27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Feysal Cali Waraabe oo ka hadlay eedaha loo jeediyey dugsiyada shabakada Abaarso

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe  ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dooda ka taagan dugsiyada Shabakada Abaarso oo lagu eedeeyey inay fidinayaan Diinta karishtaanka.

Feysal ayaa eedeymaha loo jeedinayo dugsiyada Shabakada Abaarso ku tilmaamay inay yihiin duulaan horumarka Somaliland ka dhan ah.

“Waad aragtaa in guushi aan gaarnay ee adduunka oo dhan inoo soo jeedsaday maanta la doonayo in la xaaraameeyo, iftiinkii inoo baxaba waxa la doonayaa in la dumiyo, waxaana la isticmaalayaa qaar inaga ah” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe oo warabaahinta la hadlay.

Guddoomiye Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in marka laga reebo Sacuudiga ay Somaliland tahay meesha kaliya ee aan lagu arki karin gabdho timo qaawan.

“Somaliland waa meesha kaliya ee marka Sucuudiga laga yimaado, aadan arkayn inan timo qaawan, shaleemo, tiyaatar, shiishad, waa dhul asturan, barakaysan hadana iskuulka caruurtaydu dhigato ayaa la leeyahay waa gaalo, aniga la i yiri kaniisad buu furay” ayuu guddoomiyuhu hadalkiisa ku daray.

Qaar kamida dadka baraha bulshada isticmaala ayaa dugisiga Abaarso iyo Jaamacadda hoos tagta ee Barwaaqo ku eedeeyey in macalimiintooda oo ajaanib ah ay ardayda baraan waxyaabo diinta Islaamka ka dhan ah,  taasi oo xukuumada Somaliland, madaxda Shabakadda Abaarso, ardayda iyo waalidiintuba beeniyeen.

Iyada oo muddooyinkii la soo dhaafay ay sii xoogeysanayeen eedeymaha loo jeedinayo shabakadda dugsiyada ee Abaarso Network iyo Jaamacadda Barwaaqo ayaa waxaa arrintaas ka jawaabay shabakaddan oo ka hadashay doodaha ka dhashay arrintaas, isla-markaana la isla dhex-marayey baraha bulshada.

Shabakadda dugsiyada Abaarso ayaa soo hadal qaaday eedeymaha culus ee loo jeediyey macalimad Joy Isa, waxayna shaacisay in muuqaallada la baahiyey ay yihiin kuwa hore, islamarkaana ay aheyd xilli ay ka qeyb-qadaneysay adeegyo diimeed gudaha dalka Nigeria.

Sidoo kale shabakadda ay ku mideysan dugsiyada Abaarso ee ku yaalla Somaliland ayaa xusay in Joy Isa ay heshiis kula shaqayneysay, isla markaana aan loo ogolayn in ay ka hadasho arrimo diimeed, sida lagu sheegay warbixinta.

“Waxaanu dhawaan aragnay muuqaalo baraha bulshada la soo galiyay oo muujinaya Isa oo ka qayb qadanaysa adeegyo diimeed gudaha Nigeria, muuqaaladaasi waa wakhti dheer ka hor intii anaan shaqaalaysiin.. waxaanu kalsooni ku qabnaa in walba Isa in aysan jabinin heshiiskii aan la galnay iyo sharciga noo yaala” ayaa lagu yiri warbixinta.

Sababaha Sacuudigu uga aamusay guusha Taalibaan

Riyadh (Caasimada Online) – Markii ururka Taliban uu la wareegay awoodda dalka Afghanistan, sanadkii 1996, dalalka Sacuudiga, Imaaraadka iyo Pakistan, waxay ahaayen saddexdii dal ee ugu horeyay ee aqoonsaday Taliban.

Ka dib markii dhawaan uu ururka Taliban la wareegay caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul, wuxuu Ra’iisul wasaaraha Pakistan, Imran Khan, sheegay “inay dhamaatay silsiladii adoonsiga”.

Dhanka kale, dalka Imaaraadka Carabta, ayaa magangalyo siiyay madaxweynaha Ashraf Ghani.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay in ay soo dhaweynayaan madaxweyne Ghani iyo qoyskiisa, waliba qaab binu aadanimo.

Diblumaasiyiinta dowladda Sacuudiga ayaa iyaguna si bad qab ah ugu laabtay magaalada Riyaadh ee caasimadda wadankaas.

Sida ay sheegtay Wakaaladda wararka ee dalka Sacuudiga, xukuumadda Riyaadha ayaa qaadatay go’aankaan lagu saleeyay xaaladda aan cagaha badan ku taagneyn ee dalka Afghanistan. Sidaas oo ay tahayna Sacuudiga wuxuu iska indha tiray guud ahaan xaaladda isbedelka ka dhacay Afghanistan.

Toddobaad ka dib, oo xaaladda Afghanistan hadba waji horleh ay la soo baxayso, haddana Isniintii, wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Pakistan, Shah Mehmood Qureshi, wuxuu qadka telefoonka wadahadal kula yeeshay wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga.

Labada wasiir ayaa ka wadahadlay xaaladda dalka Afghanistan, balse sida wararka ay sheegayaan islama aysan soo qaadin arrin la xiriirta Taliban.

Xaaladdan oo kale marka ay taagan tahay waxaa imaanaysa oo kugu soo degdegaysa, muxuu Sacuudiga oo sannadkii 1996, la safnaa Taliban, uu hadda uga gaabsaday?

Labada dal ee Sacuudiga iyo Imaaraadka waa dalal si weyn u muuqda marka laga hadlayo dalalka Suniyiinta ah ee caalamka. Sacuudigu wuxuu xiriir taarkhi ah la leeyahay dalalka Afghanistan iyo Pakistan.

Sacuudigu wuxuu xiriir la lahaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay ururka Taliban balse xiriirkaas habacsanaan ayaa ku yimid markii dalka Qadar ay ka bilowdeen wadahadalladii u dhaxeyay Mareykanka iyo Taliban sanakii 2018-kii.

Si kastaba ha ahaatee, khubarada ayaa rumeysan in daaha gadaashiisa uu Sacuudiga ka ciyaarayay doorkiisa wadahadallada.

Talmiz Axmed, wuxuu ahaa danjirihii dalka Hindiya u fadhiyay Sacuudiga wuxuuna yiri: “Xiriir wanaagsan ayaa ka dhaxeeyay Sacuudiga iyo Taliban, 25-kii sano ee la soo dhaafay, waana kan maanta badbaadiyay”.

