24.9 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Sababaha uu FARMAAJO u diidan yahay in la celiyo lacagta Imaaraadka Carabta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay sii daayey qoraal ku socday guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya. Wuxuu u sheegay inaan la bixin karin lacagtii 9-ka Malyan aheyd ee Imaaraadka Carabta looga qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Farmaajo wuxuu ku celiyey in lacagtaas ay sharci darro kusoo gashay dalka iyadoo la rabay in wax loogu dhimo amniga iyo xasiloonida Dalka.

Wuxuu isagoo Rooble u jawaabayo yiri Farmaajo “Hal Mas’uul go’aan kama gaari karo in lacagtan la bixiyo”.

Bishii April ee sanadkii 2018, sii hayihii xilka taliyaha NISA Jaamac oo hadda ah wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya ayaa lacagtaan ku qabtay Garoonka Aadan Cabdulle. Waxaa la sheegaa inuu diyaaradda fuulay si uu lacagta iyo dadkii saarnaaba ula dago.

Jaamac xilligaas waxaa la xasuustaa in dad siyaasiyiin ah uu xukuumaddii ka tirsanaa kula taliyeen in Imaaraadka lagu amro in lacagtooda ay la noqdaan, laakiin waa diiday iyadoo dhinaca kale ee arrintaasi ka faa’ideysteen xubnihii Farmaajo ku dhawaa ee u shaqeenayey Dowladda Qatar, maadaama uu jiray khilaafkii Khaliijka.

Farmaajo Xalay sooma uusan hadal qaadin raali gelintii uu Rooble sheegay inuu siiyey Imaaraadka, taasoo ka dhigan inaysan Imaaraadka helin raali gelinta ay Dowladda Soomaaliya ku mideysan tahay. Sidoo kalana mar kale ayaa loo diiday inay lacagtooda qaataan.

Tani waxay ka dhigan tahay inuu khilaafkii halkiisii ka miisan yahay.

Haddaba muxuu Farmaajo u diidan yahay in lacagta Imaaraadka la celiyo?

Xubno ku dhow dhow madaxweyne Farmaajo oo aan la hadalnay waxay sheegayaan inuu madaxweynaha aaminsan yahay in la rabo in lacagtaan si shakhsi ah looga qaato Imaaraadka oo ay qeyb ka rabaan qaar kamid ah madaxda maamulada oo Ra’isulwasaaraha ku dhow dhow waayadaan.

Waxay kaloo kooxda madaxweyne Farmaajo ku doodayaan in xilli doorasho tallaabo noocaan ah la qaado inay fahmi karaan waxa loola jeedo.

Waxay ku adkeyteen inuu cilaaqaadka sidiisa si iahaan doono lacagtaan ay wareejin doonto Dowladda dhallan doonto ee Soomaaliya.

Sidoo kale, kooxda madaxweyne Farmaajo waxay ku doodayaan in cidda raali gelinta mudan inay tahay Soomaaliya, maadaama Dalkeeda lasoo geliyey lacag farabadan si loo dhibaateeyo. Laakiin lama caddeyno karo in lacagtaas dhibaateyn loo waday.

Imaaraadka waxay horey u sheegeen in lacagtaasi ay u socotay safaaradooda ku taalo Magaalada Muqdisho oo ay rabeen in lagu taageero arrimaha uu Imaaraadka xilligaas ka waday Soomaaliya.

Dhowr jeer oo hore oo ay Itoobiya isku dayday inay dhex-dhexaadiso Farmaajo iyo maamulka Imaaraadka waxaa arrinta adkeeyey dhinaca Imaaraadka oo dalbaday in Soomaaliya ay bixiso raali gelin rasmi ah, balse dhanka Soomaaliya waxaa la sheegay inay arrintaasi ka cago jiiday.

Kooxda madaxweyne Farmaajo waxay ku doodayaan in arrinta aysan u fududeyn sida uu Ra’isulwasaare Rooble u dhigay oo ay Soomaaliya mar walba diidaneyd inay bixiso raali gelin rasmi ah.

