27.4 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Howl-gal qorsheysan oo laga sameeyey Gaalkacyo iyo ganacsiyada oo xiran

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ay ciidamada ammaanka Galmudug xalay ka sameeyeen koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kuwaas oo lagu soo qab qabtay tiro dad ah.

Howl-galkan ayaa intii uu socday ciidamadu waxa ay ku galeen qaar ka mid ah xaafadaha magaalada, iyaga oo baarayey gaadiidka iyo sidoo kale dadka socotada ah.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in howl-galkaas lagu soo qab-qabtay dad looga shakisan-yahay inay ku lug leeyihiin falalka amni darrada ah ee ka dhaca gudaha magaaladaasi oo xarun u ah gobolka Mudug.

Gaalkacyo ayaa ka mid ah meelaha loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka golaha shacabka, waxaana la geeyey ciidamo dheeraad ah oo suga amniga magaaladaasi.

Dhinaca kale goobaha ganacsiga ee magaalada ayaa maanta xiran, kadib amar ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka magaaladaasi oo la dul-dhigay dadka shacabka ah.

Ujeedada ayaa waxaa lagu sheegay in shacabka iyo ganacsatada laga rabo inay kasoo qeyb-galaan dibad-bax maanta ka dhacaya halkaasi, kaas oo  looga soo horjeedo Al-Shabaab, sidoo kalena lagu taageerayo howl-gallada ka socda koonfurta gobolka Mudug.

Xaaladda magaalada ayaa ah mid xir-xiran, waxaana hakad ku jira dhaq-dhaqaaqa goobaha ganacsiga iyo sidoo kale isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Galmudug ayaa bilihii u dambeeyey laba jibaartay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga saaro deegaanada ay weli kaga sugan yihiin gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Al-Shabaab oo laga dilay 60 dagaal-yahan iyo wararkii ugu dambeeyey dagaalka

0

Camaara (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa faahfaahin ka bixiyey weerar ku bilaawday qaraxyo ismiidaamin ah oo Al-Shabaab ay waaberigii hore ee saakay kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Camaara ee koonfurta gobolka Mudug.

Wasiir Falagle oo wareysi siiyey Radio  Muqdisho ayaa sheegay in Shabaabkii saakay weeraray Camaara ay iska soo hor mariyeen gaadiid xoolo nool siday, kaas oo isku qarxiyey xerada ciidanka dowladda ay ka deganaayeen deegaanka.

“Laba gaari oo ay qarax ka soo buuxiyeen ayey saakay ku soo weerareen xerada, markii hore waa lagu sirmay oo gadiidka waxaa saarnaa Ari-dibaax (Ari jar ah) iyo haween ay xoog ku soo wateen, kadibna waxaa loo maleeyey gawaari caadi ah oo magaalada u socda, balse waa is qarxiyeen, kadibna waxaa soo bilaawday weerar toos ah,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Galmudug.

Waxa uu sheegay in ciidanka dowladda ay iska caabiyeen weerarkii saakay, oo markii ay dib u riixeen kooxda duqeyn culus lala beegsaday, taas oo khasaare badan uu kasoo gaaray Al-Shabaab.

Dhankooda waxa uu sheegay in shan askari oo hal sarkaal uu ku jiro ay uga geeriyoodeen dagaalka, halka dhanka Al-Shabaab uu sheegay in khasaaraha gaaray uu 100 dagaalame kor u dhaafayo, balse uu xaqiijinayo 60 dhimasho ah iyo dhaawacyo kale oo nolosha lagu qabtay, sida uu sheegay.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in weerarka kadib ay Al-Shabaab u suura-gashay inay muddo kooban la wareegto gacan ku heynta deegaankaas oo ah mid istaraatiiji ah.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa shaacisay inay dagaalka ku qabsadeen 14 gaari oo 12 ka mid ah ay yihiin Tikniko, halka labada kale ay yihiin BG xamuul ah iyo booyad, sida ay ku sheegeen qoraal ka soo baxay.

Sidoo kale wararka aan ka heleyno dagaalkaas waxa ay sheegayaan in markii deegaanka laga saaray kooxda ay duleedka ku beegsadeen diyaarado dagaal oo gacan siinayey ciidamada xoogga dalka iyo daraawiishta Galmudug, waxaana halkaas Al-Shabaab ka soo gaaray khasaare xoog leh.

War kooban oo ka soo baxay Taliska Milatariga Mareykanka ayaa lagu xaqiijiyay inay maanta qaadeen howlgal ay ugu magac-dareen “is-difaac guud” oo ka dhan ahaa kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay deegaanka Camaara, waxayna shaaciyeen in qiimeynta hor-dhaca ah ay muujineyso in duqeymihii dhacay aysan wax ku noqon dad rayid ah.

Hoos ka dhageyso wareysiga wasiir Falagle

Habraaca doorashada oo laga digay ‘inuu sababi karo’ iska hor-imaad hubeysan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururada Bulshada rayidka Somaaliyeed ayaa si adag uga horyimid habraacii uu dhawaan soo saaray Golaha Wadatashiga Qaranka, ayaga oo walaac ka muujiyey in dhaqan-gelintiisa uu sababi karo iska hor-imaad hubeysan.

War-saxaafadeed kasoo baxay Isu-taga Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale waxa wel-wel looga muujiyey geedi socodka doorashooyinka dalka oo ay sheegen inay ku tagri faleen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka.

“Waxaan aaminsan nahay in habraaca ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran uu meesha ka saarey doorka bulshada rayidka ee hubinta xulista ergooyinka, taasina waxey shaki badan gelineysa suurto-galnimada in dalka ay ka dhacaan doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo xasilooni siyaasadeed dalka u horseeda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxay ugu baaqeen duubabka Soomaaliyeed, odayaasha dhaqanka, culumo-u-diinka, wax-garadka, haweenka iyo aqoon-yahanka Soomaaliyeed inay u istaagan sidii looga hortegi lahaa nidaam doorasho oo abuuri kara xasilooni daro, islamarkaana gacan ka geystaan sidii dalka ay uga qabsoomi lahaayeen doorashooin daah-furan oo lagu kalsoonaan karo.

“Waxaa in badan ka dignay in daahfur la’aanta doorashooyinka sabab u noqon karto in dalka aysan ka dhicin doorashooyin lagu kalsoonaan karo, sidaas darteed lama aqbali karo habraacan cusub.”

Qoraalka kasoo baxay Isu-taga Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee ay ku diideen habraaca cusub ee doorashada ayaa imanaya xili si weyn looga horyimid, maadama uu si toos ah doorashada ugu gacan gelinayo madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Xog: Farmaajo iyo Rooble oo tallaabo qaaday, DABAGEED oo xayiraad la dul dhigay iyo wararkii ugu dambeeyey

Beledweyne (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ay blilaabeen dadaalo lagu xalinayo xiisadda ka taagan maamulka HirShabeelle. 

Nabaddoon Cilmi Guure Hagar ayaa warbaahinta u sheegay in Ugaaska Beesha Xawaadle ay la soo xariireen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyagoo kala hadlay xaaladii cakiran ee magaalada Beladweyne. 

