28.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Sawirro: Saadaq John oo si rasmi ah ugu biiray tartanka HOP#248 – Yaa la tartamaya?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee qeybta guud ee booliska gobalka Banaadir Saadaq Cumar Xasan oo loo garan ogyahay Saadaq John ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray musharaxiinta kursiga tirsigiisu yahay HOP#248.

Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa Saadaq John u guddoonsiiyay shahaadada musharaxnimada, sidoo kale waxa uu guddiga shahaadada u guddoonsiiyay Cabdullahi Xirsi Diirshe.

Saadaq iyo Cabdullaahi ayaa ku tartamaya kursiga HOP#248, kaasi oo uu hadda ku fadhiyo Maxamed Axmed Abtidoon, oo sida muuqata gebi ahaanba ka haray tartanka kursiga uu mudada ku fadhiyay.

Kursigan oo deegaan ahaan lagu mateli doono Cadaado, ayaa waxa la rumeysan yahay in musharaxa ugu cad illaa hadda uu yahay Taliyihii hore ee qeybta guud ee booliska gobalka Banaadir Saadaq John, wuxuuna taageero ballaaran ka haysta beesha.

Saadaq John ayaa lagu xasuusta sidii uu uga horyimid muddo kororsigii sharci darada ahaa ee uu watay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale waxa uu door muhiim ah ka ciyaaray dagaalkii Badbaado Qaran ka galeen muddo kororsigaas, kaasi oo markii dambe ku qasbay Farmaajo in uu ka laabto, dalkana uu aado doorasho.

Kursiga HOP#248 ayaa kamid ahaa Afar kursi oo shalay uu shaaciyay Guddiga doorashada Galmudug, sida uu qorshuhu yahay doorashadiisu qabsoomi doonto maalinta berri ee ku taariikheysan 27 Janaayo 2022-ka.

Midowga Musharaxiinta oo war kasoo saaray ciidanka la geeyey Beledweyne iyo xiritaanka Suuqa Bakaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray ciidamada ay Maanta Dowladda Federaalka ee Soomaaliya geysay Magaalada Beledweyne ee Caasimadda Gobolka Hiiraan.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in tallaabada ciidamada lagu geeyey Beledweyne tahay qalalaase uu Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ka hurinaayo Gobolka Hiiraan.

“Goluhu wuxuu u arkaa in tabashada reer Hiiraan ay tahay qaddiyad siyaasadeed oo u baahan waan-waan iyo wada-xaajood siyaasadeed. Wuxuu kaloo Goluhu u arkaa in socdaalkii uu taliyaha ciidanka lugta ku tegey Gobolka iyo ciidanka maanta laga dejiyey Beledweyne ay yihiin tallaabooyin wiiqaya fursadaha nabad iyo wadahadal ee khilaafka lagu xalin karo, liddina ku ah habsami u socodka doorashooyinka iyo fulinta go’aanadii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran ee ahaa in aysan ciidanka ku milmin siyaasada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay Golaha.

Midowga Musharaxiinta ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay diyaarado ciidamo ku geyso Beledweyne, iyado qeybo kamid ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha uu u xiran yahay kooxda Daacish oo canshuur kusoo rogtay Ganacsatada suuqaas.

“Waxaa well muuqata in taliyayaasha ciidanka ay iska dhegatirayaan go’aanadii Golaha Wadatashiga Qaran, iyo baaqyadii bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ka soo baxayey. Haddaba Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Raysal Wasaare Rooble in uu qaato masuuliyadda kaga aadan arrinkan, xaqiijiyana in ciidanka laga dhexsaaro siyaasada, loona jiheeyo la dagalaanka argagexisada Alshabaab iyo Daacish oo albaabada iskugu dhuftay suuqii ugu waynaa ganacsiga Soomaaliya ee Bakaaraha.”

Midowga Musharaxiinta ayaa ugu dambeyn ku baaqay in tabashada reer Hiiraan lagu xaliyo waanwaan iyo wadahadal, waxaana war-saxaafadeedka lagu sheegay in midowga musharixiinta ay diyaar u yihiin ka qeybgalka xalkaas.

Warqadda kasoo baxday Midowga musharixiinta ayaa timid kadib markii Maanta dowladda Soomaaliya ay ciidamo boqolaal ah geysay Magaalada Beledweyne oo ay ka taagan xiisad.

Halkaan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka midowga musharixiinta

 

 

 

Sawirro: Rooble oo heshiis cusub kala dhex dhigay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, kaasi oo looga hadlay khilaafka cusub ee ka qarxay doorashada kuraasta gobolada Waqooyiga.

Kulanka ayaa waxaa is-afgarad looga gaaray khilaafka cusub ee doorashada, kadib markii Garab uu hogaaminayo Cabdi Xaashi ay sheegen inay ka baxeen doorashada, kuna eedeeyen Rooble in uu boobay kuraasta reer Waqooyiga.

Heshiiska is-afgarad ee maanta laga gaaray xiisada Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi ayaa waxa uu dhigaya inay si wada-jir ah Ra’iisul Wasaaraha ugala shaqeeyaan dhameystirka doorashada XildhibaanADA Golaha Shacabka ee kasoo jeeda gobolada Waqooyi.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dadaal badan ku bixiyay si markale la iskugu keeno labada garab ee siyaasiyiinta reer Waqooyiga u kala jabeen, waxaana heshiiskan qeyb ka ahaa xubno ka tirsan Golaha Shacabka.

Dhawaan unbey aheyd markii ay doorashada qaadaceen garab uu hogaaminayo Guddoomiye Cabdi Xaashi, kadib jadwalkii u dambeeyay ee doorashada reer Waqooyiga, kaasi oo shalay doorashadooda lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Si kastaba, khilaafka doorashada ee kuraasta gobolada Waqooyiga ayaa soo noq-noqday, ayada oo marar dhowr ah maamulkeeda isku qabteen Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka.

Sawirro: Suuqa Bakaaraha oo maanta u xiran kooxda Daacish: Sidee wax u socdaan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho qeybo badan ayaa xiran Maanta, sababta waa in kooxda hubeysan ee Daacish awaamiir canshuur bixin ah dul dhigtay Ganacsatada Suuqa Bakaaraha, sida ay noo xaqiijiyeen ganacsatada.

Waxaa xiran inta badan dukaamada iibiya qalabka dhismaha ee ku fidsan Wadada Labaad ee Suuqa Bakaaraha ama sida dadka badi u yaqaanaan Jid Mareexaanka, waxaa kaloo xiran inta badan dukaamada iibiya Alaabta Bagaashka ah iyo qeybo kamid ah kuwa iibiya Daawada.

Kooxda la yiraahdo Daacish ayaa maalmihii lasoo dhaafay culeys xoog leh saartay Ganacsatada Magaalada Muqdisho, si gaar ah kuwa Suuqa Bakaaraha, sidaas waxaa noo xaqiijiyey illaa 4 qof oo kala duwan oo kamid ah Ganacsatada waaweyn ee Suuqa Bakaaraha.

Dhawaan waxaa la sheegay inay kooxdaan qarxisay meel u dhow Shirkadda Muumin Group, ujeedkana waxaa lagu sheegay “is furta oo Lacag bixiya.”

Ganacsatada ayaa la sheegay inay isku waafaqi waayeen lacag bixinta, waxayna saaka badankood qaateen go’aan ah inay xiraan goobaha ganacsiga.

