Muqdisho (Caasimada Online ) – Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa amar culus ku soo rogtay hay’adaha kala duwan ee ka howl-gala dalka, kaas oo la xiriira inay hay’aduhu adeegsadaan ama isticmaalaan bankiyada dalka.
Wasiirka qorsheynta Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan oo soo saaray amarkan ayaa shaaca ka qaaday in hay’adaha dalka iyo dowladda dhexe ay sanadkii hore 2020-kii ku heshiiyeen in hay’aduhu ay lacagahooda dhigtaan bakiyada ku yaalla dalka, haatana la rabo hada in lagula xisaabtamo dhaqan-galinta hishiiskaasi.
“Waa in lala xisaabtamaa Hay’addaha ka shaqeeya dalka halka ay mariyaan lacagaha dalka ay soo galiyeen horeyna waan kala hishiinay sidaa dareedeed waa inaan xoojinaa dhaqan galinta hishiisyada,” ayuu yiri wasiirka qorsheynta Somalia.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in lacago balaayiin Dollar ah ay sanadkiiba soo galaan dalka, loona baahan yahay in lala socda, sida loo maareeyo.
“Lacago ka badana labo bilyan ayaa sanadkiiba soo gasha dalka marka waa in lala socdaa sida loo maareeyo iyo habraacyada loo maray iyadoo la dhaxmarinayo bankiga dalka,” ayuu sii raaciyey.
Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in wasaaradda qorsheynta ay diyaarisay bar gaar ah oo loogu talal-galay in lagula socda lacagaha Dollarka ee soo galo dalka.
“Waxaan sameynay Bar lagula socdo lacagaha doolarka ee dalka la soo galiyo, halka lagun isticmaalo iyo goobaha ay yaalaan waxaana ka mid tahay qorsha ay diyaarisay wasaaradda qorsheynta sidoo kale qof kasto waxaa uu kala socon karaan Page-ka wasaaradda,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey wasiirku.
Soomaaliya ayaa waxaa ka howl-galada hay’adaha badan oo qabta shaqooyin kala duwan, hadana ma jiri jirin cid si gaar ah ula xisaabtanta oo la socota dhaq-dhaqaaqooda.
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa xalay illaa saaka howl-gallo ballaaran ka sameeyey xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, iyaga oo sidoo kale bara-koontarool oo hor leh ka sameystay jidadka waa weyn ee ku yaalla caasimada.
How-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ku baarayeen gawaarida, meelo bartilmaameed u ahaa & dadka ay ka shakiyaan.
Sidoo kale ciidamada ayaa su’aallo weydiinayey shaqsiyaadka la socda gawaarida yar-yar iyo mootooyinka, iyaga oo qofka ay ka shakiyaana geynayey saldhigyada.
Ciidamada ayaa sidoo kale kordhiyey baraha koontarool ee caasimada, iyaga oo kuwa hor leh ka sameystay jidadka Maka Al-Mukarrama, Wadnaha, Soddonka & Warshadaha.
“Ciidamo Booliis ah ayaa baro kontorool cusub ka sameystay qaybo kamid ah waddooyinka waa weyn oo markii hore ay ka joogeen Isgoysyada, Dadka ayay baarayeen, Gawaarida & Mootooyinka sidoo kale way fatashayeen, halka su’aalo ay weydiinayeen dadka la socda, ” ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka.
Ujeedka loo kordhiyey koontaroolada ayaa waxaa saraakiil ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ay ku sheegeen inuu yahay sidii looga hortagi lahaa falalka ammaan darri ee maamlmahaan ku soo badanayey gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.
Shalay ayey aheyd markii werar qarax ahaa oo mas’uuliyiin lala eegtay iyo dilal qorsheysan oo loo geystay askar & odayaal dhaqameed ay ka dhaceen magaalada Muqdisho.
Beledweyne (Caasimada Online ) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weeraro culus ka fuliyeen degmooyinka Buulo-Burte iyo Jalalaqsi ee gobolkaasi.
Weerarada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa xigay dagaallo dhex-maray Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa dalka Jabuuti.
Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarkaka dhacay degmada Buulo-Burte lagu dhaawacay sarkaal ka tirsan ciidamada Xoogga oo lagu magacaabo, Axmed Faarax Booniye iyo sidoo kale askari kale oo ka tirsan isla ciidamada dowladda.
