28.1 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Mucaaradka oo dowladda Xasan Sheekh ka dalbaday inay degdeg u sii dayso…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka tirsan siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si kulul uga hadlay xarigga iyo xaaladda Sacdiyo Macallin Cali, isagoo dowladda ka dalbaday inay degdeg usii dayso.

Xildhibaanka ayaa sheegay in habka loola dhaqmay Sacdiyo uu dhaawac weyn ku yahay sumcadda dowladnimada iyo hay’adaha sharciga, isaga oo xusay in aanay jirin wax sharci ah oo loo maray xariggeeda, isla markaana aysan jirin dacwad cad oo loo haysto.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale dhaliilay hoggaanka dalka, isagoo ku eedeeyay inay muujinayaan tabar-darro siyaasadeed iyo dulqaad la’aan marka ay timaado aragtiyada ka duwan kuwa dowladda, taas oo uu sheegay inay halis ku tahay dimuqraadiyadda iyo xorriyadda hadalka.

Xildhibaanka ayaa ku baaqay in si degdeg ah xorriyaddeeda loo siiyo Sacdiyo Macallin, isla markaana la dhowro xuquuqda muwaadiniinta, isagoo uga digay bulshada inay ka aamusto waxa uu ku tilmaamay gaboodfallo soo noqnoqday.

Mucaaradka ayaa horey si adag ugu cambaareeyay xarigga Sacdiyo, waxayna haatan dalbanayaan in si degdeg ah loo sii daayo, iyagoo xariggeeda ku tilmaamay mid ka tarjumeysa xadgudub ka dhan ah xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Qoraalka Xildhibaanka ayaa u qornaa sidan:

Codka Sacdiyo Macallin oo iyadoo ilmaynaysa maanta laga wada maqlay Raadiyaha Shabeelle waa ceeb qaran, waa fadeexad ku tiran taliska Madaxweyne Xasan Sheekh, waa sumcaddarro ku dhacday dawladnimada iyo laamaha sharciga.

Waa gabar si awoodsheegasho ah loo afduubtay. Amar maxkmadeed laguma xirin, eed dacwadeedna looma haysto. Waxa keli ah ee lagu beegsaday waa in ay ka hadashay musuqmaasuqa iyo eexda hay’adaha dawladda.

Madaxweyne Xasanow in aad xammili kari waydo codka hal gabar keli ah, waxay caddaynaysaa nugaylka iyo tamar darrida taliskaaga.

Sacadiyo waxay la xuquuq tahay ubadkaaga ka shaqeeya Madaxtooyada dalka. Xuquuqdu ma aha mid lagu saleeyey waalidnimo, iyo ehelnimo waa se mid ku xiran sharci iyo xaqsoor loo siman yahay.

Waxaan cod dheer ugu baaqayaa in si degdeg ah Sacdiyo loo sii daayo, oo xuquuqdeeda loo soo celiyo. Waa gabar si xaq ah duruufta bulshada haysata uga hadashay, mana mudna in la xiro, la bahdilo, lagana ilmaysiiyo.

Dulmiga oo la eegtaa wuxuu la mid yahay kaqaybgal. Gaboodfalka oo dhexdhexaad laga ahaadana kama danbi yara ku lug lahaansho. Waa in aan si wadajir ah uga hortagnaa taliska waqtigiisa dhammaadka yahay ee barakicinta, boobka iyo gaboodfalka xuquuqda muwaadinka caadaystay.

Sidee DF u wajahaysa tallaabada cusub ee Israel u qaaday Somaliland kadib aqoonsiga?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa tallaabooyinka Israa’iil u qaadayso dhanka Somaliland ku tilmaamay xadgudub khatar ah oo ka dhan ah axdiyada caalamiga ah iyo midnimada dalka.

Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyay telefishinka Al Jazeera ayaa xaqiijiyay in dowladda aysan u tanaasuli doonin ilaalinta badqabka dhulkeeda, iyadoo adeegsanaysa cadaadis dublamaasiyadeed iyo taageerada ballaaran ee caalamiga ah ee ay u heshay qadiyadda Soomaaliya.

“Waxaan aaminsanahay in tani ay tahay calaamad cusub oo muujinaysa xadgudubyada ay Israa’iil ku hayso madaxbannaanida Soomaaliya iyo midnimada dhulkeeda,” ayuu yiri wasiirka, wuxuuna intaas ku daray in Soomaaliya ay tahay hal dal oo aan dhulkeeda la taaban karin.

Wasiirka Warfaafinta ayaa xusay in tallaabada Israa’iil loo arko xadgudub cusub oo ay ku sameysay madax-bannaanida Soomaaliya, taas oo si qayaxan ay u diiddan tahay dowladda Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay tallaabooyinka ay dowladda qaadi doonto si ay uga jawaabto go’aankan, wuxuu yiri, “Waxaan ku caddeynay bayaan naga soo baxay saddex maalmood ka hor in ficil kasta oo ku xadgudbaya madaxbannaanida Soomaaliya iyo midnimada dhulkeeda aysan aqbali karin dowladda Soomaaliya.”

Waxa uu intaas sii raaciyay, “Waxaan sidoo kale xaqiijinnay in mudnaanta koowaad ee dowladda ay tahay in arrintan lagula tacaalo marinno dublamaasiyadeed, taas oo dhab ahaantii bilaabatay 26-kii December, markaas oo ahayd taariikhdii ay Israa’iil aqoonsatay Somaliland.”

Wasiirka ayaa muujiyay sida ay dowladda weli ugu kalsoon tahay waddooyinka dublamaasiyadeed, isagoo sheegay in taageero ballaaran laga helay Qaramada Midoobay, dalal badan oo Islaam ah, Midowga Afrika iyo hay’ado kale oo caalami ah.

“Weli waxaan ku kalsoonnahay marinnada dublamaasiyadeed si aan u hubinno in arrintani aysan sii socon. Waxaan horeyba taageero wanaagsan uga helnay daafaha dunida, oo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay, tiro dalal Islaam ah, Ururka Midowga Afrika iyo ururro kale oo caalami ah, kuwaas oo tallaabadan u arka xadgudub ka dhan ah midnimada dhulka Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys Jaamac.

Israel ayaa 15-kii bishan shaacisay inay magacowday safiirkeedii ugu horreeyay ee ay u soo dirto Somaliland, oo dabayaaqadii sanadkii hore ay sheegtay inay aqoonsatay. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israel ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku xaqiijisay in Michael Lotem loo magacaabay danjire aan fadhigiisu aheyn Hargeysa ee u qaabilsan Somaliland (non-resident ambassador).

Lotem ayaa hadda ahaa safiirka arrimaha dhaqaalaha ee qaaradda Afrika ee aan fadhigiisu ahayn qaaradda. Wuxuu hore u soo noqday safiirka Israa’iil ee dalalka Kenya, Asarbayjaan iyo Kasakhistaan.

Somaliland oo aan haysan aqoonsi rasmi ah tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale sanadkii 1991-kii, ayaa u dhaqanta sidii maamul dhab ahaan u madax-bannaan oo leh nidaam maamul, mid siyaasadeed iyo mid amni.

Inkastoo dowladda dhexe ee Soomaaliya aysan awood u lahayn inay si buuxda u maamusho gobolkaas, haddana arrimaheeda waxaa wax laga weydiiya Muqdisho, iyadoo hoggaanka Somaliland-na ay ilaa iyo hadda ku guuldareysteen inay helaan aqoonsi caalami ah oo buuxa.

Si kastaba, xukuumadda Soomaaliya ayaa gabi ahaanba diiddan inay Somaliland u aqoonsato dowlad madax-bannaan, waxayna u aragtaa qeyb muhiim ah oo ka mid ah dhulweynaha Jamhuuriyadda.

Sawirro: Xasan Sheekh oo dhoolatus siyaasadeed ka sameeyay Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka guddiga fulinta, isagoo diray farriin siyaasadeed oo culus.

Shirka ayaa marka hore diiradda lagu saaray dardargelinta hawlaha doorashooyinka dowlad-goboleedyada, gaar ahaan kuwa isku sidkan ee golayaasha deegaanka iyo golayaasha wakiillada.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay kaalinta muuqata ee guddiga fulinta ay ka qaateen hirgelinta qorshayaasha istaraatiijiyadeed ee ururka, isagoo ku dhiirrigeliyay in la sii laba jibbaaaro dadaallada lagu xaqiijinayo hannaan doorasho oo daahfuran, isla markaana ku saleysan mabda’a qof iyo cod.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in laga gudbo siyaasadda qofeysan, isagoo xusay in siyaasi kasta uu ku kalsoonaado codka shacabka iyo go’aankooda.

“Waxaan mar kale adkeynayaa in laga gudbo siyaasadda qofeysan. Muwaadin kasta oo leh han siyaasadeedna waa inuu ku kalsoonaado codka iyo go’aan dadweyne,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha oo la kulmay hawl-wadeenada xarunta dhexe iyo xarunta gobolka Banaadir ayaa sidoo kale u ballan-qaaday xubnaha ururka ee daneynaya tartanka doorasho hoosaadka in si caddaalad iyo hufnaan leh loogu kala saari doono nidaamka danabeysan (online) ee ururka, si loo xaqiijiyo sinaan ka dhex dhalata dhammaan musharraxiinta.