Wuxuu sheegay in xiriirka ka dhaxeeya uu ku salaysanyahay Diinta.”Sacuudiga wuxuu mar walba u arkaa Taliban, dhaqdhaqaaq Islaami ah, oo ah arrinta uu ku taageero,” ayuu yiri Talmiz Axmed.

Sacuudiga ayaa tagi jiray Afghanistan, iyaguna way tagi jireen Sacuudiga oo xitaa Cumro ayay u aadi jireen, sida uu aaminsan yahay diblumaasigan.

Aqoonyahan AK Pasha, oo ka tirsan xaruunta daraasaadka galbeedka Asiya ee jaamacadda Jawaharlal Nehru, ayaa ku raacay Talmiz Axmed fikirkiisa aan kor ku soo xusnay ee la xiriira xiriirka Taliban iyo Sacuudiga ka dhaxeeya.

Waraysi ay BBC-du la yeelatay ayuu ku sheegay in marka laga eego dhanka Mareykanka ay aamusanaanta Sacuudiga ee arrinta Taliban ay muhiim tahay.

“Sannadkii 1979-kii, Midowga Soofiyeeti wuxuu galay dalka Afghanistan isaga oo halkaa ku diyaariyay ciidamadii Mujaahidiinta. Dowladaha Sacuudiga iyo Pakistan ayaa xiligaas Mareykanka ku taageeray diyaarimnta Ciidamadaas.

Sacuudi Carabiya waxay ku caawisay Mareykanka lacagtii tababarka. Usaama ayaa qayb ka ahaa ciidankaas oo ahaa dagaalyahanno Sunni ah, oo uu ku jiray bin Laden, oo markii dambe noqday madaxa Al-qaacida.

Markii dambe, ciidankii la tababaray waxay 1996 ilaa 2001 xukumayeen Afghanistan, waxayna adduunka ku faafiyeen fikirka argagixisanimada.

Khubarad waxay sheegayaan in Sacuudiga uusan doonaynin inuu ka hordhaco dhismaha Xukuumadaas. Sidaa darteed sheekada waxay u ekaanaysaa oraah inta badan Soomaalidu ay adeegsato oo ah bal aan sugno dhaankii maqnaa wuxuu soo dheelmo.

Xigsho: BBC iyo Reuters

Khilaafka kuraasta gobolada Waqooyi oo sii xoogeystay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa markale sii xoogeysanaya khilaafka ka taagan kuraasta gobolada Waqooyi ee Somaliland, kadib markii ay siyaasiyiinta kasoo jeeda goboladaas ay ku kala jabeen habraacii doorasho ee kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka.

Xildhibaan Axmed Maxamad Jaamac Cirro, oo kamid ah mudaneyaasha baarlamaanka ee kasoo jeeda Somaliland oo la hadlay BBC-da ayaa eedeyen culus u jeediyay garabka Cabdi Xaashi, kuwaasi oo ku tilmaamay rag dano gaar ah u dagaalamaya oo aan wadin mid umadeed.

Cirro oo asagu taabacsan garabka kale ee Mahdi Guuleed ayaa soo dhaweeyay harbaaca kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka, wuxuuna sheegay inay qeyb ka yihiin tanaasulaadka doorashada, si loo gaaro doorasho

“Waxaa qalad ah in oo aan u aragnaa inay tahay qalad Cabdi Xaashi, Maareeye, Xuseen Carab iyo Dr Cilmi, iyo inta la socota in wax la weydiiyo, afar qof oo gooni isku taagay oo raba in dan gaar ah abaabushaan oo la maqlo ayaa xaaran ah,” ayuu yiri.

“Intii kale ma afartaas ayaa ka awood weyn, yaa dhisay Cabdi Xaashi iyo Maareeye?. Dad doonaya dan gaar ahna nama matalaan anaga, boobkii hore oo kale lama rabo.”

Khilaafka kuraasta gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa dhowr jeer soo noq-noqday, kaasi oo aan ilaa hadda heshiis rasmi ah laga gaarin, ayada oo maalmihii u dambeeyay uu sii xoogeysanayay kadib markii ay labada dhinac ku sii kala jabeen habraacyadii ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka.

DEG DEG: Qarax labaad oo ka dhacay garoonka Kabul iyo khasaaraha illaa hadda

Kabul (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa laba qarax oo waa weyn oo ka dhacay banaanka garoonka diyaaradaha Kabul ee dalka Afghanistan, halkaasi oo ay weli ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka iyo NATO.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka John Kirby ayaa sheegay in mid ka mid ah qaraxa uu ka dhacay albaabka Abbey Gate. Qaraxa labaad ayaa isna ka dhacay meel 200m u jirta isla albaabkaas.

Ugu yaraan 13 qof ayaa ku geerriyootay, 30 kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyada oo uu fuliyey qof is-miidaamiyey, sida uu sheegay mas’uul ka tirsan ururka Taalibaan. Dadka dhintay waxaa ku jira caruur.

Mas’uulka ka tirsan Taalibaan ayaa sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah ilaalada Taalibaan lagu dhaawacay weerarka. Qaar ka mid ah ciidamada ajnabiga ah ee garoonka jooga ayaa sidoo kale la sheegayaa inay ku dhaawacmeen.

Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in qaar ka mid ah askarta Mareykanka ay dhaawacmeen, inkasta oo uusan shaacin tirada rasmiga ah. 

Afhayeen u hadlay ciidamada Britain ayaa xaqiijiyey in ciidankooda uusan wax dhaawac ah soo gaarin.

Banaanka garoonka ayaa waxaa ku sugan kumanaan qof oo doonaya in galaan garoonka, si halkaas looga qaado oo loo geeyo dalalka Reer Galbeedka, ayaga oo ka cararaya kooxda Taalibaan.

Weerarka ayaa waxaa loo badinayaa inay fulisay kooxda Daacish ee dalka Afghanistan oo dagaal uu kala dhaxeeyo Taalibaan.

Saraakiisha Mareykanka iyo NATO ayaa dhowr saacadood un kahor sheegay inay heleen akhbaaraad sirdoon oo sheegaya in qarax is-miidaan ah la doonayey in lala beegsado garoonka.

Khasaaraha qaraxyada ayaa la filayaa inay sii kordhaan.

DEG DEG: Qarax ka dhacay garoonka diyaaradaha Kabul

Kabul (Caasimada Online) – Militariga Mareykanka ayaa xaqiijiyey in qarax weyn uu ka dhacay banaanka garoonka diyaaradaha Kabul ee dalka Afghanistan, halkaasi oo ay weli ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka iyo NATO.

“Waxaan xaqiijin karnaa in qarax uu ka dhacay banaanka garoonka diyaaradaha. Weli ma cadda khasaraaha. Dib ayaan akhbaaraad dheeri ah kasoo sheegi doonnaa,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Pentagon-ka John Kirby. 