Waxay sheegeen ganacsatada aan la hadalnay inaysan bixin karin lacagta lacagta ay kooxda rabto maadaama sida caadiga ah ay bixiyaan laba canshuur oo kala duwan oo kala ah midda dowladda iyo tan Al-Shabaab.

Tan waa canshuurtii Sedexaad oo laga rabo ganacsatada Magaalada Muqdisho. Dhowr qof oo arrintaasi ka hortimid ayaa la sheegay inay beegsatay kooxda.

Qaar kamid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa la sheegay inay mar soo jeediyeen in kooxdaan la iska difaaco, laakiin waa la isku raaci waayey.

Tusaale waxaa naloo siiyey shirkadaha iibiya qalabka Electronics-ka kuwaas oo markii ay is difaacii isku raaci waayeen go’aansaday inay lacagta iska bixiyaan, sidaasna hadda ku shaqeysta.

Kal hore waxaa la sheegay in kooxdaan Daacish xirtay qeybo kamid ah Suuqa raashinka, laakiin markii dambe waxaa la sheegay in ganacsatadii inay iska bixiyeen lacagtii ay kooxda rabtay, balse iyaguna qiimaha maciishada ayey kor u qaadeen.

Tallaabadaas kadib, maciishada ayaa la sheegay inay kor u kacday 10% muddooyinkii lasoo dhaafay. Kooxdaan muddo ka hor ayey sidaan usoo xoogeysatay, balse waxay isku dhaceen kooxda kale ee Al-Shabaab, kuwaas oo ugu dambeyntii ka hor istaagay qorshahoodii, balse hadda waa soo rogaal celiyeen.

Sanadku waa cusub yahay, lacagta ganacsatada laga rabana waa mid sanadeed, qof kamid ah Dadka aan la hadalnay oo aan waydiinay qiyaasta waxa ay kooxdu rabto, wuxuu sheegay in dukaankii ay saaran tahay alaab qiimo ahaan dhan 60 illaa 70 Kun oo Dollar inay kooxdi ka rabto wax ku dhow 10 Kun oo Dollar, taas oo uu sheegay inay adag tahay bixinteeda.

“Dhib badan ayaan wajaheynaa, waad la socotaan in Dowladda canshuur naga qaado sidoo kalana ay Al-Shabaab canshuur naga qaadaan, haddana Daacish darteed ayey ganacsayadeenii u xiran yihiin Maanta, xisaabta ay rabaan waa badan tahay, haddii aad diidaan tallaabo ayaa la idinka qaadayaa ayey leeyihiin, ujeedku waa naftaada ama maalkaaga, uma jeedno cid na difaaceyso, anaga maahin dad hubeysan oo is difaaci kara, haddii aan isku daynana waa isku raaci weynay, waxaan nahay Ummad dhinac walba ka dhiban,” ayuu yiri mid kamid ah ganacsatada aan la hadalnay ee Suuqa Bakaaraha.

Qaar kamid ah Ganacsatada waxay sheegeen inay ka fakarayaan in dhinacyadii horey u canshuuri jiray ee Dowladda Federaalka ah iyo Al-Shabaab inay la fadhiistaan oo ay kala doodaan inay canshuurtooda dhimaan si ay kooxdaan isaga badbaadiyaan ama inay iyagu keenaan xal u badbaadin kara naftooda iyo maalkooda.

Dadka Caasimadda ku nool dhinac walba ayey ka dhiban yihiin, Hanti, Naf iyo mustaqbal midna uma dhaqna, mana jirto aragti dhexdooda taala oo badbaadin karta kumana mashquulsana intaas la helo, gacan dowladeed oo arrintaan ku howlana ma jirto, waxaana Maanta la kala dooradsiinayaa Dadka Reer Muqdisho inay seddex canshuur bixiyaan ama inay shaqo la’aan noqdaan.

Waxaa la eegayaa sida laamaha ammaanka ee Dowladda Federaalka ah uga jawaabaan midda maanta taagan.

Ciidamada SOMALILAND oo SARKAAL sare laga dilay

Boorama (Caasimada Online) – Gaashaanle Dhexe Cabdirisaaq Xasan Dalmar oo kamid ah saraakiisha ciidanka Somaliland ayaa waxaa maanta lagu dilay deegaanka Goroyo Cawl ee degmada Boorama ee gobolka Awdal.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in Dalmar uu dilay mid kamid ah Askarta uu taliyaha u ahaa, ayada oo illaa hadda aan si rasmi ah loo ogeyn sababta ka dambeysay in uu rasaasta ku furo.

Askariga dilka geystay oo isku dayay in uu xarunta ka baxsado ayaa waxaa qabtay ciidamada uu ka tirsanaa, kuwaasi oo u gacan geliyay hay’adaha ammaanka, gaar ahaan waaxda qaabilsan baarista dambiyada.

Waxaa durtaba billaabatay baaritaanka dilkaan, si loo ogaado sababta keentay in uu askarigaan toogto taliyihiisa AHUN Gaashaanle Dhexe Cabdirisaaq Xasan Dalmar.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dilka kadib waxaa deegaanka Goroyo Cawl gaaray Saraakiil ka tirsan Ciidanka Somaliland, kuwaasi oo wareysi gooni-gooni ah la yeeshay ciidamada ku sugnaa goobta uu dilka ka dhacay, si ay u ogaadaan macluumaad ku aadan dhacdadaan.

Sarkaalka la dilay ayaa ka mid ahaa Dhallinyarada Somaliland ee dalka Ethiopia tababarka ku soo qaatay, sidoo kale waxa uu ka mid ahaa saraakiil uu sannadkii hore dalacsiiyay madaxweynaha Somaliland.

DF oo diyaarad ciidamo ah ka dajisay Beledweyn + Ujeedka

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Diyaarad sidday ciidamo ka mid ah kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Gorgor iyo kuwa Booliska Haramcad ayaa maanta laga dajiyey garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.

Diyaaradda oo sidday askartay gaareysay illaa 50 askari ayaa saaka ka amba-baxday gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxayna toos uga degtay garoonka diyaaradaha ee Beledweyne, sida ay innoo xaqiijiyeen saraakiil amni.

Sida ay ogaatay Caasimada Online ciidamadan waxa ay hordhac u yihiin ill 400 askari oo ay dowladda u qorsheysay inay geyso Beledweyn oo ay haatan ka taagan tahay xiisad xoogan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay ku biiri doonaan kuwa dowladda Soomaaliya ee horay u joogay magaaladaasi, isla-markaana ay qayb ka noqon doonaan ciidamada sugaya amniga doorashada kuraasta taalla gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in amarka ciidamada looga qaaday Muqdisho, laguna geeyey halkaasi uu bixiyey madaxweynaha uu waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmihii u dambeeyey toos faraha ugula jiray arinta Beledweyn.

Magaaladaan oo hoostegta HirShabelle ayaa waxaa dhowaan lagu qabanayaa doorashada illaa 25 kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya, waxaana xusid mudan in kuraastan mid ka mid ah uu doonayo Fahad Yaasiin oo aad ugu dhow Farmaajo.

Dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ayaa laga dareemaya Hiiraan, waxaana duleedka Beledweyn ku sugan ciidamo gadoodsan oo ka soo horjeedo HirShabelle, walow dhowaan Muqdisho la keenay Jeneral Xuud oo haatan wada-hadal kula jiro dowladda Soomaaliya.

Horay dowladda dhexe ayaa ciidamo uga dajisay magaalooyinka Garbahaarey iyo Dhuusamareeb oo ka kala tirsan maamul goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug.

Axmed Madoobe oo maanta kasoo baxay ballantii uu horey ula galay Lafta Gareen

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka dhabeeyey ballantii ay isla galeen isaga madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), taas oo la xiriirta kala bedashada laba kursi oo kala taalla Kismaayo iyo Baydhabo.

Doorasho ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo maanta lagu qabtay Kismaayo waxaa mid ka mid ah lagu doortay Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) oo ah wasiirka Gaadiidka Koonfur Galbeed, wuxuuna kusoo baxay kursiga HOP 126 oo uu horey ugu fadhiyey Maxamed Xasan Idiris Ganey.

Xasan Eelaay ayaa helay 74 cod, halka musharaxii la tartamayey ee Cabdiraxman Macalin Xuseen uu isna helay 21 cod, sidoo kale  waxaa halaabay 5 cod.

Tani ayaa ka dhigan in Axmed Madoobe uu kasoo baxay ballantii uu la galay Cabdicasiis Lafta Gareeb oo horey ugu booqday Kismaayo, sababo la xiriira doorashada kursigaasi.

Doorashada ayaa haatan sii socota, waxaana la guda-galayaa kuraasta kale ee loo qorsheeyey in isla maanta lagu qabto magaallo xeebeedka Kismaayo.

Jubbaland ayaa horay u qabatay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, gaar kuwa deegaan doorashadooda ay tahay magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah fulinta heshiiskii dhowaan laga gaaray doorashooyinka Soomaaliya, kadib shirkii Golaha Wadatashiga ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Aargoosiga siyaasadeed ee Deni iyo Cumar Cabdirashiid

0

Garoowe (Caasimada Online) – Doorashada Golaha Shacabka ee ka socota maamulka Puntland ayaa la kulmeysa dhaleeceyn ku aadan habka loo maareenayo illaa iyo hadda.

Hoggaamiye Saciid Cabdullaahi Deni ayaa doorashadii geeyey xarunta ciidanka ee 54-aad, dadka sida weyn u naqdiyey arrintaan waxaa kamid ah Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, kaas oo sheegay inay qatarteeda leedahay in xiro ciidan lagu qabto doorashada xubnaha Golaha Shacabka, isagoo is waydiiyey cidda lagala xisaabtamayo dhibaatadaas.

Wuxuu sheegay inay tani ka argagax badan tahay wixii ay horey uga digeen. Cumar oo la hadal hayo inuu kamid yahay musharixiinta madaxtinimada Soomaaliya ayaa loo arkaa dhaawaca Koowaad ee gaari doona Saciid Deni.

Sheekadaan waxay la xiriirtaa wixii dhacay doorashadii 2016-kii. Cumar Cabdirashiid oo xilligaas Ra’isul wasaare ka ahaa dalka, wuxuu doonayey inuu u tartamo xilka madaxweynaha Soomaaliya. Gaas oo xilligaas maamulayey Puntland wuxuu ogolaa inuu dhiso Cumar, balse waxaa dhexda kasoo baxay Saciid Cabdullaahi Deni, kaas oo kasoo carooday in loo diiday kursigii xildhibaanimo ee beeshiisa.

Saciid Deni wuxuu xilligaas go’aansaday inuu u tartamo xilka madaxweynaha Soomaaliya, dad wax gal ah oo reer Puntland ah oo loo diray ayaa ka codsaday Saciid Deni in uusan dhaawicin fursadda Cumar Cabdirashiid, balse codsigooda dheg jalaq uma siin.

Codadkii uu Deni heli karay waa la fahamsanaa inay ahaayeen kuwa ka imaanaya Puntland, kuwaas oo haddii uusan Deni tartami laheyn la filan karay inay aadaan dhanka Cumar Cabdirashiid.

Doorashadii dhacday 8-dii February 2017-kii, wuxuu Saciid Deni helay 18-cod, waxaa illaa hadda la aamisan yahay inuu jidgooyo u dhigtay codadkii Cumar Cabdirashiid oo isagu helay wareegii koowaad 37-cod.

Haddii Deni uusan waqtigaas tartami laheyn, waxay dad badan qabaan in 18-kaas cod ay aadi kareen intooda badan dhanka Cumar Cabdirashiid.

Hadda waa 2022-ka, Sacidi Deni wuxuu doonayaa inuu u tartamo xilka madaxweynaha, wuxuu ku jiraa dadka ugu fursadda fiican doorashada sanadkaan, laakiin waxay kooxdiisa ka walaacsan tahay qorshaha Cumar Cabdirashiid oo isna raba inuu u tartamo xilka madaxweynaha.

Kooxda Saciid Deni waxay qaar aaminsan yihiin in ujeedka Cumar u tartamayo inay tahay aargoosi siyaasadeed oo la xiriira wixii dhacay doorashadii ugu dambeysay ee ka dhacday Soomaaliya.

Dhawaan wuxuu Cumar kasoo horjeestay bayaan ay Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Gaas isku dayeen inay ku garab istaagaan qorshaha Saciid Deni ee Boosaaso, ugana hor yimaadaan go’aankii Isimada magaaladaas, balse Cumar Cabdirashiid Sharma’arke waa iska bari yeelay arrintaas qoraal ahaan iyo cod ahaan labadaba.

Mar kale wuxuu si buuxda u naqdiyay sida uu Saciid Deni u maamulayo doorashada Golaha Shacabka ah, taas oo sii iftiimineysa loolanka soo socda.

Haddaba, dad badan waxay is waydiinayaan Cumar Cabdirashiid ma kala qeybin karaa codadka uu isku soo aadisanayo Saciid Deni.

Hoggaamiyaha maamulka Puntland wuxuu dagaal la galay dhamaman siyaasiyiintii geed fadhiga u ahaa siyaasadda reer Puntland ee Muqdisho taalla, wuxuu taas badalkeeda abuurayaa siyaasiyiin cusub iyo kuwa uu kasoo dhex saaray xukuumadiisa Puntland.

Sida iska cad, kooxdaas wax badan Xamar kama goyn karaan, balse waxaas oo dhan, waxaa ka xoog badan qorshaha ay wadaan Cumar Cabdirashiid iyo xubnaha kale ee reer Puntland ee Muqdisho fadhiga ku leh.

Inta laga yaqaano siysaasadda Cumar Cabdirashiid, saaxiibtinimadiisa, akhrintiisa fudud ee siyaasada taagan iyo waxa saaxiibadiis ka shaqeenayaan maamlmahaan waxaa la aaminsan yahay inuu Cumar si weyn u dhaawici karo codadka uu Saciid Deni ku xisaabtamayo, gaar ahaan kuwa ka imaanaya dhanka Puntland.

Sawirro: Yaa kusoo baxay doorashadii BF ee maanta ka dhacday KISMAAYO?

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta ka dhacday doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, iyada oo lagu doortay saddex xildhibaan oo ka mid noqonaya baarlamaanka.

