24.9 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Sheekh Xasan Nasrallah oo erey ka careysiiyey Sacuudiga ku qeexay Boqor Salmaan

Beirut (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in Xizbullah ay halis ku tahay amniga Carabta kadib markii hoggaamiyaheeda Sheekh Xasan Nasrallah uu Boqor Salmaan ku calaamadeeyey “argagixiso”.

Hadalladii ugu dambeeyey ee ay is-weydaarsadeen labada dhinac ayaa yimid ayada oo xiisad ay u dhaxeyso Lubnaan iyo dalalka Khaliijka, taasi oo ku aadan dagaalka Yemen, iyo eedeymaha Sacuudiga ee ah in Xizbullah ay qeyb ka tahay dagaalka.

“Riyadh waxay rajeyneysaa in xisbiyada siyaasadda ay ahmiyad siin doonaan danaha Lubnaan, iyo soo afjaridda maamulka argagixisanimo ee Xizbullah ee dalka,” waxaa sidaas AFP u sheegay safiirka Sacuudiga ee Beyruut Waleed Bukhari. 

“Dhaq-dhaaqyada argagixiso ee Xizbullad iyo dhaqankeeda militari ee gobolka waxay halis ku yihiin amniga Carabta,” ayuu yiri.

Hadalka Waleed ayaa yimid kadib markii Sheekh Xasan Nasrallah, oo ah hoggaamiyaha kooxda Xizbullah ee Iran ay taageerto, uu Boqor Salmaan ku qeexay “argagixiso” kuna eedeeyey Sacuudi Carabiya inay ka faa’iideysato argagixisada Islaamiga ah.

Dabayaaqadii October, Riyadh ayaa hakisay xiriirkii diblomaasi ee kala dhaxeeyey Lubnaan kadib markii wasiirka warfaafinta dalkaas uu cambaareeyey farogelinta militari ee ay ka waddo Yemen. 

Wasiirka Arrimaha Dibedda Sacuudiga ayaa goor dambe sheegay in awoodda sare ee Xizbullah ay ku leedahay Lubnaan, ee hadalka wasiirka kaliya aanay aheyn, sababta ay Sacuudiga u jareen xiriirka.

Tan iyo markii uu dagaalka Yemen billowday, Sacuudi Carabiya ayaa si joogto ah ugu eedeyneysay Iran inay hub u qeybiso kooxda Xuutiyiinta, halka Xizbullah ay tababar siiso dagaalyahanada.

Tehran waa ay beenisaa eedeymahaas, Xizbullah-na horey ayey u beenisay inay dagaalyahano iyo hub u dirto Yemen. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Faah-faahin ku saabsan dagaalkii ay AL-SHABAAB kusoo qaadeen BAXDO

0

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Cadaado ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saakay dagaalamayaasha Al-shabaab ay dagaal kula wareegeen qeybo ka mid ah deegaankaasi.

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii dagaalyahanada Al-Shabaab weerar xoogan oo dhowr jiho ah ku qaadeen deegaanka Baxdo, waxaana ay halkaasi iska caabin xoogan kala kulmeen Al-shabaab dadka deegaankaasi, iyadoo mudadii uu dagaalka socdayna la isku adeegaaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Sida ay dadka deegaanka u sheegeen Caasimadad Online, dagaalka ayaa ahaa mid aad u xoogan islamarkaana wuxuu xoogiisa ka dhacay gudaha deegaanka Baxdo, waxaana la soo warinaya in dagaalka uu geystay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh, walow aanan la xaqiijin karin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha.

Al-shabaab ayaa dib looga saaray gudaha deegaanka Baxdo, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Galmudug oo ku aadan dagaalka Shabaab saakay kula wareegeen deegaanka Baxdo oo markii dambe lasoo sheegay in dib looga saaray.

Al-shabaab ayaa inta badan weeraro noocaan oo kale ah waxay horay ugu qaadeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan maamulka Galmudug oo ay ku wada sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Abaabulka dibad-bax weyn oo ka socda MUQDISHO iyo xilliga uu dhacayo + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka socda abaabulka dibadbax kale oo looga soo horjeedo afgambigii fashilmay ee 27-kii December lagu qaaday xafiiska Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo xarunta xukuumadiisa.

Dibadbaxan ayaa waxaa qeyb ka ah siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan xukuumadda, maadama ay dhawaan si wada-jir ah u cambaareeyen isku-deygii afgmabi ee uu horkacayay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirkii hore amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaciyey in dibadbaxaas uu dhacayo maalinta Khamiista ee soo socota oo ku taariikheysan 13 January ee 2022-ka.

Sida uu sheegay Fiqi waxaa sidoo kale banaanbaxaas lagu dalbanayaa doorasho daahfuran iyo amniga dalka oo gacan aamin ah ku jira, xilli uu shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ay isku mari la’yihiin in amniga guud ee dalka lagu wareejiyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Shacabka Muqdisho ayaa iska leh maalinkaas!,” ayuu ku yiri Fiqi qoraal kooban oo uu ku shaacinayay banaanbaxa dhacaya Khamiista soo socota.

