25.9 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Dagaalyahanada Taalibaan oo hareereeyey maleeshiyada uu hoggaamiyo Massoud

Kabul (Caasimada Online) – Taalibaan ayaa maanta sheegtay inay dagaal-yahanadeeda ay hareereeyen maleeshiyada muqaawamada ah ee ku sugan Dooxada Panjshir, balse ay doonayaan wada-hadal, intii ay dagaal la gali lahaayeen.

Tan iyo markii Taalibaan ay la wareegtay gacan ku haynta Afghanistan, koox muqaawamo ah oo ka tirsanaa askarta dowladdii hore ayaa isku urursanayey Panjshir, oo waqooyi kaga beegan Kabul, halkaas oo ah meel caan ku ah Taalibaan diidka.

“Dagaal-yahanada waxay saldhigteen agagaarka Panjshir,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujaahid, oo intaas ku daray inay saddex dhinac ka hareereeyen.

“Imaaradda Islaamiga ah waxay isku dayeysaa in si nabad ah loo xaliyo arrintan,” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa imanaya kadib warbixino xalay soo baxay oo sheegayey in ciidanka Taalibaan ay buuxiyeen Dooxada Panjshir oo ah mid ka mid ah meelaha kooban ee Afghanistan oo aysan kooxda gacanta ku hayn, halka madaxweynihii ku-xigeenkii hore ee Afghanistan uu sheegay in weli ay haystaan aagaggooda.

Baraha bulshada ee kooxda iska caabinta ayaa beeniyey warar sheegayey in la durjiyey, waxayna sheegeen in dagaal-yahanadooda ay weerar jidgal ah la heleen Taalibaan.

Ahmed Massoud, oo uu dhalay taliyihii caanka ahaa ee Mujaahidiinta Afghanistan, Ahmed Shah Massoud, ayaa Panjshir ku ururiyey ciidan gaaraya 9,000 oo askari, sida uu AFP u sheegay Ali Maisam Nazary oo ah afhayeen u hadlay kooxdan.

Sawirro ay qaaday AFP ayaa muujinaya dagaal-yahanada kooxda oo dhoola-tus iyo tababar ciidan sameynaya.

Nazary ayaa sheegay in kooxdooda ay dooneyso inay riixaan in Afghanistan laga hirgeliyo nidaam cusub oo dowladeed, balse ay diyaar u yihiin inay dagaalamaan haddii ay lagama maarmaan noqoto.

“Ciidamada dowladda oo ka kala yimid gobolo kala duwan ayaa soo gaaray Panjshir,” ayuu Ahmed Massoud u sheegay warbaahinta Al-Arabiya ee Sacuudiga.

“Taalibaan ma daahi doonto, haddii ay waddadan kusii socoto. Waxaan diyaar u nahay inaan difaacno Afghanistan, waxaana ka digeynaa dhiig daata.”

AFP + VOA

Midowga Musharaxiinta oo diiday habraacii uu soo saaray Golaha Wadatashiga Qaran

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharixiinta ayaa war-murtiyeed kasoo saaray habraacyadii shalay kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka, kaasi oo ay si adag uga horyimaadeen.

Golaha ayaa sheegay in habraacii kasoo baxay Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada uu yahay mid khilaafsan dastuurka dalka iyo heshiiskii 27-Maajo, islamarkaana si toos ah loogu gacan geliyay madaxda dowlad goboleedyada dalka, si lamid ah middii Aqalka Sare.

“Goluhu wuxuu si adag u diidayaa habraacii kasoo baxay Golaha Wadarashiga Qaran ee ku aaddan doorashooyinka mudanayaasha Golaha Shacabka, gaar ahaan qoddobada la xariira Oday dhaqameedka, magacaabista bulshada rayidka, xulista, xaqiijinta, dabagalka iyo diiwaan-gelinta ergooyinka oo dhamaantood gacanta loo geliyay madaxda dowlad goboleedyada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Goluhu wuxuu in muddo ah hortaagna isku daygii uu madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxmed Cabdilaahi Farmaajo ku doonayey in uu doorashooyinka dalka ku boobo. Waxaan suuragal ahayn in Golaha Wadatashiga Qaran ay dhaqankii Farmaajo laga diiday u dabamareeyaan.”

Sidoo kale waxaa qoraalka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta lagu sheegay in habraaca uu soo saaray Golaha Wadatashiga uu dusha sare magac doorasho ka sito, laakiin gudihiisa uu magacaabis toos ah yahay.

“Goluhu wuxuu ka digayaa cawaaqib xumada ka dhalan karta doorasho la boobo ama lagu shubto oo ay kamid tahay in beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka aamin baxaan doorashadeena, in nidaamka dowladnimada uu waayo sharciyadda iyo aqoonsiga shacabka, waxgaradka iyo siyaasiyiinta doonaysa dowladnimo sax ah.”

Ugu dambeyntiina Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa soo jeediyay 7 qoddob oo ay ku sheegen in lagu gaari karo doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda dalka.

Hoos ka aqriso War-murtiyeedka oo dhameystiran

Daawo: GOODAX Barre oo shaaciyey xaaladda ay ku sugan yihiin Dabageed iyo siyaasiyiin ka raacay Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka tirsan baarlamaankauu muddo xileedkiisa uu dhammaaday ayaa si adag kaga hadlay xaaladda kacsan ee ka taagan Beledweyne, kadib markii ay xalay la wareegeen ciidan hubeysan.

Goodax Barre ayaa soo dhoweeyey ‘kacdoonka’ ka billowday Beledweyn ee looga soo horjeedo safarka madaxweynaha HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe).

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu billowday Halganka iyo Geela loogu tala-galay ciidamada qabsaday magaalada ee ka soo horjeeda maamulka HirShabelle.

