 dhalllinyaro ah

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa soo gabagabeysay dhageysiga dacwad ka dhan ah 6 dhalinyaro ah oo lagu eedeeyey in ay ahaayeen shabakad ka tirsan Al-Shabaab oo dilal qorsheysan iyo qaraxyo ka geysan jiray gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Maxkamadda ayaa afar ka mid ah dhalinyaradan ku xukuntay dil toogasho ah, halka labada kale lagu riday xabsiyo u dhexeeyo 20 illaa 30 sano oo xarig ah.

Afarta dhaliyarada ah ee dilka lagu xukumay ayaa kala ah Farxaan Faysal Salaad, Cabdullaahi Faysal Xuseen, Barkhad Cawil Xirsi iyo Liibaan Aaden Muuse.

Sidoo kale Cabdiqani Farxaan Cabdullaahi ayaa waxa ay Maxkamaddu ku xukuntay 30 sano oo xarig ah, halka Cabdiraxmaan Cawil Maxamed isna lagu xukumay 20 sano oo xabsi ah.

Dhalinyaradan ayaa waxaa dhamaantood lagu eedeeyey inay Gaalkacyo ka howl-galayeen intii u dhexeysay 2017-kii illaa 2021-kii, isla-markaana ay ka geysteen qaraxyo iyo dilal.

Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa intaasi ku dartay in dhalinyarada la xukumay ay heystaan 30 cisho oo racfaan ay ku qaadan karaan, si ay u qabsadaan qareenno u dooda oo ka difaaca dambiyada ay ku mutaysteen xukunada adag ee haatan lagu ridday.

Puntland ayaa horey xukuno dil ah ugu ridday xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana ugu dambeeyey 18 kii nin ee bartamihii 2021-kii lagu toogtay waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Wararkii ugu dambeeyey dagaal culus oo ka dhacay Galgaduud + Khasaaraha

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay qaybo ka mid gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, kaas oo u dhexeeyey laba maleeshiyo Beeleed.

Dagaalka ayaa ka qarxay duleedka koonfureed ee degmada Balanbale, waxaana intii uu socday la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in dirirtu ay dhex-martay laba maleeshiyo Beeleed oo muddo isku hayey arrimo la xiriira aano Qabiil oo ka taagan halkaasi.

Ugu yaraan 9 ruux ayaa ku dhintay dagaalkan, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa sidoo kale isugu jiro dhinacyada dagaalamay iyo shacab ku sugnaa halka uu dagaalku ka dhacay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in inta uu dagaalka uu socday in ka badan 15 guri oo ay daganaayeen qoysas xoolo dhaqaqto ah, taas saameyn ku yeelatay deegaanka.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana is hor fadhiya maleeshiyaadka labada dhinac ee ku dagaalamay koonfurta degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Dagaal Beeleedyada ayaa ku soo noq-noqday deegaanada maamulka Galmudug, kuwaas oo geystay khasaarooyin isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur intaba.

Dacwadda dilkii Sankara oo la hakiyey + Sababta

Burkina Faso (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla waddanka Burkina Faso ayaa hakisay dacwadda la xiriirta dilkii madaxweynihii hore ee dalkaas, Thomas Sankara, oo ay wajahayeen eedeysaneyaal.

Sankara oo ahaa hoggaamiyihii kacaanka ee dalka Burkina Faso  ayaa la dilay sanadka marka uu ahaan 1987-kii, waxaan kadib billowday baaritaano soo socday oo ku aadan dilkiisa.

Qoyska Mr Sankara ayaa codsaday in la hakiyo kiiska sababo la xiriira afgambigii militari ee waddankaas ka dhacay isbuucii lasoo dhaafay.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in ay dib u billaabi doonaan marka sharciga dastuurka lagu soo celiyo dalka.

Midowga Afrika ayaa Isniintii sheegay inuu xubinnimada ururkaas ka saaray Burkina Faso, go’aankaas oo yimid afar maalmood kaddib markii urur goboleedka Galbeedka Afrika ee Ecowas uu sidoo kale iska saaray Burkina Faso.