Kursiga HOP127 ayaa waxaa ku guuleystay Dr Axmed Aadan Axmed oo helay 84 cod, halka musharixii la tartamayey ee Cabduqaadir Cabdullaahi Xirsi uu isna helay 84 cod.

Sidoo kale kursiga HOP118 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo loo qaaday cod gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartami lahaa.

Kursiga saddexaad ee HOP 126 oo aad isha loogu hayey waxaa isna kusoo baxay Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) oo ah wasiirka Gaadiidka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, wuxuuna helay 74 cod, halka musharaxii la tartamayey ee Cabdiraxman Macalin Xuseen uu isna helay 21 cod, sidoo kale  waxaa halaabay 5 cod.

Kursigan ayaa ka mid ah labad kursi oo ay kala bedasheen madaxweynayaasha  Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo kala yaalla Baydhabo iyo Kismaayo.

Jubbaland ayaa horay u qabatay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, gaar kuwa deegaan doorashadooda ay tahay magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah fulinta heshiiskii laga gaaray doorashooyinka Soomaaliya, kadib shirkii Golaha Wadatashiga ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto xaalad adag oo kala guur ah, taas oo ka dhalatay daaha doorashooyinka dalka oo dib u dhacday muddo hal sano ah.

Dhacdo cajiib ah: ASKARI kaligiis la dagaalamay 15 Al-Shabaab ah (Warbixin)

Garbahaarey (Caasimada Online) – Dhacdo yaab leh ayaa habeen hore ka dhacday afaafka hore ee magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo, kadib markii askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ay si kedis ahayd isaga horyimaadeen xubno ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Askarigan oo hoygiisa ka baxay, kuna sii jeeday Xerada Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin magaalada bannaankeeda hore ayaa la sheegay inay waddada isku arkayn maleeshiyaadaasi, xilli ay miino ku aasayeen waddada dhinaceeda.

Wararka ayaa sheegaya in halkaasi uu ku dhex maray iska horimaad in doora socday, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidamada, maleeshiyadaasina uu ku khasbay inay dib u gurtaan.

Cabdisamad Siraad Maxamed ayaa iska horimaadkaasi ku dhaawacmay, halka dhinaca Shabaabkana la sheegay in laba nin uu ka dilay.

Sarkaal ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo oo dhacdadaasi ka waramay ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay foodda gelin kari waayeen difaacii uu xirtay askarigaasi.

“Nimanku waxay ahaayeen illaa shan iyo toban nin oo cadowga Al Shabaab ah, qaab dhuumaaleysi ah bayna halkaasi ku yimaadeen, markii ay askariga arkayna halmar ayaa dabsaar lagu kulmiyay, asaguna waa is lagdoow oo waa is difaacay. Difaac adag ayuu galay, wayna u soo geli waayeen, illaa ciidankii gurmadka uga yimid. Ciiidamadii Xarunta Militariga ka yimid iyo kii Booliska ahaa ee degmada ka yimid, intaba asagoo difaac ku jiro oo dhaawac ah ayay u yimaadeen. In ka badan 20 xabadood baa ku dhacday, booshkii uu watayna qaar baa burburay, xabadihii ku dhacay,” ayuu yiri Sarkaalkan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan.

Waxa kaloo uu yiri “Ciidamada waxay halkaasi ka soo qaadeen qori AK47 iyo dhowr khasnadood oo rasaas ah, oo nimankii cadowga ay uga carareen. Goobtaasi waxaad ka arki kartay sida uu dhiigoodu ugu daatay, markii la sii raad-gurayna in laba nin uga dhimatay ayaa caddaatay.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Cabdisamad Siraad Maxamed waa askari ka tirsan Guutada 10aad, Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka. Asagoo da’yar ayuu ciidanka qortay, wuxuuna ka mid yahay askartii illaa 2011 difaaca uga jiray gobolka, degmooyin badana wax ka qabtay, waana nin si aad ah u tababaran oo koorsooyin badan qaatay.”

Cabdisamad Siraad oo xaaladiisa lagula tacaalayo isbitaal ku yaala Magaalada Garbahaarey ayaa waxaa la filayaa in dhaawaciisa loo qaado Magaalada Muqdisho.

Dhacdadan ayaa imaanaysa saacado ka dib, markii laba askari oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka ay kooxo hubeysani ku dileen Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Xog: Maxey isku qabteen R/W Rooble iyo Wasiir Beyle?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle Ducaale ayaa waayey Kursigiisii Golaha Shacabka kadib khilaaf la sheegay inuu muddooyinkii lasoo dhaafay u dhaxeeyey isaga iyo Ra’isul waaare Maxamed Xuseen Rooble.

Beyle ayaa ku fadhiyey Kusiga HOPP# 201, waxaana kursigiisii shalay qaatay Dr. Cabdi Abiib oo ah aas-aasaha Machadka RAAS.

Dr. Abiib oo la fahsamsan yahay inuu si weyn gacan saar shakhsi ah ula leeyahay taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa dhinaca kale macaamiil dhow la leh xubno kamid ah midowga musharixiinta mucaaradka, waana cod uu odoraskiisu adkaan doono.

Wasiir Beyle oo kamid ahaa labada Wasiir ee aan la badalin intii uu jiray nidaamka Madaxweyne Farmaajo ayaa wuxuu shalay qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay arrinta kursigiisa, isagoo si dadban u weeraray Ra’isul wasaaraha iyo xafiiskiisa.

Wasiirka Maaliyadda wuxuu sheegay inuu diiday waxyaabo badan oo aan waafaqsaneyn shuruucda Maaliyadda dalka oo loola yimid, taas oo uu ku muteystay cadaawad badan, balse wuxuu yiri hal Qof, 10 Qof iyo 100 qofba waxaa ka muhiimsan Qaranka.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle wuxuu sheegay in kursigiisa Golaha Shacabka iyo go’aanadiisa maasaaniyaddu inay isisaameeyeen, balse uu ku adkeysanayo go’aankiisa maaliyadeed.

Inkastoo waqtiga uu doodiisa banaanka keenay ay daciif ka dhigeyso eedaan uu sida maldahan ugu jeedinayo Ra’isul Wasaare Rooble iyo kooxdiisa, hadana xubno kamid ah golaha wasiirada ee dowladda federaalka waxay sheegeen in muddooyinkii lasoo dhaafay uusan jirin cilaaqaad wanaagsan oo ka dhaxeeya Ra’isul Wasaare Rooble iyo Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle.

Sababta aan xilka looga qaadin iyadoo aysan labada Nin isku fiicneyn waxay wasiirada qaar ku sheegeen inay tahay culeys ka imaanayey dhanka Bankiga Adduunka iyo hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF, kuwaas oo shaqo toos ah oo Beyle dhextaal u yahay la waday Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya.

Dhowr jeer oo hore oo la isku dayey in Beyle la bixiyo waxaa la sheegay inuu ku badbaaday cadaadiska hey’adaas oo madaxda sare ee dalka ku cadaadiyey inaan la dhaawicin mashruuca deyn-cafinta Soomaaliya iyo hufnaanta Maaliyadda oo u muuqata inay hey’adahaas hadda ku qanacsan yihiin.

Sidoo kale, la taliyayaasha Ra’isul Wasaare Rooble qaar, waxay sheegayaan haddii Beyle la tuuro in loo fahmi karo in Ra’isul wasaaruhu u bareeray arrin dhaqaale raadin oo la xiriirta, iyadoo dhawaanahaan ay ku socdeen eedo, kuwaas shabaha.