“Ugaaska waxa uu noo sheegay in Farmaajo iyo Rooble la soo hadleen kana dalbadeen in xaalada la qaboojiyo lana xalin doono tabashooyinka jira,” ayuu yiri nabaddoonka.

Dhinaca kale Nabadoon Cilmi Guure Hagar oo ka mid ah odoyaasha ugu caansan gobalka Hiiraan ayaa sheegay in xayiraadii ay ciidamada Milateriga saareen Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle laga qaaday. 

“Albaabka ayaa lagu xiray waxaana saarnaa bandow aysan qof kaga soo bixi karin Madaxtooyada qofna ku geli karin, laakiin hada waan ka qaadnay,” ayuu yiri Nabadoon Cilmi Guure Hagar oo la hadlay Warbaahinta gudaha Muqdisho. 

Odoyaasha dhaqanka gobalka Hiiraan ayaa ku guuleestay in ay magaalada ka saaraan ciidamadii Janaraal Xuud, halka kuwii Milateriga dib loogu celiyay saldhigyadii ay ka soo baxeen ee gobalka Hiiraan.

Xiisadda cusub ee Beledweyne ayaa ka dhalatay isku day magaalada shalay diyaarad ciidan lagu geyn lahaa madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe, kaasi oo fashilmay markii ay habeen hore magaalada qabsadeen ciidamada la baxay Badbaado Hiiraan.

Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda Camaara iyo cida hadda gacanta ku heysa

0

Camaara (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal ku bilowday qarax is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo ka dhacay deegaanka Camaara ee gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa Galmudug oo isku dhinac iyo Al-Shabaab.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in weerarka kadib ay Al-Shabaab u suura-gashay inay muddo kooban la wareegto gacan ku heynta deegaankaas oo ah mid istaraatiiji ah.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa shaacisay ina qabsatay 14 gaari oo 12 ka mid ah ay yihiin Tikniko, halka labada kale ay yihiin BG xamuul ah iyo booyad, sida ay hadalka u dhigtay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda guullo ka sheegatay dagaalkan, waxaana saraakiil ka tirsan milatariga ay shaaciyeen inay khasaare gaarsiiyeen raggii weerarka qaaday.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa haatan ku warramaya in ciidamada huwanta oo qaaday dagaal rogaal celis ay dib ula wareegay deegaanka Camaara ee koonfurta gobolka Mudug, kadib dib loo riixay dagaalyahanada Al-Shabaab ee saaka weerar ku galay deegaankaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in howl-gal ay barbar socotay duqeyn ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka fuliyeen koonfyrta gobolka Mudug.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, kaas oo soo kala gaaray labada dhinac, walow tiro aan la shaacin inta uu gaarsiisan-yahay.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa koonfura gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Camaara ayaa xudun u noqotay howl-gallada ka socda gobolka Mudug, kuwaas oo deegaano cusub looga qabsaday dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Sawirro: Shirkada Somtel oo toddobaadkii lixaad abaal-marisay 1,000 macaamiil

Muqdisho (Caasimada Online) – Macaamiisha la abaalmariyay ayaa kala joogo guud ahaan Gobolada dalka iyo Degmooyin ay ka mid yihiin Waaberi, Kaaraan, Dharkeynleey, Yaaq-shiid, Hodan, Jowhar, Guri-ceel walan-weyn I.w.m.

Todobaadka 6aad waxaa lagu guuleystay hadiyado ay ka mid-yihiin,  laptops, Gasaalado, Firinjeero, TV screens, Ipads, Dahab iyo Hadiyado Dhowr ah.

Munaasabada Macaamiisha lagu abaalmarinayay Todobaadkii Lixaad ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Mas’uuliyiin ka tirsan XFS iyo Golaha Shacabka Soomaaliya oo uu horkacayay Mudane: Daahir Cabdi C/laahi wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Batroolka XFS.

“Waxaan Ju faraxsanahay inan maanti xaadir u noqdo Munaasabad lagu abaalmarinayo Macaamiisha Somtel iyadoo si daah-furan ay u dhacday Macaamiisha Si toos ah Hadiyadahooda loo gudoonsiiyay Hambalyo Somtel.”

Waxaa Sidoo KalecMunaasabada aka Hadley agaasimaha arimaha bulshada xafiiska lRa’isul wasaaraha XFS Marwo:  Maryan Adan Amiin oo u rajeysay Gobolada jubooyinka iyo Qof dumar ah inay guuleysato ilaah Mahadii.

“Waxaan u rajeynayaa inuu guuleysto Macamill joogo Deegaanada jubiland Waliba dumar ah ilaah madii waxa ay noqotay sida aan filaayay gabadhaha soomaaliyeed waxaan leeyahay tartankan ka qeyb-qaata Oo ku guuleeysta gawaarida, Dahabka  iyodhamaan hadiyadaha qaaliga ah.”

Waxaa Sidoo Kale Munaasabada ka Hadley Xildhibaanada Saciid Xeyd iyo Faatix Siciid Xasan oo si wadajir ah u bogaadiyay Somtel iyo Macaamiisha la abaalmariyay Yodobaadkan iyagoo Todobaadka soo Socda Macaamiil Cusub sidaan oo kale loo abaalmiyo si ay bulshada oo idil uga faa’ideystaan hadiyadahaan qiimaha badan.

Waxaa Sidoo kale Deeq Waxbarasho ku guuleystay Mrs Faaiso Cosoboow Oo ku nool Degmada waberi ee Gobalka banaadir.

“Waan Ku faraxsanahay in Somtel Deq Waxbarasho I gudoonsiiso Xaqiiqdii baahi farabadan ayaan u qabay  Mana Filey in somtel ay igudoonsiineyso Somtel waxa ay dabooshay baahida qoyskeyga waxan uga faa’ideynayaa gabadheyda   Alle  haka ajar-siiyo shirkadda Dadweynaha Somtel Somalia.”

Mr  Salaries Adan Cusmaan ku guuleystay 10g oo Dahab ah isagoo aad ugu mahad-celiyay shirkadda isgaarsiinta Somtel.

“Waxaan ku faraxsanahay in Somtel I abaalmariso anigoo  aan ku shubasho fara-badan aan sameyn Waa nasiib xaqiiqdii waan sii labalaabi doonaa siticmaalkeyga adeegyada Somtel.”

Ugu dambeyntii  C/fitaax Aaloos Oo ku guuleystay Mobile Samsung ah ayey shirkaddu gudoonsiisay Mobile-kaan casriga ah.

“Waxaan Ku fikirayay inan iibsado Mobile Cusub lacagteyda wey ii baaqatay waxaan rajeynayaa inan baahiyaha kale aan qabo uga faa’ideysto Lacagta aan horay ugu talagalay inan Mobile ku iibsado.”

Hadiyadaha ay shirkaddu Yodobaadka 4aad Macaamiisha ku abaalmarisay Waxaa qeyb ka ah Gasaalad, Fridge, eDahab Cash, Ipads iyo Hadiyadoo kale qaali ah.

