26.8 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Somaliland oo xukun adag ku ridday wariyeyaal uu ku jiro Cabdimaalik COLDOON

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Maxkamadda Racfaanka ee magaalada Hargeysa ayaa maanta xukun adag ku ridday Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo bilihii lasoo dhaafay u xirnaa maamulka Somaliland, kadib eedeymo culus oo loo jeediyey Wayiyaha la xukumay.

Maxkamadda Racfaanka ayaa maanta oo Isniin ah 23-ka May 2022 ku xukuntay laba sanno oo xabsi ah iyo saddex Milyan oo lacagta Somaliland ah.

Xukunkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo horey maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ay u soo saartay go’aan ay ku shaacisay in wax dambi ah lagu waayey Wariyey Coldoon, iyada oo amartay in laga sii daayo xabsiga, wuxuuna go’aankaasi soo baxay 3 Febraayo ee sanadkan.

Kadib waxaa go’aankaas kasoo baxay maxkamadda, Racfaan ka qaatay Xeer ilaalinta, waxaana kiiska sidaas loogu sii gudbiyey maxkamadda Racfaanka oo maanta xukun adag ku riday Coldoon.

Ehellada Wariyaha iyo qaar ka mid ah dadweynaha Somaliland ayaa si weyn u dhaleeceeciyey go’aanka kasoo baxay maxkamadda ee lagu ridday Cabdimaalik.

Coldoon oo xabsiga loo taxaabay taariikhdu markay aheyd 23/08/2021-kii, ayaa loo soo jeediyey eedeymo culus, sida dacaayad qaran dumisnimo ah, faafinta warar been abuur ah iyo aflagaadeyn siyaasiyiinta iyo golaha sharci dejinta ee Somaliland.

Sidoo kale eedeymaha kale ee loo soo jeediyey waxaa ka mid ah inuu warbixino liddi ku ah ka qoray Dugsiga Abaarso iyo Jaamacadda Barwaaqo, doodaas oo meel sare gaartay.

Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo ku caan baxay arrimaha samafalka iyo u gargaarida dadka taabaleysan ayaa marar badan siyaabo kala duwan loogu xiray Hargeysa.

Dhinaca kale maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta min hal sanno iyo afar bilood ku xukuntay Wariyeyaasha kala ah Maxamed Ilig iyo Cabdijibaar Maxamed halka ay xorriyadiisii u soo celisay Cabdiraxmaan Khaliif.

Wariyeyaashaan ayaa dhawaan lagu xiray magaalada Hargeysa kadib markii ay soo tabiyeen shaqaaqo ka dhacday xabsiga dhexe ee magaaladaasi.

Golaha ammaanka oo kulan muhiim ah ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya

0

New York (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa gelinka dambe ee maanta lagu wadaa inay kulan gaar ah ka yeeshaan xaaladda dalka Soomaaliya, kadib doorashooyinkii soo dhammaaday iyo isbedalladii dhowaan ka dhacay gudaha dalka.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska UNSOM ee QM ayaa waxaa lagu sheegay in kulankan diirada lagu saari doono sidii horey loogu sii amba qaadi lahaa horumarada ay gaartay Soomaaliya, loona garab siin lahaa dowladda cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta yeelanaya kulankoodii caadiga ahaa, kaas oo looga hadlayo xaaladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka UNSOM.

Kulankan ayaa waxaa khudbad ka jeedin doono wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan oo warbixin u gudbin doono golaha.

QM ayaa si dhow ula socotay xaaladdii adkeyd ee laga soo gudbay, waxaana golaha marar badan uu kulamo ka yeeshay is mari-waagi ka taagaan doorashadii soo dhammaatay, taas oo marar badan keentay isku dhacyo siyaasadeed iyo kuwa hubeysan oo laga hortegay.

Golaha ayaa la filayaa inay gabagadii soo saaraan bayaan ku aadan kulankooda, isla-markaana ay taageera ugu muujiyaan dowaladda cusub ee ka dhalatay Soomaaliya.

SI kastaba, wuxuu kulankan ku soo aadaya, iyada oo maanta ay si nabdoon u dhacday munaasabadda xil wareejinta Madaxweynaha cusub, Mudane Xasan Sheekh oo talada kala wareegay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Xog: Shaqsiga madaxweyne Xasan uu u magacaabayo agaasimaha madaxtooyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu magacaabo agaasimaha madaxtooyada kadib markii uu maanta si rasmi ah xafiiska ugala waraagay madaxweyne Farmaajo, sida ay ogaatay Caasimada Online. 

Xilkan ayaa la filayaa in loo magacaabo Xuseen Sheekh Maxamuud oo horay Senator u ahaa, balse aan dib loo soo dooran kadib markii uu ka mid noqday xubnaha madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen uu u diiday inay mar kale is-sharxaan. 

Xuseen Sheekh Maxamuud oo kasoo jeeda beesha Digil iyo Mirifle, ayaa ka mid ah guddoomiye ku-xigeenada xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. 

Magacaabista Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inay dejiso xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tan iyo markii la doortay aan laheyn nidaam rasmi ah, maadaama uusan cidna xil u magacaabin.

Magacaabistan ayaa sidoo kale dhabbaha u xaari doonto bilowda dhismada dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayada oo ay xigi doonaan xilal kale oo dhowr ah, oo uu ugu weyn yahay xilka ra’iisul wasaaraha cusub.

Sawirro: Axmed Madoobe oo kulan deg deg ah isugu yeeray golihiisa wasiirrada

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa caawa shir gudoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen golaha wasiirrada Jubaland.

Madaxweynaha ayaa golaha uga warbixiyay safarkii uu dhowaan ku tegay magaalada Muqdisho oo uu kaga soo qeybgalay doorashada Madaxweynaha JFS iyo xaalada guud ee dalka.

Qoraal kooban oo lagu baahiyey bogga Facebook-ga ee Madaxtooyada Jubbaland ayaan bixin faahfaahin intaas ka badan, balse xogaha aan ka helnay kulankaas waxay sheegayaan in aad loo gorfeeyey sida gacanta Jubbaland loogu soo celi karo gobolka Gedo.

Dowladii uu hoggaaminayey Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhowaad labo sano gobolka Gedo ka heysatay Jubbaland, waxaana hadda weli ku sugan ciidan ka kala tirsan NISA iyo militeriga Soomaaliya, kuwaas oo ku xiran taliska berri xukunka dalka wareejinaya ee Farmaajo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo habeen ka hor ka hadlay xaaladda gobolka Gedo iyo qorshaha uga degan dib u hanashadiisa maamulidda gobolkaas ayaa rajo badan ka muujiyey inuu soo cesha karo Gedo.

