27.2 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Rooble oo xog culus ka bixiyay ninkii fuliyey dilka xildhibaan Aamina iyo habkii loo dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii u horeysay banaanka u soo saaray xog uu sheegay in uu ka ogyahay qofkii isku qarxiyay Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo si weyn ugu doodi jirtay cadaalad u helidda kiiska Ikraan Tahliil.

Rooble oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa sheegay in qofka la dilay laga soo qaaday gobol kale oo la keenay Beledweyne, islamarkaana ay cid gaar ah ka dambeysay dilkii Xildhibaanada.

“Aamina dadka dilay waxaa la dhahaa gobolo kale ayaa laga soo qaaday, Saddex Xildhibaan ayaa meesha martay oo Xildhibaan Aamina oo ka dambiyo badan marka loo fiiriyo dhanka Shabaabka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Ninka waxa la iisheegay in uu dhahayay qofka meesha soo maraba ma Aamina. Inta aan taariikhdeeda ka hayno Aamina mar ay kooxahaas argagixisada iyo Shabaab wax ka sheegtay lama hayo.”

“Dadkii argagixisada baabinayay ee la dagaalamayay waa kuwa meesha soo maray ee Xildhibaanada raadinayay oo dariiqaas lug kusoo maray, ayaga bartilmaameed uma aheyn ee Aamina ayay aheyd bartilmaameedkiisa.”

Sidoo kale waxa uu meesha ka saaray in dilka Xildhibaan Aamina ay ka dambeeyen kooxaha argagixisada iyo Al-Shabaab, sidaas darteedna ay la xiriirto dilkii Ikraan oo ay si weyn ugu doodi jirtay cadaalad u helideeda.

“Gabadhaan kuwii Ikraan dilay ayaa ka dambeeya maalina wuu kasoo saaraya Ilaahay, oo taasa aaminsanahay wey kasoo baxeysa.”

Allaha u naxariistee Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi ayaa waxaa habeenimadii 23 March ee sanadkaan lagu dilay magaalada Beledweyne.

Qof naftiisa haligay ayaa isku qarxiyey Xildhibaan Aamino oo isla goobta ku geeriyootay.

Xildhibaan Aamino ayaa xiligaas Beledweyne u tagtay inay u tartanto kursiga beesheeda oo horay ay ugu fadhisay, waxaana dilkeeda hareeyey shaki badan, maadaama ay u dakanowday kiiska Ikraan Tahliil oo si hagar la’aan ah ay ugu doodi jirtay.

DF iyo IMF oo gaaray heshiis muhiim u ah deyn cafinta kaddib doorashadii Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa ogolaatay inay dheereyso muddada ay kaalmada siiso Soomaaliya kadib markii lasoo geba-gebeeyey doorashada dalka, waxaa sidaas maanta sheegtay sarkaal sare.

Barnaamijka ay IMF ku caawineyso Soomaaliya oo ah $400 milyan muddo saddex sano ah, ayaa lagu waday inuu dhaco 17-ka May haddii aan maamul cuusb la dooran kahor xilligaas, ayada oo marar badan ay dib u dhacday doorashada Soomaaliya.

Hase yeeshee Guddiga Fulinta iMF ayaa toddobaadkii tegay aqbalay codsi ka yimid dowladda Soomaaliya oo ahaa in waqtiga loogu daro saddex bilood oo ku eg 17-ka August, si waqti loogu siiyo dowladda madaxweynaha cusub Xasan Sheekh inay darasto oo ay taageerto isbeddelada la qorsheeyey.

“Muddo kordhinta waxay waqtiga loo baahan yahay siin doontaa in la xaqiijiyo fahamka siyaasadda dowladda cusub iyo xaqiijinta damaanadda maal-gelinta ee saaxiibada horumarinta,” waxaa sidaas tiri Laura Jaramillo Mayor, oo ah madaxa howlgalka IMF ee Soomaaliya oo email usoo dirtay wakaaladda wararka AFP.

Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ayaa soo dhoweeyey doorashada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaga oo rajeynaya inay soo afjari doonti xasillooni darro siyaasadeed oo muddo dowladda ka weeciyey halisaha kale sida rabshadaha argagixisada iyo abaarta.

Sida ku cad xeerarka barnaamijka iMF, deynta Soomaaliya ayaa hoos ugu dhici kartaa $557 milyan marka ay ugu dhowdahay sanadda 2023, sida ay Jaramilo ku sheegtay wareysi ay bishii Febraayo siisay AFP.

Tani waxa ay Muqdisho u ogolaan doontaa inay soo jiidato maal-gelin dheeri ah oo ay ka hesho saaxiibada caalamka, kana caawiso horumarinta qeybaha gaarka ah.

Soomaaliya ayaa la sheegay in 70% dadkeeda ay ku nool yihiin wax kayar $1.90 maalinkii, waxayna la xarbineysaa inay kasoo kabato tobanaan sano oo ah dagaal sokeeye iyo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay bil kasta ka gaabta $10 milyan oo ah miisaaniyaddeeda.

Madaxweyne Xasan Sheekh, oo horey xilka usoo qabtay 2012 illaa 2017, islamarkaana ah hoggaamiyihii ugu horreeyey ee Soomaali ah ee dib loo doorto, ayaa ballan qaaday inuu dalka ka dhigi doono “mid heshiis ah, dunidana heshiis la ah.”

AFP

Fahad Yaasiin oo dhibaato siyaasadeed u wajahay aqoontii uu u lahaa Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasadda Soomaaliya abaalka ma xeyriso haddii uu abaalka boos sare ku lahaana sanadihii lasoo dhaafay waa la xiray qaanadaas.