Wafdi isku dhaf ah oo ka kooban Qaramada Midoobay iyo Ecowas ayaa ku sugan magaalada Ouagadougou si ay wada hadal ula yeeshaan hoggaanka militariga.

Si kastaba, xaaladda Burkina Faso ayaa haatan aad u cakiran, kadib is-bedalka ka dhacay waddankaas oo gebi ahaanba ay Inqilaab ku qabsadeen ciidamada milatariga.

Xog: Wada-hadal u furmay Daacish iyo ganacsatada Suuqaha Bakaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda hubeysan ee Daacish ayaa weli gaaf wareeg iyo culeys ku heysa ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Dhawaan goobo muhiim ah oo Suuqa ka mid ah ayaa la xiray kadib markii kooxdaas ay ganacsatada weydiisatay lacag baad ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ciidan ku daadisay Suuqa Bakaaraha, balse ganacsatada waxay sheegeen in ciidanka xoogiisa uu ka laabtay suuqa oo hadda ay hal goob fariisin ka sameysteen.

Goobihii u xirmay lacagtii ay Daacish weydiisatay darteed ayaa dib loogu furay amar dowladeed, dhaqan aad loo dhaliilay oo jajuub iyo xoog ah ayey ciidanka dowladda ku wajaheen ganacsatada, laakiin taas waxaa la sheegay in aysan xal u noqon dhibaatadii taagneyd iyo lacagtii ay kooxda dalbatay.

Ciidanka dowladda federaalka ah waxay u muuqdeen inay kaliya diidan yihiin Suuqaha Bakaaraha oo u xiran Daacish darteed, laakiin ma jirin aragti dowladeed oo lagu maareyn karay mushkiladaan ayey yiraahdeen ganacsatada.

Waxaan maanta u kuur galnay waxa lagu xaliyey lacagtii ay kooxda dalbatay iyo xaalka sida uu yahay, waxaana la hadalnay qaar ka tirsan ganacsatada.

Waxay sheegeen inaan weli la xalin dhibaatadii taagneyd  “Suuqa waa la furay waa amarka dowladda oo weliba xoog lagu daray, laakiin weli kooxdii lacagtii ayey rabtaa,” ayuu yiri mid kamid ah ganacsatadii aan la hadalnay.

“Maadaama aysan dowladda noola imaan qaab wax lagu xalin karo, waxaan ku qasbanaanay inaan anaga xal raadino, guddi ayaan u saarnay arrintaan, waxaan ku heshiinay in 15 maalin lagu xaliyo howsha taagan, guddiga waxay la fariisanayaan kooxda, waxayna kala doodayaan habka ugu macquulsan ee lagu kala badbaadi karo, laguna macaamilo karo, waxaan ku qasbanahay inaan kooxda la hadalno oo aan is xalino si aan u ganacsano” ayuu yiri ganacsadahaas.

Maxaa ka dhallan kara tallaabada lagula heshiinayo kooxda?

Sida muuqato, qorshaha ganacsatada waa inay si toos ah ula heshiiyaan kooxda Daacish, iyagoo eeganaya naftooda iyo maalkooda.

Halkaan waxaa ka dhalanaya inay Xamar ku waajibeyso canshuur seddexaad, maadaama ay horay u hirgashay midii Al-Shabaab, waxaa kaloo ka dhallan karta inay abuurmaan kooxo kale oo lacag doon ah oo magacyo cusub leh, balse dhibaatada ugu weyn ee arrintaani waa sare u kaca nolosha magaalada.

Mar walba oo ay badato baada laga qaadayo ganacsatada waxay iyaguna ku qasban yihiin inay qiimo sare wax ku iibiyaan badeecada, taas oo shacabka ku badineyso culeyska. Waxaa kaloo ka dhallan karta inay ganacsiyada qaar xirmaan.

