25.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Galmudug oo war yaab leh kasoo saartay ‘qabsashada’ Al-Shabab ee magaalooyinka Camaara iyo Bacaadweyne

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta maamulka Galmudg, Axmed Shire Falagle oo la hadlay idaacada Kulmiye ayaa beeniyey in dagaal-yahanada Al-Shabaab ay la wareegen deegaanada Camaara iyo Bacaadweyne, xilli shalay ay kooxdaas qabsatay labada magaalo.

Wasiir Falagle ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay in ciidamada xoogga iyo daraawiishta Galmudug ay isaga baxeen furumihii hore ee koonfurta gobolka Mudug, midaasi oo la rumeysan yahay inay keentay in Al-Shabaab la wareegto deegaanadaas.

“Furimaha iyo deegaanadaas (Camaara iyo Bacaadweyne) anaga ayaa joogna oo goobuhu waa sidoodii, waxba kama jiraan oo ciidamadeena waxay joogaan Camaara dusheeda, Bacaadweyne waa kasii shisheeyaan iyo Shabeellow,” ayuu yiri Wasiir Falagle.

“Ciidamo meel ka baxay majiro, dagaalkana waa ku wada jirnaa ciidamada dowlad goboleedka iyo dowladda federaalka, hadalladaasna waa boron-bogaado.”

Wasiirka ayaa gebi ahaanba diiday inay jiraan deegaano ay ka baxeen ciidamada xoogga iyo daraawiishta Galmudug iyo in deegaano laga qabsaday, xili ay soo baxeen in shalay dagaal-yahanada Shabaab dib u qabsadeen deegaano dhowr ah oo ka mid ah gobolka Mudug, oo ay ka mid yihiin Bacaadweyne iyo Camaara.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Al-Shabaab ay qabsashadan u suurta-gashay kadib markii deegaanadaas ay ka baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Galmudug.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in halkaas ay halkaas ku sugan yihiin maleeshiyo badan oo aad u hubeysan oo kooxdan ka tirsan.

Al-Shabaab ayaa shalay war ay soo saartay ku sheegatay in deeganada ay qabsadeen aysan ku koobneyn oo kaliya Bacaadweyne iyo Camaara, balse ay sidoo kale la wareegeen gacan ku haynta deegaanada Qaycad, Shabeellow, Sabeena, Gowraca, Gaadaay iyo Laas Gacamaye.

Deegaanada Bacaadweyne iyo Camaara ayaa toddobaadyadii tegay waxaa dagaallo dhowr ah ay ku dhexmareen ciidamada qaranka iyo maleeshiyada Al-Shabaab, ayada oo dhowr jeer gacan ku hayntooda ay ku kala wareegtay labada dhinac.

Dagaalkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Camaara Talaadadii, ayey dowladdu sheegtay in Al-Shabaab looga dilay 90 maleeshiyo oo duqeymo lala beegsaday, halka Al-Shabaab ay sheegatay inay ku qabsatay 14 baabuurta

Weeraro lagu dilay 210 qof oo Ethiopia ka dhacay iyo xaaladda oo kasii dareysa

Addis Ababa (Caasimada Online) – Koox hubeysan ayaa toddobaadkii tegay 150 qof ku dilay galbeedka dalka Ethiopia, taasi oo dhalisay weeraro aargudasho oo dhimasho badan, sida uu maanta sheegay Guddiga Xuquuqda Aadanaha Ethiopia ee EHRC.

“Dadka degan halka weerarka uu ka dhacay ayaa guddiga u sheegay in dableyda ay dileen 150 qof,” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray guddiga EHRC.

Weerarkan ayaa 18-kii bishan dhacay kadib markii ciidamada ammaanka Ethiopia ay kasoo baxeen qeybo ka mid ah gobolka Oromia ee galbeedka Ethiopia oo xasillooni darro ay ka jirto, sida uu sheegay guddiga. 

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay guddig EHRC in kooxda weerarka fulisay ay ka tirsan yihiin Ciidamada Xoreynta Oromada ee Oromo Liberation Army (OLA), oo horey loogu eedeeeyey rabshadaha ka socda galbeedka iyo koonfurta Ethiopia. 

Dilalkan ayaa dhaliyey barakac xooggan oo ay sameeyeen dadka deegaanka, gaar ahaan haweenka iyo caruurta, kuwaas oo u cararay deeegaanada deriska la ah.

Guddiga EHRC ayaa sheegay in kadib weerarka uu dhacay weerar aargudasho ah oo isir ku saleysan kaasi oo lagu dilay 60 qof, taasi oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 210.

Kooxda OLA oo la rumeysan yihiin inay yihiin maleeshiyo ka kooban dhowr kun, ayaa ka go’ay Jabhadda Xoreynta Oromada ee Oromo Liberation Front (OLF). 

Dowladda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa ku eedeysay OLA inay fulisay dhowr xasuuq oo dhowaanahan lagu beegsaday qowmiyadda Amxaarada, oo ah tan labaad ee ugu badan dalka, inkasta oo OLA ay beenisay eedeymahaas.

Weerar lagu dilay dad badan oo ka dhacay gobolka Hiiraan

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaad hubeysan ay weerar ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi, iyaga oo beegsaday dad beeraley ah oo ku sugnaa duleedka Beledweyne.

Maleeshiyaadka ka dambeeyey weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay goobta ka baxsadeen, kadib dhacdadaasi, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan oo ka dhacay deegaanka Banka ku dhintay ugu yaraan 5 qof, halka ay ku dhaawacmeen labo kale, kuwaas oo dhammaantood ah dad shacab ah.

Sidoo kale dadka dhaawacyada ah ayaa waxaa loo soo qaaday dhinaca magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaas, si loogu dabiibo xaaladooda caafimaad.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in weerarkan salka ku hayo dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo weli ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ee HirShabelle.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi, balse waxaa haatan socda howl-gallo lagu baadi goobayo maleeshiyaadkii ka dambeeyey weerarkaasi, kuwaas oo ay wadaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Inta badan waxaa gobollada dhexe ee dalka kusoo noq-noqda weerarada iyo dilalka salka ku haya aanada Qabiil ee ka dhaca Hiiraan, Galgaduud, Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Ku dhowaad 100 qof oo ku geeriyootay dalka KENYA

0

Gaarisa (Caasimada Online) – Magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ayaa waxaa haatan fara ba’an ku haya cudurka saf-marka ah ee Covid-19, kaas oo markale ka dilaacay dalka Kenya, waxaana sii kordhaya dadka uu soo ridanayo xanuunka & kuwa u dhimanayo.

Saraakiisha caasimaadka ee gobolka jooga ayaa shaaca ka qaaday in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay dhimashadu gaartay ku dhowaad 100 ruux oo u geeriyooay cudurka Covid-19, kuwaas oo ay ku jiraan caruur iyo dad da’ ah, sida ay shaaciyeen saraakiisha caafimaadku.

Sidoo kale bukaano uu haleelay cudurka ayaa la dhigay goobaha caafimaadka ee magaalada Gaarisa, kuwaas oo haatan wajahayo xaalado adag.