Iyadoo ay gabagabo yihiin maalmaha nidaamkii hore ee ka talinayey Soomaaliya ayaa hadda waxaa la eegayaa sida ay siyaasiyiinta kasii haraya Tareenka Dowladda ay u sagootiyaan saaxiibadoodii shaqada ama ay isaga cafiyaan wixii dhex maray intii ay shaqada ku wada jireen.

Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ay maalmihiisu dhammaad yihiin wuxuu ku jiraa siyaasiyiinta dagaalka ba’an ka dhex fuliyey nidaamka dowliga ah ee Soomaaliya tobankii sano ee u dambeysay.

Waxaa la fahamsan yahay inuu si weyn ugu ololeeyey in Xasan Sheekh Maxamuud uu kusoo baxo doorashadii dhacday 15-kii May, taasoo dadka qaar ay u dhigayaan inay dano gaar ah la xiriirto.

Rooble oo shalay u dhoofay waddanka isku tagga Imaaraadka Carabta ayaa inta uusan dhoofin wuxuu hadal ka jeediyey shirkii Khamiislaha ahaa ee golaha wasiirada dowladda federaalka ah, kaas oo aan dhowr bilood la qaban, waxayna qaar kamid ah kalmadihiisa abuureen hadal heyn xoog leh.

Wuxuu Rooble mar kale weeraray taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo kamid ahaa raggii sababta u ahaa inuu Rooble Ra’isulwasaare ka noqdo Soomaaliya.

Iyadoo la ogyahay wixii dhex maray Fahad iyo Rooble bilihii lasoo dhaafay illaa uu Rooble gaarsiiyo Fahad inuu xildhibaan noqon waayo ayuu haddana mar kale wuxuu Rooble sheegay inay Farmaajo iyo isaguba shaqo fiican wada qabteen balse dhibaatadu ay aheyd milkiilaha.

Shantii Sano ee lasoo dhaafay Fahad Yaasiin ayaa loogu yeeraayey milkiilaha dowladdii uu madaxda ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Rooble wuxuu bogaadiyey Farmaajo, wuxuu sheegay inay howl fiican wada-qabteen, wuxuu ugu baaqay in la is wada cafiyo maadaama uu mar walba khilaaf dhici karo, laakiin Ra’isulwasaare Rooble wuxuu kasii daba tuuray in dhibaatadu aheyd milkiilaha.

Waa markii labaad asbuuc gudihiis oo uu Ra’iisul Wasaare Rooble weeraro ninkii lagu tilmaami jiray milkiilaha Dowladda ee Fahad Yaasiin.

Wareysi uu VOA siiyey ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble sidoo kale ku sheegay inuu Xasan Shiikh kaga digayo inay dowladiisa yeelato milkiile, taasoo ka dhigan inay Labada Nin ee Rooble iyo Fahad toos ula baxayaan cadaawadoodii ka dhalatay siyaasadda.

Aqoontii ay isku lahaayeen labada Nin oo Rooble ka caawisay inuu siyaasadda soo galo ayaa dhinaca kale Fahad gaarsiisay dhaawicii ugu weynaa intii uu ku jiray siyaasadda.

Waa markii Koowaad ee la arkayo Laba Siyaasi oo arrimaha Dowladda isku khilaafay oo bannaanka la aadayo cadaawadooda ka dhalatay siyaasadda, taasoo ah dhaqan ugub ah.

Sawirro: Fanaan Soomaali ah oo qarka u saaran in laga soo masaafuriyo Mareykanka

Minneapolis (Caasimada Online) – Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota iyo kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa garab siinaya fanaan Soomaaliyeed oo caan ah oo wajahaya in loo masaafuriyo Soomaaliya.

Cumar Cusmaan Maxamed oo loo yaqaan Cumar Shooli ayaa la dagaalamaya isku day ay ku masaafurineyso dowladda Mareykanka, sababo la xiriira xukun maxkamadeed oo la xiriira daroogo oo ku dhacay 2008.

Cumar Shooli ayaa ballan la lahaa waaxda socdaalka federaalka Mareykanka Khamiistii shalay, si dib loogu eego kiiskiisa.

“Waxaan ahay qof isbeddelay, waxaana halkan joogaa ku dhowaad nolosheeda oo idil. Dib uma laaban karo,” ayuu yiri Cumar Shooli oo la hadlay wargeyska Star Tribune.

Cumar Shooli oo ah 42 jir ayaa ka mid ah fanaaniinta ugu caansan Soomaalida, wuxuuna qaadaa heeso u badan kuwa Xamariga. 

Mid ka mid ah heesihiisa ayaa qabtay indhaha kooxda Al-Shabaab oo sheegtay inay ka hor-imaneyso diinta Islaamka, waxayna ugu hanjabeen inay dili doonaan, sida uu sheegay Cumar Shooli.

Garsoore Maxkamad socdaal ayaa laba goor sheegay in Shooli la dili karo ama uu wajihi karo waxyeello xooggan haddii loo masaafuriyo Soomaaliya, sababo la xiriira maqaamka uu ka jooga Soomaalida iyo saameynta uu leeyahay. 

Hase yeeshee go’aankaas ayaa la nasakhay laba goor, kadib markii ay racfaan ka qaateen saraakiisha Socdaalka Mareykanka, sida uu sheegay qareenka Shooli oo lagu magacaabo John Bruning.  

“Waxaan sii wadnaa inaan la dagaalno kiiskiisa. Waxaan rajeyneynaa in waaxda ICE ay u ogolaan doonto inuu sii joogo Mareykanka oo uu la noolaado xaaskiisa iyo caruurtiisa.”

Shooli ayaa Mareykanka ku yimdi qaxootinimo 1996-kii, wuxuuna degay gobolka Michigan oo uu ka dhigtay dugsi sare. Wuxuu Minnesota u guuray 2000, si uu fanaan u noqdo.