Dowladda iyo canshuurta sedaxaad

Hey’adaha ammaanka ee dowladda federaalka ah waxaa lagu eedeenayaa in aysan heysan qorshe si dhab ah wax looga qaban karo dhibaatooyinka kooxahaan hubeysan.

Mar walba oo ay kooxuhu helaan lacag waxay dhiira gelineysaa inay sii jiraan oo ay geystaan dhibaatooyin amni.

Madaxda dowladda federaalka ah ayaa si weyn ugu mashquulsan arrimaha doorashooyinka iyo danahooda gaarka ah, waxayna taas keentay inay kooxahaan helaan dariiq nabad ah oo ay ku shaqeystaan, maadaama ay dowladdii iyagu isku mashquulsan tahay.

Xamar oo aan amni aheyn, waddooyinka badi xiran yihiin wax horumar bulsho oo la taaban karana aan loo sameyn ayaa maanta u muuqata inay aqbaleyso inay bixiso seddex lacagood oo kala duwan, waa laba baad ah iyo mid canshuur ah.

Kooxda Daacish waxay maanta mareysaa ganacsatada, haddii aan arrintaan wax laga qaban oo la aqbalana sida Shabaab-ka ayey berrina bilaabi doonaan lacagaha laga qaado qeybaha kale ee magaalada.

Maamulka Gobolka Banaadir, qeybaha kala duwan ee ciidamada iyo wasaaradda arrimaha gudaha wax aragti ah kama lahan sida muuqata dhibaatadaan socota, umana eka kuwo ku mashquulsan inay xal u raadiyaan dhibkaan

Daawo: Maxaa kasoo baxay kulankii Rooble iyo dhigiisa dalka Imaaraadka Carabta?

0

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magaalada Dubai kula kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ahna Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, Maxamed Bin Raashid Ala-Maktoum.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga labad dal, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha, dhoofka xoolaha Soomaalida ee loo iib geeyo dalka Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale waxay si gaar ah diirada u saareen sida ay xiligan lagama maarmaan u tahay sidii dal-kugalka (Fiisooyinka) loogu fududeyn lahaa Soomaalida u safarta dalka Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Raashid ayaa ballan-qaaday in dowladdiisu kordhin doonto gar-gaarka la gaarsiinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Ugu dambeyntiina Rooble ayaa dhiggiisa Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Raashid uga mahad-celiyay kaalinta dowladdiisu ay ka geysatay gurmadka abaaraha ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Abu Dhabi.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa dhowaan raali-gelin siiyey dowladda Imaaraadka Carabta, taas oo la xiriirta lacagtii 2018-kii looga qabtay garoonka Aadan Cadde, isagoo u ballan qaaday in dib loogu celin doono lacagtaas, waxayna tallaabadaas dhabaha u xaartay dib usoo nooleynta xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi.

Si kastaba, booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Imaaraadka ayaa markale dhidibada u taageysa xiriirka u dhaxeeyay labada dal, oo muddooyinkii dambe uu ka jira mad-madow badan, waxayna ku soo aadeysa xilli xasaasi ah oo ay is hayaan madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday oo garab ka hela dowladda Qatar.

Daawo: C/Qani Saciid oo la sheegay in xilka laga qaaday iyo jawaab uu ka bixiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir aan caadi aheyn oo maanta ay isugu yimaadeen xubnaha guddiga fulinta iyo golaha Congress-ka xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa lagu ansixiyey xilka qaadis lagu sameeyey guddoomiyaha xiriirka Cabdiqani Saciid Carab.

Xubno ka kala socday 14 ka mid ah kooxaha kubadda cagta, ururka macalimiinta iyo garsoorka xiriirka ayaa ka soo qeyb galay munaasabadii xilka looga xayuubiyey guddoomiye Cabdiqani.

Cali Maxamed Cabdi (Cali Shiine) ayaa si KMG ah loogu dhiibay inuu sii wado shaqada xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, Cali Shiine ayaa warbaahinta u sheegay inuu ka mahad celinayo hoggaamintaan sida KMG ah loogu igmaday.