Hadiyadaha Gaariga Hyndai iyo Gaadiidka bajaajka  ay Somtel bixisay Todobaadyadii hore ayaa waxa’ ay shaqo abuur U noqotay dhalinyarada Soomaaliyeed iyo Qoysaska Danyarta Kuwaasoo u baahan grab iyo hiilo uga timaada ganacsatada soomaaliyeed.

Shirkadda somtel Waa Shirkadii ganacsi  ugu horeysay ee 10, 000 Hadiyadood dib ugu celisay Macaamiisheeda sharafta leh Todobaad kasta maalinta Jimcaha ayey shirkaddu si toos ah u abaalmarisaa Guuleystayaasha Todobaadkaas.

Todobaadka Soo Socdo Maalinta Jimcaha 28/08/2021 ayaa lagu wadaa in somtel ku abaalmariso gaari Hyundai qiimihiisu yahay ku dhawaad 40, 000 doolar Waxaan leenahay nasiib wacan Marwo:  Madino Xuseen Yaxye oo Ka mid ah Macaamiisha somtel ee Magaalada beledweyne ee Xarunta Gobalka hiiraan.

Xog: Xiisadda Farmaajo iyo ROOBLE oo kasii dareysa

Warbixintan oo muuqaal ah halkan ka daawo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sii kala fogaanaya laba toddobaad kadib markii uu si rasmi ah usoo shaac baxay khilaaf u dhaxeeya.

Khilaafkan ayaa billowday kadib markii Farmaajo uu soo saaray wareegto u muuqata in lagu beegsaday Rooble oo lagu sheegay “in laga reebay xukuumadda iyo hay’adaha dowladda inay galaan is-afgarad ama wadahadallo saameynaya mustaqbalka dalka, madaxbannaanida qaranka, seeraha dhuleed iyo badeed ee dalka, iyo ganacsi lala galo dowlado kale inta doorashooyinka dalka lagu guda jiro.”

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Farmaajo ugu jawaabay una sheegay in awoodaha fulinta dalka ay leedahay xukuumadda, ayna la wareegtay xilli aad u adkaa oo Soomaaliya ay wajahaysay xiisado gudaha iyo dibadda ah, kuwaas oo keenay in lagu sigto in dalku uu ku noqdo burbur iyo colaado sokeeye.

Rooble ayaa kadib markii uu tegay Kenya muujiyey in khilaafka laga heshiiyey, isaga oo kulan uu la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ku yiri “Doqontu halkii laga dagaal un bey ogeyd.”

Si kastaba, waxaa hadda muuqata in khilaafkaas aan weli xal laga gaarin, islamarkaana ay suurta-gal tahay inuu kasii daray, kadib markii tallaabooyin uu qaaday Rooble ay muujiyeen heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka kala dhaxeeya Farmaajo.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa fiidnimadii Khamiistii ka baaqday oo aan qeyb galin casho sharaf uu madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday u sameeyey mas’uuliyiinta Turkishka ee ku sugan Muqdisho, xilli loo dabaal-degayey sannad-guuradii 10-aad ee kasoo wareegtay iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga. 

Rooble oo safar uu ku aaday dalka Masar kasoo noqday subaxnimadii Khamiista ayaa, sida aan xogta ku helnay, iska diiday inuu ka qeybgalo xafladda sababo loo maleenayo inay xiriir la leedahay khilaafkii soo kala dhex galay labada mas’uul.

Sidoo kale, ra’iisul wasaare Rooble ayaa ogolaaday habraac doorasho oo gadaal ay ka riixayaan madaxda mamaul goboleedyada oo la laga soo saaray shirka Muqdisho.

Habraacan oo la xiriira doorashada xildhibaanada golaha shacabka, ayey madax goboleedyada ay isku siiyeen awoodda maamulka doorashada, kalana wareegaan guddiga doorashada heer federal.

Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa lagu warramay inuu dagaalka uu Farmaajo kula jiro dartiis uu u ogolaaday habraacan, si loo beegsado awoodaha fulineed ee guddiga doorashada heer federaal.

Rooble ayaa mar horeba awood tiray guddiga doorashada markii uu sameeyey guddi kale oo xafiiskiisa ka dhisan oo qaabilsan raadinta dhaqaalaha doorashada, taasi oo aheyd shaqadii guddiga doorashad heer federal.

Madax goboleedyada qaarkood ayaa ku dooday in guddiga heer federal badankiis ay yihiin kuwa ku xiran madaxweyne Farmaajo, sidaas darteedna ay tahay sababta ay u doonayaan in maamul goboleedya la siiyo awood dheeri ah, si looga hortago in Villa Somalia ay musuq-maasuqdo doorashada Golaha Shacabka.

Sidaas darteed, si uu Farmaajo u beegsado ayuu Rooble ogolaaday habraacan, taasi oo dhabarjab ku noqon doonta qorshaha doorasho ee Farmaajo. 

Dhacdooyinkan ayaa muujinaya xiriirka sii xumaanaya ee Farmaajo iyo Rooble, xitaa iyadoo dalku isku diyaarinayo qabashada cod-bixinta baarlamaanka, waxayna tani saameyn ku yeelan kartaa rajada dib u doorasho ee Farmaajo.

Habraaca doorashada oo soo nooleeyay arrin halis ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wadatashiga Qaran ayaa Axaddi war-murtiyeed kasoo baxay waxaa lagu shaaciyey habraac cusub oo doorasho, kaasi oo wax ka bedel loogu sameeyay habraacii hore ee doorashada Golaha Shacabka.

Habraaca la soo saaray ayaa dhigaya in Ergooyinka doorashada ee dooranaya Golaha Shacabka ay soo xulaan duubabka, nabadoonada ka diiwaan gashan xukuumadda iyo Bulshada rayidka, taasi oo ay hubinayaan guddiga doorashada heer Dowlad ee heer federaal.

Sidoo kale waxa uu dhigayaa in kooramka codbixinta ergada uu ansax noqon karo marka ay joogaan ugu yaraan seddax meelood laba meel oo ergo ah, taasi oo ah in 101-da xubnood ee Ergada ah 67-qof oo ka mid ah ay soo dooran karaan xildhibaanka, iyadoo laga kaaftoomi karo 34-ka qof ee kale.

Habraaca uu soo saaray Golaha Wadatashiga Qaran ayaa dhaliyey khilaaf cusub oo doorasho, waxaana si adag uga horyimid Midowga Musharaxiinta, Ururada Bulshada Rayidka iyo Golaha Siyaasiyiinta ee garabka Cabdi Xaashi.

Waxaa la rumeysan yahay in habraaca doorasho ee ay ku heshiiyeen Rooble iyo saaxiibadiisa dowlad goboleedyada uu markale dib u soo nooleeyay is-aamin daradii kal hore ka dhalatay khilaafkii siyaasadeed ee keentay dib u dhaca doorashooyinka dalka, taasi oo la dhayey markii hoggaanka doorashada laga wareejiyey Farmaajo

Hase yeeshee, ayada oo aad loogu dhaliilay madaxweyne Farmaajo inuu boobayo doorashada, ayaa hadda oo uu meesha ka baxay, waxaa booskiisa buuxiyey Rooble iyo madax goboleedyada oo markooda billaabay inay doorashada afgambiyaan.

