25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Caro ka taagan Talyaaniga kadib falkii uu gaystay ninka Soomaaliga ah (Warbixin)

0

Roma (Caasimada Online) – Caro xooggan ayaa ka taagan dalka Talyaaniga kadib markii booliska ay xireen nin Soomaali ah oo toorey ku dhaawacay dhowr qof, magaalada waqooyi ee Rimini.

Afar haween ah iyo wiil lix sano jir ah ayaa lagu dhaawacay weerarka, oo dhacay habeennimadii Sabtida. Wiilka yar ayaa lagu warramay inuu xaalad halis ah ku sugan yahay, ayada oo dhaawaca uu ka gaaray qoorta. 

Tuhmanaha ayaa saarnaa bas isaga oo aan haysan tikit, wuxuuna weeraray laba qof oo ah dadka hubiya tikidhada. Wuxuu kadib ka cararay goobta, isaga oo saddex qof oo kale dhaawacay intii uu baxsadka ahaa.

Booliska ayaa goor dambe ku guuleystay inay ka daba-tagaan, oo ay xiraan.

Maxaa dhiiri-geliyey weerarka?

Dambi-baarayaasha ma rumeysna in sababta ninka ku dhiiri-gelisay weerarka ay tahay argagixisanimo, hase yeeshee waxay la tahay inuu daroogo cabsanaa markii uu weerarka gaysanayey.

Soomaaligan ayaa Talyaaniga ka codsaday magan-galyo, wuxuuna sida la sheegay deganaa goob ay maamusho hay’adda Laanqeyrta Cas oo ku taalla magaalada Ramini.

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Talyaaniga ee ANSA, tuhmanaha ayaa ku noolaa Yurub tan iyo 2015-kii, waxaana horey sharci looga soo diiday dalal dhowr ah, oo ay ku jiraan Denmark, Sweden, Germany iyo Netherlands.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la haysto

Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga Luciana Lamorgese ayaa shalay la kulantay mas’uuliyiinta magaalada Ramini, si ay ugala hadasho dhacdadan. Waxay dambigan ugu yeertay “Dhacdo aad halis u ah.”

Weerarka ayaa waxaa ka dhashay caro xooggan, oo ay hurinayaan kooxaha siyaasadda midigta-fog, oo uga faa’iideysanaya inay sii kordhiyaan soo-galooti naceybka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee Talyaaniga, ahna hoggaamiyaha xisbiga midigta ee Lega Nord Matteo Salvini ayaa ku cambaareeyey Lamorgese weerarka, wuxuuna ku baaqay xakameyn adag oo lagu soo rogo soo-galootiga.

“Wasiir Lamorgese, imisa dhibane oo kale ayey tahay inaan xisaabino kahor inta aysan Italia noqon dal ammaan ah?,” ayuu ku yiri qoraal uu dhigay twitter-ka.

Arrimaha socdaalka ayaa Talyaaniga ka ah mowduuc aad u kulul, waxayna tani hurin kartaa naceyb hor leh oo loo qaado muhaajiriinta.

Gobolka Banaadir oo qaaday tallaabo cusub oo ka dhan ah Yardimeli iyo Jaziira + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa goordhoweyd shaaciyey magacaabista guddi cusub oo ka shaqeynaya Maareynta iyo La-wareegida Isbitaalada Yardimeli iyo Jaziira ee gobolka Banaadir, xilli weli ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay isku daygan.

Maamulka ayaa hore ugu qabtay muddo toddobaad ah in lagu soo wareejiyo maamullada Isbitaalada Jaziira iyo Yardimeli, ayada oo 8-dii bishaan loogu daray toddobaad kale, si loo xaqiijiyo hufnaanta iyo lasoo wareegista maamulida labadaas Isbitaal.

Afhayeenka gobolka Banaadir oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyey guddigaas cusub, oo ka kooban siddeed xubnood, kuwaasi oo kala ah; Maxamed Maxamuud Cadow, Saynab Warsame, Mucaawiye Muudeey, Maxamed Cantooba, Cabdulqaadir Dalxa, Cabdullaahi Caraaye, Mukhtaar Dhagacade iyo Saalax Xasan Cumar.

“Guddiga sare ku xusan waxaa aad loogu adkeynayaa inay sida ugu dhaqsaha badan u guddo galaan howlahooda shaqo ee ku xusan wareegtadan. Maamulka labada Isbitaal waxaa la farayaa in si hufan ula shaqeeyaan guddiga la magacaabay si ay u fuliyaan waajibaadka loo xil-saaray si habsami leh,” ayuu yiri.

“Waxaa la farayaa maamulada Isbitalaadaas inay wax agab ah ka saari karin xarumahaas, waxaana si gaar ah loo farayaa maamulada degmooyina Warta-nabadda iyo Xamar Jajab inay kor-joogteyan hubiyaana inay hirgeliyeen amarka ku aadan ilaalinta hantida dadweynaha ee taalla labada Isbitaal.”

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa 1-dii Bishan September soo saaray amar ku socda labadaan Isbital, oo ah in muddo Todobaad ah lagu soo wareejiyo maamulka labadaan isbitaal.

Labadan isbitaal ee Yardameeli iyo Jaziia ayuu maamulka gobolka Banaadir ku eedeeyay in adeegyada ay u qabtaan bulshada ay tahay kuwo dhaqaale badan loogaga qaato.

“Isbitaaladaa kor ku xusan oo loogu talo-galay in bulshada gobolka Banaadir ugu shaqeeyan si lacag la’aan ah uu ka war helay maamulka gobolka in hanaankii loogu talo-galay in loogu adeego bulshada hanaan aheyn oo u muuqda mid ganacsi iyo mid gaar ahaaneed u adeegayaan isbitaaladaas.”

Hoos ka daawo muuqaalka Afhayeenka

Hogaamiyaha raggii qarxiyey Masjidka Daarul Faaruuq ee Soomaalida oo la xukumay

0

Hoggaamiyaha maleeshiyadii weerarkii qaraxa ahaa kusoo qaaday Masaajidka Darauf Faaruuq ee magaalada Bloomington ee gobolka Minnesota oo la yiraahdo Emily Haris ayaa lagu xukumay 53 sanadood oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay dhammaan dambiyadii lagu soo eedeeyay.

Dacwad-oogeyaasha ayaa ku rajo weynaa in Emily Haris, oo magaciisa afgarashada uu ahaa Micheal Haris in lagu xukumo xabsi daa’in, maadama uu hoggaaminayay kooxda weerarka ku soo qaaday masaajidka Daarul Faaruuq.

“Waa Illahey Mahadi in maanta la xukumay raggii ku soo duulay oo qarxiyay Masaajidka Daarul-Faaruuq, waa guul u soo hoyatay Muslimiinta Minnesota” ayuu yiri Imaam Maxamed Maxamuud Maxamed Carab oo ah Mamaulaha Masaajidka.

Andres Folk oo ah ku-simaha xeer-ilaaliyaha maxkamadda heer Federaal ee gobolka Minnesota ayaa sheegay in dhammaan dadkii ay wareysteen ay isku raaceen xanuunka iyo niyad jabka weerarkan oo ahaa mid “islaam naceyk ahaa”.