Wasiirka caafimaadka ee is-maamulka wuxuu sheegay in aanay jirin feejignaan dheeri ah iyo dadaal ay dowladda Kenya ku bixineyso ka hortagga cudurka Coronavirus, taas oo uga sii dareyso xaaladda jirta, isla-markaana kor usii qaadi karto saameynta cudurka Covid-19.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in shalay oo kaliya la baaray illaa 16,938-ruux, isla-markaana xanuunka laga helay 1846 qof, kuwaas oo la dhigay goobaha caafimaadka.

Maamulka Gaarisa ayaa dhinaca kale baaq deg-deg ah u diray xukuumadda Nairobi, iyaga oo ka dalbaday inay u soo gurmato, maadaama Gaarisa ay noqotay meesha ugu daran ee cudurka, loona baahan-yahay in la qaado tallaabooyin lagu badbaadinayo shacabka.

Si kastaba Kenya ayaa wajaheysa xaalad adag oo dhanka caafimaadka ah, maadaama nuuca cusub oo Covid-19 ah laga diiwaan-geliyay magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi.

Xogta ninkii Soomaaliga ee Arbacadii weerarka ka fuliyey Darussalam oo la shaaciyey

Darussalam (Caasimada Online) – Xog cusub ayaa laga helayaa nin la sheegay inuu yahay Soomaali oo Arbacadii weerar dhimasho leh ka fuliyey agagaarka safaaradda Faransiiska uu ku leeyahay magaalada Darussalam ee dalka Tanzania.

Weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay saddex sarkaal oo boolis ah iyo askari ilaalo gaar ahaa, kahor inta aanay ciidamada ammaanka toogasho ku dilin ninka weerarka soo qaaday.

Ilo-wareedyo amni ayaa maanta bixiyey xog ku saabsan ninka weerarka soo qaaday, waxaana magaciisa ay ku sheegeen Xamza Xasan Maxamed, oo ahaa 29 jir dhashay November 17, 1991-kii.

Xamza ayaa la sheegay inuu la dhashay sarkaal horey uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo bartamaha Soomaaliya lagu dilay dhowr sano kahor. 

“Booliska ayaa muddo ninka isha ku hayey ayaga oo tuhun weyn ka qaba, waxaana suurta-gal ah in carada uu ka qaaday korjoogteynta lagu hayey uu weerarka u fuliyey,” ayuu yiri il-wareed amni.

Xogta ayaa intaas ku dareysa in Xamza uu mar tegay Soomaaliya, intii uu walaalkiisa ka dagaalamayey halkaas, kahor inta aan lagu dilin magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Warar kale ayaa sheegaya in laba wiil oo la dhalatay Xamza iyo hooyadiis ay mar ciidamada ammaanka Tanzania ku xireen magaalo ku taalla xuduudda Tanzania iyo Zambia, oo ay ku noolaayeen.

Dambi-baaraha guud ee Tanzania Simon Sirro ayaa horey u sheegay in weerarka ay suurta-gal tahay inuu xiriir la leeyahay dagaalka jihaadka ah ee ka socda dalka deriska la ah Tanzania ee Mozambique, halkaasi oo dalal badan oo African ah ay ku biirayaan isku dayga looga adkaanayo kooxda dalkaas ka dhisan ee la baxday Al-Shabaab.

Iska hor-imaadka ayaa ka dhacay meel aan ka fogeyn goobtii ay ka dhaceen qaraxyadii bishii August 1998-kii lagu weeraray safaaradda Mareykanka ee Darussalam.

Xuseen Macallin: Amniga Muqdisho waxaa lagu gaaraa New York iyo Addis Ababa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xuseen Macalin Maxamuud oo hadda ah madaxa Hay’adda Cilmi baarista ee Hiraal ayaa walaac badan ka muujiyey in amniga Soomaaliya uu kasii dari karo, haddii ay baxaan ciidamada Midowga Afrika ee ku howl-gala magaca AMISOM.

Xuseen Macalin ayaa ku doodaya in ciidamada Soomaaliyeed aysan wax badan ka tarin dagaalka Al-Shabaab, islamarkaana ilaa hadda ay ku sugan yihiin keliya inta ay qabteen ciidamada AMISOM.

“Magaaladaan (Muqdisho) amniga ay ku joogto ee asalka ah waa amni go’aanadeeda laga soo gaaray New York iyo Addis Ababa, oo na lagu keenay nimankaan loo yaqaano AMISOM, dabcan nimankaas waa kuwa la biilo oo go’aanadooda laga keeno meelo kale, laakiin waa cida ugu gacanta weyn oo lagu kala cabsado,” ayuu yiri Xuseen Macalin.

“Tobankii sano ee ugu dambeysay Shabaab inta ay ka qabsadeen waa intii ay qabteen (AMISOM), hal magaalo oo dowladda Soomaaliyeed ay kala wareegtay ma jirto, haddii ay dhacdana waa kuwo ay dib ula wareegtay.”

Sidoo kale waxa uu ku baaqay in wax laga bedelo nidaamka dowladeed iyo ciidamada, si looga maarmo ciidamada shisheeye, islamarkaana howsha badankeeda ay qabsadaan umadda Soomaaliyeed.

Hadalka Xuseen Macalin ayaa imanaya xili uu soo baxayo walaac laga qabo in Soomaaliya ay ka dhacdo wixii dhawaan ka dhacay Afghanistan, kadib marka ay ciidamada shisheeye ka baxaan dalkeena.

Daawo: Mowqifka Culimada ee habraaca doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Culimada Soomaaliyeed ayaa markii u horeysay ka hadlay habraacyada doorashada ee ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka, oo dhaliyey khilaaf siyaasadeed oo hor leh.

Sheekh Soomow oo warbaahinta ka hor aqriyay bayaan kasoo baxay Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay inay culimada ay go’aansadeen inay taageeraan oo ay ayidaan baaqii Salaadiinta Soomaaliyeed ee lagu samatabixinayo dalka, si loo gaaro doorasho xasiloon, kaasi oo looga horyimid habraaca doorashada.

“Waxaa ugu baaqeyna Ra’iisul wasaaraha, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hadda ayagu mas’uul ka ah doorashooyinka inay dhageystaan oo ay qaatan tallada Salaadiinta, oo lagu tixgeliyo waxa ay xaqa u leeyihiin,” ayuu yiri Sheekh Soomow.

“Doorashada dalka waxay weli ku socota 4.5, maadama weli qabiil la dhex dabaalanayo waxaa u baahanahay in dadka kuligiis la qanciyo, waxaan leenahay hala dhageysto oo ha la qaato tallada Salaadiinta, gacana ha lagu siiyo gudashada waajibkooda.”

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay Sheekh Soomow oo ku hadlayey afka Culimada Soomaaliyeed in madaxda ka fogaadaan waxkasta oo musuq-maasuq iyo kala shaki keeni kara, taasi oo keeni in doorashada lagu kalsoonaan.