Go’aanka ay xubnahan qaateen ayaa ka dhigan in doorashada golaha shacabka ay noqon doonto mid la mid ah tii Aqalka Sare, oo xildhibaanada ay ku iman doonaan magacaabis loo ekeysiiyey doorasho.

Tani waxay meesha ka saareysaa rajadii laga qabay doorasho xor iyo xalaal ah, waxayna si isku mid ah shaki iyo niyad jab u gelisay shacabka, siyaasiyiinta iyo beesha caalamka, taasi oo ugu dambeyn horseedi karta khilaaf cusub oo ragaadiya, dibna usii dhiga doorashada.

Rooble ayaa tan iyo markii uu la wareegay arrimaha doorashada iyo amaankeeda loo arkayey in meesha ka baxday is aamin daradii ka dhalatay hogaamintii Farmaajo ee arrimaha doorashada, wallow ay markale u muuqato inay dib u istaadhmatay, taasi oo dheereyn karta waqtiga doorashada

Garabka Cabdi Xaashi oo caddeeyay mowqifkooda ku aadan habraaca doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Siyaasiyiinta Somaliland ee uu hogaamiyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa shaaciyey mowqifkooda ku aadan habraacyada doorashada ee lagu soo saaray shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka, kuwaasi oo qoddobo kamid ah ka horyimaadeen.

Qoraal kasoo baxay Garabka Cabdi Xaashi ayaa ugu horeyntii lagu soo dhaweeyay in doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland la waafajiyey habraacyadii 2016-kii, islamarkaana ka go’aan gaaristeeda loo daayey hogaamiyeyaasha siyaasada iyo dhaqanka gobolada Waqooyi.

“Golaha Siyaasiyiinta Somaliland ee uu hogaanka u yahay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi wuxuu si dhow ula socday shirarka Madasha Wadatashiga Qaranku ku leeyihiin magaalada Muqdisho iyo Habraacyadii doorashada ee kasoo baxay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Garabka Cabdi Xaashi ayaa yiri “Waxaa Madasha Wadatashiga Qaranka iyo dhamaan daneeyayaasha kale ee doorashada u caddeynaynaa in aanan raali ka aheyn qaabka ay madashu u wajahday xulista ergada iyo cidda hageysa habraacyada iyo maamulka doorashada Somaliland.”

Garabka Cabdi Xaashi ayaa sheegay inay habraacan ku diideen saddex qodob oo ka mid ah:-

1- Gudiga Doorashada Somaliland ee SEIT wuxuu u kala qaybsan yahay laba dhinac oo leh laba gudoon, sidaas darteed iyada oo aan la xallin oo la mideyn guddoonka Guddiga ma dhici karto doorashada Aqalka Sare iyo tan Golaha Shacabka toona.

2- Doorashada Golaha shacabka ee Somaliland waxaa saldhig u ah odayada dhaqanka ee ku jira 135-ka oday, sida xulista ergada iyo astaynta qoondada kuraasta haweenka iyagoo la tashanaya cuqaasha iyo nabadoonada jifada kursiga iska iska leh.

3- Sidii aan marar badan hore u caddeynay, hirgelinta habraacyada iyo maamulka doorashada waxaa hagaya hogaanka siyaasiyiinta ka soojeeda Somaliland oo isu dhan si waafaqsan habraacii doorashadii 2016 kii. Sidaa awgeed, xafiiska Ra’iisul Wasaare xaq uma lahan in uu kuraasta Somalialnd iyo kuwa Banaadiriga u maamulo si ka duwan sida uu u maamulayo doorashada guud ee Dalka.

Ugu dambeyntiina qoraalka kasoo baxay Golaha ayaa lagu sheegay in xafiiska ra’iisul wasaaraha uu xaq u laheyn inuu kuraasta Somaliland iyo kuwa Banaadiriga u maamulo si ka duwan doorashada guud ee dalka.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka

TAALIBAAN oo ka digtay qorshe lama filaan ah oo uu Mareykanka damacsan yahay

Kabul (Caasimada Online) – Taalibaan ayaa ka digtay inuu jiri doono “cawaaqib” haddii Mareykanka iyo xulafadiisa ay baaqi kusii ahaadaan Afghanistan wax ka baxsan toddobaadka soo socda, xilli Washington ay kordhisay dadaalka ay dalkaas uga daadgureyneyeso kumanaanka qof.

Kumanaan askari oo Mareykan ah ayaa dalkaas gaaray, si ay gacan u gaystaan daadgureynta ajaaniibta iyo Afgaaniyiinta Mareykanka la shaqeyn jiray.

Hase yeeshee ayada oo waqtigu gabaabsi yahay, ayaa waxaa cadaadis xooggan lagu saarayaa madaxweyne Joe Biden inuu kordhiyo waqtiga kama dambeysta ee ay tahay inay dalkaas uga baxaan, oo ah 31-ka August.

Si kastaba, Taalibaan ayaa muujineysa inaysan diyaar u aheyn inay tanaasul sameyso.

Afhayeenka kooxdaas Suhail Shaheen ayaa u sheegay taleefishinika Sky News in joogitaan kasta oo militari shisheeye oo ka baxsan waqtiga lagu heshiiyey ay noqon doonto “dheereynta haysashada” dalka.

“Haddii Mareykanka iyo UK ay doonayaan waqti dheeri ah oo ay kusii wadaan daadgureynta – jawaabta waa maya.. waxaa jiri doona cawaaqib,” ayuu yiri Shaheen.

Taalibaan ayaa hadda ka shaqeyneysa dhismaha dowlad cusub, hase yeeshee laba il-wareed oo ka tirsan kooxda ayaa AFP u sheegay inaan lagu dhawaaqi doonin golaha wasiirada, illaa askariga ugu dambeeya ee Mareykanka uu ka tago Afghanistan.

Orodka loogu jiro ka tagista Kabul ayaa garoonka diyaaradaha Hamid Karzai ka abuurtay qalaalaase iyo muuqaallo argagax leh, ayada oo ay ku dhinteen ugu yaraan sideed qof.

AFP + VOA

Sida ay guddiga cusub u kala qeybsadeen golaha wada-tashiga iyo musharaxiinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga wadajir ah oo kala metalaya golaha wada-tashiga qaran iyo midowga musharixiinta ayaa lagu dhowaaqay, kadib markii xalay labada dhinac ay kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay doorashooyinka.

Guddigan ayaa ka kooban illaa lix xubnood oo ka kala socda labada dhinaca, waxayna kala yihiin madaxweynayaasha Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni), Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), halka musharixiinta mucaaradka ay guddiga ku metalayaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Daahir Maxamuud Geelle.