Garsooraha maxakamadda Federaalka Donovan Frank oo ku dhawaaqay xukunka Haris oo 50 -jir ah ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa mid argagixiso ah.

Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo hoggaamiyehaasha Muslimiinta Minnesota ayaa soo dhaweeyay xukunkii shalay oo baritaankiisu socday sadex sano iyo bar.

Masaajidkaa Daarul Faaruuq ayaa la weeraray bishii August ee sanadkii 2017.

VOA

Guddiga doorashooyinka oo dalab xasaasi ah u gudbiyey R/Wasaare Rooble + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka (FEIT), isaga oo kala hadlay arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka iyo sidii loo dardar-gelin lahaa.

Ugu horreyn guddiga doorashooyinka dalka ee heer federaal ayaa ra’iisul wasaaraha u gudbiyey warbixin ku aadan halka ay marayaan doorashooyinka iyo dardar-gelintooda.

Sidoo kale guddiga ayaa Rooble u gudbiyey codsi gaar ah oo la xiriira fududeynta howlaha doorashooyinka ee ka billowday dalka.

Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa looga hadlay kulankan, waxaana lagu sheegay inuu Rooble ka jawaabayo codsiyada ka yimid guddiga doorashada.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay xubno ka tirsan Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) oo warbixin ka siiyay Halka ay marayaan howlaha Doorashada, iyadoo uu Ra’iisul Wasaaruhu  ka jawaabay codsiyo la xiriira sidii loo dardargelin lahaa howlaha doorashooyinka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka Xafiiska Rooble.

Kulankan waxaa ka horreeyey shir kale oo uu ra’iisul wasaaruhu la yeeshay ururada bulshada rayidka, kaas oo looga hadlay doorashooyinka iyo xiisadda ka taagan dalka.

Doorashooyinka Soomaaliya ayaa haatan maraya meel xasaasi ah, waxaana maanta HirShabelel ay qabaneyso kuraas ka mid ah kuwa Aqalka Sare ee yaalla Jowhar.

Saraakiil ka tirsan NISA oo laga celiyay inay ka dhoofaan garoonka Muqdisho – Xog

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay noo xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan kuwa ammaanka ee garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaa toddobaadkaan safar gudaha iyo dibadda ah laga celiyay laba sarkaal oo ka tirsan hay’adda nabad sugidda Soomaaliya. 

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in saraakiisha loo diiday inay ka dhoofaan garoonka Muqdisho ay kala yihiin Cabdullaahi Kulane oo loo yaqaan Kulane Jiis oo ku wajahnaa gobalka Gedo, iyo Sarkaal magaciisa lagu sheegay Wadna Qabad oo isagana safar u ahaa dalka dibadiisa. 

Wadna qabad ayaa la sheegay in uu ku dhoofayay baasaboor shisheeye oo ah dhalashadiisa 2-aad waxayna labada sarkaalba qeyb ka yihiin shaqsiyaadka ay dacwada ka gudbiyeen ehellada Ikraan Tahliil Faarax. 

Si rasmi ah looma oga safarkooda waxa uu salka ku haayo, hase yeeshee waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay baxsad ahaayeen maadaama ay wajahayaan eedo la xariira afduubka iyo dilka Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneed hay’adda NISA. 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in la baaro saraakiisha lagu tuhunsan yahay dilka Ikraan Tahliil, ilaa amar dambana aysan Muqdisho ka bixi karin. 

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa horey u ballan-qaaday in cadaaladda la marin doono kiiska Ikraan Tahliil, wuxuuna diiday qorshe uu soo jeediyey madaxweyne Farmaajo oo ahaa in qoyska Ikraan diyo la siiyo, islamarkaana kiiska halkaas lagu xiro, oo aan la baarin.

Xildhibaan Aamina: Farmaajo wuxuu caddeeyey inuu ku lug leeyahay kiiska Ikraan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Aamina Maxamed oo ah xildhibaanka golaha shacabka ku metesha beesha ay ka dhalatay Ikraan Tahliil Faarax ayaa sheegtay in Farmaajo uu cadeystay inuu ku lug leeyahay kiiska Ikraan, kadib markii uu soo magacaabay guddi ay sheegtay inuu ku car-qaladeynayo baaritaanka kiiska gabadhooda.

Waxay sheegay in Farmaajo uusan marnaba diyaar u aheyn in kiiska Ikraan uu cadaalad ku dhamaado, taasna ay cadeyn u tahay laba tallaabo oo uu qaaday, kuwaas oo kala ah inuu diiday xilka qaadistii Fahad Yaasiin iyo magacaabidda guddigaan cusub.

Waxay sheegtay inay la yaabeen markii uu Farmaajo qoraalkiisa ku yiri Taliyaha NISA ayaa soo magacaabaya xubin ka mid ah guddiga oo wax ka baarta dembiga loo heysto NISA.

“Marar badan waxaa lagu celceliyey Madaxweynahaa hor taagan arrinta Ikraan, laakiin caawa waa uu cadeystay, Farmaajo hadii kiiskaan uusan ogeyn oo isaga uusan amrin, maxuu ugu diidan yahay cadaaladda? Ra’iisul wasaaraha waxaan leeyahay waalidka Ikraan iyo umadda Soomaaliyeed adey kugu qanacsan yihiin oo cadaalad noo balan qaaday markii ay Hooyo Qaali ooysay,” ayey tiri Xildhibaan Aamina Maxamed.

“Ikraan meel halagu sheego, hadey dhimatay meydkeedii noo keena, hadaan labadaba laheyna dadka aan tuhmeyno ee dacwadooda maxkamadda la geeyey hanaloo maxkamadeeyo,” ayey hadalkeeda sii raacisay Xildhibaan Aamino.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegtay in u jeedka uu Farmaajo ka leeyahay guddigaas ay tahay in la baabi’yo kiiska, sida horay looga bartaba dhowr kiis oo guddi loo magacaabay, kadibna aysan waxaba ka soo naasa cadaan.

Hoos ka daawo

Sawirro: Nin Soomaali ah oo laba gabar oo Soomaali ah ku dilay Vienna, Austria

0

Vienna (Caasimada Online) – Nin Soomaali ah ayaa laba gabar oo Soomaali ah xalay ku dilay xaafadda Favoriten ee magaalada Vienna ee caasimada dalka Austria, sida ay xaqiijiyeen booliska.

Booliska ayaa tegay xaafadda kadib markii ay deriska u yeereen, waxayna ugu tageen meydka laba gabdhood oo Soomaali ah oo da’dooda lagu kala sheegay 35 jir iyo 37 jir.

Mid ka mid ah gabdhaha ayaa lagu magacaabay Shurki Axmed Abtidoon, halka gabadha kalena lagu magacaabo Faadumo Maxamed Xirsi. Shukri ayaa la dhalatay xildhibaan Maxamed Axmed Abtidoon, oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya.

