26.8 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Wararkii ugu dambeeyey ‘Mooshin ka dhan ah’ Lafta-gareen oo ka socda Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, isla-markaana laga soo doortay Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay xaaladda maamulkaasi iyo abaabul ka dhan ah Lafta Gareen oo ka socdo Muqdisho.

Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo Baydhabo kula hadlay Wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday in dad ka mid ah Digil iyo Mirifle ay wadaan qorshe lagu burburinayo maamulka Koonfur Galbeed, isla-markaana lagu beegsanayo Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen.

Xildhibaankan oo Sodog u ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in xubnahaasi oo ay ku jiraan siyaasiyiin & xildhibaano ay doonayaan in meesha laga saaro Lafta Gareen.

“Madaxweynaha haddii la doortay dad annaga naga mid ah Digil iyo Mirifle ka mid ah ayaa system waxay wadaan inay burburiyaan maamulka inta ka jira maamul la burburiyeyna waxa uu leeyahay waa kaseynaa dhibaatuu leeyahay,” ayuu yiri Mahad Cabdiraxmaan.

Sidoo kale wuxuu raaciyey “Maamulka Koonfur Galbeed oo jiro waqtigiisii waa dhamaadee ha is casilo meesha haka tago waxaa fiican ninka meesha haddii uu ka tegaayo marka uu waqtigiisa uu dhammeysta lee sidii kii hadda loo tartamay ayaa nidaamku ku fiican yahay”.

Taliyihii hore ee ciidamada Asluubta ayaa xusay inay kasoo horjeedaan qorshahaasi, wuxuuna tilmaamay inay la dagaalami doonaan cidkasta oo wada sharci darro.

“Ninkii rabo ninkan inuu galo oo weeraro waqtigiisa marka uu dhammado ha eryo intii ka horreyso looma dhowaan karo ninkii u yimaadana waa la dagaalameynaa micnuhuna waa saas,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maalmihii u dambeeyey uu guux siyaasadeed oo ka dhan ah maamulka Lafta Gareen uu ka jiray magaalada Muqdisho, kadib markii ay soo dhammaatay doorashada Soomaaliya, taas oo uu Madaxweynaha Koonfur Galbeed qayb ka ahaa, isaga oo taageersanaa Madaxweynihii laga adkaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Lafta Gareen ayaa lagu xasuustaa inuu soo saaray xildhibaano u badan dhalinyaro isaga taabacsan, wuxuuna gebi ahaan meesha ka saaray rugcadaayaashii siyaasiyiinta Koonfur Galbeed, sida Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), Shariif Xasan iyo Cabdiweli Muudey.

Swan oo shaaciyey in halis weyn ay ka jirto Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan oo khudbad ka jeediyey kulan ay Golaha Ammaanka ka yeesheen xaalada Somalia ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah iyo isbedalka ka dhacay dalka.

Swan oo marka hore khudbaddiisa uga hadlay doorashooyinkii soo dhammaaday ayaa sheegay in QM ay diyaar u tahay inay la shaqeyso dowladda cusub ee Soomaaliya.

“Dhammaan nidaamka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waa mid diyaar u ah inuu la shaqeeyo dawladda cusub si loo taageero yoolalkan la wadaago” ayuu yiri.

Wakiilkada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay weli ka jirto halis aad u weyn, taas oo ka dhalatay xaaladda bani’aadanimo ee dalka.

Danjiraha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay wajaheyso xaaladdii ugu adkeyd ee dhanka nolosha, taas oo ka dhalatay abaaraha markale ku dhuftay Soomaaliya.

“Xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya ay ka sii darayso. Dalku waxa uu wajahayaa khatar aad u weyn oo macaluul ah deegaanno ay ku nool yihiin lix bulsho haddii qiimaha cunnada uu sii kordho, gargaarka bini’aadannimadana aan la joogteyn,” ayuu sii raaciyey.

Soomaaliya ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay abaaro xoogan oo saameeyey nolosha qoysas badan oo Soomaaliyeed oo ku dhaqan koonfurta iyo bartamaha dalka.

FARMAAJO oo shalay soo afjaray tixane eed ah oo dusha ka saarnaa beeshiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay xilka madaxweynaha ku wareejiyey Xasan Shiikh Maxamuud oo la doortay 15-kii Bishaan.

Waa markii labaad oo labada nin ku kulmaan munaasabad noocaan ah. Bishii February 2017 ayey sidaan oo kale isugu wareejiyeen xafiiska markaas oo Farmaajo ahaa ninka la doortay.

Xil-wareejinta waxay aheyd waxay aheyd wixii Koowaad oo si siman u soo dhaweeyaan jamaahiirta labada dhicnac.

Madax kala duwan ayaa ka qeybgashay xaflad heer sare ah oo lagu qabtay Villa Somalia. Haddaba sheekadaan waxaan ku eegeynaa waxa ay Soomaalida uga dhigan tahay xil isku wareejintaan nabadda ku dhacday iyo waxa ay Farmaajo uga dhigan tahay.

Maxay Soomaaliya uga dhigan tahay?

Dadka Soomaalida waxay u tahay maalin weyn iyo sawir wanaagsan. Sii socoshada tixanaha dimuqraadiga ah iyo hannaankaan hufan ee xil isku wareejintu wuxuu kaabayaa hannaanka dowladeed ee Soomaaliya, wuxuuna xoojinayaa xeerka dowladnimada.

Tani waa calaamad muujineysa in uusan jirin hoggaamiye Soomaali ah oo awoodda isku dhajin kara. Laxow dowladeed ayaa ka muuqday labada dhinac ee isku wareejisay shalay awoodda dalka.

Cashir fiican ayaa ugu sugan dalal badan oo Afrikaan ah oo aysan dadkoodu weli arag munaasabad noocaan ah.

Maxay Farmaajo uga dhigan tahay?

Madaxweynaha xilka ka dagay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay u tahay munaasabad gaar ah, wuxuu soo afjaray tixane beeleed oo sheegayey in reerkiisu aysan awoodda si nabad ah ku wareejin waligood.

Maalmihii dambe wuxuu Farmaajo muujiyey inuu qurxinayo is ka tagistiisa, taas oo malaha la xiriirta qorshihiisa la xiriirta 2026-ka.

Inkastoo Farmaajo dhaliilo badan loohaayo, haddana sida uu awoodda u wareejiyey una aqbalay natiijada ayay dad badan ku bogaadiyeen.

Wuxuu shalay u soo wareegay guri ku dhow garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo deegaan iyo xarunta siyaasadeed u noqon doonta Farmaajo.

Dadkii ka qeybgalay xafladdii shalay ee ku sugnaa Villa Somalia, waxay sheegeen in sagooyin fiican loo sameeyey madaxweynihii hore, isagoo Villada kaga baxay gaari ay saarnaayeen ilaalo kooban.

Xasan Sheekh Maxamuud waxaa u bilaabatay habeenkiisii koowaad ee Villa Somalia, waa madaxweynihii koowaad ee laba jeer hakkaas ka taliya.

Imtixaan culus ayaa hor yaalla, kaas oo ah sida uu isaga dhaqi karo haarihii dowladiisii hore iyo sida uu isku waafajin karo shaqada dowladdii Farmaajo qabyeysay iyo ajandihiisa cusub.

Laba dal oo Yurub ah oo la ogaaday inay si sharci-darro uga kalluumeysteen Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixino dhowr ah oo ay daabacday hay’adda Blue Marine Foundation ayaa shaaca ka qaaday caddeymo muujinaya kalluumeysi sharci-darro ah oo maraakiibta qaar ka mid ah dalalka Midowga Yurub ay ka sameeyeen xeebaha Soomaaliya.

Warbixinada oo ay kala daabaceen OceanMind, Blue Marne iyo Kroll, ayaa tusmeynaya dhaq-dhaqaaq sharci-darro ah oo maraakiibta dalalka Spain iyo France ka sameeyeen badweynta India, ayaga oo aan haysan wax ogolaansho ah oo ku saabsan inay ka kalluumeystaan Soomaaliya. 

Warbixinadan ayaa imanaya ayada oo guddiga kalluumeysiga Badweynta India ee IOTC ay ku kulmayaan dalka Seychelles, ayaga oo ka wada hadlaya sidii loo badbaadin lahaa noocyo ka mid ah kalluunka oo kasii guraya Badweynta India. 