Farmaajo raali gelin iyo lacag celin labadaba ma ogola inta lagu jiro marxaladda doorashada, taasoo dhinaca kale u muuqata dan siyaasi ah oo isaga ku kooban.

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee maanta oo soo dhamaaday iyo qorshaha xiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Daqiiqado ka hor ayuu soo dhammaaday shirkii Maanta ay mar kale isugu yimaadeen madaxda Maamul Goboleedyada Dalka, guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Kulanka Maanta oo intiisa badan looga wada hadlay tabashada kasoo laabatay kuraastii la doortay ee xubnaha Golaha Shacabka ayaa waxaa lasoo sheegayaa in madaxda ay isfaham badan ka gaareen.

Xubnaha Shirka ka qeybgalayey ayaa isku afgartay in Berri mar kale la isku soo noqdo iyadoo kulanka Berri lagu heshiiyey inay kasoo qeybgalaan xubno matalayo Golaha Midowga Musharixiinta Mucaaradka.

Kulanka Berri ayaa la filayaa in lagu soo afjaro cabashooyinka laga soo gudbiyey qaabkii ay u dhacday qaar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Qodobada ugu weyn ee Shirka Golaha Wadatashiga qaranka laga sugayo waa Amniga & Doorashooyinka, RW Rooble, Madaxda Dowlad-Goboleedyada Galmudug, Puntland, Hir-Shabeelle, Jubbaland, Koofur Galbeed & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa aragti isku dhaafsaday madasha, waxaa dhiman in gunta loo galo qodobada muhiimka ah.

Maalinti Isniinta ah ayaa la filayaa sida uu qorshaha yahay in lasoo gabagabeeyo shirkaas lagana soo saaro war murtiyeed ku saabsan doorashada iyo Amnigeeda.

Xog: R/Wasaare Rooble oo ka gudbay shuruud adag oo ay hordhigeen Imaaraadka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble lagu qasbay inuu meel fagaare ah ka raali geliyo dowladda Imaaraadka Carabta, taasi oo uu shalay sameeyey.

Sida aan ogaanay, tan iyo markii Ra’iisul Wasaare Rooble isku howlay inuu dib u soo celiyo xiriirka Soomaaliya iyo dowladda Imaaraadka Carabta, sidoo kalena Imaaraadka Carabta ay gacan uga gaystaan caawinta dadka abaaruhu saameeyeen, ay Imaaraadka Carabta dalbadeen in Soomaaliya ay ka garowdo khaladaadkii ay gaysatay.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, Imaaraadka Carabta ayaa Rooble ka dalbaday inuu meel fagaare ah uu raali gelin uga bixiyo bahdilkii ay u geysatay dowladii ay hoggaaminayeen Farmaajo iyo Kheyre, sanadkii 2018-kii, markii ay garoonka Muqdisho kula wareegeen lacag loo siday mushaharka ciidamadii Soomaaliya ee ay tababari jireen Imaaraadka.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo fulinaya dalabka Imaaraadka ayaa shalay galab fagaaraha garoonka Aadan Cadde raali gelin ku siiyey shacabka iyo dowladda Imaaraadka, isagoo ka guddoomay gargaar raashin ah oo lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed ee abaarta daran ku wajahaya gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ballan qaaday in lacagta ay Soomaaliya kala wareegtay Imaaraadka oo gaareysa 9.6 milyan, islamarkaana ku jirta gacanta dowladda lagu wareejin doono dowladda Imaaraadka waqtiga ugu dhaw.

Rooble oo dowladda Imaaraadka uga mahad-celiyay garab istaaggeeda Shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay ka go’atahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah.

3-dii sano ee lasoo dhaafay waxaa meesha ka baxday saameyntii Imaaraadka ee siyaasadda Soomaaliya, taas bedelkeedna siyaasadda gudaha ee Soomaaliya waxaa afartii sano ee Farmaajo xukunka joogay aad ugu milneyd dowladda Qatar.