Khilaafkii kooxda Farmaajo iyo hoggaanka Jubbaland ayaa sababay inay cadaawad xun isku qaadaan beelaha dega gobolka Gedo iyo maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe hoggaamiyo, waxayna inta badan siyaasiyiinta reer Gedo ku goodiyaan in Jubbaland aysan waxaba ku darsa doonin, inta Axmed Madoobe hoggaaminayo.

Axmed Madoobe ayaa habeen hore balan qaaday in maamulkiisu uu qorshe cad ula tegi doono dadka reer Gedo, sida in maamulka degmooyinka aan loo magacaabin ayagu ay soo dooranayaan hadda kadib, inuu gobolka ka hir-gelinayo dib u heshiisiin iyo inuu u fasaxayo dhamaan mashaariicdii horay looga xayiray gobolka Gedo, intii uu jiray khilaafkaan.

Dowlad noocee ah ayuu Farmaajo berri ku wareejinayaa Xasan Sheekh?

Muqdisho (Caasimada Online) – Isniinta berri Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xukunka ku wareejinaya Madaxweynaha cusub ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud, oo dalkaan sii xukumi doona afarta sano ee soo socota.

Farmaajo wuxuu habeen ka hor ka guuray gurigiisii Villa Somalia, waxay kaamiraduhu qabteen gaadiidka ciidanka lagu qaado oo lagu raray alaabtii gurigiisa, wuxuuna degay guri ku agyaalla garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho, gurigaas waxaa horay u deganaa Axmed Qoor Qoor, balse hadda waa uu ka guuray, si Farmajo u dego.

Wixii Isniinta berri ka dambeeya waxaa dowladnimada Soomaaliya majaraha u qaba doona nin aqoon badan u leh oo horay u soo dhisay hey’ad kasta oo maanta ku howlgasha magaca dowladda Soomaaliya.

Dowlad noocee ah ayuu Farmaajo berri wareejinayaa?

Dad badan waxay qirayaan inuu jiro burbur iyo kala tag hor leh oo laga dhaxlay xukunkii soo idlaaday ee xukuumadii Farmaajo, waxaa sii fogaatay Somaliland, waxaa kala aamin baxay ciidamada qaranka oo kuwii horay u jiray, kuwo qaas ah laga dul dhisay.

Waxaa soo naaxday awoodii kooxda Al-Shabaab oo dadkaan iyo dalkaan dhibanaha u ah hadana ka taajirtay, markii la waayey dowlad ka difaacda, waxaa luntay qadiyadii soo dhicinta gobollada deriskeeda uga maqan Soomaaliya, kadib markii xukunka Farmaajo uu argagixiso u aqoonsaday jabhadda xoreynta Soomaali Galbeed.

Farmaajo wuxuu afar dekadood u saxiixay dowladda Itoobiya oo dagaal gaamuray uu kala dhaxeeyo dadka Soomaaliyeed, welina uu ku maqan yahay xaqii Soomaaliyeed ee sababay dagaalladii labada dal burburiyey.

Farmaajo wuxuu lumiyey oo albaadaba ka soo xirtay dowladaha Jabuuti iyo Kenya oo waqti iyo waayo badan ku bixiyey isku raadinta dadkii Soomaaliyeed ee kala tegay burburkii gaaray dowladnimadooda, waxay sabab u noqdeen labadaas dowladood in dib loo soo dhiso qaranimada Soomaaliya, waxayna ku guuleysteen marti gelinta dhismaha dowladihii u dhaxeeyey xukuumadii hore ee Xasan Sheekh iyo dowladii burburtay ee Maxamed Siyaad Barre, intaas Itoobiya waxay hagal daacineysay dib u soo kabashada Soomaaliya, balse Farmaajo waa iska indha tiray taariikhdaas.

Hadda wuxuu xukunka ka tegayaa dalka oo qarka u saaran dagaalo sokeeye, wuxuu noqonayaa xildhibaan sharafeed uu qarka u fuulay inuu ku waayo xukun jaceylkii u soca waayey, wuxuuna ka mid noqonayaa baarlamaanka 11-aad, weligiisna wuxuu ahaanayaa xildhibaan aan ku fadhin kursi beeleed.

Xukunkii Farmaajo waxaa laga dhaxlayaa kooxo ku xooggan Social Media-ha oo la yiraahdo CBB. Dadka taageera Farmaajo waxay u badan yihiin dhalinta ku foogan aaladaha Social Media-ha, haba u badnaadaane TikTok-ga, hadda markaad u fiirsato afkaartooda waxay muujinayaan xaalad quus ah, waxay aad uga naxeen guul darradii Farmaajo ee doorashadii dalka, qaarkood waxay habaarayaan dalka, dadka iyo dowladnimada Soomaaliya, waxayna muujinayaan inay jeclaan lahaayeen in hadii Farmaajo xukunka ka tegay aysan dowladnimo ka dambeyn.

CBB waa magac uu bixiyey siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaa laga soo gaabiyey (cayayaanka baraha bulshada) waxaa la yiraa dhalinyaro badan oo aad Social Media-ha uga taageerta Madaxweyne Farmaajo.

Intooda badan dhalinyaradaan waxaa la sii jiray san-dareerto ay siyaasiyiinta kale ku caayaan, kuna buun-buuniyaan dacaayada ay soo maleegaan kooxdii xukunka joogi jirtay ee Farmaajo, waxay u sameysan yihiin guutooyin ku xariira groupyo WatsApp ah, balse hadda waa ka soo xirmay biilkii uu sii jiray Farmaajo, waxayna dhalintaasi wayahaysaa quus aan horay u soo marin wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed.

Dowladda cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh caqabadaha ugu horeeya ee qabsa doona waa dacaayadaha CBB, kooxahaan dhalinyarada ah ee aadka u qabatima inay dacaayado ku faafiyaan barahooda gaarka ah ee Social Media-aha, waxay badankood aaminsan yihiin in dowladnimada dalka aysan ka dambey doonin Farmaajihii xukunka looga guuleystay.

Rajadu waxay tahay in laga meyrto ku dhowaad lix sano oo siyaasad qarda-jeex ah uu Farmaajo ku maamulayey Soomaaliya, waxaa cajiib ah sida ninkan uu maskaxda uga degay inta badan caamada, caruurta, haweenka iyo dhalinyarada soo hana-qaaday sanadahaan ee wax kala fahantay wixii ka dambeeyey markii la doortay Farmaajo, 2017-kii.

Aqoonyahanka, xog ogaalka, dhinacyada daneeya soo kabashada Soomaaliya iyo dhamaan indheer garadka Soomaalida, waxay qabaan in xukunkii Farmaajo uusan waxaba ku soo kordhin dowladnimada kobceysa ee Soomaaliya.

Hanti-dhawrka guud oo ka horyimid tallaabo ay qaadeen Golaha Wasiirada Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa si rasmi ah ugu wargaliyay Ra’iisul Wasaaraha joojinta Xeer-nidaamiyaha Sharciga Maareynta Maaliyadda oo Golaha Wasiirradu ay ku ansixiyeen shirkii toddobaadlaha ee Khamiistii.