Ugu dambeyntiina, kulanka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda wada shaqeynta, isku duubnida iyo dardargelinta howlaha hortabinta u leh Ururka, si loo gaaro guul siyaasadeed oo waarta.

Sanbaloolshe oo ka soo muuqday safka mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Nabad-sugidda Qaranka, Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo horay uga mid ahaa saaxibada aadka ugu dhow ee madxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kasoo muuqday safka mucaaradka, isaga oo ka qayb-galay kulan ay la yeesheen odayaasha dhaqanka Hawiye oo looga hadlay xaaladda dalka.

Sanbaloolshe ayaa ka baxay garabka madaxweynaha, isaga oo toos ugu biiray mucaaradka kasoo horjeedo qorshaha Villa Soomaaliya.

Mucaaradka ayaa maanta shirkooda kaga dhawaaqay ‘Badbaado Qaran’ iyaga oo shacabka ugu baaqay inay qaataan kaalintooda, qaybna ka noqdaan abaabulka socda, sida uu shaaciyay Ra’iisul wasaare hore Maxamed Xuseen Rooble.

“Waxaan isla garanay in hadda wixii ka dambeeyo uu dalka u baahan yahay badbaado qaran oo Soomaali oo dhan ay ka qayb-qaadato. Madaxweynaha kor iyo hoos waa ula hadalnay ehelnimo iyo asaxaabtinimo si kasta wax waan ugu sheegnay inuu talada dalka dhexda soo dhigo laakin hadda dalka Soomaaliya wuxuu qarka u saaran yahay inuu kala tego”. ayuu yiri Rooble.

Horay Sanbaloolshe oo qoraallo kala duwan usoo saaray ayaa dhaleeceeyay dowladdii uu ka tirsanaa, isaga oo walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee sii cakirmeysa ee dalka, maadaama ay sii kordhayaan khilaafaadka taagan.

Sidoo kale wuxuu xilligaas digniin kasoo saaray jihada uu dalka aaday, wuxuuna oo tilmaamay in sida ay wax ku socdaan aysan sax aheyn.

“Xaaladda siyaasadeed ee dalka, sida lagu wado sax ma ahan, haddii aan wax laga beddelin dad horay iskula socday kuma sii wada socon karaan sidaan”. ayuu qoraalkiisa ku yiri Mudane Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Soomaaliya ay wajaheyso xaalad hubanti la’aan ah, isla markaana weli la’isku fahmi la’yahay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurkii 2012-kii.

Maalmihii dambe mucaaradka ayaa Muqdisho ka waday dhaq-dhaqaaq culus oo siyaasadeed, loogana soo horjeedo qorshaha dowladda ee la xiriira muddo kororsiga, si dalka loo gaarsiiyo doorashooyin toos ah oo qof iyo cod ah.

Daawo: Mucaaradka oo ku dhawaaqay ‘Badbaado Qaran’ kadib kulankii Hawiye

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa maanta kulan xasaasi ah la yeeshay odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye, iyaga oo kadib ku dhawaaqay go’aan xasaasi ah, gaar ahaan dhisida koox ‘Badbaado Qaran ah’.

Kulanka oo ka dhacay guriga madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa mucaaradka waxay odayaasha kula wadaageen xaaladda adag ee uu dalku marayo, maadaama uu dhammaaday muddo xileedka Baarlamaanka, kadibna uu ku xigo madaxweyne Xasan Sheekh, sida uu shaaca ka qaaday Ra’iisul wasaare hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble.

“Ujeedada kulamadan waxaa weeyey inaan shacabka Soomaaliyeed u sheegno xaaladda uu dalka ku sugan yahay marxaladihii kala duwanaa ee aan lasoo marnay madaxweyne Xasan Sheekh iyo halka ay kusoo dhammaadeen shirarkii aan lasoo galnay,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Waxaan la wadaagnay xaaladda uu dalka ku jiro iyo marxaladda kala guurka ah sidaad la socotaan muddo xileedkii Baarlamaanka wuu dhammaaday mida madaxweynahana waa 15-ka May oo maanta ka dhiman tahay 20 maalmood dalka Soomaaliyana uu galayo xaalad mugdi ah”.

Dhanka kale, wuxuu ku dhawaaqay ‘Badbaado Qaran’ isaga oo shacabka ugu baaqay inay qaataan kaalintooda, qaybna ka noqdaan abaabulka socda.

“Waxaan isla garanay in hadda wixii ka dambeeyo uu dalka u baahan yahay badbaado qaran oo Soomaali oo dhan ay ka qayb-qaadato. Madaxweynaha kor iyo hoos waa ula hadalnay ehelnimo iyo asaxaabtinimo si kasta wax waan ugu sheegnay inuu talada dalka dhexda soo dhigo laakin hadda dalka Soomaaliya wuxuu qarka u saaran yahay inuu kala tego”. ayuu mar kale yiri Rooble.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Soomaaliya ay wajaheyso xaalad hubanti la’aan ah, isla markaana weli la’isku fahmi la’yahay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurkii 2012-kii.

Maalmihii dambe mucaaradka ayaa Muqdisho ka waday dhaq-dhaqaaq culus oo siyaasadeed, loogana soo horjeedo qorshaha dowladda ee la xiriira muddo kororsiga, si dalka loo gaarsiiyo doorashooyin toos ah oo qof iyo cod ah.

Qatar oo dib uga fiirsaneysa xulufada Mareykanka kadib markii si aysan fileyn loogu…

Doxa (Caasimada Online) — Dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan ayaa dowladda Qatar ku qasbay inay dib u eegis xanuun badan ku sameyso siyaasaddeeda arrimaha dibadda iyo isku-halleyntii muddada dheer ay ku qabtay dammaanad-qaadka amni ee Washington, sida lagu sheegay falanqeyn uu daabacay wargeyska The New York Times.

In kasta oo ay tobanaan sano wadday diblomaasiyad taxaddar leh — iyadoo martigelisay saldhigga milateri ee ugu weyn Mareykanka ee Bariga Dhexe, dhanka kalena xiriir wanaagsan la lahayd xukuumadda Tehran — Doxa ma awoodin inay baajiso colaadda ama ay ka gaashaamato in dhulkeeda lala beegsado in ka badan 700 oo ah gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ee Iiraan.

Duqeymahan isdaba-joogga ah, oo lala beegsaday dalalka Khaliijka ee martigeliya ciidamada Mareykanka, ayaa jasiiraddan qaniga ku ah kheyraadka geliyay xaalad “naxdin istaraatiijiyadeed” ah.

Sida uu qoray wargeyska The New York Times, xasaraddan ayaa bannaanka soo dhigtay xaqiiqo qaraar oo hortaalla qoyska maamula Qatar ee Al Thani: boqortooyooyinka Khaliijku waxay saameyn aad uga yar ku leeyihiin go’aannada milateri ee Washington marka loo eego dowladda Israa’iil.

In kasta oo xabbad-joojin jilicsan ay dhaqan-gashay 7-dii Abriil, haddana dhaawaca juquraafi-siyaasadeed ayaa weli taagan. Qatar iyo xulafadeeda Khaliijka, oo ku dhex xanniban dalkii ugu weynaa ee dammaanad-qaadayay amnigooda iyo waddan deris ah oo si weyn u hubeysan, ayaa hadda si degdeg ah dib uga fekeraya istaraatiijiyadahooda ku aaddan badbaadada.

Isku-dheellitir fashilmay

Muddo sanado ah, Qatar waxay siyaasaddeeda arrimaha dibadda ku dhistay isku-dheellitir xasaasi ah oo ku dhisan dan dhab ah. Maadaama Qatar ay Iiraan la wadaagto keydka gaaska dabiiciga ah ee ugu weyn adduunka — ee loo yaqaano North Field/South Pars — Doxa waxay u aragtay in wada-hadal furan oo ay la yeelato Tehran uu yahay arrin lagama maarmaan u ah jiritaankeeda dhaqaale.

Isla markaasna, waxay ka shaqeysay sidii ay Washington uga dhigan lahayd mid aan laga maarmi karin. Qatar waxay martigelisaa Saldhigga Cirka ee Al Udeid, oo ah xarunta hore ee Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM), waxayna inta badan door muhiim ah ka ciyaartaa dhexdhexaadinta reer Galbeedka iyo jilayaasha adag ee gobolka, sida Ruushka iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas.

Balse markii ay colaaddu qaraxday, diblomaasiyaddaas si taxaddarka leh loo cabbiray ayaa gabi ahaanba fashilantay. Duqeymaha Iiraan ayaa si toos ah u beegsaday kaabayaasha la xiriira Mareykanka, taas oo isbahaysiga Qatar iyo Mareykanka u beddeshay culeys weyn oo dhanka gudaha ah.

“Waxaa jiray aragti ah in tallaabo intaas la’eg oo gobolka laga qaado, sida in dagaal lala galo Iiraan, ay ugu yaraan ku imaan doonto wada-tashi lala yeesho dalalka Khaliijka,” ayuu yiri Rashiid Al-Mohanadi, oo ah madaxweyne ku-xigeenka Xarunta Cilmi-baarista Siyaasadda Caalamiga ah ee fadhigeedu yahay Doxa.