Noocyadaas ayaa waxaa ka mid ah Yellowfin Tuna oo tan iyo 2015 loo kalluumeysanayey si xaddhaaf ah, taasi oo keentay inuu aad u yaraado, waxaana hadda loo baahan yahay in la yareeyo saddex meelood meel si uu dib ugu soo kabto illaa sanadda 2030. 

Wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya ayaa xaqiijisay inaysan wax shati kalluumeysi ah siin maraakiibta dalalka Spain iyo France.

Labadan dal ayaa caddeymaha la helay ay muujinayaan inay badda Soomaaliya ka kalluumeysteen sanadihii 2017, 2018, 2019 iyo 2020. 

Xeebaha Soomaaliya ayaa muddo 14 sano ah waxaa ka shaqeynayey maraakiib ka socay Midowga Yurub oo ay saaran yihiin ciidamo la sheegay inay ka ilaalinyaan burcad badeedda, kuwaas oo fulinayey howlgal loogu magac daray Atalanta.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgalkaas soo geba-gebeysay bishii March 2022, kadib markii ay diiday in waqtiga loo kordhiyo, taasi oo aad uga careysiisay Midowga Yurub. 

Fiqi: Afar waxyaabood oo aan maanta kusoo arkay Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)- Siyaasiga Axmed Macalin Fiqi oo maanta Villa Somalia u tegay ka qeyb galka munaasabadii xil-wareejinta Madaxwaynaha ayaa soo bandhigay afar sifo oo maanta uu ku soo arkay Madaxtooyada.

Afarta qodob ee Fiqi uu soo bandhigay ayaa kala ah: 

  1. Hawl-wadeenadii, shaqaalihii iyo askartiiba aad ayay ugu faraxsanaayeen isbedelka dhacay iyo in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka iyo xafiiskaba la wareegay. 
  2. Warbaahinta gaarka loo leeyahay oo muddo dheer kadib oodda laga soo rogay oo ayaguna aad ugu faraxsan in xaqqii ay u lahaayeen xog-helidda ay dib u heleen.
  3. Marka laga reebo madaxda hey’adaha kala duwan ee Dawladda oo yimid munaasabadda, waxaan la kulmay dhallinyaro Tiktokley caan ah oo laga casuumay dhanka teamka xilka wareejinayey, taas oo ay ii caddaatay oohinta Tiktok-gu in aysan ahayn jaceyl oo ay tahay oohin gacan ku samays ah.
  4. Waxaa la isweydiinayey saaxiibkii iyo ninkii ku magacownaa milkiilaha oo ka maqnaa munaasabadda, lana sheegayey in uu saaxiibkiis ka tagay inta aanu xilka wareejin, halka Madaxweyne Xasan Sheekh ay garab taagnaayeen saaxiibadiis jidka dheer ay isla soo mareen.

Afartaan qodob ayuu Axmed Macalin Fiqi tilmaamay inuu maanta ku soo arkay Madaxtooyada iyo munaasabadii uu Farmaajo xilka kula wareejiyey Madaxweyne Xasan Sheekh.

Axmed Macalin Fiqi oo si weyn u mucaaradi jiray dowladii Madaxweyne Farmaajo ayaa ka tirsan xisbiga UDP ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ka mid ahaa kooxdii ololaha xooggan u gashay in sanadkaan Xasan guuleysto.

Siyaasiyiinta Soomaalida Kenya oo sheegay arirn ay ka doonayaan Xasan Sheekh

Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiinta Soomaalida ee ka tirsan dowladda Kenya oo ka hadlay isbadallada siyaasadeed ee ka dhacay Soomaaliya ayaa sheegay arrin ay ka rabaan inay sameyso dowladda cusub ee Soomaaliya.

Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi oo laga soo doorto degmada Kamukunji ee magaalada Nairobi ayaa isagoo ka qeybgalayay munaasabad lagu soo dhaweynayay Madaxweynaha la toortay ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo ka dhacday Nairobi wuxuu u waramay Idaacadda VOA, isagoo sheegay inay aad ugu halmbalyeenayaan madaxweyaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi ayaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uga mahadceliyey sida wanaagsan ee uu xilka ugu wareejiyey madaxweynaha cusub ee Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan u tahniyadeenayaa madaxweynihii hore oo sida sharafta leh oo fiican mas’uuliyadii isaga wareejiyey, waxaa nagu jirtay cabsi badan, cabsidaas waxay aheyd amuu khilaafka ka dhaxeeya siyaasiyiinta Soomaalida ay qaranimada Soomaaliya intay iloobaan ay qarka ka tuuraan, laakiin runtii tahniyad baan u direynaa Soomaalida oo dhan guusha ay gaareen, maadaama ay doorashadii u dhacday si xasiloon” ayuu yiri Yuusuf Xasan.

Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa sidoo kale ku baaqay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya uu ka shaqeeyo sidii la isugu soo dhaweyn lahaa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

“Waxaan kaloo aad iyo aad u soo dhaweeneynaa in madaxweynaha cusub uu aad uga shaqeeyo sidii labada dal ee Kenya iyo Soomaliya labada dad ee Kenya iyo Soomaaliya, isugu soo dhaweyn lahaa, xiriirkana uu aad u wanaajiyo, sababtoo ah hanti badan oo Soomaaliyeed ayaa taalla Kenya, maato badan oo Soomaaliyeed ayaa meeshaan dagan, mana kala maarmi karaan Soomaaliya iyo Kenya,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Ugu dambeyntii xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ugu baaqay inuu ka shaqeeyo sidii la isugu furi lahaa ganacsiga Soomaaliya iyo Kenya isagoo ku andacooday inay taas keeneyso wada-shaqeynta labada shacab.

Codsiga Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa kusoo aadayo iyadoo Dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo ay joojisay qaadkii ka imaan jiray Kenya, waxaana laga yaabaa in dowladda cusub ay fasaxdo.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga oo dhameystiran

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magacaabay laba xil oo cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa La-taliyaha Amniga Qaranka u magacaabay Xuseen Macalin, oo horay u soo noqday la-taliyaha amniga qaranka, xilligii madaxweyne Farmaajo.

Xuseen ayaa sanadihii u dambeeyay madax ka ahaa Machadka daraasaadka amniga ee Hiraal oo isagu uu aas-aasay. Ninkaan ayaa aad u naqdi jiray siyaasaddii uu dalka ku maamuli jiray Madaxweyne Farmaajo oo mar uu la taliye u ahaa.

Waa xilkii labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabay, xilli maanta uu xukunka dalka kala wareegay Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhinaca kale Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan ugu magacaabay xilka ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Agaasime Ku-xigeenka Cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka.

“Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan Amiin waa aqoonyahan labo shahaado ka haysta heerka 2-aad ee jamaacadda, isaga oo ku takhasusay Horumarinta Dhaqaalaha, Maareynta Nabadda iyo Aammaanka Afrika. Waxa uu hore u soo noqday Sanatar ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS iyo Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Golaha Aqalka Sare, sidoo kale waxa uu soo noqday Safiir Ku-xigeenka safaaradda aynu ku leennahay dalka Kenya,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha.

Xasan Sheekh ayaa goor sii horeysay oo maanta ah wuxuu agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka u magacaabay Xuseen Sheekh Maxamuud oo horay u soo noqday Senator laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xil-wareejinta kadib: Saddex waxyaabood oo laga filayo madaxweyne FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyay madaxweynaha cusub ee Xasan Sheekh Maxamuud oo la doortay 15-kii bishaan May.

Kadib xil-wareejinta maanta waxay dad badan isweydiinayaan tallaabada xigta ee uu qaadi doono Farmaajo, waxaana muuqata in dhegta loo taagayo mustaqbalka madaxweynihii hore iyo waxyaabaha hadda la gudboon.

Haddaba waxaa eegayna saddex waxyaabood oo kamid ah waxyaabaha sida gaarka ah looga filayo madaxweynaha xilka ka dagay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dal joog mise dibed joog?

Waxaa la xasuusta in Farmaajo durbadiiba uu aaday qurbaha markii uu toban sano ka hor laga wareejiyay xilkii Ra’iisul Wasaaraha, inta uusan noqonin madaxweyne, waxayna xiligaan taageerayaashiisa is-weydiinayaan halka uu dagi doono.

Madaxweynihii hore waxa shantii sano ee u dambeysay hoy uu ahaa madaxtooyada Villa Soomaaliya, isagoo hayay xilka ugu sarreeya dowladda federaalka, balse hadda waxa qasaba in uu meel ka baxsan dago.

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa xaqiijiyay in Farmaajo uu dagi doono dalka gudihiisa oo uusan dibada u socon, sida kal hore dhacday.