Shooli oo ah aabaha shan caruur ah, ayaa 2008 waxaa lagu qabtay khaat, isaga iyo saaxiibadiisa, waxaana lagu soo oogay dacwado ay ka mid yihiin been xalaaleyn lacag iyo inuu soo dhoofiyo khaat kana ganacsado.

“ICE waxay weli wadaan inay doonayaan inay masaafuriyaan sababo la xiriira khaatkii lagu qabtay 2008 oo ah caleen aan waxba dhaamin coffee-ga ama tobaakada,” ayuu yiri qareenkiisa Bruning.

Shooli ayaa afar sano xabsi ku qaatay kadib markii 2017-kii lagu helay kiis la xiriira caymis la qiyamaeeyey, waxaana kadib dib usoo noolaaday isku dayga la doonayo ina lagu masaafuriyo.

Masaafurinta dadka Soomaaliyeed ee Mareykanka ayaa sare u kacday xilligii uu madaxweyne ahaa Donald Trump. Sanadkii tegay waxaa la masaafuriyey 47 qof, taasi oo aad uga yar dadkii la masaafuriyey sanadkii ugu dambeeyey madaxtinimada Trump ee 2020 oo ahaa 112.

Daawo: CC Shakuur: Xasan Sheekh laguma taageerin qabiil balse waxaa jiray…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaciyay in uu jiray heshiis hoose oo Midowga Musharaxiinta ay gaareen, si loo taageero Musharaxa tartanka ku hormara, si looga adkaado madaxweynaha xilka kasii dagaya.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Xasan Sheekh ay codadka ugu wareejiyeen heshiiskii ay hore u gaareen darteed, isagoo meesha ka saaray in uu jiro isbaheysi qabiil oo loo taageeray madaxweynaha cusub.

“Heshiiskeena waxa uu ahaa qofkasta oo anaga naga mid ah (Midowga Musharaxiinta) ee tartanka ku hormara in asaga la taageero, sidaas ayaa keentay in Xasan Sheekh Maxamuud la taageero,” ayuu yiri Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

“Wax gooni ah oo cid gooni ah lagu xigsanayo oo qabiil gooni ah lagu xigsanayay ma aheyn. Dadkii tartanka ku jirtay waxaa dhamaanteen ku heshiinay sidaas, marka Xasan Sheekh ayaa ku horeeyay sidaas ayuu ku helay.”

Xasan Sheekh ayaa wareegii u dambeeyay ee ay isku soo hareen Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu taageero balaaran ka helay Saaxiibadiisa Midowga Musharaxiinta, oo uu qeyb ka ahaa madaxweynaha Puntland oo codad badan haystay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee mar labaad ku soo noqday xukunka dalka, wuxuuna xilka kala wareegayaa Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo horay uu xukunka ugu wareejiyey shan sano ka hor, sanadkii 2017-kii.

Madaxweynaha oo war kasoo saaray dabkii Suuqa Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeey Ganacsatada iyo dadkii ku hanti beelay musiibadii kasoo gaartay dabkii Isgoyska Banaadir.

Madaxweynaha ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in dhibka uu la qaybsanayo dadka hantidoodu ku gubatay dabka, kaasi oo baabi’iyay goobo ganacsi oo kala duwan.

Waxa uu xusay in dowladdiisa ay xooaga saareyso wax ka qabashada musiibooyinka ka dhasha dabka, taasi oo uu sheegay inay qeyb ka tahay qorshaha horyaalla dowladda federaalka.

“Waxa aan xannuunka iyo dhibka la Wadaagayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee hantidoodii ku gubatay dabkii xalay ka kacay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho kuna fiday goobaha ganacsi ee u dhow Musiibada dabku waa mid kamid ah Arrimaha nooga wada baahan maareynta, Insha Allaahu xilligeeda iyo xalkeeda waannu gaari doonaa,” ayuu yiri MW Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa lagu guuleystay in la damiyo dab xalay ka kacay suuq ku yaalo isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho. dabka oo kacay abaaro sideedi fiidnimo ayaa soo gaaray ilaa saqdii dhaxe ee xaley.

Cabdiqani dhaloole agaasimaha gurmadka deg dega ah ee gobalka banaadir ayaa sheegay in dabkaan sidoo kale dhaawacyo uu ka soo gaaray qaar ka mid ah shaqaalaha dab-damiska .

“Qaar ka mid ah shaqaalihii ku mashquulsanaa inay dabka damiyaan ayaa dhaawacyo kala duwan oo fudfudud ay soo gaareen waana dhaawac la maareyn karo oo ma aha wax culeys keeni kara”, ayuu yiri Mr Cabdiqani

Suuqa Banaadir ayaa sanadihii ugu dambeeyay sii ballaaranay maadama ganacsata ay goobahooda ganacsi u furanyihiin illaa habeenkii xili dambe halka suuqa Bakaaraha intiisa badan la xiro Maqribka markii la gaaro taas oo keentay in ay helaan macaamiil aad u badan.

Maamulka Gedo oo ka hor-yimid qorshe cusub oo ay damacsan tahay Jubaland

Garbahaarey (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Gedo ayaa si adag uga horyimid in Ciidamada Dowladda laga saaro gobolkaasi, xilli Dowlad Goboleedka Jubbaland ay u ololeynayso, sidii ciidamadaasi dib loogu celin lahaa xeryahooda.