“Waxaan u maleynaynay inaan Mareykanka la leenahay xiriir shaqo oo ka wanaagsan sidan,” ayuu yiri, isagoo raaciyay in “heerka gardarrada Iiraan ay ku beegsatay caasimadaheena, magaalooyinkeena iyo kaabayaasheena dhaqaale uu ahaa mid faraha ka baxay.”

Xaddidaadda awoodda saameynta

Garashada Qatar ee nuglaanteeda istaraatiijiyadeed ayaa si gaar ah u qaraar marka la eego hantida baaxadda leh iyo dadaalka siyaasadeed ee ay ku bixisay soo jiidashada hoggaanka Mareykanka, gaar ahaan Madaxweyne Donald Trump.

Sanadihii la soo dhaafay, xukuumadda Qatar ayaa si firfircoon u raadisay inay xiriir shakhsiyeed la yeelato Trump. Doxa ayaa ugu deeqday diyaarad nooca Boeing 747 ah, halka shirkad guryaha iyo dhulka ah oo dowladda Qatar leedahay ay saxiixday heshiis macaash badan oo dalkaas looga dhisayo garoonka ciyaarta golf-ka oo wata magaca Trump.

Intii lagu jiray booqasho uu Doxa ku yimid bishii May ee la soo dhaafay, Aqalka Cad ayaa ku dhawaaqay in Trump uu saxiixay heshiis lagu abuurayo isdhaafsi dhaqaale oo “qiimihiisu yahay ugu yaraan $1.2 tiriliyan oo doolar.”

In kasta oo maalgashigaas ballaaran uu jiro, isbahaysiga Mareykanka iyo Israa’iil ayaa gabi ahaanba gees u riixay Qatar markii ay bilaabayeen ololahooda milateri.

“Tani waa dhacdo indhaha u furtay dalalka Khaliijka,” ayay tiri Sinem Cengiz, oo ah cilmi-baare ka tirsan Xarunta Cilmi-baarista Khaliijka ee Jaamacadda Qatar. “Waxaa jiri doona dib-u-feker aad iyo aad u weyn.”

Dina Esfandiary, oo ah madaxa dhaqaalaha juquraafiga Bariga Dhexe ee hay’adda Bloomberg Economics, ayaa sheegtay in wada-tashi la’aantu ay ahayd mid si arxan-darro ah uga soo toosisay madaxda Khaliijka hurdada, kuwaas oo aaminsanaa inay si guul leh u iibsadeen saameynta Washington.

“Waxay sidoo kale u ahayd dharbaaxo weyn inay u maleeyaan inay awooddan saameynta leeyihiin, gaar ahaan maamulka Trump, balse ay si cad u noqotay mid ka hooseysa awoodda Israa’iil,” ayay tiri Esfandiary.

Burbur dhaqaale

Dhaawaca gaaray sharaftii diblomaasiyadeed ma aha ujeeddada keliya ee horseedaysa isbeddelkan istaraatiijiyadeed. Burbur dhaqaale oo ba’an ayaa isna riixaya in dib u qiimeyn la sameeyo. Duqeynta Iiraan ayaa ku qasabtay shirkadda weyn ee dowladda leedahay ee QatarEnergy inay gabi ahaanba hakiso wax-soo-saarkeedii gaaska dareeraha ah (LNG), kaas oo caadi ahaan ka dhigan shan-meelood meel ka mid ah saadka caalamka.

Duqeymaha ayaa si toos ah u beegsaday xarunta ugu weyn ee sifeynta gaaska ee Ras Laffan, halka dagaallada ka dhacay nawaaxiga Marinka Hormuz ay xannibeen maraakiibta wax dhoofisa ee Qatar.

Wasiirka Tamarta ee Qatar, Sacad al-Kacbi, ayaa ku qiyaasay in dayactirku uu qaadan karo muddo shan sano ah, burburkaasna uu tirtiri doono ku dhawaad $20 bilyan oo doolar oo dakhli ah sanadkan oo keliya — taas oo u dhiganta 37 boqolkiiba dakhliga sanadlaha ah ee dowladda u qorsheysnaa.

“Tani waxay gobolka oo dhan dib u celisay 10 ilaa 20 sano,” ayuu Al-Kacbi u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters wax yar kaddib markii ay duqeymuhu dhaceen.

Ku xannibnaanta isbahaysi

Iyadoo Doxa ay qiimeynayso burburka, waxay wajahaysaa xaqiiqo juquraafi-siyaasadeed oo aad u adag: in kasta oo xiriirka Mareykanka iyo Qatar laga dhex arkay daldaloolo waaweyn, haddana dalku ma haysto waddo kale oo degdeg ah oo uu uga maarmo.

Si ka duwan quwadaha waaweyn ee caalamka, jasiiraddan yar — oo muwaadiniinteedu ay ka yar yihiin 400,000 oo qof — iskama difaaci karto dalalka awoodda weyn ee gobolka iyadoo aan gacan shisheeye helin.

Xitaa iyadoo dib u eegis ku sameyneysa xiriirkeeda Washington, Qatar ayaa weli si aasaasi ah ugu tiirsan dalladda milateri ee Mareykanka. “Iyagu waa kuwo ku tiirsan uun, mana jiraan wax badan oo ay sameyn karaan,” ayay Esfandiary u sheegtay The New York Times.

In kasta oo sanduuqa hantida qaran ee baaxadda leh ee Qatar uu gacan ka geysan doono inuu yareeyo naxdinta maaliyadeed ee degdegga ah, rajadii mustaqbalka fog ee nidaamkeeda ganacsi ee ku dhisnaa “hooyga nabadda” ayaa si weyn loo ruxay.

Farouk Soussa, oo ah dhaqaaleyahan ku takhasusay Bariga Dhexe kana tirsan bankiga Goldman Sachs, ayaa wargeyska u sheegay in kasta oo dalku leeyahay awood dhaqaale oo baaxad leh, arrimo ka baxsan awooddiisa ayaa si weyn u qaabeyn doona jihadiisa mustaqbalka.

“Waxay ku xirnaan doontaa qaabka uu noqon doono nidaamka gobolka ee dagaalka kaddib,” ayuu ka digay Soussa.

“Wasiir ama xildhibaan mid dooro”- Dastuurka cusub oo saameeyay wasiirada DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka oo bayaan culus soo saaray ayaa ku dhawaaqay in maanta wixii ka dambeeyo uu dhaqan-gal yahay dastuurka cusub, iyadoo arrintan ay saameyneyso wasiiradda ku jira Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga oo 4 qodob soo saaray ayaa caddeeyay in hadda kadib xilalka la magacaabayo lagu saleynayo dastuurka cusub, iyadoo dhanka kale xubnaha isku ah wasiirrada iyo xildhibaannada la faray inay hal dhinac raacaan, maadaama dastuurka la ansixiyay uu dhigayo in xildhibaanku noqon karin wasiir.

“Xubnaha Golaha Wasiirrada ee ka midka ah labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ama Goleyaasha Wakiillada Dawlad Goboleedyada waa in ay banneeyaan xilka muddada ku xusan Qodobka 191aad, Faqradda 2aad si waafaqsan Qodobka 81aad, Faqradda 1aad, xarafka (f) iyo Qodobka 117aad, Faqradda 3aad, xarafka (a) ee Dastuurka. Sidoo kale, xilkii danbe oo la magacaabayo waa in loo raacaa habraaca ku xusan Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga.

Waxaa kale oo bayaanka intaas kusii darayaa “Tallaabo ama arrin kasta oo kasoo horjeeda Dastuurka waxa ay noqonaysaa waxba kama jiraan, waxaana waajib dastuuri ah noqonaysa in la saxo oo laga dhigo mid sharci ah”.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammaystiran;-

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (GMDHD) Avv. Burhaan Aadan Cumar, asagoo tixraacaya waajibaadka dastuuriga ah ee Guddiga ee ku xusan Cutubka 15aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (2026), wuxuu la wadaagayaa hay’adaha dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed arrimaha soo socda:

(1) Tallaabo maamul kasta, magacaabis kasta iyo dhaar kasta oo ay fulinayso hay’ad dawladeed waa in loo raacaa axkaamta ku xusan Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Tallaabo ama arrin kasta oo kasoo horjeeda Dastuurka waxa ay noqonaysaa waxba kama jiraan, waxaana waajib dastuuri ah noqonaysa in la saxo oo laga dhigo mid sharci ah.

(2) Xubnaha Golaha Wasiirrada ee ka midka ah labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ama Goleyaasha Wakiillada Dawlad Goboleedyada waa in ay banneeyaan xilka muddada ku xusan Qodobka 191aad, Faqradda 2aad si waafaqsan Qodobka 81aad, Faqradda 1aad, xarafka (f) iyo Qodobka 117aad, Faqradda 3aad, xarafka (a) ee Dastuurka. Sidoo kale, xilkii danbe oo la magacaabayo waa in loo raacaa habraaca ku xusan Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

(3) Guddigu wuxuu soo saarayaa khariidad cad oo la xiriiirta kalaguurka iyo dhaqangelinta Dastuurka, wuxuu sidoo kale soo saari doona qorshaha wacyigelinta Dastuurka.

(4) Guddigu wuxuu ku dadaalayaa in muwaaaddin kasta uu helo nuqul ka mid ah Dastuuurka sida ugu sahlanna lagu gaarsiiyo dhammaan muwaadiniinta.