Guddoomiyaha la sheegay in xilka laga qaaday Cabdiqani Saciid Carab oo isna warbaahinta la hadlay ayaa fowdo ku tilmaamay shirka ay qabteen qaar ka mid ah xubnaha xiriirka kubadda cagta ee xilka looga qaaday.

Waxa uu sheegay in wax kasta oo ay sameeyeen xubnihii maanta ay baal marsan yihiin xeerka xiriirka kubadda cagta, “Waxaa la abaabulay shir aan dastuurkeena waafaqsaneyn oo nasiib darro ku ah bahda kubada cagta, talaabadaas aad ayaan uga xumahay, waana sharci darro,” ayuu yiri Cabdiqani Saciid Carab.

Sidoo kale Cabdiqani ayaa sheegay in maalmahaan ay socdeen dadaallo ay waday wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha, iyadoo wasiirku dhawaan uu soo jeediyey in la isugu yimaado shirweyn oo xal looga gaarayo khilaafaadka jira.

Shirkii maanta xilka looga qaaday ayuu Cabdiqani ku tilmaamay mid lagu dhabar jebinayo nidaamka xiriirka, isagoo wasiirka cayaaraha iyo guud ahaan xubnaha wasaaradaas uga digay inay ku milmaan qalalaasaha ka dhex socda hoggaanka xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed.

Dhanka kale qaar ka mid ah hoggaanka kooxaha kubadda cagta oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hor yimid go’aankii maanta lagu ansixiyey xilka qaadista guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab.

War-saxaafadeed ka soo baxay kooxahaas ayaa lagu sheegay in shirkaas aysan ka warheyn oo warbaahinta un ay ka arkeen, sidaas darteena wixii halkaas ka dhacay aysan waafaqsaneyn sharciga xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Hoos ka daawo Cabdiqani Saciid Carab

Maamulka G/BANAADIR oo DIGNIIN culus soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa digniin adag kasoo saaray goobaha danta guud ee la degan yahay, ayaga oo dadka ku jira ay fareen in sida ugu dhaqsiyaha badan uga guuraan.

Guddoomiyaha degmada Heliwaa, Mire Salaad Dhuxulow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in xarun dan guud ah loo isticmaalo dan gaar ah.

“Dadka degan dhamaan dhulka danta guud ee ku yaalla degmada Heliwa, bi-fadlikum alaabtiina meesha ka qaata oo kasii guura, waa idin soo socona, oo guryo kireysta ama iibsada oo ka guura dhulka danta guud,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray in maamulka uu muddo 7 cisho ah u qabtay in dadka degan dhulka danta guud ay uga guuraan, wixii ka dambeeyan ay qaadi doonaan howl-gal ay si qasab ah uga saarayaan, sida uu sheegay.

Sidoo kale waxa uu faray ganacsatada hareeraha wadooyinka ku ganacsada inay ka guuraan, maadama ay aad u soo yaraatay wadada, islamarkaana ay dhawaan qorsheynayaan in ganacsatadaas u diyaariyaan suuq.

“Waxaa rabna in aan wadada lagu dhex ganacsan oo waxaa loo dhisay in la maro, anagii ayaa weynay meel aan ka marno, walaalayaalow ka guura intaas ka badan idinkama xishoon karno. Suuqleyda waxaa u qorsheynayna in aan u diyaarino suuq, laakiin inta aan idin diyaarinayno ma ogolaaneyno in aad suuqa kusii ganacsataan.”

Digniintan ayaa imaneysa kadib markii uu maamulka bur-buriyay ganacsiyo ku yaalla wadada hareeraheeda, halka kuwa kalena uu faray in si dhaqso ah uga guuraan inta aan la dumin ganacsigooga.

Lamaane is-qabay oo lagu dilay magaalada Laascaanood

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Dabley hubaysan ayaa xalay dil ugu gaystay lammaane is-qaba xaafada Farxas-kule ee magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, xili ay kusii socdeen gurigooda.

