25 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Ergayga Mareykanka ee Geeska Afrika oo is-casilaya

Washington (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Jeffrey Feltman ayaa bishan xilka ka tagaya, kadib muddo 9 bilood ah oo uu xilkaasi hayay, waxaana xilkaas la wareegaya David Satterfield oo ah safiirka Maraykanka u fadhiya Turkiga, sida ay qortay wadaaladda wararka Reuters.

Feltman, oo ah diblomaasi ruug-cadaa ah ayaa xilka la wareegay bishii April, waxuuna si degdeg ah ula kulmay laba xasarood oo waaweyn oo kala ahaa dagaal sokeeye ee ka socda Itoobiya oo u dhexeeya ciidamada Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF) iyo ciidanka federaalka ee Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed iyo sidoo kale afgambi militari oo ka dhacay dalka Suudaan, bishii Oktoobar.

Warka shaqo ka tagistiisa oo aan horay loo sheegin ayaa soo baxay ka hor inta uusan Khamiista aadin dalka Itoobiya, si uu ula kulmo madaxda sare ee dowladda, waxaana safarkiisu ku saabsan yahay wadahadallo nabadeed oo qeyb ka ah dadaalladii ugu dambeeyay ee Washington ay ku doonayso in lagu soo afjaro colaadda.

Feltman, oo 62 jir ah, ayaa sheegay in “dareenkiisa xilkasnimo” uu siinayo inuu ka fariisto shaqada diblomaasiyadeed, isla markaana uu noqdo howlgab, kadib in ka badan 25 sano oo uu ahaa diblumaasi Maraykan ah oo ka shaqeeyay Qaramada Midoobay, Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa diiday inay ka hadasho shaqo ka tagista Feltman.

Satterfield, oo ah ruug-caddaa ka tirsan Arrimaha Dibadda Maraykanka oo leh in ka badan afartan sano oo waayo-aragnimo ah, ayaa soo maray jago adag oo ah safiirka Maraykanka ee Turkiga, halkaas oo uu isku hayay xiriirka laba geesoodka ahaa ee u dhexeeya labada dal ee ka wada tirsan xulafada NATO.

Ka hor Ankara, waxa uu ka soo shaqeeyay Saudi Arabia, Lebanon, Tunisia iyo Syria, iyo dalal kale, wuxuuna laba jeer ka soo noqday dublamaasigii ugu sareeyay ee Maraykanka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Bariga Dhexe oo uu ku sime ka ahaa.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Mareykanka oo yareeyey duqeymihii Somalia + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerarada duqeymaha ee Mareykanka uu ka geysan jiray dalalka Soomaaliya, Suuriya, Afghanistan, Ciraaq iyo Yemen ayaa si weyn hoos ugu dhacay sanadkii ugu horeeyay ee madaxweyne Biden.

Warbixin ay soo saartay hay’adda lagu magacaabo Airwars ayaa lagu sheegay in 54% ay hoos u dhaceen duqeymaha Mareykanka uu ka fulin jiaray dalalkaas, marka loo eego sanadkii 2020-ka.

Madaxweyne Joe Biden ayaa isbeddel ballaaran ku sameeyay weerarada cirka ee uu Mareykanka kula dagaalamayo kooxaha xagjiriinta, kadib markii hay’addaha u doodda xuquuqda Aadanaha ay walaac ka muujiyeen khasaaraha dadka rayidka ah.

Waxaa la rumeysan yahay in duqeymaha Mareykanka ay kaalin muhiim ah ka ciyaari jireen beegsiga argagixisada iyo la dagaalanka ay kula jiraan dowladaha ay ku gacan siin jireen weerarada cirka.

Soomaaliya waxaa ugu dambeysay duqeyn uu Mareykanka ka geysto bishii August ee sannadkii hore, waxayna ahayd markii uu duqeeyay saldhig kooxda Al-Shabaab ku lahaayen tuulada Camaara ee koonfurta Mudug.

Duqeyntii u dambeysay ee Mareykanka ayaa ku soo aaday xilli ay deegaankaas ka wadeen ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Galmudug guluf ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, oo dagaal adag kula jirta.

Si kastaba, duqeymaha uu Mareykanka sanadkii dhamaaday ee 2021 ka fuliyay dalalkaas ayaa noqonaysa tiradii ugu hooseysay ee duqeymaha Mareykanka tan iyo sannadkii 2004.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xukuumadda oo war kasoo saartay shirkii maanta ee Golaha Wadatashiga Qaran

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhexeeyo ra’iisul wasaaraha, madax goboleedyada dalka iyo duqa magaalada Muqdisho, kaasi oo galay maalintii saddexaad oo xiriir ah.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa goordhoweyd ka warbixiyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, asaga oo sheegay in madaxda ay maanta la kulmeen qeybo kamid ah bulshada rayidka ah iyo haweenka.

“Shirka labo qeyb ayuu ahaa gelinkii hore waxay madaxda Golaha Wadatashiga Qaran kulan la qaateen ururada bulshada rayidka oo ay ka dhageysteen talooyin la xiriira gaabis ka jira doorashooyinka iyo sida lagu sixi karo, markii ay kulamadaas dhameysteen waxa uu golaha u ballan-qaaday inay tixgelin doonaan soo jeedintooda,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ay ka wada-hadleen arrimaha amniga, doorashooyinka, oo si aad ah oo qoto dheer looga hadlay hufnaanteeda iyo jadwaladeynteeda.

“Madaxda markay dhageysteen qeybihii kala duwanaa ee bulshada, tallooyinkii ay soo aruuriyeen ayey si saraaxad leh u gorfeynayaan. Waxaana shirka ka muuqday is afgarad.”

Waxa uu intaas kusii daray in maalmaha soo socda lasoo gabagabeyn doono shirka, asaga oo Golaha uu mudeyn doono waqtiga la dhameynayo doorashooyinka dalka oo dhowr jeer uu dib u dhac ku yimid.

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa intii uu socday shirkooda waxay kulamo kala duwan la qaateen qeybaha kala duwan ee bulshada, Beesha caalamka iyo Midowga Musharaxiinta, waxayna dhamaantood u gudbiyeen tallooyin ku aadan doorashada iyo hufnaanteeda, kuwaasi oo qaarkood sida muuqata laga gaaray is-afgarad.