Jubbaland ayaa qorsheynaysa inay gacanteeda dib ugu soo celiso gobolkaasi, ka dib doorashada dalka ka dhacday ee looga adkaaday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo dowladdiisu ay dhowr kun oo askari gaysay gobolkaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo, Axmed Buulle Maxamed (Gareed) ayaa Jubbaland ku gacan-seyray in ciidamada laga saaro gobolkaasi, isagoona hoosta ka xariiqay in weli ay taagan tahay baahidii markii horeba ciidamadaasi loo geeyay gobolka xuduudda ku yaala.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in Madaxweynaha cusub ee Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud uu xog ogaal u yahay xaaladda gobolka, isla-markaana ay wanaag uun ka filayaan dowladdiisa.

“Anaga wanaag uun baan ka fileynaa dowladda cusub, waxaana ka fileynaa wax aad iyo aad u qiimo badan, maxaa yeelay Madaxweyne xog ogaal ah oo laba xilli soo maray baa maanta Madaxweyne ah. Anaga iyo Jubbaland khilaafkii naga dhex jirayna xog ogaal u ah,” ayuu yiri gudoomiyaha.

Waxa kaloo uu yiri “Ciidamada Somaliya goob kasta ayay diyaar u yihiin inay taggaan, ayna difaacaan, sababtoo ah xuduud waxaan la leenahay Itoobiya iyo Kenya, labaduba waxay u baahan yihiin in Dowlad Federaal ah ay joogto meesha, oo ay ka muuqato, goob kastana ciidamada waxay u taagan yihiin la dagaalanka Al Shabaab iyo inay shacabkooda caawiyaan.”

Gudoomiye Gareed ayaa yiri “Shalay caawinta shacabkooda ayay ku yimaadeen, marka xuduudooda la qaadanayay, badoodana la rabay in la qaato, dhulkana dhul Soomaaliyeed weeye, dhul dal kale ah ma’aha, meel kasta ayay taggi karaan.”

Gareed ayaa yiri “Madaxweyne Xasan, shalay wixii ka halaabay looma haysanin, maxaa yeelay nin xilka ku cusub oo afar sano joogay buu ahaa, laakiin maanta waa waaya-arag, wixii ka halaabo caqli xumo ugama halaabin, waaya-aragnimana ugama halaabin, garasho xumana ugama halaabinee waa wuxuu ku tala-galee noqonaysaa.”

Faah-faahin ka soo baxaysa khasaare ka dhashay dabkii Suuqa Banaadir iyo Tuugo soo weerartay (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu guuleystay in la damiyo dab xalay ka kacay suuq ku yaalo isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho. dabka oo kacay abaaro sideedi fiidnimo ayaa soo gaaray ilaa saqdii dhaxe ee xaley.

Goobo ganacsi oo kala duwan ayuu dabkaasi xalay ka kacay suuqa isgoyska Banaadir baabi’iyay .

Cabdiqani dhaloole agaasimaha gurmadka deg dega ah ee gobalka banaadir ayaa sheegay in dabkaan sidoo kale dhaawacyo uu ka soo gaaray qaar ka mid ah shaqaalaha dab-damiska .

“Qaar ka mid ah shaqaalihii ku mashquulsanaa inay dabka damiyaan ayaa dhaawacyo kala duwan oo fudfudud ay soo gaareen waana dhaawac la maareyn karo oo ma aha wax culeys keeni kara”, ayuu yiri Mr Cabdiqani

Xaawo Axmed Yuusuf oo suuqa gubtay ku lahayd Carwo ayaa warbaahinta u sheegtay in hantidii halkaasi u taalay ay wax yar uga badbaaday.

“Wax yar oo aan waxbo ahayn, dhar yar ayaan hadda meel geynay oo uga nimid, waana calalo yaryar oo meeshan hore yaallay gudaha lamaba galin waa bislaatay” ayey Tiri

Ganacasatada ay wax un u badbaadeen ayaa ka walwalsanaa intii uu dabka socday in laga dhaco alaabta maadama xili habeen ah ay ahayd.

Maryan jaamac Aadan waxay usoo gurmaday labo walaalaheed ah oo carwooyin uga gubteen suuqa waxa ay sheegtay in intii uu dabku socday ay tuugo rabtay in ay suuqa boobaan ay soo weerareen.

“Tuugo baangado, mindiyo iyo toorreeyo wadato ayaa nasoo weerartay, dadkii soo gali lahaa xitaa iyaga ayey ka soo gali waayeen, haddii aysan ahayn ciidanka dowladda dadka ayey naga dili lahaayeen” ayey tiri Maryan oo ay murugo ka muuqatay.

Suuqa Banaadir ayaa sanadihii ugu dambeeyay sii ballaaranay maadama ganacsata ay goobahooda ganacsi u furanyihiin illaa habeenkii xili dambe halka suuqa Bakaaraha intiisa badan la xiro Maqribka markii la gaaro taas oo keentay in ay helaan macaamiil aad u badan.

Erdogan oo shuruud adag ku xiray inuu ogolaado in Sweden iyo Finland ku biiraan NATO

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Sweden aysan ka filin Turkey inay ansixiso codsigeeda ku aadan inay ku biirto NATO, ayada oo aan usoo gacan gelin “argagixiso” ku sugan dalkaas.

Erdogan ayaa sidoo kale u sheegay wufuudda Sweden iyo Finland inaysan iman Turkey si ay uga dhaadhiciyaan inuu taageero codsigooda xubinnimo.

Finland iyo Sweden ayaa si rasmi ah u codsaday Arbacadii inay ku biiraan xulufada NATO, go’aankaas oo ay qaateen kadib markii Ruushka uu ku duulay Ukraine.

Ankara ayaa sheegtay in Sweden iyo Finland ay magan-galyo siiyaan shaqsiyaad ay sheegtay inay xiriir la leeyihiin ururo argagixiso iyo kuwa ku xiran Fethullah Gulen oo Turkey ay ku eedeysay inuu abaabulay afgambigii fashilmay ee 2016.