Banaanbaxan ayaa kusoo aadaya mid maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo huteel la iskugu keenay haween, kaasi oo ay soo abaabuleen maamulka gobolka Banaadir iyo taageerayaasha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa la rumeysan yahay in banaanbaxa looga soo horjeedo afgambigii fashilmay ee 27-kii December iyo madaxweynihii hore uu ka baaxad weynaan doono, midka saaka huteelka la iskugu keenay ee ka dhacay Muqdisho.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa hadda wajaheysa xaalad adag oo ka dhalatay muranka doorashooyinka, waxaana isha lagu wada hayaa natiijada shirka haatan u socdo Golaha Wadatashiga Qaran.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wararkii ugu dambeeyay xiisadda dagaal ee Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xiisadii dagaal ee maalmihii u dambeeyay ka taagneyd tuulada Saax-maygaag ee dulaadka caasimada Puntland ayaa lagu guuleystay in la dejiyo, kadib markii uu halkaas gaaray wafdi ka socda maamulka.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan deegaanka Saax-maygaag ayaa xabad joojin dhex dhigay labada maleeshiyaad beeleed ee ku dagaalsana deegaankaas.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, wafdiga uu hogaaminayo Karaash ayaa qorsheynaya in shir weyne nabadeed lagu dhex-dhexaadiyo beelaha dirirtu ka dhaxeyso, kadib markii ay xabad joojintu si rasmi ah u dhaqan gashay.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa hoggaamin doona Shirka nabadeynta ah oo maanta dhici doona, kaasi oo sida uu qorshuhu yahay ka wada qayb-geli doonaan dhammaan Isimada iyo Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.

Labadii bishaan ayey aheyd markii labo maleeshiyaad beeleed uu dagaal xoogan ku dhex-maray tuulada Saax-maygaag, waxayna xiisadan ku saleysan tahay deegaameynta deegaankaas oo u dhaxeeya degmada Boocame ee gobolka Sool iyo tuulada Birta dheer ee gobolka Nugaal.

Khasaaraha dagaalkaas ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku dhimatay lix ruux oo ka tirsan dhinacyadii dagaalamayay, ayada oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 15 qof oo kale.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xal laga gaari waayey muranka ka taagan nidaamka deegaameynta, waxaana colaadan ku barakacay qoysas badan, xilli ay abaar iyo xaalad bini’aadanimo ka jirto gobolka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

DF iyo Midowga Afrika oo ku heshiiyey qorshaha wax ka bedelka shaqada AMISOM

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Howl-galada AMISOM ayaa la kordhiyey ilaa bisha March ee sanadkaan, kadib markii ay si wada-jir ah isugu afgarteen Soomaaliya iyo Midowga Afirka, sida ay mustaqbalka dhow noqoneyso shaqada iyo howl-galada AMISOM.

Waxaa la isku afgartay oo kale in shaqada ugu weyn ee howl-galka ay noqoto markaan dagaalka ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab, ayada oo loo helayo maal-gelin cad, si howshaas loo dardar-geliyo.

Guddiyo farsamo oo labada dhinac ah ayaa ka fariisan doona Januray 10-keeda, ayaga oo muddo 30 maalin ah kusoo afjari doona qorshaha iyo qaabka uu noqonayo howl-galka ee ay ku heshiiyeen, kaasi oo la hordhigi doono February 11-keeda golaha nabadda iyo amniga ee midowga Afirka.

Soomaaliya ayaa sanadkii ugu dambeeyey waxaa ay wadday qorshaha kala-guurka ee loo yaqaan Somali Transition Plan (STP), wuxuuna qorshahan dhigayaa in AMISOM ay Soomaaliya sii joogto ilaa 2023, iyada oo Soomaalidana si aayar ah loogu wareejiyo meelaha xorta ah.

Sida ku xusan documtiyo kulan dhex-maray African Union Commission iyo dowladda Soomaaliya oo dhacay 18 illaa 19-kii August ee sanadkii dhamaaday, waxaa meel fiican laga gaaray, la iskuna afgartay hirgelinta qorshaha STP, waxaa lasoo jeediyey la hormariyo hannaanka hoggaanka iyo go’aan qaadashada AMISOM ee heerarka FHQ, iyada oo lala kaashanayo UN-ka iyo beesha caalamkana la dejinayo hannaan isbadal oo la taaban karo.

Waxa kale oo soo jeedintaas qeyb ka ahaa in Soomaalida ay magacawdo kooxo kala shaqeysa Midowga Afrika, Qaramada Midoobey, midowga Yurub iyo Ingiriiska sidii loo heli lahaa qaabka howl-galada iyo maalgelinta ee wixii ka dambeeya 2021.

AMISOM ayaa dalka soo gashay 2007-dii, waxaana halkii askari ku baxdo bishii ilaa $1,000 oo aaney ku jirin qalab iyo caafimaad, sida la ogyahayna ma gelin wax dagaalo ah 7-dii sano ee ugu dambeysay.

Howl-galka AMISOM ayaa noqday mid fadhiid ah oo ay ku ilaashadan biil uun, ayada oo marba marka ka dambeysana loo soo kordhiyey sii joogitaankooda.

Intii uu socday howl-galka lacag macaashka ah waxay kooxda Al-Shabaab ay dib ula wareegtay goobo xor ahaa, ayada oo argagixisada u xiran yihiin jidad muhiim ah oo ka baxa caasimada ee aada gobolada, halka magaalooyinka iyo degmooyinka qaar aanay adeeg iyo gargaar midna geyn karin xubnaha dowladda federaalka.

Xukuumadda Muqdisho ayaa go’doon ku jirta, waxayna midaasi caddeyn u tahay shaqo fadhiidka howl-galka midowga Afrika iyo marin-habaabinta ururkaasi ee uu howl-galkooda uu 15 sano jirsaday.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wareysi: Maxaa muhiim ka dhigaya in FARMAAJO laga wareejiyo amniga qaranka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyihii hore ee amniga Qaranka ee madaxweyne Farmaajo, haatana ah Madaxa Machadka cilmi baarista ee Hiraal Xuseen Macalin Maxamuud ayaa sharaxay qaabka ay ku suurta geli karto in amniga qaranka laga wareejiyo Farmaajo oo lagu wareejiyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Qodobka ugu weyn ee la dhaqaaji waayey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka waa sidee amniga guud ee qaranka loogu wareejiyaa Ra’iisul Wasaare Rooble? Xilli dhawaan ay xubnaha Midowga Musharixiintu soo jeediyeen in amniga dalka toos loogu wareejiyo Ra’iisul Wasaaraha.