Sida ay sheegen dad deegaanka ah, kooxda dilka geysatay ayaa islamarkiiba ka baxsaday goobta kadib markii ay toogteen labada qof ee lamaanaha ah, ayada oo goobtaasi ay gaareen ciidamo ka tirsan booliska.

Labada marxuum ayaa magacyadooda lagu sheegay Maxamed Maxamuud Muuse Ismaaciil iyo xaaskiisa oo lagu magacaabo Shukri Xasan Maxamed Tima-cade

Taliyaha Booliska gobolka Sool, Cali Axmed Shire oo la hadlay VOA ayaa ugu horeyntii ka tacsiyadeeyay dhacdadaas, asaga oo sheegay inay dad dhowr ah u soo xireen falkaas, islamarkaana ay socoto baaristiisa.

“Waxaa u tacsiyadeynaya labada marxuum ehelkooda, qaraabadooda iyo qaranka jamhuuriyada Somaliland, falkaas foosha xun ayaa xalay ka dhacay gobolka Sool, koley dadna waa u xir-xiran yihiin oo baaristii waa socota ka hor dhici mayno, waxna waa daba socona,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay bulshada reer Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool dadka ku nool inay nabad-gelyada gacan ka siiyaan laamaha amaanka, si loo xaqiijiyo amaanka guud ee gobolka.

“Waxaa ballan-qaadeyna in aan si hagar la’aan ah ugu shaqeynayno, ayagana waxaa ka codsaneyna inay la shaqeeyaan Booliska, oo nabad-gelyada la ilaaliyo.”

Dilka loo geystay labada marxuum ee lamaanaha ahaa ayaa noqonaya kii labaad ee bil gudaheed ka dhaca magaalada Laascaanood, kaasi oo illaa hadda la garanayn cidii gaysatay.

Somaliland ayaa hore falalka amni xumada Laascaanood ugu eedeysay dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliyada, ayada oo bishii Oktoober ee sanadkii hore magaaladaas ka tarxiishay kumanaan qoysas ah, taasi oo ay cambaareyn xoogan kala kulantay.

Si kastaba, Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa waxaa weli ka dhaca falal amni daro oo ay ugu horeyso dilalka ku dhufo ee ka dhaqaaqda loo yaqaano.

Koox diyaarado drone ah ku weerartay magaalo uu ku sugnaa madaxweynaha Israel

0

Dubai (Caasimada Online) – Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa mar kale weeraro culus ku qaaday labada magaalo ee ugu waaweyn dalka isku tagga Imaaraatka Carabta.

Sida uu bartiisa Twitter-ka ku xaqiijiyey afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, kooxda ayaa Gantaalo laga riday diyaarado Drone ah la beegsatay magaalooyinka Dubai iyo Abu Dhabi, ayaga oo duqeymaha lala beegsaday xarumo cayiman oo ahaa kuwa si gaar ah loo beegsaday.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay fashilisay weeraradii ay kusoo qaaday Xuutiyiinta, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Dowladda.

“Ciidanka difaaca cirka ayaa qabtay saaruukh lagasoo gamay Yemen balse ma jirin wax khasaara ah oo ka dhashay, burburka sawaariikhda ayaa ku dhacay goobo aan la deganayn,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xukuumadda Abu Dhabi.

Weeraradan ayaa lagusoo beegay xilli uu madaxweynaha Yahuudda Isaac Herzog booqasho rasmi ah ku joogo dalka Imaaraatka Carabta.

Wasaaradda difaaca Israel ayaa beenisay inuu khatar amni galay madaxweynahooda, waxayna cambaareysay weerarka lagu qaaday dalka Imaaraadka Carabta.

Waa markii sadexaad oo kooxdaan ay duqeymo ka fuliso gudaha Imaaraadka Carabta, waxayna horey weeraro noocaan oo kale uga fulisay gudaha dowladda ay xulafada yihiin ee Sacuudiga.