“Waxaan aad dareen ugu leenahay inaan xuduudaheena ka ilaalino weerarada ururada argagixiso,” ayuu Erdogan u sheegay sharci-dejiyayaasha ka tirsan xisbigiisa AKP.

Erdogan wuxuu sheegay in xulufada NATO aysan marnaba Turkey ka taageerin dagaalka ay kula jirto kooxaha mintidiinta Kurdish-ka, oo ay ku jirto kooxda YPG ee Syria oo xiriir dhow la leh kooxda PKK.

“Ballaarinta NATO waxay macno noo sameyneysaa kaliya marka lagu cabiro heerka ixtiraamka loo mujiyo arrimaha aan xasaasiyadda ka qabno,” ayuu yiri.

La-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in ugu dambeyn Sweden iyo Finland ay heli doonaan hanaan “wax ku ool ah” oo ay ugu biiraan NATO. Wuxuu intaas ku daray in walaacyada Turkey “wax laga qaban karo.”

Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu, oo booqasho ku jooga Mareykanka, ayaa sheegay inuu dhiggiisa Mareykanka Antony Blinken oo ay ku kulmeen New York u gudbiyey “walaacyada amni ee dhabta ah” ee Turkey ee ay tahay in wax laga qabto.

Sarkaal ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegay in kulanka uu ahaa “mid togan oo wax ku ool ah.”

Ku biirista NATO ayaa waxaa qasab ah inay ogolaadaan dhammaan 30-ka dal ee xubnaha ka ah xulufada, taasi oo Turkey siineysa awood ay ku hor-istaagto codsiyada Finland iyo Sweden.

REUTERS + VOA

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cabdi Xaashi oo ka wada-hadlay arrin muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa guriga uu ka dagan yahay Muqdisho ku qaabilay guddoomiyaha Gobolka Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo la sheegay inuu madaxweynaha ugu tagay Salaan iyo hambalyo.

Madaxweyne Xasan iyo guddoomiye Cabdixaashi ayaa qaatay kulan saacado badan qaatay, iyagoo ka wada-hadlay sidii si wadajir ah loo dardar gelin lahaa howlaha hortabinta leh ee horyaala dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa uga mahad celiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dadaalkiisa ku aadan dowlad dhisida Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay in uu dadaal geliyo xalinta mushkiladaha xillugaan kajira Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii la doortay 15-kii Bishaan waxaa uu waday kulamo kala duwan si uu u ogolaado waxyaabaha ugu horreeyo ee looga fadhiyo dowladiisa.

Sida qorshaha yahay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa la filayaa inuu 22 Bishaan xilka kala wareego madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana socoto qabanqaabada xafladda xil-wareejinta.

Waxyaabaha ugu horreeyo ee madaxweynaha horyaalo ayaa ah magacaabista Ra’isulwasaaraha cusub ee Xukuumadda Soomaaliya si uu isna usoo magacaabo wasiiro, waxayna shaqada Dowladda madaxweyne Xasan Shiikh ku xirnaan doontaa sida ay u shaqeyso xukuumadda iyo Ra’isulwasaaraha uu magacaabi doono.

Mareykanka oo war kasoo saaray casuumad la sheegay in Biden u fidiyey Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa ka jawaabtay warar labadii maalmood ee u dambeeyey qabsaday baraha bulshada oo sheegayey in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu casuumad rasmi ah usoo diray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud. 

Safaaradda ayaa qoraal kooban oo ay soo dhigay twitter-ka ku sheegtay inay caddeyneyso in waqtigan la joogo aysan jirin casuumad rasmi ah oo ka timid madaxweynaha Mareykanka oo loo soo diray madaxweynaha Soomaaliya si uu u booqdo Washington DC. 

Safaaradda ayaa intaas ku dartay in dowladda Mareykanka ay ka war hayso in madaxweynaha Soomaaliya uu hadda aad ugu mashquulsan yahay dhismahada dowladdiisa cusub. 

Madaxweyne Xasan oo la doortay 15-kii May ayaa waday kulamo siyaasadeed iyo la-tashiyo la xiriira magacaabista ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, welina xilka kalama wareegin madaxweyne Farmaajo oo illaa hadda ku sugan madaxtooyada.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 17-kii bishan May soo dhoweeyey go’aanka madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ku go’aamiyey inuu dib ugu celiyo Soomaaliya dhowr boqol oo ka tirsan ciidamada khaaska ah ee tababarka iyo taageerada siiya ciidanka Soomaaliya.

Fariin lagu qoray barta twitterka madaxtooyada ayaa lagu sheegay in dawladda Soomaaliya ay Maraykanka u aragto waddan iskaashi la isku hallayn karo la leh Soomaaliya, marka ay noqoto baadi-goobka Soomaaliya ugu jirto xasillooni iyo dhinaca la-dagaalanka argagixisada.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa saxiixay amar boqolaal askari oo Mareykan ah dib loogu soo celinayo Soomaaliya, si ay uga hortagaan kooxda Al-Shabaab oo khatar weyn ku ah dowladnimada Soomaaliya.

Saraakiisha militariga Mareykanka ayaa horay u sheegay in la-dagaalankii Al-Shabaab uu wiiqay go’aankii madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu ciidamada Mareykanka uga soo saaray Soomaaliya.

Dab xooggan oo caawa ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dab xooggan ayaa caawa ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla isgoyska Benaadir ee magaalada Muqdisho, ayada oo illaa hadda aan la garaneyn waxa sababay.

Lama yaqaanno khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, hase-ahaatee olol xooggan ayaa cirka isku shareeraray.