“Geela waa iskeenay, halgankana waa halkiisa,” ayuu yiri Goodax Barre oo ka hadlayey xaaladda adag ee magaalada Beledweyne.

Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay in madaxweyne ku xigeenka HirShabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo siyaasiyiintii ka baxay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya inay hataana ku jiraan xaalad go’doon ah, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Goodax oo si weyn u taageersan ciidamada la wareegay xarumaha Beledweyne ayaa intaasi ku daray inay suuragal tahay in lasoo ‘masaafuriyo’ mas’uuliyiintaasi.

“Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Dabageed iyo siyaasiyiin uu ka watay Muqdisho ayaa ku jira xaalad go’doon ah kadib markii ay isku hareereeyen ciidanka lana wareegay dhammaan xarumahii maamulka gobolka, waxaana suurtagal ah in laga soo masaafuriyo magaalada Baledweyne” ayuu yiri Goodax Barre oo la hadlayey warbaahinta.

Xiisadda ka taagan Beledweyne ayaa sii xoogeysatay, kadib markii ay fashilmeen wada-hadalladii ka socday magaaladaas, waxaana kadib soo baxday in si awood ah Guudlaawe lagu geynayo, taas oo keentay in ciidamo ka soo horjeedo ay soo galaan Beledweyne.

Madax goboleedyada iyo Rooble oo shir la leh gudiga doorashada heer federaal

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay magaalada Muqdisho kulan ku yeeshan Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran ee arrimaha doorashooyinka iyo Guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo dowlad gobleed, kadib walaac laga muujiyey hanaankii doorasho ee uu shalay soo saaray Golaha.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankaan ayaa waxa uu ka qabsoomaya teendhada Afisyoone, waxaana si gaar ah diirada loogu saari doona tabashada guddiga doorashada ee heer federaal uu ka qabo habraaca, xili uu kal hore asagu soo saaray habraac doorasho.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa sidii loo hirgalin lahaa habraacyada doorashooyinka dalka sida Amniga, Maaliyada, Xulista ergooyinka, Qoondada haweenka iyo habraacyada xildhibaanada Aqalka Sare ee Somaliland, oo muddo muran badan ka taagna.

War-murtiyeedkii shalay kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa daaha ka rogay in golahooda uu la wareegay awooda doorashada xildhibaanada golaha shacabka, ayada oo habraaca ay soo saareen uu ku jiraan kuwo u sahlaya inay gacanta ku dhigaan ergada wax dooraneysa.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa sidoo kale waxa uu hoos u dhigay awooda Guddiga doorashooyinka heer Federaal, oo kal hore soo saaray habraac doorasho, waxaana midka Goluhu uu awood buuxda siinayaan guddiyada doorashada heer dowlad goboleed.

Arrintan ayaa waxaa si weyn u diiday dhinacyada siyaasadda dalka Soomaaliya.

Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa sheegay inay diideen habraacii shalay ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran ee ku aaddan doorashooyinka mudanayaasha Golaha Shacabka.

“Goluhu wuxuu u arkaa habraaca doorashooyinka Golaha Shacabka ee ka soo baxay Golaha Watashiga in uu khilaafsan yahay dastuurka dalka iyo heshiiskii 27 Maajo oo dhigaya in doorashooyinka ay ku dhacaan si cadaalad ah, xor iyo xalaalna ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Murashaxiinta.

“Goluhu wuxuu in muddo ah hortaagnaa isku daygii uu madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamad C/llaahi Farmaajo ku doonayey in uu doorashooyinka dalka ku boobo. Waxaan suuragal ahayn in Golaha Wadatashiga Qaran ay dhaqankii Farmaajo laga diiday u dabamareeyaan.”

Goluha Midowga Murashaxiinta ayaa ku tilmaamay habraaca mid “dusha sare magac doorasho ka sito, laakiin gudahiisa uu magacaabis yahay,” wuxuuna ka digay cawaaqib xumo ka dhalan karta.

Muxuu yahay qorshaha ay damacsan yihiin saraakiisha la wareegtay Beledweyne?

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo magaaladaasi, kadib markii ay xalay xarumaha maamulka la wareegeen ciidamo hubeysan.

Ciidamadan oo u abaabulan hab beeleed, isla-markaana la magac baxay ciidamada bad-baadada Hiiraan ayaa waxaa hoggaaminayo Cabdullaahi Barre Cilmi oo ka tirsan guutada shanaad, qeybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan gobolkaasi Hiiraan.

Cabdullaahi Barre oo wareysi siiyey BBC-da ayaa shaaca ka qaaday in weli ay gacanta ku hayaan xafiisyada maamulka gobolka ee Beledweyn, xaaladduna ay haatan deggan tahay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aanay qaadi doonin tallaaba kale oo uga sii dari karto xaaladda cakiran ee haatan laga dareemayo magaalada Beledweyne.

Sarkaalkan oo horey u ahaa abaanduulaha guutada shanaad ee qeybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka, balse xilka laga qaaday ayaa xusay inuu la soo xiriiray ugaaska deegaanka, kana dalbaday ina an xiisadda intaasi looga sii drrin, si xal waara loo helo.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku sii daraya in maleeshiyaad taabacsan janaraalka gadoodsan ee Xuud ay iyagunna soo galeen qeybo ka mid ah magaalada, halkaas oo ay ka bilaabeen dhaq-dhaqaaq looga soo horjeeda safarka la qorsheynayao ee Cali Guudlaawe.

Xaaladda ayaa haatan u muuqaneysa mid faraha kasii baxaysa, waxaana dhanka kale isla magaalada qeybo uga sugan saraakiil iyo ciidamo taabacsan madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe, kuwaas oo dhowaan ka baxay magaalada Jowhar.