“Waxaa rabnaa haddaa nahay Culimada Soomaaliyeed in doorashada noqoto mid xalaal ah oo hufan oo lagu kalsoonaan karo, taasina waxa uu waajib ka saaran yahay madaxda dowlad goboleedyada, guddiga iyo ergada soo xuleysa.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ku baaqay in meesha laga saaro lacagaha la siinayo ergada soo xuleysa mudaneyaasha Golaha Shacabka, si ay u xulaan shaqsiyaad gaar ah, taasi oo qeyb ka ah musuq-maasuq, sida uu sheegay.

Booliska Soomaaliya oo rag hubeysan ku qabtay Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) -Ciidamada ammaanka ee Booliska Soomaaliyeed iyo maamulka degmada Yaaqshiid oo iskaashanaya ayaa xalay howl-gal qorsheysan ka sameeyey xaafado ka tirsan degmadaasi, kaas oo lagu xaqiijinayey amniga Yaaqshiid.

Saraakiisha horkaceysay howl-galka ayaa sheegay inay ku baxeen kooxo burcad ah oo cabasho ay kasoo gudbiyeen dadka deegaanka, isla-markaana ay gacanta kusoo dhigeen.

Ragga la soo qbatay oo afar ah, isla-markaana hubeysnaa ayaa lagu raadjoogay maalmihii lasoo dhaafay, kadib cabasho ay kasoo gudbiyeen shacabka ku dhaqan halkaasi.

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Cabdullaahi Cariif oo la hadlay wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday in raggan ay ahaayeen burcad dhac u geysaneysay shacabka, isla-markaana ay u sii gudbin doonaan hay’adaha ku shaqada leh, si maxkamad loo soo taago.

Sidoo kale wuuxuu intaasi ku daray inay sii wadi doonaan howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, si looga hortego amni darrada.

Habeenadii lasoo dhaafay ayey ciidamada ammaanka ee dowladda xoojiyeen howl-gallada ka dhanka ah burcadda, iyaga oo gacanta ku soo dhigay shaqsiyaad ka mid ah kooxaaasi.

Howl-galladan isdaba jooga ah ayaa waxa ay jawaab u yihiin cabashada shacabka ku dhaqan caasimada oo qaati ka taagan ragga burcadda ah ee dhaca ka geysta Muqdisho.

Saameynta biyo-xireenka Webiga NILE ee Ethiopia oo aan noqon sidii la filayey

Addis Ababa (Caasimada Online) – Biyo-xireenka weyn ee Ethiopia ay ka sameysay Nile-ka Bulugga ah ayaan sanadkan wax saameyn ah ku yeelan qulqulka biyaha ee Sudan, waxaa sidaas sheegay sarkaal ka tirsan dowladda Sudan.

Ethiopia ayaa sanado badan ku bixisay wada-hadallo xasaasi ah oo biyo-xireenka oo ay ku kacday $5 bilyan kala gashay Masar iyo Sudan, oo labaduba uu webiga maro, kana cabsi qaba inay yaaradaan biyaha soo gaara.

Hase yeeshee wada-hadallada ayaan ku guuleysan in heshiis lagu gaaro, waxaana weli biyo-xireenka uu xuddun u yahya xiisad ka dhex oogan saddexda dal.

Sudan ayaa sheegtay inay suurta-gal tahay in biyo-xireenka uu saameyn togan ku yeelan karo qulqulka biyaha ee xilli roobaadka, ayna rajeyneysay inay ka faa’iideysato korontada laga dhalinayo, hase yeeshee waxay ashtako ka muujisay akhbaarta la xiriirta holwgalka biyo-xireenka oo aysan ka helin Ethiopia.

“Inkasta oo go’aan hal dhinac ah lagu buuxiyey biyo-xireenka..haddana wax saameyn ah kuma yeelan qulqulka biyaha ee sanadkan, hase yeeshee xogta aynan helin kahor buuxinta biyo-xireenka ayaa Sudan lacag badan ay uga luntay inay kasii taxadarto saameynta ka iman kartay,” waxaa sidaas yiri Wasiirka Waraabka Sudan Yasir Abbas oo qoraal soo dhigay Twitter-ka.

Ethiopia ayaa biyo-xireenka u aragta inuu muhiim u yahay rajooyinkeeda ku aadan soo saarista awood koronto oo badan iyo horumarkeeda, waxayna ay maanta ku hayneyso danaha dalalka kale uu maro marka ay howl-gelienyso.

REUTERS+VOA

Wasiirka waxbarashada Puntland oo ka horyimid talaabadii hanti-dhawrka

0

Garoowe (Caasimada Onlne) – Wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland, Mudane Cabdullaahi Maxamed Xasan oo wariyeyaasha kula hadlay Garoowe ayaa kasoo horjeestay tallaabadii uu qaaday hanti-dhawrka maamulkaasi oo xanibaad ku soo rogay akoonada wasaaradaas, sidoo kalena shaqa joojinta ku sameeyey mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada.

Wasiir Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa marka si weyn u dhaliilay hannaanka uu hanti-dhawrka dowlad goboleedka Puntland u maray baarista ee wasaaradda waxbarashada maamulkaas, wuxuuna sheegay in uusan u marin waddo sax ah, sida uu hadalka u dhigay

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in si gaar ah loo beegsanayo wasaaraddiisa, isla-markaana lagu shaabadeynayo wax is-daba-marin, iyadoo aan loo heyn wax caddeyn ah.

Wasiirka waxbarashada Puntland ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in tallaabada uu qaaday xafiiska hanti-dhawrka ay keeneyso aaminaad la’aan ay wasaaraddu ka qaadi karaan hay’adaha caalamiga ah ee ka taageero horumarinta arrimaha waxbarashada.

Hadalka wasiir Cabdullaahi Maxamed ayaa sare u sii qaadi kara xiisada kala dhexeysa hanti-dhawrka oo wasaaraddiisa ku eedeeyey inuu ka dhex-jiro musuq-maasuq, waxaana haatan socda baaritaan dheeraad ah oo lagu hayo mas’uuliyiin ka tirsan wasaaraddaasi.

Ma cadda tallaabada xigta ee uu qaado doono hanti-dhawrka oo dabagal ku haya eedaha loo jeediyey mas’uuliyiinta waxbarashada Puntland, waxaase uu u muuqdaa mid sii xoogeysanayo dagaalka u dhexeeyo 2 xafiiis.

Si kastaba tallaabada hanti-dhawrka qaaday ee uu maalmo ka hore ku xanibay dhammaan akoonada wasaaradda waxbarashada ayaa dhaliyey shaki weyn iyo tuhun, mana jirto illaa iyo hadda war rasmi ah oo kasoo baxay Puntland, waxaase weli socda baaritaan dheeri ah.

Somaliland oo xirtay dad ka badan 1100 qof + Sababta

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga u taxaabtay muddo kooban gudaaheed dad ka badan kun iyo boqol qof, kuwaasi oo loo xiray eedeymo la xiriira ka ganacsiga noocyada kala duwan ee Maandooriyaha, sida uu shaaciyey Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa sheegay in xukuumaddu ay kordhisay howl-galada lagaga hor-tagayo Maandooriyaha ku soo qul-qulaya deegaanadooda, kaasi oo faro baas ku haya Somaliland.