Ciidamada amniga, gawaarida gurmadka deg-degga ah iyo dab damiska ayaa gaaray halka uu dabku ka kacay, ayaga oo isku dayaya inay dabka damiyaan.

Dadweyne fara badan ayaa sidoo kale gaaray goobta, hase-ahaatee ciidamada dowladda ayaa cirka u tuuraya risaas si dadka aysan ugu dhowaan halista dabka.

Booliska ayaan weli ka hadlin dabkaan ka ololaya isgoyska Benaadir.

Dabka ka kaca suuqayada ayaa aad ugu badan Muqdisho, ayada oo dhowr mar uu gubteen suuqa weyn ee Bakaaraha iyo suuqyo kale oo yaryar oo ku yaalla magaalada.

VOA

Imaaraadka oo qaaday tallaabo lama filaan ah kadib lacagtii ay fasaxay DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa goordhoweyd shaacisay in Soomaaliya ay ugu deeqday lacag gaareysa $9.5 Milyan, taasi oo ah gargaar bini’aadanimo oo deg deg ah.

Deeqdaan oo amarkeeda uu bixiyay Madaxweynaha cusub ee Imaaraadka Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan ayaa qeyb ka noqon doonta taakulada dadka saameynta weyn ku reebeen abaaruhu, xili ay xaalada abaareed ee dalka ay kasii dareyso.

Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in ujeedadoodu tahay in ay ka qayb qaataan daboolida baahiyaha dadka Soomaaliyeed.

Arrintan ayaa imaneysa saacado kadib markii lacagtii dowladda Imaaraadka Carabta ee dowladda Soomaaliya ay xayirtay bishii April 2018 la fasaxay, ayada oo lagu wareejiyey safiirka dalkaas ee Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu yiri “Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejisay Dowladda Imaaraadka Carabta lacag dhan 9.6 Milyan oo Doollar oo horay looga xayiray.”

Sii-deynta lacagtaas oo dhan $9.6 milyan ee maanta ayaa timid kadib go’aan kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir oo lagu amray in la fasaxo lacagtaas, sida ay ilo-wareedyo ka tirsan Maxkamadda u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Kadib go’aankaas, ayaa ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu lacagta ku wareejiyey safiirka Imaaraadka ee Muqdisho Mohamed Ahmed Al’uthman.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa 7-dii Janaayo 2022 wuxuu dowladda Imaaraadka ka raali galiyay dhacdadii bishii April 2018 ay dowladda Soomaaliya ugala wareegtay lacagtaas oo laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde, wuxuuna amray in la fasaxo.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta u safray dalka Imaaraadka, halkaas oo uu uga qayb-galayo Aaska Madaxweynihii dalkaasi Sheekh Khalifa bin Zayed Al Nahyan ee geeriyooday.

Xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa hoos u dhacay sanadihii u dambeeyey, kadib khilaaf soo kala dhex-galay iyaga dowladddii uu hoggaaminayey Maxamed Cabdullahi Farmaajo hadase wuxuu u muuqdaa inuu isbedal ku yimid kadib doorashada Xasan Sheekh.

Dowladda Imaaraadka ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed ee saameynta ku leh siyaasadda Soomaaliya, waxaana safiir uu ujoogaa magaalada Muqdisho, kaas oo durbo kulan toos ah la yeeshay Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya, una hambalyeeyey.

Daawo: Rooble oo war lama filaan ah kasoo saaray khilaafkii kala dhexeeyey Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta guddoomiyey shirka golaha wasiirada ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka iyo doorashooyinkii soo dhamaaday.

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ugu horreyn lagu ansixiyay Xeer-nidaamiyaha Sharciga Maareynta Maaliyadda, Hindise sharciyeedka kalluumeysiga iyo Siyaasadda maamulka howlaha hay’adaha samafalka islaamiga ah.

Rooble oo ka hadlay shirka ayaa markale u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub, Mudane Xasan Sheekh, wuxuuna ka dalbaday Ummadda Soomaaliyeed inay u duceyso.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa u mahadceliyey Madaxweynaha xilka kasii dagaya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, isaga oo war lama filaan kasoo saaray wada-shaqeyntoodii.

“Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaan rabaa inaan isna halkan uga mahadceliyo sidii sharafta laheyd ee uu dalkan kusoo hoggaamiyey iyo sidii sharafta laheyd ee xil wareejinta iyo qori isku dhiibka u sameeyey,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inay wada-shaqeyn wanaagsan soo dhex-martay, ayna kaliya ku kala aragti duwanaayeen arrimaha doorashooyinkii soo dhammaaday.

“Waxaan maanta shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa wada shaqeyn fiican iyo walaaltinimo waa nasoo dhex-martay bani’aadam ayaa la yahoo ilka iyo carab ayaa dad isugu dhow way is qaniinaan, waana sheegayoo Madaxweynaha aad ayaan iskula shaqeynay, laakiin dhibka Soomaaliya heesta waa sheegay miilkiilaha sow maahin?” ayuu markale  yiri Ra’iisu waasaruhu.

Ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in wixii dhacay laga soo gudbay, isla-markaana uusan waxba u qabin Madaxweynihii hore ee dalka.

“Inaan u mahadceliyo ayaan rabaa si ufishal ahna inaan u dhoho Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo wixii dhacay Cafa Laahu Camaa Salafa, waan wada shaqeynay,”.

R/W ROOBLE oo maanta u baxay safar dibadeed + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta u amba-baxay magaalada Abu Dhabi ee dalka Isu-Taga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu uga qayb-galayo Aaska Madaxweynihii dalkaasi Sheekh Khalifa bin Zayed Al Nahyan ee geeriyooday.