DF oo shaacisay quwado iyo dowladda ka hor-tagi doona tallaabada Israa’iil

Antalya (Caasimada Online) — Dowladda Soomaaliya ayaa ka digtay in aqoonsiga ay Israa’iil siisay maamulka Somaliland uu hurin karo xasillooni-darro horleh oo ka dillaacda Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas, islamarkaana faragelinta Israa’iil ay halis u tahay inay soo jiidato quwado kale oo iska soo horjeeda, xitaa ay abuuri karto kooxo hubeysan oo cusub.

Isagoo ka hadlayay Madasha Diblomaasiyadda ee Antalya (Antalya Diplomacy Forum), Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay in saameynta arrintan aysan ku ekaan doonin oo keliya khilaafka dhuleed ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, balse ay ku fidi karto gobolka ballaaran, xilli ay markii horeba taagneyd xiisad juquraafi-siyaasadeed oo aad u sarraysa.

“Meel kasta oo ay Israa’iil ku lug yeelato, waxaan aragnaa jilayaal kale oo soo faragelinaya si ay uga horyimaadaan,” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad. Wuxuu intaas ku daray: “Iyadoo ay geeddi-socodkan ku lug leeyihiin kooxo jabhado ah iyo Israa’iil, waxaan filayaa in gobolkani uu noqon karo masrax ay ka curtaan colaado cusub.”

Sarkaalkan ayaa si cad u yiri: “Waa arrin laga xumaado, balse waxaa dhici karta inaan dhowaan aragno kooxo hubeysan oo cusub oo ka abuurma koonfurta Jasiiradda Carabta.”

Digniintan ayaa timid xilli Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu isna madashan uga faa’iideystay inuu kaga hadlo aqoonsiga ay Israa’iil siisay gooni-isu-taagga Somaliland. Wuxuu tallaabadan ku tilmaamay mid halis ku ah madax-bannaanida Soomaaliya, balse wuxuu xusay in jawaabta beesha caalamku ay si weyn u garab istaagtay dowladda Muqdisho.

“Adduunka oo dhan wuxuu muujiyay inuu garab taagan yahay Soomaaliya, waxayna si cod dheer u sheegeen in arrintani aysan dhici doonin inkastoo Israa’iil ay dalbanayso,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan. “In dalal badan ay isugu yimaadaan si ay tallaabooyinkaas uga horyimaadaan, una yiraahdaan ‘joojiya’, waa arrin aad iyo aad u muhiim ah.”

Wasiir Cali Balcad ayaa xusay in Geeska Afrika uu markii horeba u nuglaa colaado sababo la xiriira xiisado salka ku haya qaab-dhismeedka oo aan xal loo helin, oo ay ku jiraan xudduudihii laga dhaxlay xilligii gumeysiga.

Wuxuu ka digay in qalalaasaha ka socda Bariga Dhexe uu si weyn ugu soo fidayo gobolka. Wuxuu raaciyay in dagaalka ay Iiraan qaybta ka tahay iyo loollanka ballaaran ee gobolka ay cawaaqib toos ah ku leeyihiin Geeska Afrika, maadaama uu aad ugu dhow yahay Jasiiradda Carabta, isla markaana uu sii kordhayo tartanka quwadaha shisheeye ay ugu jiraan gacan-ku-heynta marinnada muhiimka ah ee isku-socodka badda.

Iyadoo xaaladdaas lagu jiro, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wasiir Cali Balcad ayaa labaduba bogaadiyay doorka dowladda Turkiga ee dhexdhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya, iyagoo diblomaasiyadda Ankara ku tilmaamay tusaale cad oo muujinaya sida quwadaha shisheeye ay gacan uga geysan karaan qaboojinta xiisadaha, beddelkii ay hurin lahaayeen.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uu “si wanaagsan u socdo” tan iyo markii la saxiixay Baaqii Ankara ee 2024-kii (Ankara Declaration), kaas oo yimid kaddib dhexdhexaadin uu Turkigu hormuud ka ahaa xilli uu xumaaday xiriirka labada dal ee deriska ah. Wuxuu sidoo kale ammaanay hoggaaminta Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan intii ay socdeen wada-xaajoodyadu.

Wasiir Cali Balcad ayaa dhankiisa tilmaamay in qaab-dhaqanka Turkiga uu ahaa mid gaar ah, maadaama xukuumadda Ankara ay dooratay in aysan si cad ula safan Muqdisho inkastoo ay xiriir dhow la leedahay Soomaaliya, beddelkeedna ay is-muujisay inay tahay dhexdhexaadiye daacad ah.

Wuxuu sheegay in dhex-dhexaadnimadaas ay xoojisay kalsoonidii lagu qabay Turkiga, ayna gacan ka geysatay in la abuuro jawi wada-hadal oo ka curtay gobol ay inta badan quwadaha isku hayaa ay taageeraan dhinacyo iska soo horjeeda.

Maxamed Cabdi Waare, oo ah Ku-xigeenka Xoghayaha Fulinta ee Urur-Goboleedka IGAD, ayaa isna bogaadiyay tallaabadaas. “Bilowgii, waxaa la filayay in Turkigu uu la safto Soomaaliya kana horyimaado Itoobiya,” ayuu yiri Waare. “Balse Turkigu wuxuu qaatay go’aan xikmad leh isagoo noqday dhex-dhexaadiye madax-bannaan, sababtoo ah xiriir wanaagsan ayuu la leeyahay labada dhinacba.”

“Isku-dheellitirkaas wuxuu ahaa mid xasaasi ah, Turkiguna wuu ku guuleystay,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

Dukumintiyo muhiim ah iyo hub ay leeyihiin Shabaab oo la qabtay + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa la dagaallanka argagixisada ayaa howlgal guuleystay ka fuliyay deegaanka Jambaluul ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu soo qabtay dukumintiyo muhiim ah iyo hub ay leeyihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab, isla markaana ay ku qaadi jireen lacago baad ah.

Howlgalkan oo daba socday xog sirdoon oo la helay ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-qaadatay laanta baarista dambiyada ee C.I.D, waxaa sidoo kale lagu dilay horjooge ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta, halka laba kalena lagu dhaawacay.

Horjoogaha la dilay oo lagu magacaabo Zakariye ayaa mas’uul ka ahaa jarista boonooyinka lagu qaado lacagaha baadda ah ee kooxda, halka labada dhaawacay lagu kala magacaaabo Xasan Cabdiraxmaan oo Khawaariijta u qaabilsanaa deegaanka Jambaluul iyo horjooge kale oo lagu magacaabo Geele.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Booliska Soomaaliyeed;-

Taliska La-dagaalanka Argagixisada ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ka duulaya xogo sirdoon ayaa hawlgal loogu magac daray WAABARI ka fuliyay deegaanka Jambaluul ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qeybta Baarista Dembiya ee CID ayaa qeyb ka aheyd Howlgalkaan guleeystay oo dhacay Taariikhda marka aheyd 18-04-2026, abaaro 9:00 subaxnimo, Ciidanka Gaarka ah ee La-dagaalanka Argagixisada, ayaa burburiyey bar kontorool iyo xarun ay kooxaha Khawaariijta ah uga qaadi jireen lacagaha baadda ah dadka rayidka ah ee isticmaala waddada deegaanka Jambaluul.

Intii uu socday howlgalka, ciidamada ayaa khaarijiyey horjooge lagu magacaabo Zakariye, oo masuul ka ahaa jarista boonooyinka lagu qaado lacagaha baadda ah.

Sidoo kale, waxaa howlgalkaas lagu dhaawacay laba horjooge oo lagu kala magacaabo Xasan Cabdiraxmaan oo Khawaariijta u qaabilsanaa deegaanka Jambaluul iyo horjooge kale oo lagu magacaabo Geele.

Ciidamada ayaa sidoo kale goobta ka soo qaaday boonooyinkii lagu qaadi jiray baadda, hub iyo mooto uu lahaa horjoogihii la khaarijiyey.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Taliska La-dagaalanka Argagixisada, ay kaga jawaabayaan cabashooyinka bulshada ee ku aaddan baadda sharci-darrada ah ee ay kooxaha Khawaariijta ka qaadaan dadka rayidka ah.

Dalalka Yurub oo billaabay qorshe beddel u ah NATO xilli la filayo in Trump uu ka…

Brussels (Caasimada Online) – Dalalka qaaradda Yurub ayaa si hoose u wada qorshe kayd ah oo ay ku maamulayaan qaab-dhismeedka milateri ee gaashaanbuurta NATO iyadoo aan lagu tiirsanayn Mareykanka, arrintaas oo ay ka dambeysay cabsi sii kordhaysa oo laga qabo in Madaxweyne Donald Trump uu gabi ahaanba isaga baxo isbaheysigaas.

Istaraatiijiyaddan heeganka ah, oo si dadban loogu bixiyay “NATO-da Yurub” (European NATO), ayaa ujeeddadeedu tahay in saraakiil u dhalatay qaaradda Yurub la geeyo xilalka xasaasiga ah ee taliska iyo hagidda, isla markaana awoodda iyo tayada milateri ee dalalka qaaraddu ay buuxiso kaalintii hantida milateri ee Mareykanka.

