27.2 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Sakariye Saciid oo lagu dilay magaalada GAALKACYO

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa barqanimadii maanta waqooyiga magaalada Gaalkacyo lagu dilay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Sakariye Saciid, kaas oo koox hubeysan ay toogasho ku dishay, kadibna ay baxsatay.

Marxuumka ayaa caan ka ahaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, wxuuuna ka mid ahaa dhalinyarada hal doorka ee ku dhaqan magaaladaasi.

Sakariye ayaa si gaar ah loogu xusuustaa inuu u ololeyn jiray Nabadda magaalada Gaalkacyo oo ay horey colaad beeleedyo uga dhaceen.

Wararka ayaa sheegaya in xiliga la dilayey uu ku sugnaa xero barakac oo ku taalla magaalada, isaga oo u tegay howlo shaqo, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya marxuuiimka uu sidoo kale ka mid ahaa saraakiisha dowladda Hoose ee dowlad goboleedka Puntland.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi, waxayna gacanta kusoo dhigeen dad lala xiriirinayo dilka marxuumka.

Gaalkacyo ayaa waxaa horey uga dhacay dilal qorsheyan oo ay ka fulisay Al-Shabaab iyo weeraro kale oo ay geysteen maleeshiyaad hubeysan oo u abaabulan qaab beeleed.

Maxay yihiin caqabadaha horyaalla madaxweyne Xasan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Diini Maxamed Diini oo ah oo guddoomiyihii hore ee ururada bulshada rayidka ah oo wareysi siiyey Universal TV ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo isbeddalka dhacay, kadib doorashadii 15 bishaan May ee 2022-ka.

Diini ayaa si gaar ah wareysigan diiradda ugu saaray caqabadaha horyaalla Madaxweynaha cusub, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu wado inuu beri xilka la wareego.

Guddoomiyihii hore ee ururada bulshada rayidka ah ayaa xusay dhibaato xoogan iyo caqabado ay abuurtay xukuumaddii hore ay horyaallaan Xasan Sheekh, isaga oo tusaale usoo qaatay Social Media oo ay si aad ah u adeegsanayeen kooxda Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu amniga jooga meel ka hooseysa halkii uu ku ogaa Madaxweynaha cusub ee mar labaad loo doortay hoggaanka Villa Soomaaliya.

“Horta caqabad kasta oo xukuumaddii isaga ka horeysay ay abuurtay oo ma aragtay dadkii hada borobagaanto aad u xoog badan lagu faafiyey oo ay ka mid tahay caqabadaha Social Media oo Ummaddii Caalamka Involved ku ah iyo caqabado horey u jiray oo runtii meesha uu uga tegay meel ka liidato hadda maraayo sida amniga oo kale” ayuu yiri Diini Maxamed.

Dhinaca kale wuxuu intaasi ku daray in sidoo kale ay sugayaan caqabado kale oo ka dhashay isbeddallada ka dhacay dalal badan oo ku yaalla caalamka.

“Waxaa is leeyahay caqabado horey u jiray iyo kuwa ay abuurtay xuukuumaddii isaga ka horreysay iyo caqabado la xiriira caalamka isbedalka ku dhacay oo siyaasadeed intaas oo dhan waa sugeysaa,” ayuu markale wareysigan ku yiri aqoonyahan Diini Maxamed Diini.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku howlan wada-tashiyo ku aadan dhismaha dowladdiisa cusub oo ay ugu horreysay xukuumadda, gaar ahaan soo magacaabidda ra’iisul wasaaraha cusub oo laga sugayo inuu ku dhowaaqo.

Axmed Madoobe oo codsi yaab leh oo ku saabsan guddiyada doorashada u jeediyey madaxweyne Xasan

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh usoo jeediyey codsi yaab leh oo ku saabsan guddiyada doorashadda ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleedba ee qabtay doorashooyinkii dalka ka dhacay.

Axmed Madoobe ayaa si weyn u amaanay doorkii uu guddiga doorashada ka qaatay doorashada Soomaaliya oo soo jiitameysay wax ku dhow laba sano, balse lasoo geba-gebeeyey 15-kii May markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay madaxweynaha cusub ee la doortay Xasan Sheekh Maxamuud in uu abaal mariyo guddiyaddaas, islamarkaana guddoomiyaha guddiga iyo xubnaha kale laga qeyb geliyo dowladda cusub ee la dhisi doono.

Madaxweynaha ayaa sigaar ah u codsaday in xubnahasi sida gudoomiyaha iyo gudoomiye ku-xigeenada guddiyadda doorashooyinka laga dhigo safiiro iyo sidoo kale loo dhiibo shaqooyinka ay qaban karaan, oo an la hilmamin.