“Annaga oo ah Wasaaradda Arrimaha gudaha, Booliska, Wasaaradda Waxbarashada, Caafimaadka iyo Warfaafintu waxaanu iska kaashanaynaa olole ah la dagaalanka mukhaadaraadka, waxaanu hadda haynaa 1100 iyo jar-jar Maxbuus oo lagu qabtay Khamri iyo Xashiishad,” ayuu yiri Wasiir Kaahin.

“Haddaynu Culimo iyo Dawlad iskugu tagin miyey Carruurteenu bedbaadaysaa. Boolisku waxay na tuseen boqolaal kiish oo ay ku jirto Xashiishad. Walaalayaal Dadkaa marka la xidho (Xashiishadda ku eedaysan) Dadka ka daba yimaadda ee nafta noo keenaa waa Waalidiinta iyo Dadka waayeelka ah ee yidhaahda soo daaya, markaa ma Sharciga ayaynu ku qornaa Xashiishadda iyo khamrigu waa Fasax.”

Wasiir Maxamed Kaahin oo ka hadlayey xiritaanka kulan diimeed lagu qabtay Mmagaalada Hargeysa, ayaa ka dalbaday culimada inay qeyb weyn ka qaatan wacyi-gelinta Maandooriyaha oo ay wado xukuumadda Somaliland.

Ugu dambeyntiina waxa uu ku baaqay in meel adag la iska taago Maandooriyaha, kaasi oo uu sheegay in uu hadda ku dhow yahay inuu Guri kasta galo, islamarkaana xaaladdu meel aan wanaagsanayn gaarto.

Somalia oo wajaheysa halis ay kal hore ka badbaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay xaalado halis ah oo la xiriira cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19, kaasi oo wejigiisi saddexaad kusoo labo kacleeyay dalkeena.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixinteed maalinlaha ah ee ku sheegtay in cudurka Covid-19 laga helay dad gaaraya 124 ruux oo kamid ah 2,425 ruux oo 48 saac ee ugu dambeeyay laga baaray cudurka.

Sidoo kale, warbixinta wasaaradda caafimaadka ayaa lagu sheegay in cudurka 48 saac ee u dambeeyay u geeriyoodeen dad gaaray 11 ruux, oo ah inta ilaa hadda ay diiwaan-galisay wasaaraddu.

Dadka laga helay cudurka ayaa waxay 64 kamid ah yihiin Rag, halka 60 kale ay yihiin haween, waxaana ka bogsaday cudurka safmarka dad gaaray 71 ruux.

Kiisaska la xariira cudurka safmarka ah ee Covid-19 ayaa waxaa laga kala helay gobolka Banaadir iyo deegaanada dowlad goboleedyada dalka, kuwaasi oo kala ah;

  • Puntland: 54
  • Banadir: 50
  • Somaliland: 14
  • Galmudug: 5
  • Koonfur Galbeed: 1

Si kastaba, Kiisaska cudurka ee laga diiwaan-geliyay dalka tan iyo markii uu billowday cudurka ayaa maraya 17,016 kiis, halka bogsashada guud ay tahay 8,212, waxaana muddadaas u geeriyooday dad gaaraya 938, oo ah inta la ogyahay ee diiwaan-gelisay wasaaradda caafimaadku.

Akoonada wasaarad ka mid ah Puntland oo la xayiray iyo saraakiil baaris lagu wado

0

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa sare usii kacay kiisaska musuq-maasuqa ee maamulka Puntland, kadib markii uu Hanti-dhowrka guud ee maamulkaas uu amray in la xiro akoonada Wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Qoraal kasoo baxay Hanti-dhowrka guud ee Puntland oo si gaar ah ugu socday Mas’uuliyiinta Bangiga dhexe iyo Bank-yada gaarka loo leeyahay, ayaa lagu wargeliyay in gebi ahaanba la joojiyo lacag ka saarista akoonadaa, ilaa amar dambe.

“Waxaa si xushmad leh loogu wargelinayaa dhamaan Maamulayaasha Bankiyada iyo Agaasinka guud ee Bankiga dhexe ee dowladda in la joojiyay lacag ka saarista Akoonada Wasaaradda Waxbarashada Puntland laga bilaabo,” ayaa lagu yiri qoraal uu shalay Hanti-dhowrka u diray mas’uuliyiinta bank-yada, oo nuqul kamid ah ay heshay Caasimada Online.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxa sidoo kale shaqo joojin lagu sameeyay agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland, Maxamed Cali Faarax (Farmayeeri), Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyada Wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland.

Hantidhawrka guud ee Puntland ayaa weli baaris ku wada Saraakiisha iyo kuwa kale oo ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland, oo loo heysto eedo la xiriira musuq maasuq iyo ku tagri-falka hanti dadweyne.

Askar Mareykan ah oo lagu laayey qaraxyada Kabul iyo wararkii ugu dambeeyey

Kabul (Caasimada Online) – Ugu yaraan 13 askari oo ka tirsan ciidamada Marines-ka Mareykanka ayaa ku dhintay labada qarax ee lala beegsaday garoonka diyaaradaha magaalada Kabul ee dalka Afghanistan, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha militariga.

Wararka ayaa sheegaya in tiro kale oo Mareykan ah lagu dhaawacay weerarka oo isgu jiray laba qarax iyo weerar toos ah oo uu fuliyey qof hubeysan.

Mid ka mid ah qaraxyada ayaa waxaa fuliyey qof is-miidaamiyey oo soo xirtay jaakad walxaha qarxa lagu soo xiray, halka qaraxa labaad uu ahaa mid baabuur. Waxaa sidoo kale jiray rag hubeysan oo rasaas furayey.

Sidoo kale 60 qof oo shacab Afghanistan ah ayaa ku dhintay, 200 oo kalena waa ku dhaawacmeen qaraxyada, oo ay fuliyeen dad is-miidaamiyey, sida uu sheegay mas’uul ka tirsan ururka Taalibaan. Dadka dhintay waxaa ku jira caruur.

Mas’uulka ka tirsan Taalibaan ayaa sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah ilaalada Taalibaan lagu dhaawacay weerarka. Qaar ka mid ah ciidamada ajnabiga ah ee garoonka jooga ayaa sidoo kale la sheegayaa inay ku dhaawacmeen.

Banaanka garoonka diyaaradaha Kabul ayaa waxaa ku sugan kumanaan qof oo doonaya in galaan garoonka, si halkaas looga qaado oo loo geeyo dalalka Reer Galbeedka, ayaga oo ka cararaya kooxda Taalibaan.

Weerarka ayaa waxaa loo badinayaa inay fulisay kooxda Daacish ee dalka Afghanistan oo dagaal uu kala dhaxeeyo Taalibaan.

Saraakiisha Mareykanka iyo NATO ayaa dhowr saacadood un kahor sheegay inay heleen akhbaaraad sirdoon oo sheegaya in qarax is-miidaan ah la doonayey in lala beegsado garoonka.

Khasaaraha qaraxyada ayaa la filayaa inay sii kordhaan.