Maadaama uu shalay Beyle si dadban u weeraray xafiiska Ra’isul wasaaraha uuna isku xiray damac maaliyadeed iyo xildhibanimadii uu waayey waxaan la ogeyn waxa ay sameyn doonaan Ra’isul Wasaare Rooble iyo kooxdiisa.

Falanqeeyaasha qaar waxay qabaan inay dhici karto in Rooble lagu qalqaaliyo inuu dhagaha ka fureysto IMF iyo World Bank oo uu Beyle eryo, balse haddii ay tallaabadaas qaadaana lama yaqaano in loo fahmi doono khilaaf siyaasadeed ama qorshe Maaliyadeed.

Xubnaha ku dhow dhow Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waa iska fogeeyeen eedda ka timid dhanka Wasiir Beyle, waxay sheegayaan inuu wasiir Cabdiraxmaan Beyle rabay in loo xiro kursigiisa Golaha Shacabka, iyaguna ay taas diideen, halkaasna uu ka xanaaqay.

Kursigaan waa la doortay shalay, waxaana qaatay Dr. Abiib, codkiisa meesha uu dhigi doono lama yaqaano, balse waa Nin saaxiibo badan oo labada dhinacba cilaaqaad dhow la leh.

Doorashada Soomaaliya ayaa ka gudubtay xadkii qiyaasta doorasho caadi ah, si xoog leh ayaa la isku dardarayaa, iyadoo aysan jirin cid loo joojinayo cabashadooda.

Maamul Goboleedyada ayaa u badan kuwa boobaya kuraasta, mana jiro xafiis awood u leh inuu arrintaaasi joojiyo.

Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba waxaa ka muuqda daal badan, waxayna hamuun u qabaan, in mar un uu dhammaado mashruuca doorashada oo uu dalku ka baxo jahwareerka taagan, ayna dib u bilowdaan adeegyadii dowliga ahaa.

Taliska ciidamada Xoogga oo shaaciyey inay dileen 20 ka tirsanaa Al-Shabaab

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey howl-gal qorsheysan oo ciidamada dowladda ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka oo u warramay warbaahinta dowladda ayaa shaaca ka qaaday in howl-gallada laga sameeyey inta u dhexeyso degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ee dowlad goboleedka Galmudug, isla-markaana lagu beegsaday Al-Shabaab.

Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ciidamada howl-galka wada ay dileen illaa 20 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, isla-markaana ay ku jiraan saraakiil.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in howl-galladan lagu soo qabtay waxyaabaha qarxa oo lagu aasay waddooyin ku yaalla duleedka caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in howl-gallada ay sii socon doonaan, ujeedkana uu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa halkaasi, loogana hortegi lahaa weeraradooda.

Howl-galladan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay dagaal toos ah iyo qarax khasaare geystay uu ka dhacay nawaaxiga Dhuusamareeb, wuxuuna khasaare kasoo gaaray ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee ka howl-gala halkaasi.

Dhuusamareeb ayaa ka mid ah magaalooyinka loo qorsheeyey doorashada, waxaana haatan ka socota doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa ciidamada huwanta ay kordhiyeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Magacyada saraakiishii ONLF ee QALBI-DHAGAX kahor laga dhiibay Soomaaliya

0

Xubnaha Ururka ONLF ee muddada dheer dagaalka hubeysan kula jiray dalka Itoobiya ayaa marara badan laga soo qabtay gobollada Soomaalida iyaga oo loo dhiibay dowladda Itoobiya ee uu hoggaanka u hayey TPLF.

Xubnaha ugu caansan shaqsiyaadka Itoobiya loo dhiibay waxaa ka mid ahaa Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-Dhagax).

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliyana 2017-kii wuxuu sharci darro ku tilmaamay in dowladda Somalia ay Ethiopia u dhiibto Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) oo ka tirsanaa saraakiisha ururka ONLF, wuxuuna u saaray guddi soo baaro qaddiyadda Qalbi-Dhagax.

Wuxuuna baarlamaanku xilligaa sheegay in hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugiddu ay kaligeed maareysay gudbintii Qalbi-Dhagax, iyadoo hay’addu aanay madaxda sare siin xog rasmi ah.

Ilaa 5 sargaal oo kale oo sarsare ayaa 20-kii sano ee la soo dhaafay laga qabtay gudaha Soomaaliya, kuwaas oo laga qabtay magaalooyinka Hargeysa, Boosaaso, Gaalkacayo iyo Guriceel sida ay sheegeen ONLF. Waxaa sidoo kale jirey dad jabhadan ka tirsanaa balse aanan wax mas’uuliyad haynin jabhadan oo iyagana la dhiibay.

Haddaba waxaan qormadan ku eegeynaa xubnaha ururka ONLF ka tirsanaa ee Itoobiya loo dhiibay kuwooda ugu muhiimsanaa.

Afhayeenka ONLF C/Qaadir Xassan Hirmooge (Caddaani) wuxuu BBC uga warramay xubnaha ONLF ee la soo xiray xilligi ay dagaalka hubeysan kula jireen dowladda Itoobiya iyo goobaha laga soo xiray iyo waxa ay kala ahaayeen wuxuuna yiri sidatan:

Xubnaha Muqdisho laga soo dhiibay

Hirmooge wuxuu sheegay xubnaha ONLF ee Muqdisho laga soo dhiibay iney ahaayeen Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax iyo qof kale loona gacan geliyey dowladda Itoobiya.

Galmudug Xubnaha laga soo dhiibay

Galmudug waxaa lagasoo dhiibay ayuu yiri 31 qof oo isku jiro mas’uuliyiin iyo xubno ONLF ka tirsan. Xubnaha golaha dhexe ee ugu muhiimsanna ee la xusi karana ay ka mid ahaayeen: Muxumed Anni, Mahad Cusmaan Ceelaabe (Dhabuuke), Axmed Maxamed (Beergeel).

Jabuuti Xubnaha laga soo dhiibay:

Waxaa jiray iyaguna xubno ONLF ah oo dowladda Jabuuti ay ku wareejisay Itoobiya, waxayna tiro ahaan gaarayeen illaa 74 xubnood oo isugu jiray xubnaha ONLF iyo shacab caadi ah oo loo nisbeeyey iney ONLF ka tirsan yihiin, sida ay sheegeen madaxda ONLF xilliyo kala duwan.

Afhayeenka ONLF ayaa sheegay in xubnaha Jabuuti laga soo dhiibaya uu ka mid ahaa Yuusuf Elji oo la soo dhiibay 1996-kii oo ahaa madaxa aagga Jarar ee Jabhadda, dagaalka ka horna ahaa guddoomiyaha Dhaxagbuur markii la soo xirayna la geliyey jeelka Diridhaba markii dambana halkaasi ku dhintay.

Xubnaha Puntland laga soo dhiibay

Afhayeenka ONLF wuxuu sheegay in Puntland laga soo dhiibay 30 xubnood oo uu ka mid ahaa Cabdinuur Sooyaan oo guddiga fulinta ONLF ka amid ahaa.

2008-diina ururka ONLF wuxuu sheegay in laba xubnood oo kale oo ka tirsan Golaha Dhexe ee ururka ay maamulka Puntland u dhiibeen dowladda Itoobiya xilli ay booqasho ku marayeen Puntland.