Xuseen Macalin ayaa ugu horeyn sheegay in Soomaalidu ay fasiraad qaldan ka heysto awooda madaxweynaha ee ah Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, isagoo sheegay in ciidanka sharcigu xusay uu yahay militeriga oo kaliya.

“Awooda Madaxweynaha iyo meesha uu kasoo galo amniga hadii aan sharaxo, maxadweynuhu waa taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, laakiin sida dastuurka ku qoran ciidamada qalabka sida waa militeriga oo kaliya, marka uu awooda taliyaha adeegsa karana, waa markii uu dalku galo dagaal iyo xaalad deg deg ah, oo baarlamaanku uu madaxweynaha siinayo awoodo gaar ah,” ayuu yiri Xuseen Macalin.

Sidoo kale Xuseen ayaa sheegay in hadda ay muhiim u tahay dowladnimada Soomaaliya in amniga toos looga wareejiyo Farmaajo, maadaama ay doorasho socoto, lana aaminsan yahay in ciidanka lagu boobi karo doorashada.

“Si howsha doorashada uu u daadihiyo Ra’iisul wasaare Rooble waa in talisyada ciidamada qaranka uu toos ula wareego, taasi waxay muhiim u tahay in hab-dhaqanka ciidanka ilaaliya doorashooyinka ay is xakameeyaan oo dano gaar ah aysan fulin, Rooble maadaama uusan musharax aheyn markaas doorashadu waxay noqa doontaa mid ka madax-banaan in la isku awood sheegto,” ayuu yiri Xuseen Macalin.

Ugu dambeyntii Xuseen waxa uu sheegay in dhaqankaan ah ‘madaxweynuhu waa taliyaha guud ee ciidanka qaranka’ laga soo min guuriyey taliskii Maxamed Siyaad Barre, balse uusan ku qoreyn shuruucda dalka, sida uu sheegay.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Muxuu kusoo dhamaaday shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee maalintii afaraad?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ayaa goordhow soo gaba-gaboobay maalintii afaraad, iyadoo aanay weli Madaxda is afgarad ka gaarin dooddihii u dhaxeeyay ee arrimaha Amniga iyo doorashada.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in shirka uu gelinkii hore ee maanta uu qarka u fuulay in lagu kala tago, markii dooduhu adkaadeen.

Shirka ayaa maanta waxa uu galay marxaladii ugu adkeyd, ayada oo maalinta berri oo Jimce ah ay madaxdu fasax galayaan, waxaana habeen dambe la iskugu soo laaban doono kulan kale.

Madaxweyne goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Axmed Qoor-Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen oo ku xiran Farmaajo, ayaa la sheegay inay diidan yihiin in amniga dalka lagu wareejiyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa la sheegay inuu yahay kan ugu xagjirsan marka ay noqoto arrinta amniga, isaga oo ku hanjabaya inuu shirka ka baxayo haddii aan la joojin doodda amniga, isaga oo gebi ahaan kasoo horjeeda in arrinta amniga laga hadlo.

Sida laga soo warinayo afhayeenada madaxda dowlad goboleedyada waxaa jira kulamo gooni-gooni ah oo caawa illaa berri ay yeelan doonaan madaxda, si la iskugu fahmo qoddobada muhiimka ah, si uu shirka u guuleysto.

Waxaa isa-soo tareysa cabsi ah in shirka uu burburi karo, ayada oo qodobka la xiriira amniga uu yahay caqabadda ugu adag ee haysata, maadama xulafada Farmaajo ay si adag uga soo horjeedan in lagu wareejiyo Ra’iisul Wasaare Rooble, kadib khilaaf xoogan oo ka dhex-qarxay madaxweynihii hore.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Walaac xoogan oo ka taagan Somaliland kadib tallaabo uu qaaday maamulka Biixi

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Walaaca xoriyutal qowlka Somaliland ayaa kasii daraya kadib markii ay Xarunta Xuquuqal Iinsaan oo fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa ay shaacisay in sanadkii dhamaaday ee 2021-ka uu ahaa sanadkii dadkii ugu badnaa lagu xiray Somaliland.

Dadka sanadka galbaday lagu xiray Somaliland ayaa isugu jira Suxufiyeen, Suugaan-yahano iyo dad kale oo shacab, sida lagu shaaciyey warbixin kasoo baxday xarunta HRC.

HRC ayaa shaacisay in dad kor u dhaafaya 114 qof ay xukuumadda Somaliland xirtay sanadkii tagay, oo dhamaantood sifo aan sharci aheyn oo dastuurka khilaafsan loo xiray, kuwaasi oo qeyb ka ah xaalado soo noq-noqday oo ah tacadiyo Xuquuqal Insaan.

“Cabudhinta aragtiyaha, xadhigga warbaahinta madaxa bannaan iyo xadhigyo tiro badan oo sharci-darro ah ayaa waxay caadi iyo caado ka noqdeen Somaliland gudaheeda,” ayaa lagu yiri qoraalka xarunta HRC.

Sanad walba xaruntu waxa ay soo bandhigta tacadiyo iyo gefaf xuquuqal insaan oo la xiriira arrimo ka dhan ah xuquuqda aadamaha oo ay diiwaan galiso inta u dhaxaysa bilaha January illaa December.

Xaruntu waxay walaac xoogan ka muujisay in sanadkan 2021 uu noqday sanadkii ugu xariga badnaa marka la barbar dhigo sanadihi hore xarigyadii ay xaruntu diiwaan galisay.

“Dadka dhammaan tood waxa lagu wada xidhay qoraalo ay baraha bulshada ku qoreen ama ay warbaahinta la wadaageen. Arrintaas oo runtii ka hor imanaysa mabaadiida uu ku dhisan yahay Dastuurka Jamuuriyadda Somaliland.”