Sidoo kale weerarka labaad oo ka dhacay degmada Jalalaqsi ayaa dhaliyey iska hor imaad dhex-maray ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, gaar ahaan kuwa wadanka Jabuuti & Al-Shabaab, kaas oo la’isku hubka noocyadiisa kala duwan.
Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi, balse dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen dhawaaqa rasaasta labada dhinac.
Xaaladda goobihii lagu diriray ayaa degan, balse ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay degmooyinka Buulo-Burte & Jalalaqsi.
Al-Shabaab ayaa maalmihii dambe sare u qaaday weerarada ay ka fuliso gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle.
Xarardheere (Caasimadda Online) – Wararka kasoo baxaya magaalada Xarardheere ayaa sheegaya in dagaalyahanada Al-Shabaab ay afduubteen in ka badan 50 gaari oo ay lahaayeen dadka ku nool magaaladaas.
Sida ay sheegeen ilo deegaanka ah, dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa xoog ku kaxeystay gawaarida ay lahaayeen dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Xarardheere.
Dadka deegaanka waxey sheegeen in Al-Shabaab ay gawaarida ka kaxeysteen beel ka mid ah laba beelood oo ay diyo u kala qaadeen.
Magaalada Xarardheere waa meelaha ugu badan oo ay ku xoogan yahiin dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka tirsan bartamaha Soomaaliya.
Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku guuldareystay iney magaaladaas koonfurta gobolka Mudug dhacda ka xoreeyaan dagaalyahanada Al-Shabaab.
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa ku guul-darreysatay isku day ay ku dooneysay inay saameyn siyaasadeed ku yeelato Soomaaliya, waxaa sidaas qortay wakaaladda wararka Turkey ee Anadolu.
“Sanadkii tegay, Masar waxay marar badan isku dayday inay saaxiib la noqoto dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayada oo u ballan-qaadeysa taageero militari,” ayuu yiri diblomaasi sare oo ay soo xigatay Anadolu.
“Mas’uuliyiinta Soomaalida waxay garowsadeen qorshooyinka xun ee Masar ay damacsan tahay, wayna diideen kaalmada militari ee loo yaboohay,” ayuu yiri.
Sida uu sheegay diblomaasiga, kadib markii dowladda Soomaaliya ay diiday yabooha, Masar ayaa u weecatay maamulka Somaliland, oo sheegta inuu ka madax-banaan yahay Soomaaliya, islamarkaana xiisad ay kala dhaxeyso dowladda federaalka.
Qaahira ayaa bishii July waxay mas’uuliyiinta Hargeysa weydsiiteen inay u ogolaadaan inay sladhig militari halkaas ka sameysato.
“Masaarida aad u ogyihiin in xiriirka xun ee Muqdisho iyo Hargeysa uu xilli kasta isku beddeli karo dagaal. Waxay isku dayayaan inay shidaal kusii shubaan dabka,” ayuu yiri diblomaasiga.
Saameynta xooggan ee Masar ay dooneyso inay ku yeelato Geeska Afrika ayaa waxaa sabab u ah xiiisadda kala dhaxeysa Itoobiya ee salka ku haysa biyo-xireenka Nile, waxaana Masar ay dooneysaa inay gacanta ku dhigto xulufaysiga Soomaaliya iyo Sudan si ay gees ugu riixdo Addis-Ababa.
Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaxiib dhow la ah ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, wuxuuna cadaawaddii qarniyo u dhaxeysa labada dal ku beddelo saaxiibtinimo ku timid saacado gudahood, taasi oo wiiqday qorshaha Masar.
Maamulka gobolka Gedo ee taabacsan dowladda federaalka ayaa maanta warbaahinta u soo bandhigay ciidamadaas, waxaana warbaahinta la hadlay taliyihii hoggaaminayey Daa’uud Macalin oo ka sheegeeyey sababta ay uga soo bexeen Jubbaland.
Waxa uu sheegay in markii ay ka soo baxeen Dhoobley ay xoog ku soo dhex mareen illaa 15-magaalo oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, kadib markii sida uu sheegay ay madaxda Jubbaland ku amreen inuu ciidankiisa ka dagaal geliyo xuduuda Kenya oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya.
Sarkaalkan waxa uu sheegay inuu ka mid ahaa askartii qabsatay 10-sano ka hor magaalada Kismaayo, waa intii aan la aas-aasin maamulka Jubbaland, balse maamulkii uu intaas la shaqeynayey uu hadda ka diiday inuu dagaal kala hor tago ciidamada ay dowladda federaaku geysay Gedo.