Xildhibaan Abtidoon ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun, waxaa maqribadii lagu dilay Dalka Austaria, Vienna walaasheey: 1- Marxuumad Shukri Axmed Abtidoon, 2- Iyo Saaxiibteed Marxuumad Faaduma Maxamed Xirsi, allaha u wada naxariisto, dambigooda allaha dhaafo, alla hooy uga dhigo Janatul Firdaws naxariistiisa darteed, Aamiin”

Booliska ayaa markii ay tageen guri apartment ah, waxay ugu tageen tuhmanaha dilka gaystan oo ah 28 jir Soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamed Ibraahim, wuxuuna u sheegay inuu dilay laba gabdhood. Isla goobta ayey ku xireen, kadibna waxay galeen gudaha, oo ay ugu tageen meydka gabdhaha.

Maxamed ayaa la rumeysan yahay inuu mindiyeeyey labada gabdhood.

Wararka qaar oo ay werinayaan warbaahinta gudaha ee Vienna ayaa sheegaya in labada gabdhood ay mid aheyd xaaska hore ee Maxamed, midda kalena ay hayed saaxiibteed. Maxamed ayaa la sheegay in xaaskiisa hore ay u dhashay gabar afar jir ah.

Maxamed ayaa markii booliska ay baareen waxa uu ahaa mid aad u cabsan, waxaana dhiigiisa laga helay alchohol heerkeeda lagu sheegay 2.2. Kiiskan ayaa waxaa hadda baaraya booliska, waxaana warbixino horudhac ah ay sheegayaan in maskaxda looga jiray.

Maxamed Ibraahim, oo magan-galyo ka dalbaday dalka Austria, ayaa loo diiday sababo la xiriira inay booliiska u diiwaan-geliyeen laba dacwo oo ka dhan ah oo mid uu la xiriiray isku day kufsi.


Maxay tahay halista ku iman karta Soomaaliya ee dowlada Mareykanka ay ka digtay?

0

Washington (Caasimada Online) – Sirdoonka qaranka Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay jirto cabsi ay ka qabaan khatar aragagixso oo uga imaan karto dalal ay ku jirto Somalia, balse waxaan warbixinta lagu sheegay in cabsida koowaad ay tahay kooxda ISIS ee Afgaanistaan.

Avril Hanes oo agaasimaha sirdoonka Qaranka Maraykanka ayaa hadalkan ka sheegtay shirka sanadlaha ah ee amniga iyo sirdoonka ee 2021 oo lagu qabtay Washington DC.

Agaasimaha oo alaadda fogaan araggga uga qeyb-gashay shirkaasi ayaa sidoo kale shaacisay magacyada dalalkaasi, waxayna kala yihiin Somalia, Yemen, Syria iyo Iraq

“Cabsida ugu sareysa ee Argagixisada ee Xilliga ma aha dalka Afganistan, balse waxaan aad u arkaa inay Khatarta ka soo fool leedahay dalalka Somalia, Yemen, Syria, Iraq iyo Kooxda Daacish,” ayey tiri Avril Hanes agaasimaha sirdoonka qaranka dalka Mareykanka.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in ka dowlad ahaan ay si gaar ah isha ugu hayaan afartaasi dal, si looga looga hortego halista kooxaha argagixisada.

Ugu dambeyn Avril Hanes ayaa sheegtay inay si aad ah ula socon doonaan dhaq-dhaqaaqa kooxda Daacish-ta Afgaanistaan, si looga hor istaago ulinta weeraro horleh oo ay geysato.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo horey Daacish ay u sheegatay weeraro qaraxyo ah oo lagu qaaday ciidamada Mareykanka, ka hor inta aysan ka bixin garoonka Kabul.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa marka la’eego Mareykanka waxa uu ka fuliyaa howl-gallo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanka gudaha dalkeena.

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada Golaha Aqalka Sare ee ka dhaceysa Jowhar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle waxaa saaka ka socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada Aqalka Sare, taas oo maanta ka dhaceysa magaaladaas oo sidoo kale xarun u ah gobolka Shabeelaha Dhexe.

Illaa 27 musharax ayaa ku loolamaya doorashada HirShabelle ee Aqalka Sare, kuwaas oo ku tartamaya sideeda kursi ee maamulkaasi uu ku leeyahay Golaha Aqalka Sare.

Musharixiinta ayaa xalay kulamadii ugu dambeeyey la qaatay xildhibaanada golaha wakiilada ee dowlad goboleedka HirShabelle, iyaga oo kala hadlay arrimaha doorashada.

Guddiga doorashada ee HirShabelle ayaa dhinaca kale xusay in kaliya maanta la qabanayo doorashada saddex kursi oo ka mid ah sideeda kursi ee taalla magaalada Jowhar.

Kuraasta qaar ayaa isha lagu hayaa, kuwaas oo ay ku tartami doonaan siyaasiyiin saameyn, waxaana ka mid ah kuraastaas kursiga uu ku fadhiyey Muuse Suudi Yalaxow oo mar labaad doonaya in dib loo doorto, hayeeshee waxaa haatan kula tartamaya Cabdullaahi Sheekh Xasan,  Axmed Xasan Cadow (Daaci) iyo Dr. Xasan Cadaay Cali.

Sidoo kale kursiga xiisa leh waaa midka uu afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Dr Cismaan Maxamuud Maxamed (Dufle) oo markale isa soo sharraxay, isna waxaa kula tartamaya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) iyo Raage Xasan Cusmaan (Xuut)

Dhammaan musharixiinta tartameysa ayaa shalay khudbado ka jeediyey xarunta baarlamaanka ee HirShabelle, iyaga oo ka hadlay taariikhdooda iyo waxqabadkooda.

Doorashada HirShabelle ayaa ah mid xasaasi ah, waxaana musharixiinta ay u tartami doonaan si daah-furan, iyadoo halkii kursi ay u sharraxan yihiin laba ugu badnaana lix.

Maxaad ka taqaan saddexda musharax ee Muuse Suudi kursiga ku haysta maanta?

0

Dorashada Aqalka Sare ee maamul goboleedka HirShabeelle ayaa u muuqata inay ka loollan adag tahay dhammaan doorashooyinka la mid ah ee Federaalka, maadaama ay usoo baxeen musharraxiintii ugu badnaa, kuwaasoo shalay khudbadahooda jeedinayay.

Madaxweynaha HirShabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa dhawaan soo dhammeystiray liiska musharraxiinta, halka doorashadana la filayo inay dhacdo maanta oo Talaado ah.

Muusa Suudi wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta tartanka adag u galaya kuraasta Aqalka Sare, oo baarlamaanka hadda jiro uu ku soo metelayay HirShabeelle, waxaase kursiga ku haysta saddex musharax oo adag. Haddaba waa kuwan Muuse Suudi iyo musharaxiinta kursiga ku haysta.

Muusa Suudi Yalaxow

1- Khudbaddii uu shalay ka hor jeediyay xildhibaannada baarlamaanka ee maamulkaas ayuu kusoo gaabiyay; “Wax aan soo qabtay ma aqaanno, ,a ii ,iisaanna, sanduuqa dhalada ah ayaan ka arki doonaa, wax aan qaban doonana ma ogi, wixi Alle igu aaddiyo ayay noqon doonaan. Haddii aan xiulka u qalmo iigu celiya, haddii aad i dhibsateenna iga reeba.”