Ugu dambeyntiina xaruntu waxay xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi u soo jeedinaysay arrimahan hoos ku xusan;

  1. In la joojiyo xadhiga lagula kaco warbaahinta madaxa-banaan, siyaasiyiinta iyo dadka aragtiyahooda cabira ee dowladda dhaliila.
  2. In la ixtiraamo xuquuqaha uu dastuurku damaanad qaadayo ee la xidhiidha xorriyadda hadalka iyo aragti dhiibashada.
  3. In booliska dib u habayn ballaadhan lagu sameeyo, lana joojiyo sifaha siyaasadaysan ee marar badan loo adeegsado.
  4. Sidoo kale in la helo cid ka garnaqda khaladaadka iyo tacadiga booliska marar badan u gaysto bulshada.
  5. In la dhowro xuquuqda maxaabiista saldhigyada ku xidhan lana daryeelo.
  6. In ay dowladu hoos eegto lana socoto xaaladda ay ku sugan yihiin dad ka dalka gudihiisa ku barakacay.
  7. Ugu danbayna xaruntu waxay soo jeedinaysa in xeer lagu xakameeyo loo helo tacadiyada haweenka ka dhan ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sawirro: Dibad-bixii maanta ee Muqdisho oo kusoo koobmay haween iyo hoteel

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Isu-soo-bax ay soo abaabuleen maamulka gobolka Banaadir iyo taageerayaasha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Isu-soo-baxa ayaa ahaa mid ay dhigayeen kaliya haween, kana dhacay hotel magaalada ku yaalla, ayada oo haweenka ka qeyb-galay ay muujiyeean dareenkooda ku aadan xaaladda dalka iyo is-mari waaga siyaasadeed.

Hal ku dhigga haweenka ayaa ahaa “Dagaal maya, doorasho haa,” ayada oo sida muuqata ay ku weerarayeen ra’iisul wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta, xilli laga cabsi qabo in magaalada ay mar kale soo galaan ciidamada Badbaado Qaran.

Qaar ka mid ah haweenkii ka hadlay madasha ayaa cod dheer ku sheegay in ay u baahan yihiin nabad iyo in laga fakiro mustaqbalka fog ee Soomaaliya.

“Annaga nabad ayaan rabnaa ilmaha dhammaanaayo annaga ayaa dhalnay,” ayey tiri mid ka mid ah haweenka ka hadlay kulanka.

Sidoo kale waxaa kulanka ka hadashay guddoomiyaha ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed Marwo Batuulo Axmed Gaballe oo farriin culus u dirtay madaxda Soomaaliyeed ee ku shirsan magaalada Muqdisho, ayada oo ugu baaqday inay xal gaaraan.

Batuulo ayaa sidoo kale sheegtay in aysan doonin haweenka Soomaaliyeed in la baabi’iyo dowladnimada, sidoo kalena la burburiyo qaranimada Soomaaliya.

“Dowladnimada in la baabi’iyo ma ogolin, qaranimada in la burburiyo ma ogolin,” ayey tiri guddoomiye Batuulo Axmed Gaballe oo gabagabadii khudbad ka jeedisay goobta.

Soomaaliya ayaa hadda wajaheysa xaalad adag oo ka dhalatay muranka doorashooyinka, waxaana isha lagu wada hayaa natiijada shirka haatan u socdo Golaha Wadatashiga Qaran.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Maxaa ka jira inuu burburay shirka Golaha Wadatashiga?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey inuu weli socdo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho, xilli ay baraha bulshada qabsadeen warar ku saabsan inuu burburay.

“Wararka sheegaya inuu shirka burburay waxba kama jiraan, shirka weli waa socdaa, anigaa hadda jooga,” ayuu yiri il-wareed ku sugan shirka oo la hadlay Caasimada Online.

Sidoo kale, afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook ku xaqiijiyey in shirka uu weli socdo, isaga oo ka digay wararka aan wanaagsaneyn ee laga faafinayo.

“Xumaan ha warin. Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran waxa uu galay maalinkii 4aad, waxa socda doodo adag oo ay Madaxdu ka yeelanayaan qodobo quseeya hufnaanta doorashada iyo amniga. In si qalbi furnaan ah loo doodo waxa ay dawo u tahay in xal kama dambeys ah laga gaaro qodobada lagu kala aragti duwan yahay,” ayuu yiri Macallimuu.

“Kulamda Madaxdu waa kulamo guud iyo kuwa gaar gaar ah. Dadka baraha bulshada xumaanta ku warinaya ee la wareegaya wararka dhiilada xambaarsan ee xaqiiqda ka fog waxa wanaagsanaan laheyd in dalka iyo dadkaba ay u rajeeyaan wax wanaagsan.”

Si kastaba, waxaa jirta cabsi ah in shirka uu burburi karo ayada oo qodobka la xiriira amniga uu yahay caqabadda ugu adag ee haysata.

Madaxweyne goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Axmed Qoor Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen, oo ku xiran Farmaajo, ayaa la sheegay inay diidan yihiin in amniga dalka lagu wareejiyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa la sheegay inuu yahay kan ugu xagjirsan marka ay noqoto arrinta amniga, isaga oo ku hanjabaya inuu shirka ka baxayo haddii aan la joojin doodda amniga, isaga oo gebi ahaan kasoo horjeeda in arrinta amniga laga hadlo.

Waxaa hadda socda kulamo gooni gooni ah, oo xal loogu raadinayo caqabadaha haysta shirka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Doodda ka taagan Amniga ee Shirka Muqdisho iyo ‘laba arrin oo ay tahay in la helo’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan dooda taagan ee hareysay doorashooyinka iyo shirka u socda xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran ee dalka.

Fiqi ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweyinihii hore Maxamed Farmaajo, oo uu ku eedeeyey inuu ciidamada qaranka u adeegsaday dano gaar ah iyo in lagu weeraro siyaasiyiinta.