“30-sano ayey Soomaaliya burbur iyo qalalaase ku soo jirtay, maanta oo calankeedii uu taagan yahay, in askar Soomaaliyeed lagu abaabulo gudaha dalka Kenya, si ay ula dagaalamaan oo looga hor geeyo calankii Qaranka, waa noo suurta geli waayey fikirkaas,” ayuu yiri Taliye Daa’uud Macalin.
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa waji kale u yeelay qaraxii maanta Magaalada Muqdisho lagula beegsaday laba Xildhinaan oo hore, islamarkaana ka mid ah odayaasha beesha Mudullood.
Xildhibaan Mahad Salaad oo qoraal soo dhigay facebook ayaa muujiyey in qaraxan aysan ka dambeysan kooxda Al-Shabaab, balse uu socdo beegsi ka dhan ah odayaasha beel gaar ah.
Mahad Salaad ayaa sheegay inuu maalmo ka hor uu ka digay miinooyinka soo booda oo Muqdisho lasoo dhoobay, taasoo la doonayo in lagu sameeyo shirqoolo ka dhan ah siyaasiinta iyo saraakiisha ka aragtida duwan madaxweyne Farmaajo.
Wuxuu sheegay inuu mar labaad qaraabada uga digayo inaan lagu leynayo shaar Al-Shabaab, islamarkaana aan laga shaqeynayo sidii loo dabar goyn lahaa sida uu hadalka u dhigay.
“Duqowda Mudulood ee maanta miinada loo dhigay caafimaad degdeg ah Allaha siiyo. Maalmo ka hor ayay ahayd markaan idiin sheegay MIINOOYINKA SOO BOODA in Muqdisho la soo dhoobay. Waxaan mar kale ku celinayaa shaar Shabaab inta la idiin soo gashado yaan la idin dabargoynin ee qaraabooy hala isjiro!,” ayuu yiri Mahad Salaad oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.
Qaraxa maanta oo ka dhacay agagaarka Igoyska Beyxaani, jidka u dhaxeeya Shibis iyo Kaaraan, islamarkaana ahaa miino la dhigay waddada dhinaceeda ayaa lala beegsaday Laba Xildhibaan oo hore oo lagu kala magacaabo Muxiyadiin Xasan Afrax iyo Xuseen Caraalle Caddaan.
Waxaa qaraxa ku gereiyooday saddex askari oo ilaalo u ahaa xildhibaan hore Muxudiin Xasan Afrax oo hadda ah Nabaddoon.
Waxaa dhaawac culus kasoo gaaray Xildhibaan hore Xuseen Carraale Caddana oo la dhigay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, halka Nabaddoon Muxiyaddiin Xasan Afrax uu dhaawcihiisu ahaa mid aad u fudud oo lugta kasoo gaaray.
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka tirsan golaha shacabka ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baaqay iney ka feejignaadaan qatar ka imaan karta colaadda ka socota dalka Itoobiya.
Xildhibaanka wuxuu iska bari yeelay inuu colaad hurinayo, balse uu doonayo kaliya iney Soomaalida aayaheeda ka fakarto, sameysana isku duubnaan iyo midnimo ka dhan ah qatar walba oo ku imaan karta.
Isagoo la hadlayay TV-ga Universal ayuu sheegay iney arintaan keeneyso fursad ay helaan deegaanada Soomaalida ay leeyahiin ee hoos taga wadamada aan dariska nahay ee Kenya iyo Itoobiya.
“Waa in laga tashado sidii looga hartagi lahaa qatarta, xaaladahaan oo kale marka ay dhacaan dalalka waxa ay sameeyaan qorshooyin ay ka mid yahiin in dadka la isku keeno, sidoo kale la isku keeno culumada, Jamhuuriyadda oo kaliya maahan balse waa in aysan maqnaan dhulka Soomaalida ka maqan & Jabuuti si dhibka wadajir looga fogaado,” ayuu yiri Xildhibaan Zakariye.
Dhanka kale, xildhibaanka wuxuu dadka tusiyay in qowmiyadaha Itoobiya oo ay midba mar xukunka qabato ay ka siman yahiin fikirka ay ka qabaan Soomaalida, sidaasna laga doonayo Soomaalida.