Si kastaba xiisadan ayaa sii xoogeysatay, kadib markii ay fashilmeen wada-hadalladii ka socday Beledweyn, waxaana kadib soo baxday in si awood ah Guudlaawe lagu geynayo magaaladaas, taas oo keentay in ciidamo ka soo horjeedo ay soo galaan magaaldaasi.

Cumar Cabdirashiid oo ka horyimid go’aanadii kasoo baxay shirkii MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa wuxuu kaga hadlay qodobadii kasoo baxay shirkii golaha wada-tashiga qaran ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn Cumar Cabdirashiid ayaa ka horyimid go’aanada kasoo baxay shirkaasi, wuxuuna tilmaamay inay buuri karaan xiisado horleh.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in gabi ahaan meesha laga saaray hufnantii geedi socodka doorashooyinka, ayna awooda isku soo koobeen maxdaxda maamullada dalka.

Cumar Cabdirashiid oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan-yahay in dib eegis deg deg ah lagu sameeyo qodobada qaar ee war-murtiyeedka lasoo saaray.

“Hoggaamiyayaasha goboladu waxay ku guuleysteen inay xoojiyaan awoodda ay ku leeyihiin doorashooyinka Aqalka Hoose. War-murtiyeedka ayaa wax u dhimey hufnaantii geedi-socodka oo haddii aysan helin taageerada dadka Soomaaliyeed, waxaa laga yaabaa inay kiciso xiisado cusub oo laga yaabo inay rabshado dhacaan. Dib -u -eegis degdeg ah ayaa loo baahan yahay,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid ra’iisul wasaarihii hore.

Waxa kale oo uu ku baaqay in loo baahan-yahay in laga fakiro mustaqbalka Soomaaliya iyo doorashooyinka soo socda, si ay natiijada u noqoto mid la wada ogol-yahay.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay Muqdisho lagu soo gabagabeeyey shirkii wada-tashiga ee u dhexeeyey dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo qodobada laga soo saaray ay muujinayaan in awooda doorashada,  gaar ahaan tan golaha shacabka loo gacan-geliyey hoggaamiyeyaasha shanta maamul ee dalka.

Xog: Cumar Filish oo gaadiid dagaal iyo ciidan badan kala yimid Shabeellada Dhexe

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, guddoomiyaha gobalka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa gobolka Shabeellada Dhexe ka dalbaday ciidamo Milateri ah iyo Gaadiid dagaal, kadib markii uu xoogeysstay xiisadda u dhaxeysa isaga iyo taliyaha booliska Soomaaliya.

Xiisadda ayaa ka dhalatay kadib markii taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Xijaar uu amar ku bixiyay in awood ciidan lagu joojiyo dhismaha dhul danguud ah oo ay Naafada Qaranka lahaayeen oo ku yaala nawaaxiga Dekadda Muqdisho, dhulkaas oo guddoomiye Cumar Filish ka dhisay baakinka gaadiidka ka shaqeeya dekadda Muqdisho.

Taliye Xijaar ayaa guddoomiyaha ku amray joojinta dhismaha iyo xarig ka jarka, waxaana la sheegay in diidamada gobalka kadib taliye Xijaar ku amray in awood ciidan lagu joojiyo howsha halkaas ka socotay.

Xogta ayaa tilmaamaysa in Korneel Saneey Cabdulle iyo Sarkaal lagu magacaabo Shaah Ma-cabe ay guddoomiye Cumar Filish usoo dhiibeen shan gaari oo nuuca dagaalka ah iyo ciidamo ku hubeysan qoryaha BKM iyo Baasuko iyo hub kale oo kamid ah nuucyada fudud.

Sidoo kale Guddoomiye Cumar Filish oo markii hore ku socon jiray hal gaari oo nuuca aan xabada karin ee Butuufta ah ayaa hada ka dhigtay laba gaari iyo dhowr gaari oo kale kuwa raaxada ah.

Arrintaan ayaa muujineysa heerka uu gaarsiisanyahay xiisada u dhaxeysa Taliye Xijaar iyo Cumar Filish. Ilaa hadha ma jirto wax dadaal ah oo ka socda dhinaca dowlada oo arrintaan xal loogu raadinayo.

Abaabulka ka socda Muqdisho ayaa laga cabsi qabaa in uu saameyn ami ku yeesho Muqdisho haddii aan wadahadal lagu xalin.

Nin SOOMAALI ah oo lagu gowracay magaalada London

London (Caasimada Online) – Nin Soomaali ah ayaa si arxan darro ah shalay gelinkii dambe loogu dilay magaalada London, xilli ay sare u kacayaan dilalka magaalada loogu gaysto Soomaalida.

Dilkan oo loo adeegsaday mindi ayaa ka dhacay xaafad ay Soomaalidu ku badan tahay oo lagu magacabo Leyton, sida ay goobjoogeyaal arkayey u sheegeen Caasimada Online.

Kooxda dilka gaysatay ayaa la sheegay in marxuumka oo da’diisa lagu qiyaasay 30 jir ay qoorta kaga gooyeen mindida, kadibna ay goobta isaga baxsadeen.

Waxaa kadib goobta soo gaaray kooxaha gurmadka deg degga ah, oo ula cararay isbital ka ag dhowaa goobta, halkaasi oo ay nafta kaga baxday.

Booliska ayaan weli shaaca ka qaadin magaca marxuumka.

London ayaa caan ku ah dilalka loo adeegsado mindiyaha, ayada oo inta badan lagu dilo ama ay isku dilaan dhallinayarada Soomaaliyeed ee dad’doodu u dhaxeyso 18 illaa 25 jirka.