Dadka qaar ayaa codsiga Axmed Madoobe u arka inuu ugu abaal gudayo guddoonka guddiga doorashada oo ka caawiyey inay u sharciyeeyaan xubnihii baarlamaanka 11-aad ee lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Guddiga doorashada ayaa go’aamiyey in doorashada kuraasta Gedo ee tiilay Garbahaarey loo weeciyo Ceelwaaq oo gacanta ugu jirta Axmed Madoobe, taasi oo ka saaciday inuu halkaas kasoo saaro xildhibaano taabacsan, meeshana ka saaro isku daygii madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaanada Ceelwaaq ayaa waxaa kadib muran geliyey xubno kale oo sheegtay xildhibaannimo oo laga soo doortay Garbahaarey, balse waxaa saaciday guddiga doorashada oo shahaado siiyey, kadibna albaabka ka xirtay xubnihii Garbahaarey.

Codsiga Axmed Madoobe ayaa qeyb ka ahaa khudbadii uu xalay kaga hadlay isbadalka dalka ka dhacay iyo xaalada gobolka Gedo.

Sheekh Mukhtaar Roobow oo loo ogolaaday in la booqdo iyo xubno gurigiisa ugu tegay

Muqdisho (Caasimada Online) – Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ku dhowaad afar sano u xirnaa dowladii Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay loo ogolaaday inay soo booqdaan xubno ka tirsan qoyskiisa iyo asxaabtiisii siyaasadda.

Dadka u tegay Sheekh Mukhtaar waxaa ka mid ah siyaasiga Yuusuf Xasan Mursal oo ka tirsan xisbiga Mukhtaar Roobow ee amniga iyo cadaaladda.

Yuusuf Xasan ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee Mukhtaar Roobow ay hadda fiican tahay, isla markaana ay rajo badan ka qabaan in dhowaan lasii daayo.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay xaqiijiyeen in Sheekh Mukhtaar uu Jaamacad dhigto, balse wuxuu tilmaamay in markii ay u kuur galeen noloshiisa uusan u muuqan nin ay $7 kun ku baxdo bil kasta, sida ay horay u shaacisay hey’adda NISA oo gacanta ku heysa.

Sida aan xog ku helnay NISA ayaa cadaadiskii saaraa ka qafiifisay Sheekh Mukhtaar, kadib markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaa loo ogolaaday Taleefoon iyo in ehelladiisu ay soo booqan karaan.

Xasan Sheekh ayaa horay u balan qaaday in xabsiga uu ka soo deynayo Sheekh Mukhtaar oo arrimo siyaasadeed ugu xiraa nimaadkii Farmaajo.

Dhamaadkii sanadkii 2018-kii ayaa Mukhtaar Roobow laga soo xiray magaalada Baydhaba, xilligaas wuxuu ahaa musharax u tartamaya xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

DF oo shaacisay jadwalka imtixaanka dugsiyada sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Waxbarashada,Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka. 

Wasaaradda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in waqtiga qaadista imtixaanka sanad dugsiyadeedka 2021/2022 uu noqon doono taariikhdu markay ku beegan tahay 18ka ilaa 22ka Juun, 2022. 

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran 

Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay ardayda, waalidiinta, macallimiinta, maamulayaasha iyo dhammaan bahwadaagta waxbarashada Soomaliyeed halkaan kula wadaagaysaa shaacinta waqtiga qaadista imtixaanka midaysan ee fasalka 12-aad.  

Wasaaradda Waxbarashadda ee JFS markii ay wadatashi ku saabsan qaadista imtixaanka la sameysay bahwadaagta waxbarashada qaybahooda kala duwan waxa ay go’aamisay in waqtiga qaadista imtixaanka sanad dugsiyadeedka 2021/2022 uu noqon doono taariikhdu markay ku beegan tahay 18-ka ilaa 22-ka Juun, 2022.  

Haddaba, Wasaaraddu waxay ku boorinaysaa isla markaasna ka rajeyneysaa dhammaan ardayda dhigata fasalka 12aad in ay u diyaar-garoobaan imtixaanka. Sidoo kale waalidiinta iyo maamulayaasha dugsiyadana waxa ay ka rajeyneysaa in ay ardayda ku garab-siin doonaan diyaargarowgooda. 

F.G: Dhammaan ardayda ka qalin-jabinaysa fasalka 12aad ee sanad dugsiyadeedka 2021/2022 iyo ardayda ku hartay imtixaankii hore ee dib isku diiwaangeliyay si ay uga qayb-noqdaan imtixaanka sanadkaan waxaa loo diyaarinayaa aqoonsiyadooda si ay ugu fariistaan imtixaanka iyaga oo ka heli doona dugsiyadooda. Arday waliba oo aan horay isku diiwaan-gelin kama qayb-geli doono imtixaanka sanad-dugsiyadeedka 2021.

Sawirro: Farmaajo iyo Xasan Sheekh oo kulmay iskuna raacay maalinta xil-wareejinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Xafiiska Jooga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan is-xogwaraysi ah ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka.