Si kastaba, shirka u dhexeeyo ra’iisul wasaaraha, madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah oo aad loogu baahna, islamarkaana ay taagan tahay xiisad u dhexeyso madaxweynihii hore Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Roooble.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wararkii ugu dambeeyay baarista afgambigii 27-ka December iyo guddiga oo maanta tallaabo qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddigii uu dhawaan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay inay baaris dhab ah ku sameeyan ciddii ku lugta laheyd af-gambigii fashilmay ee 27-kii December 2021 ayaa maanta la kulmay Taliyaha ilaalada Madaxtooyada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Guddiga ayaa waxay Taliyaha ilaalada Madaxtooyada, Korneyl Xasan Dhicis su’aalo ka weydiiyen baaritaankooda la xiriira afgambigii lagu qaaday hay’addaha dastuuriga ee dalka.

Sidoo kale waxay guddiga su’aalo weydiiyen saraakiil kale oo ka tirsan Guutada 77-aad ee ilaalada Madaxtooyada.

Kulanka wareysiga ah ee la xiriiray baaristii loo xil saaray guddiga ayaa waxa uu goordhoweyd ka dhacay xarunta wasaaradda warfaafinta, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Guddiga ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waday su’aalo weydiin iyo xog uruurin ku aadan dhacdadii 27 December ka dhacday gudaha Madaxtooyada, taasi oo la fahamsan yahay in uu ka dambeeyay madaxweynihii hore Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Guddiga baarista afgambigii fashilmay ayaa waxa uu Ra’iisul Wasaaraha uu magacaabay 1-dii bishaan, ayada oo magacaabistood u cuskaday go’aan ay si wada-jir ah u gaareen golaha wasiirada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hore u faray xubnaha guddigaan inay baaristooda ku soo gaba-gabeeyaan muddo todobaad ah, taasi oo ka bilaabaneysa maalintii la magacaabay oo ay kasoo wareegtay afar maalmood.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Guddoomiyihii is-casilay ee gudiga doorashada Puntland oo shaaciyey arrimo qarsanaa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii guddiga doorashada Puntland, Guuleed Saalax Barre oo dhawaan iska casilay xilkaas ayaa maanta shaaciyey in doorashada qof iyo cod ee Puntland ay ku gadaaman yihiin caqabado hor leh.

Waxa uu sheegay in dhaqaalihii loo qoondeeyay guddiga uu maamulka iska diiday, ayada oo illaa hadda aan la dhaarin golaha deegaanka cusub ee maamulkaas uu ku tijaabiyay doorashada qof iyo cod ee qaar kamid ah deegaanada maamulkaas.

“Labadaas sano iyo barkaas qeylo ayaa ku jirnay waa daalnay. Suurta-gal maaha dadkii la doortay ee xeerka iyo nidaamka qorayaan in waqti go’an lagu fariisiyo illaa maanta ay banaanka wareegayaan, sidee umadda uga gadi karaa qeybtii kale ayaa la galayaa,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in madaxweyne Deni isku fahmi waayeen qaabka loo maareynayo doorashooyinka, isaga oo ka gaabsaday in uu si faah-faahsan uga hadlo qoddobada ay isku qabteen madaxweynaha.

“Siddee suurta-gal u tahay in aan sii wadno barnaamijka (doorashada) ayada oo hay’adihii cadaalada aysan jirin. Maal-gelinta barnaamijka oo intaas ka qeylinaynay in la yiraahdo guddiyo orda dhaqaale raadsada oo aan la’nahay wixii dhaqaale noogu jiray miisaaniyada.”

Waxa uu intaas kusii daray in maamulka Puntland ee uu hogaamiyo Saciid Deni uusan hagran maamulka guddiga ee ayaga ka dambeeyay, maadama sababaha ay isku casileen guddoomiyihii iyo ku-xigeenkiisa ay ahaayeen caqabado iyo cago jiid uga yimid madaxda maamulka.

Puntland ayaa hore ugu faantay doorashada qof iyo cod oo si hordhac ah uga qabsoomtay deegaano kamid ah maamulkeeda, haddana waxaa soo baxaya sida hogaanka sare uga gaabiyay in uu si rasmi ah u taabo-geliyo doorashadaas, ayada oo madaxdii u sareysay guddiga doorashada ay baneeyen jagooyinkii, kadib markii uu waxba la wadi waayay maamulka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalkii Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyaha caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb oo ay hareera joogaan saraakiisha ciidamada amniga ayaa markii u horeysay ka hadlay dagaalkii shalay ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dhex-maray caasimada maamulkaas.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Geeda Qoroow ayaa shaaciyey inay heshiis kala dhex dhigeen ciidamadii Gorgor iyo kuwa booliska ee shalay iska hor-imaadka uu ku dhex-maray magaalada Dhuusamareeb.

“Ciidamada booliska oo howl-gal ku jira ayay isku dhaceen kuwo ka tirsan Ciidamada Kumaandooska Gorgor, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray in dagaalkii shalay ay ku dhimatay Haweeney ay rasaasta ugu tagtay gurigeeda, halka ay ku dhaawacmeen labo kamid ah askartii dagaalantay iyo burbur soo gaaray gaadiidka ay rasaasta haleeshay.

Guddoomiyaha caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa ugu dambeyntiina sheegay in baaritaanka kiiska dagaal ee shalay ay u xil saareen maxkamadda ciidamada.

Dagaalka shalay ayaa yimid kadib markii askar ka tirsan ciidanka Gorgor ay weerareen saldhigga booliska ee magaalada, halkaas oo lagu xiray askari ka tirsanaa oo la soo qabtay isagoo cabsan, sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo dhowr ah.

Waxa uu ku soo aadaya iska hor-imaadka dagaal ee u dhaxeeyay ciidamada Gorgor iyo kuwa booliska, xilli ay maalmihii dambe ciidamada Gorgor ay wajahayeen eedeymo la xiriira khal-khal gelin amni.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

DF oo halis ugu jirta in lagala wareego maamulka hawada dalka kadib tallaabo ay qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog aan ka helay Hay’adda duulista rayidka ah ee Soomaliyeed (Somali Civil Aviation Authority) ayaa sheegaya in maamulka hay’adda ay isku dayayaan sare uqaadida adeegga hawada sare (Airspace Upgrade From Class G to A).  