Weerarkan ayaa wuxuu kaga duwan yahay weeraradii hore in lagu beegsaday nin da’ ahaan weyn.

Dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyey waxaa London ka dhacay dilalka ugu yaraan lix qof oo dhammaantood loo adeegsaday mindi. 

Xog: Saraakiil iyo ciidamo ka amar qaata Guudlaawe oo ku sugan Beledweyne 

Beledweyne (Caasimada Online) – Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay waxaa magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan gaaray, welina ku sugan saraakiil ka baxay magaalada Jowhar ee xarunta HirShabeelle iyo ciidamo ka amar qaata madaxweyne Cali Guudlaawe.

Ciidamada ka baxay Jowhar ayaa waxaa hogaaminaya taliyaha booliska HirShabeelle oo ay qaraabo yihiin Madaxweyne Cali Guudlaawe, waxaana qeyb ka ah saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka

Sidoo kale waxaa kaamirada ka soo muuqday agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada HirShabeelle Daa’uud Xaaji Cirro oo ku libisan dareeska ciidamada, iyadoo ay saraakiishaan ciidan loo geeyey Beladweyne qorshe awood ciidan loogu geyn lahaa madaxweyne Cali Guudlaawe.

Si kastaba, qorshahaas ayaa waxaa xalay fashiliyey ciidamo lamagac baxay Badbaadada Gobolka Hiiraan oo la wareegay gacan ku haynta magaalada.

Ciidanka caawa la wareegay Beledweyne oo ka tirsan qeybta 27-aad ee Militeriga Soomaaliya waxaa hoggaaminaya sarkaal lagu magacaabo Cabdullahi Barre Cilmi oo dhawaan laga qaaday xil uu ka haayay qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka iyo sarkaal kale oo lagu magacaabo Nuur Dheere oo ka tirsan ciidanka daraawiishta HirShabeelle.

Ilo wareedyo kala duwan oo ku sugan Muqdisho iyo Beladweyne ayaa Caasimada Online xaqiijiyay in ciidankan ay ka hortagayaan qorshe la rabay in Madaxweyne Cali Guudlaawe diyaarad Helicopter ah lagu geeeyo magaalada, taasoo ka dajin laheyd xerada ciidamada Cirka ee Lama-galaay.

Ma cadda hadda halka ay ku dambeeyaan saraakiishii iyo ciidankii uu diray Guudlaawe, iyo sidoo kale ciidamadii horey magaalada u joogay ee maamulka HirShabeele. 

Daawo: Wiil arrin yaab leh u sameeyey jaceyl dartiis oo lagu xiray degmada Guriceel

0

Guriceel (Caasimada Online) – Taliska Booliska degmada Guriceel ayaa soo bandhigay Wiil qeybo kamid ah Jirkiisa dab kula qoray magaca gabar uu jeclaa, kaasi oo ciidamada xabsiga u taxaabeen.

Taliska degmada ayaa sheegay in Wiilkaas uu naftiisa qatar geliyey, islamarkaana aysan marnaba ogolaan doonin in dhalinyaradu ku kacaan falka noocaas oo kali ah, oo waxyeelo u geysanaya naftooda.

“Nafsadaas uu dhibaateeyay in sharciga Islaamka aan waafajino, oo uu ka qaato xukunka uu ku leeyahay oo aanan ku cafin, waayo wax uusan Ilaahay raali ka aheyn, oo aanan qaadan karin.”

“Marnaba qaadan mayno in lagu maran-habaabiyo dhalinyarada, oo nin walba uu sidaas jidhkiisa u gaarsiiyo oo mid kale oo dhaho asaga kasii darnow.”

Sidoo kale waxa uu sheegay Talisku in arrimahan noocaan oo kale ay maalmihii dambe noqdeen mashruuc lagu raadinayo lacag, oo ay ku tilmaameen mid aad u fool xun oo ay marnaba qaadan karin.

Ugu dambeyntiina waxa uu waalidiinta ugu baaqay inay ka warhayaan ilmahooda, ayaga oo u sameynaya wacyi gelin ka dhan ah ficilada xun-xun ee waxyeelanaya nafahooda.

Madax goboleedyada oo inqilaabay doorashada iyo guddiga doorashada heer federal oo la awood tiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa galabta Muqdisho lagu soo gabagabeeyey shirkii golaha wadatashiga qaranka ee Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada, kaas oo heshiis looga gaaray habraacyada doorashooyinka, sida xulista ergada doorashada, amiga doorashada, dhaqaalaha ku baxaya iyo qaabka loo ilaalinayo qoondada haweenka.

Heshiiskaan ayaa daaha ka rogaya in golahaan ka kooban ra’iisul wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada ay la wareegeen awooda doorashada xildhibaanada golaha shacabka, waxaana ku jira qodobo u sahlaya inay gacanta ku dhigaan ergada wax dooraneysa.

Doorashada xildhibaanada golaha shacabka ayaa sida ku cad heshiisyadii hore iyo habraacii uu dhawaan soo saaray guddiga doorashada ee heer federaal waxay dhigayaan in awooda ugu badan ee doorashada xubnaha golaha shacabka ay leeyihiin qabaa’ilka kursiga iska leh.

Noqol ka mid ah habraaca looga heshiiyey soo xulidda Ergada waxaa looga hadlay qaabka cod-bixinta ergada iyo inta uu kooramkoodu ku buuxsami karo, waxaana lagu yiri, “Kooramka codbixinta ergada waxa uu ansax noqonayaa marka ay joogaan ugu yaraan seddax meelood laba meel oo ergo ah.”

Qodobkaan ayaa cadeynaya in 101-da xubnood ee Ergada ah 67-qof oo ka mid ah ay soo dooran karaan xildhibaanka, iyadoo laga kaaftoomi karo 34-ka qof ee kale.