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa duhurnimadii maanta gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho waxaa ay ku dileen laba oday dhaqameed la sheegay inay ka yimideen deegaan ka tirsan gobolka Mudug.
Odayaasha la toogtay ayaa lagu kala magacaabi jiray Axmed Suldaan Muxumud Suldaan iyo Nabadoon Axmed Sheekh Abdullahi Fiqu Cumar, waxaana xog aan helnay ay sheegeysa inay ka yimideen deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha shacabka Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad, ayaa qoraal uu saaray uga hadlay dilka odayaasha iyo sababta loo beegsaday.
Cawad ayuu sheegay in odayaasha la dilay ay ka mid ahaayeen dad horey u diiday inay ku shaqeeyaan amar kasoo baxay kooxda Al-Shabaab, sidaasna loo dilay.
“Waxaan tacsi u dirayaa qoyska iyo ehelka Axmed Suldaan Muxumud Suldaan Aadan iyo Nabadoon Axmed Sheekh Abdullahi Fiqu Cumar oo ahaa odayaal dhaqan oo lagu dilay Muqdisho maanta iyaga oo ahaa dadkii hore u diiday inay ku shaqeeyaan amarka Al-Shabaab,” ayuu yiri Mahad Cawad.
Lama shaacin waxa uu ahaa amarka Al-Shabaab ee odayaasha ay diideen, hase yeeshee kooxdan ayaa inta badan amaro kala duwan oo u badan wada-shaqeyn kusoo rogtay odayaasha Soomaaliyeed.
Dilka ka dhacay Suuqa Bakaaraha ayaa kusoo aadaya, iyadoo saakay gudaha suuqa degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir lagu dilay askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka, gaar ahaan kuwa canshuurta qaada ee loo yaqaano minishiibiyada.
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa socdo qorsho cusub oo qarsoodi ah oo la doonayo in wax badan looga beddalo qaabka uu u shaqeeyo howlgalka Midowga Africa ee AMISOM oo muddo ka badan 10 sano ka socday dalka Soomaaliya sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo diblumaasiyadeed.
Qorshahaan ayaa yimid kadib markii howlgalka Midowga Africa ee AMISOM la sheegay inuu galay xaalad hubanti la’aan ah kadib markii xasiloonida dalka Soomaaliya aysan weli dib usoo noqon.
António Guterres oo ah Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa guddi u saaray arrintaan, wuxuuna warbixin uu u gudbiyey kaga codsaday inay isku soo raacaan mid kamid ah seddex qorshe oo oo uu hordhigay.
Qorshahaan cusub ee ka yimid dhanka António Guterres ayaa ah in Howlal Midowga Africa ee AMISOM laga dhigo mid ay maamusho Qaramada Midoobay, si loo gaaro ujeedka laga leeyahay howlgalkaan dhanka Dhaqaalaha iyo xasiloonida Soomaaliya.
Dalalka ciidamadda ku deeqay ayaa horey u codsaday in Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ay la wareegto mas’uuliyadda guud ee maalgelinta howlgalka iyadda oo loo marinayo Golaha Ammaanka oo mas’uul ka ah amniga guud ahaan dunida.
Qorshaha labaad ee qorsheyaasha soo gudbiyaan ayaa ah in howlgalka AMISOM lagu bedelo mid isku-dhaf ah oo Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ah, halka soojeedinta saddexaad ay tahay in dalalka Afrika oo dhan laga dhigo.
Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa muddo 10 sano ah ku guuleysan la’ in Al-Shabaab laga ciribtiro gudaha Soomaaliya, waxayna taas keentay in dib u eegis lagu sameeyo.
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo lala eegtay gaari ay la socdeen siyaasiiyiin caan ah.
Qaraxa oo ahaa miino ayaa ka dhacay agagaarka sarta Beexaani ee degmada Shibis, iyada oo warar kala duwan laga helayo khasaaraha ka dhashay miinadaasi.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxan lala eegtay gaari ay la socdeen siyaasiyiinta Xuseen Caraale Cadaan iyo Muxudiin Xasan Afrax oo labaduba ah xildhibaano hore.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in siyaasiyiinta qaraxa lala beegsaday ay dhaawacyo soo gaareen, sidoo kalena ay geeriyoodeen 3 askari oo ilaalo u aheyd.