Qatar ayaa lacag badan, oo aanay arag shacabka balse ku koobneyd Villa Somalia iyo Farmaajo, ku bixisay dalka intii uu xukunka joogay Farmaajo, lawaxaana la rumeysan yahay inay hadda dooneyso in dhaqaale xoog leh ay ku bixiso dib u doorashada Farmaajo.

Dowladda Imaaraadka weli kama jawaabin raali-gelinta ay bixisay xukuumadda Soomaaliya, waxayna dad badan is weydiinayaan, Raali gelinta Ra’iisul Wasaaraha ma sababi doontaa in Imaaraadku sanadkaan saameyn ku yeesho doorashada Soomaaliya?

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

DF oo dib u fasaxday terminal-kii laga xiray Amisom iyo QM ee garoonka Aadan Cadde

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka noqotay go’aankii ay horay ugu xirtay terminal-ka gaarka ah MOVCON ee garoonka  diyaaradaha Aadan Cadde, isla-markaana ay adeegsadaan hay’adaha Qaramada Midoobay, ciidamada AMSIOM iyo safaaradaha reer Galbeedka.

Wasiirk Amniga Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa soo saaray amarka dib loogu fasaxay isticmaalka terminal-ka MOVCON, kaas oo ay fuliyeen hay’adaha ku shaqada leh.

Sida ay ogaatay Caasimada Online arrintan ayaa waxa ay ku timid, kadib wada-hadallo dhexmaray Wasiirka Amniga iyo Diblumaasiyiinta ku sugan gudaha Xerada Xalane oo ka wada-hadlay xayiraadda la soo rogay oo ay horay uga horyimaadeen QM iyo AMISOM.

Sidoo kale ilo wareedyo ku dhow hay’adda duulista rayidka oo aan la xiriirnay ayaa innoo xaqiijiyey in la fasaxay terminalka, isla-markaana uu haatan sidii hore u shaqeynayo.

Amarka lagu xiray terminal-kan waxaa horey u soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo shaacisay in dhowr sababood loo xiray MOVCON oo ay ka mid tahay inay adeegsadaan rakaab aan aheyn QM iyo AMISOM, taasi oo jebineysa hanaanka socdaalka sharciga ah.

Warqadda kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in marar badan ay dhacday in duulimaadyada QM ay soo cago dhigteen garoonka ayaga oo aan kahor waaxda socdaalka usoo gudbin dokumentiyada rasmiga ah

Go’aanka ay dib ugu fasaxday xukuumadda Rooble isticmaalka terminal-ka gaarka ah MOVCON ayaa ku soo aadayo xilli xasaasi ah, isla-markaana uu khilaaf horleh ka dhashay talaabadii uu qaaday Rooble ee ku aadan dib u celinta lacagtii lagala wareegay Imaaraadka.

Si kastaba wasiirada soo saaray amarka xirista iyo midka furista ayaa ah laba wasiir oo saaxiibo dhaw la kala ah Farmaaj iyo Rooble oo haatan isku hayo doorashooyinka dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Qodobada DASTUURKA ee awoodaha madaxweynaha ee sida khaldan loo fasirey

0

Dastuurka waa heshiiska nidaaminayo xariirka dowladda iyo muwaadinka iyo Hay’adaha dowladda dhex-dooda, waxuuna nidaaminayaa Hay’ado lasoo doorto sida Hay’adda Madaxwayanaha “Hay’ad hal qof ah” Baarlamaanka iyo Hay’adaha la magacaabo oo leh habraac gaar ah sida Xukuumadda iyo Garsoorka iyo Guddiyada kale.

Awoodaha Dastuuriga ah ee Hay’dahaas waxay ku xiranyihiin isticmaalkooda waqtiga uu Dastuurka u xaddidey oo ah Afar sano Madaxwaynaha iyo Baarlamaanka “DKG 60, 91″ iyo habraaca ay ku dhamaadaan xilka kuwa kale sida xukuumadda ay ku dhamaato “DKMG 97/ faqrada 4-aad”.

Waxii intaas kasoo haray ma aha gudasho shaqo ee waa cadayn maqaam qaanuuneed “ legal status” sida Xukuumadda xil-gaarsiinta, joogista Xafiiska ee Baarlamaanka iyo Madaxwaynaha “ DKMG 103, wax-kbadal Dastuurka L. 20, 2016, l.30/2020”.

Intaas markaan ifin guud uga soo baxo waxaan rabaa in aan idinla wadaago dhawr qodob oo kamid ah kuwa Dastuurka ku cad balse fahankooda si khaldan ugu baahay Bulashada iyo Madaxda in aan idinla wadaago ujeedkooda, si aan loogu wareerin wax aan jirin, waxaana ka mid ah:

1.Madaxwaynaha waa Astaanta Qaranka:

Madaxwaynaha ma aha astaanta Qaranka, astaanta Qaranka waxay ku cadahay Lifaaqa Dastuurka, Jadwalka koowaad, Xarafka “B” balse sida saxda ah waa in Madaxwayanaha yahay astaanta midnimad Qaranka sida ku cad DKM Q. 87-aad, faqrada koowaad, xarafka “B”, waana labo arin oo aad u kala duwan astaanta qaranka iyo matalaada midnimada Qaranka.

2. Madaxwaynaha waa Taliyaha guud ee Ciidamada:

Madaxwaynaha ma aha Taliyaha guud ee Ciidamada, mana jiro xilkaas. Qodobka 90-aad, faqradiisa “B” ayaa sheegayso in Madaxwaynaha yahay Taliyaha Ciidamada Qalabka sida, waxaana loola jeeda Ciidamada Milatariga ah. Ciidamada kala duwan Milatari, Boolis, Nabad-sugid, Asluub waxaa la isku dhahaa Ciidamada Amniga, waxayna kala qabtaan shaqooyinka lagu kala qeexay Q. 126-aad ee Dastuurka.

Ciidamada Qalabka sida shaqadooda waa ilaalinta gobnimada, madaxbaanida dalka iyo midnimada dhuleed, waxayna hoostagaan Madaxwaynaha Jamhuuriyadda. Faqrada 3-aad ee Q.126-aad ee Dastuurka ayaa fasireyso Q. 90-aad/ B ee Dastuurka.

Sidaas darteed Madaxwaynaha waa Taliyaha Ciidamada qalabka sida “Commander in chief of the armed forces” sida ay fasireyso 126/3-aad ee Dastuurka ee ma aha Taliyaha Ciidamada Amniga “Commander in chief of National security agencies”.

Arintaas waa mid ka duwan marxaladdii Milatariga oo uu Madaxwaynaha Ciidamada dhan uu xukumayey maadaama nidaamka xilligaas jirey uu ahaa Nidaam Madaxwayne “Presidentional sytem “ uu ka duwanyahay nidaamka Siyaasadeed ee hadda Barlamaani ama Mixed hadba doodii la qaato balse waxay waafaqsantahay Nidaamkii rayidka ee Q. 75-aad ee Dastuurkii 1960-kii.

3. Awoodda fulinta waxaa iska leh Ra’iisul-wasaaraha.

Awoodda fulinta maleh ra’iisul-wasaaraha ee waxaa iska leh Xukuumadda “Golaha Wasiirada” isgana waa xubin kamid ah Golaha oo shir-gudoomiya, waxayna si toos ah ugu cadahay Q.97-aad ee Dastuurka.

Shaqada golaha waxay ku cadahay Q. 99-aad ee Dastuurka, xil-qaadista iyo magacaabista saraakiisha sar-sare iyada ayey ku jirtaa “DGM, Q. 99-aad, Xaraf.G”, waxayna u gutaan shaqadooda si masuuliyad wadareed ah “” Cabinet collective responsibility”.

Ra’iisul-wasaaraha waxuu gaar u leyahay Magacaabidda, xil-qaadida Wasiirada, horgaynta golaha Shacabka ee kalsooni helida “Q.DKMG Q.100-aad” heerka ay la egtahay isticmaalka awoodaas iyo Maamulka Xafiiskiisa waxaa lagu xaddidaa Xeerka Xukuumadda
“Government organisation act” , mana shaqeeyo hadda.

4. Xukuumadda Xil-gaarinta/ ra’iisul-wasaaraha ayaa leh waxii shaqo kasta xilliga kala-guurka.

Xukuumadda Xil-gaarsiinta “Care taker government” waxay salka ku haysaa mabd’da Maamul ee istaagid la’aanta sbaqada guud “the principle of continuity of public services” oo u jedkiisa yahay in aysan istaagin shaqada guud daruuf iyo xaalad kasta.

Xukuumadda xil-gaarsiinta waa Hay’ad uu dhamaaday muddo xileedkeeda, walina aan la badalin waxaa shaqadeeda hagayo Q.103 ee Dastuurka ku meel-gaarka ah, waxuuna sheegayaa Shaqada caadiga ah ee maalinla ah bas ah “routine duites/ actes de gestion” waana shaqada maamulka ama mid ku xusan Road map lagu heshiiyey in doorasho lagu galo sida Heshiiska 17 september fulintiisa.

Ma jirto meel Dastuurka ama fiqhiga qaanuunka uu ku sheegayo in Xukuumad Xil-gaarsiin ay badali karto, baa’in karto, soo kordhin karto maqaam qaanuuneed ee qof ama Hayad “Actes de disposition”, waana fahan qaldan in sidaas loo fasiro qodobka 103-aad ee Dastuurka.

Xikmadda loo diidayo in Xukuumadda ay badasho maqaam qaanuuneed waxaa weyo in Hay’addii ku lahayd korjoogtaynta howlaha xukuumadda ee sharci-dajinta sida uu jideenayo “ DKMG “Q.69-aad faqradiisa 2-aad, xaraha /B,C” ay gashay doorasho uuna dhamaaday muddo xileedkeedii ku xusnaa “ DKMG 60-aad”.

Ugu dambayn, Qodobad Dastuurka ku cad ee sida khaldan fahankooda uu u baahay iskadaa kuwa uu Dastuurka uu ka gaabsadaye aad ayey u badanyihiin, waxayna u badanyihiin arimaha sharci-dajinta, intaan waxaan tusaale ugu soo qaatay waxaa badnaa hadal hayntooda waayadan.

Hay’adaha dowladda ee la doorto ama leh magacaabis habraac waxay awoodooda leeyihiin, kuna doodi karaan inta lagu jiro Muddada sharciga ah, haddii laga gudbo waxay leeyihiin maqaam sii joogid Xafiis un ee ma is ticmaali karaan awooda asalka ah.

F.G. Waa aragtidayda shaqsiga ah ee fahankayga Datuurka.

W/Q: Cali Sh. Aadan Yusuf “ Cali Somali”

Laba madaxweyne goboleed oo ka fal-celiyey go’aanka R/W Rooble ee Imaaraadka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo war ka soo saaray go’aanka uu shalay qaatay Ra’iisul Wasaare Rooble ee dib loogu soo celinayo xiriirkii Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa aad u bogaadiyey tallaabadii raali-gelinta aheyd ee galabta uu qaaday Rooble.