Tani waxay madaxda dowlad goboleedyada oo sidey rabeen u maamushay doorashada xubnaha Aqalka Sare fursad awood u siineysaa, in goobta doorashada laga hor istaago ergada inta aysan rabin, oo codkooda aysan ku kalsooneyn, maadama uu heshiiskaan u ogolaanayo inay ka maarmaan ugu yaraan 30 ka mid ah ergada soo dooraneysa halkii kursi.

Sidoo kale heshiiskaan qeybtiisa hubinta ergada waxaa lagu yiri, “Si loo hubiyo fuhnaanta amni iyo sugnaanta ergada, liiska ergada ee kusi kasta waxaa hubinaya guddi hoosaadka amniga ee guddiga doorashada dowlad goboleedyada, si looga hor-tago faro-gelinta argagixisada, iyagoo ka hubinaya hey’adaha dembi barista iyo xasilooni darada amni ee doorashada.”

Halkaan madaxda dowlad goboleedyadu waxay ka heli karaan fursad kale oo ay ku dhimi karaan tirada xubnaha ergada ah ee soo dooranaya kursi xildhibaan, sida in xubintii la doono lagu adkeeyo warqadda dembi la’aanta, sidaasna codeynta doorashada looga reebo.

Qodobadan ayaa awoooda ka qaadaya guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FIET) oo awoodiisii oo dhan lagu wareejiyey Guddiga Heer Maamul Goboleed ee ay u taliyaan madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada, waxaana awoodihii Guddigan kusoo haray kormeerid, ogaanshaha maamulka miisaaniyadda Doorashada iyo kaliya sharciyad iyo shahaado siinta xildhibaannada.

Madaxweyne Vladimir Putin oo diiday qorshaha Reer Galbeedka ee Afghanistan

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweyne Vladimir Putin ayaa Axaddii diiday fikradda ku saabsan in dadka laga soo daad-gureynayo Afghanistan la geeyo dalalka u dhow Ruushka, isaga oo sheegay inaysan dooneyn in “mintidiin iska dhigaya qaxooti ay halkaas tagaan.”

Moscow ayaa xiriir wanaagsan la leh Taalibaan, waxaana mintidiintan uu ka hadlayo loola jeeda kuwa Al-Qacida.

Putin ayaa cambaareeyey fikradda dalalka Reer Galbeedka qaarkood, ee ay qaxootiga Afghanistan dib u dejin ugu sameynayaan dalalka deriska la ah ee Bartamaha Asia, inta Visa-ha ay ku galayaan Mareykanka iyo Yurub laga diyaarinayo. 

“Taas ma waxa uu macnaheedu yahay in ayaga oo aan Visa haysan la geyn karo dalalkaas iyo deriskeena, halka Reer Galbeedka aysan dooneyn inay qaadaan Visa la’aan,” ayuu yiri madaxweyne Putin, sida ay kasoo xigatay wakaaladda wararka Ruushka ee TASS. 

“Maxay dhibaatadan ugu xalinayaan hab bah-dilaad ah?” ayuu yiri.

Dowladda Mareykanka ayaa wada-hadallo sir ah la yeelatay dhowr dal, ayada oo isku dayeysa inay xaqiijiyo heshiis hoy loogu sameynayo Afgaaniyiinta la shaqeeyey dowladda Mareykanka. 

Putin ayaa sheegay in Ruushka, oo safar bilaa Visa ah u ogol dadka dalalkii horey uga tirsanaa Soviet-ka ee Bartamaha Asia, uu taas kasoo horjeedo.

“Ma dooneyno in mintdiin aan halkan ku aragno, ayaga oo isku qarinaya qaxooti,” ayuu yiri Putin. 

Halka dalalka Reer Galbeedka qaarkood ay la daala dhacayaan inay dad kasoo daad-gureeyaan Afghanistan, ayaa Moscow waxay Taalibaan ku amaantay inay soo celisay kala dambeynta dalka kadib markii ay la wareegtay.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in hoggaamiyayaasha Taalibaan ay illaa iyo hadda kasoo baxayaan ballan-qaadkooda. 

“Waxaan aragnaa in hadalkii Taalibaan ee ahaa inay joojinayaan ficillada dagaal, ayna cafis ugu fidiyeen kuwii kasoo horjeeday, la fuliyey,” ayuu yiri Lavrov. 

Maamulka PUNTLAND oo DIGNIIN culus soo saaray

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa soo saaray digniin ku aadan dabaylo xoogan & roobab laga cabsi qabo inay ku dhuftaan xeebaha Bari ee maamulkaasi.

Warqad kasoo baxday maamulka gobolka Bari ayaa waxaa lagu sheegay in saacadaha soo socoda ay dabaylo & roobab ku wajahan yihiin bada sida ay sheegeyso saadaasha cimilada.

Maamulka ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan deegaanada ku dhow xeebaha in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah, isla-markaana ay ka fogaadaan Togaga & dhulka banaan.

“Hadaba waxaa la farayaa shacabka degan dhulka Banaan, Togaga iyo meelaha u dhow xeebta inay ka fogaadaan goobahaas si looga taxadaro in dhibaato ka soo gaarto dadka iyo duunyada,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay maamulka gobolka Bari ee Puntland.

Sidoo kale maamulka ayaa ku amray saraakiisha ammaanka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka in 48 saac ee soo socda aysan wax gadiid ah u bixi karin dhanka badda.

Halkan hoose ka aqriso:-

Maamulka Gobolka Bari waxaa uu la wadaagayaa Shacabka Gobolka in 48 saac ee soo socda ay jiraan roobab xoogleh iyo dabeeylo dhanka bada u badan hadii alle idmo sida saadaasha cimiladu sheegeyso.