Sida xogta ku helnay waxaa labada mas’uul daran oo uu dhaawac halis ah soo gaaray Xuseen Caraale iyadoo sidoo kale qaraxan uu ka bad-baaday Imaam Maxamed Yuusuf.
Illaa iyo haatan ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laaamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi.
Muqdisho waxaa beryihii dambe ku soo badanayey qaraxyada nooca miinada ah, kuwaas oo lala bartilmaameedsado xubnaha mas’uuliyiinta ah ee ku sugan gudaha caasimada.
Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa lagu soo warramayaa inay dib ula waregeen gacan ku heynta degmada Raage-Ceelle ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii ay saaka weerar ku qabsatay kooxda Al-Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ay gudaha u galeen degmada, kadibna ay dagaalyahanada Al-Shabaab oo muddo kooban ku sugnaa halkaasi ay isaga baxeen.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in haatan xaaladdu ay tahay mid deggan, waxaana si caadi ah ku soo noqday dhaq-dhaqaaqa dadka & ganacsiga.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay haatan howl-gallo ka wadaan duleedka degmada Raage-Ceelle ee gobolka Sh/Dhexe.
Raage-Ceelle ayaa lixdii sano ee la soo dhaafay ka caaganeyd weerarada Al-Shabaab, waxaana gacanta ku hayey ciidamada Xoogga dalka & kuwa AMISOM.
Si kastaba dhaq-dhaqaaqyadan ayaa ku soo aadaya, iyada oo muddooyinkii la soo dhaafay kooxda Al-Shabaab ay culeys xoogan saartay gobolka Shabeelaha Dhexe.
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa wada-hadallo ay habeen hore Khadka taleefonka ku yeesheen Madaxda Dowlad Goboleedyada Soomaaliya, kaasi oo ku saabsanaa muranka ka taagan doorashada Soomaaliya.
Xog aan helnay ayaa sheegeysa in madax goboleedyada ay isu soo dhowaansho ka sameeyeen aragtiyadii kala foggaa ee ay ka qabeen doorashada Soomaaliya, iskuna afgarteen inay shir fool ka fool ah isugu yimaadaan.
Wararka ayaa intaas ku daraya in la filayo inuu shirkaas dhaco dhammaadka bishan Janaayo, waxaana ay u badan tahay in shirka uu ka dhaco magaalada Baydhaba, inkastoo aan weli si rasmi ah la isugu raacin goobta.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa intii laba toddobaad ka hor ku sugnaa Muqdisho, wuxuu mucaaradka kasoo qaaday ballan ah inuu xal u helayo muranka doorashada, waxaana lagu warramayaa inuu sababtaas darteed u doonayo iinuu wada-hadallada marti-geliyo.
Wada hadalladii habeen hore khadka Taleefanka ku dhex maray Shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed ayaa waxaa sidoo kale soo qaban qaabiyay Madaxweyne Lafta Gareen oo muddooyinkan waday dadaallada xalka loogu raadinayo is-mari waaga ka taagan Arrimaha doorashada, kaddib wada hadallo uu si kala gaar gaar ula yeeshay Madaxda dowlad goboleedyada kale.
Wada-hadallada madax goboleedyada ayaa waxaa dhinac socda dadaal xoog leh iyo u kala dab qaadis ay wadaan xubnaha Beesha Caalamka, kaasoo uu horsed u yahay wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan, si xal loogu helo caqabadaha ka taagan doorashooyinka.
Muqdisho (Caasimada Online) – Rag ku hubeysan bistootado ayaa maanta askari ka tirsanaa ciidamada dowladda ku dilay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Toogashada oo ka dhacday isgoyska Korontada ayaa waxaa loo geystay askari ka tirsanaa ciidamada Canshuuraha ee loo yaqaano Minashiibiyo.
Wararka ayaa sheegaya in falka kadib dabeleydii ka dambeysay toogashadaasi ay goobta isaga baxsatay.
Sidoo kal waxaa goobta uu dilku ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo Meydka marxuumka ka qaaday halkaasi.
Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Wadajir oo ku aadan dhacdadaasi.
Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa Muqdisho ka dhacayey falal ammaan darri oo isugu jiro qaraxyo nooca miinada ah iyo dilal qorsheysan, waxaana dhacdooyinkan ay ku soo aadayaan, iyada oo ay haatan Soomaaliya ay ku jirto marxalad doorasho & kala guur.