Ujeedka loo aas aasay guddigan ayaa ah sidii turxaan bixin loogu sameyn qodobada ay cabashada ka keeneen musharixiinta ee ku jira habraaca lasoo saaray ee doorashada.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo la hadlay BBC-da ayaa shaaca ka qaaday ayaa ka warbixiyey shaqada guddigan & kulankii u dhexeeyey labada dhinac ee qabsoomay.

“Fariimo nooga yimid Golaha wadatashiga qaran ayaan ula fadhiisan Madaxda Dowlad-Goboleedyada, kaddib waxaa nagu soo biiray Ra’iisul Wasaaraha oo aan kawada hadalnay turxaan bixinta cabashooyinka aan ka qabnay habraaca doorashooyinka, ” ayuu yiri.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa intaasi ku sii daray “Meelaha sida gaarka ah aan u tilmaamnay ee cabashadu ka taagan tahay waa qaabka xulista odayaasha dhaqanka, ergooyinka, lacagta diiwaangelinta, Bulshada rayidka kaalinta ay ka qaadanayaan, hubinta ergooyinka iyo qodobo kale oo culeys uu ka jiro”.

Xubnaha labada dhinac ee guddiga ayaa isla maanta kulmaya, iyaga oo guda-galayo dadaallada lagu doonayo in xal looga gaaro tabashada midowga musharixiinta oo ka horjeestay qodobadkii kasoo baxay shirkii wada-tashiga ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba, is qab-qabsiga u dhexeeya mucaaradka iyo golaha wada-tashiga qaran ayaa ku soo beegmaya, xilli xasaasi ah oo la guda-galayo doorashada xubnaha golaha shacabka.

Waa kuwan shanta qodob ee lagu inqilaabay doorashada dalka ee carada dhaliyey

Shirkii ay Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya ku yeesheen magaalada Muqdisho, 21-kii iyo 22-kii bishan, waxa ay ku heshiiyeen hab raaca doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ee soo aaddan.

Shirkaas ayey madaxda ku sheegeen in ay ku dhammaystirayaan go’aannadii midkii ay yeesheen 29-kii bishii June. Waxay sheegeen in kullankan ugu dambeeyay uu yahay mid ay si gaar ah ugu dhammaystirayaan habraacyada doorashada.

Arrimaha ay madaxdii shirtay ka wadahadleen waxaa ka mid ahaa, habraacyada dhiirrigelinta daahfurnaanta, maamulka maaliyadda, xulista ergada, amniga doorashada iyo habraaca ilaalinta qoondada haweenka.

Sidoo kale waxay madaxda isla soo qaadeen in habraaca doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ee Somaliland xal laga gaaro.

Haddaba qodobadii ay madaxda ku heshiiyeen waxaa ka mid ah dhowr arrimood oo guux badan ka dhex abuuray qaar ka mid ah musharraxiinta xilka madaxtinimada Soomaaliya u loolamaya, kuwa u tartamaya Golaha Shacabka iyo odayaashii soo xuli lahaa ergada xildhibaannada cusub soo dooranaysa.

1 – Xulista ergooyinka doorashada iyo kooramka

Madaxda Golaha Wadatashiga waxa ay isku raaceen in ergada doorashada ee 101-da ah ee dooranaya xildhibaannad Golaha Shacabka, ay soo xuli doonaan odayaasha dhaqanka ee ka diiwan gashan dowlad-goboleedyada iyo bulshada rayidka ah, iyadoo ugu dambayntana ay hubin doonaan Guddiga Doorashada ee heer dowlad goboleed.

Arrintaas waxay meesha ka saaraysa dowrka odayaashii 135-ta ahaa ee ka diiwaangashanaa heer federaal kuwaas oo udub dhexaad u ahaa doorashadii Soomaaliya ee middan ka horraysay.

Qodobka kale ee doodda dhaliyay waa in xubnaha bulshada rayidka ee ka mid noqonaya ergada ay soo xuli doonaan Guddiga Doorashada ee heer maamul goboleed, arrintaas oo dadka heshiiska naqdinaya ay ku doodayaan in maamul goboleedyada ay ku takri fali karaan awooddaas.

Haweenka ayaa loo asteeyay in ugu yaraan 30% ay ka noqdaan ergada, halka ergada Banaadiriga iyo Somaliland ee ka codeynaya Muqdisho ay soo xulayaan odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ee la isla ogolyahay.

Ergadaas waxaa ugu dambeyn hubinaya guddiga maamulka doorashada Somaliland iyo Banaadiriga, halka xafiiska Ra’iisal Wasaaraha uu kor joogtaynayo qodobkaas.

Qodobka kale ee doodda dhaliyay waxaa midka la xiriira kooramka codbixinta ergada oo ay madaxda ku sheegeen inuu ansax ku noqonayo marka ay joogaan ugu yaraan saddex meelood labo meel (2/3) ka mid ah ergada.

Arrintaas waxaa dood ka muujiyay qaar ka mid ah jifooyinka wadaaga kuraasta, iyagoo sheegay in “ciddii aanan hannaanka ku qanacsanayn si fudud loogaga tegi karo.”

2 – Amniga doorashada iyo kaalinta sirdoonka maamul goboleedyada

Sida ku cad heshiiska ka soo baxay shirkii labada maalmood u socday madaxda maamul goboleedyada iyo Ra’iisul Wasaare Rooble; waxay ku isla qaateen in la diyaariyo ciidan u gaar ah amniga doorashada ee dhammaan goobaha ay ka dhacayso, iyadoo guddiga amniga doorashada ay tahay in uu diyaariyo qorshaha hawlgalka lyo miisaaniyadda amniga doorashada.

Guddigu wuxuu qaadayaa khidmada warqada dambi la’aanta ee musharaxiinta iyo ergada, iyadoo musharrax kasta ay tahay inuu bixiyo $750, halka musharixiinta dumarka ah ay bixin doonaan kala bar kharashkaasi.

Sidoo kale, khidmada warqada dambi la’aanta ee ergada waxaa looga qaadayaa $30 qof kasta.

Ciidammada maamul goboleedyada ayaa baari doono musharraxiinta iyo ergada, halkaas oo ciddii ay u gartaan in aanay dambi lahayn ay siin doonaan shahaado caddeyneysa, halka ciddii ay u arkaan in ay dambi gashayna ay awood u leeyihiin in ay liiska ka reebaan doorashada ama ergada ka reebaan.

Arrintaas waxaa walaac ka muujiyay qaar ka mid ah musharraxiinta xilalka kala duwan u orday.

Waxa ay ku doodayaan in aanay caddayn sida lagu xaqiijin karo in qofkan uu dambi galay iyo inkale, halka dadka qaar ay ku doodayaan in dadka qaar loo bartilmaameedsan doono arragtiyihii ay madaxda maamulka gobolka ka qabeen.

3 – Maamulka dhaqaalaha doorashada

Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya ayaa ku heshiiyay in ay dhisaan guddiga maamul dhaqaalaha doorashada oo ka kooban heer federaal, heer maamul goboleed iyo xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Heshiiska waxa uu dhigayaa in la furo hal xisbaab bangiyeed oo guddigaas uu leeyahay, iyagoo dejin doono qoondada kharashaadka doorashada ee heer maamul goboleed.