Qaraxyo ka dhashay diyaarado drone ah ayaa 7-dii ka dhacay magaalada Abu Dhabi, ayada oo Xuutiyiinta dalka Yemen ay ku dhowaaqeen “howlgallo militari” oo ay ka fuliyeen dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

“Walxyo yar oo duula” ayaa la helay ayada oo saddex booyado shidaalka qaada ah ay ku qarxeen aag warshado, sidoo kalena dab uu ka kacay garoonka diyaaradaha, sida ay sheegeen booliska.

Saddex qof ayaa ku geeriyootay, lix kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyada, sida ay sheegeen booliska. Dadka dhintay ayaa laba qof waxay u dhasheen dalka India, halka qof kalena uu kasoo jeedo Pakistan.

Imaaraadka Carabta ayaa aad u yareeyey joogitaankooda militari ee dalka Yemen 2019-kii, xilli la isku mari waayey dagaalka ayna sare u kacday xiisadda gobolka iyo Iran, hase yeeshee waxay saameyn ku leeyihiin ciidamada hubeysan ee Yemen oo ay tababareen.

Weerar iyo qarax lagu dilay 6 qof oo ka dhacay Kenya

0

Mandhera (Caasimada Online) – Lix qof ayaa geeriyootay kadib markii gaari rakaab ah oo ay la socdeen uu maanta burburiyey qarax intuu uu socday weerar gaadmo ah oo ay soo qaadeen koox hubeysan, waqooyiga bari ee dalka Kenya, meel ku dhow xuduudda Soomaaliya, sida ay sheegeen booliska.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa rasaas ku furay gaariga kadib markii uu dul maray miino dhulka lagu aasay, meel 8 km u jirta magaalada Mandhera.

“Lix qof ayaa la dilay intii uu socday weerarka lagu qaaday gaariga. Waxaa socda howlgal lagu soo qabanayo kooxda weerarka soo qaaday,” waxaa sidaas yiri afhayeenka booliska qaranka Bruno Shioso.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Warbixin ay soo saareen booliska ayaa lagu sheegay in askar lugeyneysay oo ka ag dhowaa goobta ay rasaas is-weydaarsadeen kooxda weerarka soo qaaday, kuwaas oo u baxsaday dhanka xuduudda Soomaaliya.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa adeegsaday rasaas iyo gantaallada garbaha laga tuuro intii uu socday weerarka, sida lagu sheegay warbixinta.
Gaariga oo gebi ahaan ku burburay weerarka ayaa siday tiro rakaab ah oo aan weli la shaacin.

Shioso ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in toddoba qof ay ka badbaadeen weerarka balse ay qabaan “dhaawacyo kala duwan.”

Toddobaadkii tegay, dhowr ka mid ah safaaradaha Reer Galbeedka ee Nairobi ayaa ka digay weerar argagixiso oo lagu beegsanayo ajaaniibta ku sugan caasimadda.

Safaaradaha Faransiiska iyo Jarmalka ayaa ka digay weerar suurta-gal ah maalmo gudahood, halka Mareykanka ay soo saareen digniin feejignaan ah.

AFP + VOA

Khadiija Diiriye oo dib loo doortay kadib markii Baarliin lagu reebay hab farsamo ah

0

Jowhar (Caasimada Online) – Khadiija Maxamed Diiriye ayaa markale ku guuleysatey kursiga tirsigiisu yahay HOP#097 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle.

Khadiija Maxmed Diiriye oo hadal ka jeedisay kadib guusheeda ayaa u mahad-celisay beesheeda, oo ay sheegtay inay wax ku tahay, ayada oo ballan-qaaday inay markasta heegan u tahay beesheeda.

“Alle ayaa mahad leh oo wax walba qadartiisa ay ku noqdeen, waxaan u mahad celinayaa hogaanka dolwadda HirShabelle, beesha Yaxar oo suurtagal ka dhigtay 2000 illaa 2025 in aan hogaamiyo siyaasadooda iyo shacabka Soomaaliyeed ee guushan sugayay, garashadiina ayey ku timid qaangaar-nimadeyda siyaasadeed” ayey tiri.