Mas’uuliyiinta qaybta ka ah qorshahan ayaa xaqiijiyay in ujeedku uusan ahayn in lala tartamo isbaheysiga hadda jira, balse la doonayo in la dhowro sii-socoshada hawlgallada, kalsoonida awoodda nukliyeerka, iyo is-horteegga dalka Ruushka, haddii xukuumadda Washington ay la baxdo ciidamadeeda ama ay diiddo inay difaacdo xulafadeeda.

Qorshahan ayaa dardar xooggan yeeshay kaddib markii isbeddel taariikhi ah uu ku yimid siyaasadda xukuumadda Berlin, taas oo muddo dheer ka soo horjeedday in Yurub ay kaligeed isku tashato dhanka amniga, doorbidaysayna dammaanad-qaadka Mareykanka.

Hoggaamiyaha Jarmalka, Friedrich Merz, ayaa beddelay mowqifkii soo jireenka ahaa ee dalkiisa kaddib markii uu soo gebagebeeyay in Trump uu diyaar u yahay inuu meesha ka saaro taageeradii Ukraine, isla markaana ay jabtay isku-halleyntii Mareykanka, sida ay xaqiijiyeen dad xog-ogaal u ah aragtidiisa.

Qaadashada mas’uuliyad dheeraad ah

Deddejinta qorshayaashan degdegga ah ayaa aad u xoogeystay kaddib markii Trump uu ku hanjabay inuu isaga baxayo isbaheysiga, sababo la xiriira in Yurub ay diidday inay taageerto ololihiisa milateri ee Iiraan. Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale dhowaan xulafadiisa Yurub ku sifeeyay “fuleyaal”, isagoo NATO ku tilmaamay “shabeel waraaq ka sameysan” oo aan awood dhab ah lahayn.

“Farriinta aasaasiga ah ee aan u dirayno saaxiibadeena Mareykanka ayaa ah in tobanaan sano kaddib, la joogo waqtigii Yurub ay dhabarka saaran lahayd mas’uuliyad ka weyn tii hore oo ku aaddan amnigeeda iyo difaaceeda,” ayuu yiri Madaxweynaha Finland, Alexander Stubb, oo ka mid ah madaxda hormuudka ka ah qorshahan.

Jiheynta cusub ee Jarmalka ayaa horseedday is-afgarad ballaaran oo dhex maray isbaheysi is-xilqaamay oo ay ku jiraan Faransiiska, Ingiriiska, Poland, Canada, iyo dalalka Waqooyiga Yurub (Nordic).

Wasiirka Difaaca Jarmalka, Boris Pistorius, ayaa qiray in in kasta oo wada-hadallada gudaha NATO aysan mar walba fududayn, haddana isbaheysigu uu yahay inuu la jaanqaado waqtiga si uu u badbaado.

“Waa inaanu annagu reer Yurub ahaan qaadannaa mas’uuliyad dheeraad ah oo ku aaddan difaacayaga, waana sameyneynaa arrintaas,” ayuu yiri Pistorius. “NATO waa inay noqotaa mid Yurub u janjeerta si ay u sii ahaato mid isku xirta labada dhinac ee Badweynta Atlantic-ga.”

Buuxinta daldaloolada awoodeed

U-gudbida is-afgarad siyaasadeed iyo qorsheyn milateri oo ficil ah ayaa wadata caqabado aad u waaweyn. Dhammaan qaab-dhismeedka saadka ee NATO, hay’adaha sirdoonka, iyo taliska sare ee milateriga ayaa si adag loogu dhisay hoggaaminta iyo awoodda Mareykanka.

Si loo buuxiyo firaaqa iman doona, madaxda Yurub ayaa riixaya in la dardargeliyo wax-soo-saarka qalabka milateri ee muhiimka ah, gaar ahaan meelaha ay Yurub aadka uga dambeyso Mareykanka, sida la-dagaallanka maraakiibta gujiska ah (anti-submarine warfare) iyo sirdoonka hawada sare.

Calaamad muujinaysa hindisahan cusub, Jarmalka iyo Ingiriiska ayaa dhowaan ku dhawaaqay mashruuc wadajir ah oo lagu horumarinayo gantaallada riddada dheer ee aan la arkin (stealth cruise missiles) iyo hubka xawaarihiisu ka dheereeyo codka ee loo yaqaan hypersonic.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale carabka ku adkeynaya baahida loo qabo ciidamo iyo cudud bani’aadam. Madaxweyne Stubb, oo dalkiisu uu weli dhaqangaliyo nidaamka qorista ciidamada ee khasabka ah, soohdin aad u dheerna la wadaaga Ruushka, ayaa xusay in qorista ciidanku ay tahay aalad muhiim u ah difaaca oo laga yaabo in dalalka kale ee Yurub ay iyaguna dib u soo celiyaan.

In kasta oo dardartan ay jirto, khubarada milateriga ayaa ka digaya in isbeddelku uu noqon doono mid adag, kaddib sanado badan oo ay dalalka Yurub hoos u dhigeen kharashaadkii ay ku bixin jireen difaaca.

Jeneraal James Foggo oo ka fariistay ciidamada badda Mareykanka ayaa sheegay in isku-tashiga Yurub ee NATO uu ahaa mid waqtigiisa dhaafay, isagoo bogaadiyay xirfadda ciidamada xulafada, balse wuxuu ka digay inay u baahan yihiin inay maalgelin sameeyaan oo ay si dhaqso leh u horumariyaan awooddooda qalabka milateri.

Caqabadda hubka nukliyeerka

Qaybta ugu xasaasisan uguna adag ee difaaca madax-bannaan ee Yurub ayaa weli ah sidii lagu beddeli lahaa dalladda baaxadda leh ee nukliyeerka Mareykanka iyo shabakadda sirdoonka istaraatiijiyadeed.

Mas’uuliyiinta Yurub ayaa si cad u qiraya in isku-shaandheyn ciidan aysan si degdeg ah u beddeli karin nidaamyada dayax-gacmeedka, ilaalada, iyo digniinaha gantaallada ee dowladda Mareykanka, kuwaas oo lafdhabar u ah awoodda is-horteegga ee NATO.

Xaqiiqadan ayaa Ingiriiska iyo Faransiiska ku riday cadaadis xooggan oo ku aaddan inay ballaariyaan doorkooda istaraatiijiyadeed.

Kaddib markii Trump uu ku hanjabay inuu xoog kula wareegayo jasiiradda Greenland ee laga xukumo Denmark, Merz iyo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa furay wada-hadallo ku saabsan in awoodda nukliyeerka ee Faransiiska la gaarsiiyo si ay u daboosho dalalka kale ee Yurub, oo uu ku jiro Jarmalka.

Trump qudhiisa ayaa markii dambe qirtay in murankii Greenland uu ahaa isbeddel weyn oo ku yimid aragtidiisa ku aaddan isbaheysiga, isagoo weriyay in markii Mareykanka loo diiday dhulkaas uu yiri, “Hagaag, nabadgelyo” (OK, bye bye).

Mucaaradka oo kulan la shiray odayaasha Hawiye + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan xasaasi ah oo u dhexeeyay siyaasiyiinta mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa maanta ka dhacay guriga madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kaas oo looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Kulankan oo ay u dhamaayeen siyaasiyiinta kasoo jeedo Muqdisho ayaa odayaasha Hawiye kala hadlay xiisadda taagan, gaar ahaan is-mariwaaga u dhexeeyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo mucaaradka dalka, si xal waara loogu helo arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid wadatashi ah, iyadoo diiradda lagu saaray marxalada kala guurka ah ee dalka, maadaama uu sii dhammaanayo muddo xileedka madaxweynaha.

Siyaasiyiinta mucaaradka oo ay xulafo la yihiin Jubbaland iyo Puntland ayaa Dowladda Federaalka ee uu hogagaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeynayo in aysan diyaarin nidaam doorasho oo la’isku raacsan yahay, iyadoo uu dhammaaday muddo xileedkii hay’adaha dowladda.

Maalmihii dambe mucaaradka ayaa Muqdisho ka waday dhaq-dhaqaaq culus oo siyaasadeed, loogana soo horjeedo qorshaha dowladda ee la xiriira muddo kororsiga, si dalka loo gaarsiiyo doorashooyin toos ah oo qof iyo cod ah.

Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa marxalad xasaasi ah, waxayna taagan tahay isgoys siyaasadeed oo adag, iyadoo la’isku hayo nooca doorasho ee ka dhaceysa dalka.

Waxaa kale oo intaas sii dheer xaalado bani’aanimo oo ka jira qaybo badan oo kamid ah dalka, kuwaas oo ka dhashay abaaraha ku dhuftay Soomaaliya.

Iran oo ka fiirsaneysa wada-hadallo cusub oo Mareykanka la yeelato iyo Trump oo…

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in wafdi wada-xaajood ah ay Isniinta u safri doonaan dalka Pakistan, si ay wada-hadallo ula yeeshaan Iiraan.

Arrintan ayaa soo noolaysay rajada laga qabo in la kordhiyo xabbad-joojinta ku eg dhammaadka usbuucan, inkastoo Washington iyo Tehran ay weli isku mari la’yihiin xiisadda ka taagan Marinka Hormuz.

Rajada laga qabo wada-hadallada soo socda oo aysan Iiraan weli si rasmi ah u xaqiijin, ayaa kusoo beegmaysa xilli maraakiibta aysan weli awoodin inay isticmaalaan marinkan muhiimka ah. Taas ayaa timid sababo la xiriira hanjabaado ka imanaya dhanka Iiraan iyo go’doomin uu Mareykanku saaray maraakiibta ku wajahan ama ka imanaysa dekedaha Iiraan.