Isku dayga sare uqaadida adeegga hawada sare ayaa ku soo aaday, iyadoo ay hay’addaha caalamiga eh ee International Civil Aviation Authority (ICAO) iyo International Air Transport Association (IATA) ay ka muujiyeen walaac dhanka badqabka duulimaadka hawada sare (Safety Concerns), taasoo ka dhalatey digniin ah in gabi ahaanba la faray hay’adda duulimaadka rayidka ah ee Soomaaliyeed iney sida ugu dhaqsiyaha badan ku joojiyaan ayna qaataan tallooyinka loo soo jeedinayo, maadaama ay arrintani tahay caqabad dhanka duulimaadka hawada sare ku ah. 

Warbixin dheer oo ay soo saartey ICAO oo ah hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha duulimaadka caalamiga 16-kii bishii December 2021 ayay ku boorisey madaxda maamulka sare ee Somali Civil Aviation Authority in isku dayga sare u qaadida ay ka dhalan doonto walaac weyn oo dhanka badqabka ah, taasoo ah in gabi ahaanba la xiri doono maritaanka hawada sare ee Soomaaliya. 

Warbixintaas dheer kadib, hay’adda IATA ayaa 23 December 2021 sidoo kale u sheegtey Hay’adda Duulista Soomaaliya inay dib udhigaan qorshahan isla markaana ay gabi ahaanba ka saaraan documents ka qaldan ee lagu faafiyey (NOTAM A0123/21). 

Waxaa hore u jirey qorshe sanadkii 2017 shir ka dhacay magaalada Mumbai ee dalka India lagu qorsheeyay in hawada sare ee Soomaaliya lagu wareejiyo dawlado kale ama shirkado gaar ah, hase yeeshee ay fashilmeen.

Arrintan ayaa keeneysa in qorshihi hore ee fashilmey dib loo soo cusbooneysiiyo, iyadoo lagu sababeynayo sare u qaadida adeegga hawada sare, isla markaana ay ka dhalan doonto in ICAO dib ula wareegto maamulka hawada Soomaaliya , taasoo hore looga soo celiyey 28 December 2017.  

6 January 2022 oo ku beegan maalinta berri ayaa la filayaa in uu dhaco Shir aalada foggaan araga ah oo ay soo qaban qaabisey hay’addaha duulimaadka caalamiga ee u qaabilsan Qaramada Midoobey oo loo soo gaabiyo ICAO iyo IATA taasoo lagu martiqaadey ICAO Regional Offices, ICAO headquarter (Montreal, Canada), Air Navigation Bureau,  iyo Airlines-ka. Waxay shirkan la yeelanayaan Maamulka sare ee Somali Civil Aviation Authority (SCAA) si ay ugu sharaxaan sababaha dhaliyey iney hay’adda, iyadoo aysan u diyaarsaneyn ay dedejiyaan qorshahan (airspace upgrade ka).

Waxaa la filayaa 6 January 2022 wixii ka dambeeya in ICAO ay go’aan ka qaadan doonto gabi ahaanba maamulka hawada Soomaaliya.

W/Q: Cabdicasiis Golf

Qorshaha laga leeyahay dalacsiinta uu wado Farmaajo

0

Muqdisho ( Caasimada Onine) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu si joogto ah u qeybinayaa darajooyinka ugu sareeya Dalka. Saraakiisha waxay sheegayaan inuu yahay hoggaamiyihii ugu badnaa ee bixiya darajooyinka sare ee ciidanka, iyadoo si weyn loo bootinayo Askar dhawaan gal ah, balse u dhago fudud amarada madaxda.

Habka loo xulanayo saraakiisha dalaceysa ayaa sidoo kale si weyn loogu dhaliilay nidaamka Farmaajo. Madaxweynaha waxaa lagu eedeeyey inuu dalacsiinta u fiiriyo dantiisa gaarka ah, balse uusan qiimeyn shaqada uu sarkaalkaas u hayo dalka.

“Wuxuu noqday madaxweynihii ugu badnaa ee darajada Gaashaanle Sare gaarsiiya saraakiil aan waligood hal kaarto oo dagaal aan curin, furin dagaal tagin, aragti Amni curin, oo ciidanka aan muddo badan ku jirin,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Booliska Soomaaliya oo ka gadoodsan sida nidaamka Farmaajo ugu xad gudbayo darajooyinka ciidanka Soomaaliya.

Haddaba arrinta miiska saaran waxay tahay, maxaa ka dhallan kara tallaabooyinka madaxweynaha ee dhinaca dalacsiinta aan la waafajineyn nidaamka iyo sharciyada ciidanka?

Saraakiisha aan la hadalnay waxay qabaan seddex arrimod oo waaweyn:

1 – Qiimo dhac darajo

Xubnaha aan la hadalnay waxay leeyihiin, marka aad ogtahay sida been ah ee sarkaalkaan darajada ku qaatay, waxaa kugu adkaaneysa inaad adeecdo oo aad amarkiisa qaadato, waxaa kaloo imaan doonta in aysan askarta juhdi badan ku bixin inay darajo sare helaan, maadaama ay darajada noqotay wax dhib la’aan la iska helo.

Halkaas darajada waa ku qiima beeshay ayey leeyihiin saraakiishu .

2- Niyad jab

Askar badan waxay xoogga saari jireen inay horumar ka gaaraan shaqada ciidanka, waxay soo bandhigi jireen dadaal dheeri ah, hal abuur amni iyo daacadnimo shaqo si ay u dalacaan, laakiin hadda waxay u jeedaan inay darajada sare ku xiran tahay inay madaxda sare raali geliyaan.

Taasi waxay keeneysaa inay askarta ka niyad jabaan dadaalkii shaqada, maadaama aan sidaas lagu siineyn dalacaad.

Waxayna sidoo kale tani saameyn xoog leh ku yeelatay, shaqada amniga Qaranka.

3 – Ku laabasho

Sida madaxweyne Farmaajo u karaamo tiray darajooyinka ciidanka, waxay keeneysaa ayey leeyihiin saraakiishu in laga fakaro xeer sheegaya sida lagu dalici karo ama ay ku imaan karto dalacaadu.

Sidoo kale waxaa qasab noqon doonta in dhammaan dib loogu laabto oo loo qiimeeyo darajooyinkii la bixiyey intii uu Farmaajo joogay xafiiska, maadaama aan lagu saleyn shaqo amni, aqoon ciidanimo ama danta amniga qaranka.

Madaxweyne Farmaajo tan iyo markii uu ka dhammaaday muddo xileedkiisa sharciga ah 8-dii February ee sanadkii lasoo dhaafay, wuxuu dalacsiiyey saraakiil tiro badan, kuwana wuxuu ka qaaday darajooyinkii ciidanimada markii ay danihiisa gaarka ah ka hor yimaadeen.