Sida lagu soo waramayo waxa uu kireystay guri ku yaalla waddada u dhaxaysa isgoyska KM4 iyo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle, halkaas oo deegaan u ah madaxdii hore ee dalka iyo kuwa hadda jooga qaarkood, waana goob amnigeeda uu adag yahay.

Mucaarad mise muxaafid?

Tan iyo markii la doortay madaxweyne cusub ee dalka, waxa uu Farmaajo ku cel-celiyay in uu la shaqeyn doono, si loo dhaqaajiyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla dowladda cusub.

Sidoo kale Afhayeenka madaxweynihii hore ayaa sheegay in aysan qorshaha ugu jirin xiligaan Farmaajo in uu mucaarid ku noqdo dowladda cusub iyo madaxweynaha cusub.

“Qorshaha marna kuma jirto wax mucaarad ah iyo wax arrimahaas ku saabsan, muhiimaddu waxay tahay in sidii uu markii horeba madaxweynuhu ku baaqay uu barbar istaagayo dowladda cusub iyo madaxweynaha cusub,” ayuu yiri.

Marka laga imaado hadalka Afhayeenka madaxweynihii hore si dhab ah looma xaqiijin karo in Farmaajo uu waqti siin doono madaxweynaha cusub iyo in uu durtaba bilaabi doono mucaaradnimo, waxaana lagu tilmaami karaa qodobka ugu wayn ee sharraxaaddiisa laga sugayo Farmaajo.

Ka shaqeysiinta xildhibaanimo

Waxyaabaha laga filan karo madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa kamid ah in uu kasoo muuqdo hoolka shirarka ee Baarlamaanka, si la mid ah xildhibaannada kale lasoo doortay.

Sida ku xusan dastuurka qabyo qoraalka ah ee Soomaaliya, qof walba oo noqda madaxweyne rasmi ah oo aan ku-meel gaar ahayn waxa uu xaq u yeelanayaa inuu xubin joogto ah ka noqdo baarlamaanka federaalka, gaar ahaan Golaha Shacabka, taasi oo ah xubin sharafeed.

Farmaajo ayaa noqonaya madaxweynihii labaad ee xiligaan xubin sharafeed ka noqda baarlamaanka, ayada oo shantii sano ee lasoo dhaafay uu Madaxweynaha hadda la doortay ahaa xildhibaanka kaliya ee haystay kursiga joogtada ah ee baarlamaanka.

Si kastaba, haddii uu soo xaadiro Golaha Shacabka waxay noqon doonta markii u horeysay ee isagoo xildhibaan caadi ah uu halkaas tago, hase yeeshe lama oga goorta uu bilaabi doono inuu xildhibaannimadiisa dhaqan-geliyo.

Farmaajo oo dalab diray kadib xil wareejintiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey munaasabadda xil wareejinta Madaxweynaha cusub ayaa ka dalbaday bulshada Soomaaliyeed inay la shaqeeyan Xasan Sheekh Maxamuud.

Farmaajo ayaa kula dar-daarmay qeybaha kala duwan ee bulshada inay taageeran madaxweynaha cusub, maadama ay dhamaatay doorashada iyo is-kooxeysigii lagu rabay xilka u sareeya ee dalka.

“Waxaa rabaa in aan ku idhaahdo la shaqeeya madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud oo doorashadii waa dhamaatay, waxa la galaya waqti shaqo wuxuuna shaqada u qabanaya umadda Soomaaliyeed, sidaas darteed waa in aan ku garab galno oo u Midowno,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ballan-qaaday in uu gacan siin doono madaxweynaha cusub, islamarkaana uu si dhow ula shaqeyn doono inta uu xafiiska joogo.

Farmaajo iyo Xasan ayaa maanta si rasmi ah xilka isugu wareejiyey, waxayna isku muujiyeen niyad wanaag iyo in hore loo socdo oo laga shaqeeyo wax ka qabashada culeysyada badan ee bulshada Soomaaliyeed la daala-dhaceyso.

Madaxweynaha xilka la wareegay ayaa ku guuleystay doorashadii 15-ka May ka dhacday teendhada Afisyoone, taasi oo uu kaga adkaaday madaxweynaha xilka ka dagay ee uu maanta sida rasmiga ah ugala wareegay tallada dalka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa kasoo baxday sanad iyo dheeri jahwareer siyaasadeed ah, midaasi oo horseed u ahaayeen dib u dhacyada doorashooyinka soo afmeermay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay agaasimaha guud ee madaxtooyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhoweyd magacaabay xilkii u horeeyay, kaasi oo u magacaabay Xuseen Sheekh Maxamuud xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweyne Xasan ayaa xusay in Agaasimaha cusub uu tusaale u yahay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee dib u dhiska dowladnimada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed oo uu ku bixiyey waqti badan.

“Waxaa Alle uga baryaya in uu u fududeeyo Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka gudashada waajibaadka horyaalla, waana uga mahad-celinayaa Agaasimihii Hore ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise dadaalka uu bixiyey muddadii uu xilkan hayey.”

Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada ayaa horey u soo noqday Sanatar ka tirsan Golaha Aqalka Sare, waxayna magacaabistii kusoo aadeysa saacado kooban kadib markii uu madaxweyne Xasan xilka kala wareegay madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale waxa uu kamid yahay guddoomiye ku-xigeenada xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. – Waxa uu kasoo jeeda beesha Digil iyo Mirifle

Magacaabistan ayaa dhabbaha u xaari doonto bilowda dhismada dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayada oo ay xigi doonaan xilal kale oo dhowr ah, oo uu ugu weyn yahay xilka ra’iisul wasaaraha cusub.

Faa’iido mise khasaaro: Muxuu Deni kasoo hooyay doorashadii madaxweynaha?

Muqdisho (Caasimada Online) – Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kaalinta sadexaad ka galay doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee bartamaha bishaan ka dhacday magaalada Muqdisho.

Wuxuu ku jiray dadkii loo saadaalinayey xukunka dalka, laakiin xisaabtii uu isticmaalay iyo middii Xamar taalay ayaa aad u kala duwanaa.

Deni wuxuu heystay qiyaas marna sax aheyd marna khaldaneyd. Wuxuu fahamsanaa in isaga iyo Farmaajo wareegga koowaad hoggaamin doonaan kadibna labada ku xigta ay tanaasuli doonaan markaas kadibna codadka mucaaradka oo dhan ay isaga usoo wareegi doonaan.

Xisaabta Saciid Deni marka doorashooyikii hore la waafajiyo waa saxneyd, laakiin wuxuusan akhrin in Midowga Musharixiinta mucaaradka ku heshiiyeen in midkooda ugu codadka bata inay xoojiyaan, isaga kama tirsaneyn Midowga Mucaaradka ee fadhigoodu ahaa magaalada Muqdisho.

Natiijada Saciid Deni waxaa laga fahmay inuusan wax olole ah ka dhex sameyn maamulada Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo xubnaha Reer Woqooyiga.

Codadka uu heystay waxay ahaayeen kuwii Puntland iyo Jubbaland oo qaar ay baxsadeen. Deni wuxuu u muuqdaa nin gaaray qaar kamid ah waxyaabihii hadafka u ahaa ololihiisa qaarna gaari waayey.

Saciid Deni wuxuu bixiyey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, horey wuxuu u sheegay inuu garabsan doono cid walba oo rabta in nidaamka Farmaajo la bixiyo.

Saciid Deni inkastoo uu xukunka qaadan waayey haddana wuxuu abuuray fursad reerkooda ah oo la xiriirta doorashada 2026. Haddii uu Farmaajo xafiiska kusoo noqon lahaa waxaa hoos u dhici laheyd fursadda beesha ay labadooda kasoo wada jeedaan ee doorashada dambe.

Deni hadda wuxuu ka tagay iyadoo ay reerku fursad u heysstaan doorashada xigta ee madaxweynaha Soomaaliya .

Dhinaca kursiga Ra’iisul Wasaaraha

Tani waa fursad ay weli su’aal saaran tahay. Waxaa la warinayaa in Saciid Deni uu jeclaan lahaa inuu Ra’iisul Wasaare noqdo, waa rabid uusan qofna dafiri karin.

Lama hubo in Xasan Sheekh Maxamuud uu aqbali karo inuu Saciid Deni u dooqdo kursiga Ra’iisul Wasaaraha, laakiin xataa haddii Deni aan la siin kursigaas wuxuu talo xooggan ku yeelan doonaa qofka imaanaya taasoo dhiseysa xukuumad uu shirkad weyn ku yahay.