Wasiirkii hore ee amniga Galmudug ayaa soo jeediyey in la helo marka ay noqoto amniga, kuwaas oo kala ah in ciidanka la hoos geeyo xukuumadda Rooble iyo taliyeyaal xilkas ah.

“Waxaa loo baahan yahay in ciidamada qaranka waqtigaan xasaasiga ah la hoos-geeyo xukuumadda xilgaarsiinta iyo taliyaal xilkas ah,” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Arrinta amniga ayaa ka mid ah qodobada weli la’isku mari la’yahay shirka Golaha Wadatashiga oo galay maalintii afaraad, kaas oo ka socda Teendhada Afisyoone.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka Fiqi

Haddii aad maqli jirtay dawlado ay ka mid tahay Iiraan oo loo diidan yahay in ay yeeshaan hubka Nukliyerka ah taas Macnaheedu ma ahan nacayb gaar ah ee waa in hubkaas uusan gelin gacan aan mas’uul ahayn oo sababta in si xun loo adeegsado!

Maanta Farmaajihii ciidamada qalabka sida u adeegsaday; dawlad goboleedyo badan, weerarkii guriga siyaasi C/raxmaan C/shukuur, weerarkii barlamaanka ee sanadkii 2018, ka hortaggii banaanbaxa iyo weerarkii labadii madaxweyne hore hotel ay degenaaayeen, dagaalkii muddo kororsiga, afgambigii dhicisoobay ee 27 December 2021, iyo asagoo weli ku jira Abaabul ciidan.!

In ciidamadii qaranku ay galeen gacan aan mas’uul ahayn waa arrin cad, loona baahan yahay in ciidamada qaranka waqtigaan xasaasiga ah la hoos-geeyo xukuumadda xilgaarsiinta iyo taliyaal xilkas ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Magacyada saraakiisha loo baarayo afgambigii 27-ka December oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga heerka wasiir ee uu dhowaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u xil-saaray afgambigii 27-ka December ayaa shaaciyey magacyada saraakiisha ka howl-gala madaxtooyada ee loo baarayo is hortaagii lagu sameeyey Rooble.

Guddiga ayaa soo saaray liiska magacyada saraakiishaas oo gaaraya illaa shan xubnood oo dhammaantood ka tirsan ciidamada ilaalada madaxtooyada, gaar ahaan Guutada 77-aad.

Saraakiisha loo yeeray ayaa waxa ay kala yihiin:- Gaashaanle sare Xasan Aadan Dhicis oo ah taliyaha Guutada 77-aad, Gaashaanle Shaafici Nuur Axmed Abaanduulaha Guutada 77-aad, Gaashaanle Dhexe Cabdi Yaasiin Cali Kooshin taliyaha ururka 60-aad ee Guutada 77-aad, Gaashaanle Xasan Duwane Cumar Abaanduulaha ururka 60-aad iyo laba xidigle Muuse Maxamed Cadow (Shaarib) taliyaha koox horinta gurmad ee ururka 60-aad.

Sidoo kale taliyaha ciidamada Xoogga dalka Odowaa Yuusuf Raage oo warqadan loo diray ayaa waxaa la faray in maalinta Sabtida ah uu saraakiishaas u soo diro xarunta guddiga oo haatan ku shaqeeyo xafiiska wasiiru dowlaha ee ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya.

“Haddaba guddigu wuxuu ku shaqeeyaa xafiiska wasiiru dowlaha ee xafiiska ra’iisul wasaaraha, waxaana si xushmad leh lagaaga codsanayaa in saraakiishaas waqtiga loo cayimay ay guddiga ku yimaadaan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxday xafiiska guddiga.

Guddiga ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waday su’aalo weydiin iyo xog uruurin ku aadan dhacdadii 27 December ka dhacday gudaha Madaxtooyada, taasi oo la fahamsan yahay in uu ka dambeeyay madaxweynihii hore Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Ra’iisul wasaaraha ayaa guddigan magacaabay 1-dii bishaan, ayada oo magacaabistood u cuskaday go’aan ay si wada-jir ah u gaareen xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya.

Si kastaba, tallaabada uu haatan guddigu qaaday ayaa ah mid muhiim ah, maadaama loo yeeray saraakiisha horkaceyso ciidamada ilaalada madaxtooyada, gaar ahaan kuwa loo heesto afgambigii 27-ka December ee sii qarxiyey xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya.

Hoos ka aqriso warqadda wasiirka

Xogta Shirka: Lafta-gareen iyo Qoor Qoor oo diiday 2 qodob, iyo qodob la isku raacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mida madaxda maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa shalay si rasmi ah u diiday in shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socda Muqdisho uu isku raaco in amniga dalka lagu soo wareejiyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen. 

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Ra’iisu Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo ay gadaal ka riixayaan Golaha Midowga Musharaxiinta, ayaa si aad ah u doonaya in shirka uu isku raaco qodobkan, haddii aanay taas dhicinna aanay dalka doorasho hufan ka dhici karin.

Qoraal ay Talaadadii soo saareen Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa ku jiray laba qodob oo la xiriira amniga, waxaana lagu yiri “Waa in Ra’iisul Wasaaraha iyo golaha wasiirada ay si buuxda masuul uga noqdaan amniga dalka, madaxweynihii horena uu ku ekaado murashaxnimadiisa. 2- Sida uu dhigayo dastuurka KMG ah, waa in Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumadiisa ay xaqiijiyaan in ciidanka laga dhex saaro arrimaha siyaasadda.”

Si kastaba, madaxweyne goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Axmed Qoor Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa ku gacan seeray arrintan, ayaga oo ku dooday in amniga dalka uu ka baxsan yahay arrimaha doorashada.