Wararkii ugu dambeeyey SHIRKA Muqdisho oo galay maalintii sadexaad + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka socda shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhexeeyo ra’iisul wasaaraha madax goboleedyada dalka iyo duqa Muqdisho, kaas oo galay maalintii saddexaad oo xiriir ah.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda cakiran ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka, waxaana maanta ku biiray bulshada rayidka ah iyo haweenka.

Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in ururada bulshada rayidka ah shirka looga dhageystay talooyinkooda ku aaddan doorashada dalka.

Sidoo kale haweenka ayaa iyaguna Golaha Wadatashiga Qaran u gudbiyey inay muhiim tahay ilaalinta qoondada haweenka ee 30% ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

“Golaha Wadatashiga Qaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay wakiillo ka socda Bulshada Rayidka ah iyo haweenka Soomaaliyeed  oo ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka, iyagoo ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan hufnaanta doorashada iyo xaqiijinta qoondada haweenka ee Golaha Shacabka,” ayaa lagu yiri qoraalka ra’iisul wasaare Rooble.

Wadatashiga socda ayaa ah mid ballaaran, waxaana shalay ku biiray xubnaha wakiilada beesha caalamka oo lagala hadlay taageeradooda ku aadan doorashooyinka.

Waxaa kale oo shirka ka qeyb-galay xubnaha musharixiinta mucaaradka oo miiska saaray tabashadooda, sidoo kalena soo bandhigay sida loo sixi karo qaladaadka doorashada.

Si kastaba, shirka u dhexeeyo ra’iisul wasaaraha, madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa ku soo aaday, xilli xasaasi ah oo loogu baahnaa, isla-markaana ay taagan tahay xiisad u dhexeyso madaxweynihii hore Farmaajo & ra’iisul wasaare Roooble.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Guddoomiye xisbi oo maanta looga yeeray xarunta dambi baarista ee CID + Sababta

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Wadani ee Somaliland, Xirsi Cali Xaaji ayaa maanta looga yeeray xarunta dambi baarista CID ee Hargeysa, isaga oo marka uu tegay su’aallo dheeraad ah lagu weydiiyey halkaasi.

Xiris Cali ayaa waxaa la socday marka uu tegayey xarunta dambi baarista musharraxa madaxweynaha ee xisbiga Cabdiraxmaan Cirro iyo xildibaan Barkhad Baatuun.

Wararka ayaa sheegaya in guddoomiyaha su’aallo laga weydiiyey shirkii jaraa’id ee uu dhowaan qabtay, kaas oo uu ku eedeyey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online arrinta ugu weyn ee Xirsi Cali Xaaji loo heesto ayaa ah hadalkii uu sheegay ee ahaa in Muuse Biixi uu heesto baasaboorka dalka Jabuuti.

Illaa iyo hadda saraakiisha Somaliland iyo xukuumaddaba kama hadlin arrintan iyo eedeymaha loo jeedinayo guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadani.

Dhinaca kale mas’uuliyiinta xisbiga oo ka hadlay dhacdadan ayaa eedeyn culus u jeediyey xukuumadda, waxayna sheegeen inay wado caburin ka dhan siyaasiyiinta kasoo horjeedo.

Arrintan ayaa sidoo kale dhalisay hadal heyn, waxaana sidoo kale magaalada Hargeysa isugu soo baxay qaar ka mid ah taageerayaasha xisbiga Wadani ee ka dhisan Somaliland.

Si kastaba, Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa bishii Novembar ee sanadkii dhammaaday ee 2021-kii loo doortay guddoomiyaha xisbiga Waddani oo uu loolan kala dhexeeyo xisbiga Kulmiye.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Qodob xasaasi ah oo la isku mari la’yahay shirka Rooble iyo madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa lagu wadaa in maanta uu galo maalintii saddexaad, ayada oo uu horyaallo qodob ay adag tahay in heshiis laga gaaro oo la xiriira amniga.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, qodobkan ayaa ah in Ra’iisu Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu doonayo in shirka isku raaco in amniga dalka si buuxda loogu soo wareejiyo, haddii aanay taas dhicinna aanay dalka doorasho hufan ka dhici karin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaan arrintan marnaba qorshuhu ugu jirin, hase yeeshee wuxuu yimid kadib isku daygii fashilmay ee 27-ka December lagu qabsan lahaa xafiisiisa, taasi oo uu ku qeexay “afgambi,” kuna eedeeyey madaxweyne Farmaajo.

Rooble ayaa waxaa sidoo kale arrintan ku cadaadinaya Midowga Musharaxiinta oo rumeysan in Farmaajo oo gacanta ku haya awoodda amniga iyo ciidanka dalka aysan dhici karin doorasho hufan.

Qoraal ay shalay soo saareen Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa ku jiray laba qodob oo la xiriira amniga, waxaana lagu yiri “Waa in Ra’iisul Wasaaraha iyo golaha wasiirada ay si buuxda masuul uga noqdaan amniga dalka, madaxweynihii horena uu ku ekaado murashaxnimadiisa. 2- Sida uu dhigayo dastuurka KMG ah, waa in Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumadiisa ay xaqiijiyaan in ciidanka laga dhex saaro arrimaha siyaasadda.”

Farmaajo ayaa horey Rooble ugu wareejiyey amniga doorashada, base taas wax weyn ma beddelin, waxaana weli hay’adaha amniga si buuxda gacanta ugu hayo Farmaajo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa rumeysan in haddii ay Golaha Wadatashiga Qaran ay qodobkan isku raacaan shuruudna uga dhigaan dhameystirka doorashada inay hoggaamin karto in beesha caalamka ay cadaadis ku saarto Farmaajo inuu sidaas sameeyo, inkasta ay u badan tahay in Farmaajo uusan marnaba taas aqbali doonin.

Rooble ayaa qorsheynaya in haddii uu amniga gacanta ku dhigo inuu beddelo dhammaan taliyayaasha ciidamada dalka, si uu awoodda dalka si buuxda gacanta ugu dhigo.