Inuu ra’iisul wasaare helo waxay kusii heyn kartaa fooqa sare iyo inuu damiciisa madaxweynaha Soomaaliya cusbooneysiiyo, laakiin illaa iyo hadda ma cadda cidda kusoo bixi doonta kursiga ra’iisul waasaraha Soomaaliya.

Saciid Deni waxaa loo arkaa mid kamid ah labada qof ee qarashka ugu badan ku bixiyey doorashadii dhammaatay ee Soomaaliya. Inay xukunka u iibin weyso ma ahan culeys yar.

Saciid Deni isagoo guul iyo guuldaraba xambaarsan ayuu ku laabanayaa Puntland haddii uu waayo xilka ra’iisul wasaaraha halkaas oo uusan malaha ka heli karin miisaan u dhigma midkii hore.

Khilaafka isaga iyo Karaash lama yaqaano sida uu ku dhammaan karo, shacabka reer Puntland aad uguma riyaaqin sida ay wareysiyo kala duwan ku bixiyeen inuu Saciid Deni door xooggan ka qaatay in Farmaajo la dibriyo taasoo hoos usii jiidi karta shacbiyadiisa sida ay falanqeeyaasha qabaan.

Farmaajo oo shaaciyey xogta askartii la geeyey Eritrea iyo Xasan oo jawaab bixiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo khudbad ka jeediyey munaasabadda xil wareejinta Madaxweynaha cusub ayaa ka hadlay arrimo ku aadan askartii loo qaaday wadanka Eritrea.

Farmaajo ayaa ka sheegay xil wareejinta in ciidamadii ugu badnaa ee Soomaaliyeed tababar loogu qaaday dalka dibaddiisa, gaar ahaan Eritrea, ayna diyaar yihiin.

Madaxweynihii hore ayaa xusay ciidamadaasi ay gaarayaan  illaa 5,000 oo askari, isla-markaana ay dhammeysteen tababarka, balse ay dib u dhigeen doorashada darteed.

“Shan kun oo askari ayaa tababar u geynay Eretareeya waxa ay tababarka dhammeysteen sanadkii hore bartamihiisa, waxaana dib ugu dhignay xaaladda aan ku jirnay iyo in aysan saameyn doorashada dalka”ayuu yiri Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Ujeedka ciidamadan Eritrea loo geeyey waxa uu ku sheegay in la tababaro, si ay qayb uga noqdaan dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Dhankiisa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay inay ka shaqeyn doonaan sidii ciidamadii Eritrea la geeyay dalka loogu soo celin lahaa, maadaama ay muddo dheer ka maqnaayeen waalidoontooda.

“Ciidamada Eritrea jiray muddo dheer wey naga maqnaayeen waana wiilasheenii, waan ka shaqeyneynaa sida ugu dhakhsiyaha badan in dalka ay ugu soo noqdaan oo dalka dib u xoreyntiisa qeybta weyn ay ku leeyihiin ay ka qaataan, waa ciidan Soomaaliyeed, dalka Soomaaliya baa iska leh,” ayuu yiri Madaxweyna cusub oo maanta xilka la wareegay.

Si kastaba, dood xoogan ayaa horay uga dhalatay ciidamada Soomaaliyeed ee la geeyey dalka Eritrea, iyada mar lasoo wariyey in laga qayb galiyey dagaalkii ka dhacay waqooyiga dalka Itoobiya, taas oo uga sii dartay walaaca waalidiinta ay ka maqan yihiin caruurtooda.

Sawirro: Muxuu Farmaajo ku wareejiyey Xasan Sheekh?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyey Madaxweynaha mar labaad lasoo doortay ee Xasan Sheekh ayaa ka warbixiyey feylasha iyo dukumintiyada uu wareejiyey, kadib shan sano oo uu soo xukumayey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Farmaajo oo ugu horreyn soo hadal qaaday ciidankii loo qaaday Eritrea ayaa sheegay inuu Madaxweynaha cusub ku wareejiyey illaa 5,000 oo askari oo loo tababaray qaybaha kala duwan ee ciidamada Soomaaliyeed.

Madaxweynihii hore ayaa tilmaamay in ciidamadaasi uu usoo dhammaaday tababarkooda, balse ay dib u dhigeen in la keeno, maadaama ay kusoo aadeen xilligii doorashada.

“Shan kun oo askari ayaa tababar u geynay Eretareeya waxa ay tababarka dhammeysteen sanadkii hore bartamihiisa, waxaana dib ugu dhignay xaaladda aan ku jirnay iyo in aysan saameyn doorashada dalka”ayuu yiri Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu wareejiyey bad-qabka kheyraadka dalka oo aan ku dhicin wax isbedal ah, isaga oo sidoo kale soo hadal qaaday kiiskii badda ee soo dhammaaday.

Waxaa kale oo uu xusay in hantida dadka Soomaaliyeed ay sideedii tahay, isla-markaana uusan jiriN wax dhul ah oo uu milki ahaan u bixiyey.

Hawadii Soomaaliya ee lasoo celiyey, isla-markaana hadda laga maamulo magaalada Muqdisho ayaa ka mid ah waxyaaba kale ee uu wareejiyey Farmaajo.

Sidoo kale sharciga doorashooyinka ayuu u dhiibay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamed, si dalka loo gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

Dhinaca kale wuxuu sheegay inuu jiro codsi ay u direen QM oo ku aadan xubinimada dalkeena, isla-markaana Soomaaliya ay golaha fariisan doonto 2025 illaa 2026.

Arrimaha kale uu soo hadal qaaday Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa ka mid ah inuu wareejiyey barnaamijka deyn cafinta oo uu tilmaamay inay soo ka soo gudbiyeen illaa afar marxaladood, isla-markaana ay dhiman tahay hal marxalad oo kaliya.

Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in arrinta Somaliland ay weli halkeeda tahay, balse loo baahan yahay in lasii amba qaado wada-hadallada, si looga mira-dhaliyo midnimada.

Daawo: Sidee ayey maanta u dhacday xil wareejinta madaxweynaha cusub?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta Villa Soomalaiya waxaa maanta lagu qabtay munaasabadda xil wareejinta Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo si weyn loo soo qaban qaabiyey.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qayb-galay madax kala duwan oo ay ugu horreeyaan guddoomiyeyaasha labada Aqal, taliyeyaasha ciidamada iyo marti sharaf kale.

Sidoo kale ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Madaxtooyada iyo kooxda Baambeyda ayaa qayb ka ahaa munaasabadda oo ka dhacday barxadda weyn ee madaxtooyada.

Labada Madaxweyne ayaa maanta si rasmi ah xilka isugu wareejiyey, waxayna madasha ka jeediyeen hadallo ay isku soo dhoweynayaan iyo kuwa ay isku macsalaameynayaan.

Madaxweynihii hore oo khudbadda qaatay ayaa marka hore faah faahin ka bixiyey xil warreejinta dowladdii uu soo xukumayey iyo waxyaabaha uu ku wareejinayo Madaxweynaha cusub, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo mar labaad la doortay.

Farmaajo ayaa intaasi, kadib u mahadceliyey taageerayaashiisa iyo guud ahaa dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ballan qaaday inuuu la shaqeyn doono Madaxweyne Xasan.

“Madaxweynow aniga ka ahaanteyda waan ku garab taaganahay waxaan kaa ballan qaadayaa inaan garab kuugu siiyo heer walbaba Insha allah waxaan kuu rajeyneynaa inuu Ilaahey kuu fududeeyo,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed C/llahi Farmaajo.

Dhankiisa Madaxweynaha cusub oo ka hadlay xil wareejinta ayaa u mahadceliyey Madaxweynihii hore ee dalka, wuxuuna sheegay inuu shaqada halkeeda kasii wadi doono.

“Madaxweynuhu si tartiib ah oo nidaam ah ayuu iigu wareejiyey xilka dukumintiyaasha iyo mashaariicda feylasha waa weyn oo Madaxweynuhu ka hadlay oo dhan waan la wareegay tartiib ayaa dib dib ugu aqrin doonaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhacdadaan ayaa aheyd mid xiiso badan, waxayna uga duwaneyd munaasabadihii hore in labada nin ee mid sii galay Villa Soomaaliya mid kalena kasoo baxay ay horey sidan oo kale xilka isugu wareejiyeen, kadib doorashadii 2017-kii oo loo adkaaday Xasan Sheekh oo isna haatan doorashada 2022 uga guuleystay Farmaajo oo uu horey ugu wareejiyey talada.