Inkastoo mas’uuliyiinta Iiraan ay sheegeen inay diyaar u yihiin wada-hadal, haddana waxay si adag u caddeeyeen inaanay jiri doonin maraakiib mara marinkaas inta ay jirto go’doominta Mareykanka.

“Waa wax aan suurtagal ahayn in kuwa kale ay maraan Marinka Hormuz xilli annagu aanan marin karin,” ayuu yiri afhayeenka Baarlamaanka Iiraan, Mohammed Bagher Qalibaf, isagoo u warramayay telefishinka qaranka dalkaas habeenkii Sabtida.

Qoraal uu ku shaacinayay safarka rasmiga ah ee wareegga labaad ee wada-hadallada ayuu Trump ku eedeeyay Iiraan inay jabisay xabbad-joojinta markii ay rasaas ku furtay maraakiib mareysay marinka, wuxuuna ku hanjabay inuu burburin doono kaabayaasha rayidka ee Iiraan haddii aysan aqbalin heshiiska uu Mareykanku miiska soo saaray.

“Haddii aysan yeelin, Mareykanku wuxuu dhulka la simi doonaa xarun kasta oo koronto iyo buundo kasta oo ku taal Iiraan,” ayuu qoray Trump.

Madaxweynaha ma uusan bixin faah-faahin ku saabsan mas’uuliyiinta uu Mareykanku u diri doono wareegga labaad ee wada-hadallada fool-ka-foolka ah ee ka dhacaya caasimadda Islamabad.

Aqalka Cad iyo xafiiska madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance oo hoggaaminayay wareeggii koowaad ee wada-hadallada, ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyo loo diray subaxnimadii Axadda.

Weli ma cadda in labada dhinac ay wax ka beddeleen mowqifyadooda ku aaddan arrimaha xasaasiga ah ee fashiliyay wareeggii hore ee wada-hadallada, kuwaas oo ay ka mid yihiin barnaamijka kobcinta nukliyeerka Iiraan, kooxaha gacan-saarka la leh ee gobolka, iyo maamulka Marinka Hormuz.

Qalibaf oo ah madaxa wada-xaajoodka Iiraan ee wada-hadallada Mareykanka ayaa intii uusan Trump soo saarin hadalladiisa dambe sheegay in Iiraan ay weli raadinayso nabad, inkastoo ay jirto go’doomin iyo kalsooni darro qoto dheer oo ay ku qabaan Washington.

“Dib-u-gurasho kama jiri doonto fagaaraha diblomaasiyadda,” ayuu yiri, isagoo qiray in farqiga u dhexeeya labada dhinac uu weli aad u weyn yahay.

Iiraan ayaa horey ugu dhawaaqday dib-u-furista marinka kadib markii ay hirgashay xabbad-joojin 10 maalmood ah oo u dhexeysa Israa’iil iyo kooxda hubeysan ee Xisbullaahi, oo ay Iiraan taageerto, fadhigeeduna yahay Lubnaan.

Balse kadib markii Trump uu sheegay in go’doominta Mareykanka ee dekedaha Iiraan “ay ahaan doonto mid si buuxda u dhaqangasha” ilaa Tehran ay heshiis la gaarto Mareykanka, Iiraan waxay sheegtay inay sii wadi doonto dhaqangelinta xayiraadaheeda marinka.

Kadib isku-dayo kooban oo la doonayay in lagu maro marinka maalintii Sabtida, maraakiibta ku sugan Gacanka Faaris ayaa hakiyay dhaqdhaqaaqooda, iyagoo taxaddar muujinaya kadib markii labo markab oo sida calanka Hindiya rasaas lagu furay xilli ay dhex marayeen marinka, laguna qasbay inay dib u laabtaan.

Dib u laabashadooda ayaa marinka oo qiyaastii shan meelood meel (1/5) ganacsiga shidaalka adduunka uu maro ku celisay xaaladdii uu ku sugnaa ka hor xabbad-joojinta, taas oo halis ku ah inay sii xumayso dhibaatada tamarta adduunka, dhinacyadana ku riixdo in dib loogu noqdo dagaalka xilli uu galay usbuucii siddeedaad.

Iyadoo ay maalmo yar ka harsan yihiin waqtiga xabbad-joojinta Mareykanka iyo Iiraan, Iiraan ayaa Sabtidii sheegtay inay heshay soo-jeedinno cusub oo kaga yimid Mareykanka, ayna dhex-dhexaadiyayaal reer Pakistan ah ku hawlan yihiin qabanqaabada wareeg kale oo wada-hadallo toos ah maalmaha soo socda.

Maamulka Pakistan ayaa bilaabay inay adkeeyaan amniga caasimadda Islamabad. Sarkaal deegaanka ah oo ku lug leh dadaallada dhex-dhexaadinta ayaa sheegay in dhex-dhexaadiyayaashu ay gaba-gabo marinayaan qabanqaabada, isla markaana kooxaha horudhaca amniga Mareykanka ay durba ku sugan yihiin goobta.

Sarkaalkan ayaa dalbaday inaan magaciisa la shaacin, maadaama uusan fasax u haysan inuu warbaahinta kala hadlo diyaar-garowga.

Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, xiritaanka marinka oo la soo rogay kadib markii Mareykanka iyo Israa’iil ay bilaabeen dagaalka Iiraan 28-kii Febraayo, xilli ay socdeen wada-hadallada barnaamijka nukliyeerka Tehran ayaa laga yaabaa inuu yahay hubkeeda ugu awoodda badan, kaas oo khatar ku ah dhaqaalaha adduunka, dhaawac siyaasadeedna gaarsiinaya Trump.

Dhinaca Mareykanka, go’doominta ayaa ciriirineysa dhaqaalaha Iiraan oo markii horeba liitay, waxayna cadaadis saareysaa dowladda iyadoo ka jaraysa dhaqaalihii muddada dheer soo geli jiray.

Inkastoo xabbad-joojintu ay sii jirtay, xiisadda ka taagan marinka ayaa halis ku ah inay gobolka ku celiso dagaal galaaftay nolosha ugu yaraan 3,000 oo qof oo ku sugan Iiraan, in ka badan 2,290 oo ku dhintay Lubnaan, 23 ku dhintay Israa’iil, iyo in ka badan toban qof oo ku dhintay dalalka Khaliijka Carabta.

Waxaa sidoo kale la dilay 15 askari oo Israa’iiliyiin ah oo ku sugnaa Lubnaan iyo 13 xubnood oo ka tirsan ciidamada Mareykanka oo ku sugnaa gobolka oo dhan.

Turkiga oo ku dhawaaqay arrin muhiimad weyn u leh Soomaaliya

0

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u shaacisay inay si toos ah uga qeyb qaadan doonto dagaalka kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, taas oo muujineysa isbeddel cusub oo ku yimid doorkeeda amni ee gobolka.

Go’aankan ayaa lagu sheegay mid xoojinaya iskaashiga militari ee u dhexeeya Ankara iyo Muqdisho, xilli ay sii xoogeysanayaan howl-gallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee weli halista ku haya amniga dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan oo ka hadlayay qorshaha cusub ee dowladdiisa ayaa caddeeyay in Turkigu si buuxda u garab taagan yahay saaxiibadiisa caalamiga ah, isaga oo si gaar ah u xusay Soomaaliya.

“Turkiga wuxuu si toos ah taageero u siinayaa dadaallada ay wadaan Ciidanka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish,” ayuu yiri Wasiir Hakan Fidan, isaga oo tilmaamay in taageeradaasi noqon doonto mid muuqata oo la taaban karo.

Hakan Fidan ayaa sidoo kale sheegay in istaraatiijiyadda Turkiga aysan ku koobnaan doonin Soomaaliya oo keliya, balse ay gaari doonto dalal kale oo Afrika ku yaalla oo la tacaalaya khataraha argagixisada, sida Nigeria oo uu tusaale u soo qaatay.

Wuxuu intaas ku daray in Ankara ay diyaar u tahay inay bixiso taageero dhinacyo kala duwan leh oo ay ku jiraan tababar, qalab militari iyo la-talin istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo awoodda ciidamada maxalliga ah.

Turkiga ayaa muddooyinkii dambe si weyn u kordhiyay joogitaankiisa Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, halkaas oo uu ka hirgeliyay mashaariic horumarineed iyo saldhigyo tababar oo lagu tayeynayo ciidamada qalabka sida.

Dowladda Turkiga ayaa sidoo kale ka mid ah dalalka sida dhow u taageera Soomaaliya, iyadoo leh khibrad militari, hub casri ah iyo nidaamyo isgaarsiin oo horumarsan, kuwaas oo kaalin muhiim ah ka qaadan kara xoojinta dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Xog: Xuseen Sheekh oo lagu qanciyay inuu ka haro madaxtinimada K/Galbeed – Muxuu ku bedeshay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu ku guuleystay inuu ku qanciyo Agaasimihii hore ee Madaxtooyada, Xuseen Sheekh Maxamuud inuu ka tanaasulo tartanka madaxtinnimada dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Kulamo gaar ah oo ka dhacay Villa Somalia, isla markaana socday saacado ayaa la sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xuseen Sheekh ay ku gaareen is-afgarad ku saabsan in Xuseen uu ka haro loollanka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu Xuseen Sheekh u bandhigay dalab siyaasadeed oo culus si uu uga tanaasulo musharaxnimadiisa, taasoo ugu dambeyn horseeday heshiis ay labada dhinac isla meel dhigeen.