Sarkaal kale oo Mareykan ah ayaa xaqiijiyey in qaraxa uu fuliyey qof is-miidaamiyey.

Saraakiisha Mareykanka iyo NATO ayaa dhowr saacadood un kahor sheegay inay heleen akhbaaraad sirdoon oo sheegaya in qarax is-miidaan ah la doonayey in lala beegsado garoonka.

Beesha caalamka oo war ka soo saartay walaaca cusub ee hareeyey ee doorashada

0

Muqdisho (Caasmada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa looga hadlay shirkii ay Muqdisho ku yeesheen madaxda golaha wadatashiga qaranka, kaas oo laga soo saaray habraac doorasho oo culeys badan wajahaya, kadib markii ay ka hor yimaadeen Midowga Musharaxiinta iyo ururrada bulshada rayidka.

Qoraalka beesha caalamka oo lagu soo dhawaayey shirkii madaxda Soomaalida ayaa lagu shaaciyey in beesha caalamka ay garowsantahay walaaca laga keenay hanaanka doorashada Aqalka Sare, iyadoo Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada loogu baaqay inay arrimahan wax ka qabtaan ‘si loo taageero hanaan doorasho oo daahfuran.’

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka beesha caalamka oo dhameystiran. 

Muqdisho, 25 Agoosto 2021 – Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* ayaa soo dhoweeyay shirka Madasha Wadatashiga Qaran (MWQ) ee 21 iyo 22 Agoosto, waxayna bogaadiyeen wadatashigooda joogtada ah si horey loogu wado hanaanka doorashada.

Waxaan aragnaa in la dhammeystiray doorashada Aqalka Sare ee Puntland iyo Koonfur Galbeed iyo in hanaanka laga billaabay Jubaland iyo Galmudug. Waxaan sidoo kale garowsanahay walaaca laga keenay hanaanka doorashada Aqalka sare, waxaana GWQ ku boorinaynaa inay arrimahan wax ka qabtaan si loo taageero hanaan doorasho oo daahfuran, waqtiyaysan, loo wada dhanyahay oo lagu kalsoonaan karo oo loo qabto Golaha Shacabka.

Iyagoo la xusuusanaya in boqolkiiba 24 ee kuraasta Aqalka Sare ay ilaa iyo hadda haween ku guuleysteen, waxaan ku baaqaynaa in dadaallada la laballaabo si loo gaaro qoondada haweenka ee ugu yaraan boqolkiiba 30 ee kuraasta labada Aqa lee Baarlamaanka ay haweenku helaan.

Waxaan soo dhoweynaynaa dhismaha Guddiga Amniga Doorashada, waxaana ku baaqaynaa in dib loo billaabo kulamada guddiga si loo xaqiijiyo in qabanqaabada amniga laga diyaariyo dhammaan goobaha codbixinta ka hor doorashada Aqalka Hoose iyo in tixgeling la siiyo amniga ergada, musharaxiinta iyo xubnaha guddiga haweenka ah.

Saaxiibadu waxay GWQ iyo saamilleyda kale la wadaagayaan inay rumeysanyihiin in hufnaanta hanaanka doorashadu ay muhim u tahay xasilloonida Soomaaliya, waxaan sidaa darteedy GWQ ku dhiirigelinaynaa inay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka si loo xaqiijiyo in hanaanka doorashada lagu dhammeystiro si lagu kalsoonaan karo, daahfuran oo waqtigii loogu talagalay ku dhacda.

Saaxiibada beesha caalamku waxay ku hanweynyihiin inay sii wadaan wada shaqaynta si loo hirgeliyo hanaan doorasho oo daahfuran oo waqtigiisi ku dhaca.

War-saxaafadeedkaan waxaa wadajir u soo saaray wadamada iyo ururrada kala ah: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Shiinaha, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Iswiidhan, Iswisarland, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Nin Soomaali ah oo weeraray safaaradda Faransiiska ee magaalada Darussalam iyo shan qof oo geeriyooday

Darussalam (Caasimada Online) – Madaxweynaha Tanzania ayaa maanta sheegtay in shan qof, oo ay ku jiraan saddex sarkaal oo boolis ah, lagu dilay dagaal ay la galeen nin hubeysan, meel u dhow safaaradda Faransiiska ee magaalada Darussalam.

Dambi-baaraha guud ee Tanzania Simon Sirro ayaa weriyayaasha u sheegay in ninka weeerarka soo qaaday uu kasoo jeedo Soomaaliya.

Illaa iyo iminka ma cadda haddii weerarka oo ka dhacay aagga sida aadka ah loo ilaaliyo ee xeendaabka diblomaasiyiinta uu ahaa weerar argagixiso.

Si kastaba, dambi-baare Sirrro ayaa sheegay in weerarka ay suurta-gal tahay inuu xiriir la leeyahay dagaalka jihaadka ah ee ka socda dalka deriska la ah Tanzania ee Mozambique, halkaasi oo dalal badan oo African ah ay ku biirayaan isku dayga looga adkaanayo kooxda dalkaas ka dhisan ee la baxday Al-Shabaab.

Iska hor-imaadka maanta ka dhacay dibedda safaaradda Faransiiska ayaa yimid waxyar un kadib markii madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay saraakiisha amniga khudbad ugu jeedisey qeyb kale oo ka mid ah magaalada.

Madaxweynaha ayaa goor dambe sheegtay in saddex sarkaal oo boolis ah, askari iyo ninkii weerarka soo qaaday ay ku dhinteen iska hor-imaadka. 

Muuqaallo lagu baahiyay mareegyada oo aan si dhab ah loo xaqiijin karin ayaa muujinaya albaabada safaaradda Faransiiska ee Darussalam, nin taagan banaanka albaabka, iyadoo la maqlayo dhawaqa rasaasta.

TV-yada Tanzania ayaa baahiyay muuqaallo muujinaya booliiska oo xiran jaakadaha aysan xabbadu karin oo isku duwaya wax u muuqday mayd yaallay banaanka safaaradda, sida ay warisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Safaaradda Mareykanka ayaa soo saartay diginin amni, waxayna muwaadiniinteeda ugu digtay inay ka fogaadaan aagga. Iska hor-imaadka ayaa ka dhacay meel aan ka fogeyn goobtii ay ka dhaceen qaraxyadii bishii August 1998-kii lagu weeraray safaaradda Mareykanka ee Darussalam.