Arrintaas oo qaar ka mid ah dadka naqdiyada siyaasadda Soomaaliya ay ka digayaan in kharashka doorashada loo adeegsado si aan habboonayn amaba lagu takri falo.

4 – Kaalinta guddiga doorashada heer Federaal

Sida ku cad heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya, Guddiga doorashada ee heer federaal ayaa u muuqdo in dhinaca lagaliyay.

Heshiiska soo baxay xalay kuma cadda dowrka guddiga heer qaran, waxaana lagu koobay kor joogtayn iyo bixinta shahaadada heer federaal ee xildhibaanka la soo doorto oo keli ah, iyadoon meelnaba aanan looga sheegin kaalinta ay ka qaadanayaan xulista ergada iyo doorashada xildhibaannada.

Dhawaan ayey aheyd markii guddigaasi uu soo saaray habraaca doorashada Golaha Shacabka, taas oo ay ku caddayd in odayaasha dhaqanka ee 135-ta ah ay leeyihiin awoodda soo xulista ergada doorashada, middaas oo ay ka hor yimaadeen qaar ka mid ah isla guddigaasi.

Golaha Wadatashiga Qaran ee ka kooban Ra’iisul Wasaare Rooble, madaxda maamullada iyo Gobolka banaadir, waxay u muuqdaan in ay habraacaasi iska indha tireen, ayna mid hor leh oo u gaar ah keeneen.

Illaa haddana wax war ah kama soo bixin gudoonka guddiga doorashada ee heer qaran.

5 – Awoodda la siiyay madaxda maamul goboleedyada

Markii si dhaw loo darso heshiiska ay magaalada Muqdisho ku gaareen Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya, waxaa soo baxaysa in inta badan qodobadda heshiiskaasi uu awoodda doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka, gacanta u galiyay madaxda maamul goboleedyada.

Qodobbada sida wayn loo soo qaadayo waxaa ka mid ah in madaxda maamul goboleedyada ay leeyihiin awoodda soo xulista bulshada rayidka ah, iyo in odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergada kale ay yihiin kuwa u diiwaangashan maamul goboleedyada, arrintaas oo ay saamayn badan ku yeelan karaan.

Ammaanka doorashada iyo baaritaanka ergada iyo musharraxiinta ayaa ah qodob kale oo madaxda maamul goboleedyada ay awood u leeyihiin gacan ku hayntiisa.

Waxaa kale oo qeyb ay ka yihiin maamulka miisaaniyadda doorasshada ay awood ku leeyihiin.

6 – Aragtida Midowga Musharrixiinta

Midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay heshiiska ay Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya ku gaareen magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeed ka soo baxay golaha Midowga Musharrixiinta oo Muqdisho ku shiray waxay sheegeen in ay diidayaan habraaca la soo saaray ee shirkii Muqdisho uga socday madaxda ay kaga heshiiyeen.

Qoraalka waxaa lagu yiri: “Goluhu wuxuu si adag u diidayaa habraacii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran ee ku aaddan doorashooyinka mudanayaasha Golaha Shacabka, gaar ahaan qodobbada la xariira Oday dhaqameedka, magacaabista bulshada rayadka ah, xulista, xaqiijinta, dabagalka iyo diiwan gelinta ergooyinka oo dhamaantood gacanta loo geliyey madaxda dawlad Goboleedyada.”

“Goluhu wuxuu u arkaa habraaca doorashooyinka Golaha Shacabka ee ka soo baxay Golaha Watashiga in uu khilaafsan yahay dastuurka dalka iyo heshiiskii 27 Maajo oo dhigaya in doorashooyinka ay ku dhacaan si cadaalad ah, xor iyo xalaalna ah.”

Isha: BBC Somali

Xog: DF oo XAMAR keentay SARAAKIISHA hoggaamisa ciidanka Janan + Qorshaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo amni oo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda Soomaaliya ay magaalada Muqdisho keentay saraakiiahii hogaamineysay ciidamada Cabdrashiid Xasan Cabdinuur Janan. 

Saraakiisha Muqdisho la keenay ayaa waxaa kamid ah Rashiid Bool, Cali Xasan Deer iyo saraakiil kale, waxaana tiradooda lagu sheegay 16 Sarkaal oo muhiim u ahaa howlgalka Cabdirashiid Janan. 

Saraakiishaan oo laga soo dejiyay garoonka Aadan Cadde ayaa lagu xareeyay xero Nac-Nac, waxaana la sheegay in dhowaan u bilaaban doono tababaro Sarkaalnimo, sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo ka tirsan Milatariga Soomaaliya. 

Saraakiishaan laga soo dejiyay Muqdisho ayaa la sheegay in ay ku soo baxaan ammar uu Muqdisho ka bixiyay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhacay ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana sidoo kale la filayaa in ay la kulmaan dhowaan. 

Wasiirkii hore ee amniga ee maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa hore heshiis ula galay dowladda Soomaaliya inkastoo uu maalmo ka hor uu ka soo muuqday dhinaca mucaaradka, isagoo sheegay in uu yahay Murashax Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in khilaaf soo kala dhex-galay Villa Somalia iyo wasiir Janan uu sabab u ahaa in uu ka baxsado Villa Somalia oo ku heysay cadaadis badan.

Khilaafka ayaa la sheegay inuu ka dhashay ballamo dhowr ah oo looga baxay Janan, kuwaas oo loo sameeyey markii uu kasoo goostay dhanka Jubaland, ayada oo ay sii dheer tahay in cadaadis iyo xanibaado badan uu la kulmay.

Cabdirisaaq Maxamed oo xukun dheer lagu ridayey kadib markii uu $400,000…

0

Muqdisho (Caasmada Online) – Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun 15-sano oo xabsi ciidan ah ku ridday nin lagu eedeeyay kala gudbinta lacagta, kamid noqoshada Al-Shabaab iyo Daacish.

Ninkan oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale ayaa loo haystaa kamid ahaanshiyaha Al-shabaab iyo Daacish oo uu ka tirsanaa tan iyo sanadkii 2008.

Tababarkiisii ugu horreeyay waxa uu ku soo qaatay magaalada Jilib, isaga oo qayb ka ahaa Jabhado weerar ku soo qaaday magaalada Muqdisho, billowgii dowladdii kumeel gaarka ahayd, xilligaas oo uu ku dhaawacmay dagaalladii Xamar ku dhex maray dowladda iyo Al-Shabaab.

Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale ayaa sanadkii 2016-kii u goostay kooxda Daacish, waxuuna xiriirka kooxda ka helay Bilaal Suudaani oo ay mar kawada tirsanaayeen Al-Shabaab, sida lagu sheegay warka kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa shaqadii ugu dambeysay ee uu hayay Cabdirisaaq Maxamed Cabdi ku sheegtay in Daacish uu wakiil uga ahaa kala gudbinta lacagaha.