Sida xogaha aan helnay tilmaamayaan, Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa lagu qanciyay inuu qabto xil sare oo ka mid ah dowladda federaalka, kaas oo ah Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee dalka.

Kursigan ayaa waxaa hore ugu fadhiyay Jibriil Cabdirashiid, oo haatan ah Hoggaamiyaha Kumeelgaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa sheegaya in haddii isbeddelkan uu hirgalo ay adkaan karto fursadda uu ku guuleysan karo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo haatan si xooggan ugu ololeynaya xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Arrintan ayaa sidoo kale sare u qaadi karta fursadaha Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Saalim Caliyoow iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdisalaam Cabdi Cali.

Si kastaba, Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la fahamsan yahay inay xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed u diyaarineyso Sheekh Aadan Madoobe, oo haatan ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Soomaaliya oo raadinaysa taageero dhaqaale kadib xaalad soo korortay

0

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalbanaysa taageero dhaqaale oo dheeraad ah oo ka timaadda saaxiibada caalamiga ah, si wax looga qabto culaysyada dhaqaale ee ka dhashay abaaraha soo noq-noqday iyo saameynta colaadaha ka taagan Bariga Dhexe.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in arrintan ay ku soo bandhigeen kulammo ay mas’uuliyiin Soomaali ah kula yeesheen magaalada Washington hay’adaha Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF).

Kulamadan ayaa qayb ka ahaa shirarka gu’ga ee hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah, halkaas oo diiradda lagu saaray xaaladda dhaqaale ee Soomaaliya iyo mudnaanta u baahan in si degdeg ah wax looga qabto.

“Waxaan diiradda saarnay saameynta abaaraha iyo culaysyada dhaqaale ee ka dhashay colaadaha Bariga Dhexe,” ayuu yiri Wasiir Biixi, isaga oo tilmaamay in arrimahan ay si toos ah u saameeyeen dhaqaalaha dalka.

Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe wajahaysay abaaro soo noq-noqday, kuwaas oo si weyn u saameeyay nolosha malaayiin qof, isla markaana kordhiyay baahiyaha bani’aadantinimo ee dalka.

Dhibaatooyinkan ayaa waxaa sii xoojiyay cadaadisyo dhaqaale oo caalami ah, oo ay ka mid yihiin sicir-bararka iyo saameynta isbeddellada suuqyada caalamiga ah.

Wasiirka Maaliyadda ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso kordhinta maalgelinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo barnaamijyada taageerada bulshada. “Waxaan la shaqaynaynaa saaxiibada caalamiga ah si loo helo dhaqaale lagu taageero bulshooyinka nugul, gaar ahaan dhinacyada sugnaanta cuntada iyo adeegyada aasaasiga ah,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Doodaha lala yeeshay Bangiga Adduunka iyo IMF ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray dib-u-habaynta maamulka maaliyadda dadweynaha, iyadoo la xoojinayo hufnaanta iyo kordhinta dakhliga gudaha.

Wasiir Biixi ayaa tilmaamay in hay’adahaasi ay qireen horumarka ay Soomaaliya ka samaysay dib-u-habaynta dhaqaalaha, isagoo xusay in wada-hadallo ay la yeesheen dalal ay ka mid yihiin Mareykanka, Boqortooyada Midowday (UK), Norway iyo Sacuudiga ay diiradda saareen xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo taageerada Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa weli si weyn ugu tiirsan taageerada beesha caalamka, iyadoo wajahaysa caqabado isbiirsaday oo ka imanaya isbeddelka cimilada iyo cadaadisyo dhaqaale oo sii kordhaya.

Itoobiya oo xirtay 138 ruux oo lala xiriiriyay kooxaha Soomaaliya ka…

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Hay’adda sirdoonka Itoobiya ayaa shaacisay in howl-gallo qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada amniga lagu qabtay 138 ruux oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin kooxaha Soomaaliya ka dagaalama ee Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo la sheegay inay qorsheynayeen falal amni darro oo ka dhaca gudaha dalkaas.

Howl-galladan ayaa la sheegay inay dhaceen 17-ka April 2026, oo ku beegan 09-ka April 2018 marka loo eego taariikhda Itoobiya, waxaana lagu beegsaday shabakad isku xiran oo ka shaqeynaysay abaabulka weerarro iyo qalalaase amni.

War ka soo baxay sirdoonka ayaa lagu sheegay in dadka la qabtay ay wateen agab kala duwan oo ay ka mid yihiin SIM-kaaro, taleefoonnno yaryar, bastoolado, miinooyin, qoryaha AK-47 iyo rasaas, kuwaas oo muujinaya heerka abaabulka ee kooxahan.

Mas’uuliyiinta ayaa intaas ku daray in eedeysanayaashan ay damacsanaayeen inay ka faa’iideystaan deegaannada ay ka jiraan xiisadaha, iyo sidoo kale marxaladda doorashooyinka ee dalka Itoobiya, si ay u fuliyaan falal amni darro ah.

Sirdoonka Itoobiya ayaa xusay in howl-galladu ahaayeen kuwo si taxaddar leh loo qorsheeyay, laguna burburiyay isku dayo halis ku ahaa xasilloonida dalkaasi.

Dhanka kale, waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalooyinka waaweyn ee Itoobiya, gaar ahaan caasimadda Addis Ababa, iyadoo la kordhiyay feejignaanta ciidamada si looga hortago khataraha gudaha iyo kuwa dibadda ee suurtagalka ah.

Tallaabooyinkan ayaa imanaya xilli Itoobiya ay u diyaargaroweyso doorashooyin, isla markaana ay jirto cabsi la xiriirta suurtagalnimada in kooxo hubeysan ay ka faa’iideystaan mashquulka siyaasadeed ee dalka.

Itoobiya ayaa horey u sheegtay inay fashilisay isku dayo ay sameeyeen xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo intooda badan lagu sheegay muwaadiniin Itoobiyaan ah, kuwaas oo doonayay inay weerarro iyo qaraxyo ka geystaan gudaha dalka, halka qaar kalena lagu eedeeyay inay damacsanaayeen inay saldhigyo ka sameystaan.

Xogta gabar maseer dartiis toorey loogu dilay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo argagax leh oo habeen hore ka dhacday degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, kadib markii nin maseersan uu dilay xaaskiisii hore.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in eedeysanaha uu dilka u adeegsaday mindi, isla markaana uu marxuumadda ugu tegay guri ay daganeyd, kadibna uu tooreyda ku dhuftay 33 mar.

“32 mindi ayuu gelshay wayna dhimatay Alle ha u naxariisto marxuumadda” ayuu yir wiil daris la ahaa gabadha la dilay.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Dilka waxaa keenay Maseer waayay ninkan gabadha waa furay haddane daris ayay ahaayeen oo marar ayuu casho usoo doonan jiray”.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in uu baxsaday eedeysanaha, isla markaana kiiskan ku wareejiyeen C.I.D-da oo wada baaritaanno dheeraad ah.

“Maydka C.I.D ayaa gaynay waxaan marsiinay isbitaal Madiina, kadib qaraabadii ayaa la wacay sidaasna ayaana lagu aasay” ayuu mar kale yiri.

Si kastaba ha’ahaatee, eedeysanaha oo baxsad ah ayaa waxaa ku raad joogo laamaha amniga, si loo horkeeno cadaaladda, loogana qaado tallaabo adag.

Dhacdooyinka argagaxa leh ee ka dhashay muranada qoyska ee u badan maseeka ayaa indhowaanahan kusoo badanayay magaalada Muqdisho iyo qaybo badan oo kamid ah dalka.

Midowga Afrika oo war culus kasoo saaray tallaabada ay Israa’iil u qaaday Somaliland

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika oo bayaan culus soo saaray ayaa si cad u diiday safiirka ay Israa’iil todobaadkan u magacowday maamulka Somaliland, kaas oo lagu magacaabo Michael Lotem, isla markaana noqon doono safiirkeedii ugu horreeyay, balse ah mid aan halkaasi fadhiisan doonin (non-resident ambassador).

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in aqoonsi kasta iyo tallaabada kasta oo diblomaasiyadeed oo dal ahaan loogu qaado Somaliland ay tahay waxba kama jiraan, ayna lama taabtaan tahay madax banaanida Soomaaliya.

“Aqoonsi kasta ama ergey diblumaasiyadeed oo loo diro Somaliland waa wax aan waxba ka jirin… waa lama taabtaan midnimada, wadajirka iyo madax-banaanida Qaranka Soomaaliya”. ayaa lagu yiri bayaanka Midowga Afrika.

Waxaa kale oo uu Midowga Afrika shaaca ka qaaday in aysan dal u aqoonsan doonin maamulka Waqooyi Galbeed ee hadda loo yaqaano Somaliland, ayna xadgudub u arkaan sida ay haatan ula macaamileyso xukuumadda Tel Aviv.

Midowga Afrika ayaa ku biiray ururrada caalamiga iyo dalalka waa wayn ee ka horyimid tallaabada ay Israa’iil qaaday kuna tilmaamay mid xadgudub ah.