Labada Madaxweyne oo markii saddexaad ku kulmay Madaxtooyada Qaranka, ayaa kulankoodan iskaga xog waraystay xaaladda guud ee dalka, sidii wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya iyo qabanqaabada Munaasabadda Xil-wareejinta Madaxweynaha.

Guddiga Qabanqaabada Xil-wareejinta Madaxweynaha ayaa go’aamiyey in Munaasabadda Xil-wareejintu ay dhacdo maalinta isniinta ah oo ku beegan 23 bishan May, iyada oo ay Madaxtooyada Qaranka ka dhacayso munaasabad ballaaran oo ay xilka kula kala wareegayaan Madaxweynaha 9-aad ee JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaba 10-aad ee JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa haatan bilaabay inuu ka guuro dhismaha madaxtooyada, iyadoo laga rarayo alaabta qoyskiisa.

Farmaajo ayaa loo diyaariyey guri ku dhow garoonka Aadan Cadde, halkaas oo ay dagan yihiin inta badan xubnihii mucaaradka ku ahaa dowladdiisa.

Sida ay ogaatada Caasimada Online guriga Farmaajo loo diyaariyey ayaa waxaa horey u daganaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), waxaana ka socday xilligii doorashada ololaha dib doorasho ee Farmaajo, walow laga adkaaday.

Arrintan ayaa soo gabagabeyneysa 5 sano oo uu xafiiska joogay Madaxweynihii hore ee dalka, waxaana haatan u bilaabanaya nolol ka duwan tii hore iyo mucaaradnimo horleh.

Maxkamad amartay in lasoo xiro wasiiro iyo agaasimeyaal xilal kasoo qabtay Somalia

Garoowe (Caasimada Online) – Kadib olole kacdoon shacab ah oo ka billowday baraha bulshada bilihii ugu dambeeyey laguna dalbanayey in maamulka Puntland ay wax ka qabato shaqsiyaadka billaabay ka ganacsiga iyo dhoofinta geed quwaaxa ee loo dhoofiyo wadamada Imaaraadka iyo Shiinaha ayaa wuxuu keenay in maamulka Puntland bilaabo olole lagu soo qabanayo dadkii arrintaas ku lugta lahaa.

Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa qabatay gal dacwadeed ka dhan ah shaqsiyaadka lagu eedeeyey inay ka dambeeyaan qorshaha lagu dhoofinayo geedahaas.

Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Aw-cismaan ayaa waaran u jaray Maanta mas’uuliyiin horey xilal uga soo qabtay Puntland iyo kuwa hadda xil haya oo ku eedeysan dhoofinta dhirta iyo geedaha.

Mas’uuliyiinta arrintaan ku lug yeeshay ee waaranka loo jaray ayaa waxaa kamid wasiiro, agaasimayaal iyo dad shacab ah inkastoo aysan weli dowladda qaadin tallaabo lagu soo qabanayo dadka waaranka loo jaray.

Magacyada mas’uuliyiinta maxkamadda looga yeeray ayaa waxaa kamid ah:

1- Cabdisamad Maxamuud Maxamed Muuse, agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsciga Puntland.
2- Liibaan Maxamed Faarax Barre, agaasime ka tirsan wasaaradda deegaanka
3- Cabdiraxmaan Salaad Showle
4- Naciimo Jaamac Cumar Jaqaloon
5- Cabdinaasir Abshir Gaayir

Sidoo kale, laba wasiir oo kamid ah mas’uuliyiinta waaranka loo jaray oo aan la magacaabin ayaa waxaa la sheegay in loo mari doono sharciga si xasaanadda looga qaado una fududaato in maxkamadda la keeno.

Maxkamadda ayaa sheegtay inay dib kasoo gudbin doonto waqtiga loo fadhiisanayo dacwadda, waxayna amar ku bixisay in si deg deg ah loo keeno maxkamadda dadka lasoo eedeeyey.

Tallaabadaan ayaa kusoo aadeyso xilli ay si weyn u socotay maalmahaan dhoofinta dhirta iyo geedka quwaaxa, waxaana meelaha sida weyn looga dhoofinayo kamid ah Burtinle, Eyl iyo meelo kale

Midowga Yurub oo war culus soo saaray kadib wadahadal ay la yeesheen Xasan Sheekh

Brussels (Caasimada Online) – Wakiilka sare ee siyaasadda arrimaha dibedda Midowga Yurub Josep Borrel ayaa khadka taleefonka kula soo hadlay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay ururka.

Borrel oo madaxweyne Xasan ugu hambalyeeyey guushiisa iyo soo geba-gebeynta doorashadii Soomaaliya, ayaa hoosta ka xariiqay sida ay Midowga Yurub uga go’an tahay inay Soomaaliya la billowdo waa cusub oo wada-shaqeyn ah.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale is-weydaarsaday xog ku saabsan qorshaha madaxweynaha iyo muhiimadihiisa koowaad ee arrimaha uu wax ka qabanayo.