Qoraalka wargelinta ee Xafiiska Hantidhawrka uu soo saaray ayaa lagu sheegay in xeer-nidaamiyaha la ansixiyay ay jiraan khaladaad sharci iyo qodobbo kasoo horjeeda Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (PFM Act 2019) iyo Sharciga Xafiiska Hantidhawrka Qaranka.

“Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa horay si sharci-darro ah u dhaqan-galisay xeer-nidaamiyaha Maareynta Maaliyadda Guud si aan waafaqsaneyn habraacyada uu farayo Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud ee 2019 iyada oo aan la horgeynin Golaha Wasiirada, sidoo kalena aan lagala tashan Hay’addaha dowladda ee ay khuseyso sida ku cad warqadda uu xafiiska Hantidhawrka Guud kasoo saaray arrinkaas,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xafiiska Hanti-dhawrka ayaa ku eedeyay Wasaaradda Maaliyadda inaysan raacin tallooyinkii uu horay u siiyay xafiiska Hanti-dhawrka oo hore ula xiriiray, islamarkaana ay ku adkeysatay inay mar labaad Golaha Wasiirada horgeysay, ayada oo Goluhuna uu ansixiyay.

“Tusaale ahaan xeer-nidaamiyahaasi waxa uu leeyahay khaladaad sharci oo Guud ahaan Xeer-nidaamiyuhu kuma qorna Luuqad sharci iyo hanaanka sharci-qorista, Xeer-nidamaayaha waxaa ku jira lambaro iska hor-imaanaya dhexdiis oo is-burinaya sida lambarka 98-aad oo ka hor-imanaya lambarka 19-aad.”

Ugu dambeyntiina waxa uu Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka sheegay in gabi ahaanba uusan dhaqan-gal ahayn xeer-nidaamiyahaan, illaa inta dib-u-eegis loogu sameynayo oo la saxayo.

“Waxaa rajeynaynaa in wax ka qabashada arrintan mudnaan gaar ah la siiyo si loo joogteeyo, loona horumariyo hawlihii laga soo qabtay dib-u-habaynta nidaamka Maaliyada dalkeena, looga fogaado waxkasta oo sahli kara musuq iyo wax is-daba-marin iyo ku takrifal hantida Umadda.

Villa Somalia oo war cusub kasoo saartay xil-wareejinta madaxweyne ee berri

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdirashiid Maxamed Xaashi (Duqa) oo ah Afhayeenka Madaxtooyada ayaa sheegay inay meel geba-gebo ah mareyso xaflada xil-wareejinta, taasi oo loo xil saaray guddi isku dhaf ah oo ka socda Xasan iyo Farmaajo.

Afhayeen Cabdirashiid ayaa sheegay in maalinta berri ah ay tahay maalinta rasmiga ah ee la qabanayo xaflada xil-wareejinta, taasi oo ku taariikheysan 23-ka bisha May.

“Guddiga waxa uu go’aamiyay maalinta Isniinta inay noqoto maalinta la qabanayo munaasibada xil wareejint, munaasibadaas oo ka qabsoomi doonta Madaxtooyada ayna xilka kula kala wareegi doonaan labada madaxweyne,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu xusay in xaflad xil-wareejinta ay ka qeyb-gali doonaan madaxda Soomaaliyeed oo kaliya, islamarkaana aysan jirin mas’uuliyiin dalal shisheeye oo lagu casuumay.

“Xil-wareejinta waxa kasoo qeyb-gali doonta madaxda Soomaaliyeed ee ku sugan caasimada, haddii ay ahaan laheyd madaxda dowlad federaalka iyo dowlad goboleedyada, Guddoonka baarlamaanka, xukuumadda wey kasoo qeyb-gali doonta.”

Shalay ayey aheyd markii uu Madaxweynaha Xafiiska Jooga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay sida wada-jir ah kormeer ugu sameeyen Madaxtooyada.

Labada Madaxweyne oo markii saddexaad ku kulmay Madaxtooyada Qaranka ayaa kulankoodan iskaga xog waraystay xaaladda guud ee dalka, sidii wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya iyo qabanqaabada Munaasabadda Xil-wareejinta Madaxweynaha.

Si kastaba, Arrintan ayaa soo gaba-gabeyneysa 5 sano oo uu xafiiska joogay Madaxweynihii hore ee dalka, oo lagaga adkaaday doorashadii 15-ka May ee ka dhacday teendhada Afiysoone.

Xog: FAHAD YAASIIN oo ka dhoofay Muqdisho kahor xil wareejinta FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo saaxiibkiisa gaarka ah xildhibaan hore Cabdiraxmaan Dheere ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Fahad iyo saaxiibkiis ayaa saaka Muqdisho ka raacay diyaaradda Turkish Airline oo Maanta safar toos ah ku tageysay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Ma cadda hadidi Istanbul ay ku hakan doonaan oo kaliya iyo haddii safarkoodu halkaas yahay.

Waxaan sidoo kale cadden haddii Fahad uu si toos uga guuray Muqdisho oo uu dibad joog noqonayo wixii hadda ka dambeeya iyo inuu soo laabanayo, balse waxaa la sheegay inuu saaxiibadiis dhow dhow u sheegay inuu safar gaaban galayo uuna dib usoo noqonayo maalmo kadib, balse lama xaqiijin karo run ahaanshaha hadalkaas.

Safarka Fahad uu maanta kaga baxay Muqdisho ayaa kusoo aadayo maalin kahor inta uusan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud la wareegin xafiiska.

Fahad Yaasiin oo mar ahaa ninka ugu awoodda badan siyaasadda Soomaaliya ayaa ugu dambeyn gacmo maran kasoo istaagay loolankii siyaasadda Soomaaliya ee muddada soo jiitamayey oo dhinac kasta looga adkaaday.

Waxaa isaga shaqsiyan laga hor-istaagay inuu noqdo xildhibaan, taasi oo dhabbaha usii xaari laheyd inuu noqdo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka, kadib markii guddiga doorashada heer federaal ay sharci-darro ku qeexeen habkii loogu soo doortay Beledweyne.

Inkasta oo guddiga ay ku dhegeen, haddana waxaa aad loo rumeysan yahay in ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ahaa qofkii ka dambeeyey in Fahad loo diido xildhibaannimada.

Waxaa kadib isaga iyo madaxweyne Farmaajo looga adkaaday loolankii guddoonada laba aqal ee baarlamanka, oo dhammaantood ay kusoo baxeen xubnaha mucaaradka.

Albaabkii Fahad iyo Farmaajo ayaa ugu dambeyn soo xirmay markii madaxweyne Farmaajo looga adkaaday doroashadii madaxweynaha, taasi oo xaqiijisay in shan sano kadib aysan wax saameyn ah ku laheyn siyaasadda Soomaaliya.

Ma cadda hadda qorshaha xiga ee Fahad, oo lagu yaqaan inuu yahay nin xariif siyaasadeed ah, oo horey ugu guuleystay inuu soo saaro ama wax ka dhiso laba madaxweyne; Xasan Sheekh 2012, iyo Farmaajo 2017.

Waxaan sidoo kale caddeyn halka uu ku dambeyn doono kursiga xildhibaan ee Fahad laga hor-istaagay ee HOP086 oo weli aan go’aan laga gaarin.

Sidoo kale, safarka Fahad ayaa kusoo aadayo xilli Faarax Sheekh Cabdulqaadir uu doonayo inuu qaato kursiga HOP086, waxaana jiro qorshe mar kale lagu qabanayo doorashada kursigaas, oo uu baarlamankii 10-aad ku fadhiyey Faarax.

Maxaa looga hadlay kulankii madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdiga Mareykanka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa goordhoweyd shaacisay kulan xasaasi ah oo magaalada Muqdisho ku dhex-maray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo taliyahooda Generaal Stephen Townsend.

Kulanka labada masuul ayaa waxaa looga wada-hadlay wada-shaqeynta AFRICOM iyo gacan siinta Ciidamada Xooga dalka, si loo gaaro mustaqabal nabad iyo amaan ah.

Qoraalka ay soo saartay AFRICOM ayaa waxa lagu sheegay in General Stephen uu ugu hambalyeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Shacabka Soomaaliyeed, jawi wananaga ay kusoo dhamaatay doorashada dalka.

“21-kii May, General Stephen Townsend ayaa u hambalyeeyay Xasan Sheekh Maxamuud iyo shacabka Soomaaliyeed sida wanaagsan ee ay ugu soo dhamaadeen doorashada Soomaaliya. Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay sidii AFRICOM ay ula shaqeyn lahayd Ciidamada Xooga Dalka, si loo gaaro mustaqbal nabad iyo ammaan ah oo ay mudan yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Labada masuul ayaa sidoo kale waxa ku wehlinayay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, wuxuuna dhacay kulankaan maalintii Sabtidii ee shalay aheyd, sida lagu sheegay qoraalka AFRICOM, mana jirin wax war ah oo kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaad toddobaad ka hor saxiixay amar boqolaal askari oo Mareykan ah dib ugu celinaya Soomaaliya, si ay uga hortagaan kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Saraakiisha militariga Mareykanka ayaa horey u sheegay in la-dagaalankii Al-Shabaab ay wiiqday go’aankii madaxweynihii hore Donald Trump uu ciidamada Mareykanka uga soo saaray Soomaaliya.

Ciidamada Mareykanka ayaa laga soo qaadi doonaa qeybo kale oo ka mid ah Afrika si ay tababaro iyo taageero u siiyaan ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, oo loo arko ururka ugu weyn uguna hodansan ee xiriirka la leh Al-Qacida.

Go’aankan ayaa looga dan leeyahay “in lagu kordhiyo badqabka iyo wax ku oolnimada ciidamadeena, loona suurta-geliyo inay taageero wax ku ool ah siiyaan saaxibadeena,” waxaa sidaas tiri afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka Adrienne Watson oo ku dhowaaqday go’aankan.

Xasan Sheekh dabagal ‘kuma sameyn doono’ saraakiisha ciidanka ee loo haysto inay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Shantii sano ee uu dalka hogaaminayey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ciidamada dowladda waxay si aad ah ugu milmeen siyaasadda, ayaga oo gaystay falal ay ka mid yihiin dilal, siyaasiyiin la weeraray, kuwo xayiraado la saaray iyo ficillo kale.

Waxyaabaha aadka looga filayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ka mid ah inuu isbeddel ku sameeyo, oo uu nadiifiyo ciidanka, balse taxliiliyeyaasha siyaasadda qaarkood ayaa qaba inaysan taasi dhici dooni.

Samiira Qeyd oo ka faaloota amniga gobolka ayaa BBC u sheegtay in madaxweyna cusub uusan wax dabagal ah ku sameyn dooniin saraakiishii ciidamada ee la sheegay in siyaasadda ay ku dhex milmeen.

“Uma maleynayo in ciidamada wax laga qaadi doono, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu khudbaddiisa ku sheegay aarsi ma jiri doono, waxyaabo dabaglkooda muhiim ma ahan, hadda waxaa loo baahan yahay in la isku keeno dadkii kala tegay marka hore waa in soo dhiso xukuumaddiisa markaas baa taliyeyaasha wax laga baddali karaa,” ayey tiri Samiira

Waxay intaas ku dartay in taliyeyaasha ciidamada aanan dusha laga saari karin wax eed ah maadama ay qaateen amarka madaxdooda.

“Taliyeyaashii hore uma maleyn maayo in eeda dusha laga saari karo, waxay ahaayeen ciidan amar la siiyay oo qaatay amarkii madaxdooda, ma umaleynayo in dabogal dheeraad ah lagu sameyn doono ciidamadii siyaasadda ku milmay waa in ciidamada isbaddal lagu sameeyo, xuquuqdana la dhowraa.

“Madaxweynaha la doortay qofka uu soo magacaabo waxay ku xiran tahay madaxweynaha dhaqankiisa hadduu isaga ciidanka u isticmaalo in uu Shabaab kula dagaallamo in uu waddanka ku xoreeyo ama in dib u habeyn lagu sameeyo ciidamada, isaga dhaqankiisa ayaa laga arki doonaa laakiin hadduu ciidamada u isticmaalo siyaasadda dhaqankiisana haddii ay sidaas noqoto, waa suurtagal qofka la magacaabo in uu qaato amarka madaxda magacaawday,” ayay tiri Samiira. 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo horey uga hadlay arrimaha ciidanka ayaa sheegay in ciidamada qaar aysan lahayn sharci ay ku dhisanyihiin iyo waxyaabo kala xadeeya, loona baahanyahay dib u habayn badan.

Qeybo badan oo kamid ah deegaannada dalka waxaa gacanta ku haya ururka Al-Shabaab, mar kasta waxaa weeraro iyo qaraxyo ay geystaan Shabaab. dalka waxaa ku sugan ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS kuwaas oo ilaaliya goobaha muhiimka ee dowladda, sida Tendhaha Afisyoone oo ay doorashada ka dhacday.

Samiira Qeyd waxay qabtaa in shaqada ugu culus ee hortaalla madaxweynaha ay tahay dib u habeynta ciidamada.

“Dib u habeynta ciidamada oo muddo labo sano aan wax laga qaban, waa in uu dib u habeyntii bilaabo si uu kooxdii joogtay uu kala kaashado wixii la qabtay oo uu ogaado wixii laga qaban laha..waxaan u maleynayaa in dib u habeynta ciidamada ay tahay shaqada ugu culus ee hortaalla madaxweynaha cusub”

Soomaalida ku nool dalka KENYA oo dalab xasaasi ah u diray madaxweyne XASAN

0

Nairobi (Caasimada Online) – Soomaalida ku dhaqan dalka Kenya ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey isbedalka siyaasadeed ee ka dhacay dalka, gaar ahaan dowladda cusub ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha mar labaad la doortay ee Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Culumada iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan in madaxweynaha cusub uu dib u hagaajin doono xiriirka ganacsi ee labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya kaas oo xumaa sanadihii lasoo dhaafay.

Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul oo ka mid ah guddiga Ganacsatada Soomaalida ee Kenya oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa ugu baaqay Xasan Sheekh inuu ka dhabeeyo hadalkiisii ahaa Soomaali wada heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

“Badqabka iyo wanaaga darisnimada waa muhiim, waana tii uu kaambeynka ku galay Madaxweyne Xasan Sheekh uu lahaa Soomaali wada heshiis ah, dunidana heshiis la’ah, marka in dunida heshiis lala ahaado waa wax u wanaagsan dalka iyo dadka,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul sii raaciyey “Rajo xoogleh ayaa waxaan ka qabnaa inay bilaabeyso arrintan iskaashi wanaag isku soo dhowaasho,”.

Ugu dmabeyn wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay in lasoo celiyo xiriirka ganacsi ee labada dal, isla-markaana la’isku furo xadka Soomaaliya iyo Kenya.

“Runtii waxaa muhiim ah in ganacsigii dib loo soo celiyo in la abuuro xarumo kastam oo badeecada Soomaaliya kasoo geli karto oo meelo badan ayey ka timaadaa suuq weynbaa halkan ku yaalla oo dadka Soomaaliyeed ay ka faa’iideysan karaan,” ayuu markale yiri.

Kenya ayaa xiriir ganacsi iyo darisnimo ay kala dhexeysaa Soomaaliya, balse wuxuu xiriirku xumaaday markii ay is qabteen Madaxweyne Farmaajo waxayna taas sababtay inuu istaago ganacsigii ka dhexeeyey labada dhinac, sidoo kalena la xiro xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Xog: Madaxweyne XASAN SHEEKH oo arrimo xasaasi ah kala hadlay FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo markiisii seddaax shalay tegay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa kulan dheer la qaatay Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo Villa Somalia ka tirsan, kulankii shalay ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa diiradda lagu saaray arrimo xasaasi oo dalka ka dhacay intii uu xukunka joogay Farmaajo.

Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu Farmaajo hor dhigay weydiimo ku aadan hanaanka ay ku maqan yihiin dhalinyaradii la sheegay in tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, xilliga lagu heshiiyey in dalka lagu soo celiyo iyo documentiyada heshiiskii lagu qaaday.

Sidoo kale arrimaha xasaasiga ah ee Xasan Sheekh uu shalay Farmaajo kala hadlay waxaa ka mid ah, sida laga yeelayo dembiyadii dalka ka dhacay iyo qaabka loola xisaabtami karo dadka ku eedeysan.

Ilaha ay xogtaan ka heshay Caasimada Online ma xusin heshiis ay isla meel dhigeen Farmaajo iyo Xasan Sheekh oo berri lagu wado inay xukunka isku wareejiyaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u balan qaaday in dalka uu deg deg ugu soo celi doono dhalinaradaas ku maqan Eritrea, hadii loo doorto xukunka, waxaana durba waalidiinta Soomaaliyeed ka soo yeeray codsiyo Xasan Sheekh looga dalbanayo inuu fuliyo balan-qaadkaas oo wiilashoodii uu dalka ku soo celiyo.

Sanadkii 2019-kii ayaa dhalinyaradaas oo laga soo uruuriyey dhamaan gobollada dalka waxaa la isugu keenay Muqdisho oo diyaarado looga daabulay, waxaa la sheegay in tababar loo geeyey dalka Eritrea.

Tirada dhalinyaradaan waxaa lagu qiyaasay 7 kun, waxaana lagu siray in tababar iyo shaqo ciidan loo geynayo dalka Qatar, balse loo dhigay Eritrea, ilaa hadana lama yaqaan xaaladda ay ku sugan yihiin.

Dhageyso: Taageerayaasha Farmaajo ee baraha balshada oo billaabay arrimo naxdin leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhalinyaradii baraha bulshada ka taageeri jirtay Madaxweyne Farmaajo ee loo bixiyey CBB (Cayayaanka baraha bulshada) ayaa la soo baxday wejiyo cusub, kadib markii dhowaan xukunka dalka looga guuleystay Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Waxaa maalmahaan baraha bulshada aad loogu faafiyey muuqaalo ay iska soo duubeen dhalinyada CBB, kuwaas oo caro badan ay ka muuqato, qaarkood waxay ku guudinayaan inay is qarxi doonaan, halka qaar kalena ay wacad ku marayaan in Muqdisho ay gubi doonaan.

Waxay baraha bulshada ka billaabeen baaqyo ku aadan in wax la dilo, qaraxyo la sameeyo, la beegsado madaxda dowladda cusub, islamarkaana la gubo suuqyada Muqdisho, waxaana yaab leh in kadib baaqyadan uu gubtay suuqa Banaadir ee Muqdisho.

Waxay falalkan ugu baaqayaan in dowladda cusub la geliyo marxalad adag, si aysan u hanaan maamulka dalka.

Dhalinyaradaan oo ku kala sugan dalka iyo dibadiisa qaarkood Farmaajo waxay ugu yeeraan Aabe, waxayna horay ugu caan baxeen caayda siyaasiyiinta, balse hadda waxay wajahayaan xaalad quus ah.

Qaar kale waxay sii wataan dacaayadaha ay ka faafinayaan madaxda cusub ee dowladda Soomaaliya, halka qaarna ay maalin kasta oohin iyo baroor la soo fariistaan barahooda gaar ah ee Social Media-ha.

Dadka taageera Farmaajo waxay u badan yihiin dhalinta ku foogan aaladaha Social Media-ha, haba u badnaadaane TikTok-ga, hadda markaad u fiirsato afkaartooda waxay muujinayaan xaalad quus ah, waxay aad uga naxeen guul darradii Farmaajo ee doorashadii dalka, qaarkood waxay habaarayaan dalka, dadka iyo dowladnimada Soomaaliya, waxayna muujinayaan inay jeclaan lahaayeen in hadii Farmaajo xukunka ka tegay aysan dowladnimo ka dambeyn.

Waxaa cajiib ah, sida ninkaan uu maskaxda uga degay inta badan, caamada, caruurta, haweenka iyo dhalinyarada soo hana-qaaday sanadahaan ee wax kala fahantay wixii ka dambeeyey markii la doortay Farmaajo, 2017-kii.