Waxay sidoo kale sheegeen in madaxweyne Farmaajo uu horey amniga doorashada ugu wareejiyey ra’iisul wasaaraha.

Qoor Qoor iyo Lafta-gareen oo si toos ah ugu xiran, shirkana ku metala Farmaajo ayaa sidoo kale diiday in odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergada lagu koobo 135-tii oday ee heer federal.

Qodobkan ayaa ka mid ahaa qodobo ay shalay dalbadeen Midowga Musharaxiinta, kuwaas oo qoraal ay soo saareen ku yiri “Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergooyinka waa in ay noqdaan kuwii ka tirsanaa 135-tii oday dhaqan. Waana in la faafiyo liiska magacyadooda inta aysan doorashadu billaaban.”

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in shirka, oo mar kale maanta la isugu soo laabanayo, aanu isku raaci doonin dhammaan qodobada xasaasiga ah ayna u badan tahay in laga soo saaro qodobo aan macno badan sameyneyn oo u badan kuwa guud.

Qodobka ugu muhiimsan ee shirka isla ogolyahay ayaa ah; in waqti cayiman oo laba bil ah loo qabto doorashada Soomaaliya in lagu soo geba-gebeeyo.

Qodobkan ayaa ah mid ay si aad ah u dooneyso beesho caalamka, hase yeeshee marar badan oo sidan oo kale waqti loogu qabtay doorashada, laguma guuleysan in lagu soo dhameystiro.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Hub la isku dayey in lagala baxo xarun oo dagaal ka dhex qarxiyey ciidanka Puntland

Qardho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal xalay ka dhacay gudaha magaalada Qardho, kaas oo u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa Puntland, gaar ahaan talisyada Booliska iyo Daraawiishta ee maamulkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid qaraar ayaa yimid, kadib markii askar ka tirsan kuwa Daraawiishta ay isku dayeen inay xoog kula baxaan hub ku xareysan xerada tababarka ciidamada Xorgoble, waxaana la sheegay inay talaabadaasi ka horyimaadeen Booliska oo fashiliyey.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka, kadib gacanta lagu dhigay 13 askari oo ka mid ah ciidamada Daraawiishta ee weerarka qaaday, kuwaas oo xabsiga la dhigay, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee ka howl-gala magaalada Qardho.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay ku raad joogaan 7 askari oo kale oo baxsaday, kadib shaqaaqo ka dhacday halkaasi.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax khasaare nafeed oo lasoo wariyey, balse waxaa jira burbur gaaray dhismaha xarunta lagu diriray.

Dadka deegaanka ayaa waxaa sidoo kale soo wajahday cabsi aad u xoogan, maadaama xilli habeen ah oo aysan filaneynin dagaalka uu qarxay.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda sare ee Puntland oo ku aadan ciidamada ku wada dagaalamay magaalada Qardho oo hoostagta maamulkaasi.

Xaaladda ayaa maanta deggan, waxaana magaalada ku sugan Booliska oo weli wada howl-gallo dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo amniga, kadib dagaalka ka dhacay halkaasi.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sheekh CALI DHEERE oo si yaab leh uga hadlay khilaafka FARMAAJO iyo ROOBLE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka kooxda Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo iska soo duubay cod maqal ah oo socanaya 25 daqiiqo ayaa ka hadlay khilaafka madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo khilaafkaan ku tilmaamay mid banaanka soo dhigay daacad darrada madaxda Soomaalida.

Codkaan oo ay haabisay warbaainta taabacsan kooxda Al-Shabaab ayuu sidoo kale Cali Dheere ku sheegay in hab-dhaqanka madaxda Soomaaliya iyo khilaafkaan uu daaha ka rogayo “xumaanta uu leeyahay nidaamka ku dhisan dimuqraadiyadda.”

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa intii uu hadlayey waxuu tusaale u soo qaatay dagaaladii ka dhacay magaalada Boosaaso ee dhex-maray ciidamada Puntland iyo dagaalkii Guriceel ku dhex-maray Galmudug iyo Ahlu-Sunna, waxuuna isku dhacyadaan ku tilmaamay kuwo ka dhashay “daacad darrada iyo maamul-xumada dowladda ka jirta Soomaaliya,” sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Soomaali oo dhan waxay indhaheeda ku arkeysaa sida shisheeyuhu isugu diray madaxda u fadhisa madaxtooyada, taasi waxay kaloo muujineysaa liidnaanta nidaamka dimuquraadiyadda,” ayuu yiri Cali Dheere.

Waxa uu sheegay in shisheeyuhu uusan waxaba u reeban Soomaaliya, isagoo madaxda Soomaalida ku tilmaamay kuwo u kala carara xarunta Xalane, iyagoo u kala dacwoonaya safiirrada reer Galbeedka.

Dhanka kale Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere ayaa ka hadlay abaarta daran ee ka jirta Soomaaliya, isagoo sheegay in hogaanka sare ee Al-Shabaab uu magacaabay guddi qaabilsan gurmadka abaaraha, kaas oo ka kooban 7-xubnood.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Kuraasta la doonayo in lagu laabto ma ku jiraa kursiga loo xalaaleeyay Mahdi Guuleed?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli magaalada Muqdisho ka socda shirka golaha Wadatashiga Qaran ee la rabo in lagu saxo cabashooyinkii kasoo laabtay doorashada Golaha Shacabka.

Goluhu wuxuu horay ula kulmay wakiilada Beesha Caalamka iyo xubno ka socday midowga musharixiinta mucaaradka. Waxaa si weyn loo dul istaagay qaladaadka xooggan ee ka dhashay maareynta qaar kamid ah kuraasta illaa hadda la doortay.

Mucaaradku waxay shirka la wadaageen cabashadooda iyagoo si gooni ah u dul istaagay ku laabashada kuraasta uu buuqa ka dhashay iyo in la saxo hab-raaca xulista ergada, gaar ahaan odayaasha xulaya ergada.