Borrel ayaa ku celiyey ballan-qaadka Midowga Yurub ee ah inay taageerto Soomaalia, kana saaciddo isbeddelo wanaagsan oo lagu sameeyo arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Wakiilka sare ee siyaasadda arrimaha dibedda Midowga Yurub ayaa sidoo kale sheegay inay taageerayaan hanaanka ay Soomaaliya ula wareegeyso amnigeeda iyo wax ka qabashada xasaradaha bani’aadaminimo ee dalka ka jira. 

Arrimaha kale ee ay ka wada hadleen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Borrell ayaa waxaa ka mid ah kaalinta dowladda Soomaaliya, QM, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub, iyo baahida loo qabo in dib loo billaabo wada-hadalladii farsamo ee ku aadan amniga Soomaaliya.

Dhanka xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh ayaan weli wax war ah kasoo saarin wada-hadallada Borrel.

Midowga Yurub ayaa horey ugu hanjabay Soomaaliya inay ka jari doonaan dhaqaalaha haddii aanay doorasho la qaban, xilligii uu madaxweyne Farmaajo isku dayey inuu xukunku uu sii dheereysto ee laga horyimid.

Nin mucaarad ku ah Ismaaciil Cumar Geelle oo lagu qabtay Hargeysa lagana cabsi qabo…

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo degmada Gebiley ee  maamulka Somaliland ayaa sheegaya in halkaas lagu xiray nin u dhashay dalka Jabuuti.

Ninkaan oo ay xireen ciidamada Booliska ayaa la sheegay inuu caan ku ahaa inuu Baraha Bulshada ku dhaliilo madaxweynaha Dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Magaca ninka la xiray ayaa lagu sheegay Arreh Souleiman Aouled, waxaana la rumeysan yahay inay sababta tahay dhaliilaha uu u jeediyo madaxweynaha Jabuuti.

Sida aan xogta ku helnay, maamulka Somaliland ayaa qorsheenaya inay ninkaan u gacan geliso booliska dalka Jabuuti si uu halkaas ugu wajaho maxkamad.

Hay’adaha xuquuqul insaanka ee ka jira maamulkaas ayaa maamulka ugu baaqay inuu ka fogaado ku xadgudubka Arreh Souleiman, waxayna hey’adaha ka digeyn in Jabuuti loo gacan geliyo.

Maamulka Somaliland ayaa horey ugu caan baxay inuu cadaadis saaro wariyayaasha iyo Dadka caadiga ah ee dhaliila madaxweyna maamulkaas Muuse Biixi.

Xabsiyada maamulkaas ayaa waxaa ku jiro Seddex wariye oo loo heysto tabinta dhacdadii dhawaan ka dhacday xabsiga weyne ee Hargeysa.

XAMAS oo si lama filaan ah oo war uga soo saartay doorashadii Xasan Sheekh

0

Falastiin (Caasimada Online) – Madaxa xafiiska siyaasadda dhaq-dhaqaaqa Xamas Ismaaciil Haniyah ayaa war kasoo saaray doorashadii madaxtimimo ee 15-kii bishaan May ka dhacday magaalada Muqdisho, taas oo lagu doortay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xamas oo inta badan aan ka hadlay arrimaha Soomaaliya, soona hadal qaadin, ayaa warka cusub ee kasoo baxay uu yahay mid aan laga fileyn, taasi oo muujineysa sida gusuha madaxweyne Xasan Sheekh dunida ugu soo jeedisay Soomaaliya.

Haniyah ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha mar labaad la doortay ee Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ku bogaadiyey guusha weyn ee uu ka gaaray doorashadii 15 May.

Madaxa xafiiska siyaasadda dhaq-dhaqaaqa ee Ururka Xamas ayaa sidoo kale xusay inay u duceynayaan Madaxweynaha cusub, si eebe ugu fududeeyo mas’uuliyadda loo igmaday.

“ka Dhaqdhaqaaq Xamas ahaan iyo guud ahaan Shacabka Falastiin waxa aan fariintaan hambalyada ah u diro Walaalaheen Soomaaliyeed gaar ahaan Madaxweynaha aan walaalaha nahay ee la doortay, waxa aan ugu duceyneenaa Horumar iyo Barwaaqo, innaga oo u rajeyneyno wax u qabadka Qaranka iyo dadka” ayuu yiri Ismaaciil Haniyah.

Sidoo kale wuxuu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu doorkiisa ka qaado qadiyadda Falastiin, isla-markaana uu garab istaago shacabka Falastiiniyiinta.

“Waxa aan kuu rajeynenaa in aad guullo ku hoggaamisid dalka una adeegtid qarankaaga si aad wax ugu qabatid arrimaha waaweyn ee ku horyaalla, arrinta falastiin waa in aad doorkaaga ka qaadataa, si kal iyo lab ah ayaan kuugu duceynaa mudane guul iyo in Walaalaheen Soomaaliya aad gaarsiisid horumar iyo Barwaaqo” ayuu sii raaciyey.