Caddaani Hirmooge oo xilligaasi ahaa guddoomiye ku xigeenka ONLF oo BBC ka wareysatay xilligaa wuxuu sheegay in ragga loo dhiibay ay ku sugnaayeen dowlad goboleedka Puntland.

Wuxuuna sheegay inuu ururkooda uu aad uga xun yahay ayna ka filaneyn sida uu sheegay in maamulka Puntland oo Soomaali ay raggaasi ku wareejiyaan waxa uu ugu yeeray cadowga Itoobiya.

Wasiirka Maaliyadda ee maamul goboleedka Puntland Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) ayaa markiiba beeniyay eedeyn ay jabhadda ONLF u soo jeediyeen maamulkooda.

Maxamed Cali Yuusuf oo wareysi siiyay BBC ayaa sheegay in wararkaasi aanay waxba ka jirin, isagoo intaa sii raaciyay inay ay tahay isku dir la isaga horkeenayo maamulkooda iyo dadka ku nool gobolka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Xubnaha Somaliland laga soo dhiibay

Caddaani wuxuu sheegay xubnaha ugu badan ee ONLF iyo dad shacabka ee Jabahadda lala xiriiriyey kuwoodi ugu badnaa in laga soo xiray Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Wuxuuna sheegay in laga soo xiray 250 xubnood oo ay ku jiraan xubno golaha dhexe uu ka mid ahaa C/llaahi Qaji iyo xubnaha kale ee ururka sida Bishaara Wacdi Shaqlane, Garjubbi iyo Xalliye.

Bishaaro Wacdi Shaqlaneoo xubin sare ka ahayd Ururka Haweenka Ogadenya ee loo yaqaano (OWDA). Gabadhan oo ahayd ganacsato la qaddariyo oo Hargaysa dagganayd, iyada iyo caruurteedii Hargaysa u soo caratay inta aanay mamulka Somaliland gurigeeda ka qabanin.

Bishaaro ayaa ka soo carartay DDS cadaadiskii ka hayay dartii, waxayna iskaga diiwaan galisay hay’adda Qaxootiga ee UNHCR magaca ah (Shamsa Cabdulaahi Xirsi) si ay isaga qariso sirdoonka Itobiya oo xiriir adag kala dhaxeeyo maamulka Somaliland.

Xubnaha Kenya laga soo dhiibay

2006-dii magaalada Nairobi waxaa laga afduubay labo xubnood oo ka tirsanaa ururka ONLF.

Xubnahaasi oo lagu magacaabo Sulub Cabdi Axmed iyo Cali Axmed Xuseen ayaa dhexdhexaadayaasha sare ee ururka ONLF xilli ay dowladda Kenya u gogol xaareysay wadahadal dhexmaro Itoobiya iyo ONLF.

Ururka ONLF wuxuu afduubka xubnahaasi uu ku eedeeyey iney dowladda Itoobiya oo ay dagaalka kula jireen ka dambeysay.

Xubanaha kale ee Kenya laga afduubay balse ay booliska Kenya soo badbaadiyeenna waxaa ka mid ahaa Sanweyne iyo Xalliye oo labaduba ka tirsanaa ONLF.

Laba askari oo Boolis Kenyaan ah oo lagu magacaabo Painito Bera Ng’ang’ai iyo James Ngaparini ayaa lagu edeeyey iney raggaasi ONLF ka tirsan ay xadka Itoobiya geeyeen kaddibna ay ku wareejiyeen dowladda Itoobiya.

Inkasta oo labadaasi askari oo kiiskaasi dacwad loo soo taagay lagu waayey maxkamaddana ay dacwaddooda laashay.

Maxay tahay ONLF ?

Waa jabhad la asaasay sannadkii 1984tii oo sheegta inay u halganta xaqa ismaamulista ama madaxbannaanida dadka iyo dhulka Soomaaliyeed ee ay Itoobiya maamusho.

Jabhadda Xoreynta Ogaden ayaa waxa ay muddo dheer la dagaalamaysay dowladda Itoobiya, waxaana jira weeraro badan oo dowladda Itoobiya ay ku eedeysay jabhadan.

Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegtay in la wiiqay awooddii ONLF ee gudaha.

Waxaa jabhadda guddoomiye ka ah Cabdiraxmaan Sheekh Maadeey , isaga oo xilka doorashada ugala wareegay Admiral Maxamed Cumar Cusmaan oo horey u ahaan jirey taliyihii ciidammada badda Soomaaliya, muddo dheerna ururka soo hoggaaminayay.

Sannadihii dhawaa waxa ay dirir u dhaxaysay ciidamadda jabhadda iyo kuwa dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya,

ONLF oo muddo dheer dagaal kula jirtay Itoobiya ayaa sanado ka hor heshiis la gashay Itoobiya, waxana loo diiwaangaliyay in ay noqoto xisbi siyaasadeed, inkasta oo aysan ka qeybgalin doorashooyinkii labada heer ee dhowaan dhacay.

Isha: BBC Somali 

Xukuumadda Somaliland oo soo saartay xeer cusub oo la xiriira iibinta dadka iyo…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Baarlamaanka Somaliland ayaa maanta ansixiyey xeerka xakameynta iyo la dagaallanka tahriibka iyo ka ganacsiga dadka.

Guddoomiyaha guddiga xildhibaanada ah ee xeerkan soo diyaariyey Axmed Nuur Guruuje, oo BBC la hadlay ayaa sheegay in sharcigaan uu qabanayo hey’ad iyo shaqsiyaad intaba, hadii falalkaas lagu helo.

Axmed Guruuje, ayaa sheegay tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka bani’aadamka ay yihiin laba dambi oo weyn, oo haatan wixii ka danbeeya aysan Somaliland u dulqaadan doonin dadka ku kaca dambiyadaas.

Sidoo kale Guruuje ayaa sheegay in haddii dadka wax tahriibinaya ay dilaan qof kamid ah dadka ay tahriibinayaan, uu sharcigani dhigayo in iyagana la toogto, maadaama uu qofkaasi tahriibiyaha sababsaday.

“Hadii tahriibiyuhu uu qofka u geysto dil ama dhibaato kale waxuu noqonayaa qof dilay qof kale ama dhibateeyey, wuuna xeerkaan cadeynayaa dhib kasta oo dhaca iyo xaqiisa, sidoo kale dadka wax tahriibiya hadii wadamo kale ay joogaan oo dad Somaliland u dhashay ay dhibaato soo gaarto, xeerkaan wax-buu ka oranayaa,” ayuu yiri Axmed Guruuje.

Dhamaan dhinacyada ku lugta leh tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka ayuu uga digay in xeerkani qaban doono, sidoo kale waxa uu sheegay in hantida tahriibiyeyaasha lala wareegi doono.

Sidoo kale Axmed Guruuje waxa uu sheegay in xeerkaan uu dadka tahriibka ah u aqoonsan yahay dhibaneyaal, oo xaq ay yeelan doonaan, balse hadii ay cadaato in wax tahriibinta ay lug ku leeyihiin, waxay noqon doonaan dambiilayaal.

Ugu dambeyntii Axmed Guruuje oo ah guddoomiyaha guddiga baarlamaanka Somaliland uu u xilsaaray diyaarinta xeerkaas ayaa sheegay mamnuucaya tahriibka iyo ka ganacsiga dadka, ayaa sheegay in maanta xeerka ay u gudbiyeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, si uu u saxiixo.