Sawirro: Al-Shabaab oo soo bandhigay gaadiid iyo hub ‘ay ku qabsadeen’ Camaara

0

Camaara (Caasimada Online) – Xafiiska Warfaafinta ee Al-Shabaab ayaa soo bandhigay sawirrada weerarkii ay ku qaadeen saldhigga ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee deegaanka Camaara ee gobolka Mudug halkaas oo ay kooxda Al-Shabaab sheegatay inay ku dishay 35 askari.

Weerarka ay Al-Shabaab ku qaaday Camaara oo ku bilowday qarax xooggan ayaa dhacay aroornimadii hore ee shalay, waxaana kooxda Al-Shabaab u suurta gashay inay gacanta ku dhigaanmagaalada Camaara, inkasta oo saacado kadib dib looga qabsaday.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay dagaalkaas ku qabsatay illaa 18 gaari oo ay ku jiraan gaadiid casri ah oo ay wateen ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha Galmudug Axmad Kaariye Qoorqoor, waxayna sidoo kale sheegtay inay qabsatay hub iyo saanad ciidan.

Sawirada ay soo bandhigeyn ayaa waxaa sidoo kale ku jiro meydad ay sheegeyn inay yihiin ciidamada Dowladda inkastoo aysan jirin illo madax-banaan oo xaqiijiyey.

Balse sawirada ay soo bandhigtay Al-Shabaab ayaa waxaa laga dhex arkayaa illaa 4 gaari kuwaas oo laga qaaday sawiro dhinacyo badan ah si loogu muujiyo inay yihiin gawaari tiro badan.

Ma cadda in Al-Shabaab ay weli haysato baaburtaas iyo in kale, maadaama magaalada dib looga saaray kadib markii jab ballaaran la gaarsiiyey.

Taliska ciidamada militariga Soomaaliya ayaa sheegay in duqeyn ka dhacday Camaara lagu dilay illaa 90 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka.

“Maleeshiyaadka Al-Shabaab waxay isku dayeen inay weeraraan tuulada Camaara waxayna la kulmeen qasaaro aad u badan. Galabta ayaa la qaaday duqeyn xagga cirka ah oo lala beegsaday al-Shabaab oo lagu dilay ugu yaraan 90 argagixiso ah,” ayaa lagu yiri qoraalka twitter-ka.

Halkaan hoose ka daawo sawirada ay soo bandhigtay Al-Shabaab

 

 

Kacdoonka Beledweyne oo lugaha la galay Farmaajo iyo xildhibaan sir kashifay + Video

0

Beledweyn (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Maxamed Jindi oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyey in madaxweyne Farmaajo iyo kooxda Nabad iyo Nolol ay ka dambeeyaan kacdoonka ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunnta Gobolka Hiiraan.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa habeenkii Axadda qabsaday koox la baxday Badbaado Hiiraan oo kasoo horjeedda maamulka HirShabeelle iyo inuu halkaas tago madaxweyne Cali Guudlaawe.

“Ciidamada qabsaday magaalada waxaan u aragnaa inay tahay qorsho uu lugaha kula jiro Farmaajo iyo kooxda Nabad iyo Nolol kuwaas oo doonaya inay muujiyaan in Beledweyne aysan nabad aheyn, ciidamada waxaa xukuma Farmaajo waxayna ku shaqeeyaan amarkiisa,” ayuu mar kale yiri Xildhibaan Jindi oo wareysi siiyey idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho.

“Aniga, xildhibaano klae iyo taliyihii hore ee NISA waxaan Beledweyn u tagnay sidi aan xal uga gaari laheyn xiisadda Beledweyne, waxaan la kulanay qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo odayaasha dhaqanka, sidoo kalana waxaan la kulanay Ugaaska Beesheena, waxaana ka wada-hadalnay sidii xal loo gaari lahaa, iyadoo howsha meel fiican noo mareyso ayaan halmar ka war helnay ciidamo la wareegay magaalada,” ayuu yiri Xildhibaan Jindi.

Xildhibaan Jindi ayaa sheegay in laga badbaaday in Beledweyne ay marti geliso dagaal, wuxuuna arrintaas uga mahadceliyey Ugaaska Beesha Xawaadle oo uu sheegay inuu amar ku bixiyey inaan wax dagaal ah laga sameyn gudaha Magaalada.

Mar wax laga waydiiyey ujeedada uu Farmaajo ka leeyahay ciidamada qabsaday Beledweyn ayuu sheegay inay tahay inuu muujiyo in Beledweyne ay tahay meel aan nabad aheyn, islamarkaana uusan ka dagin madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in tani ay tahay qorshe cadaadis lagu saarayo Guudlaawe, si liiska musharaxiinta Aqalka Sare uga reebo xubnaha aysan rabin Villa Somalia, uguna soo daro kuwa ay wadato.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga Xildhibaan Jindi oo dhameystiran

Sagaal sano kadib ninkii isku qarxiyey Yuusuf Xasan oo la ogaaday inuu nool yahay

0

Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan Yuusuf Xasan oo laga soo doorto degmada Kamakunji ee magaalada Nairobi, ayaa maanta saldhiga booliska ee Pangani ee caasimada Nairobi u gudbiyey dacwad uu ku doonayo in dib loo furo baaritaanka qarax uu ku dhaawacmay sanadkii 2012-kii, kadib markii uu helay xogo cusub oo qaraxaas la xariira.

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo la hadlay BBC ayaa sheegay inuu arkay qoraal uu  bartiisa Twitter-ka ku baahiyey guddoomiyihii hore ee caasimadda Nairobi Mike Sonko, kaas oo uu ku sheegay inuu garanayo ciddii qaraxaas ka dambaysay.

Qaraxaas ayaa 7-dii bishii December ee sanadkii 2012-kii ka dhacay masaajid la yiraahdo Al-Hidaaya oo ku yaalla xaafadda Islii ee magaalada Narobi goor habeen ah.

8-qof oo laba kamid ah caruur ahaayeen ayaa lagu dilay qaraxaas, waxaana ku dhaawacmay illaa 20-qof oo kale, kuwaas oo Xildhibaan Yussuf Xasan uu ku jiray.

“Saldhigga Booliska waxaan maanta u tegay inaan dacwad ka qoro qaraxii ka dhacay masjidka Al-Hidaaya, 7-dii bishii December 2012-kii, kaas oo 8-qof ay ku geeriyoodeen, dad farabadan oo anigu aan ku jirana ay aad ugu dhaawacmeen, marka shalay guddoomiyihii hore ee magaalada Nairobi Mike Sonko ayaa Twitterkiisa ku soo qoray ninkii qaraxaas ka dambeeyey uu garanayo,” ayuu yiri.