Qodobka ugu xasaasisan hadalkooda wuxuu ahaa kuraasta la boobay, la diiday ama la isku heystay. Mucaaradka waxay dalbadeen in la buriyo go’aamadii uu horey u gaaray guddigii musuqa lagu eedeeyey ee todobada xubnood laga eryey ee xalinta khilaafaadka.

Tan iyo markii ay bilaabatay doorashada Golaha Shacabka wuxuu guddiga xalinta khilaafaadka u fadhiistay dooda laba kursi.

Mid wuxuu ahaa kursiga HOPP#239. Kursigaan waxaa ka dhashay fadeexad doorasho iyo buuq dhinaca qabiilka ah. Ra’isul wasaare ku xigeenka xukuumadda xil-gaarsiinta ah Mahdi Guuleed ayaa kursigaan qaatay, wuxuu soo watay Gabar diiday in wajigeeda ay arkaan guddiga doorashada, dhab ahaanshaha magaceedana lagu mursan yahay oo si xoog leh isku qarisay.

Sidoo kale xagga xisaabta jufooyinka lama waafajin kursigaan ayuu Mahdi jufadiisa hoose u xoogay sida la xaqiijiyey. Waxaa la sheegay inay caawisay in xafiiska Ra’isul Wasaaraha uusan sharaxaad badan ka heysan hab xisaabeedka siyaasadeed ee reer waqooyiga.

Kursigaan wuxuu ahaa midkii koowaad ee dacwad laga gudbiyo. Maalmo kadib guddiga xalinta khilaafaadka waxay sheegeen in doorashada kursigaan ay sax tahay, balse dhinicii cabashada qabay kuma qancin natiijadaas, waxayna sheegeen in guddiga la handaday, qaarna ay dhaqaale ka qaateen musharaxa kale.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa horay ugu fadhi jiray kursigaan, wuxuuna hadda ku doodayaa in isaga iyo jufadiisaba la boobay.

Maadaama ay hadda jirto dood sheegeysa in dib loogu laabto Kuraasta la isku heysto lana buriyo dhammaan go’aanadii kasoo baxay guddiga xalinta khilaafaadka kursiga koowaad ee uu sharcigaasi qabanayo waxaa loo arkaa kursiga Ra’isul wasaare ku xigeenka Mahadi Guuleed.

Guddiga xalinta waxay kaloo soo fasaxeen kursiga HOPP#067 oo isna la sheegay in loo soo boobay taliyaha kumeel gaarka ah ee NISA Yaasiin Cabdullaahi Farey.

Galmudug waxay ku doodeysaa in kursigaan uu gudbay, maadaama uu guddiga xalinta fasaxay intii aan todobada xubnood laga eryin, balse xaaladda kursigaan waxay hadda isku xiran yihiin kursiga Ra’isulwasaare ku xigeenka.

Haddii la aqbalo in la buriyo dhammaan go’aamadii uu horey u gaaray guddiga xalinta khilaafaadka oo la aqbalo dalabka mucaaradka kursiyada HOPP#239 iyo HOPP#67 labadaba waxay wajahayaan ku laabasho.

Lama hubo in maamulladu ay wada aqbali doonaan in kuraastii la qabtay, gaar ahaan kuwii uu muranka ka dhashay dib loogu laabto, laakiin haddii la aqbalo waxaa lagu laaban doonaa kursiga uu Mahdi Guuleed qaatay ee HOPP#239.

Sidoo kale kursiga uu Yaasiin Farey qaatay ee HOPP#67 iyo kursiga laga xoogay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kaas oo isagu ay soo diideen guddiga doorashada ee heer Federaal ayaa lagu laaba doonaa kolkaas.

Maamulka hawada SOMALIA ma waxaa lagu wareejiyey shirkad gaar loo leeyahay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa si adag u beenisay in uu jiro qorshe ay maamulka hawada sare ee Soomaaliya ugu wareejisay shirkad gaar ah, xilli ay arrintaas si weyn u soo shaac baxday.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xuluumadda, Duraan Axmed Faarax ayaa sheegay in arrintaas ay tahay mid waxba kama jiraan ah, oo lagu marin habaabinayo bulshada Soomaaliyeed.

“Waxaan bulshada Soomaaliyeed u cadeynayaa inaysan waxba ka jirin in Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada XFS ay maamulka hawada ku wareejisay shirkad gaar loo leeyahay,” ayuu yiri.

“Dowladda Soomaaliya ayaa maamusha hawada, waana been abuur wararka lagu faafiyay baraha bulshada ee la xariira wareejinta maamulka hawada dalka.”

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xilli ay Hay’adda duulista rayidka ah ee Soomaliyeed (Somali Civil Aviation Authority) ay qorsheynayso sare u qaadida adeegga hawada sare (Airspace Upgrade From Class G to A).

Sidoo kale ay soo baxayso in qorshaha sare u qaadida adeega hawada dib loogu soo nooleynayo qorshe fashilmay sanadkii 2017-kii, kaasi oo lagu rabay in hawada sare ee Soomaaliya lagu wareejiyo dowlado kale ama shirkado gaar ah.

Waxay arrintan keeneysa in qorshihi hore ee fashilmey dib loo soo cusbooneysiiyo, iyadoo lagu sababeynayo sare u qaadida adeega hawada sare, inkasta oo wasiir Duraan uu beeniyay in la wareejiyay maamulka oo keliya, oo uusan ka hadlin inay wareejinayaan.