Ugu horeyn Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo daqiiqado kadib raali gelintii Rooble la kulmay safiirka dowladda Imaaraadka u jooga Soomaaliya ayaa bogaadiyay tallaabadii uu qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble, isagoo ku amaanay dib u hagaajinta xiriirkii xumaaday ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Axmed Madoobe ayaa hoygiisa magaalada Muqdisho galabta ku qaabilay Danjire Maxamed Axmed Cuthmaan, Safiirka Dowlada Imaaradka Carabta u qaabilsan Soomaaliya, wuxuuna uga mahad celiyay gurmadkii ay ka gaysteen abaaraha ka jira Jubbaland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Dhanka kale dowlad goboleedka Puntland oo war ka soo saaray go’aanka xukuumadda federaalka ayaa soo dhoweeyey tallaabada XFS ee “dib loogu saxayo siyaasadda arrimaha dibadda iyo xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashi ee Soomaaliya la leedahay adduunka intiisa kale.”

“Waxaan boggaadineynaa garowsiyaha iyo raallingelinta Ra’iisalwasaaruhu ka bixiyey khaladkii  April 2018 lagula kacay Dowladda aynu walaalaha nahay ee Imaaraadka. Dowladda Puntland waxay Dowladda Imaaraadka uga mahacelinaysa gurmadkii ay maanta u fidiyeen dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen,  waxaana rajeynaynaa gurmadkaasi inuu wada gaaro dhammaan dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

Rooble ayaa qaatay go’aan dib loogu soo celinayo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka oo si weyn u xumaaday seddax sano ka hor, taasi oo la fahamsan yahay inuu ka dambeeyay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta dalka soo gaarsiisay deeq gar-gaar ah, oo ay ugu talo gashay caawinta dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu ku saameeyeen gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo deeqdaas ku guddoomay garoonka Aadan Cadde ayaa meel fagaare ah dowladda Imaaraadka uga raali-galiyay tallaabadii bishii April ee sanadkii 2018-kii ay dowladda Soomaaliya ugala wareegtay lacag laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde, isaga oo ballan-qaaday in uu dib ugu wareejin doono lacagtaas.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Maxay gobolka iyo dunida uga dhigan tahay sii-deynta Abiy Ahmed ee mucaaradka?

Ra’isul wasaraaha Itoobiya Abiy Axmed ayaa jimcihii sii-daayey siyaasiyiin mucaarad ah sida Sebhat Nega, oo ahaa maskaxda iyo aasaasaha TPLF iyo walaashiis Kedusan Nega, xubnaha kale ee ururkaasi ah ee la sii daayey waxaa ugu muhiimsanaa Abay Woldu oo ahaa guddoomiyihii hore ee TPLF iyo madaxii gobolka Tigreyga iyo weliba Abadi Zemu oo xubin ka ahaa guddiga dhexe ee TPLF.

Waxaa kale oo dadka la siiyey ka mid ah hoggaamiyeyaasha Oromada sida Jawar Mohammed iyo Bekele Gerba, labada nin waxaa lagu eedeeyey in ay sameeyeen qalalaaso ka dhan ah Amxaarada kadib dilkii Hachalu Hundessa ee June 2020.

Go’aankan ayaa yimid maalin kadib markii uu Adis Ababa yimid ergeyga Mareykanka ee geeska Afrika Jeffry Feltman, wada hadalna uu la galay madaxda Itoobiya.

Waxaa kale oo ay sii-deysmadan kusoo aadeysaa iyada oo todobaadkan wareysi uu CNN-ka siiyey hoggaamiyaha TPLF-ta Debretsion Gebremichael, uu ku sheegay in dagaalkan lagu soo afjarayo wada-hadal ayna dhankooda diyaar u yihiin, iyada oo si arrintaas loogu gogol-xaaro ay Tigeyga ka baxeen qeybo ka mid ah dhulka Cafarta iyo Amxaarada.

Haddaba, Tilaabadan maxay gobolka iyo Dunida uga dhigantahay ayaan hordhigay Prof. Xasan Sheekh Cali Nuur isaga oo sheegay iney bilow u tahay bixitaanka Abiy Axmed iyo in galbeedka ay ka adkaadeen siyaasadda Shiinaha iyo Ruushka.