CBB waa magac uu bixiyey siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaa la yiraa dhalinyaro badan oo aad Social Media-ha uga taageerta Madaxweyne Farmaajo, intooda badan waxaa la sii jiray san-dareerto ay siyaasiyiinta kale ku caayaan, kuna buun-buuniyaan dacaayada ay soo maleegaan kooxdii xukunka joogi jirtay ee Farmaajo.

Waxay u sameysan yihiin guutooyin ku xariira groupyo WatsApp ah, balse hadda waa ka soo xirmay Jabterkii biilka Farmaajo, waxayna dhalintaasi wayahaysaa quus aan horay u soo marin wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed.

Dowladda cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh caqabadaha ugu horeeya ee qabsa doona waa dacaayadaha CBB, kooxahaan dhalinyarada ah ee aadka u qabatima inay dacaayado ku faafiyaan barahooda gaarka ah ee Social Media-aha, waxay badankood aaminsan yihiin in dowladnimada dalka aysan ka dambey doonin Farmaajihii xukunka looga guuleystay.

Halkee la geeyey dadkii ay ciidamada ATMIS kasoo wateen gobolka Sh/Dhexe?

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle ayaa sheegaya in ciidamada howlgalka ATMIS ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi, kaas oo ay ku xireen dad shacab ah.

Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa in ku dhowaad 10 qof oo shacab ah ay gacanta kusoo dhigeen, iyaga oo ku eedeynaya inay la shaqeynayeen kooxda Al-Shabaab.

Sida ay ogaataday Caasimada Online dadkan shacabka ah ayaa loo soo gudbiyey magaalada Muqdisho, si loogu sameeyo baaris dheeraad ah.

Lama oga siday ay Ciidamada ATMIS ka yeelayaan dadkan, maadaama la keenay xaruntooda dhexe oo ku taala Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale dadka deegaanka iyo qaar ka mid ah ehellada ragga lasoo qabtay ayaa dalab u diray dowladda Soomaaliya, waxayna ka codsadeen in loo soo daay, wiilashadooda, iyaga oo iska fogeeyey eedeynta loo jeediyey.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay ATMIS oo la xiriira howlgalkaas iyo dadka lagu soo qabtay.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo dhawaan ciidamada ATMIS looga dilay askar badan weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

DDF waa sababta shacabku u taageereen Xasan Sheekh

Marka hore aan ogaano ereyadda laga soo gaabiyey DDF. DDF waa sedex xaraf oo u taagan sedexda erey ee kala ah Dastuuri Dimuquraadi Federaali, 3-da erey waa kuwa astaanta u ah jiritaanka aasaasiga ah ee dowladnimo casri ah. Shacabka ayaa ku bartey Mudane Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ahaanshaha hogaamiye ah DDF xiligiisii 1aad ee uu xilka hayey 2012 ilaa 2017, Madaxweynihii 8aad JS. Hadana, shacabka ayaa ku xaqiiqsadey DDF-nimadda Md.Xasan khudbadiisii 14.05.22 uu ka horjeediyey kulanka Golaha Shacabka labada aqal taasoo dadka Soomaaliyeed u cadeysey in Musharax Xasan Shiikh uu u qalmo inuu noqdo Madaxweynaha JFS maadaama uu ahaa welina ku taagan yahay mabda’ DDF ee ay ku dhisan tahay Jamhuuriyaddda Federaalka Soomaaliya. Bal aan isla eegno hadaladii uu Xasan Shiikh ka yiri markii uu ka hadlayey arrimaha DDF. 

Dastuurka

Ballan-qaadyadda Madaxweynaha waxay wada ahaayeen Dastuuri, khubadiisa wuxuu diirada ku saarey qodobo muujinaya ilaalinta dastuurka. Gaar ahaan ilaainta xuquuqaha muwaadinka ee ka qeyb-qaadashada siyaadasadda, amaankiisa, helitaanka cadaalad iyo cabsigalin  la’aan. Md. Xasan ayaa yiri….. Waxaan ballan-qaadaya in sharafta iyo karaamadda dadka iyo dalka Soomaaliya aad loo ilaaliyo, waxaan ballan-qaadaya in qof muwaadin Soomaaliyeed aan dal kale loo dhiibin, waxaan ballan-qaadayaa qof Soomaali ah fikirka siyaasiga uu aaminsan yahay in aanan loo caburin loona cadaadin, waxaan ballan-qaadayaa in dalka deegaano kamid ah inaanan lagu soo rogin cunaqabteyn iyo cadaadis dhaqaale iyo mid siyaasadeed. Igama fileysaan in mashaakilaadka siyaasadeed ee dalka ka jira qori lagu xaliyo, in caburin lagu xaliyo, in cabsigalin lagu xaliyo, waxaan aad uga shaqeyn doonaa in qofka Soomaaliga maskaxda xor ka ahaado, caqli iyo damiirkana uu xor ka ahaado, aanu ku noolaan cabsi, aanu dhinacyaha fiirfiirin marka uu ra’yigiisa cabirayo. Waxaan waasicin doonaa saaxadda siyaasadda si ay dadka Soomaalida ay ra’yigooda si xornimo ah ugu soo bandhigaan. sidoo kale, dib-u-heshiinta siyaasadeed ayuu ka yiri in dastuurka oo si dhamasytiran loogu heshiiyaa ay tahay sababta keeneysa dib-u-heshiin siyaasadeed, wuxuu yiri “Dib-u-heshiisiinta Siyaasadda waxaa aasaas u noqon doona Dastuurka dalka loo diyaarinayo, haddii dastuurka qodobadiisa lagu heshiiyo waxaan aaminsan nahay in dib-u-heshiisiinta siyaasadda ay meel gaartey laguna dhaqmi doono”.

Dimuquraadiyadda

Md. Xasan ayaa yiri….. Dalkan kama suurowdo inay dib ugu soo laabato diktatooriyad oo qofi xukunka iska joogo, asagoo aan heysanin sharciyad. Dalkan kama suurowdo koox gaar ah ama heyb gaar ah iyo deegaano gaar ah inay yiraahdaan dalka xukunkiisa annagaa la wareegney. Waxaan aasaas uga dhigaynaa dimuqraadiyadeena xisbiyadda siyaasadda. Waxaan abuureynaa nidaam in dadka Soomaaliyeed ay ku kalsoonaadaan hey’adaha dastuuriga ah. Dhisida kalsoonidda dadka ee ku salaysan dimuquraadiyadda waa aasaaska aan doonayno inay dimuquraadiyeynta sal u ahaato.

Federaalka

Md. Xasan ayaa yiri…..Waxaa la sii xoojinayaa oo aan daadajin doonaa nidaamka federaalka oo ilaa iyo heer degmo iyo heer tuulo la gaarsiin doono, si mabaadii’dii federaalka ee aheyd xukunka iyo dowladnimadda in loo dhoweeyo dadka taladooda iyo talada dalka guud ahaanba. 