Hoos ka dhageyso wareysiga

HirShabelle oo shaacisay JADWALKA doorashada kuraastii ugu horreysay BF

0

Jowhar (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashada ee dowlad goboleedka HirShabelle ayaa shaaciyey jadwalka doorashada lix kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee deegaan doorashooda ay tahay magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaasi.

Guddiga ayaa soo saaray liiska kuraasta la qabanayo doorashadooda kuwaas oo kala ah:- HOP#005, HOP#033, HOP#052, HOP#088, HOP#097 iyo HOP#098.

Jadwalka ayaa waxaa lagu caddeeyey in doorashada kuraastan oo ah kuwii ugu horreeyey ee HirShabelle in la qabanayo 25-ka illaa 31-ka bishaan Janaayo ee sanadka 2022-ka.

Saddex ka mid ah kuraastan waxaa si gaar ah loogu xiray dumarka, si loo ilaaliyo qoondada haweenka ee 30%.

Lixdaan kursi ayaa waxaa hor kala fadhiyey xildhibaanada kala ah:- 1. HOP#005 waxaa ku fadhiyey Maxamed Cumar Caymoy, 2. HOP#033 waxaa ku fadhiyey Yuusuf Ibraahim Afrax, 3.HOP#052 waxaa ku fadhisay Farxiya Maxamuud Dhaqan, 4. HOP#088 waxaa ku fadhisay Dahabo Suusow Maxamed, 5. HOP#097 waxaa ku fadhisa Khadiija Maxamed Diiriye iyo 6. HOP#098 waxaa ku fadhiya Maxamuud Maxamed Jaamac.

Kuraastan ayaa ka mid ah 11 kursi oo ay horey u shaacisey HirShabelle inay qabaneyso doorashadooda, kuwaas oo yaalla magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dhanka kale HirShabelle ayaan weli wax tallaab ah u qaaday dhinac Beledweyne oo ay taallo kuraas badan, waxaana magaaladaas ka taagan xaalad kacsanaan ah.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto xaalad adag oo kala guur ah, taas oo ka dhalatay daaha doorashooyinka dalka oo dib u dhacday muddo hal sano ah.

 

Qorshaha ‘laga leeyahay’ ciidanka la geeyey Eritrea ee dalka lagu soo celinayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sidaad ku akhrisateen warbixinadeenii hore, waxaan helnay xog sheegaya in dalka dib loogu soo celinayo ciidamadii Soomaalida ahaa ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea.

Haddaba, Cabdisalaan Yuusuf Guuleed oo ahaa taliye ku-xigeenkii hore ee Hey’adda NISA ayaa ka hadlay saameynta ka dhallan karta soo celinta ciidamadaas iyo ujeedka hadda loo keenayo dalka.

“Ilaa markii la ogaaday in ciidamadaan Eritrea loo qaaday waxay aheyd Janaayo sanadkii hore, illaa haddana lama oga tirada saxda ah, wasiirka cusub ee arrimaha dibadda wuxuu dhawaan sheegay in tirada ciidamadaas ay yihiin illaa 5 kun, balse annaga waxaan aamisanahay in tirada ay intaas ka badan tahay weliba ay gaareyso illaa 10 kun oo askari,” ayuu yiri Cabdisalaan.

Taliye ku-xigeenkii hore ee NISA ayaa sheegay in ciidamadan ay maqan yihiin illaa 2 sano, wuxuuna xusay in la xaqiijiyey inay ciidamaaan ka qeybgaleen dagaalka ka socday dalka Itoobiya.

“Waalidiinta carruurtan dhashay waxay dhowr jeer dalbadeyn in ilmahooda meel loogu sheego, balse waxaa muuqata in dadkii ilmahaan waday oo kala ah Farmaajo, Kheyre iyo Fahad Yaasiin inay weli ku taagan yihiin in wax walba ay u dhacaan sidii ay iyaga qorsheysteen, waxay ka maqan yihiin waalidiintooda oo kaliya,” ayuu sii raaciyey.

Cabdisalaan ayaa sheegay in ciidamada loo qaaday Eritrea ay ahaayeen laba qeybood. Qeyb wuxuu ku sheegay inay ahaayeen ciidamada badda oo gaaraya illaa 5 kun iyo kuwa Militari ah, wuxuuna sheegay in kuwa Milatariga ee lagu tababarayey xuduuda Itoobiya ay yihiin kuwa ka qeybgalay dagaalka lala galay Tigrayga, wuxuuna intaas kusii daray inaysan jirin hal askari oo kuwaas ka badbaaday inkastoo uusan sheegin tiradooda.

“Cabsida ugu badan ee na heyso waa in ciidamadaas dib dambe loo arki waayo, dhowr jeer ayaa sanadkii hore la sheegay in ciidamadaas lasoo celinayo, qorshaha kamid maahan in ciidamadaan lasoo celiyo, sababatoo ah Farmaajo ayaa dalbaday inaan ciidamadaan lagu soo celin illaa uu ka guuleysto mucaaradka Soomaaliya ama laga guuleysto,” ayuu mar kale yiri Cabdisalaan.

Cabdisalaan ayaa xusay in ciidamadan ay u dhinteyn jir ahaan iyo maskax ahaan, wuxuuna Carabka ku dhuftay in askartaan aan ciidan ahaan loo isticmaali karin, wuxuuna sababta ku sheegay in dhibaatada loo geystay ay tahay mid aad u weyn.

“In ciidamadaas lasoo celiyo suurtagalnimadeeda aad ayey u yar tahay, balse haddii lasoo celiyo Farmaajo ayaa rabo inuu awood ahaan u isticmaalo, inuu doorasho qabanayo ma hubee xataa haddii laga guuleysto wuxuu rabaa inuu ciidamadaan ku qalqal geliyo dalka, uma maleemayo in ciidamadaan loo soo celinayo inay la dagaalamaan Al-Shabaab ama inay ka shaqeeyaan dowladnimo,” ayuu hadalkiisa kusoo geba-gebeeyey.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo laga dalbaday inuu raali-gelin ka bixiyo saddex dhacdo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda Yuusuf Xasan Mursal oo ka hadlay go’aankii ay dhawaan gaartay Xukuumadda Rooble, kaasi oo looga laabtay qaraarkii ONLF loogu daray liiska argagixisada, ayaa dalbaday in Ra’iisul Wasaaraha uu raali-gelin iyo garawshiyo ka bixiyo weeraradii ay qaaday xukuumaddii ka horeysay ee Xasan Cali Kheyre.

Waxa uu si gaar ah u carabaabay weerarkii 2017-kii lagu qaaday hoyga Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Senator Cabdi Qeybdiid iyo dadkii lagu laayay Koonfuur Galbeed, xiligii weerarka lagu qaaday Mukhtaar Roobow.

“Waxaa leenahay Faanoole far kama qodna, wax walba oo Farmaajo looga soo horjeedo waa ku jirna haddaan nahay reer Koonfur Galbeed dhibaato badan ayaa ka dhacday, waxaa rabnaa in Ra’iisul Wasaaraha uu wax ka qabto arrintaas,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu soo dhaweeyay dadaalada uu Ra’iisul Wasaare Rooble dib ugu saxayo qaladaadka ay gashay xukuumadii Kheyre oo xiligaas si weyn iskugu dhawaayeen madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

“Haddaan dhaho waan tirinaya gabood falada iyo tacadiyada ay dowladda gashay runtii wax dhow ma ah, waxaa rabaa in aan kusoo gaba-gabeeyo waa soo dhaweynayna dadaalka Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumadiisa.”