Goor sii horreysay bayaan ay soo saareen wasiirrada arrimaha dibadda ee 17 dal waxay ku xaqiijiyeen in go’aanka Israa’iil uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah qaranimada iyo nabadgelyada dhulka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dalalka soo saaray bayaanka ayaa kala ah; Soomaaliya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Qadar, Masar, Suudaan, Liibiya, Bangaladhesh, Aljeeriya, Falastiin, Turkey, Indonesia, Pakistan, Kuweyt, Mauritania, Urdun, Cumaan, iyo Yemen, waxayna si buuxda u diideen tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wiiqaysa midnimada iyo madax-bannaanida dowladaha.

Waxaa kale oo ay  muujiyeen taageeradooda adag ee aan ruxmin ee ay la garab taagan yihiin midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Waxay sidoo kale bogaadiyeen hay’adaha sharciga ah ee dowladda Soomaaliya, iyagoo ku sifeeyay inay yihiin kuwa keliya ee matala, kana turjuma rabitaanka dhabta ah ee shacabka Soomaaliyeed.

Golaha Mustaqbalka oo diiday doorasho ay maamulayaan madax-goboleedyada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ah dalladda ugu weyn ee mucaaradka, ayaa sheegay inuusan ka qayb geli doonin doorasho ay gacanta ku hayaan madaxda dowlad-goboleedyada, xilli ay sidoo kale diidan yihiin nooca doorasho ee uu wado Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud.

Golaha ayaa sidoo kale muujiyay inuusan aqbali doonin in dalka uu galo firaaq dastuuri ah, isagoo diiday laba dariiqo oo uu sheegay in midna aysan haysan heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay. Midda koowaad waa doorasho dadban oo ay go’aankeeda leeyihiin madaxda dowlad-goboleedyada, halka tan labaad ay tahay hannaan ay dowladda federaalka keligeed ku maamusho geeddi-socodka doorashada.

Murashax madaxweyne Cabdiqaadir Cosoble, oo ka mid ah wejiyada siyaasadeed ee ku jira Golaha Mustaqbalka, ayaa sheegay in dalladdu aysan ka shaqeyn doonin doorasho la mid ah tii 2022, taas oo awood weyn siisay madaxda maamul-goboleedyada.

Mucaaradka ayaa qaba in dib loogu laabto qaabkii hore uu sii hurin karo muranka siyaasadeed, maadaama nidaamkaas muddo dheer lagu dhaliilayay inuu ku saleysan yahay gorgortan hoggaamineed oo xaddidaya matalaadda dadweynaha.

Waxa uu sheegay in Golaha Mustaqbalka, oo ay ku jiraan Puntland iyo Jubaland, ay isla garteen hannaan doorasho oo aan awoodda ugu weyn siinayn dowlad-goboleedyada, isla markaana laga fogaanayo qaab kasta oo mar kale dib u soo celin kara ismari-waagii siyaasadeed ee hore dalka uga dhacay.

Hase yeeshee, diidmada mucaaradka ee doorashada dadban waxay ku soo beegmaysaa xilli dowladda federaalka ay riixeyso hannaanka “qof iyo cod”, kaas oo iyaduna aan weli helin oggolaansho siyaasadeed oo loo dhan yahay, oo ka timaada dhanka mucaaradka iyo maamul goboleedyada qaarkood.

Dowladda ayaa u aragta nidaamkan inuu yahay waddada ugu dhow ee lagu gaari karo doorasho qof walba codkiisa dhiiban karo, balse mucaaradka iyo siyaasiyiin kale ayaa ku doodaya in geeddi-socodkaas aanu weli haysan saldhig sharci iyo mid siyaasadeed oo mideyn kara dhinacyada is haya.

Tijaabadii ugu horreysay ee nidaamkan ayaa ka dhacday Muqdisho dabayaaqadii sanadkii hore, markaas oo caasimaddu marti-gelisay doorasho qof iyo cod ah oo loo arkay tallaabo hordhac ah. Si kastaba, su’aalaha ugu waaweyn ayaa weli taagan, kuwaas oo la xiriira sida doorasho guud oo dalka oo dhan laga wada hirgelin karo iyadoo ay jiraan tabashooyin amni, sharci iyo kuwo siyaasadeed.

Muranka doorashada waxaa sii adkeeyay wax-ka-beddelladii dastuurka ee baarlamaanku ansixiyay bishii March, kuwaas oo furay dood cusub oo ku saabsan jadwalka kala-guurka siyaasadeed iyo suurta-galnimada in doorashooyinka la filayay bisha May ay dib u dhacaan. Arrintan ayaa sii kordhisay shaki ku saabsan in waqtiga kooban ee harsan lagu heli karo hannaan doorasho oo la isku wada raacsan yahay.

Xiisaddan siyaasadeed ma aha mid cusub. Soomaaliya waxay tan iyo dib-u-dhiska dowladnimada sanadkii 2000 la daalaa-dhacaysay sidii loo heli lahaa nidaam doorasho oo sharciyad leh, xasiloon, isla markaana ay ku mideysan yihiin dowladda dhexe, dowlad-goboleedyada iyo mucaaradka.

Dhammaadka muddo-xileed kasta waxa soo noqnoqda muran ku saabsan cidda maamuleysa doorashada, qaabka loo wajahayo matalaadda siyaasadeed, iyo sida loo isku waafajinayo nidaamka federaalka.

Khilaafka hadda jira wuxuu sidoo kale ku dul fidsan yahay xiriir horey u liitay oo u dhexeeya Villa Somalia iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubaland, kuwaas oo marar badan ka biyo diiday qaababka siyaasadeed ee ay dowladda federaalka waddo. Taasi waxay sii adkeyneysaa in si degdeg ah loo gaaro heshiis cusub oo lagu wajaho kala-guurka.

Marka la isku daro diidmada mucaaradka ee doorasho ay maamul-goboleedyadu maamulaan, shakiga ka jira nidaamka qof iyo cod, muranka dastuurka, iyo waqtiga sii yaraanaya ee ka harsan dhammaadka muddo-xileedka, Soomaaliya waxay mar kale u muuqataa inay galayso marxalad xasaasi ah, oo aysan muuqan in xilli dhow ay dhici doonto doorasho, nooca ay doonto ha noqoto’e.

Soomaaliya iyo 9 dal oo kale oo saaray qoraal xasaasi ah

Antalya (Caasimada Online) – Wasiirrada arrimaha dibadda ee 17 dal ayaa si kulul u cambaareeyay go’aankii Israa’iil at safiir ugu magacawday qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya, ayaga oo tallaabadan ku tilmaamay mid si qaawan ugu xadgudbaysa madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan wadajir ah oo ay wasiirradani soo saareen Axaddii ayay ku xaqiijiyeen in go’aanka Israa’iil uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah qaranimada iyo nabadgelyada dhulka Soomaaliya.

Dalalkan oo kala ah; Soomaaliya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Qadar, Masar, Suudaan, Liibiya, Bangaladhesh, Aljeeriya, Falastiin, Turkey, Indonesia, Pakistan, Kuweyt, Mauritania, Urdun, Cumaan, iyo Yemen, ayaa si buuxda u diiday tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wiiqaysa midnimada iyo madax-bannaanida dowladaha.

Dalalkan ayaa muujiyay taageeradooda adag ee aan ruxmin ee ay la garab taagan yihiin midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Waxay sidoo kale bogaadiyeen hay’adaha sharciga ah ee dowladda Soomaaliya, iyagoo ku sifeeyay inay yihiin kuwa keliya ee matala, kana turjuma rabitaanka dhabta ah ee shacabka Soomaaliyeed.

Bayaanka ayaa mar kale xoojiyay garab istaagga madax-bannaanida Soomaaliya, isagoo hoosta ka xariiqay in tallaabo kasta oo dhaawacaysa qaranimada dalkaas ay tahay mid aan la aqbali karin.

Sidoo kale, wasiirrada ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaqyadan diblomaasiyadeed ay yihiin kuwo si cad uga hor imaanaya mabaadi’da sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay iyo shuruucda aasaasiga ah ee Midowga Afrika.

Waxay ka digeen in ficilladani ay horseedayaan tusaale khatar ah oo halis gelin kara xasilloonida gobolka xasaasiga ah ee Geeska Afrika, isla markaana ay saameyn taban ku yeelan doonaan nabadda iyo amniga heer gobol iyo heer caalami intaba.

Ugu dambeyn, mas’uuliyiintan ayaa ku celiyay mowqifkooda ah in ficil kasta oo dhaawacaya madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliya si adag loo diido, iyagoo xusay in taageerada dowladda Soomaaliya iyo hay’adaheeda ay xilligan tahay arrin lagama maarmaan ah.

Bayaanka ayaa yimid kadib kadib markii Israa’iil ay Arbacadii ku dhawaaqday in diblomaasiga lagu magacaabo Michael Lotem uu noqon doono safiirkeedii ugu horreeyay ee maamulka Somaliland, balse ah mid aan halkaasi fadhiisan dooni (non-resident ambassador).  

Bishii Febraayo ee sanadkan, Israa’iil ayaa dhankeeda si rasmi ah u guddoontay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u magacawday Tel Aviv, Maxamed Xaaji, taas oo calaamad u ahayd in magacaabis laba-geesood ah ay xigi doonto.