Sanadihii 2019-2020, Xafiiska Xeer ilaalinta waxa uu Cabdirisaaq ku eedeeyay in uu xawilay lacag dhan $400,000, sidoo kale xafiisku waxa uu tilmaamay in uu hayo caddeymo muujinaya lacagtaas qaar kamid ah dalka laga saaray oo loo diray Koofur Afrika.

Ciidamada Hay’adda Nabadsgida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale bishii Maarso 2021 ku qabtay Eedeysanaha 19-kun oo dollarka Maraykanka ah.

Ugu dambeyn Maxkamadda CQS ayaa sheegtay in dambi aanay ahayn lacagtaas lagu waayay, sidaas awgeed Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale ay ku xukuntay xabsi ciidan oo dhan 15-sano, 30-cishana uu rafcaan ku qaadan karo.

Maxay ka wada-hadleen golaha wada-tashiga qaran iyo xubnaha beesha caalamka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha wadatashiga qaran ayaa maanta kulan ballaaran la yeeshay safiirada beesha caalamka ee fadhigooda yahay magaalada Muqdisho, kaas oo ka dhacay teendhada Afisyoone oo ku taal Xalane.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyada oo ay goobjoog ahaayeen madaxda maamul goboleedyada iyo duqa magaalada Muqdisho.

Intiisa badan waxaa shirkan diiradda lagu saaray dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan mid golaha shacabka ee la filayo in dhowaan la qabto.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday taageerada beesha caalamka ee ku aadan dhaqaalaha ku baxay hirgelinta doorashooyinka dalka.

Golaha wada-tashiga qaran ayaa sidoo kale wakiilada beesha caalamka la wadaagay warbixin ku aadan xaaladda dalka iyo waxyaabaha uga qabsoomay doorashooyinka.

Kulankan ayaa qeyb ka noqonayo wada-hadallo is-daba joog ah oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey caasimada, kuwaas oo diiradda lagu saarayey doorashooyinka, waxaana ugu dambeeyey midkii ay xalay yeesheen golaha wada-tashiga qaran & midowga musharixiinta.

Si kastaba doorashada Soomaaliya oo marxalado kala duwan soo martay ayaa haatan mareysa meel xasaasi ah, iyada oo la guda-galayo mida golaha shacabka Soomaaliya.

 

Al-Shabaab oo weerar ku bilowday is-miidaamin ku qaaday deegaanka Camaara

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilowday qarax is-miidaamin ah oo saaka aroortii hore dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Camaara ee gobolka koonfurta gobolka Mudug.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa daaraawiishta Galmudug ee ku sugnaa deegaanka la weeraray oo ah mid istaraatiiji ah.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay khasaaro lixaad leh gaarsiiyeen dagaalyanada kooxda Al-Shabaab ee soo weeraray, isla-markaana ay iska difaaceen weerarka lagu soo qaaday, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa iyana guullo ka sheegatay weerarkan iyo dagaalka xigay, waxaana ay shaacisay inay la wareegtay gacan ku heynta deegaanka Camaara.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa shaacisay ina qabsatay 14 gaari oo 12 ka mid ah ay yihiin Tikniko, halka labada kale ay yihiin BG xamuul ah iyo booyad, sida ay hadalka u dhigtay.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa koonfura gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale waxaa soo wajahay cabsi xoogan, maadaama lagu kor dagaalamayo, markastana ay suuragal tahay inay dib isugu rogaal celiyaan labada dhinac.

Camaara ayaa ka mid ah deegaanadii ugu dambeeyey ee ay la wareegeen ciidamada huwanta ee howl-gallada ka wada deegaanada maamulka Galmudug.

Somaliland: Mas’uul soo jeediyey in waajib laga dhigo guursiga 3 xaas + Sababta

Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Yaasiin oo kamid ah mudaneyaasha cusub ee golaha wakiilada Somaliland ayaa guddoonka golaha ka dalbaday in la waajibiyo guursashada saddex xaas, islamarkaana lagu daro xeer hoosaadka golaha wakiilada Somaliland.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xiligan soo jeedintiisa ay ku kooban tahay xildhibaanada Golaha Wakiilada, oo uu sheegay inuu ku filan yahay mushaarkooda, ayna horseed u noqon karaan bulshada kale ee reer Somaliland.

“Waxaa doonayaa in xeer hoosaadka waajib laga dhigo qoddob ah in Mudane kasta oo halkan fadhiya uu yeesho Saddex Xaas, maadama uu ku filan yahay mushaarkiisa,” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Yaasiin.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay tusaale u noqonayaan ganacsatada iyo dadka dhaqaalaha haysta haddii ay xildhibaannadu sameystaan xaasas badan, midaasi oo ka qayb qaadanaysa xoojinta xaga taranka bulshada.

Axmed Yaasiin ayaa doodiisa u weyni tahay in mushaarka iyo gunnada ay qaataan xildhibaannadu ay ku filan yihiin, taasina ay u sahalayso guur-sashada haween badan.

Soo jeedinta Xildhibaanka ayaa hadal hayn badan ka dhalisay baraha bulshada, ayada oo dadka si kala duwan uga fal-celiyeen arrintaas oo haddii xeer hoosaadka golaha lagu daro, sahli karta in lasoo saaro sharci weyn oo jideynaya arrintaas.

SOMALILAND oo wax lala yaabo ku tilmaamtay eedeynta wariye Cabdimaali Coldoon

Muqdisho (Caasimada Oline) – Wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa markii ugu horreysay si adag uga hadashay dhaliilaha iyo eedeymaha loo jeedinayo shabakadda dugsiyada ee Abaarso iyo jaamacadda Barwaaqo oo maalmihii dambe cirka isku shareertay.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland, Muane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo wariyeyaasha kula hadlay gudaha magaalada Hargeysa ayaa ka horyimid eedeymaha Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ee ka dhanka ah macalimiinta dugsiyada Abaarso iyo  jaamacadda gabdhaha ee Barwaaqo, isagoo eedeymhaas waxba kama jiraan ku tilmaamay.

Sidoo kale wasiir Toorno ayaa xusay in cadeyn rasmi ah looga baahan yahay ciddii tiri Diin kale ayaa lagu dhigaa dugsiyada Abaarso.

“Diinta, dalka iyo dad nimada midna iib ma galo, isku riix riix iyo isku ceebayna ma galo, isagay u taala ninkii mucaarad nimo iyo hebel ku xumee u isticmaalaya, ninka leh diin kale ayaa Somaliland lagu dhigaa isaga ayaa caddayn teedi laga rabaa” ayuu yiri wasiir Toorno.

Wasiirka waxbarashada Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in dugsiyada Somaliland aan lagu dhigan Diin aan aheyn tan Islaanka, wuxuuna wax lala yaabo ku tilmaamay eedeymaha culus ee uu soo jeediyey Wariye Cabdimaalik Coldoon.