Si kastaba, munaasabaddan ayaa dhammeystir u ah doorashadii soo socotay mudada sanadka ka badan, waxaana xafiiska ku wareegaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

R/W Rooble oo soo saaray amar ku socdo wasiirka arrimaha dibadda Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray amar culus oo si toos ah ugu socdo wasaaradda arrimaha dibadda, kaas oo la xiriira shaqaalihii laga saaray wasaaradda.

Rooble ayaa wasiir Cabdisaciid Muuse Cali ku wargeliyey in laga bilaabo kowdii Janaayo 2022 shaqaalaha dowladda ee la bedelay ama shaqada laga qaaday aanay waafaqsaneyn go’aankii horey uga soo baxay Golaha Wasiirada, sida lagu sheegay qoraalkan soo baxay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale faray in dhammaan shaqaalahaas dib loogu fasaxo howlahooda shaqo, dibna loogu celiyo goobihii iyo xafiisyadii ay ka shaqeynayeen.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray hey’addaha kale ee dowladda ee warqadan ogeysiinta lala socodsiiyay inay qabsadaan howlaha kaga aadan fulinta amarkan.

“Sidaas daraadeed waxaa la idinka rajeynayaa inaad sidaa ula socotaan fulisaana awaamiirta sare ku xusan” ayaa lagu yiri gabagabadii amarka kasoo baxay Rooble.

Go’aanka kasoo baxay ra’iisul wasaaraha oo haatan ku sugan dalka Imaaraadka Carabta ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi ah, maadaama maanta uun xilka la wareegayo Madaxweynaha cusub ee dowladda Soomaaliyda, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, wuxuu amarkan saameyn doonaa shaqaalihii kala duwanaa ee ay wasaaraddu qaadatay wixii ka dambeeyey kowdii Janaayo ee 2022, maadaama dib loo soo celinayo shaqaalihii horey u joogay wasaaradda ee la beddalay & kuwa toos looga saaray shaqada.

Yaa jabiyay CC SHAKUUR doorashadii madaxweynaha?

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ahaa xubnihii filashada badan laga qabay doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa kamid noqday xubnihii ku haray wareegii hore ee doorashada madaxweynaha.

Waxay kamid aheyd dhacdooyinkii loogu yeeray ‘lama filaankii doorashada ee dhanka hoose.’

Cabdiraxmaan oo ahaa mucaaradka ugu weyn ee Farmaajo kasoo horjeeda ayaa dhinaca kale wuxuu shaqo muuqda ka qabtay dhinacyada dadweynaha, ganacsatada iyo saaxiibada dibadda, laakiin dariiq ay isaga iyo beeshiisa isaga soo dhaceen maalmihii u dambeeyey ee doorashada madaxweynaha oo loo arkayey faa’ido u soo korortay ayaa dhinaca kale loo akhriyey dhibaato soo deg degtay.

Kacdoon dhashay 72 saacadood ka hor doorashada madaxweynaha, kaas oo dabasocday soo jeedin markii hore la sheegay inay ka timid ra’isul wasaare Rooble iyo hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayey dadka qaar filayeen inay Cabdiraxmaan ka saacidi doonto natiijo buuran.

Kulamo kala duwan oo Rooble iyo Qoor Qoor lala yeeshay doorashada ka hor waxaa ku jirtay kalmad la yiraahdo hal musharax xoogiina isugu geeya.

Ganacsatada beeshaas ayaa sidoo kale soo jeedisay in hal qof la dhiso. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo loo arkayey kan ugu fursadda badan ayaa dhowr musharax oo ay ku jireen Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Dr. Cabdinaasir Cabdulle u tanaasuleen iyadoo markaas kadibna ay ganacsato siisay gacan maaliyadeed.

Hase yeeshee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame wuxuu ku haray wareegii koowaad ee doorashada madaxweynaha isagoo helay 15 cod.

Hadda waxaa aad la isku weydiinayaa cidda jabisay Cabdiraxmaan?

Kooxdiisa ololaha oo aan la hadalnay waxay toos eedaan dusha uga saarayaan hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Kaliya maahan inay diideen inay Cabdiraxmaan dhisaan, balse waxay toos ula dirireen dhammaan kanaaladii uu codadka ka heli karay sida ay kooxdiisa sheegtay.

Qoor Qoor wuxuu dhisayay Farmaajo, wuxuuna qorshaha labaad ka dhigtay Shariif Sheekh Axmed, waxaana la sheegay in xildhibaanada ka diida inay Farmaajo codka siiyaan uu ku qalqaalinayey inay Sheekh Shariif siiyaan. Rooble isagu bannaanka ayuu u taagnaa Xasan Sheekh.

Kooxda ololaha ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa laga soo weriyey in xilldhibaano go’aansaday inay codka isaga siiyaan in Qoor Qoor iyo Rooble ay soo dhex galeen oo ay badaleen kuna xireen musharixiin kale, taas oo burburisay halgankii Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee soo socday 5-ta sano, waa sida ay kooxdiisa ku doodeyso.

Lama yaqaano waxa ay sidaan u sameeyeen, laakiin dadka qaar waxay leeyihiin waxay aaminsan yihiin inuu dili lahaa fursadooda dambe ee siyaasadda, haddii uu soo bixi lahaa Cabdiraxmaan.

Suurtagal maaheyn inuu natiijo fiican keeno musharax ay la dagaalamayaan labadii siyaasi ee ugu sareysay beeshiisa ayey leeyihiin falanqeeyaashu.

Inkastoo aanan Cabdiraxmaan Cabdishakuur si gaar waxba uga weydiinin sababihii jabiyey iyo waxa uu qorsheynayo mustaqbalka dhow, hadana kooxdiisa ololaha waxay noo sheegeen in arrintaan si weyn la isaga wareystay dhowrkii cisho ee lasoo dhaafay oo ay tuhuno badan jiraan.

Xagga dadweynaha arrintani waxay aheyd dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay mid kamid ah hadalheynta ugu weyn ee siyaasadda Soomaaliya.

Soomaalida Netherlands oo dooratay guddi cusub

Dallada isu-tagga ururada Soomaalida “Federatie van Somalische Associaties” ee magaceeda loo soo gaabiyo [FSAN] oo ah dallad ay ku middeysan yihiin in ka badan 65 ururo Soomaali ah, oo ka dhisan waddanka Netherlands ayaa doorasho daah-furan oo shalay ka dhacday xafiiskooda Magaalada Amsterdam ku doortay guddi ka koobban 5 xubnood oo 2 ka tirsan ay ahaayeen Guddigii  hore ee dalladda.

Doorashada ka hor, ayaa maamulkii hore waxa ay ka warbixiyeen waxqadkii dallada muddadii ay joogeen, iyagoo ku amaanay ururada xubnaha ah howlaha ay ka hayaan magaalooyinka ay ka dhisan yihiin iyo xiriirka wada-shaqeyneyd ee ay leeyihiin dallada FSAN.

Gudoomiyahii hore FSAN Cali Waare ayaa inta aysan dhicin doorashada waxa uu codsaday inuu masuuliyadda uu hayo baneenayo maadaama buu yiri loo baahan yahay isbeddel iyo wejiyo cusub, isagana uu muddo soo hayey xilkan gudoomiyaha FSAN. 

Guddiga xilka ka degay ayaa soo jeediyay in 3 xubnood oo xilal kala duwan dalladda ka soo qabtay, laguna tuhmayay waaya-aragnimo dhinaca maamulka ah loo xilsaaro  agaasinka doorashada, waxeyna kala ahaayeen C/kariin, Mahad & Iikar.

Guddiga doorashada ayaa soo jeediyay in  9-ka musharax ee u tartamayay ka mid noqoshada guddiga FSAN midkiiba la siiyo sursad 3 daqiiqo ah, oo uu ku sharaxayo khibradiisa & haddii xilkaasi loo doorto waxa uu dalladda ku soo kordhin karo, iyada oo xubnihii ka socday ururada na fursad loo siiyay in ay  su’aalo weydiin karaan. 