Guusha Xasan Sheekh ayaa waxaa horey uga hadlay dowlado dhowr ah iyo ururo caalami ah oo soo dhoweeyey isbedalka siyaasadeed ee ka dhacay Soomaaliya.

XOG: Halka uu degayo Farmaajo iyo wararkii ugu dambeeyey xil wareejinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan Villa Soomaaliya waxaa ka socota munaasabadda xil wareejinta ee Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabadda xil wareejinta oo guddiga gaar ah loo xil-saaray ayaa la filayaa inay dhacdo maalinta Isniinta ee soo socota, waxaana haatan socda diyaar garowgii ugu dambeeyey.

Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa haatan bilaabay inuu ka guuro dhismaha madaxtooyada, iyadoo laga rarayo alaabta qoyskiisa.

Farmaajo ayaa loo diyaariyey guri ku dhow garoonka Aadan Cadde, halkaas oo ay dagan yihiin inta badan xubnihii mucaaradka ku ahaa dowladdiisa.

Sida ay ogaatada Caasimada Online guriga Farmaajo loo diyaariyey ayaa waxaa horey u daganaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), waxaana ka socday xilligii doorashada ololaha dib doorasho ee Farmaajo, walow laga adkaaday.

Arrintan ayaa soo gabagabeyneysa 5 sano oo uu xafiiska joogay Madaxweynihii hore ee dalka, waxaana haatan u bilaabanaya nolol ka duwan tii hore iyo mucaaradnimo horleh.

Si kastaba, Xasan Sheekh Maxamuud oo horey usoo noqday Madaxweynihii 8-aad ayaa horey xilka ugu wareejiyey Farmaajo, hadda oo mar labaad loo doortayna wuxuu xilka kala wareegayaa Madaxweynihii beddalay, taas oo noqotay dhacdo aan horey uga dhicin dalka.

Al-Shabaab oo weerar si la yaab leh loo qorsheeyey ka fulisay Balcad + Khasaaraha

0

Balcad (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab xalay ku qaadeen qaybo ka mid ah degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo loo qorsheeyey si la yaab-leh.

Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa lagu beegsaday bar koontarool oo ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin dhanka waqooyi ee degmadaasi, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Ragga weerarka qaaday ayaa la sheegay inay iska soo dhigeen shacab, islamarkaana ay soo raaceen gaari rakaab ah, kadibna ay rasaas ku fureen ciidamada ku sugnaa halkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan lagu dilay ugu yaraan 6 askari, halka ay ku dhaacwacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.

Xoogaga Al-Shabaab ee weerarka qaaday ayaa la sheegay inay goobta ka baxsadeen, kadib dhacdadaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Balcad oo ku aadan weerarkaasi.

Xaaladda ayaa saaka deggan, balse ciidamada ammaanka ayaa saaka dhaq dhaqaaqyo iyo howlgallo ka wada nawaaxiga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Balcad ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro qorsheysan iyo qaraxyo, waxaana ugu dambeeyey qaraxii miino ee todobaadkii hore ka dhacay maqaaxi ku taalla degmadaasi.

Daawo: Waalidiin dibadbax dhigay oo madaxweyne Xasan Sheekh ka codsaday fulinta balan uu ka qaaday

Guriceel (Caasimada Online) – Waalidiinta wiilashooda ay ku maqan yihiin dalka Eritrea oo tababar ay ugu qaaday dowladii uu hoggaaminayey Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay galab banaanbax ka dhigay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Banaan-baxaas oo lagu taageeray doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale Madaxweynaha looga codsaday inuu deg deg uga jawaabo dhibka heysta waalidiintaan dhalinyaradu ka maqan tahay.

Qaar ka mid ah hooyooyinkii warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in hoyaad ay ka quusteen, balse hadda ay farxeen markii uu guuleystay Madaxweyne Xasan Sheekh oo horay u balan qaaday in shaqada koowaad ee uu qabanayo hadii uu guuleysto ay tahay soo celinta dhalinyaradii loo qaaday Eritrea.

“Madaxweyne marka hore hambalyo, laba sano iyo bar ayey sii maqan yihiin wiilasheenii, waxaan nahay waalidiin dhiban, waxaan maanta kaa rabnaa in shaqada koowaad aad ka dhigto inaad dalka ku soo celiso wixii ka nool, waan kugu faraxnay markii lagu doortay oo waxaan heysanay balan-qaadkaagii hore,” ayey yiri mid ka mid ah waalidiintii Guriceel kula hadlay warbaahinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u balan qaaday in dhalinyaradaas oo la sheegay in qaarkood ay galeen dagaalkii Itoobiya uu shaqada koowaad ka dhigaayo dib u soo celintooda, markii la doorto, taas oo hadda looga fadhiyo.