Hadaba waxaa la farayaa shacabka degan dhulka Banaan, Togaga iyo meelaha u dhow xeebta inay ka fogaadaan goobahaas si looga taxadaro in dhibaato ka soo gaarto dadka iyo duunyada.

Sidoo kale waxa la faray Taliska qeybta Booliska Gobolka Bari Iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Bari in ay 48 saac ee socoda ay wax gaadiid ah u bixi karrin bada, sidoo kale waxa la faray Isu-Duwayaasha Wasaaradaha Dekadaha Iyo Kaluumaysiga in ay si dhow uga war-hayaan arrintaas.

Sidoo kale waxa ay gaarri kartaa Gobolka Gardafuu waa in aay aad uga taxadaraan arrintaas.

Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika iyo burcadii oo la wada toogtay

0

Cape Town (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil ay saacadihii la soo dhaafay kooxo burcad ah ganacsade Soomaaliyeed ugu geysteen gudaha dalka Koonfur Afrika, kaas oo lagu magacaabi jiray marxuum Isaaq Shiinow Cali.

Dilka oo loo adeegsaday Mindi ayaa ka dhacay goob ganacsi oo uu marxuumka ku lahaa magaalada Queens Town ee gobolka Eastern Cape.

Wararka ayaa sheegaya in saddex nin ay dukaankiisa ugu galeen marxuumka oo kaligiis ahaa, waxaana ay ku mudeen Mindi, isaga oo markii dambe u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in dadka deegaanka ay ka war-heleen weerarka lagu soo qaaday ganacsade Isaaq Shiinow, iyaga goobta ugu yimid saddexdii nin oo boob ku haya dukaanka, kadibna ay halkaasi ku wada dileen burcadda ka dambeysay falkaasi.

Mid ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfur Afrika oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey dhacdadaas.

“Burcadda markii ay Isaaq Shiinow Cali ugu dhex tagtay Goobtiisa oo uu keli ku ahaa waxa ay ku mudday Mindi gaarsiisay dhaawac halis ah, intaas kaddib waxa ay bilaabeen in ay boobaan hantidiisa balse dadka deegaanka oo ka war helay ayaa ka dul dhacay saddexdii burcadda oo isla goobta ku dilay,” ayuu yiri qofkaasi ka mid ah dadka deegaanka.

Dhinaca kale kooxo burcad ah ayaa tuulada Khayelitsha ee magaalada Cape Town ku dishay Ibraahim Cumar oo ka mid ahaa Soomaalida ku dhaqan halkaas, iyada oo lagu dhaawacay nin kale oo Itoobiyaan ah oo la dhigay mid ka mid ah goobaha caafimaadka.

Koonfur Afrika oo Soomaali badan ay ku nool yihiin, kuwaas oo u badan ganacsato ayaa la kulmo weeraro joogta ah sida dil, dhac iyo boob ay u geystaan burcad hubeysan.

Musharaxiinta iyo madax goboleedyada oo Muqdisho ku leh kulan xasaasi + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhoweyd magaalada Muqdisho ka furmay kulan xasaasi ah oo u dhaxeeya Midowga Musharaxiinta Mucaaridka iyo Madaxda dowlad goboleedyada dalka, oo ayagu isku maandhafsan habraacyada doorashada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulanka ayaa waxaa looga hadlaya habraacyadii ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka iyo diidmadii Midowga Musharaxiinta ay ku wajaheen, kadib markii ay soo ifbaxday in awooda u weyn ee doorashada gacanta u gelayso madaxda dowlad goboleedyada.

Kulanka oo hadda ka socda hoyga ay magaalada Muqdisho ka degan yihiin madaxweyne Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, waxayn wararku sheegayaan ayaa in kulankaan uu ku yimid kadib codsi ay labada madaxweyne u direen Midowga Musharaxiinta oo ay markii hore ahaayeen saaxiibo dhow.

Mucaaradka iyo Madaxda dowlad goboleedyada qaarkooda oo markii hore xulafo dhow ahaa ayaa maalmihii dambe ku kala fogaaday hanaanka doorashada, kadib markii ay madaxda maamulada qaateen awooda doorashada.

Habraacyadii ay shalay soo sareen Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa daaha ka rogay inay si rasmi ah ula wareegeen awooda doorashada xildhibaanada golaha shacabka, kaasi oo ku jiro qodobo u sahlaya inay gacanta ku dhigaan ergada wax dooraneysa.

Doorashada xildhibaanada golaha shacabka ayaa sida ku cad heshiisyadii hore iyo habraacii uu dhawaan soo saaray guddiga doorashada ee heer federaal waxay dhigayaan in awooda ugu badan ee doorashada xubnaha golaha shacabka ay leeyihiin qabaa’ilka kursiga iska leh.

Noqol ka mid ah habraaca looga heshiiyey soo xulidda Ergada waxaa looga hadlay qaabka cod-bixinta ergada iyo inta uu kooramkoodu ku buuxsami karo, waxaana lagu yiri, “Kooramka codbixinta ergada waxa uu ansax noqonayaa marka ay joogaan ugu yaraan seddax meelood laba meel oo ergo ah.”

Qodobkaan ayaa cadeynaya in 101-da xubnood ee Ergada ah 67-qof oo ka mid ah ay soo dooran karaan xildhibaanka, iyadoo laga kaaftoomi karo 34-ka qof ee kale, waana midda ay diidan yihiin mucaaradku, kadib cabsi la xiriirta in goobta doorashada laga hor istaago ergada inta aysan rabin oo codkooda aysan ku kalsooneyn, maadama uu heshiiskaan u ogolaanayo inay ka maarmaan ugu yaraan 30 ka mid ah ergada soo dooraneysa halkii kursi.