“Waxan doonayaa in aan halkan bulshada uga caddeeyo dugsiyadeenu in ay yihiin meelo Diinta Islaanka lagu barto, ee anay ahayn meelo diin kale lagu barto, waxa cajiiba inan kaliya ayaa 10 kii sano ee ugu danbeeyay dugsi qudha dusha ka saarnaa” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo ay Somaliland xabsiga dhigtay Wariye Coldoon oo baahiyey warbixino isdaba joog ah, isla-markaana liddi ku ah dugsiyada Abaarso iyo jaamacadda Barwaaqo, waxaana ka mid ah xubnaha uu eedeeyey Joy Isa oo uu sheegay inay tahay Masiixiyad howl Diimeed u timid magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Wararkii ugu dambeeyey xiisadda Hiiraan iyo arrimo cusub oo kusoo kordhay

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxay sheegayaan in wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Jenaraal Mukhtaar Xuseen Afrax oo ku sugan magaadaas uu galabta kulan gaar ah la qaatay Ugaaska beesha Xawaade, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.

Wasiir Mukhtaar ayaa Ugaaska kala hadlay xal u helidda xiisadda ka laloosan gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada Beledweyne, si looga baaqsado isku dhacyo ka dhasha xiisadda siyaasadeed ee ka jirta deegaanka, taas oo salka ku heysa diidmo maamul oo ka dhan ah hoggaanka HirShabeelle.

Ilo ku dhaw kulankaas ayaa Caasimada Online u sheegay in ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan uu wasiir Mukhtaar ka dalbaday in dowladda federaalka ay soo faro-galiso muranka maamul ee ka jira magaalada Beledweyne, si looga gudbo wax walba oo caqabad iyo dib u dhac u keeni kara shacabka reer Hiiraan.

Dhankiisa wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Jenaraal Mukhtaar ayaa la sheegay inuu Ugaaska Xawaadle ka balan qaaday in dowladda dhexe ay ka shaqeyn doonto sidii loo qaboojin lahaa xiisada ka taagan magaalada Baledweyne, isla markaana ay ka shaqeyn doonaan sidii loo qancin lahaa cid kasta oo tabasho qabta.

Kulankii ay galabta Beledweyne ku yeesheen Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Jeneraal Mukhtaar iyo Ugaaska Xawaadle ayaa dhacay saacado kadib markii Ugaas Yuusuf oo kaashanaya waxgaradka deegaanka uu ku guuleystay dejinta xiisadii ka dhalatay ciidankii gadoodsanaa ee xalay la wareegay magaalada.

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee magaalada Baledweyne oo maanta warbaahinta la haday ayaa sheegay in iyagoo kaashanaya  Ugaaska Beesha Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ay ku guuleysteen dajinta xaaladii kacsaneyd ee ka jirtay magaalada Baledweyne, kadib markii ay xalay la wareegeen ciidamo ka tirsan militeriga Soomaaliya oo gadoodsan iyo cidanka Jeneraal Xuud.

“Waxaa shaki inooga jiraa in Hiiraan ay ka mid tahay gobollada Soomaalida, sababtoo ah madaxda dowladda way arkaan waxa ka jira Hiiraan, mana soo faragaliyaan, Ra’iisul wasaare Roobloow maxaa kaga soo uray Hiiraan? Waqooyi waad inoo dhaaftay. Koofur waad inoo dhaaftay, Dhuusamareeb waad tagtay, Baydhaba waa tagtay, Gedo waa tagtay oo Kismaayo waa tagtay, ee maxaad Baledweyne u imaan la’dahay, Rooblow waxaan kugu baaqaynaa inaad si deg deg ah u soo faragaliso arrinta Hiiraan, oo aadan indhaha ka fiirsan,” ayuu yiri Nabadoon Maxamed Cabdi Raaxooy oo u hadlay odayaasha reer Beledweyne.

Kulankii musharaxiinta iyo madax goboleedyada oo laba qodob la isku raacay (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasmada Online) – Madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa caawa kulan gaar ah Muqdisho kula yeeshay Golaha Midowga Musharaxiinta oo ka horyimid habraacyadii doorashada ee shalay kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga qaranka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulanka ayaa waxaa looga hadlay habraacyadii ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka iyo diidmadii Midowga Musharaxiinta ay ku wajaheen, kadib markii ay soo ifbaxday in awooda ugu weyn ee doorashada ay gacanta u gelayso madaxda dowlad goboleedyada.

Sida aan xogta ku heleyno kulankii caawa ayaa ahaa mid adag oo musharaxiintu ay diidmadooda ugu gudbiyeen madaxda dowlad goboleedyada go’aanka ay ka qaateen habraacyada looga heshiiyey doorashada.

Dood dheer kadib, Golaha Midowga Musharaxiinta iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa Isku raacay:-

1- In qodobada doodda laga keenay ee habraaca doorashada loo xil-saaray guddi soo turxaan bixiya.

2- Inay sii socdaan kulamada looga hadlayo arrintaan, si xal looga gaaro tabashooyinka ay qabaan musharaxiinta diidan habraacyadii awooda doorashada u gacan geliyey madaxda dowlad goboleedyada.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa la sheegay in kulankaan ay dalbadeen, kadib markii golaha Midowga Musharaxiinta ay maanta qoraal ka soo saareen habraacyadii lagu heshiiyey ee doorashada.

Kulankaas kadib Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa caawa casho sharaf ku casuumay Ra’iisul Wasaare Rooble, madaxd dowlad goboleedyada iyo xubnaha midowga musharaxiinta.

Kulankaan cashada ahaa ee ka dhacay hoyga uu Qoor Qoor ka degan yahay Muqdisho ayaa dhinacyada fursad u siiyay inay isla qaadaa-dhigaan go’aanadii ka soo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga oo Musharaxiintu ay qaadaceen.

Habraacyadii ay shalay soo sareen Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa daaha ka rogay inay si rasmi ah ula wareegeen awooda doorashada xildhibaanada golaha shacabka, kaasi oo ku jiro qodobo u sahlaya inay gacanta ku dhigaan ergada wax dooraneysa.

Doorashada xildhibaanada golaha shacabka ayaa sida ku cad heshiisyadii hore iyo habraacii uu dhawaan soo saaray guddiga doorashada ee heer federaal waxay dhigayaan in awooda ugu badan ee doorashada xubnaha golaha shacabka ay leeyihiin qabaa’ilka kursiga iska leh.

Noqol ka mid ah habraaca looga heshiiyey soo xulidda Ergada waxaa looga hadlay qaabka cod-bixinta ergada iyo inta uu kooramkoodu ku buuxsami karo, waxaana lagu yiri, “Kooramka codbixinta ergada waxa uu ansax noqonayaa marka ay joogaan ugu yaraan seddax meelood laba meel oo ergo ah.”

Qodobkaan ayaa cadeynaya in 101-da xubnood ee Ergada ah 67-qof oo ka mid ah ay soo dooran karaan xildhibaanka, iyadoo laga kaaftoomi karo 34-ka qof ee kale, waana midda ay diidan yihiin mucaaradku, kadib cabsi la xiriirta in goobta doorashada laga hor istaago ergada inta aysan rabin oo codkooda aysan ku kalsooneyn, maadama uu heshiiskaan u ogolaanayo inay ka maarmaan ugu yaraan 30 ka mid ah ergada soo dooraneysa halkii kursi.