Si kastaba, qodobkan ayaa waxaa aad uga soo horjeestay Axmed Qoor Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen oo ku xiran Farmaajo, waxaana ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia ay inoo xaqiijiyeen inaysan marnaba aqbali doonin.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Daawo: Koox mucaarad ah oo qabsatay markab militari oo ay leeyihiin Imaaraadka

Sanca (Caasimada Online) – Kooxda Xuuityiinta ee dalka Yemen ayaa shaaca ka qaaday inay qabsadeen markab militari oo ay leeyihiin Imaaraadka Carabta, kaasi oo Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ay sheegeen inuu siday sahay caafimaad.

Xuutiyiinta ayaa sii daayey sawirro ay sheegeen inay muujinayaan markabka iyo agab saaran oo ay ka mid yihiin baabuur militari iyo hub tiro badan. 

Markaba, oo lagu magacaabo Rwabee, ayaa sida ay sheegeen lagu Badda Cas ee Yemen. 

Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ayaa tallaabadan ku qeexay burcad badeednimo, waxayna ku hanjabeen inay xoog dib ugu soo qabsan doonaan.

“Markaba Rwabee wuxuu kasoo laabtay Jasiiradda Soqadra, oo uu u tegay howlgal lagu dhisayo isbitaal, wuxuuna ku socday magaalada Jizan ee Sacuudi Carabiya,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxaya Xulufada. 

“Maleeshiyada waa inay deg deg usii daayaan markabka, ama Xulufada waxay qaadi doonaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah, si ay ula tacaalaan xadgudubkan, oo ay ku jirto adeegsiga awood,” waxaa sidaas yiri afhayeenka xulufada, Turki al-Malki.

Hase yeeshee, Xuutiyiinta ayaa ka digay inuu jiri doono cawaaqib xooggaan, haddii la beegsado markabka. 

Dhacdadan ayaa timid ayada oo toddobaadyadii tegay uu aad u xoogeystay dagaalka Yemen, halkaas oo Sacuudiga ay si xooggan u duqeynayaan dhulka ay haystaan Xuutiyiinta, halka mucaaradkan ku xiran Iran ay ayagana sare u qaadeen weerarada loo adeegsado diyaaradaha Drone-ka ee ay ka fulinayaan boqortooyada. 

Imaaraadka Carabya ayaan weli ka hadal markabka laga qabsaday.

Sarkaal Mareykan ah oo ku sugan gobolka ayaa sheegay in markabkan uu yahay kii ugu horreeyey ee ay qabsadaan Xuutiyiinta tan iyo daba-yaaqadii 2019.

Ma saxan yahay qorshaha laga damacsan yahay NISA ee garoonka Aadan Cadde?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa dhowaan ka dalbaday hay’adda NISA inay garoonka Muqdisho kala baxdo ciidanka ka joogo.

Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa markii dambe sheegay in amarkaas uusan khuseynin ciidanka hay’adda nabad sugidda ka tirsan ee ilaaliya baraha koontaroolka ee laga galo garoonka, balse uu taabanayo kaliya dhar cadka.

NISA ayaa xafiis ku leh garoonka gudihiisa, kaasoo ujeeddadiisu ay markii ugu horreysay ahayd in loo adeegsado howlaha amniga ee ay halkaas ka waddo hay’addu.

Hase yeeshee, eedeyn ay jeediyaan dadka qaar ayaa sheegeysa in saameynta NISA ee garoonka ay noqotay mid ka tallowsan howlaha amniga, taasi oo la sheegay inay sabab u noqotay go’aankii uu wasiirka Amniga, Cabdullaahi Maxamed Nuur ugu amray taliyaha NISA, Yaasiin Cabdullaahi Fareey, inuu ciidamada NISA gebi ahaanba ka saaro garoonka.

Haddaba sax ma tahay in NISA laga wareejiyo amniga garoonka?

Xuseen Macallin Maxamuud, oo ah la-taliyihii hore ee dhinaca amniga u qaabilsanaa madaxweyne Farmaajo, ayaa wareysi uu siiyey BBC-da u sheegay in aysan khasab ahayn joogitaanka NISA ee garoonka, amnigiisana ay tahay shaqada booliska balse xafiiskooda uu ahaan karo mid ku yaalla meesha oo qaabilsan shaqooyinkii u cayinnaa sirdoonka.

“NISA xafiis way ku leeyihiin garoonka, xitaa haddii ay xilka wareejiyaan xafiis ku lahaanshuhu waa wax meesha ku jiri kara. Waa sax in booliska oo shaqada ku jira ay iyaguna kaabe u ahaadaan oo ay ka caawiyaan wixii xog ah oo ay hayaan,” ayuu yiri.

Xuseen ayaa sheegay xilli horeba uu qorshuhu ahaa sidii ciidanka booliska loogu wareejin lahaa amniga garoonka.

“Mar walba in laga maarmo ayay ahayd. Xilligii aan anigu shaqeynayay waxaan u arkayay sababta ay weli u joogeen inay ahayd go’aan ku xirnaa madaxda NISA oo diidayay inay gacantooda ka bixiyaan awood ay heysteen.”

Waxa uu carrabka ku dhuftay waxyaabaha ugu muhiimsan ee keeni kara in NISA ay aad u daneyso gacan ku heynta maamulka garoonka Aadan Cabdulle.

“Garoonkan waa meesha ugu xasaasisan ee dalku uu leeyahay. Waxa uu xarun u yahay safaaradihii ajaanibta oo dhan, waxa uu xarun u yahay saldhigga AMISOM, waa meesha dalka laga soo galo oo diyaaradaha ugu waaweyn ee caalamiga ah ay imaadaan.

“Waa meel doorashooyinkii lagu qabanayo oo ilaa madaxweyneyaasha lagu doorto, waa meel dadka siyaasadda is-diiddan kala aaminsan ay ka dhoofaan kana soo dagaan, oo la rabo in lagu caburiyo ama lagu fududeysto.

“Waa meel haddii aad yeelato awood aan xad lahayn aad soo degsan karto waxa aad rabto, haddey noqon lahayd waxyaabo sharci darro ah ama lacagaha doorashooyinka iyo wax walba,” ayuu yiri Xuseen Macallin Maxamuud.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Cosoble oo fariin u diray Rooble, ka hor qorshaha lagu wajahayo Beledweyne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullahi Cosoble oo war cusub soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda kacsanaanta ah ee haatan ka jirta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka.

Cali Cosoble ayaa marka hore ka digay qorshaha socda ee ku aadan in Beledweyne laga wareejiyo doorashada Golaha Shacabka oo ay haatan ka taagan tahay dood xoogan.

Sidoo kale wuxuu farriin toos ah ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu ugu baaqay in uusan uga sii darin xaaladda taagan, gaar ahaan tabashada reer Hiiraan.