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Mike Sonko waxuu yiri qofkii qaraxaas ka dambeeyey waxa uu doonayey inuu dilo xildhibaanka laga soo doorto Kaamakunja Yuusuf Xasan, marka arrintaas naxdin badan ayey igu abuurtay, sababtoo ah maana filaneyn, in qofkii dadkaas laayey oo dambigaas galay uu noolyahay oo suuqa iska socdo.”

Sidoo kale Xildhibaan Yuusuf Xasan waxa uu sheegay in boolisku uu kiiskaas mar hore iska xiray, maadaama aysan jirin qof loo qabtay qaraxaas, balse hadda uu ka dalbaday in dib loo furo baaritaanka kiiska.

“Waxaan maanta ka codsaday laanta booliska u qaabilsan baaritaanka inay dacwadaas dib u furaan, maadaama uu hada soo baxay war cusub oo cadeynaya dadkii ka dambeeyey, isla markaana ninka guddoomiyaha xiligaas ka ahaa magaalada ee hadda xogtaan bixiyey lasoo wareysto, oo waxa uu ogyahay lasoo bandhigo, dadka uu sheegayana lasoo qabto oo lagu qaado hadii ay dembi yeeshaan, hadii lagu waayana la iska daayo,” ayuu yiri Xildhibaankaan ka tirsan baarlamaanka Kenya.

Sidoo kale Xildhibaan Yuusuf ayaa intaas ku sii daray in hadalka kasoo yeeray Mike Sonko aan la yareysan karin, maadaama uu yahay masuul sare oo xiligaas guddoomiye ka ahaa caasimada Nairobi, mar Senator soo noqday, marna Xildhibaan.

“Boolisku markii hore fursad ayey dayaceen oo howshooda kama soo bixin, dabcan qalad inuu dhacay ayaa macquul ah, hadda fursad ayaa jirta, sababtoo ah dadkii lagu dilay qaraxaas ehello ayey ka dhasheen oo cadaalad ayey sugayaan, anagana dhaawacyo iyo dhib farabadan ayaa naga soo gaaray, booliska hadda waxaa ku waajib ah in galka baaritaankaas ay dib u furaan,” ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Xasan.

Xafiiska Rooble oo war kasoo saaray xiisadda Beledweyne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa shaaciyay in Ra’iisul wasaaraha xukumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble uu shaqsiyan u istaagi doono wax ka qabashada khilaafka ka jira gobolka Hiiraan.

Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa arrintaan ka sheegay kulankii ay shalay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaran iyo Beesha Caalamka, oo looga hadlayey arrimaha doorashooyinka dalka.

Afhayeenku si faahfaahsan uma sheegin sida uu ra’iisul wasaaruhu ku xalinayo khilaafka ka jira gobolka Hiiraan, hase yeeshe waxa uu qeyb weyn ka noqonayaa dadaalo lagu xalinayo xiisadda ka taagan maamulka HirShabeelle.

Dhinaca kale, Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay la xiriireen Ugaaska Beesha Xawaadle, iyagoo kala hadlay xaaladii cakiran ee magaalada Beladweyne.

“Ugaaska waxa uu noo sheegay in Farmaajo iyo Rooble la soo hadleen kana dalbadeen in xaalada la qaboojiyo lana xalin doono tabashooyinka jira,” ayuu yiri Nabaddoon Cilmi Guure Hagar

Nabadoon Hagar oo kamid ah odayaasha ugu caansan gobalka Hiiraan ayaa sheegay in xayiraadii ay ciidamada Milateriga saareen Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle laga qaaday.

“Albaabka ayaa lagu xiray waxaana saarnaa bandow aysan qof kaga soo bixi karin Madaxtooyada qofna ku geli karin, laakiin hada waan ka qaadnay,” ayuu yiri Nabadoon Cilmi Guure Hagar oo la hadlay Warbaahinta gudaha Muqdisho.

Si kastaba, Odoyaasha dhaqanka gobalka Hiiraan ayaa ku guuleestay in ay magaalada ka saaraan ciidamadii Janaraal Xuud, halka kuwii Milateriga dib loogu celiyay saldhigyadii ay ka soo baxeen ee gobalka Hiiraan.

Khasaaraha Al-Shabaab oo maraya 90 dhimasho iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan 90 dagaal-yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn xagga cirka ah oo shalay ka dhacday gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, sida uu sheegay taliska ciidamada militariga Soomaaliya.

Qoraal kooban oo la soo dhigay barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in duqeynta lala beegsaday dagaal-yahanada Al-Shabaab kadib markii ay qabsadeen deegaanka Camaara ee gobolka Mudug.

“Maleeshiyaadka Al-Shabaab waxay isku dayeen inay weeraraan tuulada Camaara waxayna la kulmeen qasaaro aad u badan. Galabta ayaa la qaaday duqeyn xagga cirka ah oo lala beegsaday al-Shabaab oo lagu dilay ugu yaraan 90 argagixiso ah,” ayaa lagu yiri qoraalka twitter-ka.

Ciidanka Milatariga oo kaashanaya kuwa maamul goboleedka Galmudug ayaa tuulada ka xoreeyay kooxda Al-Shabaab bishii hore, ayada oo mar kale ay weerar qaraxyo ku billowday kusoo qaadeen.

Al-Shabaab ayaa dhankooda kal hore sheegatay inay dagaalka ku qabsadeen 14 gaadiidka gaashamaan, waxyar un ka hor intii aan dib looga qabsan deegaanka Camaara ee koonfurta gobolka Mudug.

Sidoo kale wararka aan ka heleyno dagaalkaas waxa ay sheegayaan in markii deegaanka laga saaray kooxda ay duleedka ku beegsadeen diyaarado dagaal oo gacan siinayey ciidamada xoogga dalka iyo daraawiishta Galmudug, waxaana halkaas Al-Shabaab ka soo gaaray khasaare xoog leh.

War kooban oo ka soo baxay Taliska Milatariga Mareykanka ayaa lagu xaqiijiyay inay qaadeen howlgal ay ugu magac-dareen “is-difaac guud” oo ka dhan ahaa kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay deegaanka Camaara, waxayna shaaciyeen in qiimeynta hor-dhaca ah ay muujineyso in duqeymihii dhacay aysan wax ku noqon dad rayid ah.

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Soomaalida iyo Canfarta oo sii xoogeystay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey Soomaalida iyo Canfarta oo saaka markale dib uga qarxay deegaano ka tirsan gobolka City ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaadka Canfarta ay weerar ku qaadeen shacab Soomaali ah oo ku sugnaa deegaanka Biyo Cadde oo u dhow magaalada Cadheyti, waxaana halkaas ka qarxay dagaal u dhexeeyey labada dhinac.