Sanadkii 2019-kii ayaa dalka laga daabulay dhalinyaradaas oo ilaa hadda aan faahfaahin laga bixin nidaamka loo qaaday, balse waxaa la sheegay in lagu siray in dalka Qatar tababar iyo shaqo loo geynayo, laakiin Eritrea loo dhigay, welina ma jirto cid warbixintooda dadka la wadaagtay.

Hoos ka daawo codsiga waalidiinta

Laamaha ammaanka DF oo gacanta kusoo dhigay rag dil iyo dhaawac geystay

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Taliska Booliska gobolka Mudug ee Galmudug ayaa ka warbixiyey howlgallo ciidamada ammaabka ay ka sameeyeen gobolkaasi, kuwaas oo lagu soo qabtay maleeshiyaad Jimcihii gaari ku rasaaseeyey magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Cali Muuse Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada ay soo qabteen qaar ka mid ah raggii rasaaseeyey gaariga, islamarkaana ay ku raad joogaan kuwa kale oo baxsaday.

Cali Muuse ayaa sidoo kale sheegay in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan maleeshiyaadkaas oo dil iyo dhaawac ka geystay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan laamaha amaaanka, islamarkaana ay lasoo wadaaagaan xogaha ku saabsan amniga.

Weerarka ka dhacay Gaalkacyo ee lagu rasaaseeyey gaariga ayaa sababay dhimashada 2 qof iyo dhaawac qof kale.

Dhinaca kale guddoomiyaha maamulka gobolka Mudug ee Galmudug Axmed Bukhaari ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey ammaanka, kaas oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyinta degmada Gaalkacyo iyo saraakiisha xasilinta ee gobolka Mudug.

Shirkan ayaa waxaa intiisa badan diiradda lagu saaray fal dambiyeedyada ka dhaca Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Gaalkacyo ayaa waxaa kusoo noq noqday falalka ammaan dari ee ka dhaca waqooyiga iyo koonfurta magaaladaasi oo ay ka kala arimiyaan maamullada Galmudug iyo Puntland.

Madaxweyne SACIID DENI oo ku sii jeeda KENYA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa maanta ku wajahan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, sida ay innoo xaqiijiyeey ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Saciid Deni oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa saacadaha oo socda ka duulo doono garoonka Aadan Cadde, isagoo kusii jeeda Kenya oo uu maalmo soo joogo doono.

Lama shaacin ujeedka safarkiisa, balse waxaa la filayaa inuu kulamo la yeesho madax ka tirsan dalkaas iyo safiirada qaar ee ku sugan magaalada Nairobi.

Safarka Deni ee Kenya ayaa kusoo aadaya, xilli ay soo dhammaatay doorashadii Somalia, gaar ahaan mida Madaxweynaha oo uu u tartamay, isaga oo gudbay wareegay 2-aad, balse ku haray wareega 3-aad oo ay ku loolameen Farmaajo oo laga adkaayo iyo Xasan Sheekh oo guuleystay, sidaasina loogu doortay Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Somalia.

Kenya ayaa ka mid aheyd dalalka Afrika ee sida weyn u daneynayay inuu isbedal siyaasadeed ka dhaco Soomaaliya, si uu meesha uga baxo Farmaajo iyo maamulkiisa.

Dhinaca kale guddoomiyaha baarlamaanka Puntland iyo mas’uuliyiin kale oo wehliya oo iyagana ku sugan Muqdisho ayaa lagu wadaa inay maanta dib ugu laabtaan Garoowe.

Si kastaba, Deni ayaa wajahaya xaalad adag iyo khilaaf ka dhashay damiciisii siyaasadeed ee hoggaanka dalka, kadib markii uu kasoo horjeestay ku xigeenkiisa Axme Karaash.

Itoobiya oo maxkamad soo taagtay sarkaal sare oo kasoo horjeesatay ABIY

Addis Ababa (Caasimada Online) – Jeneraal caan ah oo ka tirsan dowladda Itoobiya oo dhaliili jiray xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa Jimcihii kasoo muuqday maxkamadda, kadib markii toddobaadkan la xiray, sida ay sheegtay xaaskiisa, xilli la xir-xirayay qaar ka mid ah dadka u ololeeya siyaasadda qowmiyadda Amxaarada.

Sarreeye Guuto Tefera Mamo ayaa ahaa taliyaha ciidanka Axmaarada ilaa bishii February markaas oo xilka laga xayuubiyay, iyada oo aan la sheegin sababta. Ciidamada Axmaarada ayaa taageerayay ciidamada federaalka ee Abiy ee kasoo horjeeda xoogaggii kacdoonka waday ee waqooyiga Tigray markii uu dagaalku ka qarxay halkaas sanadkii 2020.

Axaddii hore, Tefera ayaa waraysi uu siiyay TV waxa uu ku naqdiyay istiraatijiyada Abiy ee ka dhanka ah kooxda TPLF, isagoo sidoo kale ku eedeeyay xubnaha Axmaarada ee ka tirsan xisbiga talada haya ee raysal wasaaraha in lagu dhiirrageliyay lacag.