Rooble ayaa kamid ah madaxda kala duwan ee ka qab-galeysa munaasabadda aaska loo sameyneynayo Sheekh Khalifa oo dhowaan xanuun u geeriyooday, isaga oo jiray 73 sano.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale madaxweynaha cusub ee dalkaas Sheikh Maxamed Bin Zayid u gudbin doona hambalyo iyo salaan uu uga wado madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.

Kadib aaska Marxuumka Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulamo la qaadan doona Madaxda ugu sarreysa ee waddanka Imaaraadka Isu-Taga Carabta, oo uu kala hadli doona sii xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale waxaa ra’iisul wasaaraha booqashadan ku wehlinaya qaar ka mid ah golihiisa wasiirada oo iyaguna wada-hadallo la yeelan madax ka tirsan dowladda Imaaraadka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa horey u booqday dalkan, xilligii uu khilaafka kala dhexeeyey Madaxweynaha xilka kasii daya, kadib markii uu raaligelin siiyey xukuumadda Abu Dhabi.

Xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa hoos u dhacay sanadihii u dambeeyey, kadib khilaaf soo kala dhex-galay iyaga dowladddii uu hoggaaminayey Maxamed Cabdullahi Farmaajo hadase wuxuu u muuqdaa inuu isbedal ku yimid kadib doorashada Xasan Sheekh.

Dowladda Imaaraadka ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed ee saameynta ku leh siyaasadda Soomaaliya, waxaana safiir uu ujoogaa magaalada Muqdisho, kaas oo durbo kulan toos ah la yeeshay Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya, una hambalyeeyey.

DF oo si rasmi ah maanta u fasaxday lacagtii laga xayiray IMAARAADKA CARABTA

Muqdisho (Caasimada Online) – Lacagtii dowladda Imaaraadka Carabta ee dowladda Soomaaliya ay xayirtay bishii April 2018 ayaa ugu dambeyn maanta la fasaxay, ayada oo lagu wareejiyey safiirka dalkaas ee Muqdisho, sida ay xaqiijisay Caasimada Online. 

Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu yiri “Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejisay Dowladda Imaaraadka Carabta lacag dhan 9.6 Milyan oo Doollar oo horay looga xayiray.”

Sii-deynta lacagtaas oo dhan $9.6 milyan ee maanta ayaa timid kadib go’aan kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir oo lagu amray in la fasaxo lacagtaas, sida ay ilo-wareedyo ka tirsan Maxkamadda u xaqiijiyeen Caasimada Online. 

Kadib go’aankaas, ayaa ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu lacagta ku wareejiyey safiirka Imaaraadka ee Muqdisho Mohamed Ahmed Al’uthman.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa 7-dii Janaayo 2022 wuxuu dowladda Imaaraadka ka raali galiyay dhacdadii bishii April 2018 ay dowladda Soomaaliya ugala wareegtay lacagtaas oo laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde, wuxuuna amray in la fasaxo.

Isla maalinkaas Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray go’aan ka dhan ah dib u celinta lacagtii dowladda Imaaradka wuxuuna guddoomiyaha Bankiga Dhexe ka dalbaday in uusan ogolaan in go’aanka Rooble sanduuqa dowladda looga bixiyo lacagtaas, isagoo go’aanka lacagta lagu celinayo ku tilmaamay mid hal nin qaatay.

Muranka Rooble iyo Farmaajo ayaa waxaa 30-kii Janaayo soo faro-gelisay Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo saartay amar lagu hakinayo bixinta lacagta Imaaraadka taasi oo hakad gelisay in lagu wareejiyo dowladda Imaaraadka.

Si kastaba, Maxkamadda ayaa hadda u muuqata inay maanta beddeshay go’aankeedii hore, waxayna soo saartay amar cusub oo lagu fasaxay lacagta ugu dambeynna dib loogu celiyey Imaaraadka Carabta.

Golaha Wasiirada Somalia oo ansixiyay xeerar dhowr ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wasiirada oo uu maanta shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa lagu ansixiyay xeer muhiim u ah socod-siinta howlaha dowladda.

Xeer-nidaamiyayaasha lagu ansixiyey shirka Golaha Wasiirada ayaa kala ah: Sharciga Maareynta Maaliyadda, Hindise sharciyeedka kalluumeysiga iyo Siyaasadda maamulka howlaha hay’adaha samafalka islaamiga ah.

Shirka oo ay fadhiyeen inta badan Golaha Wasiirada ayaa waxa uu Ra’iisul Wasaare Rooble ka dhageystay warbixino kala duwan oo la xiriirta shaqadooda, isaga oo ku booriyay dardar-gelintooda.

Sidoo kale Golaha ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud, oo dhawaan xilka kala wareegaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo uu kaga adkaaday doorashadii 15-ka May.

“Madaxweyne Xasan Sheekh marka hore waa u hambalyeynayaa aniga oo ku hadlaya magaca Golaha Wasiirada, Waxaa leeyahay Allaha u fududeeyo howsha culus ee uu qabtay madaxweyne Xasan Sheekh,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlay shirka Golaha Wasiirada.

Ugu dambeyntiina waxa uu Ra’iisul Wasaaraha faray Golaha Wasiirada inay si hufnaan leh u gutaan shaqadooda, ayaga oo dantooda shaqsiga ah ka hormarinaya midda guud, islamarkaana daacada ugu adeegan bulshada Soomaaliyeed.

Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda oo maanta lagu dilay Muqdisho + Magaca

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya toogasho ay koox hubeysan maanta ka geysatay qaybo ka mid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Toogashada oo lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa barqanimadii maanta ka dhacday xaafad ka tirsan degmadaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Laba Xidigle Aadan Cismaan, waxaana lagu dilay agagaarka hoygiisa oo ku yaalla degmada Dharkenley.