19-kii xubnood ee ka socday ururada soo buuxiyay shuraadaha codbixinta ayaa u codeeyay sagaalkii musharax ee la doonayay in laga soo xusho 5 xubnood,  waxaana natiijadii doorashadu ku soo idlaatay:

1] Maxamed Cabdullaahi [Askari] wuxuu helay 12 cod
2] Maxamed Cusmaan [Guurre] wuxuu helay 9 cod.
3] C/shakuur Cilmi Xassan wuxuu helay 8 cod.
4] Amal Cumar waxay heshay 7 cod
5] Cabdiwahaab Yariisow wuxuu helay 6 cod
6] C/qaadir Nuune wuxuu helay   6 cod.
7]  Maxamed Siciid wuxuu helay 5 cod
8] Cusmaan Abuukar  wuxuu helay 4 cod
9] Shariif-ka wuxuu helay [waxba]

C/shakuur Cilmi oo doorashada ka galay kaalinta 3-aad ayaa soo jeediyay  inuu u  tanaasulo, ayna booskiisa soo buuxiyaan shaqsiyaad aan looga maarmin karin shaqada FSAN khibradooda daraadeed. 

Sida dastuurka FSAN uu dhigayo guddiga la doortay ee 5-ta xubnood ka koobban ayaa dhexdooda iska doortay Guddoomiye, Xisaabiye & Xog-hayn, waxayna u kala doorteen:-

Maxamed C/llaahi Askari [Askari] oo loo doortay Guddoomiyaha dalladda FSAN, C/wahaab Yariisoow ayaa noqday Xisaabiye, Amal Cumar oo loo doortay Xoghaye, halka Maxamed Cusmaan Guurre & C/qaadir Cali [Nuune] ay noqonayaan xubno ka guddiga ka tirsan.

Guddoomiyihii hore ee dalladda FSAN Cali Waare, ayaa lagaga mahadceliyay muddadii uu xilkaasi hayay waxqabadkii & dedaaladii loogu qidmeynayay mushtamaca Soomaalida ah, wuxuuna Cali u rajeeyay Guddiga cusub oo uu ku tilmaamay dad waxtar leh in ay halkaasi ka soo wadaan dedaalada ku aadan in laga shaqeeyo sidii da looga shaqeyn lahaa Soomaalidu iyaga oo isku duubban.

Hub ay bixisay hay’adda CIA-da Mareykanka oo lagu dilay 22 qof oo Soomaali ah

Boosaaso (Caasimada Online) – Ugu yaraan 22 qof oo ay ku jiraan laba caruur ah ayaa lagu dilay tobaneeyo kalena waa lagu dhaawacay hub ay bixisay hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA oo loo qeybiyey ciidan la-dagaalama argagixisada oo ka dhisan Soomaaliya. 

Dagaalka ayaa ku saabsanaa cidda maamuleysa hubkaas, waxaa sidaas baaritaan ay sameysay ku ogaatay warbaahinta VICE World News ee Mareykanka.

Dagaalka oo dhacay sanadkii tegay ayaa dhex-maray askar ka wada tirsan ciidanka PSF ee Puntland oo ay abuurtay CIA-da, islamarkaana ay tababareen ciidanka Navy SEALS. 

Dadka dhintay ayaa waxaa ka jiray caruur uu dhalay nin la magacaabo Saciid Shidow oo da’doodu aheyd 8 iyo 12 jir, nin kale oo uu dhalay oo 35 jir ahaa, waxaana ku dhaawacmay afar kale oo da’doodu aheyd 6, 8, 9, iyo 13 jir, markii hoobiye uu ku dhacay gurigooda magaalada Boosaaso. 

Sida ay shaacisay VICE, markii madaxweyne Trump uu ciidanka Mareykanka ka saaray Soomaaliya horaaantii 2021, waxay ka tageen hub badan oo ay ku jiraan hoobiyeyaal, qoryaha AK-47 iyo rasaas.

Ciidanka PSF oo isku qabsaday maamulka xarun ku taalla Boosaaso iyo hubkii laga tegay, ayaa qeyb ka mid ah waxay la safnaayeen madaxweynaha Puntland Saciid Deni, halka qeybta kalena ay la jireen Maxamuud Diyaano. 

In kasta oo xiisaddaas la qaboojiyey, haddana cilmi-baare Soomaali ah oo la hadlay VICE, balse codsaday inaan la magacaabin ayaa rumeysan in dagaalka uu mar kale dib u qarxi karo. 

Waxa uu sheegay in qoyska Diyaano iyo maamulka Puntland ay labaduba sheeganayaan PSF iyo hubka Mareykanka uu ka tegay, islamarkaana xiisaddaas aan weli xal buuxa laga gaarin.

Hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa dhismaha ciidanka PSF billowday 2002, waxaana kadib tababarkooda la wareegay ciidanka Navy SEALS ee ah xulka ciidamada Mareykanka. 

Mareykanka ayaa markii ay ciidankan abuureen waxay awoodda siiyeen qoyska reer Diyaano. Waxaa markii hore ciidanka hogaaminayey Cusmaan Cabdullaahi Diyaano, kadibna waxaa kala wareegay wiilashiisa. 2018-kii ayaa Maxamuud Diyaano wuxuu hoggaanka PSF ka beddelay Asad Diyaano. Sidoo kale hooyadood ayaa aheyd madaxa mashruucyada iyo sahayda PSF.

Markii Mareykanka ay Soomaaliya ka baxeen Janaayo 2021, madaxweyne Deni ayaa bilo kadib xilka ka qaaday agaasime Maxamuud Diyaano, balse agaasimaha ayaa ku gacan sayray, isaga oo sheegay in qoyskiisa ay leeyihiin PSF.

Kadib ciidanka ayaa u kala baxay kuwa taageersan Diyaano iyo kuwa raacsan Deni, halkaasi oo dagaal culus uu ka qarxay.

“Waxay u maleeyeen welina u haystaan in PSF ay ayaga leeyihiin, taasina waa dhibaato weyn,” ayuu yiri taxliiliye la hadlay VICE.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM) ayaa mar wax laga weydiiyey beenin in hubkooda uu ku jiro gacanta PSF, balse waxay sheegeen inaysan wax lug ah ku laheyn wixii dhacay.

“Ciidamada Mareykanka kuma lug laheyn wax howlgal militari ah oo dhacay December 2021, sidoo kalena ma jiraan wax sheegashooyin khasaare shacab ah oo nasoo gaaray,” ayuu yiri wakiil u hadlay AFRICOM.

Dowladda Puntland iy saraakiisha PSF ayaa diiday inay ka jawaabaan codsiyo loo diray oo la xiriira dagaalkan.

Sidee habboon in laga yeelo ciidankii Gedo la geeyay?

Dowladdii madaxweyne Farmaajo ayaa meelo ka mid ah gobalka Gedo geysay ciidan heer federaal ah. Ujeedka ciidankaas maamulka Jubaland (JL) iyo madaxdi mucraadka waqtigaas, oo uu ku jiro madaxweynaha cusub, waxay ku sifeeyeen arrin siyaadadeed. waxaa ay cod dheer ku dhihi jireen “ciidanka ha la soo celiyo”. Madaxweyne Xasan sheekh si gaar ah ayuu ugu celceliyay in ciidaankaas khalad meesha lagu geeyay ayna tahay in dib loogu soo celiyo xeryihii laga qaaday. Haatan Xasan waa ninka dalka ugu sarreeya. Isagaa leh go’aanka iyo waxa laga yeelayo ciidankaas.

ka go’aan-qaadashada arrintaas waxay u baahan tahay helidda xog rasmi ah, kaadsiimo iyo ka fekerka meel ka fog halkii awal dooddu joogtay. Qormadaan gaaban waxaan rabaa inaan kusoo gudbiyo xog la xiriirta ciidammadda Gedo la geeyay. Waxaa ay u badan tahay in affriintaydu aysan gaarin madaxweynaha laakiin ugu yaraan dadka Soomaaliyeed waa in ay ogaadaan xogta dhabta ah ee ciidankaas iyo midda gobalka si ay sooyaalka ugu daraan tallaabooyinka la qaado. 

Aan ku billaabo naftayda iyo xiriirka Gedo naga dhaxeeyo. Gobalka Gedo waa halka qoyskaygu ku noolyahay. In waqti ah seddexdi sanaba mar ayaan tagayay. safarkaygi ugu danbeeyay wuxuu soo gabagaboobay 24’ki Maarso 2022. Midkii ka horreeyay wuxuu ahaa isla bilaha Feebaraayo iyo Maarso 2019. Waxaa kaas xigay 2016. Taasoo ka dhigan inaan tagay laba jeer oo Farmaajo xilka hayay iyo mar uu Xasan hayay. Safarki ugu danbeeyay marki laga reebo, waxaan tagi jiray Baladxaawo iyo Garbahaarreey iyo mar aan Doolow ku daray. 