Menen Haile, oo ah xaaska Tefera, ayaa sheegtay in lagu hayay xabsiga muddo toban maalmood ah.

“Boolisku waxay sheegeen inay tuhunsan yihiin inuu ka shaqaynayo inuu si xoog ah u burburiyo nidaamka dastuuriga ah,” ayay u sheegtay Reuters.

Tefera ayaa lagu xiray caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa Isniintii, Menen ayaa sidaas yidhi.

Dhinaca kale, shan weriye oo ka tirsan warbaahinta maxalliga ah ee Ashara, ayaa sidoo kale la xiray Khamiistii, sida uu saaxiibkood u sheegay Reuters.

“Dadka kaxaystay suxufiyiinta waxay ku labisnaayeen dharka ciidamada gaarka ah ee Axmaarada, Booliiska Axmaarada iyo ciidamada ka hortaga rabshadaha, markii ay qabteen waxaan ku dhex dhuumanayay musqul” ayuu yiri taliyaha oo intaa ku daray inay xireen xafiisyadii Ashara ee magaalada Bahir Dar. Saraakiisha Axmaarada, militariga iyo booliiska ayaan wax hadal ah ka bixin dhacdooyinka.

Voa +  Reuters.

Muxuu Rooble kala hadlay Madaxweynaha cusub ee Imaaraadka? + Sawirro

Dubai (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Imaaraadka ayaa caawa magaalada Abu Dhabi kula kulmay madaxweynaha dowladda Isu tagga Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyaan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Madaxweynaha cusub ee Imaaraadka uga tacsiyeeyay geerida madaxweynihii hore ee dalkaas Sheikh Khalifa Bin Zayid oo tacsidiisa uu Dubai u tegay Rooble.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxweynaha cusub ee Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Zayid gaarsiiyay dhambaal hambalyo iyo tacsi ah oo uu uga siday madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Dhankiisa madaxweyne Maxamed Bin Zayid ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay doorashadii madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo in guud ahaan howshii doorashada dalku ku soo dhammaatay si nabad ah.”

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa intii uusan shalay u amba-bixin Dubai wuxuu fasaxay oo Bangiga dhexe ee dowlada Soomaaliya laga saaray 9.6 Milyan oo dollar oo sanadkii 2018-kii ay xukuumadii Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre ka xayirtay Imaaraadka.

Sidoo kale dowladda Imaaraadka ayaa isla shalay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu deeqday 9.5 Milyan oo dollar, si wax looga qabto arrimaha bini’aadanimada iyo horumarinta, taas oo muujineysa in markii uu meesha ka baxay nidaamkii Farmaajo uu dib u soo noolaaday xiriirka Dubai iyo Muqdisho.

Axmed Madoobe oo soo saaray go’aan culus oo ku saabsan arrinta gobolka Gedo

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa soo saaray bayaan dheer oo uu kaga hadlayo isbadalka dalka ka dhacay iyo xaalada gobolka Gedo, isagoo si faahfaahsan u dul istaagay qorshihiisa dib ugu laabashada Gedo.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu sheegay in sanadahii lasoo dhaafay Jubaland ay dhibaato culus kasoo gaartay khilaafad ay abuurtay dowladii Madaxweyne Farmaajo, taas oo aad u saameysay gobolka Gedo.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in hadda ay Jubbaland diyaar u tahay xalinta caqabad kasta oo jiray Gedo ka taagan, isagoo tilmaamay in caqabadaha gobolkaas ka jiray ay ahayeen kuwo dano gaar ah laga lahaa, balse aan qusayn bulshada deegaanka.

“Madaxweynaha ayaa tilmaamay in maanta laga bilaabo la fasaxay dhamaan tageeradii iyo adeegyadii hormarinta ee gobolka ka xayiraa sanadahii lasoo dhaafay ee heer Federaal iyo heer Jubaland isagoo intaas ku daray in dhismaha golayaasha deegaanka laga bilaabi doono Degmada Garbahareey ee Xarunta gobolka Gedo isla markana aanay jirin maamul Cusub oo gobolkaas loo magacaabayo dadka deegaankuna ay soo dooran doonan dadka matalaya,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa balan-qaaday in kala aragti duwanaantii iyo khilaafkii Dowlada Federaalka ah ay gobolkaas ka abuurtay aan cidna loo beegsan doonin dadka deegaanka iyo guud ahaan shacabka Jubaland ay u siman yihiin xuquuqaha ay xaqa u leeyahiin wax walbana wada hadal lagu dhamayn doono.

17-kii bishaan May, Wasiirka warfaafinta Jubaland Saleebaan Maxamed Maxamuud oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Gedo ayaa sheegay inuu socdo qorshe ay Jubbaland dib ugu soo ceshaneyso gobolka Gedo.