Muqdisho (Caasimada Online) – Murashax madaxawyne Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah ay si buuxda u dayacday amnigii guud ee dalka, gaar ahaan midkii caasimadda bilihi lasoo dhaafay, taas oo sababtay iney si weyn usoo xoogeystaan falalka kooxaha argagixisadaha ah.
Guuleed ayaa ka tacsiyeyay dhibaatooyinkii ka dhashay Qaraxyadii iyo weeraradii dalka ka dhacay labadii toddobaad ee lasoo dhaafay, waxaana uu carrabka ku dhuftay in madaxda iyo saraakiishii amnigu ku mashquuleen arrimaha siyaasadda iyo doorashada, taasna ay sabab u tahay dayaca amni ee soo kordhay.
“Dowladda Federaalka ah waxaan usoo jeedineynaa iney dib ugu celiso saarkiisha amniga shaqadooda si ay uga hortagaan dhibaatooyinka joogtada ah ee ka socda Muqdisho iyo qeybo ka mid ah dalka,” ayuu yiri Guuleeed.
Waxaa lagu jiraa xilli doorasho, waa waqti muhiim u ah dalka iyo dadka, waxaa suurtagal ah iney cadowgu maleegayaan dhibaatooyin waa weyn, oo u baahan in laga hortago, sidaa awgeed waa in gacana looga shaqeeya arrimaha doorashadda, gacanta kalana cadowga looga badbaadiya shacabka iyo masuuliyiinta.
Murashax Cabdikariim Xuseeen Guuleed ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka reer Muqdisho iney si miyir qableh u wajahaan dhacdooyinka ku gadaaman arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan ammaanka.
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay uu ka dhacay weerar loo adeegsaday qarax, kaas oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland.
Qaraxa oo ahaa miino ahaa ayaa lagu soo warramayaa in ciidamada lala eegtay, xilli ay howl-gal ka wadeen magaaladaasi, gaar ahaan agagaarka skuulka Cumar Samatar.
Ugu yaraan 2 qof askari ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyada oo ay ku dhaawacmeen 8 qof oo kale oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.
Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa baaritaano dheeraad ah qarax, kaddib ka sameeyey xaafado ka tirsan waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Mudddooyinkii la soo dhaafay waxaa Gaalkacyo dhinacyadeeda koonfur & waqooyi ka dhacayey falal ammaan darri oo isugu jiro weeraro iyo dilal qorsheysan intaba.
Jowehar (Caasimada Online) – Warar laga helayo Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen degmada Raage-Ceelle oo ka tirsan gobolkaasi, kadibna ay dagaal toos ah la galeen ciidamada dowladda Soomaaliya.
Weerarka oo ahaa mid culus ayaa kadib dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab waxaa u suura-gashay inay la wareegeen degmadaasi, sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalyahanada Al-Shabaab ay gudaha u galeen degmada, gaar ahaan saldhigyadii ay ku sugnaayeen ciidamada Xoogga dalka.
Qoraal lagu daabacay baraha bulshada ee Internet-ka, kana soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa sidoo kale lagu shaaciyey la wareegitaanka degmada Raage-Celle oo 6-dii sano la soo dhaafay ay ka howl-galeen ciidamada milatariga Soomalaiya & kuwa AMISOM.
Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan iyo weerarka ka horreeyey intaba.
Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku sugan yihiin duleedka degmada, iyaga oo halkaasi ka wada dhaq-dhaqaaqyo xoogan.
Maalmihii u dambeeyey Al-Shabaab ayaa culeys xoogan saaray deegaanada HirShabelle, gaar ahaan gobolka Sh/ Dhexe oo ay ku xoogajn yihiin deegaano ka tirsan gobolkaasi.
Muqdisho (Caasimada Online) – Militeriga dalka Uganda ee katirsan howlgalka AMISOM ayaa sheegay iney dileen 189 ka tirsan ururka Al-Shabaab kadib markii ay ku qaadeen weerar lama filaan ah, iyagoo ku shiraya xaafada Siigaale oo 100 KM kaga beegan Koonfur Bari caasimadda Muqdisho, kana tirsan gobolka Shabeellada Hoose.
Militeriga Uganda ayaa sheegay iney Shabaabka ku shirayeen meel howd ah, islamarkana ay burburiyeen gawaari Militeri oo kooxda ay leedahay iyagoo intaa ku daray in howlgallo kala duwan ay ka sameeyeen gobalka Shabeellada Hoose.