Waxyaabaha aan mar walba u kuurgali jiray waxaa ka mid ahaa ciidammada iyo amniga. 2016, Garbahaarreey waxaa joogay ciidan u eg mid dowladeed. Si fiican u labbisan, gaajo aysan ka muuqan, xuquuq hela ilaa xadna disbiliin leh. Baladxaawo goortaas waxaa ay ahayd xero mooryaan. Ciidanka joogay wuxuu ahaa wiilal yaryar oo qoryaha dhulka ku jiidaya, aad u diifaysan, qaarkood dacas iyo macawiso gashanyihiin oo ay adagtahay in lagu tilmaamo ciidan. Gawaarida xamuulka keenta ayaad arki karaysay iyadoo dhowr wiil midba mar meel ku joojinayaan iyagoo lacag ka raba. Ma ahayn ciidan diiwaan-gashan oo xuquuq leh. Dhowr cisho oo aan joogay laba maalin oo ka mid ah ayay suuqa isku rasaaseeyeen iyagoo halis galiyay nafta dad badan oo shacab ah.

2019, Garbahaarreey waa ay sii hagaagtay. Xaqiiqdi waxaan kusoo arkay ciidan aad u disbiliin sarreeya. Waa ay adkayd inaad aragto askari qori sita oo suuqa maraya. Marki ay xeryahooda ka baxayaan waxaa laga reebi jiray qoryaha iyagoo tuutaha kaliya xiran ayayna magaalada soo aadi jireen. Maaddaama aan hub loo oggalayn in ay suuqa la maraan, galabnimo ayay xeryahooda ku noqon jireen. Baladxaawo waqtigaan (2019) isbaddal badan ayaan ku arkay. Wiilashi arradnaa tuute iyo kabo buud ah ayaa loo xiray. Muuqaal iyo haybad ciidan ayay yeesheen. Laakiin kuwa Garbahaarrrey ma aysan gaarin xagga disbiliinka oo wali hub ayay ku siteen suuqyada. 

2022 waxaan la kulmay waayo’aragnimo kale. Garbahaarreey ma aanan dhaafin. Iyadu ugama tagin ciidanki aan ku aqaannay. Ciidanku waa isla isagii laakiin waxaa lumay disbiliinki bilayay. Askartu habayn iyo maalin suuqyada ayay hubka la joogeen. iyagoo qoryaha dhabta ku haysta ayay biibitooyinka ku qayilayeen. Haddii aan waraystay sababta sidaan uu isugu baddalay ciidanku, waxaa la ii sheegay in wanaggi iyo disbillinki aan arkay uu la yimid taliyihii markaas xukumay. wuxuu ahaa nin adag oo aan cidna ugu joojin shaqadiisha. wuxuu hal jid saaray ciidanka kala sooc la’aan. Sargaalka hadda haysta ayay dadku iigu sheegeen nin jilicsan oo aysan askartu ka baqin. Sidii ay doonaan ayay u jabiyeen shuruucdi loo dhigay isna waxba ma dhaho.

Kuwaasu waa ciidanki awalba joogay oo ilaa waqtigii Xasan halkaas lagu ogaa. Waxaa kusoo kordhay malleeshiyaad NISA lagu sheegay. Waxaan magaalada (Garbahaarreey) ugu tagay laba Cabdibile oo NISA ku qoran tahay. Waxaa had iyo goor ku dhooban wiilal hubeysan oo kala jeestay iyagoo qoryaha keebka haysta. Muuqaalka hore waxaa kugu soo dhici qabaalladi sagaashamaadki lagu dagaal gali jiray. Marki ay magalaada dhex marayaan waa ay kuu xaqiiqoobi in ay yihiin mooryaanti rasmiga ahayd oo gaariga NISA loogu buufiyay.

Gaariga tiro badan ayay ku saaran yihiin. Isagoo aad mooddo galtaan la ganay ayaa suuqa la marsiin. Xiinkiisa, boorka uu kicinayo iyo quruuruxa uu firdhinayo ayaa argagax iyo cabsi ku rida dadka meesha ka dhow oo dhan. Bismillah iyo Ilaahow na mooti ayaa lagula noolyahay. Waxay dagganyihiin ayrboorrada dagmooyinka Gedo. iyagaa maamula wixii khidmad ahna ka qaada. Haddaan dhuuxaamay waxaa la igu xansaday in aysan ahayn NISA rasmi ah oo diiwaan la yaqaan ku jira, balse ay yihiin wiilal gobalka laga aruuriyay oo rag meesha qabsaday dadka ku baqdin galiyaan. Haddaan si kale u digo waa ciidan ka mid ah ciidanki Gedo la geeyay oo laba nooc ahaa. 

Nooca labaad ee Gedo la geeyay waa cidanka Gorgor oo Doolow iyo Baladxaawo la geeyay. Inkasta oo aanan tagin Baladxaawo intii ciidankaan la geeyay, haddana aad ayaan xogtiisa u raadiyay. Waxaan isku dayay inaan helo xog rasmi ah oo ku saabsan dhib iyo dheef wuxuu keenay. Baladxaawo ciidankaan waa ku diirsatay. Geynti ciidankaas waxay uga dhignayd xorriyaddii Soomaaliya lixdanki qaadatay oo kale. Si aad u fahanto muhiimmada arrintaas, aan ku siiyo xog kooban oo ku saabsan dagmada.

Ilaa iyo 1997’ki, dagmadaas waxaa gacanta ku hayay maamul gacan ku samays ah oo had iyo goor ku xiran waddamada dariska ah. Hadba kan ku gacan sarreeya gobal, Itoobiya iyo Kenya ayuu u shaqayn jiray. Haba u shaqeeyee danta shacabka uguma adeegayn. Labada dal xagga la macaamilka shacabka waxaa xun Kiinya. Itoobiya waa gumeyste aanan doonayn in dhagartiisa la fahmo. Laakiin Kiinya waa cawaan loo jabay oo aanan wax dan ah oo kale naga lahayn. 

Dadka ku nool Baladxaawo, oo in badan, noloshoodu ku xirantahay Mandera ayaa dhib weyn ku qabay askrata Kiinya. Qofkii ay doonaan ayay dili jireen, xiri jireen, kufsan jireen, dhici jireen ama waxa ay doonaan ka samayn jireen iyagoon ka baqayn xataa cambaarayn. Intaasu, inta badan, waxaa ay ka dhici jirtay xudduud-beenaadka. waayadii danbe waa ay soo tallaabsatay. Tan iyo markii gobalka loo dhiibay maamul JL ku xiran oo Kenya daacad u ah, waxaa ay billowday in ay dadka ku dhibaatayso Baladxaawo gudaheeda. Muwaaddiniin Soomaali ah, oo danbi loo xiray ama tuhun Shabaab loo xiray, ayay danbibaarayaal Kiinyaan ku dhexwaraysan jireen xabsiga Baladxaawo. 

Marar badan in ay jirdil xabsiga ugu geysteen ayaa la sheegay. Laakiin inta badan lacag baad ah ayay ka qaadan jireen. Ogow waxaan ku leeyahay, wiil soomaali ah oo Baladxaawo askari Soomaali ah ku xiray ayaa inta sargaal danbibaare Kiinyaan ah loogu yeero looga furan jiray lacag isagoo Baladxaawo joogo. Lacagtaas askariga Kiinyaan ah looma dhiibi jirin ee kuwa Soomaalida ah ee la shaqeeya marki horana u yeeray ayaa loo marin jiray. Sidoo kale kuwa Itoobiya ayaa iyaguna tuhmanayaasha waraysan jiray marki ay doonaan kuwa ay doonaanna Doolow u taxaaban jiray. 

Ihaanadaas ayaa lagu noolaa waqti dheer. Markii maamul dulligaas sharciyeeyay gobalki laga dhisayna waa la quustay. Quustaas waxaa meesha ka saaray ciidanki Gorgor ee Baladxaawo la geeyay. Wuxuu ahaa ciidan Soomaaliyeed, aad u tababaran, disbiliin leh, oo aan kusoo korin meel sawaaxili Soomaali ku gumeysto walina aan baran la shaqaysiga cadowga Soomaalida. Askartaan waxaa ay dageen xudduud-beenaadka. Waxaa marki ugu horreysay muddo 24 sano ah la dareemay xudduud rasmi oo kiinyaanku xurmeeyaan. Ayaamihii hore, shaqadoodi dad baarashada iyo hujuunka ahayd ayay Kiinyaanku isku dayeen. Laakiin marki ficilladaas ciidanka Gorgor gacan-ka-hadal kaga jawaabay xudduudka ayayba dhowr kiiloomitir ka sikadeen. 