Daawo: Ciidamo beeleed kasoo horjeeda HirShabeelle oo qabsaday Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamo lamagac baxay Badbaadada Gobolka Hiiraan ayaa caawa la wareegay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, iyadoo saraakiisha hoggaamineysa ciidankaas ay warbaahinta u sheegeen in guud ahaan magaalada ay gacanta ku hayaan, HirShabeelle dambana aysan ka tali doonin.

Ciidanka caawa la wareegay Beledweyne oo ka tirsan qeybta 27-aad ee Militeriga Soomaaliya waxaa hoggaaminaya sarkaal lagu magacaabo Cabdullahi Barre Cilmi oo dhawaan laga qaaday xil uu ka haayay qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka iyo sarkaal kale oo lagu magacaabo Nuur Dheere oo ka tirsan ciidanka daraawiishta HirShabeelle.

Korneyl Cabdullahi Barre oo ugu horeyn warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sababta ay magaalada ula wareegeen ay tahay tallaabo ay uga hor-tegayaan in Cali Guudlaawe awood ciidan lagu keeno Beledweyne.

“Ciidamadu waxay la wareegeen xarun kasta oo maamulku kulahaa Beledweyne, waxaa noo cuntami weysay in sayaasiyiin dano gaara leh ay waxay rabaan ka sameystaan gobolkaan, dowladda federaalka waxaan ka codsaneynaa in dhibaatada ka jirta Beledweyne ay soo fara geliso, meel kasta waan la wareegnay, hadda waxaan ku suganahay xarunta maamulka gobolka Hiiraan, dhibaatadii jirtana caawa ayey soo dhamaatay,” ayuu yiri Korneyl Cabdullahi Barre oo ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa ciidanka la wareegay Beledweyne.

Sidoo kale Korneyl Nuur Dheere ayaa sheegay inay u dul qaadan waayeen dhibtaada ka jirta gobolka, isla markaana talada gobolka ay la wareegi doonaan hadda kadib.

“HirShabeelle wax la yiraahdo kama sii jiri doono gobolkaan Hiiraan, qeylada reer Hiiraan waana dhibtay, hadda kadibna halkaan kama tali doonto HirShabeelle, talada gobolkaan anagaa la wareegnay,” ayuu yiri Korneyl Nuur Dheere oo ka tirsan saraakiisha daraawiishta HirShabeelle.

Caasimada Online ayaa maanta qortay in dowladda federaalka Soomaaliya ay qorsheysay in Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle awood ciidan lagu geeyo magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Xog aan helnay ayaa tilmaameysa in Madaxweyne Cali Guudlaawe diyaarad Helicopter ah lagu geyn doono Beledweyne, taasoo ka dajin doonto xerada ciidamada Cirka ee Lama-galaay.

Xaalad kacsanaan ah ayaa caawa ka taagan magaalada Beledweyne oo ay ku sugan yihiin madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed iyo mas’uuliyiin ka socota dowladda federaalka oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Jeneraal Mukhtaar oo ka soo jeeda magaalada Beledweyne.

Waxaa laga cabsi qabaa in isku dhacyo hubeysan ay cagaha la gasho Beledweyne, oo beesha ugu awooda roon qabaa’illada dega ay diidan tahay hoggaanka sare ee maamulka HirShabeelle, weliba in madaxweynaha maamukaas uu tago magaalada Beledweyne.

Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee saraakiisha ciidanka qabsaday Beledweyne

HABRAAC doorasho oo laga soo saaray shirkii Rooble iyo madax goboleedyada dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wadatashiga Qaran ayaa war-murtiyeed kasoo saaray shir labadii maalmood ee u dambeeyay uga socda magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlayay arrimaha doorashooyinka dalka.

War-murtiyeedka kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa waxaa lagu soo saaray 7-habraac oo looga heshiiyey doorashooyinka, kuwaas oo kala ah.

1– Habraaca Dhiirigalinta Daahfurnaanta Doorashada
2– Habraaca Maamulka Maaliyadda Doorashada
3– Habraaca Xulista Ergada Doorashada
4– Habraaca Amniga Doorashada
5– Habraaca ilaalinta Qoondada Haweenka
6– Habraaca doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Somaliland
7– Hawlaha la-taliyayaasha Farsamo ee Golaha Wadatashiga Qaran.

Golaha ayaa isla qaatay in Ergooyinka doorashada ee dooranaya Golaha Shacabka ay soo xulaan duubabka, nabadoonada ka diiwaan gashan xukuumadda iyo Bulshada rayidka, taasi oo ay hubinayaan guddiga doorashada heer Dowlad ee heer federaal.

Sidoo kale Ergada Somaliland ayaa waxaa soo xulaya duubabka nabadoonada iyo bulshada rayidka ee la isla ogol yahay, kuwaasi oo ay hubin doonaan guddiga maamulka doorashada Somaliland iyo xafiiska Rooble.

Golaha ayaa si waafaqsan heshiiskii 27-kii May waxay go’aamiyeen in la abuuro guddiga amniga doorashada oo ka kooban 10 xubnood oo ka kala ibaanaya Talisyada maamulka, Taliska booliska Soomaaliyeed iyo Ra’iisul wasaaraha.

Hoos ka daawo

Hoos ka akhriso

Kadib laba sano oo digniin ah, taliska NISA oo maanta ku guuleystay inay saaraan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska qeybta guud ee Nabad-Sugida gobolka Banaadir ayaa maanta ku guuleystay inay ka saaran dad deganaa dhul ku dhex yaala xarunta Akaadeemiyadda Jilicow, kaasi oo ay xiisadiisu taagneyd muddo badan.