Shabaab oo dib u qabsaday Camaara iyo Bacaadweyne iyo wararkii ugu dambeeyey

Camaara (Caasimada Online) – Dagaal-yahanada kooxda Al-Shabaab ayaa maanta dib u qabsaday deegaano dhowr ah oo ka mid ah gobolka Mudug, oo ay ka mid yihiin Bacaadweyne iyo Camaara.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Al-Shabaab ay qabsashadan u suurta-gashay kadib markii deegaanadaas ay ka baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Galmudug.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in halkaas ay hadda ku sugan yihiin maleeshiyo badan oo aad u hubeysan oo kooxdan ka tirsan. 

Al-Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegatay in deeganada ay qabsadeen aysan ku koobneyn oo kaliya Bacaadweyne iyo Camaara, balse ay sidoo kale la wareegeen gacan ku haynta deegaanada Qaycad, Shabeellow, Sabeena, Gowraca, Gaadaay iyo Laas Gacamaye. 

Deegaanada Bacaadweyne iyo Camaara ayaa toddobaadyadii tegay waxaa dagaallo dhowr ah ay ku dhexmareen ciidamada qaranka iyo maleeshiyada Al-Shabaab, ayada oo dhowr jeer gacan ku hayntooda ay ku kala wareegtay labada dhinac.

Dagaalkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Camaara Talaadadii, ayey dowladdu sheegtay in Al-Shabaab looga dilay 90 maleeshiyo oo duqeymo lala beegsaday, halka Al-Shabaab ay sheegatay inay ku qabsatay 14 baabuurta dagaalka ah, dhowr askarina ku dishay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay ciidamada dowladda iyo maamulka Galmudug oo la xiriira qabsashada Al-Shabaab ee Bacaadweyne iyo Camaara.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay dilkii Nuur Cumar ee Muqdisho ay ka fulisay

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dil xalay Muqdisho loogu geystay Nuur Cumar Shanlow, oo ahaa qof shacab ah balse ay kooxdu sheegtay inuu ka tirsanaa dowladda Soomaaliya.

Dilka Nuur Cumar ayaa ka dhacay xaafadda Xoosh ee degmada Dharkenley, waxaana gaystay koox hubeysan oo goobta ka baxsatay kadib markii ay fuliyeen.

Qoraal kasoo baxay Al-Shabaab, oo lagu sheegtay dilkan, ayey sidoo kale kooxda ku sheegtay in Nuur Cumar uu ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka, gaar ahaan sirdoonka.

Ma jirto cid xaqiijin karta inuu Nuur ahaa sirdoon, waxaana dadka xaafadda ay sheegeen inuu ahaa qof shacab ah. Xarakada Al-Shabaab ayaa inta badan shacabka ay dilalka qorsheysan ku fuliso ee Muqdisho ku sheegta inay yihiin sirdoon.

Sidoo kale, saraakiisha amniga Soomaaliya weli kama aysan hadlin dilka marxuum Nuur Cumar Shanlow. 

Dilkan ayaa imanaya ayada oo bilihii dhowaa ay aad u yaraadeen dilalka qorsheysan ee Muqdisho, kadib markii ciidamada amniga ay sare u qaadeen howlgalladooda, sidoo kalena meelo badan oo magaalada ka mid ah laga howlgeliyey ciidan dhar cad ah oo ugaarsada Shabaabka.

Waxaa horey u dhacday in xubno Al-Shabaab ah oo dil ka gaystay magaalada, isla goobta lagu toogto ama lagu qabto, taasi oo sare u qaaday cabsida Shabaabka, kadibna hoos u dhigtay dilalkii ay ka fulin jireen magaalada.

Wararkii ugu dambeeyey ee ciidamada Soomaalida oo degaano ka qabsaday Cafarta

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labaad oo xiriir ah galay dagaalka u dhaxeeyo Soomaalida iyo Canfarta oo ka socdo deegaano ku yaal Galbeedka Gobolka City.

Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo dagaalka ayaa sheegayo in kuwa Soomaalida ay guul weyn ka gaareyn dagaalka isla markaasna ay isku fidiyeen deegaano hor leh.

Deegaanada ay ciidamada Soomaalida isku fidiyeen ayaa kala ah Roto, Tarayna, ilaa Birta-dheer, kuwaas oo waxyar u jira magaalada Cadayti oo ay ku xoogan yihiin  kuwa Canfarta, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro xoog leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey dagaalka ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 15 qof halka uu dhaawaca kor u dhaafayo illaa 40 sida ay xaqiijiyeen saraakiil dhinaca caafimaadka ah.

Laba dhinac ee dagaalka u dhaxeeyo ayaa waxaa soo kala gaaray gurmad xoog leh, waxayna ciidamada dagaalamayo u badan yihiin xoolo dhaqato iyo Beeraley.

Dagaaladaan ka socda meelo kamid ah dowlad degaanka ayaa waxaa ay ka dambeeyeen kadib markii maleeshiyaadka Canfarta ay weerareen Shacab Soomaali ah oo degaanadooda ku sugan.

Dowladda Itoobiya weli kama aysan hadlin dagaalka galay maalintii labaad, waxayna dowladda Federaalka culeyskeeda dhan isugu geysay dagaalka ay kula jirto jabhadda Tigreyga ee TPLF oo kusoo wajahan Magaalada Addis Ababa.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waxaad kaga bogan doontaan wararkeena dambe inshaa Allah.

Xog: Musharaxnimada R/W ROOBLE oo dhab ku dhow

Warbixintan oo muuqaal ah halkan ka daawo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaya tuhunka ku aadan in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu doonayo inuu isku sharxo xilka madaxweynaha Soomaaliya ee doorashada la qorsheeyey 10-ka October.

Rooble ayaa dhowr mar sheegay inuusan aheyn musharax, hase yeeshee tallaabooyin uu qaaday dhowaanahan ayaa sare u qaaday warar maalmihii ugu dambeeyey laga soo xigtay xubno ku dhow.

Waxaa ugu dambeysa habraacii doorashada oo ay isku raaceen isaga iyo madaxda maamul goboleedyada, oo awoodda maamulka doorashada siiyey madax goboleedyada, halka uu Rooble-na gacanta ku dhigay maamulka doorashada xildhibaanada waqooyi iyo kuwa Banaadiriga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale bilihii ugu dambeeyey aad u dhisayey xiriirkiisa arrimaha dibedda, si uu magaciisa sare ugu qaado una eego suurta-galnimada ah inuu taageeri heli karo. Wuxuu boqoday Sacuudiga, UK, Masar iyo Kenya, waxaana la filayaa inuu amr kale ku laabto Sacuudiga, iyo suurta-galnimada ah inuu tago Imaaraadka Carabta.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in hamiga Rooble ee sare usii kacaya ay ugu wacan tahay cadaadis kaga imanaya beeshiisa Habargidir, gaar ahaan Sacad, iyo xubno ka tirsan beesha caalamka.

Marka la eego sida looga niyad jabay hoggaaminta Farmaajo, iyo musharaxiinta mucaaradka oo la filayo inay isku jabaan, kalan qeybsadaaan codadka inta diidan Farmaajo, ayaa beesha Rooble waxaa lagu warramaya inay rumeysan tahay inuu yahay fursadda kale ee ay xilkan ku heli karaan, ayada oo musharaxiinta kale ay beesha aysan haysan wax fursad ah oo muuqda.

Sidoo kale, wakiilo ka tirsan beesha caalamka ayaa lagu warramay in sababta ay Rooble ugu cadaadinayaan inuu xilkan raadiyo ay tahay inay ku jebiyaan madaxweyne Farmaajo, oo ay rumeysan yihiin in haddii dib loo doorta ay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay galeyso dagaal sokeeye.

“Wakiilada caalamka waa ogyihiin in Rooble uusan rajo laheyn, hase yeeshee waxay is-sharaxaaddiisa u arkaan inay dhaawac weyn ku tahay Farmaajo,” waxaa sidaas Caasimada Online u sheegay xildhibaan codsaday inaan la magacaabin.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhankiisana la rumeysan yahay in cadaadisyadan ay ku dhaliyeen in haddii uu si wanaagsan uu hago doorashada xildhibaanada, soona celiyo xiriirka dalalkii saaxiibka la ahaa Soomaaliya ee uu gooyey Farmaajo, inay gacan weyn siin karto.

Si kastaba, musharaxnimo kasta oo uu Rooble ku dhowaaqo, haddiiba ay uu sidaas go’aansado, waxay iman doontaa oo kaliya marka lasoo geba-gebeeyo doorashada xildhibaanada ama lagu dhowaado.

Taalibaan oo TURKEY u gudbisay codsi la xiriira garoonka diyaaradaha Kabul

Kabul (Caasimada Online) – Kooxda Taalibaan ayaa weydiisatay Turkiga kaalmo farsamo si ay u maamulaan garoonka diyaaradaha ee Kabul kadib marka ay baxaan ciidamada shisheeye, laakiin Taalibaan ayaa ku adkaysaneysa in milatariga Ankara ay sidoo kale si buuxda uga baxaan Afghanistan dhammaadka bishan August.

Sida laga soo xigtay laba sarkaal oo Turkish ah, codsiga ay shuruuddu ku xirantahay ee Taalibaan oo imanaya kadib markii ay dib ula wareegtay xukunka Afghanistan 20 sano kadib markii uu dhammaaday duulaankii Mareykanka, ayaa Ankara uga dhigan qaadashada go’aan adag oo ku saabsan inay aqbasho shaqadan halist ah, haddii aysan ciidankeedu Afghanistan sii joogi doonin.

Turkey ayaa qeyb ka ahaa hawlgalka NATO ee Afghanistan, walina waxaa garoonka diyaaradaha ee Kabul ku sugan boqolaal askari, balse saraakiisha ayaa sheegaya inay diyaar u yihiin inay wakhti kooban uga baxaan Afghanistan.

Laakiin xukuumadda Madaxweyne Tayyib Erdogan ayaa hore u sheegtay muddo bilo ah inay joogi karto garoonka haddii laga codsado, waxaana Turkigu uu kaalmo farsamo iyo mid amniba ku taageeray garoonka diyaaradaha kadib markii Taalibaan ay gacanta ku dhigtay dalkaas.

“Taalibaan waxay codsatay taageero farsamo si ay u maamulaan garoonka diyaaradaha ee Kabul,” ayuu yiri sarkaal sare oo Turkish ah, isagoo raaciyay “Si kastaba ha ahaatee in Taalibaan ay dalbato in dhammaan ciidamada Turkiga ay baxaan waxay adkayn doontaa hawl kasta oo fulin u baahan”

Ma cadda in Turkigu oggolaan doono inuu bixiyo kaalmo farsamo haddii aysan ciidamadoodu halkaas u joogin si ay u sugaan ammaanka.

Turkiga ayaa ammaanay waxa ay ku tilmaameen hadallada dhex-dhexaadka ah ee Taalibaan tan iyo markii ay qabsadeen Kabul, waxayna sheegeen inay u furan tahay inay la shaqeyso marka dowlad cusub la dhiso.

Afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa Talaadadii sheegay in kooxdu ay xiriir wanaagsan la yeelatay Ankara.

REUTERS + VOA

10 sano kadib, saddex waxyaabood oo uu Turkiga kusoo kordhiyey Soomaaliya

Wax ka qabashada macluusha, dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, taageerada hay’adaha dowladda  iyo gargaarka bini aadanimo ee Turkigu u fudiyay Soomaaliya ayaa laga xusay Muqdisho iyo Ankar 10 sano ka dib markii Turkigu ku soo biiray Soomaaliya.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa u dabaal dagay xiriirkooda soo koraya oo ka billowday booqashadii taariikhiga eheyd ee Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan uu ku yimid Muqdisho oo ay dagaalladu aafeeyeen toban sano ka hor bishaan oo kale.

Si loo xuso taariikhdan, Ankara iyo Muqdisho waxay ku dhawaaqeen in ay sannad walba u dabaaldegi doonaan maalinta “Somali-Turkey” oo ku beegan 19-ka bisha Ogoosto, oo ah maalintii ay diyaaradaha Turkigu, ay soo caga dhigteen Aadan Cade International Airport.

Sannadkii 2011 waxa uu ka mid ahaa sanadihii ugu adkaa ee soomara Soomaaliya .waxaa markaas u buuxsamay Soomaaliya 20 sano oo dagaal sokeeye ah, qabqablayaal qabiil, siyaasiyiin iska soo horjeeda iyo Al Shabaab oo ladagaalamaysa maamulka, haddana abaar aad u ba’an aya ku dhufatay bada iyo biriga. Iskusoo wada duuboo, dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ayaa bixiyay qiimaha ugu dambeeya ee ku tumashada sharciga iyo wax -ka -qabad la’aanta deg -degga ah ee gargaarka bani’aadamnimada.

Xataa heerkii gaajada, sawirrada carruurta gaajaysan kuma qancin jilayaasha reer Galbeedka in ay gacan ka geystaan sidii tallaabo loo qaadi lahaa. Waxay joojiyeen gargaarkii, iyagoo ku andacoonaya in uu gacanta u geli karo Al Shabaab waxayna uga tageen ku dhawaad rubuc-milyan oo qof oo badhkood ay carruur yihiin- in ay dhintaan!

Soomaaliya oo ku dhexjirtay dagaal sokeeye iyo macaluul, ayaa aduunku u arkay meel aan la tegi karin.

Haa waa markii uu Turkigu soo galay. Booqasho taariikhi ah, Erdogan oo ay weheliyaan wasiirradiisa, mas’uuliyiinta gobolka iyo diyaarado gargaar bani’aadamnimo ah ayaa ka soo degay Muqdisho bishii Ogosto 2011, waana hoggaamiyihii ugu horreeyay ee aan Afrikaan ahayn ee sidaas sameeya ku dhawaad ​​labaatan sano.

“Musiibada halkan ka socota waxay tijaabo u tahay ilbaxnimada”, ayuu yiri Erdogan kadib markii uu booqday xeryaha ay qaxootigu buux dhaafiyey iyo isbitaallada burbursan ee Muqdisho.

Booqashadan ayaa dhalisay ololihii bani’aadamnimo ee ugu weynaa ee soo mara taariikhda Turkiga. Laba bilood gudahood, deeqaha dadweynaha iyo dhaqaalaha gobolka oo la isku daray waxay gaareen 300 milyan oo doolar. Ankara ayaa sidoo kale abaabushay kulan deg deg ah oo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) waxayna ku qanciyeen wadamada xubnaha ka ah inay urursadaan 350 milyan oo doolar si loogu sameeyo gargaar bini aadanimo.

In kasta oo boqolaal shaqaale gargaar Turki ah, dhakhaatiir iyo mas’uuliyiin kale ay u imaanayeen Muqdisho si ay u dhisaan isbitaallo, hoy, gargaar caafimaad iyo raashin ah oo ay gaarsiiyaan dadka barokacay, Turkish Airlines waxay noqotay diyaaraddii ugu horreysay oo caalami ah oo duulimaad toos ah ka bilowda Soomaaliya muddo ka badan labaatan sano.

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa sheegay in faragelintaasi ay indhaha caalamka ku soo jeedisay xaaladda Soomaaliya.

“Kaddib faragelintii Turkiga, inta badan ururadii caalamiga ahaa iyo ergooyinkii diblomaasiyadeed ayaa bilaabay inay ka howlgalaan Soomaaliya” ayuu yiri Yilmaz.

Gargaarka bani’aadamnimo ee Turkigu waa uu sii socday xitaa ka dib markii Qaramada Midoobay ay ku dhawaaqday in macluushii dhammaatay 2012. Isla sannadkaas, Soomaaliya waxay ahayd dalka labaad ee ugu badan ee helay gargaarka degdegga ah iyo kan shanaad ee ugu weyn ee guud ahaan gargaarka ka helay Turkiga.

Xulufada Turkiga ayaa ka soo horjeesatay “aragtida adduunka ee ah in dalka Afrika uu yahay goob aan la tegi karin oo lagu garto argagaxiso, rabshado, fowdada iyo faqriga”, ayuu yiri Abdinor Dahir, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo wax ka dhiga Jaamacadda Oxford.

Maaddaama kaalmada Ankara “ay dib uga soo noolaysay Soomaali badan geeri ku dhow”, waxay sidoo kale gacan ka geysatay dib-u-dhiska awoodda dowladnimada wadanka oo  dagaallo halakeeyeen. Baarlamaankii ugu horreeyay ee rasmi ah muddo ka badan 20 sano ayaa la dhaariyay waxayna xildhibaannadu doorteen madaxweyne cusub doorashadii ugu horreysay ee madaxweynenimo ee ka dhacda Soomaaliya tan iyo 1967 -kii.

Gargaarka degdegga ah ilaa hannaanka dawlad-dhisidda.

Markii la baajiyay saameynta abaartii ba’nayd, Ankara waxay ogaatay in gargaarka degdegga ah kaligiis uusan keeni karin horumar iyo xasilooni waarta. Sidaa darteed, Turkigu wuxuu ballaariyey hawlgalkiisa, isaga oo qaaday hawlo ballaaran oo isugu jira mashaariic bani’aadamnimo, gargaar horumarineed iyo dawlad-dhisida Soomaaliya oo waqti dheer burbursaneed.

Dhibaatooyinka soo noqnoqonaya laguma xallin karo gargaar degdeg ah oo keliya, ayuu yiri Mehmet Yilmaz, safiirka Turkiga ee Soomaaliya.

“Dawlad-dhisidda iyo horumar waara ayaa ah xalka muddada fog si looga hortago dhibaatooyinka in ay dib u soo noqdaan. Aasaasidda iyo joogtaynta awoodda dawladda waxaa suurtogal ah oo keliya marka la helo qalab ammaan oo xooggan. Sidaa darteed, waxaan mudnaan siinnay fikradahaas, ”ayuu Yilmaz u sheegay TRT World.

Tan iyo markaas, iyada oo hay’adaha dawladda Turkiga iyo kuwa aan dawliga ahayn ay Soomaaliya ka wadeen qaybinta gargaarka, Turkigu wuxuu beddelay caasimadda isagoo bilaabay mashaariic waaweyn oo kaabayaal ah, oo ay ku jiraan waddooyin caasimadda, dugsiyo, isbitaallo iyo hay’ado dawli ah iyo dhismaha xarunta baarlamaanka.

Iyadoo Soomaaliya ay mudnaanta sare siisay siyaasadda arrimaha dibadda ee Turkiga, Ankara waxay ka dhistay caasimadda Soomaaliya safaaradda ugu weyn ee Turkiga. Shirkadaha Turkiga waxay dib u dhis ku sameeyeen dekedda Muqdisho, gegida dayuuradaha waxayna sugeen qandaraasyo lagu maamulayo laguna dayactirayo labadaba oo ah ilaha dhaqaalaha ee ugu waaweyn dalka.

“Waxa kaliya ee ay Ankara saxday ayaa ah in dib -u -habeynta diblomaasiyadda bani’aadamnimada loo beddelo hawlgal laba geesood leh oo leh saameyn dhinacyo badan leh. Habkani wuxuu tilmaamayaa baahida loo qabo in la dhiso awoodda dawladnimada Soomaaliya si loo bixiyo adeegyada qaybaha caafimaadka, waxbarashada iyo amniga, ”Dr Mohammed Ibrahim Shire, oo bare sare ka ah Portsmouth ayaa u sheegay TRT World.

Aragtida dadweynaha ee gargaarka Turkiga, waxa uu wax weyn ka beddelay muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed oo aan helin adeegyo dowladeed tan iyo burburkii dowladdii 1991 –kii ayuu ku dooday Dr Shire.

Isbeddel lagu sameeyo ciidanka milateriga Soomaaliya.

Intii uu dagaalku socday, Turkigu wuxuu ballanqaaday inuu kor u qaadayo awoodda ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo aan tabar lahayn oo muddo dheerna u halgamay sidii ay ula dagaallami lahaayeen Al Shabab iyaga oo wajahaya diyacaad xooggan oo uu wehliyo musuq maasuq baahsan.

Ankara waxay hadda ku tababaraysaa kumanaan ciidan milateri iyo boolis gaar ah Xerada TurkSom, oo ah saldhigga milatari ee ugu weyn Turkiga ee dibadaha oo laga furay Muqdisho 2017.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya oo lagu magacaabo Gorgor (The Eagles) Commando Brigade ayaa tababarkii ugu horeeyey ku qaatay TurkSom kadibna waxay ka diiwaangashan yihiin barnaamijyada tababarka kumaandooska magaalada Isparta ee koonfur -galbeed Turkiga. Ankara waxa doonaysaa in ay tababarto saddex meelood meel ciidamada qaranka Soomaaliya.

Ciidamada Gorgor ee uu Turkigu tababaray ayaa muujiyay kartidooda wax-ku-oolka ah markii ay qabsadeen magaalo Jannaale sannadkii hore, oo ahaan jirtay saldhiga hawlgallada Al Shabab, sida uu qabo Dr Ibraahim Shire.

“Doorka Turkiga ee dib-u-dhiska hay’adaha amniga ee Soomaaliya kuma koobna oo keliya ujeeddada dhow ee ah in la qaado hawlgallo liddi ku ah Al-shabaab laakiin wuxuu salka ku hayaa baahida loo qabo in Soomaaliya ay gaarto isku-filnaansho xagga amniga si loo yareeyo joogitaanka ciidamada shisheeye ”, ayuu yiri.