Ilaa afar siyaasi ayaa u xusul duubaya inay meesha ka saaraan Yalaxoow, oo afartii sano ee lasoo dhaafay Hirshabeelle ku malatayay Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Cabdullaahi Sheekh Xasan, Dr Xasan Cadaay Cali iyo Axmed Xasan Cadoow ayaa ka mid ah, waxaana ay shalay jeediyeen khudbadaha ay xildhibaannada baarlamaanka hoose ee Hirshabeelle uga dalbanayaan inay codadkooda siiyaan.

Haddaba maxaan ka garaneynaa musharraxiinta loollanka culus galinaya Muuse Suudi Yalaxoow?

2- Cabdullaahi Sheekh Xasan

Sida uu isaga qudhiisaba shalay ka sheegay khudbaddii uu ka jeedinayay munaasabadda hadal jeedinta, waxa uu ku dhashay Hirshabeelle balse uu ku soo barbaaray magaalada Muqdisho.

Waxbarashadiisa waxa ay gaarsiisan tahay ilaa heerka labaad ee Jaamacadda, oo uu ku bartay cilmiga Maamulka Ganacsiga.

“Waxaan 1990-meeyadii macallin kasoo ahaa dugsiyada maxalliga ah. Waxaan ka mid ahaa aasaaseyaashii dalladaha waxbarashada ee gobolka Banaadir, gaar ahaanna waxaa guddoomiye u ahaa hay’ad la dhaho al-Kheyriya oo weli shaqeysa,” ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh Xasan.

Markii uu u wareegay dhinaca siyaasadda waxa uu ka qayb galay shirkii Carte ee ka dhacay dalka Jabuuti, kaasoo ugu dambeyntii lagu dhisay dowlad ku meel gaar ah.

Kaddib waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiintii ka qayb galay shirkii Kenya loogu qabtay Soomaaliya oo lagu soo dhisay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Khudbaddii uu shalay Jowhar ka jeediyay ayuu Cabdullaahi Sheekh ku sheegay inuu mar ka mid ahaan jiray guddi loo xil saaray inay kasoo shaqeeyaan sidii Soomaaliya hubka looga dhigi lahaa.

“Markii uu dagaalka dhex maray dowladdii Cabdullaahi Yuusuf iyo qolyihii maxkamadaha, waxaan ka tagay waddanka, waxaana dibad joog ku noqday dalka Britain muddo afar sano ah,” ayuu yiri.

Soomaaliya waxa uu dib ugu soo laabtay sanadkii 2011-kii, halkii ayuuna kasii waday dhaqdhaqaaqyada siyaasadda.

Inta uusan usoo istaagin xilka kursiga Aqalka Sare, jagadii ugu dambeysay ee uu soo qabtay waxay ahayd inuu noqday Wasiirka Dastuurka.

3- Axmed Casan Cadoow (Daaci)

Axmed Daaci waxaa aad loogu yaqaannaa inuu soo noqday guddoomiyihii Degmada Wadajir, xilligii ay jirtay dowladdii madaxweyne Shariif Sheekh Xasan.

Dhowr sano uu uu ka mid ahaa saraakiisha maamulka Gobolka Banaadir waxa uu qayb ka ahaa dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab ee kasoo horjeedda dowladda Soomaaliya.

Hase ahaatee, markii dambe isaga iyo dowladda Federaalka ayaa isku maan dhaafay howlgal hub ka dhigis ah oo la damacsanaa in lagu sameeyo siyaasigan.

Sanadkii 2014-kii ayaa mar la dhigay xabsiga, inkastoo lasii daayay muddo kaddib.

Bartamihii bishii August ee sanadkii 2014-kii ayay ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM weerar ku qaadeen guriga Axmed Daaci, halkaasoo uu dagaal ku dhex maray iyaga iyo ciidamo daacad u ah siyaasigan horay u ahaan jiray guddoomiyaha degmada Wadajir.

Wareysi uu xilligaas siiyay BBC-da ayuu ku sheegay in hubka uu haystay inuu isku difaaco.

Khudbaddii uu jeediyay xildhibaannada baarlamaanka HirShabeelle kama uusan sheegin wax ku saabsan taariikhdiisa, siyaasad iyo waxbarasho toona.

Isha: BBC SOMALI

Ciidanka Abiy Ahmed oo ka baxay magaalooyin cusub kadib guul-darrooyin dagaal

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxaa qeybo kamid ah dalka Itoobiya dib uga bilowday dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Federaalka Itoobiya iyo ciidamada qowmiyadda Tigrayga.

Ciidamada Federaalka Itoobiya ayaa laga saaray dhowr magaalo oo ay qabsadeen toddobaadkii hore, kadib markii ay dagaal culus soo qaadeen kuwa TPLF. Afhayeenka maleeshiyada Tigrayga ayaa sheegay in ciidamadooda ay dib u qabsadeen magaalooyinka kala ah, Saakoota iyo Joona.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray inay maxaabiis ahaan u qabteen boqolaal askari oo u badan Amxaarada, inkastoo aysan weli sheegashadaan ka hadlin Dowladda Itoobiya.

Sarkaal u hadlay ismaamulka Gobolka Amxaarada ayaa Al-Jazeera u sheegay in ciidamada Federaalka ay dib uga gurteen dhowr magaalo oo ay todobaadyadii lasoo dhaafay qabsadeen, inkastoo uusan faahfaahin ka bixin sababta keentay ka bixitaanka.

“Waa in aad isku dhiibtaan ciidamadeenna u dagaallamaya sidii nabad loo heli lahaa, xal kale idiinma furna,” ayuu yiri hoggaamiyaha TPLF.

Ciidamada TPLF ayaa lagu eedeeyey inay xasuuq iyo kufsi ka geysteen Gobolka Amxaarada, waxayna hadda xaaladda Itoobiya u muuqataa mid kasii dareysa, iyadoo TPLF ay ku hanjabtay inay tagi doonto Magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Farmaajo oo war kasoo saaray geerida Suldaan Cumar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ee muddo xileedkiisa uu dhammaaday Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay Alle ha u naxariistee geerida Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ku geeriyooday dalka Turkiga.

Farmaajo ayaa marka hore tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, bahda dhaqanka iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Marxuum Suldaan Cumar Suldaan Maxamed uu door wanaagsan kasoo qaatay nabadda, xasilloonida, dib-u-heshiisiinta iyo adkeynta wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in Suldaanka uu ka mid ahaa tiirarka hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Geerida ku timid Alle ha u naxariistee Suldaan Cumar Suldaan Maxamed waa geeri murugo leh, Suldaanku waxa uu ka mid ahaa hormuudka dhaqanka Soomaaliyeed ee dadaalka ku bixiyey nabadda, dib-u-heshiisiinta, midnimada iyo horumarka Ummadda Soomaaliyeed.” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Ugu dambeyn waxa uu Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Allaha u naxariistee Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ayaa ka soo jeeday gobollada Waqooyi, isaga oo muddo fog kasoo shaqeynayey nabadda iyo xasiloonida dalka.

Faah-faahin: Qarax ka dhacay agagaarka xerada Xalane ee magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoog leh oo gabal dhicii ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, gaar ahaan meel u dhow albaab laga galo xerada Xalane oo xubnaha beesha caalamka ay degan yihiin.

Sida aan xogta ku helnay, qaraxa ayaa ka dhacay Bar kontorool oo laga galo Xalane, sidoo kalen u dhaw xerada Jeneraal Gordon.

Sida ay noo xaqiijiyeen goobjoogeyaal, waxaa qaraxa lala beegsaday maqaayad ku dhow meel lagu qaado canshuurta dowladda hoose, balse weli ma cadda nooca uu ahaa qaraxa, inkasta oo warar horudhac ah ay sheegayaan inuu ahaa is-miidaamin. 

Ciidamada ammaanka ayaa xiray guud ahaan wadooyinka soo gala goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana loo diiday saxaafadda inay gudaha u gasho, saraakiil goobta tagtay ayaa xaqiijisay in khasaare badan uu ka dhashay qaraxa, kaas oo soo gaaray askartii la beegsaday iyo weliba dad shacab ah.

Weli ma cadda tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay qaraxaas, hey’adaha ammaankana kama soo saarin wax war ah.

Qaraxa ayaa imanaya toddobaad kadib markii Caasimada Online ay shaacisay xog ku saabsan digniin kasoo baxday xafiisyada amni ee ay hay’adaha ajnabiga ah ku leeyihiin Muqdisho, gaar ahaan xarunta Xalane iyo sirdoonka Soomaaliya, oo ku saabsaneyd inay Muqdisho ka dhici kaaraan weeraro culus.

Xogta ay bixiyeen khubarada amniga, oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegeysay in weerarada qaraxyada ah ee laga cabsi qabo ee ka koobnaan; kara rag soo xirtay jaakadaha qarxa, gaadiid qaraxyo ah iyo qaraxyada gaadiidka lagu xiro ee badanaa lagu dilo wadaha gaariga.

Halkan ka aqri xogtii iyo digniintii aan bixinay 7-dii September. 

Shacab si yaab leh uga fal-celiyey qoraalkii Farmaajo ee lasoo dhigay Facebook

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa markii uu caawa soo saaray warqad uu ku shaaciyey in guddi soo baara uu u magacaabay kiiska dilka Ikraan Tahliil Faarax ayaa waxaa ka dhashay caro iyo fal-celin adag oo shacabku ay ku soo bandhigeen qeybta aragtida ee Pageka Villa Somalia oo halka Page ee lagu baahiyey warkaas.

Caasimada Online waxay u kuur gashay aragtida bulshada ee ku aadan tallaabada Farmaajo ee la xariirta kiiska Ikraan Tahliil, waxaana idiin soo bandhigeynaa qaar ka mid ah dadkii aragtiyada ama commentiga ka dhiibtay warka Farmaajo ee lagu baahiyey Pageka Villa Somalia.

Arrinta yaab kale ayaa ah in dadka aragtidooda ka soo dhiibtay warqadaas ka soo baxday xafiiska Farmaajo ay ka mideysan yihiin la yaabka tallaabada uu guddigaas ku magacaabay, iyagoo ku tilmaamaya carqaladeyn hor leh oo Farmaajo uu ku sameynayo baaritaanka kiiska Ikraan.

Dadka aan aragtidooda idiin soo uruurinay waxaa ka mid ah Maxamed Deeyoo oo comment uu ka dhiibtay qoraalkii ka Farmaajo ku yiri, “Maxamed Qasaaye mar dhaw waa lagu soo qaban oo caddaalad lagu hor keenayaa bi idnillaah.”

Cabdifitaax Cali Sanbuur ayaa yir, “Yaab wlhi ninkii diley ayaa hadana guddi u saraa fadlan Mohamed Abdullahi Farmaajo kiiska gabdha inaad carqalad ku tahay bulsho weynta Soomaaliyeed waa u jeedaahe, kiiskaan cadalad kama rabtide udaa RW Mohamed Hussein Roble.”

Cabdimahad Guure ayaa yiri, “Mar hore ayaa lagaa rabay Farmaajow. Xiligan waxba soo kordhin meyso waayo RW Rooble ayaa dusha saartay cadaalad u raadinta kiiska ikran Allaha u naxariistee.”

Abshir Yuusuf ayaa yiri, “Xubinka uu soo magacaabayo Taliyaha NISA ayaaba la isku haystaa ee ma Bashir Goobe ayaa soo magacaabaya mise Hebelkaa Farey. Wali wax lee la isku dhex karinaa meeshaan, anagana waan wareernay oo habeen kasta dhafar iyo ha anbanin sidaan isku dhahaynay.”

Axmed Shaur ayaa yiri, “Nabad sugidda oo lagu tabayo dilka sarkaaladda see baaritaanka uga qeeyb qaadan kartaa?! Soomaalida haka tashato kooxdaan.”

Cali Xasan Xuseen ayaa yiri, “Kuwii dilay ayaa kiiska baaritaankiisa ka mid noqonaayo miyaa noo sheegee, war nio meeshaan iskaga tag hasoo hortaagnaan umadaan qof ay dhibsatay hadalkiisa. Gudiga 3bil lamagacaabi waayay hada lamagacaabaayo maxeey tahay.”

“PM Rooble ayaa howshaan u xilsaaran gudigaas ayaa laga sugayaa baritaankaas. Kan wax kama jiro.”

Waxaa xusid mudan in warbaahinta dowladda aysan baahin warka Farmaajo, tallaabadaasna waxaa la shaagay inay ku timid amar ka soo baxay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Hooyo QAALI oo si qiiro leh uga jawaabtay tallaabadii uu qaaday Farmaajo + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad oo dhashay Ikraan Tahliil Faarax ayaa ku gacan-seyrtay guddiga uu caawa Farmaajo u magacaabay baaritaanka kiiska gabadheeda, iyadoo sheegtay in kiiskaas ay baaritaankiisa u daba fadhiyaan Ra’iisul Wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble.

“Kuma qanacsanin, mana aqbali doonno guddiga uu  madaxweyne Farmaajo u xil-saaray baaritaanka kiiska Ikraan, waxaan ku qanacsanahay maxkamadda ciidamada oo aan horay ugu gudbinay dacwadda kiiska gabadheyda,” ayey tiri Hooyo Qaali Maxamuud.

Waxay sheegtay in hadii Farmaajo uu sii wado is hortaaga baaritaanka kiiska gabadheeda ay u qaadanayaan in isagu uu bixiyey amarka lagu afduubtay Ikraan.

“Hadii is hortaagaan uu ka waantoobi waayo, waxaan Madaxweynaha ka gudbineynaa dacwad, dal iyo dibadna waan ka dacwey doonaa Farmaajo,” ayey hadalkeeda ku sii dartay hooyo Qaali.

Maama Qaali oo sii hadleysay ayaa tiri, “Farmaajo kiiska gabadheyda Ilaahey waa uga baqi waayey, gabadhiisa camal waa uga baqi waayey, inuu madaxweyne u yahay waa uga baqi waayey, laf dhuun gashay ayuu Farmaajo nagu noqday, waxaan Ilaahey SWT uga baryaa inuu gurigiisa, golihiisa iyo caruurtiisa inuu ka arko.”

Sidoo kale Qaali Maxamuud Guhaad ayaa digniin u dirtay laba xildhibaan oo la kala yiraahdo Cabdiraxmaan Xirsi Kulmiye (Cabdiraxmaan Dheere) iyo Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire, oo ay sheegtay inay caqabad ku yihiin baaritaanka kiiska gabadheeda Ikraan.

“Labadaas nin hadii aysan ka hor wareegin kiiska gabadheyda waxay mudan yihiin ayaa la marsiinayaa Ilaahey idankiis, midna Fahad ayuu qaraabo la yahay midna Madaxweynaha, umadda Soomaaliyeedey arka in dadkaas ay caqabad nagu yihiin, oo xaq darro ay nagu hayaan,” ayey tiri Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad.

Ugu dambeyntii Maamada ayaa sheegtay inay ku kalsoonyihiin Ra’iisul Wasaare Rooble oo cadaaladda kiiskaas ay isaga ka sugayaan, “Umadda Soomaaliyeed oo markii horaba i garab taagneed, waxaan leeyahay arka gardarada Farmaajo iyo labadaas nin ay igu hayaan.”

Hoos ka daawo Hooyo Qaali

Afar guddi oo la la’yahay oo muujinaya qorshaha Farmaajo ee guddiga Ikraan Tahliil

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddi u saaray in ay soo baaraan arrinta Ikraan Tahliil Faarax oo sababtay khilaaf aad u adag oo u dhexeeya Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweynaha.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay labadii sano ee la soo dhaafay magacowday guddiyo kala duwan, si ay u soo baaraan xaalado abuuray hadal hayn badan oo bulshada dhexdeeda saameyn ku lahaa. Guddiyadaas ayaan dib loo maqlin, mana aysan soo bandhigin wixii ka soo baxay baaritaannadii loo diray.

Guddiga Farmaajo uu caawa magacaabay ayaa imanaya, xilli uu kasoo horjeestay in Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ay baaritaan ku sameyso kiiskan, sida ay dalbadeen qoyskeeda iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Daahir Maxamuud Geelle oo horraantii bishan ka hadlayay arrimaha guddiyada la magacaabo ayaa yiri: “Marka arrinta la marin-habaabinayo waxaa la dhahaa ‘guddi u saara’.

“Anaga arrinkaa waayo-arag baan u nahay. Guddiyo badan oo la iska daba sameeyay ayaa jiraan oo wax xaqiiqo ah aan keenin. Marka waxaan rabnaa in guddi loo saaray aysan arrinta ku ekaanin”, ayuu yiri Daahir Geelle.

Arrimaha guddiyada loo saaray waxaa ka mid ahaa dhimashadii Alle ha u naxariistee Cabbaas Siraaji, oo ahaa wasiir iyo xildhibaan oo bishii May, 2017-kii lagu dilay Muqdisho. Guddigaas weli wax cad ma aysan keenin.

Sidoo kale, Ka dib markii la dilay gudoomiyihii degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, Cabdixakiim Dhagajuun, bishii January ee sannadkan, dowladda waxay magacowday guddi baaritaan, balse weli xaqiiqo raadintii ma aysan ka soo warcelinin.

Haddii aan eegno qaar ka mid ah guddiyadaas waxaa ka mid ahaa:

Qarixii Xarunta Gobolka Banaadir

Bishii July, sannadkii 2019-kii, wuxuu qarax wayn ka dhacay xarunta maamulka Gobolka Banaadir, waxaana ku dhintay Gudoomiyihii Gobolka iyo qaar ka mid ah agaasimeyaashiisa.

Alle ha u naxariisto, Cabdiraxmaan Yariisow oo dhaawacmay ayaa loo qaaday dalka Qatar, halkaas oo uu ku dhintay.

Ka dib dowladda waxay u saartay guddi baaritaan ku sameeya qaraxaas, balse wixii ka soo baxay arrintaas ayaana dadka lala wadaagin. Waxaa jiro warar sheegaya in qeyb ka mid ah baaritaanka wixii ka soo baxay loo gudbiyay masuuliyiinta dalka.

Qaraxa waxaa ku dhintay masuuliyiin ay ka mid yihiin guddoomiyayaal, Agaasimayaal iyo dadkale oo katirsanaa maamulka gobolka Bnaadir.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka, waxayna tilmaameen in bartilmaameedka uu ahaa Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo maalintaa booqasho ku tagay xarunta gobolka Banaadir.

Askartii loo diray Eritrea

Ka dib markii ay dheceen isu soo baxyo ay sameynayeen dad kala duwan iyo waalidiin ka cawanayay in carruurtooda loo qaaday dalka Eritrea, ka dibna ay “ka dagallameen Itoobiya”, waxaa la saaray guddo soo baara arrintaas.

Bishii July, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo baara cabashada waalidiintaas.

Waxay dadkaas sheegayeen “in aysan war iyo wacaal ka helin carruurtoodii oo ay sheegeen in tababar loogu diray dalka Eritrea.”

Guddigan oo ka kooban illaa shan xubnood ayaa la sheegay in ay u kuur geli doono xaaladda dhalinyarada Soomaalida ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, ayaa weli soo saarin warbixinta baaritaankooda.

Maalmo ka hor intaan guddigaas la dhisin, waxaa BBC Somali la hadashay hooyo Foos Xasan oo ka mid ah walaadiinta ay carruurta ka maqan yihiin ayaa sheegtay in wiil uu ka maqan yahay uuna ka tagay bishii Febraayo ee 2020-kii, iyadoo markii ugu horraysayna uu la soo xiriiray bishii Janaayo ee sanadkan markaas oo uu u sheegay inuu Eritrea joogo.

“Dhibaato badan inay qabaan ayuu ii sheegay oo la garaacay, oo la tumay, oo la xabbadeeyay, oo caddib intii qof bini’aadam ah la marsiiyo intii ugu badnayd ay haysato, wax ay xal ka gaari karaanna aysan jirin,” ayey tiri hooyo Foos Xasan.

“Dhibaato badan ayey sheeganayaan, Ilaahay subxaanahu watacaalaa ka socokow cid kale oo bini’aadam ah oo noo doodaysa oo aan sugayno ma jirto ayuu igu dhahay.”

Dhacdadii 19-kii February

Maalintaas waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay isu soo bax ay hoggaaminayeen qaar ka mid ah musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha oo diidanaa dib u dhaca doorashada dalka.

Musharrixiintaas ayaa sheegay in rasaas lagu riday, ayna kala carareen. Qaarkood oo saxaafadda la hadlay waxay sheegeen in la damacsanaa “in la dilo musharrixiinta”.

Khilaafkaas oo aad u cakirmay, wuxuu sababay in ciidamo gadoodsan ay magaalada Muqdisho soo galaan, balse markii dambe waxaa kulmay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Musharrixiinta, waxayna isku raaceen in la dhiso guddi soo baara dhacdadii 19-kii Febraayo.

Sidoo kale, habeenkii ka horeeyay wuxuu “weerar ka dhacay hotel ay degannaayeen” madaxweyneyaashii hore, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

Guddigaas oo ahaa mid madax-bannaan oo ka koobnaa lix xubnoo, ayaan weli soo bandhigin wixii ka soo baxay baaritaankii ay sameeyeen. Waa guddi isku-dhaf ah oo ka kala socday mucaaradka, dowladda.

‘Afduubkii’ Ikraan Tahliil

Bil ka dib markii la waayay Ikraan Tahliil, Xeer Ilaalinta Guud ee Ciidamada Qalabka Side, ayaa guddi u saaray arrintaas si ay u soo baaraan.

Janaraal Cabdullaahi Buulle Kamay, oo ah Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa magacaabay Sadax Sarkaal oo ka kala Socda Xafiiska Xeer ilaalinta, Booliiska & Nabad-Sugidda, si ay u soo baaraan Kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Xilligaas, waalidiinteeda iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta waxay tuhmayeen in hay’adda NISA ay “ku dhex maqan tahay” gabadhaas oo mar ka shaqeysay xafiiskii Yariisow, intii uu ahaa Gudoomiyaha Banaadir.

Guddigaas weli lagama hayo warbixin ku saabsan baaritaankooda, balse dhowaan ayay dowladda shaacisay in “Al-shabaab ay dileen Ikraan” taas oo ururka iyo waalidkeedaba ay beeniyeen.

Arrinta Ikraan ayaa khilaaf ka dhex abuurtay labada xafiis ee dalka ugu sareeya, taas oo weli taagan. Waxay sababtay in isbedello iska soo horjeeda ay sameeyaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha oo ku kala socday NISA iyo wasaaradda Amniga.

Waxaa mudo bil ka badan nolol iyo geeri aan lagy heyn Ikraan Tahliil Faarax oo ka shaqeeneysay Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka, waxaana gabadhan markii ugu dambeesay gurigeeda ka baxday 26-ka bishii June Sanadkan.

Gabadhan ayaana kiiskeeda hadal heyn badan abuuray, waxaana Ehelada gabadhan ,xildhibaano, iyo siyaasiyiin kalaba sheegeen in Ikran tuhmayaan in ay afduubteen ama dileen saraakiil sar sare oo katirsan Hay’adda NISA.

Genaraal Cabdullaahi Buulle Kamay ayaa Faray Taliska ciidamada Nabad sugida in ay kala shaqeeyaan Saraakiisha magacaaban Wadda kasta oo lagu Gaari karo Danta Cadaaladda ee Ikraan.

Xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sidoo kale aqbalay furashada Gal-Dacwadeed ay u soo gudbisteen Ehelka Ikraan Tahliil Faarax, kuwaa oo tuhmaya in maqnaashaha gabadhooda Taliska NISA ku lug leeyihiin.

Isha: BBC SOMALI

Siyaasiyiin jawaab deg deg ah ka bixiyey tallaabadii uu caawa qaaday Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin ay kamid yihiin Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Axmed Macalin Fiqi iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa durba ka fal-celiyey warqadii caawa ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Farmaajo, taas oo lagu shaaciyey guddi uu u magacaabay baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil, oo horay loogu eedeeyey inuu isagu caqabad ku yahay.

Ugu horeyn Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri:

“Oday Farmaajo kiiska Ikraan dhexdhexaad ma ka yahay marka hore? Guddiga baaraya see NISA oo gabadha afduubkeeda loo aanaynayey xubin uga noqonaysaa? Marka baaritaankan la sheegay la soo dhameeyo ma Farmaajo ayaa maxkamad ah oo loo soo gudbinayaa? 

Mas’uuliyiin dekereeto Farmaajo horey ugu magacownaa haddana guddi ahaan loo qortay sidee looga filan karaa cadaalad?!

Sow uma muuqato warqaddani mid isbaaro loogu dhiganayo maxkamadda ciidanka ee kiiskan RW Rooble horey ugu gudbiyey? Tan kale se, ehelka Ikraam waxay gal dacwadeed geysteen maxkamadda CQS oo ay xaq u lahaayeen sow ayana carqalad la hordhigay uma muuqanayso!?

Si kastaba gacan daahir ah ayaa wax daahirisa, natiijada laga filan karo guddigaana waa la yaqaan oo waa waqtiga oo la jiido, waxbixin dhinac u janjeerta iyo kiiska oo afka meel kale loo aadiyo ayadoo laga leexinayo kuwii ku lugta lahaa!”

Sidoo kale Cabdikariin Guuleed ayaa isna qoraal uu soo saaray ku yiri

“Cadaaladdu waa aasaaska nolosha iyo dowladnimada, cadaalad la,aantuna waa waxii dumiyey hanaanka dowladnimadeena, bulshadeenana dhex dhigay colaadda iyo uurkutaalooyinka mahadhada noqday.

Gudiga uu Farmaajo u magacaabay kiiska Ikraan Tahliil waxaan u arkaan inuu yahay isku day la rabo in lagu marin habaayo bulshada Soomaaliyeed. Laguna baaba,iyo kiiska, waxba kama jiraanna looga soo qaado.

Sida aan wada ogsoonahay kiiska gabadhu waxuu horyaala maxkamad ee waa in maxkamadda loo daayo, iyadu ha ka gungaarto baaritaalkeeda.

Haddiiba kiiska loo magacaabayo gudi soo baara waxaa lagama maarmaan ah inuu noqdo guddi madax banaan oo kaashanaya khubaro iyo xeeldheerayaal caalami ah. Haddii kale kiisku waxuu horyaala maxkamade ha loo daayo, iyadu ha ka gungaarto baaritaalkeeda.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale qoraal uu soo saaray ku yiri:

“Xilligii Cusmaaniyiinta ay dunida Islaamka ka talinayeen ayaa labo nin oo Turki ah waxey siyaaro u soo aadeen qabriga Sh C/qaadir Jaylaani oo reer Ciraaq ahaa. Jidkii ayey ka lumeen, nin ay salaadda wajigiisa ka muuqato, bashaash farax badana ah, afkana aan wardiga ka qaadin ayaa ku soo baxay. Waxey is yiraahdeen Ilaaheey ayaa idiin soo diray. Meel-dhexe markii ay marayaan ayaa la seexday, ninkii lacagtii iyo saadkii ay wateen ayuu ka xaday waana tegey. Sidii ay u baadi-goobayeen ayey ugu danbayn gacanta ku soo dhigeen, waxaa ku soo baxay booliskii, wuxuuna u geeyey qaaddigii deggaanka. 

Qaaddigii ayaa tuuggii qol iskula xiray si uu su’aalo u waydiiyo. Qaaddigii oo qaylinaya ayaa soo baxay, labadii nin ayuu ku qayliyey, wuxuuna ku yiri waad masibadateen ninkan ee baxa taga. Nin wanaagsan oo reer Baqdaad ahaa oo arrinka kor kala socday ayaa tuuggii la faqay, wuu waaniyey, wuxuu ku yiri “Xoolaha xaaraanta ah iska celi, aniga dahab xalaal ah ku siinayee” laakiin tuuggii wuxuu yiri “War xoolo ma hayo ee ninka baliiska ah iyo qaaddiga way ii hanjabeen, haadii aan qirto in aan lacagta xadayna way i dilayaan, lacagtiina iyagaa qaybsaday” 

Ninkii saalixa ahaa inta yaabay ayuu yiri ooraah caan baxday oo aheyd ; ‎حاميها حراميها

“Kii la raacshay ayaa lunsaday”

Warqadaan wax kale maaha ee waxaa gabbaad looga dhigayaa kuwii danbiga galay.”

Farmaajo oo kiiska Ikraan u magacaabay guddi, xilli uu weli diidan yahay baaritaanka Maxkamadda Ciidamada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta magacaabay guddi uu sheegay inuu soo baari kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Farmaajo ayaa tallaabadan qaaday kadib markii uu kasoo horjeestay in Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ay baaritaan ku sameyso kiiskan, sida ay dalbadeen qoyskeeda iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Guddigan ayaa ka kooban shan xubnood oo kala ah:

1- Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Guddoomiye
2. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Guddoomiye-ku-xigeen
3. Xubin uu soo magacaabo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Xubin
4. Xubin uu soo magacaabo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Xubin
5 Xubin uu soo magacaabo Taliyaha Hay’adda Nabad -Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Xubin 

Tallaabadan ayaa loo arkaa isku day kale oo madaxweyne Farmaajo uu ku hor-istaagayo in Maxkamadda Ciidamada ay baarto kiiskan, islamarkaana dadka lagu tuhmayo, oo ay ku jiraan madaxda sare ee NISA la horgeeyo maxkamadda.

Horey ayaa waxaa u jiray guddi uu magacaabay ra’iisul wasaare Rooble oo kiiskan baara, hase yeeshee ay waxba kasoo bixi waayeeen kadib markii ay hay’adda NISA oo lagu tuhmayo dilka Ikraan ay la shaqeyn weysay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kadib armay xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada inay kiiskan baarto, taasi ooh adda ku guda jirta.

Siisas badan oo isugu jira dilal, qaraxyo, askartii la geeyey Eritrea iyo arrimo kale oo guddiyo loo magacaabay ayaa waxaa warkooda ugu dambeysay markii guddiyadaas la magacaabay.

Maxkamadda Ciidamada ayaa waxay guddiyada uga duwan tahay inaan baaritaankeeda la hor-istaagi karin, sidoo kalena ay u yeeri karto ciddii ay doonto, balse waxaa muuqata in Farmaajo uu middaas diidan yahay.  

Hoos ka akhriso warqadda

Musharaxiin badan oo ka haray tartanka Aqalka Sare ee HirShabelle + Magacyada

0

Jowhar (Caasimada Online) – Baarlamaanka HirShabeelle ayaa maanta dhageystay khudbada ku dhowaad 30 mushariax oo u taagan tartanka xubnaha Aqalka Sare ee kasoo galayo maamul goboleedkaas.

Musharixiinta oo markii hore kor u dhaafiyey illaa 30 musharax ayaa hadda hoos u dhacay kadib markii qaar ka tirsan musharixiinta ay go’aansadeen inay isaga haraan tartanka xilli ay shalay ku ekeyd is-diiwaan gelinta musharixiinta.

Musharixiinta is-casilay ayaa iskood u go’aansaday inay isaga haraan tartanka, waxaana xusid mudan inaysan dhiibin lacagta is diiwaan gelinta oo aheyd 20 kun oo Dollar, taasi oo qaar badan ku adkaatay

Lixda musharax ee isaga haray tartanka ayaa waxay kala yihiin: 1- Mukhtaar Xuseen Afrax, 2- Dr. Cabdiraxmaan Muuse Xabbad, 3- Muxyadiin Xasan Afrax, 4- Maryan Maxamed Kuulow, 5- Cabdalla Maxamuud Cusmaan, 6 – Adna Xasan Mahad Cabdi

Hoos ka aqris liiska musharaxiinta la diiwaan-geliyey ee isku soo haray

A): 1- Muuse Suudi Yalaxow
2- Cabdullahi Sheekh Xasa
3 -Axmed Xasan Caddow
4 -Dr. Xasan Cadaay Cali

B) 1- Maxamed Amin Shiikh Cusmaam
2- Daaha Muhudiin Sh. Daaud
3- Axmed Maxamed Call (Afcadeey)
4- Yussuf Macalin Xasan (Filla-Dheere)

C) 1- Maxamed Axmed Nuur (Tarsan)
2 – Raage Xasan Cusmaan (Xuuti)
3- Dr. Cusmaan Maxamuud Maxamed (Dufle)

D) 1- Prof. Maxamed Cusmaan Dhega-Juun
2 – Nuur Maxamed Geedi (Canjeex)

E) 1- Call Shacbaan Ibraahim
2- C/Qaadir Xanafi Sheekh Bashiir
3- Cabdullahi Axmed Tawaad
4- Caasho Xuseen Abuukar
5- Cabdalle Cabdi Xuseen

F) 1- Xasan Iidow Muxumed Kobac
2- Cusmaan Axmed Macow
3- Cabdinuur Ibraahim Nuur

G) 1- Fartuun C/Qaadir Faarah Karaama
2- Sacdiya Yarrow Aadan

H) 1- Naciimo Ibraahim Yuusuf
2- Zamzam Cabdullahi Xuseen
3- Maxamed Macallin Xasan Kulmiye
4- Abuukar Xasan Call (Maqaneey)

Sawirro: Rooble oo qaaday tallaabo uu ku xajisanayo maamulka maaliyadda dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay hay’adaha maaliyada dalka, sida Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga dhexe iyo Xisaabiyaha guud, xilli uu sii adkeynayo maamulka maaliyadda dalka.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha, kulankaan ayaa qeyb ka ah waajibaadkiisa korjoogreynta, la xisaabtanka iyo xiriirinta shaqooyinka hay’adaha dowladda.

“Kulanka ayaa looga hadlay daahfurnaanta Nidaamka Maamulka Maaliyadda dalka, joogteynta bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidanka, kharashaadka wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda, xoojinta wadashaqeynta dhexdooda ah iyo dardar gelinta howlaha deyn cafinta,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, kulankaan ayaa daba socda amar uu ra’iisul wasaaraha dul dhigay wasaaradda maaliyadda, kaasi oo dhigayey inaysan bixin karin lacag uusan isaga soo saxiixin, islamarkaana aan ogolaansho looga heysan.

Warqadda amarka lagu bixiyey oo loo diray wasaaradda Maaliyadda 9-kii bishan ayaa waxaa sidoo kale la ogeysiiyey Xisaabiyaha guud, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe iyo hanti dhowraha guud ee qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale si gaar ah u xayiray in ogolaansho la’aantiisa la isticmaalo lacagta Hay’adda IMF ee qoondada Dowladda Federaalka ah ee loo yaqaan SDRs.

Mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha, raashinka ciidamada, mashaariicda iyo wixii kale ee kharash lagama maar-maan u ah adeegga dowladda, ayaa marka mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyaddu waajibaadkooda shaqo ka gutaan, ayaa dhigay in oggolaansho ka helaan ra’iisul wasaaraha inta aan la bixin wax lacag ah.

Rooble ayaa tallaabooyinkan ku xaqiijinaya in wax is-daba-marin iyo musuq-maasuq lagu sameyn hanaanka kharash-bixinta dowladda, xili uu dalka marayo marxaladda kala-guurka, islamarkaana baahi weyn loo qabo in taxaddar dheeraad ah loo yeesho isticmaalka qoondada lacagta hay’adda IMF.