Waxay intaas ku dareen inay howlgallada kusoo xireen Laba taliye oo Al-Shabaab ka tirsan, kuwaas oo, sida ay sheegeen, lagu wareejiyay ciidamada dowladda Soomaaliya.
Afayeen u hadlay ciidamada Uganda oo lagu magacaabo Col. Deo Akiiki ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in wax khasaaro ah aysan gaarsiinin dad shacab ah balse ay dileen askar iyo xubno sar sare oo Al-Shabaab ka tirsan kadib markii ay ku weerareen hubka u dhaca daran doorig.
Sidoo kale wuxuu afayeenka xusay in iyaga wax khasaaro ah aysan soo gaarin, waxaana howlgalka ka qeyb qaatay Brig. Don Nabasa oo ahaa taliyaha ciidanka dhulka ee ciidmada Uganda.
Ma jirto ilo madax banaan oo cadeynaya sheegashada khasaaraha faraha badan ee Al-Shabaab ka soo gaaray weerarka ay ku qaadeen ciidamada Uganda.
Ciidamada Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ka socda Midowga Afrika (AMISOM) ayaa kaalin weyn horay uga qaatay in Al-Shabaab laga saaro magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku dhaw dhaw.
Xigasho: Wakaaladda wararka ee AP Waxaa Turjumay: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal) Gmail: [email protected]
Mas’uuliyiinta hayada u adeegta bulshada Soomaalida oo ka dhisan magaalada Ottawa ee dalka Canada ayaa sheegay in ay la fajaceen go’aan ay waax ka tirsan dowladda ugu diidday dhaqaale loogu talagalay, kaddib markii ay ku tilmaantay in Soomaalidu aysan ahayn madow sax ah, sida uu shaaciyay telefishinka CBC.
“Maanta xilligan uu adduunka marayo in wax noocaas oo kale ah lala kulmo waa arrin aad iyo aad iyo aad looga naxo,” ayuu yidhi Maxamuud Xaaji Aadan oo ka mid ah aasaaseyaasha hayadda Soomaalida caawisa ee dhaqaalaha loo diiday.
“Dadka go’aannadan ay kasoo baxeen ama waxay kasoo jeedaan duni kale ama kama tirsana bulshada madowga ah,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Waxay hayaddooda ka mid ahayd boqollaal hayadood oo dowladda Canada ay codsigooda dhaqaale ku gacan seyrtay maadaama ay kasoo bixi waayeen shuruudihii looga baahnaa.
Sidoo kale Agaasimaha hayaddan Soomaalida caawisa, Cabdirisaaq Karod, oo bartamihii sanadkii hore codsiga dhaqaalaha u gudbiyay xafiiska dowladda ee bixiya kharashka lagu hormariyo bulshooyinka madowga ah ee dalkaas, ayaa sheegay in uu marnaba aamini waayay jawaabta diidmada ah ee lagu soo celiyay iyo sababta loo cuskaday toona.
Lacagta ay dalbadeen ayuu sheegay in dadka lagu caawiyo loogu iibiyo qalabka shaqada – sida kumbuyuutarrada – sidoo kalena loogu fuliyo adeegyo kale oo aasaasi ah.
Cabdirisaaq Karod
“Waxaan helay email lagu dhahayo in hayaddeenna aysan ahayn mid ay madow hoggaamiyaan,” ayuu yidhi Karod. “Ma aanan rumeysanin wixii aan aqriyay. I rumeyso ilaa saddex jeer ayaan aqriyay warqadda.”
Wasiirka Arrimaha qoyska, Carruurta iyo Horumarka Bulshada ee dowladda Canada, Axmed Xuseen ayaa sheegay in warqadda hayadda Soomaalida ah loogu diiday dhaqaalaha qodobka loo sababeeyay uu yahay mid aan la aqbali karin.
“Warqaddii dhawaan ay dirtay waaxdeyda oo la gaarsiiyay hayadda ku guul darreysatay codsigeeda shaqaale raadinta ah waxay ahayd mid aan gabi ahaanba la aqbali karin,” ayuu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray Wasiirka, oo qudhiisa ku dhashay Soomaaliya.
Wuxuu intaas kusii daray: “Islamarkii warqaddaas la i tusayba, si deg deg ah ayaan u dalbaday in laga noqdo go’aankaas, waxaana la kulmay saraakiisheyda si aan ugala hadlo khadalka dhacay iyo sidii uu markii horeba ku yimid.”