Sidoo kale dagaalka ayaa xoogiisa waxa uu ku sii fiday tuulooyinka Shakle iyo Birta dheer, tuulada Qalacle oo ku yaalla dhinaca magaalada Candhuufa ah.

Ujeedka weerarka ay qaadeen maleeshiyaadka Canfarta ayaa lagu sheegay inay ku doonayeen inay ku qabsadaan dhammaan deegaanadaasi, kadib markii ay horey gacanta ku dhigeen magaalooyinka Garbo-Ciise & Cadayti oo ay ku sugnaayeen Soomaalida.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalka maanta ku dhintay ugu yaraan illaa 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo ka kala tirsan labada dhinac.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamullada labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi dib u qarxay ee khasaaraha badan geystay.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka uu sii xoogeysto, sidoo kalena uu kasii daro khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.

Diidmada beesha caalamka oo caqabad lama filaan ah ku noqotay doorashada dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saaxiibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa illaa hadda diidan inay soo dhameystiraan dhaqaalihii doorashada qeybtii laga sugayey, xili ay gobolada qaar soo dhameystireen doorashada Aqalka Sare, taasi oo horseedi karta dib u dhac.

Beesha caalamka ayaa bixisay kaliya 7.2 milyan oo dollar oo ka mid ah 32-ka milyan ee ku baxaya dhaqaalaha doorashada, ayada oo ka cago jiideysa lacagta kale ee harsan oo gaareysa 25 milyan oo dollar.

Beesha Caalamka oo dadaal badan ku bixisay sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho wada ogol ah, ayaa xiligan la rumeysan yahay inay rabto in taageeradeeda dhaqaale ku bixiso doorasho ay ku qanacsan yihiin saamileyda siyaasadda oo dhan.

Shirkii dhawaan magaalada Muqdisho ay ku yeeshen Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa ajendihiisa qeyb ka aheyd sidii loo heli lahaa dhaqaalaha beesha caalamka ee doorashada, ayada oo maanta madaxdaas kulan la qaateen Wakiiladda beesha caalamka.

Rooble iyo saaxiibadiisa dowlad goboleedyada oo uu qeyb ka yahay maamulka gobolka Banaadir ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii beesha caalamka looga heli lahaa dhaqaalaha doorashada qeybtooda, ayada oo saaxiibada dalalka caalamka ay iska ilaalinaya ku deg-dega bixinta lacagtaas, ilaa inta saamileyda siyaasadda doorashadu si isku mid ah ugu qancayaan hanaanka doorashada.

Mid ka mid ah shuruudaha beesha caalamka ayaa ah in marka hore la dhameeyo doorashada Aqalka Sare, lana guda galo midda golaha shacabka, markaasi oo ay fasixi doonto lacagaha kale ee harsan.

Hase yeeshee, madax goboleedyada iyo dowladda ayaa ka cabsi qaba in haddii ay guda galaan doorashada golaha shacabka, laga yaabo in lacagtaas ay ka sugayaan beesha caalamka aysan iman, oo ay qasab ku noqoto inay ayaga bixiyaan.

Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa rumeysan in dhaqaalaha laga sugayo Beesha Caalamka ay sii fogeyn karto khilaafka siyaasadeed ee ka billowday habraaca uu soo saaray Golaha Wadatashiga Qaranka, kaasi oo Golahu isku dayayo hoos u dhigistiisa.

Si kastaba, Siyaasiyiinta iyo Ururada Bulshada Rayidka ayaa beesha caalamka ka dalbaday inay taageeradooda horseed u noqoto doorasho daah-furan oo lagu kalsoonaan karo, taasi oo xiligan dib u sii dhigi karta helista dhaqaalaha laga sugayo.

IMAARAADKA oo ka baxay qeyb ka mid ah HESHIISKII uu la galay SOMALILAND

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa fulin weyday qoddob kamid ah heshiiskii madaarka Berbera ee ay kal hore kala saxiixdeen xukuumadda Somaliland, sida uu shaaciyey Mareeyaha hay’adda duulista iyo maamulka madaaradda Somaliland.

Mareeye Cumar Sayid ayaa golaha wakiiladda Somaliland ka hor sheegay in heshiiskii madaarka Berbera ee ay la galeen dowladda Imaaraadka uu dhigayay inay Madaarka Berbera ka dhigtaan Saldhig, ayna sameeyaan madaar kale oo duulimaadyada diyaaradaha rayidka ah, kaasi oo aan fulin.

Waxa uu sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta aysan sameyn madaarkii ay kula heshiiyeen, kadib markii ay xukuumadda Somaliland ku wargelisay in uu ku batay dhaqaalihii Dekedda iyo kii Waddada Berbera.

“Madaarka Berbera waxaynu heshiis ku galnay inuu Saldhig u noqdo dowladda Imaaraadka Carabta, qorshaha waxa ku jiray inay inoo sameeyaan Madaar kale, muddo markii wada-hadalkii socday iyaguna yidhaahdeen waxa nagu batay dhaqaalihii Dekedda iyo kii Waddada, waxa la isugu ururay in Madaarka Berbera ka Jabuuti sida uu yahay (oo kale laga dhigo) inuu Saldhiggiina noqdo, Somaliland-na ka isticmaasho wixii ay ugu baahato oo ah duulimaadyadii (Rayidka), keligiina maaha ee Madaarradu intaas oo ujeeddo ayay wada qaban karaan,” ayuu yiri Cumar Sayid.

Mareeyaha ayaa sidoo kale sheegay in qoddobkaas ka fuli waayey heshiiskii Madaarka Berbera ay heshiis ka gaareen Imaaraadka iyo Somaliland, islamarkaana la isla qaatay in madaarka uu noqdo Saldhig ciidan iyo mid rayid.

Si kastaba, Imaaraadka ayaa xiriir wanaagsan la leh xukuumadda Somaliland, ayada oo shirkadooda DP WORLD ay si buuxda gacanta ugu hayso dekedda Berbera, oo Somaliland u aheyd il dhaqaalo oo muhiim ah.

Madaxweyne FARMAAJO oo laba guul oo siyaasadeed oo lama filaan ah helay

Warbixintan oo muqaal ah halkan ka daawo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo wuxuu xulufo la ahaa madaxweyne goboleedyada HirShabeelle, Galmuudug iyo Koonfur Galbeed, hase yeeshee waxaa hamigiisa ku shubasho ee doorashada Soomaaliya ka hor-yimid mucaarad awood badan.

Mucaaradkaas ayaa ahaa isbaheysi ay ku mideysan yihiin Midowga Musharaxiinta, madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, guddoomiyaha Aqalka Sare, iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo gadaal kaga biiray.