Turkigu wuxuu sidoo kale lacag caddaan ah ku taageeraa dhaqaalaha Soomaaliya. Bishii Nofembar ee la soo dhaafay, Turkiga ayaa ku dhawaad 3.4 milyan oo doollar oo deynta Soomaaliya ah ka siiyey Sanduuqa Lacagta Adduunka. Ankara ayaa bishan ku dhawaaqday $ 30 milyan oo si toos ah ugu deeqday Soomaaliya taas oo bil walba la bixin doono 2.5 milyan oo doolar.

Xiriirrada ayaa aad isugu soo dhawaaday sanadihii la soo dhaafay sidaa darteed Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya oo  waxbartay ee Turkiga Cabdulqaadir Muxamed Nuur ayaa ku kaftamay “been ma aha in la yiraahdo Turkigu wuxuu noqday luuqadda labaad ee Soomaaliya”.

Toban sano ka dib, yaa helay maxaa la helay

Booqashadii taariikhiga ahayd ee Erdogan ee Soomaaliya waxay astaan sare u ahayd Turkiga, sidoo kale. Waxay timid xilli Ankara ay isu soo bandhigayso in ay tahay dowlad awood leh oo saamayn ku leh gobolka. Erdogan, intii uu booqashada ku guda jiray, wuxuu ku dhaliilay waddamada reer Galbeedka ina y ku guul -darreysteen wax u qabashada shacabka Soomaaliya wuxuuna hoggaamiyay olole laga sameeyay Turkey oo dhan lagu taageerayo ‘walaalaha muslimiinta’ inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Iyada oo gargaarkii Turkigu si joogto ah u soo gaarayay Soomaaliya isaga oo xambaarsan farriimo midnimo islaami ah, dalka Afrika ayaa sannadihii la soo dhaafay noqday rukunka Turkiga iyaga oo adeegsanaya waxa loogu magac daray “Qaabka Turkiga” oo ah isku dara maamulka dimuqraadiyadda iyo qiyamka Islaamka oo leh qorshayaal horumarineed iyo hiigsi .

Ka -qeybgalka Soomaaliya ayaa sidoo kale saameyn weyn ku yeeshay sumcadda Turkiga ee qaaradda Afrika.

“Soomaaliya waxay noqotay albaabka Turkiga ee Afrikada Saxaraha ka hooseysa, taasoo fursado cusub u abuureysa siyaasadda arrimaha dibadda ee Ankara ee gobolka, waxayna sare u qaadeysaa maqaamkeeda jilaa caalami ah”, ayuu yiri Daahir.

Xagga ganacsiga, dhoofinta Turkiga ee Soomaaliya waxay gaartay in ka badan 200 milyan oo doollar sannadkii hore iyada oo shirkado Turki ah ay dalka geliyeen $ 100 milyan.

kaalmada Turkigu waxay gacan ka geysatay ka hortagga macaluusha ee Soomaaliya, sidoo kale waxay si weyn gacan uga geysatay geeddi-socodkii dawlad dhisidda Soomaaliya colaada ka dib.

Turkiga, si ka duwan jilayaasha reer Galbeedka, kuma xiro shuruudo barnaamijyada horumarineed ee Soomaaliya. Dhinacaas, Daahir wuxuu yiri, oo ay weheliso dabeecadda jireed ee xiriirka deeq-bixiye-yaasha iyo ka mid noqoshada mashaariicda ayaa ka dhigaysa saameynta Turkiga ee Soomaaliya mid wax ku ool ah, saamayn leh oo la isku haleyn karo.

Saamaynta sii kordhaysa ee Turkigu ku leeyahay Soomaaliya waxay qayb ka tahay siyaasadda jilicsan ee Ankara ku wajahayso Bariga Afrika. Turkiga ayaa wanaajiyay xiriirkii uu la lahaa quwadaha gobolka sida Itoobiya iyo Kenya oo labaduba dano ka leh Soomaaliya kana qeyb qaatay dagaalka ka dhanka ah Al Shabab. Xitaa marka ay ugu sarreyso murannada gobolka, Ankara waxay maamushaa cirifyada gobolka. Dhawaan, iyada oo Muqdisho iyo Nairobi ay xiriirka isku jareen muranka badda ee socda awgeed, Kenya waxay 118 baabuur dagaal oo hubaysan oo lagu magacaabo ‘Xizir’ ka dalbatay soo -saaraha Turkiga ee Katmerciler. Itoobiya gudaheeda, Ankara waxay mudnaan siineysaa iskaashiga dhaqaale maadaama ay tahay tan labaad ee ugu weyn ee maalgashade shisheeye ku leh dalka ka dib Shiinaha oo leh ku dhawaad 200 oo shirkadood oo Turki ah.

Caqabadaha Joogtada Ah

Taageerada Turkiga ee dowladda Soomaaliya ayaa ka careysiisay Al Shabab iyadoo kooxdu ay sannado badan weerarro ku qaadaysay injineerada, shaqaalaha, safaaradda Turkiga iyo saldhigga ciidamada. Sidaa darteed, kooxdu waxay weli tahay halista ugu weyn ee hay’adaha Turkiga ee dalka.

“Caqabad kale waxay ahayd nuglaanta dowladnimada Soomaaliya iyo xasillooni -darrada siyaasadeed ee ka dhalatay… laakiin illaa hadda Ankara waxay dhex -dhexaad ka tahay siyaasadda gudaha ee Soomaaliya oo inta badan qasan”, ayuu yiri Daahir.

Si kastaba ha ahaatee, kala fogaanshaha qotada dheer ee siyaasadda Soomaaliya ayaa caqabad ku noqon karta mowqifka dhexdhexaadnimada ee Turkiga. Horraantii sannadkan, markii uu dalku galay qalalaase siyaasadeed oo ku saabsan muddo-kordhinta madaxweynaha, xubnaha mucaaradka ayaa bartilmaameedsaday Ankara, iyagoo ku andacoonaya in ciidammada Turkiga tababaray loo adeegsaday in lagu caburiyo mudaaharaadyada. Wasiirka arrimaha dibedda ee Turkiga oo ka jawaabaya, isagoo xusuusinaya in ciidamadu ay mas’uul ka yihiin dowladda Soomaaliya, ayaa sheegay in Ankara lagu soo rogay khilaaf siyaasadeed oo gudaha ah laakiin ay sii wadi doonto taageeridda daacadnimada Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, caqabadaha gudaha ee Turkiga ayaa laga yaabaa inay caqabad ku noqdaan kororka hamiga ah ee Ankara ee Bariga Afrika kaas oo lagu saleeyay koboc dhaqaale oo cajiib ah. Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in xasilooni darrada ka jirta dalka deriska la ah ee Siiriya, hoos u dhaca dhaqaale ee socda iyo xiisadda lacagta ayaa laga yaabaa inay xaddiddo baaxadda siyaasadda arrimaha dibadda ee Turkiga ee gobolka.

Source: TRT World
Waxaa turjumay: Mowlid Mo’allim Adam