This is progress. But what we’ve seen recently shows we have more work to do.
Let me be clear: the letter recently sent by my department to unsuccessful applicants for funding was completely unacceptable.
Laakiin hadalka kasoo baxay wasiirka ma aha mid ku filan daweynta dhaawaca dhankooda soo gaadhay, sida uu qabo Maxamuud Xaaji Aadan.
“Sidee bay waaxda dowladda ee magaceeda loo soo gaabiyo ESDC u hagaajin doontaa dhaawaca soo gaadhay xiriirkii ka dhaxeeyay iyada iyo bulshada madowga ah? Waxaa na heysta caqabado aad u badan iy dhibaatooyin badan. Kalsoonidii aan hannaanka dowladda ku qabtay dhaawac weyn ayaa gaadhay,” ayuu yidhi.
Bishii October ayey hadal heyn ballaaran ka dhalatay daraasad Soomaalida ku dartay bulshooyinka caddaanka ah.
Warbixin kasoo baxday Jaamacadda California ee dalka Mareykanka – oo ka mid ah xarumaha waxbarasho ee ugu waaweyn caalamka – ayaa bulshada soomaalida ah ku dartay liiska jinsiyadaha caddaanka ah.
“Jaamacadda California iyo dhammaan xarumaha waxbarasho ee ka qeyb qaata barnaamijyada samafalka ee ardayda ayaa codsaday in loo soo gudbiyo xog ku saabsan faraca jinsiyadeed ee ardayda dhigata waxbarashada ka sarreysa dugsiyada sare. Hase yeeshee xogta lagu qeexay ardaydaas waxay ka duwan tahay midda taariikhiga ah ee ay heyso Jaamacadda California, sababo la xidhiidha isbadalladii la sameeyay 2010-kii,” ayaa lagu yidhi qoraal ay jaamacadda ku daabacday boggeeda internet-ka.
Cilmibaadhistan waxaa la sheegay in lagu eegay lafta ku jirta madaxa dadka, taasoo dib loo tix raacay ilaa qarniyo hore.
Shan qeybood ayaa loo kala dhigay liiska asalka jinsiyadaha, sida ku cad warbixinta jaamacadda.
Mareyykanka Madow ama Kuwa Afrika
Mareykanka Hindiga ah ama dadka u dhashay Alaska
Reer Aasiya
Dadka la yiraahdo Pacific Islander ama muwaadiniinta Hawaii
Caddaan
Liiska Cadaanka waxaa sidoo kale ku jira Jabuuti, Suudaan, Masar iyo dalalka kale ee Carabta.
Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saaray xiisada doorashada dalka, oo ay ku muransan yihiin dowladda iyo mucaaridka oo iyagu qaadacay guddiga doorashada oo bilaabay qabashada doorasho hal dhinac ah oo aysan u dhameyn saamileyda siyaasada.
Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo maalmahan socday oo madaxda dowlad goboleeedyada ay la yeelanayeen wakiilada caalamka ayada oo lagu cadaadinayo inay heshiis buuxa ka galaan muranka ka taagan doorashada dalka.
Cali Guudlaawe oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho, ayaa kulamo kala duwan la qaadanayay beesha caalamka, kuwaasi oo la xiriirka xiisadii ka dhalatay doorashada maamulkaas iyo mashaariicda horumarineed ee HirShabeelle.
Kulanka Guudlaawe iyo danjire Staffing Tillander ayaa sidoo kale looga hadlay xiisada maamulka HirShabeelle, xal u helida fatahaadaha sida; dayactirka Biyo xireenka, dib u heshiinta, hirgelinta mashaariicda muhiimka ee maamulkaas.
Labada mas’uul ayaa isla qaatay muhiimada ay leedahay ka hortaga fatahaada wabiga Shabeelle oo sanad walba ku fataha deegaano badan oo maamulkaas, midaasi oo saameyn xoogan ku yeesha dadka deegaankaas.
Deegaano badan oo ka tirsan maamulka HirShabeelle ayaa waxa saameyn dhibaato xoogan ku haya fatahaadaha wabiga HirShabeelle oo sanad walba fatahaad hor leh ka sameeya deeganada, waana arrinta u weyn ee uu Guudlaawe kala hadlo saaxiibada caalamka.