Ragga dilka fuliyey oo ku hubeysnaa bistoolado ayaa goobta isaga baxsaday kadib dhacdadaasi, sida ay innoo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale goor dambe gaaray goobta, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada oo ku aadan dilkaasi.

Xaaladda goobta uu dilku ka dhacay ayaa haatan dagan, waxaana falkan uu qayb ka noqoyanaa falalka amaan darri ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Si kastaba, dilkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhinaca kale ciidamada dowladda ay howlgallo ka wadaan degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana ugu dambeeyey Warta Nabadda oo xalay baaritaano xoogan ay ka sameeyeen ciidanka Booliska Soomaaliya.

Sheekh Aadan Madoobe oo loo gudbiyey dalab la xiriira lacagihii musharaxiinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay guddiga gurmadka ee abaaraha, iyaga oo ka wada-hadlay sidii wax looga qaban lahaa abaaraha.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale diiradda lagu soo saaray sidii deg deg gurmad loogu gaarsiin lahaa qoysaska Soomaaliyeed ee ay saameysay abaarta haatan ka jirta dalka.

Xubnaha guddiga ayaa intaasi kadib guddoomiyaha u gudbiyey codsi la xiriira lacagihii faraha badnaa ee laga qaaday musharaxiintii u tartantay xilka Madaxweynaha si qayb ka mid ah loogu deeqo gurmadka, waxna loogu qabto dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Musharaxiinta tartantay oo kor u dhaafeysay 30 qof ayaa mid kasta, waxa uu bixiyey lacag dhan 40 kun oo Dollar Mareykanka, taas oo aheyd mid lagu diiwaan-gelinayey tartamayaasha oo uu ugu dmabeyn ka soo dhex-baxay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhankiisa Sheekh Aadan Madoobe oo ka hadlay kulanka ayaa guddiga u sheegay in sida ugu wanaagsan uu Golaha ula shaqeeyn doono, uuna tixgelin doono dalabkooda.

Guddiga gurmadka abaaraha ayaa haatan wada dadaallo xoogan, waxayna shalay la kulmeeyn Madaxweynaha cusub oo ay kala hadleen xaalada abaaraha ee dalka.

Kulamadan ayaa imaanaya xilli ay haatan dalka ka jirto abaar aad u daran, ayada oo la soo warinayo in gobalada qaar ay dadka u dhinteen biyo la’aan, halka qaarkood ay ka baro-kaceyn deeganadii ay ku sugaanaayeen.

Soomaaliya ayaa waxaa kusoo noq-noqotay abaar baahsan, taas oo loo sababeynay Roobabkii la filayey oo aan di’in iyo dhibaatooyin kale oo is-biirsaday.

Sidee guusha Xasan Sheekh usoo afjartay saameyntii Afwerki ee Geeska Afrika?

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inay soo afjarto awooddii madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ee Geeska Afrika.

Afwerki ayaa 2018-kii wuxuu heshiis saddex geesood ah oo amni la galay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abi Ahmed Ali.

Heshiiskaas oo markii hore xogtiisa la qariyey ayaa waxaa xilli dambe soo baxday in ujeedkiisu ahaa weerarkii lagu qaaday gobolka Tigray ee Ethiopia, halkaasi oo ay maamulaan kooxda cadaawadda kala dhaxeysa Afwerki ee TPLF, si Abiy loogu qabto.

Waxaa sidoo kale ku jiray in Itoobiyaanka iyo Eraitrean-ka ay Farmaajo ka taageeraan inuu qabsado Soomaaliya, hase yeeshee waxaa taas fashiliyey iska caabintii ciidanka Badbaado Qaran iyo guuldarradii uu Abiy kala kulmay Tigray-ga.

Weerarka uu Abiy ku qaaday gobolka, ayaa waxaa sidoo kale la ogaaday inay ku lug lahaayeen qaar ka mid ah ciidamada Soomaaliya ee uu Farmaajo tababarka ugu diray Asmara. 

Omar Mahmood, oo ah khabiirka ururka xasaradaha caalamiga ah ee ICG u qaabilsan Soomaaliya, ayaa sheegay in heshiiskaas uu hadda yahay “mid ka kooban kaliya laba dhinac” marka uu ugu wanaagsan yahay, haddiiba aanu dhiman.

“Inkasta oo Hasan Sheekh uusan dooneyn inuu fogeeyo Eritrea, haddana waxaan ku raacsanahay in Isaias uu lumiyey saaxiib uu ku lahaa Muqdisho,” ayuu yiri Tobias Hagmann oo xiriirka caalamiga ah ka dhiga Jaamacadda Roskilde University ee dalka Denmark.

“Xulufada Eritrea mar walba wa kuwo fursad gaad ah oo cimri gaaban, waxaana Afwerki uu mar horeba billaabay inuu xiriir la yeesho Amxaarada Ethiopia ee dagaalka kula jiray Tigrayga tan iyo bishii November ee 2020,” ayuu yiri Hagmann. 

Guuldarrada Farmaajo ayaa waxaa soo dhoweeyey Kenya oo ay marar badan isku dhaceen maamulkiisa. 

Mehari Taddele Maru, oo ah taxliiliye ka tirsan Jaamacadda European University Institute ee magaalada Florence ee Talyaaniga ayaa u arka doorashada Xasan Sheekh mid “guul weyn u ah Soomaaliya iyo Geeska Afrika” oo xiisad lagu geliyey heshiiska saddex geesoodka.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa Xasan Sheekh ugu hambalyeeyey guushiisa, wuxuuna sheegay inuu xiiseynayo inuu kala shaqeeyo danta labada dal iyo tan gobolka.