Isbaheysigaas ayaa hadda burburay kadib markii Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ay diideen sida madax goboleedyada iyo Rooble ay u wadaan hanaanka doorashada oo ay la meel dhigeen sidii ay ka diideen madaxweyne Farmaajo.

“Goluhu wuxuu in muddo ah hortaagnaa isku daygii uu madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ku doonayey in uu doorashooyinka dalka ku boobo. Waxaan suuragal ahayn in Golaha Wadatashiga Qaran ay dhaqankii Farmaajo laga diiday u dabamareeyaan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Midowga Musharaxiinta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa laba hab uga faa’iideysanaya xiisaddan cusub.

1- Isbaheysiga burburay: Buburka Isbaheysiga Badbaado Qaran ayaa soo billowday markii xubnaha ay dayaceen guddoomiye Cabdi Xaashi oo xubin ka ahaa, kaasi oo hoggaanka guddiga doorashada gobollada waqooyi uu kala wareegay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, oo ku xiran Farmaajo.

Sida loola dhaqmay Cabdi Xaashi waxay aheyd wax aan laga fileyn isbaheysiga, balse Farmaajo tustay inuu isbaheysiga ka dabacsan yahay sidii la mooday, waxa isku hayana aysan aheyn mabaadi’ balse yihiin dano siyaasadeed.

Xargihii haray ee isku hayey isbaheysiga ayaa sii furmay kadib markii doorashada Aqalka Sare ay billaabatay, xilligaas oo Axmed Madoobe, Saciid Deni, Qoor Qoor iyo Lafta-gareen ay doorashaii u beddeleen magacaabis, taasi oo Musharaxiinta ka carreysiisay, inkasta oo rasmi ahaan ay usoo dhoweeyeen.

Musharaxiinta ayaa garowsaday in Axmed Madoobe iyo Saciid Deni aanu dagaalkii lala galay Farmaajo ka aheyn mid ay musharaxiinta ugu daneynayeen balse ay dantooda gaarka ah ku hoos wateen.

Isbaheysiga ayaa ugu dambeyn rasmi u burburay kadib markii Axaddii ay Golaha Wadatashiga Qaran ay soo saareen habraac doorasho oo mucaaradka ay ku qeexeen mid dusha sare magac doorasho ka sita, laakiin gudahiisa uu magacaabis yahay.

Burburka Isbaheysiga wuxuu madaxweyne Farmaajo uga dhiggan yahay in hadda iyo kadib aanu wajihi doonin loolan adag oo ka horyimaada inta lagu guda jiray doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka, oo habraaca loo marayo sidoo kale uu u daneynayo Farmaajo, taasi oo ina keeneysa qodobka labaad.

2- Habraaca doorashada: Habraaca doorashada wuxuu awood badan u siiyey madaxda maamul goboleedyada soo-xulista ergooyinka dooranaya xildhibaanada, oo ah qodobka ugu weyn ee la isku hayo ee mucaaradka ay diidan yihiin.

Hase yeeshee markaad si kale u eegto madaxweyne Farmaaho wax dhibaato ah kuma qabo habraacan, waxaana suurta-gal ah inuuba si gaar ah isaga ugu faa’iideynayo markaad eegto dhowr qodob.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu markii horeba isku haleynayey in madaxweyne goboleedyada taabacsan ay usoo saaraan xildhibaano codka siiya, ayaga oo kaashaanaya odayaasha, madaxtooyadana ay ku biirineyso saameyn iyo lacag wax lagu kala dabaro.

Habraaca laga soo saaray shirkrii Golaha Wadatashiga Qaran ayaa waxa uu awood siiyey madaxweyne goboleedyada, waxaana tani ay Guudlaawe, Qoor Qoor iyo Lafta-gareen u sahleysaa inay doorashada sida ay doonaan u musuqaan, kana soo saaraan xildhibaano taabacsan Farmaajo, haddiiba ay doonayaan.

Sidoo kale, Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa habraacan u adeegsan kara inay doorashada xildhibaanada ku takri falaan, balse Farmaajo markii horeba istaraatiijiyaddiisa doorasho iskuma haleeneyn labadaas maamul, sidaas darteedna kalama jecla ciddii halkaas kasoo baxda.

Guul-darrada ugu weyn waxay soo gaartay Midowga Musharaxiinta, oo Axmed Madoobe iyo Saciid Deni aanay usoo saari doonin xildhibaano, halka habraaca doorashaduna albaabo badan uu u furay madaxweyne Farmaajo.

Israel oo ka careysan waxa ay ku hayso Falastiin oo lagu sameeyey Yahuuda dalka…

Warsaw (Caasimada Online) – Madaxweynaha Poland Andrzej Duda ayaa ansixiyay sharci diidaya in Yaahuuda loo celiyo hantidii laga qaatay intii uu socday dagaalkii labaad ee adduunka iyo kadib.

Ansixinta sharcigaan ayaa dhalisay xiisad diblomaasiyadeed, iyadoo Israel ay dib ugu yeertay safiirkeedii Poland waxayna ku tilmaantay sharcigaan inuu yahay mid “Yuhuud naceyb ah”.

Sharcigaan ayaa la xiriiro doodii ka taagneyd in Yahuuda loo celiyo hantidii ay sheegatay in laga boobay waqtigii uu Nazi -ga Jarmalka qabsaday taliskii shuuciga ahaa ee Poland.

Sharcigaan ayaa sababi doona in la hakiyo dhammaan dacwooyinkii iyo sheegashooyinii Yahuuda laga soo bilabo waqtigi dagaalkii labaad ee adduunka.

Dowladda Poland ayaa sheegtay inuu isbadalkaan soo afjari doono fowdadii dhanka sharciga aheyd ee muddo badan soo jirtay, laakiin Israel ayaa si weyn u cambaareysay.

“Poland maanta waxay ansixisay sharci ka soo horjeeda Yuhuudda, mana ahan markii ugu horeysay oo ay Poland sameyso anshax xumo” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Israel Yair Lapid.

Mr Lapid ayaa sidoo kale sheegay inuu ku talinayo in safiirka Poland u fadhiya Israel Marek Magierowski inuusan kusoo laaban Israel oo uu iska sii wato fasaxa uu ku joogo Poland.

“Waa inuu u adeegsadaa waqtiga uga dhiman fasixiisa inuu ugu sharraxo Poles -ka waxa sharcigaan uu uga dhigan yahay muwaadiniinta Israel iyo inta aan u dulqaadan doonin yasidda xusuusta dhibbanayaashii iyo xusuusta xasuuqii loo geystay dadka Yahuuda ah,” ayuu Mr Lapid ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter –ka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Poland ayaa Maanta sheegtay in safiirkooda Mr Magierowski dib loogu yeeray ilaa amar dambe, taas oo looga jawaabayo falalka Israel ay ku dhaqaaqay dhawaanahan ee aan qiilka lahayn.