Si kastaba, haddii ay dhacdo in xukuumadda Soomaaliya ay maamulka hawada ku wareejiso shirkad gaar ah, waxaa ka dhalan doonta in ICAO dib ula wareegto maamulka hawada Soomaaliya, taasi oo hore looga soo celiyey dabayaaqada sanadkii 2017.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Abaabul banaanbax oo ka socda Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa magaalada Muqdisho ka socda abaabulka banaanbax lagu taageerayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Banaanbaxa waxaa abaabulaya xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, waxuuna ka socdaa degmooyinka kala duwan ee gobolka, iyadoo dadka si hoose loogu qancinayo inay kasoo qeyb galaan banaanbaxa.

Xogta aan heleyno waxay tilmaameysaa in Cali Yare Cali oo ku magacaaban guddoomiye ku-xigeenka dhanka amniga ee maamulka gobolka Banaadir uu si gaar ah gacanta ugu weyn ka geysanayo abaabulka banaanbaxa la doonayo in taageero loogu muujiyo Farmaajo.

Taageerada Farmaajo ka sokow, banaanbaxa ayaa sidoo kale la doonayaa in lagu cambaareeyo beesha caalamka, looguna sheego inay faraha kala baxdo arrimaha Soomaaliya. Waxaa dib loo soo nooleynayaa “Sheekadii shisheeye naceybka” ee uu Farmaajo kusoo galay siyaasadda Soomaaliya, balse been noqotay kadib markii uu ku xirtay Itoobiyaankii uu sanado badan weerari jiray kahor inta aan la dooran

Abaabulka banaan-baxaan ayaa ku soo aadaya iyadoo uu Muqdisho ka socdo shirka golaha Wadatashiga Qaranka ee Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda shanta maamul goboleed ee dalka, waxaana miiska saaran hanaankii amniga qaranka looga wareeji lahaa Farmaajo.

Wixii ka dambeeyey markii uu fashilmay afgembigii la sheegay in Farmaajo u soo abaabulay Ra’iisul Wasaaraha, waxaa dhalatay dood xoog leh oo aan weli mira-dhalin, taas oo ah in Farmaajo laga wareejiyo awooda hoggaaminta amniga qaranka.

Madaxda dowlad gobioleedyada qaar ayaa diidan in Farmaajo laga wareejiyo masuuliyadda amniga dalka, halka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo xubno ka tirsan xukuumadiisa ay u xusul-duubayaan, sidii amniga guud ee dalka loogu wareejin lahaa.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Al-Shabaab oo mar kale weerar culus ka fulisay Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gudaha waddanka Kenya ayaa sheegaya in deegaano u dhow xadka Soomaaliya ay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ka fuliyeen weeraro kala duwan oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac intaba.

Weerarka koowaad ayaa ka dhacay deegaanka Hindi oo ka tirsan gobolka Xeebta ee Lamu, waxaana lagu dilay ugu yaraan laba qof oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka Kenya weerarkaas ayaa dhacay xilli habeen ah, waxaana ragga fuliyey ay guryahooda ugu tegeen dadka la dilay.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale walaac ka muujiyey dhacdadaan oo ah tii labaad, waxaana ka horreeyey lix qof oo Isniintii lasoo dhaafay iyaguna la dilay halkaasi.

Dhinaca kale waxaa lagu soo warramayaa in weerar kale oo loo adeegsaday qarax lagu qaaday kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya oo marayey deegaanka Dabaasiti oo hoostaga  magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari, waxaana xigay dagaal foolka fool ah.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay qaraxaasi miino iyo dagaalka xigay, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Kenya.

Muddooyinkii lasoo dhaafay dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa xoojiyey weerarada ay ka fulinayaan gudaha Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Ergayga Mareykanka ee Geeska Afrika oo is-casilaya

Washington (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Jeffrey Feltman ayaa bishan xilka ka tagaya, kadib muddo 9 bilood ah oo uu xilkaasi hayay, waxaana xilkaas la wareegaya David Satterfield oo ah safiirka Maraykanka u fadhiya Turkiga, sida ay qortay wadaaladda wararka Reuters.

Feltman, oo ah diblomaasi ruug-cadaa ah ayaa xilka la wareegay bishii April, waxuuna si degdeg ah ula kulmay laba xasarood oo waaweyn oo kala ahaa dagaal sokeeye ee ka socda Itoobiya oo u dhexeeya ciidamada Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF) iyo ciidanka federaalka ee Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed iyo sidoo kale afgambi militari oo ka dhacay dalka Suudaan, bishii Oktoobar.

Warka shaqo ka tagistiisa oo aan horay loo sheegin ayaa soo baxay ka hor inta uusan Khamiista aadin dalka Itoobiya, si uu ula kulmo madaxda sare ee dowladda, waxaana safarkiisu ku saabsan yahay wadahadallo nabadeed oo qeyb ka ah dadaalladii ugu dambeeyay ee Washington ay ku doonayso in lagu soo afjaro colaadda.

Feltman, oo 62 jir ah, ayaa sheegay in “dareenkiisa xilkasnimo” uu siinayo inuu ka fariisto shaqada diblomaasiyadeed, isla markaana uu noqdo howlgab, kadib in ka badan 25 sano oo uu ahaa diblumaasi Maraykan ah oo ka shaqeeyay Qaramada Midoobay, Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa diiday inay ka hadasho shaqo ka tagista Feltman.

Satterfield, oo ah ruug-caddaa ka tirsan Arrimaha Dibadda Maraykanka oo leh in ka badan afartan sano oo waayo-aragnimo ah, ayaa soo maray jago adag oo ah safiirka Maraykanka ee Turkiga, halkaas oo uu isku hayay xiriirka laba geesoodka ahaa ee u dhexeeya labada dal ee ka wada tirsan xulafada NATO.

Ka hor Ankara, waxa uu ka soo shaqeeyay Saudi Arabia, Lebanon, Tunisia iyo Syria, iyo dalal kale, wuxuuna laba jeer ka soo noqday dublamaasigii ugu sareeyay ee Maraykanka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Bariga Dhexe oo uu ku sime ka ahaa.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii