25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika

0

Pretoria (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay muwaadin Soomaaliyeed oo sidoo kalena ka mid ahaa ganacsatada ku dhaqan gudaha wadankaasi lagu toogtay agagaarka magaalada Pretoria.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray, Mahad Dheere ayaa dilkiisu waxa uu ka dhacay goobtiisa ganacsi oo lu taallay degmada Malmelodi oo hoostagta Pretoria.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in muwaadinkaasi Soomaaliyeed oo dhalinyaro ahaa in la dilay, xilli uu ku guda jiray howlihiisa shaqo maalmeed.

Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee dalka Koonfur Afrika ayaa sidoo kale sheegay in kooxdii ka dambeysay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen falka, kadib.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika oo baaritaano kooban ka sameeyey xaafadda uu dilku ka dhacay, balse kama aysan hadlin dhacdadaasi.

Soomaali badan ayaa ku nool dalka Koonfur Afrika, kuwaas oo ganacsiyo kala duwan ku leh magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi, iyaga inta badan wajaha xaalado aad u adag.

Si kastaba muddooyinkii dambe ayaa waxaa isa soo tarayey dilka, dhaawaca iyo weerarada loo geysnayo ganacsatada Soomaalida ah ee ku dhaqan dalka Koonfur Afrika.

XUNDUBEY oo ka laabtay qorshihi uu berri damacsanaa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegayo inuu ka laabtay shir jaraa’id oo uu qaban lahaa Khamiista berri ah, kaas oo horay uu u balan qaaday inuu ku soo bandhigayo waxa ay isku hayaan isaga iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhawaan xilkii ka qaaday Xasan Xundubey, isagoo ku bedelay Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur, balse Xundubey ayaa diiday oo sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadidaas.

Qoraal uu galabta soo dhigay bartiisa twitterka ayuu Xundubey ku shaaciyey inuu baajiyey shir jaraa’id oo uu ku soo bandhigi lahaa waxay Rooble isku hayaan, kadib markii sida uu sheegay ay lasoo xariireen waxgaradka beeshiisa.

“OGAYSIIN! Waxa aan horay u faafiyay in aan beri oo Taariikhdu tahay 16/09/21, 5:00pm aan  Muqdisho ku qaban doono SHIR-WARBAAHINEED. Haddaba, shirkaasi waa BAAQDAY. [WAAYO], waxgarad aad iigu weyn ayaa iga codsadeen in aan SHIRKAAS baajiyo. Wax-Garadkaasina waa ku mahadsanyihiin!” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xundubey.

Fariintii hore ee shirkaas jaraa’id uu ku iclaamiyey ayuu ku yiri, “Galabta Khamiista ah ee soo socota, ee Taariikhdu tahay 16/09/2021, 5:00pm waxa aan Magaalada Muqdisho ku qaban doonaa I.A. SHIR-JARAA’ID, oo aan uga warbixin doono: waxyaabaha aan isku qabanay oo aan isku haysano aniga & Rooble!”

Xasan Xundubey ayaa noqday wasiirka kaliya ee illaa hadda ku baxay khilaafka siyaasadeed ee Rooble iyo Farmaajo, waxaana la sheegay in Xundubey uu si weyn ugu janjeeray dhanka Farmaajo, taas oo keentay in Rooble uu ku bedelo nin aad u naqdiya siyaasadda Farmaajo. Waa wasiirka cusub ee amiga Cabdullahi Maxamed Nuur.

Yaa ku adkaaday kursigii ay ku loolameen Dufle iyo Tarsan?

0

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee xarunta HirShabeelle oo ay ka socoto doorashada xubnaha Aqalka Sare ka soo gelaya deegaanada maamulkaas waxaa hadda lagu doortay Senator Cusmaan Maxamuud Dufle, oo ka guuleystay laba musharax oo kula tartamay kursigaas.

Dr. Dufle ayaa dib ugu soo laabtay kursigaas oo afartii sano ee lasoo dhaafay uu ku fadhiyey, waxuuna ku soo baxay 68-cod, halka musharax Raage Xasan Xuuti oo la tartamayey uu helay 28-cod

Cusmaan Maxamuud Dufle iyo Raage Xasan Xuuti ayaa isula gudbay wareeg labaad, sidaas ayeyna guushu ku raacday Dr. Dufle, kursigaan waxaa horay loo saadaalinayey inuu ka mid yahay kuraasta wajihi doonta loolanka adag.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ahaa musharaxa seddaxaad ee kursigaas ayaa ku haray wareegii koowaad ee doorashada, waxuuna helay 19-cod, Danjire Tarsan waxaa wadatay Villa Somalia, balse wareegii koowaad sooma dhaafin.

Dr. Dufle ayaa ah Senatorka afaraad ee illaa hadda lagu doortay Jowhar, waxaana hartay doorashada afar kursi oo kale, doorashada ayaana sii socon doonta illaa berri, sida qorsheeyey, si loo soo dhameystiro 8-da xubnood ee HirShabeelle ay ku leedahay golaha Aqalka Sare.

Ciidamo ‘weeraray’ guriga hooyada wasiir ka tirsan DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda haweenka ee xukuumadda Soomaaliya Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaniifo Xaabsade) ayaa sheegtay in ciidan ka amar qaata madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ay maanta magaalada Baydhaba ku xireen Hooyadeed, oo sida ay sheegtay ay gurigeeda ku weerareen.

Wasiir Xaniifa ayaa sheegtay in xarigga loo geystay hooyadeed uu la xariiro kala aragti duwanaasho siyaasadeed oo soo kala dhex-galay iyada iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen.

“Waxaan ka xumahay kala duwanaasha siyaasadeed ee madaxwayne Laftagareen iyo aniga in ay ku ekaan waysay siyaasada ee loo dhacay maanta hooyaday macaan gurigeeda ciidan isku sheega nabad sugida southwest  in ay kasocdaan  tagaan oo laba Abdibila ah si iyada usoo xiran bilaa sabab sidoo kale habaryer tay qori lugu qabtay dil loogu hanjabay,” ayey wasiirka haweenka Soomaaliya ku tiri qoraal ay soo saartay.

Sidoo kale Wasiir Xaniifo qoraalkaan waxay ku sheegtay in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu qaadan doono mas’uuliyadda dhibkii ka dhasha caburinta shacabka, sidoo kale awooda uu shacabka ku caburinayo ayey u soo jeedisay in Koonfur Galbeed uu uga xoreeyo Al-Shabaab.

“Madaxwayne Abdiaziz ayaa toos masuuliyadaas u qaadaayo wixii meesha kadhaco caburinta shacabka iyo ixtiraam la aan koonfurgalbeed kajirtana haday soo afjarmaysaa insha allah. Ciidanka aad hooyoyinka koonfurgalbeed kubeeqsanaysid fadlan shabaab isaga celi oo dhamaan Koonfur Galbeed ku hareeraysan,” ayey wasiir Xaniifo ku tiri qoraalkeeda.

Tan iyo markii uu Koonfur Galbeed hoggaanka u qabtay Madaxweyne Lafta Gareen waxaa iska soo daba dhaceysa cabashada shacabka iyo siyaasiyiinta oo caburin xad dhaaf ah ka tirsanaya maamulkiisa.

Sidoo kale dad badan ayaa la sheegay in maamulkaas uu xabsiga u dhigay ku qanacsanaan la’aantooda hoggaaminta Lafta Gareen.

XOG: Madaxweyne Farmaajo oo qorsheynaya inuu xilka ka qaado Colonel SHUUTE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isku dayaya inuu xilka ka qaaday guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimad Online u sheegay in qorshaha xil ka-qaadista Shuute uu qeyb ka yahay isku dayada la doonayo in lagu baabi’iyo baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa horey amray xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida inay baarto kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Si kastaba, Farmaajo ayaa kasoo horjeeda in kiiska ay Maxkamad baarto, wuxuuna magacaabay guddi soo baara, inkasta oo ay jirto in dhammaan guddiyadii ay horey dowladda ugu magacowday kiisas badan aan meel lagu sheegin.

Balse Farmaajo, oo la rumeysan yahay inuu badbaadinayo shaqsiyaad ka tirsan hay’adda NISA, ayaa doonaya in kiiskan lagu baabi’iyo guddi ay caddahay inaan warkooda dib loo maqli doonin.

Waxaa sidoo kale jirta in Ikraan Tahliil Faarax ay aheyd sarkaal ciidan oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya, sidaas darteedna ay tahay inay baarto oo kaliya Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Sida aan xogta ku helnay, Farmaajo ayaa weydiistay madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe, oo ay xulufo yihiin inuu keensado shaqsi la isku haleyn karo oo loogu beddelo Shuute oo isku beel Hari-Abgaal ah yihiin.

Farmaajo ayaa la sheegay inuu si gaar ah uga codsaday Guudlaawe inuu keeno shaqi uu hubo “inaan dhinaciisa laga soo mareynin,” oo loola jeedo inuu baabi’in doono baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil.

Arrintan ayaa waxaa hadda ka war-helay odayaal ka tirsan beesha Abgaal, oo isku dayaya inay ka hortagaan isku dayga Farmaajo.

Shuute ayaa caan ku ah inuu yahay garsoore caadil ah, oo aan marnaba laga soo caban, wuxuuna horey u xukumay xubno badan oo Al-Shabaab ah iyo askar ka tirsan dowladda oo dilal gaystay.

Wasiirka cusub ee amniga oo war kasoo saaray tallaabadii uu qaaday Bashiir Goobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa soo dhaweeyay magacaabista Agaasimaha cusub ee Nabadsugida gobolka Banaadir, G/lle Muxidiin Mohamed Jimcaale (Warbac), oo maanta uu magacaabay Agaasimaha KMG ee NISA, Bashiir Goobe.

Wasiirka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, waxa uu faray in uu shacabka ugu adeego si hufan, isagoona u ballan-qaaday in hogaanka cusub ee NISA heli doonaan agab kasta oo u fudeydin lahaa howshooda.

“Waxaan soo dhawaynayaa Magacaabista Taliyaha Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Gobalka Banaadir Mudane Muxudiin Maxamed Jimcaale (Warbac) ee uu Magacaabay Agaasimaha KMG ee Hay’ada Nabadasugigga iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac,” ayuu yiri.

“Waxaa la faraya in uu shacabka ugu adeego si hufan, waxaana si buuxda ugu xaqiijinayaa guud ahaan hogaanka Hay’ada NISA in uu diyaar u yahay agab kasta oo loo adeegi lahaa bulshada waxaana u rajaynayaa horumar iyo adeeg bulsho oo hufan.”

Xilka agaasimaha gobolka ee NISA, ayaa waxaa horey u hayey Yaasiin Farey, inkasta oo markii dambe Farmaajo uu sheegay inuu u magacaabay agaasimaha hay’adda NISA. Warqadda Bashiir Goobe, laguma soo hadal qaadin Yaasiin Farey.

Magacaabista Warbac ayaa imaneysa xili ay weli taagan tahay xiisada ka dhalatay magacaabista Agaasimaha KMG ee NISA, kadib markii uu xilka ka qaaday Ra’iisul Wasaaraha agaasimihii hore, Fahad Yaasiin oo ay saaxiib dhow ahaayeen madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

Jeneraal Bashiir Goobe oo xilka ka qaaday Yaasiin Farey, magacaabay agaasime cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha KMG ee hay’adda NISA uu dhawaan u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Sareeye Guud Bashiir Goobe ayaa agaasimaha Nabadsugida ee gobolka Banaadir u magacaabay G/lle Muxidiin Mohamed Jimcaale (Warbac).

Xilkan ayaa waxaa horey u hayey Yaasiin Farey, inkasta oo markii dambe Farmaajo uu sheegay inuu u magacaabay agaasimaha hay’adda NISA. Warqadda Bashiir Goobe, laguma soo hadal qaadin Yaasiin Farey.

Waraaq magacaabis oo kasoo baxday Agaasimaha KMG ee hay’adda NISA ayaa waxaa lagu faray dhamaan agaasinada hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka inay ka gutaan mid walba waajibaada kaga aadan.

“Danta shaqada qaranka awgeed, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15.09.2021, waxaan u magacaabay Sarkaalka G/lle: Muxidiin Maxamed Jimcaale (Warbac) inuu noqdo Agaasimaha HNSQ ee Caasimadda,” ayaa lagu yiri waraaqda.

Ugu dambeyntiina Agaasimaha KMG ee NISA, Sareeye Guud Bashiir Goobe ayaa sarkaalka cusub u rajeeyay guul iyo shaqo wacan.

Arrintan ayaa imaneysa xili ay weli taagan tahay xiisada ka dhalatay magacaabista Agaasimaha KMG ee NISA, kadib markii uu xilka ka qaaday Ra’iisul Wasaaraha agaasimihii hore, Fahad Yaasiin oo ay saaxiib dhow ahaayeen madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

XAAD oo shaaciyey tallaabo ay qaadayaan oo la xiriirta kiiska Ikraan Tahliil (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka hadlay kiiska Ikraan oo xiisad hor leh abuuray, ayaa shaaciyey in haddii uu Farmaajo diido cadaalada ay billaabi doonaan mudaharaado waaweyn.

Nabadoon Xaad ayaa sheegay inaysan marnaba ka yeeli doonin madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday wax ka baxsan wixii loo doortay, islamarkaana ay iska ceyrin doonaan, sida uu sheegay.

“In uu dowladnimada gumeeyo oo dalka oo dhan ku ciyaaro ka yeeli mayno. Hadda nabad ma muuqato saan-saanteeda ma leh, qof cadaalad daro lagu sameeyay cadaaladeeda lagama shaqeyn karo, doorasho lagama wadi karo,” ayuu yiri.

“Qof doorasho diidi kara, dowlad diidi kara ama bulshada Soomaaliyeed ay rabto oo diidi kara majiro. Dagaal waa dagaal meesha uu asaga rabo ayuu aadaya meesha aad rabto ma aadayo, dagaal lama jiheyn karo.”

Sidoo kale, waxa uu sheegay in qofkii dulmi ka shaqeeya in uu dusha u ridanayo waxyaabaha ka dasha dulmiga, isagoona madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ku eedeyay in uu khal-khal gelinayo doorashada dalka oo maalinba uu waraaqad kasoo daba saarayo Ra’iisul Wasaaaraha.

Waxa uu soo jeediyay in xuquuqda dalka uu leeyahay si wada-jir ah loo raadiyo, islamarkaana laga horyimaado rabitaanada guracan ee madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

“Madaxweynaha meel uu ka galo (kiiska Ikraan) majirto, wuxuu warkiisa uu ku soo dhamaaday in uu ogoleyn cadaalad, doorasho iyo dowladnimo.”

Rag ganacsatada Muqdisho lacag uga qaadan jiray inay Al-Shabaab ka tirsan yihiin oo xukun adag lagu riday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa maanta ay xukun ku riday rag ganacsatada uga qaadi jiray lacag farabadan inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow ayaa loo haystaa in ay dadka baad kaga qaadi jireen magaca Al-Shabaab iyo Afduubka dhowr qof oo ay madax furasho ka qaateen.

Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow ayaa isticmaali jiray SIMCARD SOMNET oo ay ganacsatada Soomaaliyeed ku waydiisanayeen bixinta lacagaha ay Al-Shabaab ka qaadaan shacabka Soomaaliyeed.

Intii ay wadeen Howshan waxa ay sameeyeen dhowr Afduub oo ay u gaysteen Hablo Soomaaliyeed, iyaga oo ka qaatay lacag u dhexeyso kun ilaa laba kun oo dollarka Maraykanka ah.

Sidoo kale eedeysanayaasha waxay sheegteen in ay ku qaadi jireen lacagaha magaca Al-Shabaab oo ay dhowr jeer ugu suura gashay helidda lacagtaas, waxa ay  dadka ku kalifi jireen in ay ku ballamiyaan Masaajidda iyo Xaafado ku yaal Cirifyada Muqdisho iyo suuqa wayn ee Bakaaraha.

Mid kamid ah dhibanayaasha Goobjoogga u ahaa Maxakamadaynta labada eedeysana ayaa u sheegtay Garsoorka in ay kaga shakisay labadaba gor-gortanka lacagta sidaasna ay  ku war gelisay Ciidamada Amniga gaar ahaan Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo  soo qabtay Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow, dabayaaqadii bishii May ee sanadkan.

July dabayaaqadeedii ayaa lagu soo wareejiyay eedeysanayaasha Maxkamadda, waxaanna xilligaasi Xafiiska Xeer Ilaalinta oo awood u leh dhaqaajinta dacwadda ay ka codsadeen Maxkamadda in eedeysanayaasha Xabsiga Dhexe lagu hayo garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa baaritaan dheer kadib Codsaday in la muddeeyo dhageysiga Dacwadda Dabayaaqadii August Sanadkan, waxa ayna Maxkamadda aqbashay fadhigii koowaad isla xilligaasi.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ka codsaday in loo ciqaabo dambigii ay galeen Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow oo iyaga Muqdisho ka abuuray weji cusub oo u baahan in ladabar jaro.

Xeer Ilaaliye Maxamed Cabdullaahi Khaliif  ayaa u sheegay Garsoorka in eedeysanayaasha ay xittaa ku handadi jireen dadka ay Afduubtaan ee lacagaha ay ka qaadaan in gaariga ay ku xiran-yihiin walxaha Qarxa oo hadii ay dhaq-dhaqaaq sameeyeen ay ka dhallan karto in ay wada qarxaan taasi oo u fududaysa eedeysanayaasha in Gabdhaha  ganacsatada  ah ay ka saaraan Magaalada.

Qareenada u dooday eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda iyagana ka codsaday in laga qaado magdhow eedeysanayaasha oo ay sheegeen dambiga ay galeen kaliya in uu ku koobnaa Turufo.

Dhowr fadhi kadib, Maanta ayey Maxkamadda go’aan ka soo saartay Kiiska Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Min 15-sano oo Xabsi Ciidan ah sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute .

Xukunsanayaasha ayaa haysta fursad ay ku dalban karaa Rafcaan 30-cisho gudahood.

Maxay ku xiran tahay guusha Ra’iisul Wasaare ROOBLE?

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, sidoo kalena mar soo noqday madaxweynihii Puntland Cabdiweli Maxaxmed Cali (Gaas) oo wareysi siiyey BBC-da ayaa markale ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiisadda u dhexeysa madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha dalka.

Gaas ayaa nasiib darro ku tilmaamay go’aannada is diidan ee ka soo kala baxay labada dhinac, wuxuuna tilmaamay in labaduba ay iskala baxeen xeendaabka dowladnimada.

Sidoo kale wuxuu kuu taliyey in kiiska Ikraan Tahliil Faarax ee sida weyn la’isugu hayo loo daayo hay’adaha ku shaqada leh, gaar ahaan kuwa Cadaaladda.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in guusha Rooble ay kaliya ku jirto inuu dalka ka qabto doorasho xor iyo xalaal ah.

“Guushiisu iyo guul darradiisa waxay ku xiran tahay doorasho sax ah oo lagu kalsoon-yahay oo dadka Soomaaliyeed ay u wada riyaaqaan oo cadaalad ah in uu sameeyo. Guushiisa kuma xirna ka gun gaaridda kiiska Ikraan Tahliil,” ra’iisul wasaarihii hore ee dalka.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Waxaan oran lahaa gabadhan kiiskeeda haloo daayo hay’adaha cadaaladda madaxweynahana faraha ha kula baxo ra’iisul wasaaruhuna ha u jeesto qabashada doorashada,”.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan khilaafka u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble uu gaaray meeshii ugu sarreysay, wuxuuna saameeyey doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Daawo: Hooyo QAALI oo shaacisay laba xildhibaan oo qeyb ka ah kiiska IKRAAN

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad oo dhashay Ikraan Tahliil Faarax ayaa shaacisay magacyada labo xildhibaan oo ay sheegtay inay caqabad ku yihiin baaritaanka kiiska gabadheeda.

Labada Xildhibaan oo lagu kala magacaabo Cabdiraxmaan Xirsi Kulmiye (Cabdiraxmaan Dheere) iyo Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire ayey si adag ugu digtay hooyada Ikraan oo xiligan dadaal dheer ugu jirta sidii ay gabadheeda u heli laheyd cadaalad.

Sidoo kale waxay sheegtay in labada Nin ay qaraabo dhow yihiin mid kamid ah Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, halka ka kalena ay is-xigaan Fahad Yaasiin, Taliyihii hore ee NISA.

“Labadaas nin hadii aysan ka hor wareegin kiiska gabadheyda waxay mudan yihiin ayaa la marsiinayaa Ilaahey idankiis, umadda Soomaaliyeedey arka oo marqaati ka ahaada in dadkaas ay caqabad nagu yihiin, oo xaq darro ay nagu hayaan,” ayey tiri Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad.

Hooyo Qaali ayaa sidoo kale waxay sheegtay inay kalsooni badan ku qabto Ra’iisul Wasaare Rooble, islamarkaana ay kiiskaas cadaaladiisa ka sugayaan, xilli uu dhawaan bilaabay dar-dar gelinta kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Arrintan ayaa imaneysa xilli uu madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday isku dayayo in uu hoos u dhigo miisaanka kiiska Ikraan oo sida la rumeysan yahay lugaha la galay mas’uuliyiin sare, uuna rabo in si dhaqan ah lagu xaliyo, qoyskeedana la siiyo diyo.

Hoos ka daawo Hooyo Qaali

Hay’adda ICG oo warbixin XASAASI ah kasoo saartay khilaafka Farmaajo & Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin ka soo baxday hay’adda International Crisi Group ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka culus ee u dhexeeyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday iyo ra’iisul wasaaraha dalka.

Hay’adda International Crisi Group ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan-yanay in la qaado tallaabooyin deg-deg ah oo xal loogu raadinayo xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya, si aysan markale dib ugu dhigin waqtiga loo qorsheeyey inay dhacaan doorashooyinka dalka.

Warbixintan ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay inuu wel-wel xoogleh ka dhashay tallaabooyinkii uu qaaday Farmaajo, waxayna intaasi ku dartay hay’addu inuu Mursal ka codsan karo in cod uu geliyo mooshin xilka looga qaadayo ra’iisul wasaare Rooble

““Dadka qaar ayaa ka welwelsan in madaxweynuhu ka codsado saaxiibkiisa, Guddoomiyaha Aqalka Hoose, Maxamed Mursal Cabdirhaman, inuu ku baaqo in cod loo qaado mooshinka xil ka qaadista Rooble” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka hay’adda International Crisi Group

Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in tallaabo kasta oo xilka looga qaadayo Rooble ay keeni karto muran siyaasadeed oo horleh, maadaama uu mas’uul ka yahay doorashada.

“Tallaabo kasta oo xilka looga qaadayo Rooble waxay noqon doontaa mid aad loogu murmo, marka la eego doorkiisa dhexe ee diyaarinta doorashooyinka,” ayaa lagu yiri.

Warbixinta ayaa intaasi kusii dareysa “Dadka qaar ayaa ku doodaya in tallaabada noocan oo kale ah ay sidoo kale noqon doonto mid sharci ahaan shaki ku jiro marka la eego in muddadii baarlamaanku ay dhammaatay December 2020. Intaa waxaa dheer, wakiilada cusub ee aqalka hoose weli lama dooran, xitaa iyadoo qaar ka mid ah mudanayaasha cusub ee la soo xulay ay kuraastooda qaateen.”

Hay’adda International Crisi Group ayaa qoraalkeeda ku soo hadal qaaday amarkii ka soo baxay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee la xiriiray maamulka maaliyadda ee dalka, waxayna tilmaamtay inuu sii hurin karo xiisadda siyaasadeed ee haatan ka jirta Muqdisho.

“Rooble ayaa caddeeyay inuu gacanta ku hayo maaliyadda dowladda, isagoo caddeeyay inaan wax lacag ah lagala bixi karin bangiga dhexe ee Soomaaliya isaga oo aan oggolaansho ka haysan – tallaabadaas oo qasab ku ah inay ka careysiiso dhinaca Farmaajo.”

Ugu dambeyn hay’adda ayaa soo jeedisay in xayiraad lagu soo rogo madaxda mas’uulka ka ah khilaafkan, si cadaadis xoogan loo saaro.

Si kastaba, xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana khilaafka Farmaajo iyo Rooble uu saameyn ku yeeshay geeddi socodka doorashooyinka dalka.

Guusha Xaaji Muuse oo si aan caadi aheyn looga falceliyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa si aan caadi aheyn uga falceliyey guushii uu xalay gaaray Xaaji Muuse Suudi Yalaxow ee dib loogu doortay Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Guusha Muuse Suudi ayaan loo arag kaliya guul Aqalka Sanete-ka ah, balse waxaa loo arkay guul ay inta diidan muddo kororsigii fashilmay ee Farmaajo ay ka gaareen Villa Somalia oo dadaal iyo lacag ku bixisay sidii looga adkaan lahaa Xaaji Muuse.

Muuse Suudi ayaa hormuud u ahaa dagaalkii ka dhanka ahaa muddo kororsiga, isaga oo hoggaamiye ruuxi u ahaa ciidamadii badbaado qaran ee fashiliyey muddo kororsiga kadib markii ay Muqdisho soo galeen..

Haddaba waa kuwan siyaasiyiintii ka falceliyey guusha Muuse iyo wixii ay ka yiraahdeen.

Xasan Sheekh Maxamuud: Hambalyo Senator Muuse Suudi Yalaxoow. Waxaan kuu rajeynayaa inaad ku guuleysato mas’uuliyadda ay shacabkaagu kuu idmadeen. Waxaan bogaadinayaa dhammaan shacabka & mas’uuliyiinta dowlad goboleedka Hirshabeelle. Waxaad qaadateen kaalinta idinkaga aaddan qabsoomidda doorashooyinka dalka.

Axmed Macallin Fiqi: Xaajiga iyo ushiisii oo dib loogu doortay kursiga 1aad ee aqalka sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya. Mahadsnaidiin xildhibaanada Hirshabeelle waxaad gudateen waajibkiina qaran, waxaadna dhowrteen magaca Hirshabeelle. Hambalyo Xaaji Muuse, afar sano oo kale oo xaqqa iyo cadaaladda aad garab istaagi doonto ayaa kuu bilaabatay.

Mahad Salaad: Hambalyo Al-Xaaji Muuse Suudi Yaxalow. Duqii Badbaado Qaran reer Hirshabelle si sharaf leh ayay ugu abaal gudeen. Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Barlamaanka Hirshabelle waa mahadsanyihiin.

Daahir Maxamuud Geelle: Waxaan hambalyo iyo duco u dirayaa walaalkeey Sen. Xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo loo doortay xildhibaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Waxaan sidoo kale bogaadinayaa Dowlad Gobaleedka Hirshabelle oo noqday dowlad gobaleedki ugu horreeyay ee hirgaliya doorasho daahfuran oo si xor ah loogu tartamo. 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Waxaan u hambalyeynayaa Senator Muse Suudi Yalaxow oo mar kale dib loogu doortay Aqalka Sare ee Baarlamaanka. Waxaan u rajaynayaa in Ilaaheey la garab galo xilka. Waxaan kaloo ammaan mudan madaxweynaha dawlad Goboleedka Hir-shabeele, Cali Guudlaawe Xuseen oo suura geliyey doorasho tartankeedu furan yahay.

Cabdikariim Guuleed: Hambalyo senator Xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo mar kale dib loogu soo doortay xilkaas. Waxayna aheyd doorasho si sax ah loogu tartamay. Waxaan maamulka Hirshabeele iyo madaxweyne Cali Guudlaawe ugu bogaadinayaa kuna amaanayaa doorashada daaha furan ee ay qabteen, taas oo fursad siman oo isku mid ah lagu siiyey dhammaan murashaxiintii iyo daneeyayaalkii siyaasadeed oo idil.

Yuusuf Madaale: Waxaan halkan Hambalyo uga diraa senator Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow oo mar labaad dib loogu doortay inuu aqalka sare ku matalo dowlad gobaleedka hirshabeelle, waxaan alle uga baryaa inuu u fududeeyo wajibaadka loo igmaday, sidoo kale musharaxiintii la tartamay iyaggana waxey muujiyeen dimoqdaariyad iyo tartan wanagsan oo cajiib ah.

Xog: Waa maxay qorshaha FARMAAJO uu ka leeyahay magacaabista Yaasiin Fareey?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ka tirsan hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay inuu dhicisoobay qorshe ay Villa Somalia ka laheyd magacaabistii Yaasiin Fareey ee aheyd in uu noqdo agaasimaha KMG ee hay’adda NISA. 

Qorshaha Villa Somalia iyo damaceedii magacaabista Yaasiin Fareey ayaa ahaa sida la sheegay in uu baabi’iyo documents muhiim ahaa oo yiilay xarunta NISA, ururinta warbixinada fududeyn kara helista xogta kiiska Ikraan Tahliil iyo maareeynta hub iyo hanti kale oo taala gudaha xarunta NISA. 

Villa Somalia ayaa dadaal weyn ku bixineysa in la daboolo xaqiiqda kiiska Ikraan Tahliil, waxayna sidoo kale diidan tahay in maxkamadda ciidamada ay baarto kiiskan.

Saraakiil kuwa ammaanka ah ayaa sheegay in aysan suurtoobin damacii Villa Somalia balse ay ilaa hada wado dadaalo badan oo nuucaas ah. 

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in uu Yaasiin Cabdullaahi Fareey u magacaabay Agaasimaha KMG ee hay’adda NISA, waxaana markaas ka sokow sax ahaanshihiisa taagnaa dood kale oo tilmaameysa sababta uu Madaxweynaha u baalmaray nidaamka awood qeybsiga beelaha. 

Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ciidamo gaar ah oo ka tirsan ciidanka Waran ee hay’adda nabad sugidda Soomaaliya ayaa lagu wareejiyay sugida amniga qeybo muhiim ah oo ka tirsan xarunta NISA. 

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in xafiiskii agaasimaha NISA, xafiiska maaliyada, xafiiska diiwaanka iyo xogaha, qeybta hubka iyo VIP-da ee hay’adda NISA la dejiyey ciidankaas, kadib amar kasoo baxay ra’iisul wasaare Rooble.

Yaa lagu tuhmayaa ‘afduubka’ Professor Cabdiwahaab?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Muddo ku dhow toddobaad ayaa waxaa warkiisa la la’yahay Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ah aqoonyahan iyo falanqeeye ka faalooda siyaasadda Geeska Africa.

Waxaa la sheegay in laga afduubtay bartamaha caasimadda Nairobi ee Kenya, welina ma cadda cidda afduubatay,  laakiin waxaa la tuhmayaa in laamaha ammaanka ee dowladda Kenya uu gacanta ugu jiro, sida uu VOA-da u sheegay Axmed Qoloosh Maxamed oo ah xildhibaan laga soo doortay galbeedka Wajeer ee dalka Kenya.

Xildhibaan Axmed ayaa sheegay in meesha laga afduubtay Prof. Cabdiwahaab ay tahay meel ammaankeeda uu aad u adag yahay isla markaasna ay kaliya arrintaan camal ka sameyn karaan ciidamada Dowladda.

“ Markaa fiiriso meesha laga afduubay, saacadda la afduubay  uma maleeneyno nin aysan dowladda ogeyn inuu usoo bareeri karo oo saacadaas halkaas ka wadan karo, xattaa haddii dowladda aysan ku lug laheyn waajib ayaa ka saaran ninkii Cabdiwahaab afduubay inay keenaan, maxaa yeelay meesha laga afduubay waxaa ku xiran kaamirooyinka qarsan ee CCTV “ ayuu yiri Xildhibaan Axmed.

Xildhibaan ayaa sheegay inay la xiriireen laamaha amniga  isla markaasna ay rumeysan yahay in Prof. Cabdiwahaab uu nool yahay oo aysan dowladda Kenya ku dhiiran karin inay disho maadaama uu sheegay ay aragtay sida dadka uga fanceliyeen.

“ Waxaan la xiriirnay madaxweynaha Kenya, waxaana u sheegnay inaan anaga rumeysan yahay in Cabdiwahaab uu dowladda u xiran yahay, haddii Cabdiwahaab dambi lagu hayo maxkamad halasoo taago, haddii kale waa inuu helo xuriyaddiisa” ayuu yiri Xildhibaan Axmed.

Wuxuu sheegay in arrintaan dhawaan la hor geyn doono aqalka Sare ee dalka Kenya, isagoo xusay in Aqalka hoose oo uu isaga kamid yahay uu hadda ku jiro fasax illaa laga gaaro 22 bishaan September.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga Xildhibaan Axmed oo dhameystiran

Xog: KHEYRE oo hal sabab uga aamusan kiiska IKRAAN

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo sidoo kale ka mid ah Murashaxiinta Muacaaradka ayaa ah siyaasiga kaliya ee aan ilaa hadda ka hadlin kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo dilkeeda lagu tuhmayo hay’ada sirdoonka Soomaaliya. 

Su’aalo badan ayaa ka dhashay sababta uu ugu aamusay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre kiiska Ikaan Tahliil oo hadda ah waxa ugu weyn ee dhaxyaala hogaamiyaasha Soomaalida, sidoo kalane ah warka ugu weyn ee maalmahaan ka jira Soomaaliya. 

Dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda ayaa qaba in sababta uu Kheyre uga aamusay kiiska Ikraan ay tahay hal qodob, oo ah qaladaad kiiskan la mid ah oo ka dhacay xukuumadiisa. 

Kheyrre intii uu joogay xafiiska waxaa la dhiibay Qalbi Dhagax, waxaana la weeraray dad shacab ah oo ku sugnaa Baydhaba kadibna la xasuuqay. Waxaa sidoo kale jira weerarkii culimada Ahlu-Sunna, weerarkii Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, weerarkii Cabdiqaybdiid, iyo kuwa kale oo ka dhan ahaa shacab iyo siyaasiyiin. 

Waxyaabaha sidoo kale dalka ka dhacay ee Kheyre ku qasbay in uu ka aamuso waxaa kamid ah carruurta Soomaaliyeed ee loo qaaday dalka Eritrea oo illaa iyo hadda uusan ka hadal, maadaama isaga oo xukunka haya la qaaday. 

Kheyre ayaa waxaa haysta laba darran mid dooro; Haddii uu kiiskan soo hadal qaado, waxaa durba ka hor-imaneysa su’aal ah; ka waran xadgudubyadii aad adiga gaysatay? Markii haddii uu ka hadlo wuu ceeboobaya, haddana uu ka aamusan yahayna wuu ceebeysan yahay, marka meel u roon ma jirto.

Xasan Cali Kheyre oo ah Murashax Madaxweyne ayaa xukuumadii uu hogaaminayay waxay dhax dabaalanaysaa eedeymo iyo fadeexado la xiriiro dambiyo waa weyn oo isugu jiro dil, afduub iyo weeraro uu dhiig ku daatay, sidaas oo ay tahay waxaa damac uga jiro in uu Soomaaliya ka noqdo Madaxweynaha badalaya Farmaajo. 

Yaa ku tartamaya kuraasta ay maanta doorashadooda ka dhaceyso JOWHAR?

0

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa maanta markale ka dhacaya doorashada saddex kursi oo ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee ka imaanaya deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Xildhibaanada HirShabelle ayaa u kala codeynaya musharixiinta saddexdan kursi, waxaana ku jira mid ay si aad ah isugu hayaan Musharax Dr Cismaan Maxamuud Maxamed (Dufle), Musharax Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) iyo Musharax Raage Xasan Xuute.

Sidoo kale kursiga xiga waxaa ku loolamaya Musharax Xasan Iidow Muxumed, Musharax Cabdinuur Ibraahim Nuur iyo Musharax Cismaan Axmed Macow.

Waxaa sidoo kale kan saddexaad ku tartamaya illaa shan musharrax oo iayguna kala ah Musharax Cali Shacbaan Ibraahim, Musharax Caballe Xuseen Cabdi, Musharax Caasho Xuseen Abuukar, Musharax Cabdulahi tawaad iyo Musharax Cabdiqaadir Xanafi.

Doorashada HirShabelle ayaa ah mid xasaasi ah, marka la eego sida ay ku bilaabatay, waxaana au ka duwan tahay doorashooyinkii kale ee ka dhacay dowlad goboleedyada.

Shalay waxaa Jowhar lagu doortay illaa saddex Senatar, waxaana kursiga ugu adag uu noqday midka uu kusoo baxay Muuse Suud Yalaxow oo la tartamay siyaasiyiin caan ah.

Si kastaba, doorashada HirShabelle ee Aqalka Sare ayaa lagu wadaa in lasoo gaba-gabeeyo beri oo Khamiis ah, sida uu shaaciyey guddoonka baarlamaanka ee HirShabelle.

Ciidamo gaaray Masjidka Soomaalida Amsterdam iyo iimaamkii masjidka oo xilkii laga wareejiyay (Daawo)

0

Afaafka hore ee masjidka Quba ee ku yaal magaalada Amsterdam ee waddanka Nederlands ayaa subaxnimadii hore ee saaka waxaa  isugu baxay dad Soomaali ah oo haween u badan, kana careysnaa  iimaamkii masjidka Quba Shiikh Suldaan Gasle oo xalay xubno maamulka kala tirsan ay ku wargeliyeen in saaka 9-ka subaxnimo  ay ugu egtahay howshii imaam-nimada ee uu masjidku  hayay.

Khilaaf  muddo soo jiitamayay ayaa  u dhexeeyay Guddoomiyaha maamulka masjidka Shiikh Suldaan oo dhinac ah & xubnaha kale ee maamulka masaajidka oo isku dhinac ah, iyada oo ay socotay waanwaan ay wadeen 2 guddi oo fadhigoodu kala yahay Amsterdam & Tilburg.

Shiikh Suldaan ayaa Axadii goob fagaare ah kula hadlay jaaliyadaha Soomaalida, isaga oo khilaafka kala dhexeeya xubnaha kale ku sifeeyey inuu salka ku hayo ku takrifal dhaqaalihii masaajidka, uuna isagu hortaagnaa hantida masjidka oo si shaqsi ah loo isticmaalayay,  inkastoo ay taasi beeniyeen xubnaha kale ee la eedeynayo, waxayna  ka dalbadeen Shiikh Suldaan haddii uu hayo wax cadeymo ah oo kaabaya eedeymihiisa in ay soo dhoweynayaan.

Dadka saaka isugu soo baxay bannnaanka masjidka, ayaa mar keliya ka war-helay ciidamo tiro badan oo boolis ah iyo baabuurtoodii oo goobta soo gaaray, waxaana la is weydiinayay cidda booliska u yeertay.

Qaar ka mid ah dadkii goobta isugu soo baxay ayaa wareysi la la yeeshay waxay nasiib darro ku tilmaameen in Shiikha oo dacwada diinta muddo ka shaqeynayay, kaalin weynna ku lahaa dhismaha & habsami u socodka howlaha masaajidka in maanta si aan munaasib ahayn uu masjidka kaga baxo.

Waxaa la arkayay markii boolisku ay goobta soo gaareen  Guuleed Wayrax & Shiikh Ibraahin [Abuu-khadiija]  oo ah xubnaha Shiikha kula qoran maamulka,  oo ay boolisku   waraysanayaan.

Dad badan ayaa si weyn uga carooday in khilaafka u dhexeeya guddiga masjidka gaaro ilaa heer ciidamo boolis ah ay masaajidka yimaadaan.

Shiikh Suldaan ayaa dadkii masaajida bannaankiisa dhoobnaa u soo baxay, isaga oo sheegay in la guddoonsaday inuu isagu shaqada ka tago, ayna ku haraan xubnaha kale.

Dadweynihii goobta ku sugnaa qaar ka mid ahaa ayaa Shiikha u sheegay inuusan bixin, ayna garab taagan yihiin, balse Shiikhha ayaa go’aankiisa ku adkeystay.

Shiikh Suldaan ayaa agabkii uu lahaa kala soo baxay masjidka, isaga oo dadkii bannaanka ku sugayay na u mahad-celiyay.

Maalinimada Axadda ee fooda nagu soo haysa ayaa loo madlaa in la dhageysto natiijada guddi dhexdhexaadin ah oo arrintan muddo ku sii jiray, inkastoo Shiikhu qaadacay guddigaasi markii uu uu ku eedeeyey in xubno ka tirsan guddiga ay isaga si shaqsi ah tahdiid ugu sameeyeen.

Hoos ka daawo dhacdadan

Muungaab oo fal dambiyeed ku tilmaamay tallaabadii uu qaaday Farmaajo (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo soo noqday Duqii hore ee Muqdisho iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, ayaa ku tilmaamay tallaabada Madaxweyne Farmaajo inay tahay fal dambiyeed lagu dhaawacayo habsami u socodka Cadaaladda ee Kiiska Ikraan.

Muunhaab ayaa sheegay inaysan jirin cid faragelin ku sameyn karta Kiiska Ikraan oo yaalla Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.

Muungaab oo dhowaan Jaamacad ku taal dalka Suudaan ka diyaariyay PhD Cilmiga Qaanuunka Dambiyadda ayaa sheegay in aanay jirin meel Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka kasoo geli karo Kiiska Ikraan. Wuxuu ugu baaqay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka inuusan u hoggaansamin guddiga uu magacaabay madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Muungaab soo dhigay bartiisa Facebook

Alle ha u naxariisto Ikraan Tahliil Faarax, waxaan tacsi u dirayaa  Ehelkeeda,  Asxaabteeda iyo dhammaam umadda Soomaaliyeed. Samir iyo Iimaan Allah naga wada siiyo.

Sharci ahaan, marxuumad: Ikraan waxay ahayd  sarkaalad ka tirsan Ciidanka Hay’adda NISA, sidaas daraateed, Qaadista Dacwada kiiskeeda waxay u gaar tahay (Ikhtisaas u leh) Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, sida ku cad Qodobka 2-aad ee XHCCQS.

Xeerilaaliyaha Guud ee CQS  wuxuu u dhigmaa Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka wixii la xiriira Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida, sida ku cad Qodobka 1-aad ee Isla Xeerka HCCQS.

Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa si rasmi ah u furtay Gal dacwadeed ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil 07/09/2021, kadib markuu Qareenka Qoyska Dhibanah ha  ow u gudbiyay Cabasho  lidi ku ah  3 ka mida mas’uuliyiintii  sare ee hay’adda NISA.  Gal-Dacwadeedkiina sidaas ayuu  uga  hor furmay Maxkamaddii gaarka u lahayd kiiska.

Intaas kadib, ma jirto cid faragelin karta kiiska maxkamadda yaalla oo aan isla Maxkamadda CQS ahayn, sidaas daraateed Guddiga uu magacaabay Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo waa Sharci darro waana is hortaag qaawan oo uu ku sameeyay Caddaaladda iyo habsami u socodka Dacwadda.

Tallaabada Farmaajo waa fal dembiyeed maadaama lagu dhaawacayo habsami u socodka Caddaalada ee Kiiska Ikraam Tahliil.

Ma jirto meel uu Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka kasoo geli karo kiiska Ikraan, waana inuu faraha kala baxaa, una hoggaansamin Guddiga Villa Somaliya laga soo magacaabay ee sharci darrada ah, haddii kale wuxuu qeyb ka noqonayaa fal dembiyeedka lagu hor istaagayo cadaaladda.

Xeer ilaalinta iyo Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida waxaa saaran mas’uuliyad Qaran iyo mid akhlaaqi ah, waana inay dhaqaajiyaan kiiska Ikraan Tahliil, iyaga oo kaliya ku dhaqmaya sharciga ee aan eegaynin dano gaara.

Sawirro: Muxuu Mursal kala hadlay safiirka Sweden?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha cusub ee Sweden u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Per Lingarde.

Mursal iyo safiirka dowladda Sweden ayaa ka wada-hadlay dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka billowday ee dalka iyo xaqiijinta qoondada haweenka ee 30%.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka ayaa lagu faah faahiyey kulankan oo uu sidoo kale goobjoog ahaa xoghayaha golaha Cabdikariim Buux.

“Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Sweden usoo magacoowday Soomaaliya #Lingarde ayaa waxa ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha lagu dhameystirayo doorashooyinka Dalka ka biloowday iyo xaqiijinta qoondada Haweenka ee doorashooyinka.” ayaa lagu yiri warka qoraalka ee kasoo baxay xafiiska gudoomiye Mursal.

Sweden ayaa ka mid ah dowladaha saaxibka la’ah Soomaaliya, waxayna si aad ah ula socotaa dhaq-dhaqaaq siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka 2021-ka.

Si kastaba, kulankan ayaa waxa uu ku soo aadaya, xilli xasaasi ah oo ay magaalada Muqdisho ka taagan tahay xiisad xoogan oo ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha ayaana si gaar ah isugu qabtay kiiskan, waxaana xiisadan ay saameysay deganaasha siyaasadda dalka.