Goor sii horreysay Ra’isul wasaaraha Poland Mateusz Morawiecki ayaa sheegay inuu diyaarin doono in carruurta safiirka dalkooda la keeno.

Bayaan uu soo saaray Ra’isulwasaare Mateusz wuxuu ku gacan seyray eedeymaha Israel ee ah in sharciga la ansixiyey uu ka dhigan yahay Yahuud naceyb, wuxuuna hadalada Israel ku tilmaamay inay yihiin kuwa sii kordhinayo naceybka loo qado Poland.

Arrinta yaabka leh ayaa ah in Israel ay maalin kasta guryo ay leeyihiin ka barakiciso shacabka Falastiin, kadibna ku wareejiso Yahuudda loo sameynayo deegaameynta, balse hadda ka qeylineyso guryaha dib u sheegashadooda loo diiday Yahuudda Poland.

Sawirro: Dibad-bax weyn oo maanta ka dhacay Gaalkacyo

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa maanta ka dhacay dibad-bax ballaaran oo ay dhigeen shacabka iyo maamulka magaaladaasi, kuwaas oo isugu soo baxay waddooyinka waa weyn ee ku yaalla halkaasi.

Dibad-baxa ayaa waxaa looga soo horjeeday kooxda Al-Shabaab, waxaana sidoo kale ka qeyb-galay maamulka degmada, wasiiro iyo saraakiil ka tirsan laamaha amniga magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale dibad-baxan ayaa waxaa lagu taageerayey howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ka wadaan koonfurta Mudug.

Qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay garab taagan yihiin ciidamada huwanta ee dagaalka ka wada deegaanada maamulka Galmudug.

Mas’uuliyiinta goobta ka hadashay ayaa dhankooda xusay in loo baahan in loo midoobo dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab, kana socda gobolka Mudug ee bartamaha dalka.

Dibad-baxan oo uu soo qaban qaabiyey maamulka degmada Gaalkacyo ayaa saameyn ku yeeshay dhaqa-dhaqaaqa iyo goobaha ganacsiga ee magaaladaas oo maanta xiran.

Si kastaba Galmudug ayaa howl-gal culus ka wada deegaanadeeda, waxaan dagaalkii ugu dambeeyey uu shalay ka dhacay koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

 

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo naftooda kala soo cararay Beladweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa xaqiijisay in magaalada Muqdisho ay soo gaareen Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Maxamed “Jindi” kadib markii ay kusii sugnaan waayeen magaalada Beladweyne oo gashay xaalad kacdoon ah. 

Xildhibaanadan kusoo laabtay Muqdisho ayaa qeyb ka ahaa siyaasiyiin reer Hiiraan ah oo Beladweyne u tagay in ay halkaas geeyaan Madaxweynaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, balse magaalada ay gashay xaalad cakiran.

Labadaan Xildhibaan ayaa sheegay in ay Beladweyne ku soo arkaan bulsho dhan oo isugu jira haween iyo dumar, carruur iyo ciroole oo dhamaantood diidan maamulka uu hogaamiyo Madaxweyne Cali Guudlaawe, sidaas darteedna ay Muqdisho ugu soo laabteen in ay ka fikiraan xaalad kale oo ay ku hagaagi karto HirShabeelle.

Xaaladda Beladweyne ayaa hadda dagan kadib fowdadii habeenkii Axadda ka dhacay xarumaha ugu muhiimsan ee maamulka, kuwaas oo ay qabsadeen ciidamada ka gadoodsan tagista Cali Guudlaawe ee Beladweyne. 

Waxaa jira walaac xoog leh oo ay qabaan dadka reer Hiiraan iyo siyaasiyiin kalaba oo ku aadan sidii xal loogu heli Beladweyne oo muddo dheer wajaheysa xaalad kacdoon ah oo ka dhan ah Cali Guudlaawe. 

Xaaladda ayaa waxaa uga sii daraya xildhibaano gobolka kasoo jeeda, oo saameyn xooggan leh, uuna ka mid yahay wasiirkii hore ee waxbarashada Cabdullahi Goodax Barre oo sii dhiiri-gelinaya in laga soo horjeesto Cali Guudlaawe.

Galmudug oo xukun adag ku ridday nin afduub iyo kufsi u geystay gabar lix jir ah

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug ayaa maanta soo gaba-gabeysay dacwad ka dhan ah eedeysane Maxamed Cabdi Dhoore oo loo heesto inuu afduub iyo kufsi u geystay gabar yar oo lix sano jir ah.

Maxkamadda ayaa shaaca ka qaaday in Dhoore uu falkan geystay 19-kii bishan August, isla-markaana uu ka dhacay  deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, waxaana la sheegay in gabadha uu falkaasi ka soo gaaray dhaawac xoog leh.

Ugu horreyn xeer ilaalinta maxkamadda ayaa goobta ku soo bandhigtay qiraal laga qoray eedeysanaha iyo caddeymo kale oo muujinaya, sida uu falka u dhacay oo ay ka mid yihiin warqadda dhaqtarka, dharkiii gabadhu xirneyd iyo sawirrada goobta laga soo qaaday, iyada oo xeer ilaalinta ay dalbatay in loo cuskado ciqaabta la marsiinayo eedeysanaha.

Sidoo kale qareenada difaacayey eedeysanaha oo dhankooda ka hor hadlay maxkamadda ayaa ka dalbaday in eedeysanaha loo qafiifiyo xukunka , iyadoo la eegayo qiraalkiisa.

Intaasi ka dib garoosraha maxkamadda ayaa ku dhowaaqay xukunka kama dambeysta ah ee kiiska Maxamed Cabdi Dhoore, waxaana lagu riday xukun dhan shan sano xabsi ah iyo sidoo kale bixinta labo halaad oo maxkamadu sheegtay in ay noqonayaan dhiiga gabadha.

Dhinaca kale ehellada gabadha yar ee dhibanaha ah ayaa soo dhoweeyey go’aanka ay maxkamadda ka gaartay kiiskan oo marxalado & doodo kala duwan soo maray.

Si kastaba gobollada Galgaduud iyo Mudug ee Galmudug ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal la xiriira kufsiga, waxaana kiiskan uu ka mid noqonayaa kuwa ay guuleysteen hay’adaha amniga iyo maxkamadaha ka jira deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.