Khudbadan ayaa keentey in Mudane Xasan Shiikh uu ku soo baxo  65.4% codadka golayaasha shacabka 2022, halka Madaxweynehii ka horeeyey uu 2017 ku soo baxay 56.3%. Farqiga boqoleyda ee ay labada Madaxweyne uu midba mar ku guulaystey ayaa tilmaamaya sida dadka Soomaaliyeed u tabeen fikirkii Xasan Shiikh ee nidaamka dowladnimo ee ku dhisan DDF, ayna u doonayeen in fikirkaas la soo celiyo uuna noqdo mid hadda ka dib la waariyo.

Dowlad Dastuuri Dimuquraadi Federaali ah. 

Hassan Said Mohamed
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Sawirro: Madaxii qaraxyada Al-Shabaab oo lagu qabtay howlgal ka dhacay Marka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa hawlgal ay ka sameeyeen Magaalada Marka waxa ay ku soo qabteen Sarkaal la sheegay inuu ka tirsan yahay Ururka Al Shabaab.

Hawlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ururka 14aad ee Guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga Dalka, Gaashaanle Cabdiraxiin Maxamed Munye.

Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegtay in Sarkaalka hawlgalka lagu soo qabtay uu yahay Aweys Mayow Maxamed (Eelaay), Madaxii Qaraxyada Shabaab ee Magaalada Marka.

Gaashaanle Cabdiraxiin Maxamed Munye ayaa sheegay in hoyga ninkaasi laga soo helay bambada nooca gacanta laga tuuro iyo miino, tan dhulka lagu aaso ah.

Taliyaha ayaa ninkaasi ku eedeeyay in xilligii gacanta lagu soo dhigayay uu ku howlanaa miino uu doonayay in uu ku aaso magaalada gudaheeda, uuna qorshihiisu ahaa in uu ku gumaado shacabka, sida uu yiri. Baaritaano ay ku sameeyeen hoygiisa ayuu sheegay inay ugu suurtagashay in qaraxyadaasi ay gacanta ku soo dhigaan.

Shabaabka ayaan ka hadlin Sarkaalka la sheegay inuu iyaga ka tirsanaa ee lagu qabtay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.

Xog: Sidee noqon doonaa waayaha cusub ee Farmaajo, maxaase laga filayaa?

Muqdisho (Caasimada Onine) – Madaxweynihii laga adkaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa asbuucaan kasoo dhamaanaya xarunta Villa Somalia halkaas oo uu daganaa shantii sano ee lasoo dhaafay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu laabanaya halkii laga saaray shan sano ka hor ee Villa Somalia isagoo si sharci ah loo doortay 15-kii bishaan

Farmaajo ayaa billaabay inuu usoo guuro guri ku yaalla bartamaha waddada isku xirta KM4 iyo garoonka Aadan Cadde, halkaas oo ay sidoo kale siyaasiyiin badan dagan yihiin.

Guriga uu Farmaajo usoo guurayo waxaa daganaa bishii ugu dambeysay hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, balse kooxda Farmaajo ayaa la sheegay inay iyaguna gurigaasi markii hore kireeyeen si loogu qabto howlo la xiriira ololaha dib u doorashada.

Taageerayaasha Farmaajo waxa guul u arkaan inuu Farmaajo guri kiro ah ka dagayo magaalada Muqdisho xilli uu shan sano talada hayey, taasoo xoojineysa cinwaanka ay isku sifeeyaan ee ammaanada.

Farmaajo ayaa la filayaa inuu markii uu sal dhigto kadib inuu maro dhaarta sharciga ah ee xildhibaanimada maadaama uu noqonayo xildhibaan aan waligiis dhicin oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waa labada nin ee heysata darajada xildhibaanka aan dhicin ee baarlamaanka Soomaaliya.

Ilo ku dhow dhow madaxweynaha laga adkaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay sheegeen inuu dhawaan la hadli doono jamaahiirtiisa oo weli sida muuqata qaadan la’a guuldaradii 15-kii May.

Nolol cusub oo mucaaradnimo ah ayaa u billaabaneysa Farmaajo.

Sida la sheegay, wuxuu qorsheenayaa in isaga iyo saaxiibadii xisbi ku dhawaaqaan, laakiin waqtiga weli lama go’aamin.

Qaar kamid ah kooxda Farmaajo ayaa qaba in muddo dib loo dhigo ku dhawaaqista xisbiga oo la qiimeeyo sida u uu dhaqaaqo nidaamka cusub ee Xasan Sheekh iyo dadka bannaanka soo istaagi doona markii ay danahooda ka waayaan nidaamka dhawaan curtay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la xasuustaa inuu kal hore ka faa’ideystay siyaasiyiin badan oo nidaamkii Farmaajo albaabada ka xirtay, taasoo xoojisay xisbigii uu furay illaa uu ugu dambeyn kusoo laabtay Villa Somalia.

Mar kale, Farmaajo iyo kooxdiisa waxay sugayaan dad badan oo nidaamka cusub kasoo carooda. Markii uu dago sida madaxweynayaashii hore Farmaajo isna waxaa la filayaa inuu banaanka aado in muddo ah oo uu waqti kooban siiyo maamulka cusub, ayey leeyihiin falanqeeyaashu.

Jamaahiirta Farmaajo taageersan oo xoogooda weli muuqdo ayaa sugaya kalmadda hoggamiyahooda ee ku aadan waayaha cusub ee u billaabanaya kooxda iyo waxa la gudboon marxaladaan.

Jaaliyadda Somaliland ee Netherlands oo u dabaal-degtay xuska 18-ka May

Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan waddanka Netherlands ayaa isugu soo baxay xuska 18-ka Meey oo ku asteeysan munaasabadda 31 guuradii ka soo wareegatay markii Somaliland la soo laabatay madax-banaanideeda. 

Munaasabaddan, oo ka dhacday Magaalada Utrecht, waxaa hoolkii lagu qabtay soo buuxiyay qeybaha kala duwan bulshada Somaliland ee ku dhaqan waddanka Netherlands, waxaana khudbado isugu jiray halgankii loo soo galay in dhidibada loo taago Somaliland & nabadda dadkeedu ay maanta ku naaloonayaan ka soo jeediyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin wakiilka Somaliland ee waddanka Netherlands Maxamuud Cabdalle Digaale & Guddoomiyaha jaaliyada & Guddoomiyaha ururka Nomad C/raxmaan Barre. 

“Maanta, waa maalin ku weyn quluubteena, waxaan u dabaaldageynaa xuska 31 sanno guuradii ka soo wareegtay markii Somaliland ay dib ula soo wareegtay xornimadeeda, anigoo fursaddan ka faa’ideysanaya waxaan u hambalyeynayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Madaxda Xisbiyadda & dhammaan shacabka Somaliland” Ayuu yiri Wakiilka Somaliland ee waddanka Netherlands Maxamuud Cabdalle Digaale.