Waxaa loo sheegay Kiinyaanka in aysan qofna xiran karin, dhibi karin ama aysan wax kale u geysan karin. “Qofkii idiin soo gudba ama u oggolaada inuu sii socdo ama naga noqo dhaha adinkoo xagtin gaarsiin.” ayaa lagu yiri. Marar ay isku dayeen in ay jabiyaan heshiiskaas, weerar xanuujiyay ayaa loogu jawaabay. Hal dhacdo oo qofka ay ku dhacday aan xogtiisa la socday aan idinku tusaaleeyo.

Waa gabar Soomaaliyeed oo Maraykan ka timid. Nayroobi ayay soo martay. ka dib in ay Baladxaawo u gudubto ayay rabtay. Xudduudbeenaadka ayay askar kiinyaan ah ku joojisay. Baarid ka dib waxay arkeen in ay baasaboor Maraykan ah sidato. Waa baarteen xoogaa lacag ah oo ay wadatay iyo baasaboorki ayay ka qaateen bax iska soco ayayna ku dhaheen. Konton tallaabo ayadoon socon ayay u tagtay ciidanki Gorgor oo ay ku barooratay. Taliyihii Gorgor, oo horey cashar lama illaawaan ah, ugu dhigay dhiggisa Kiinya ayaa taleefan u diray dhiggiisa. “Gabadhaas oo dhib noocaas ah loo geystay ayaa ila joogta. haddii aadan saacad gudaheeda lacagti, baasaboorki iyo askarigi ka qaatay aadan isku keenin xeradaada ayaan isku wareysan doonnaa” ayuu ku yiri. 

Amarki ayuu dagdag u qaatay. Isagoo lacagti iyo baasaboorki wado ayuu yimid. Wuxuu ergo ka furey in laga daayo soo xiridda askariga. Wuxuu ku dooday kiiskaan wuxuu noqon mid ilaa madaxdayda sare ay ogaato oo aan qoro sababta aan askariga u xiray. Dhib iyo howl aanan ka bixi karin ayay igu furi ee iga raalli noqda ayuu ku cataabay. Isagoo u arka in loo ixsaan falay ayaa lagu yiri iska soco mar danbana yaysan noo imaan dhacdo noocaan oo kale ah. Tani waa hal tusaale oo aan xog-ogaal u ahaa. 

Xorriyaddaas dadku heleen, sharafka iyo gobinnimadaas la dareemay waxaa dheer in ciidaankaas dartii kiinya u joojisay darbigii ay ka wadday xudduud-beenaadka kasoo gudaha usoo galay Baladxaawo. Siduu caddeeyay waftigii uu hoggaaminyay wasiir Juxaa oo markaas ahaa wasiirka arrimaha gudaha dhowr kiilomitir ayay xadka Soomaliya soo galiyeen xarriiqa. Shaqadi socotay waxaa joojiyay shacabka caraysan oo guryahooda la dumin rabay. Ciidanka Kiinya, oo gacmahooda kala faanaya shacabkaas caraysan, ayaa doonay in ay adeegsadaan kuwa u shaqeeya ee magaca nala wadaaga. Ciidan daraawiish lagu sheegay ayaa maalmihii danbe difaac u ahaa Kiinyaanki dhulballaarsiga waday. Iyadoo isbaacsi lagu noolyahay oo daraawiishta JL iyo shacabku weerar iyo weerar celis isku yihiin ayaa Gorgor la keenay. Darbibaan dhisaynaa halkaas ayaa ugu danbsay lamana arag Kiinyaan danbe oo deyrka taagan.

Aan soo khulaaseeyo qormada. Ciidanka gobalka la geeyay waa laba. Ujeedki la rabo ha loo geeyee mid waa lagu diirsaday waana lagama maarmaan in halkiisa loo daayo. Midna wuxuu rabaa wax ka qabasho dhaqsa ah. Ciidanka NISA lagu sheegay wax aan dhib ahayn Gedo kuma hayo. Ma ahan ciidan dharcad ah ee waa mid tuutsaysan oo isaga iyo gaadiidkiisaba la yaqaan. NISA dharcad ah oo shaqadeedu sirdoon tahay waa loo baahanyahay, laakiin kan hadda jooga isbaddal ayuu rabaa.

Midka labaad waa ciidanka Gorgor ee xudduudaha la geeyay. Madaxweynow ogow in ciidaankaas ciidda Soomaaliyeed difaac u yahay. Ogow soo saariddiisu in ay ka dhigantahay bixinta arli Soomaaliyeed, dulleynta dad soomaaliyeed iyo hibaynta sharafki Soomaaliyeed. Waxaad ka shaqayso ha noqdaan sii xoojintooda iyo hubinta xuquuqdooda si aysan shacabka hunguri uga raadin. Ha noqdaan kuwo lixdi biloodba ama ugu badnaan sannadkiba mar la baddalo si aysan u baran la shaqaysiga waddammada dariska ah. Ogsoonow shaqadoodu waa ilaalinta xudduudaha ee maaha ilaalinta amniga gudaha. Waxaan u jeedaa, haddii JL dood kuula timaaddo, booliskooda ayaa ku filan ee wax kaga xiran ma jiraan ciidan ku eg ilaalinta xudduudka. Haddii intaas oo dhan wax lagu fahmi waayo, ogsoonow in Gorgorka la geeyay Gedo uusan ka duwanayn kan la geeyay Dhuusammareeb iyo Baladweyne. Haddii aanan dhammaan lasoo wada celinayn ma jiri karto sabab gaar ah oo loo beegsado kan Gedo jooga oo dhabtii ah kan ugu xaqsan. Ka dhabee Soomaali heshiis ah oo dunidana heshiis la ah adigoo hubinaya JL mid ah, nabad ah, xor ah oo xudduudaheeda ilaashanyihiin. 

Allaahumma hal ballaqtu!
W/Q: Ibrahim Aden Shire
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Somaliland oo xukun adag ku ridday wariyeyaal uu ku jiro Cabdimaalik COLDOON

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Maxkamadda Racfaanka ee magaalada Hargeysa ayaa maanta xukun adag ku ridday Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo bilihii lasoo dhaafay u xirnaa maamulka Somaliland, kadib eedeymo culus oo loo jeediyey Wayiyaha la xukumay.

Maxkamadda Racfaanka ayaa maanta oo Isniin ah 23-ka May 2022 ku xukuntay laba sanno oo xabsi ah iyo saddex Milyan oo lacagta Somaliland ah.

Xukunkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo horey maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ay u soo saartay go’aan ay ku shaacisay in wax dambi ah lagu waayey Wariyey Coldoon, iyada oo amartay in laga sii daayo xabsiga, wuxuuna go’aankaasi soo baxay 3 Febraayo ee sanadkan.

Kadib waxaa go’aankaas kasoo baxay maxkamadda, Racfaan ka qaatay Xeer ilaalinta, waxaana kiiska sidaas loogu sii gudbiyey maxkamadda Racfaanka oo maanta xukun adag ku riday Coldoon.

Ehellada Wariyaha iyo qaar ka mid ah dadweynaha Somaliland ayaa si weyn u dhaleeceeciyey go’aanka kasoo baxay maxkamadda ee lagu ridday Cabdimaalik.

Coldoon oo xabsiga loo taxaabay taariikhdu markay aheyd 23/08/2021-kii, ayaa loo soo jeediyey eedeymo culus, sida dacaayad qaran dumisnimo ah, faafinta warar been abuur ah iyo aflagaadeyn siyaasiyiinta iyo golaha sharci dejinta ee Somaliland.

Sidoo kale eedeymaha kale ee loo soo jeediyey waxaa ka mid ah inuu warbixino liddi ku ah ka qoray Dugsiga Abaarso iyo Jaamacadda Barwaaqo, doodaas oo meel sare gaartay.

Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo ku caan baxay arrimaha samafalka iyo u gargaarida dadka taabaleysan ayaa marar badan siyaabo kala duwan loogu xiray Hargeysa.

Dhinaca kale maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta min hal sanno iyo afar bilood ku xukuntay Wariyeyaasha kala ah Maxamed Ilig iyo Cabdijibaar Maxamed halka ay xorriyadiisii u soo celisay Cabdiraxmaan Khaliif.

Wariyeyaashaan ayaa dhawaan lagu xiray magaalada Hargeysa kadib markii ay soo tabiyeen shaqaaqo ka dhacday xabsiga dhexe ee magaaladaasi.