“Raiisulwasare yaan lagugu indha sarcaadinin beenta iyo dulmiga lala wareegayo. Haddaad oggolaato in B/weyne laga wareejiyo doorashada ogow waxaad Hiiraan ka gashay godob taariikhda geli doonta,” ayii ku yiri qoraal uu soo dhigay Facebookiisa Cali Cosoble.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Mas’uuliyiinta Hirshabeelle iyo saraakiishii ka mid aheyd ciidamadii la magac baxay Badbaado Qaran ee isugu tagay magaalada B/weyne wexey leeyihiin hal ujeeddo in doorashada laga wareejiyo B/weyne oo la geeyo Jowhar. Si ay ugu suurto gashana wexey abaabulayaan rabshado ay ku kicinayaan shacabka magaalada,”.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa sidoo kale soo hadal qaaday dooda socota ee ah in doorashada lagu soo koobo hal deegaan doorasho, isaga oo ka horyimid qodobkaasi.

“Dib u socod dooni meyno. Hal degaan doorashana dooni meyno,” ayuu markale qoraalka ku yiri Cali Cosoble.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan ay kasii dartay xiisadda ka taagan degmada Beledweyne, waxaana sidoo kale gudaha magaalada Muqdsho ka socda shir looga hadlayo xaaladaha taagan iyo doorashada, kaas oo la filayo in laga soo saaro go’aano xasaasi ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Farmaajo iyo ROOBLE: Laba nin oo dagaashan ma isku wareeji karaan amniga dalka?

0

Muqdisho ( Caasimada Online) – Mid kamid ah doodaha ugu culus ee maalmahaan miiska saaran waa in Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble lagu wareejiyo Amniga Dalka. Sida uu dhigayo qodobka 90-aad xarafkiisa B ee Dastuurka Soomaaliya, madaxweynuhu waa taliyaha guud ee ciidanka qalabka sida.

11 bilood ayaa laga joogaa markii muddo xileedkiisa sharciga ah uu dhammaaday Farmaajo, wuxuuna mudadaas dalka wajahay xiisado kala duwan.

Inkastoo uusan jirin qodob dastuuri ah oo sheegaya cidda lagu wareejinayo amniga haddii madaxweynaha waqtiga ka dhammaado, haddana waxaa jirta soo jeedin xoogeeda ka imaaneysa xubno kamid ah midowga musharixiinta mucaaradka iyo hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni, kuwaas oo Rooble ku cadaadinaya inuu dalbado in amniga dalka lagu wareejiyo.

Farmaajo iyo Rooble hadda waa isku dhacsan yihiin, dhawaan Ra’isul wasaaruhu wuxuu ku amray  ciidanka inay isaga ka amar qaataan, soo jeedintaas iyo qodobka 90-aad xarafkiisa B ee dastuurka Soomaaliya, isma waafaqi karaan.

Labada Nin hadda xaalkooda waa kacsan yahay, haddaba dooda dhinacyada qaar ee ah Farmaajo amniga haku wareejiyo Rooble waxaa ka hor imaaneysa dooda ah laba Nin oo darirsan amniga ma isku wareejin karaan?

Sidee Farmaaj loogu qanci karaa nin aad dagaashan tihiin amniga ku wareeji? Haddii aad adiga isaga aamini weyso, sidee isagu kugu aaminayaa? iyo dood kale oo maangal ah ayaa ku hor gudban codsiga sheegaya in Farmaajo amniga ku wareejiyo Rooble.

Inkastoo Farmaajo dhowr jeer qaaday tallaabooyin Militari oo si weyn u dhaawacay dowladnimada Soomaaliya iyo shakhsiyadiisa, haddana waxaa muuqata in qodobka amni wareejintu uu wax walba ka culus yahay.

Labada Nin ee Farmaajo iyo Rooble labadaba ciidamo ayaa hadda ugu jira gudaha xarumahooda, wax aaminaad ah oo dhexdooda ah ma jiraan hadda, laba Nin oo sidaas ah amni iskuma wareejin karaan ee gacan sedexaad mala heli karaa ayey dad badan is waydiinayaan?.

AMISOM ayaa joogta Soomaaliya taasoo illaa sanadkii 2007 waardiye xooggan ka aheyd dowladnimada Soomaaliya, haddii ay dhinacyadu is aamini waayaan AMISOM waxay noqon kartaa dooq furan ayey talooyinka qaar sheegayaan, laakiin dhanka kooxda Farmaajo uma badna inay aqbalayaan inay ka tanaasulaan amar siinta ciidanka.

Sharci yaqaanada qaar waxay leeyihiin markii madaxweynaha la doorto waxaa ugu horeeya ee lagu wareejiyo waa amniga Dalka, sidaas darteed Farmaajo waxa ugu horeeyo  ee uu ku wareejin doono qofka badalayo waa amniga, wuxuuna ku qasban yahay inuu sugo illaa dhammaadka doorashada.

Muqdisho hadda waxaa ka socda shir u dhaxeeya Shanta maamul goboleed, Gobolka Banaadir iyo ra’isulwasaaraha, Rooble waxaa lagu cadaadinayaa inuu qodobka amniga ka dhigo mid kamid ah ajandayaasha kulanka, laakiin waxaa la fahamsan yahay inaysan maamulada qaar diyaar u aheyn in arrintaas laga dhigo ajande quseeya golaha.

Kal hore Farmaajo wuxuu amniga doorashada ku wareejiyey ra’isuwlasaaraha, laakiin ma wareejin amniga Dalka, Rooble waxaa u banaan inuu dhiso ciidan si gaar ah u suga amniga doorashada oo uu ka dhex sameysto ciidamada uuna u magacaabo taliye maadaama uu isaga madax yahay amniga doorashooyinka,

Wadamada reer Galbeedka ee cadaadiska badan saaraya maamulada iyo mira dhalka shirka wada-tashiga Qaran waxay xoojinayaan inaan wax badan la gelin qodobka kala wareega amniga, maadaama uu kaas noqon karo qodob adag oo dib usii dhiga kara guud ahaan doorashada.