Waxaa muddo Laba sano ah digniino la siinayay dad shacab ah iyo saraakiil Ciidanka Dowladda ka tirsan, si ay uga guuraan dhulkaasi, waxayna Maxkamadda Gobolka Banaadir si rasmi ah u amartay bishii Febraayo 2020-ka ka saaristooda, kadib markii uu Taliska qeybta guud ee Nabadsugidda gobolka uu codsi waaran ah u diray Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, sababta u weyn ee taliska gobolka u rabay in laga saaro dadkaas dhulka ku dhex yaala xarunta Akaadeemiyadda Jilicow, ay aheyd sababo amni oo food saaray.

Waxaa dhowr jeer agagaaraha dhulkaas ka dhacay falal amni darro, midaasi oo sare u qaaday walaaca Nisa ee ku aadan qataraha ka imaan kara arga-gixisada.

Si kastaba, Taliska qeybta guud ee Nabadsugidda gobolka Banaadir daba jooga amarka dhul ka saarista ee Maxkamadda gobolka Banaadir, ayaa maanta dadkaas gebi ahaanba ka saaray dhulkaas.

Xukuumadda iyo Amisom oo heshiis 3 qodob ah ka gaaray xasuuqii Golweyn + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddigii wasiirrada ahaa ee Ra’iisul Wasaare Rooble uu u magacaabay baaritaanka dhacdadii Golweyn ee lagu laayey dadka rayid ah, ayaa maanta shirkii ugu horreeyay la yeeshay taliska ciidanka AMISOM, waxayna xubnaha guddigaas oo warbaahinta la hadlay shaaciyeen heshiis ka kooban 3-qodob oo AMISOM ay la galeen.

Wasiirka cadaaladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo qodobadii ay kala hadleen AMISOM warbaahinta la wadaagay ayaa sheegay in seddax qodob ay u kala qaadeen arrinta, kuwaas oo kala ah.

1 – In ciidankii dhibka geystay sharciga la hor-geeyo, kuwaas oo qaar la xiray, qaarna baaritaan lagu wado, sida uu sheegay wasiirku.

2 – In ehellada dadkii la dilay laga daaweeyo dhibkii dhacay oo AMISOM ay bixiso magta dadkii ay dishay.

3 – In AMISOM aysan dhibaatooyin dambe u geysan shacabka Soomaaliyeed.

“Arrinta ugu muhiimsan waxay tahay ciidamada AMISOM dalkaan ayey nala joogaan, waxaan maanta kala hadalnay taliska AMISOM in dhibaatooyin kale aysan dhicin mustaqbalka oo AMSIOM loo diyaariyo hanaan lagu koontoroolaayo dhaqdhaqaaqa ciidankooda,” ayuu yiri wasiirka cadaaladda xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ka guddi ahaan ay sii daba-geli doonaan maxkamadeynta ciidankii dadka rayadka ah ku dilay Golweyn, isla markaana ay ka shaqeyn doonaan in si dhab ah loo qanciyo dadkii dhibku gaaray.

Hoos ka daawo

Xog: Qorshaha Guudlaawe lagu gaynayo Beladweyne oo isku beddelay awood ciidan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo kala duwan oo ku sugan Muqdisho iyo Beladweyne ayaa Caasimada Online xaqiijiyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay qorsheysay in Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle awood ciidan lagu geeyo magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan. 

Xog aan helnay ayaa tilmaameysa in Madaxweyne Cali Guudlaawe diyaarad Helicopter ah lagu geyn doono Beledweyne, taasoo ka dajin doonto xerada ciidamada Cirka ee Lama-galaay. 

Xogta aan helnay ayaa intaas ku dareysa in arrintaan ay ku howlanyihiin Xildhibaan Nuur Iidow Beyle, Wasiirka arrimaha Gudaha Soomaaliya Jeneral Mukhtaar iyo madaxweyne ku-xigeenka Maamulka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo hada dhamaantood ku sugan magaalada Beladweyne. 

Arrintaan ayaa ka dambeysay kadib markii ay guul dareysteen dadaalo ka socday Beladweyne, kuwaasoo ay maalmahaan wadeen Xildhibaano iyo siyaasiin reer Hiiraan ah. 

Wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa shalay ka digay in Beladweyne ay ka dhacaan dagaalo iyo in doorashada laga weeciyo magaaladaas.

Goodax Barre ayaa dhaliilay siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Hiiraan oo Baledweyne gaaray iyo madaxda ugu sareysa HirShabeelle oo uu ku eedeyay iney burburinayaan masiirka umadda reer Hiiraan oo ay ka shaqeyn hayaan in colaad ka dhacdo gobolka Hiiraan, sida uu hadalka u dhigay.

“Wadatashiyadii socday, waxaa hakad galiyay wafdi uu hogaaminayo Yusuf Dabageed oo gadaal ka yimid, isla markaana qaarkood hadallo daandaansi ah baraha bulshada u mariyay dadka deegaanka una arka xalka keliya in ay dagaalamaan,” ayuu yiri Goodax.

“Wafdiga Dabageed wuxuu iigu muuqday dad colaad xambaarsan Isla markaana ku shaqaynaya fikirkii Dabageed ee ahaa “Haddii Cali Guudlaawe uusan imaan Baladweyne doorasho kama dhacayso” Waa ayaan darro iyo nasiib xumo weyn in dadka nuucaas ah ee Muqdisho taleefanka looga hagayo, in ay ummad dhan masiirkooda u burburiyaan danahooda shaqsiga ah.”

Goodax ayaa sidoo kalen nasiib-darro ku tilmaamay in shacabka Beledweyne loogu caga-jugleeyo in doorashada laga wareejinayo Baladweyne, haddii aanu iman Guudlaawe, sida uu hadalka u dhigya.