Maxamed Ismaaciil Dhimbil [Maxamed Suufi] oo ka tirsan Hay’adda dhowrista tayadda Somaliland [Somaliland quality control commissioner] oo ka mid ah aqoonyahanadii madasha ka hadlay, wuxuu ammaanay horumarka dowliga ah ee Somaliland ey ku tillaabsatay, isaga oo intaasi raaciyay in Somaliland buuxisay dhammaan shuruudihii ay ku heli laheyd ictiraafka caalamka.

“Maanta waa maalin ku asteysan Qaranimada Somaliland waxayna ku gaartay nabadda & dimuqoraadiyadda ay ku soo caana-maashay” Ayuu yiri Maxamed Suufi, isaga oo intaasi raaciyay.

“Shuruudihii duniddu ku qiimeyn laheyd waddan ictiraafkii Somaliland way soo buuxisay, waxayba wax badan dheertahay waddamo badan oo Afrikaan ah, oo dimuqoraadiyada Somaliland ku caana-maaleeyso muddadii ay jirtay dalal badan baysan ka jirin” 

Maxamed Axmed Cigaal oo ka mid ah odayaasha Jaaliyada Somaliland waddanka Netherland, oo ka mid ahaa waxgaradkii madasha ka hadlay wuxuu u mahadceliyey dadkii xafladda soo qabanqaabisay, isaga oo tilmaamay in Somaliland dhismaheeda dhib badan laga soo maray.

“Annaga maxaa inala gudboon haddii aan nahay jaaliyadda Somaliland.? waa in aynu ka baxno qabaa’ilka iyo arrimaha hoose, marka aan halkan joogno Somalilander isku duuban beynu nahay,” ayuu yiri Maxamed Axmed Cigaal.

Xiis Maxamed Cige, isna wuxuu sheegay in Somaliland haysato aqoonsigii ALLE, dadkeeduna ay yihiin ummad isku duubban. 

“Hannaanka dowladnimo ee Somaliland oo ku dhisan hufnaan & dimuqoraadiyad 31 sanno jirsatay waxay mudan tahay ictiraaf, waxaana ku kalsoonahay in Somaliland aanu ictiraafka meel fog u jirin” Ayuu yiri Xiis Maxamed Cige, isaga oo u mahadceliyay madaxda Somaliland oo ugu horreeyo Madaxweynaha, madaxda xisbiyada & shacabka Somaliland dulqaadka & isku duubnida ay muujiyeen. 

Afhayeenka Jaaliyada Saciid Xassan Xaaji oo barnaamijka caawa xiririnayay ayaa dadkii munaasabada ka soo qeybgalay la dhaceen murtida & maada afkiisa ka soo burqaneysay, isaga oo dadka reer Somaliland ku boorinayay in ay adkeeyaan midnimadooda, kuna soo xirmaan Jaaliyadda ay waddankan ku leeyihiin. 

“Insha ALLAAH sannadan sannadka xiga Somaliland oo caalamku ictiraafay ayeeynu u dabaaldageynaa” Ayuu yiri Saciid Xassan Xaaji.

Fanaaniin ka tirsan hobolada Somaliland ee ku dhaqan Netherland ayaa ku madadaalinayay dadkii munaasabadda ka soo qeybgalay heeso  u badan waddani.

HRW oo u digtay ciidamada MAREYKANKA ee dib loogu soo celinayo Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’ada Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ayaa warbixin ka soo saaray ciidamada Mareykanka ee haatan dib loogu soo celinayo Soomaaliya, si ay markale qayb uga noqdaan dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab.

Human Rights Watch ayaa uga digtay ciidamada Mareykanka inay geystaan tacadiyo ka dhan ah bani’aadanimada, gaar ahaan waxyeeleynta dadka shacabka ah, xilliyada ay geysanayaan weerarada dhanka iyo duqeymaha ka dhanka cirka ah.

Agaasimaha gobolka ee Human Rights Watch ayaa xusau in sii socoshada waxyeeleynta shacanka ay keeneyso kalsooni dhex-marto ciidamada iyo shacabka.

“Dhaqanka ciqaabta la’aanta ee khasaaraha rayidka ah wuxuu dhaliyaa caro iyo kalsooni darro ka dhex dhacda dadweynaha wuxuuna wiiqaa dadaallada lagu dhisayo dowlad ixtiraam leh,” ayuu yiri agaasimaha gobolka ee Human Rights Watch.

Dhankiisa Agaasimaha Geeska Afrika ee Human Rights Watch, Laetitia Bader ayaa shaaca ka qaaday inay tahay in ciidamadeeda Mareykana ay caddeaan, sida ay uga go’an tahay inay yareeyaan khasaaraha shacabka soo gaaray, si looga fogaado dhibeeteyn horleh

“Saraakiisha Mareykanka waa inay si cad u caddeeyaan sida ciidamadoodu ay uga fogaanayaan inay waxyeeleeyaan shacabka Soomaaliyeed inta lagu guda jiro howlgallada milateri,” ayuu yiri Laetitia Bader oo ah Agaasimaha Geeska Afrika ee Human Rights Watch.

Mareykanka ayaa Soomaaliya kusoo celinaya illaa 700 oo askari oo uu horey looga saaray dalka, kuwaas oo garab siinaya ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

Si kastaba, go’aankan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Soomaaliya ay ka dhalatay dowlad cusub, isla-markaana mar labaad Madaxweyne loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

Sakariye Saciid oo lagu dilay magaalada GAALKACYO

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa barqanimadii maanta waqooyiga magaalada Gaalkacyo lagu dilay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Sakariye Saciid, kaas oo koox hubeysan ay toogasho ku dishay, kadibna ay baxsatay.

Marxuumka ayaa caan ka ahaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, wxuuuna ka mid ahaa dhalinyarada hal doorka ee ku dhaqan magaaladaasi.

Sakariye ayaa si gaar ah loogu xusuustaa inuu u ololeyn jiray Nabadda magaalada Gaalkacyo oo ay horey colaad beeleedyo uga dhaceen.

Wararka ayaa sheegaya in xiliga la dilayey uu ku sugnaa xero barakac oo ku taalla magaalada, isaga oo u tegay howlo shaqo, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya marxuuiimka uu sidoo kale ka mid ahaa saraakiisha dowladda Hoose ee dowlad goboleedka Puntland.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi, waxayna gacanta kusoo dhigeen dad lala xiriirinayo dilka marxuumka.

Gaalkacyo ayaa waxaa horey uga dhacay dilal qorsheyan oo ay ka fulisay Al-Shabaab iyo weeraro kale oo ay geysteen maleeshiyaad hubeysan oo u abaabulan qaab beeleed.