Yuusuf ayaa ugu dambeyntiina waxa uu si gaar ah u dalbaday in arrinta Mukhtaar Roobow uu wax ka qabto, maadama uu si sharci darro ah muddo ugu xiran yahay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay dhawaan xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble ay ku dhawaaqday in ONLF laga saaray liiskii argagixisada ee hore loogu daray, tallaabo qaldana ku tilmaamtay dhiibistii Qalbi Dhagax.

Galmudug oo shaacisay doorashada 4 kursi oo mid muran uu ka taagan yahay

0

Dhuusamareeb (Caasimda Online) – Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Gobaleed ee Galmudug (SEIT) ayaa waxa uu maanta shaaciyay jadwalka qabashada doorashada 4 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee maamulkaas.

Afarta kursi ee la shaaciyey ayaa waxay kala yihiin; HOP#248, HOP#064, HOP#089 iyo HOP096, kuwaasi oo doorashadoodu qabsoomeyso maalinta Khamiista ee ku taariikheysan 27 Janaayo 2022-ka.

Guddiga ayaa sidoo kale maanta bilaabaya tababarista iyo diiwaan-gelinta guddiga xulista, diiwaan-gelinta ergada iyo tababaridooda, ayada oo maalinta berri ah ay bilaabaneyso qabashada araajida iyo diiwaan-gelinta musharaxiinta.

Kuraasta uu maanta shaaciyay guddiga ayaa waxa ku jira kursiga HOP#064 oo ay ka taagan tahay cabasho xoogan, islamarkaana ay dacwo kasoo gudbiyeen Odayaasha dhaqanka beesha iska leh.

Qoraal dacwo ahaa oo kasoo baxay odayaasha ayaa waxaa lagu yiri “Kursiga HOP#064 waxa uu kamid yahay kuraas lasoo dhajiyay ee la doonayo in lagu doorto Dhuusamareeb, Galmudug, ayadoo la iska indha tirayo cabashada dadka xaqa u leh oo ah beelaha Maxamed Cadde iyo Laba Bahood.”

“Waxaa guddiyada sharafta leh si xushmad leh uga codsaneynaa in kursiga HOP#064 loo madax-baneeyo beelaha iska leh ee Maxamed Cadde iyo Laba Bahood, islamarkaana la hakiyo doorashada kursiga inta laga xalinayo dacwadda ka taagan.”

Kursiga ay ka taagan tahay cabashada, islamarkaana laga gudbiyay dacwada ayaa waxaa hadda ku fadhisa Xildhibaanad Sahra Cumar Maalin.

Khasaare ka dhashay qarax loo dhigay ciidamada DF iyo dagaal ka dambeeyey

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dagaal toos ah iyo qarax sababay dhimasho iyo dhaawacyo soo gaaray ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa galabta ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Inta la xaqijiyay hal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa dhintay 12 kalena way dhaawacmeen qarax miino oo Al-Shabaab ay ku diyaariyeen wadada xariirisa magaalada Dhuusamareeb iyo deegaanka Ceeldheere.

Ciidamada ayaa la sheegay in markii qaraxu uu haleelay ay ku sii jeedeen howlgal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxayna kula dagaalameen deegaanka Sinadhaqo oo qiyaastii 30-KM koonfur ka xiga Dhuusamareeb.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalamayaal badan ay kooxda uga dileen dagaalkii ka dhacay deegaanka Sinadhaqo, balse ma shaacin tiro rasmi ah.

Gaariga ay la socdeen ciidmada dowladda ee qaraxu haleelay oo ahaa nooca Cabdibilaha ayaa waxaa watay askar ka tirsan Nabad sugidda Soomaaliya, waxaana goobta ku dhintay hal askari, halka 12-kalena dhaawac looga qaaday, sida aan xogta ku helnay.

Wararkii ugu dambeeyey waxay sheegayaan in ciidamada dowladda ay qabsadeen deegaanka Sinadhiqo oo ay ka saareen maleeshiyaadkii ka tirsanaa Shabaab oo mudooyinkaan ku sugnaa.

Magaalada Dhuusamareeb oo la filayo inay dhowaan ka billaabato doorashada xildhibaanada golaha shacabka ayaa waxaa ku sugan taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Jeneraal Yuusuf Raage iyo Agaasimaha KMG ah ee hey’adda NISA Yaasiin Farey.

Taliye cusub iyo ciidankiisa oo qabsaday Beledweyne soona saaray farriin culus

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Xiisad ayaa ka taagan magaala madaxda gobolka Hiiraan ee Beledweyne, kadib markii Maleeshiyo aad u hubeysan ay qabsadeen qaar kamid ah xaafaddaha iyo wadooyinka muhimka ah ee magaalada.

Sarkaal la yiraahdo Nuur Dheere oo hogaaminayay Maleeshiyada Beledweyne soo gashay ayaa meel fagaare ah ka sheegay in sababta ay sidaas u sameeyeen ay tahay, iyadoo la doonayay inuu magaaladaasi tago madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen, taasina ay diidan yihiin haddii ay yihiin kooxda kacdoonka wada.

“Bulshada reer Hiiraan aad ayaan u salaamayaa, shuucuurta ay muujiyeen, ka hortaga ay ka hortageen ninkii cadowga ahaa ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay u hanqal taagayay Beledweyne, Beledweyne wuxuu leeyahay rag iyo Allah, shacbiyad diidan ayaa Beledweyne joogta,” ayuu yiri taliye Nuur Dheere.

Wuxuu intaas ku daray “Horaan u sheegnay dadka meeshaas jooga, dad dadkaasi keeni kara maaha, wadanka annagaa leh, annagaana u dhimanayno, HirShabelle wax la yiraahdo oo ka shaqaynaayana ma jiraan waxaan u maleenayaa in malakamoodka Cali Guudlaawe uu yaalo Beledweyne.”

llaa hadda wax iska hor’imaadyo ah oo la soo weriyay ma jiraan, waxana la sheegay in ciidamada dawladda iyo kuwa HirShabelle ay ku kooban yihiin xerada lama galaay.

Dadka ku dhaqan magaalada Baledweyne ayaa ilaa xalay waxay gudaha magaalada ka sameynayeen dibadbaxyo waa weyn oo ay uga soo horjeedaan safar lagu waday inuu maanta Cali Guudlaawe ku tago Baledweyne, kaasoo haatan u muuqanaya mid baaqday.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Hirshabeelle oo ku aadan ciidamada hubeysan ee ku sugan inta badan gudaha magaalada Baledweyne, waxaana saaka markale dib u bilaawday banaanbaxyada looga soo horjeedo HirShabelle.

Dhowaan ayaa maamulka HirShabeelle la heshiiyeen Jeneraal Xuud oo hoggaamin jira maleeshiyada Beledweyne balse waxaa muuqata in heshiiska Xuud uusan hadda macno badan sameyneyn oo weli diidmada Guudlaawe ee Beledweyne ay taagan tahay.