Natiijada doorashadan ayaa aheyd mid hore loo sii ogaa, waxayna Khadiija kursigaas ku fadhisay tan iyo dowladdii lagu soo dhisay Carta – Jabuuti, 21-sano ka hor.

Khadiija ayaa sida la fahamsan yahay kamid aheyd shaqsiyaad si gaar ah loogu xiray kuraasta Golaha Shacabka, ayada oo musharaxii kale sida weyn ula loolamayey laga reebay tartanka, kadib markii loo diiday shahaadada musharaxnimada, sida ay sheegtay.

Baarliin oo dooneysay in wasiir Khadiija Maxamed Daariye ay kula tartanto kursiga golaha shacabka ay ku leedahay beesha Yaxar ee HOP#097 oo xalay warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee HirShabeelle ay toos uga reebeen tartanka, kadib markii ay hor dhigeen dhowr jid-gooyo.

Caqabada ugu weyn oo ay sheegtay in guddigaas ay hor dhigeen ayaa aheyd inay keensato ID-kaar cadeynaya inay tahay beesha ay kursigeeda u tartameyso ee Yaxar, islamarkaana ay geysay guddiga odayaashii dhaqanka beesha, halka Khadiija ay la timid odayaal kale oo isla beesha ah, halkaasna lagu cadeeyey in Baarliin ay u dhalatay beesha Yaxar.

Hase yeeshee waxay sheegtay in ugu dambeyntii guddoonka guddiga doorashada HirShabeelle ay si cad ugu sheegeen in doorashada aysan ka qeyb geli doonin oo aysan u diiwaan geli doonin inay u tartanto kursiga beesheeda.

Khadiijo Diiriye ayaa hadda ka hor fagaare ka sheegtay in Baarliin Biin aysan u dhalan beesha Yaxar, isla markaana aysan kula tartami doonin kursiga beesheeda, taas oo sida muuqata ay hadda ka dhabeysay Khadiijo.

Sida ay ku bilaabatay doorashada HirShabelle ee Golaha Shacabka ayaa muujineyso in Cali Guudlaawe uu ka leexday dhabihii uu horey ugu wajahay doorashadii Aqalka Sare oo aad loogu boggaadiyey, waxaana durbo soo shaac baxay cabashooyin ku aadan doorashada Jowhar.

Xog: Loolan adag oo ka jira doorashada HOP123 iyo musharaxa loo saadaalinayo

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya loolan aad u xooggaan in uu ka jiro qaar kamid ah kuraasta taalla gobolka Gedo, iyadoo ay jifooyinka wada leh kuraastaas sanadkaan isku hayaan hab qaybsiga inta badan kuraasta halkaa taalla, kursigii ugu loolanka adkaa ayaase u muuqda in uu dhinac u dhacay.

Kurisga HOP#123 oo uu horay ugu fadhiyay Xildhibaan Maxamuud Cali Magan ayaa wararka aan ka helaynno Jubaland waxay sheegayaan in Axmed Madoobe uu go’aansaday in uu u xiro jifo kamid ah jifooyinka wada lahaa kursigaan, taas oo lagu fasiray cadaalad u raadinta jifooyinka ku qaday doorashooyinki hore.

Waxaana sanadkaan ay dowlad goboleedka Juballand jaangooysay in jifooyinka Aqalka sare kuraas ka helay aysan ku darsan Aqalka Hoose sidii maamul goboleedka horay uga dhici jirtay, taasi oo keeneysa in kuraasta ay beelo badanw ada gaaraan.

Sida aan xog ku helnay, musharaxa ugu hadal haynta iyo saameynta badan lana filayo inuu sanadkan kusoo baxo kursiga HOP#123 ayaa ah Cabdullaahi Sheekh Maxamuud Sheikh Cabdullaahi.

Sida aan xoggaha ku helnay musharaxan ayaa taageero badan ka haytaa beeshiisa iyo dhinacyo kale, waxaana si weyn loo saadaalinayaa in musharaxaan uu kursigan kusoo baxo hadii uusan imaan musuq-maasuq.