Mucaaradka qaar waxay leeyihiin dalkaan doorasho kama dhici karto inta uu Farmaajo heysto hoggaanka ciidanka, lamana yaqaano sida la isku waafajin karo dooda mucaaradka iyo qodobada sharciga ah ee ku hor gudban cidda ammaanka Dalka mas’uulka ka ah illaa laga doorto madaxweyne cusub.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Al-Shabab iyo Daacish oo ku dagaalamay gobolka Bari

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo Daacish oo Talaadadii shalay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Bari ee maamulka Puntland, gaar ahaan dhulka buuraleyda ee gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay buuraha Cal-miskaad, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu socday muddo saacado ah, una jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac, walow aan cadeyn karin inta uu gaarsiisan yahay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu yimid, kadib markii ay labada dhinac ku kulmeen tog lagu magacaabo Il-cameyra oo ku yaalla Cal-miskaad.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa weerarka qaaday dagaalyahanada Daacish, ka gadaal markii ay ka war heleen in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay sahan ku tegeen halkaasi.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa deegaanada dhaca dhanka buuraha ee gobolka Bari ee Puntland.

Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ayaa labaduba waxay ku xoogan yihiin gobolkaasi, waxayna marar badan siyaabo kala duwan ugu dagaalameen halkaasi.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Golaha Wadatashiga ma isku raaci karaan go’aan mid ah?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xuseen Macalin Maxamuud oo hadda ah Madaxa Hay’adda Cilmi baarista ee Hiraal ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan shirka golaha wadatashiga qaran ee haatan ka socdo Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

Xuseen Macalin oo wareysi gaar ah siiyey VOA ayaa hoos u dhigay rajada laga qabo inuu guuleysto shirkan, wuxuuna sababta ku sheegay in weli uu saameyn ku dhex leeyahay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) , wuxuuna intaasi ku daray in ay madasha ku sugan yihiin madax goboleedyo uu sheegay inay ku metalayaan halkaasi.

Ninkan oo mar soo noqday la-taliyaha dhanka amniga ee madaxweyne Maxamed Farmaajo ayaa sidoo kale xusay in ay tahay in bulshada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka ee ka qeyb-galaya shirka ay ka waaniyaan Qoor Qoor iyo Lafta Garee sida ay wax u wadaan.

“Rag isaga meesha ku metala ayaa jooga wax qarsoona ma’aha oo laba gobol oo hadda cadeystay inay garab taagan yihiin Galmudug iyo South West labada nin oo madaxweynayaasha ka ah bulshada ay maanta la kulmaayaan oo caalamka iyo bulshada Soomaalida dabcan waaan filayaa in waxaas laga waani doono,” ayuu yiri Xuseen Macalin.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in shirka loo fadhiyo ee golaha wadatashiga qaran uu yahay fursaddii ugu dambeysay ee la heysto, isaga oo ugu baaqay madaxda shireysa inay soo saaraan wax ay ku wada qanci karaan guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

“Kulankan waxaa is leeyahay waa fursaddii ugu dambeysay wixii meeshaan ka dambeeyo Soomaaliya in lagu kala tago oo gacan ka hadalka uu xalaal noqdo ayey noqoneysaa marka inay sidaas u arkaan. Fursad dambe in aysan harin waana inay kasoo saaraan wax dadka ku qanci karaan,” ayuu markale waresiga uu VOA siiyey ku yiri Xuseen Macalin Maxamuud.

Shirka golaha wadatashiga qaran ee u socdo ra’iisul wasaaraha, madax goboleedyada iyo duqa Muqdisho ayaa galay maalintii saddexaad, waxaana la filayaa inay maanta ku biiraan ururada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed, si ay talooyinkooda ugu biiriyaan madasha.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto xaalad adag oo ka dhalatay daaha doorashooyinka, waxayna dadka Soomaaliyeed ay isha ku hayaan waxa ka soo bixi shirka Muqdisho.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

 

FIQI oo xog ka bixiyey dagaalkii Dhuusamareeb ee maanta iyo sida uu ku yimid

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ka deyriyey xaalada Galmudug, isagoo soo bandhigay xogta khasaarihii ka dhashay dagaal maanta gudaha magaalada Dhuusamareeb ku dhex-maray ciidamo ka kala tirsan booliska iyo militeriga Soomaaliya.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii askar ka tirsan ciidanka Gor Gor ay weerareen saldhigga booliska ee magaalada, halkaas oo lagu xiray askari ka tirsanaa oo la soo qabtay isagoo cabsan, sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo dhowr ah.

Fiqi ayaa sheegay in dagaalkii maanta uu ku dhintay qof rayid ah, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen shan askari oo dhinacyadii dagaalamay ka kala tirsan, waxuuna soo jeediyey in la iskula xisaabtamo dhacdadaas.

“Askari cabsan oo la xiray ayaa sababay iska-hor-imaad sababay dhimashada hal qof oo rayid ah iyo dhaawaca 5 askari sida aan ku helayno Xogta ka imaanaysa magaalada DhuusaMareeb, waa dhacdo xanuun badan oo u baahan isla xisaabtan. Waxaan ciidamada kala duwan iyo taliyaashii da ugu baaqaynaa in ay Ilaaliyaan sumcadda ciidamada, kana fogaadan isku dhacyada dhexdooda ah,” ayuu Axmed Fiqi ku yiri qoraal uu soo saaray.

Sidoo kale wasiirkii hore ee amniga Galmudug waxa uu sheegay in maamulkaas uu wajahayo duruufo kala duwan oo ka dhashay hoggaan xumo, isagoo yiri, “Waxaa la joogaa waqtigii isbedel dhanka hogaaminta ah uu ka dhici lahaa Galmudug.”

“Galmudug, barlamaankii dhexdiisa Khilaaf ayaa ka taagan, ciidamada maalin cad ayay isku dagaalayaan magaalada caasimadda ah dhexdeeda, kooxda Argagixisada ah cabsi gelin badan ayay deegaamo badan ka wadaan, shalay waxaa la soo Bandhigayey dad kaluumaysato masaakiin Yemen ah oo Kooxo Bircad ah u afduuban meel Galmudug ka tirsan,” ayuu yiri Fiqi.

Qoraalka Axmed Macalin Fiqi ayaa intaas ku sii daray, in mar dhow la qaban doono shirweyn oo ay qaban-qaabinayaan xubno la magac baxay golaha badbaadada Galmudug.

“Waxaa soo xoogaysanaya in la joogo waqtigii isbedel dhanka hogaaminta ah uu ka dhici lahaa Galmudug, Lana wada Baadi Goobo lahaa hogaan danaha Galmudug ka shaqeeya, ayadoo shirkoodii koowaad ee qabanqaabada shalay ay yeesheen golaha Badbaadada Galmudug oo mar dhow qaban doona shirweynihiisii koowaad,” ayuu yiri Axmed Fiqi.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta gashay qalqal amni oo xoog leh, waxaa hakad galay ganacsigii iyo isku socodka bulshada, waxayna ciidamadu ku dhawaad laba saacadood ku dagaalamayeen bartamaha magaalada.

Ciidanka Gor Gor ee maanta weeraray saldhigga Dhuusamareeb waxaa laga qaaday Muqdisho markii ay Ahlu-Sunna qabsatay degmada Guriceel, balse waxaa looga awood roonaaday dagaalkii ay la galeen booliska Dhuusamareeb, iyagoo is-rasaaseyn kadib dib ugu cararay xeryihii ay ka soo duulaan tageen.

Taliyaha Saldhigga Booliska Dhuusamareeb Gaashanle Maxamed Xasan Warsame oo la hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in ciidanka Gor Gor ay saldhigga ku soo waarareen, kadib markii ay ka xireen askari cabsan, balse waxa uu ka gaabsaday khasaaraha ka dhashay iska hor imaadkaas.

Hoos ka dhageyso wareysiga Taliyaha

James Swan oo war kasoo saaray kulankii maanta ee Golaha Wadatashiga Qaran

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa war ka soo saaray kulankii maanta ay wakiillada beesha caalamka la yeesheen golaha wadatashiga qaranka, kaas oo lagu gorfeeyey saxidda iyo dardar gelinta doorashada dalka.

James Swan ayaa qoraalkaan ku sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka mid ahaa saaxiibada beesha caalamka ee maanta la kulmay madaxda Soomaalida, si taladooda ay ugu biiriyaan shirka.

“Ergeyga Gaarka ah ee James Swan ayaa ku faraxsanaa inuu ku biiro saaxiibada caalamiga ah ee maanta Muqdisho kula kulmay Golaha Wadatashiga Qaran, wuxuuna ku dhiiri galiyay golaha inay dardar geliyaan, hannaanka doorashada Soomaaliya oo ay wanaajiyaan kalsoonida ay ku qabi karto dhamaan umadda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalkaan uu baahiyey xafiiska James Swan.

Shirka golaha wadatashiga qaranka oo shalay Muqdisho ka furmay ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda cakiran iyo muranada xoogan ee hareeyey doorashooyinka ka socda dalka, waxaana maanta lagu casuumay wakiilada beesha caalamka oo taladooda ku biiriyey madaxda.

Qoraal uu xafiiska ra’iisul wasaaraha ka soo saaray kulankaas ayaa lagu yiri, “Ra’iisul Wasaare Rooble oo ay wehliyaan Xubnaha kale ee Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa kulan la yeeshay wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka wada hadleen dardargalinta doorashooyinka dalka, Ra’iisul wasaaraha waxaa go’an in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gebogebeeyo doorashada, iyadoo turxaan bixinta iyo toosinta wixii ka soo laabtay lagala tashanayo dhammaan dhinacyada ay khuseyso sida Midowga Musharixiinta, Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo daneeeyeyaasha kale.”

Sidoo kale Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa mar kale maanta la kulmay Midowga Musharaxiinta, iyagoo ka dhageystay talooyinkooda ku aadan doorashada, waxaana ka mid ahaa talooyinkii musharaxiinta in ammaanka dalka ay toos ula wareegto xukuumadda Rooble.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo shirka golaha wadatashiga qaranka, isla markaana laga soo saaro warmurtiyeed iyo jadwal doorasho oo kama dambeys ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Midowga Musharaxiinta oo soo saaray dalabyo xasaasi ah oo la xiriira doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa goordhoweyd soo saaray qoddobo soo jeedin ah oo ay maanta la wadaageen Golaha Wada-tashiga Qaran, kadib markii ay ka qeyb-galeen shirkii Madasha.

Golaha ayaa sii adkeeyay in la saxo habraaca dooashada, si ay natiijadeeda u noqoto mid la aqbalo, dalkan degenaan iyo xasilooni u horseeda, ayada oo guddiyada doorashada loo madax-baneynayo howlaha doorashada.

Waxay dalbadeen in dib loogu laabto dhamaan doorashada kuraasta lagu muransan yahay, lana buriyo go’aanadii ay gaareen guddigii xalinta khilaafaadka ee dib u habeynta lagu sameeyay.

Waxa uu soo jeediyay Golaha Midowga Musharaxiinta in Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergooyinka ay noqdaan kuwii ka tirsanaa 135-tii Oday dhaqan, islamarkaana la faafiyo liiska magacyadooda inta aysan doorashadu bilaaban.

“Waa in odayga mas’uulka ka ah jufada kursiga leh ee ka tirsanaa 135-tii oday ama kuwii soo xulay baarlamaanka dowlad goboleedyada, hadba kii la isla qaato, oo la tashanaya odayaasha iyo waxgarada jufada hoose ee kursiga leh uu soo gudbiyo xubnaha kale ee afarta ah ee ka mid noqonaya guddiga soo xulista,” ayaa lagu yiri qoddobka labaad ee soo jeedinta Midowga Musharaxiinta.

Sidoo kale waxay soo jeediyeen in odayaasha dhaqanka oo kaashanaya nabadoonada iyo caaqilada jufada kursiga ku astaysan loo madaxbaneeyo xulista ergooyinka, ayna noqoto kaalinta dowlad goboleedyada fududeynta iyo amniga doorashooyinka.

Waxay intaas kusii dareen in Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad goboleed iyo federaal ay xaqiijiyeen ergada wax dooranaysa inay yihiin kuwii ay soo xuleen odayaasha dhaqanka.

“Waa in ergada la diiwaan-geliyo, lana faafiyo liiska magacyadooda, ugu yaraan muddo sadeex cisho ahna fursad loo siiyo inay kula kulmaan musharaxiinta ku tartamaysa. Sidoo kale waa in ergada aan laga hor istaagin la kulanka musharaxiita kursiga ku tartamaysa.”

Ugu dambeyntiina waxay si adag u sheegen in shakhsina laga hor istaagin inuu kursiga beeshiisa u tartamo, islamarkaana meesha laga saaro malxiiska siyaasadeed, ayna fursad siman u helaan musharaxiinta kulanka iyo ka dhex ololeynta ergada kursiga.

Hoos ka aqriso qoraalka Midowga Musharaxiinta oo dhameystiran