Wasiirka oo la haday Idaacadda VOA ayaa sheegay in qaabka dib u heshiisiin ah ay doonayaan inay ku soo ceeshadaan gobolka Gedo, isla markaana ay doonayaan in dadka gobolkaas loo sameeyo dib u heshiisiin, isagoo shaaciyey in waxgaradka gobolka Gedo ay ku soo wargeliyeen in maamulkoodii ay diyaar u yihiin in dib loogu soo celiyo.

Dhanaca kale Madaxweynaha Jubaland ayaa soo dhaweeyay isbadalka cusub ee dalka ka hirgalay isagoo xusay in mudo la sugayay doorashooyinka guud ee dalka ka dhacay.

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay Madaxweynahii hore ee Dowlada Federaalka ah Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shantii sano ee lasoo dhaafay dalka soo hogaaminayay isla markana aqbalay natiijada doorashada.

Sidoo kale waxaa Madaxweynahu uu u mahad celiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo si naf hurnimo ah ugu istaagay sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay isla markana natiijadeeda la wada aqbalo, Guddiyada doorashooyinka ayuu sidoo kale Madaxweynahu ku amaanay shaqadii hufnayn ee ay soo qabteen.

Madaxweynaha Cusub ee JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayuu Madaxweynahu Alle uga baryay inuu la garab galo shaqada culus ee hortaala isagoo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay Dowlada Cusub garab istaagan si shaqooyinka horyaala ay u fuliso iyadoo haysta kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.

Siyaasi caan ah oo qarax lagula eegtay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qarax miino oo lala beegsaday siyaasi caan ah oo ka mid ah taageerayaasha madaxweynaha xafiiska sii jooga ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qaraxa ayaa ka dhacay degmada Wadajir, waxaana lala beegsaday siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan, xilli uu kasoo baxay masjid uu kusoo tukaday salaadda Jimcaha.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan uu dhaawac kasoo gaaray qaraxaasi miino oo la dhigay meel aan ka fogeyn masjidka uu ku tukuday salaadda Jimcaha.

Dhaawaca Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa la dhigay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagula tacaalayo sidii wax looga qaban lahaa xaaladihiisa oo ah mid aan wanaagsaneyn.

Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa ka mid ah siyaasiyiinta xisbiyada siyaasadeed furtay, islamarkaana taageerayaasha madaxweynihii hore ka mid ah, isagoo u dagaalami jiray ama difaaci jiray siyaasadaha Farmaajo iyo maamulkiisa.

Weli ma jirto koox sheegatay qaraxa. Sidoo kale, booliska dowladda Soomaaliya ayan weli wax war ah kasoo saarin.

Rooble oo xog culus ka bixiyay ninkii fuliyey dilka xildhibaan Aamina iyo habkii loo dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii u horeysay banaanka u soo saaray xog uu sheegay in uu ka ogyahay qofkii isku qarxiyay Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo si weyn ugu doodi jirtay cadaalad u helidda kiiska Ikraan Tahliil.

Rooble oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa sheegay in qofka la dilay laga soo qaaday gobol kale oo la keenay Beledweyne, islamarkaana ay cid gaar ah ka dambeysay dilkii Xildhibaanada.

“Aamina dadka dilay waxaa la dhahaa gobolo kale ayaa laga soo qaaday, Saddex Xildhibaan ayaa meesha martay oo Xildhibaan Aamina oo ka dambiyo badan marka loo fiiriyo dhanka Shabaabka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Ninka waxa la iisheegay in uu dhahayay qofka meesha soo maraba ma Aamina. Inta aan taariikhdeeda ka hayno Aamina mar ay kooxahaas argagixisada iyo Shabaab wax ka sheegtay lama hayo.”

“Dadkii argagixisada baabinayay ee la dagaalamayay waa kuwa meesha soo maray ee Xildhibaanada raadinayay oo dariiqaas lug kusoo maray, ayaga bartilmaameed uma aheyn ee Aamina ayay aheyd bartilmaameedkiisa.”

Sidoo kale waxa uu meesha ka saaray in dilka Xildhibaan Aamina ay ka dambeeyen kooxaha argagixisada iyo Al-Shabaab, sidaas darteedna ay la xiriirto dilkii Ikraan oo ay si weyn ugu doodi jirtay cadaalad u helideeda.

“Gabadhaan kuwii Ikraan dilay ayaa ka dambeeya maalina wuu kasoo saaraya Ilaahay, oo taasa aaminsanahay wey kasoo baxeysa.”

Allaha u naxariistee Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi ayaa waxaa habeenimadii 23 March ee sanadkaan lagu dilay magaalada Beledweyne.

Qof naftiisa haligay ayaa isku qarxiyey Xildhibaan Aamino oo isla goobta ku geeriyootay.

Xildhibaan Aamino ayaa xiligaas Beledweyne u tagtay inay u tartanto kursiga beesheeda oo horay ay ugu fadhisay, waxaana dilkeeda hareeyey shaki badan, maadaama ay u dakanowday kiiska Ikraan Tahliil oo si hagar la’aan ah ay ugu doodi jirtay.