Prof. Xasan oo PhD ka heysta xiriirka caalamiga oo ka hadlayey waxa ay Itoobiya uga dhigantahay arrinkan ayaa waxaa uu yiri “ Sii-deynta xubnaha mucaaradka, waa xoogaggii lala geli lahaa wada hadalka iyo heshiis waara oo la sii-daayey, waa bilowga bixitaanka Abiy Axmed, waana isaga  oo ku qancay in xoog ciidan aan xal ku jirin, ayna muhiim tahay heshiis siyaasi ah, hadda guddi Bad-baado ayaa la dhisi-doonaa, iyada oo la dooranayo ra’isul wasaare la isla ogolyahay “.

Dhinaca kale, mar aan weydiiyey, maxay uga dhigantahay “Geopolitics”-ka waxaa Prof. Xasan sheegayaa in la jabiyey Ruushka iyo Shiinaha isaga arrintaas ka dhahay “ Waxaa laga adkaaday madaxda gobolka ee aaminsaneyd xoog wax ku raadinta, waxaa guuleystay kuwa nadda iyo dib u heshiisiinta doonayey, marka arrimahaas laga hadlayana waxaa caddahay in Mareykanka oo nabaddoon ahaa uu ka guuleytay Ruushka iyo Shiinaha.

Inkasta oo la sii-daayey madaxdii Tigreyga iyo Amxaarada hadana lama oga sida ay wax noqon doonaan maalmaha soo socda iyo waxa ay tahay ujeedka dadkaasi loo daayey, laakin waxaa hubaal in arrinkaas oo qaboojin doono dagaallada iyo xasaraddii ka socotay Itoobiya  labadii sano ee ugu dambeysay, taas oo sabab u noqotay qax ilaa labo Milyan iyo dhimashada kumannaan kale, iyada oo abaar iyo dhibaatooyin kale ay sii jiraan.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye

Muxuu MAHAD SALAAD ka yiri amarkii FARMAAJO?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan xubnaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa ka falceliyey wareegtada kasoo baxday Farmaajo ee lagu amray guddoomiyaha Bangiga Dhexe in uusan bixin karin lacagta horey loogala wareegay Imaaraadka Carabta, kadib markii uu shalay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya shaaciyey in dib loogu celin doono.

Mahad Salaad oo qoraal soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in markii horeba lacagtaas aan lagu qaban sifo sharci ah, taas oo ay dowladdu la wareegtay 8-dii bishii Abriil ee 2018-kii.

Xildhibaanka ayaa intaasi ku sii daray in lacagta ka timid Imaaraadka Carabta ay la wareegeen ciidamada NISA, isla-markaana aan loo gudbin hay’adaha Garsoorka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Bangiga Dhexe uu toos u hoos tego hay’adda fulinta ee uu ugu sarreeyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

“Lacagta Imaaraadka sifo sharci ah markii hore laguma soo qaban. Sidoo kale hay’adaha garsoorka looma gudbin dacwo la xariirta sharci ahaanshaha ama sharci darada soo gelitaanka lacagtaan. Waxa soo qabtay hay’adda Nabad Sugida, waxaana haya Bangiga Dhaxe, waxayna si toos ah u hoos tagaan hay’adda fulinta ee Ra’iisul Wasaare Rooble madaxda ka yahay,” ayuu yiri xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in aysan meel uga bannaaneyn arintan madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna sheegay inay kala caddaan doonto marka uu soo jawaabo guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee dalka, isaga oo shaaciyey inay laba mid uun noqon doonto inuu u hoggaansamo shuruucda dalka ama inuu raaco Farmaajo.

“Meel Farmaajo ugu banaan ee uu ka soo geli karana ma jirto. Lkn waxaa lagu kala ogaan doonaa Gudoomiyaha Bangiga Dhaxe inuu u hoggaansanyahay shuruucda dalka iyo in uu jeebka ugu jiro Farmaajo!” ayui markale sii raaciyey hadalkiisa.

Arrintan ayaa sii qarxisay xiisadda u dhexeyso Farmaajo iyo Rooble oo markii horeba isku hayey arrimaha doorashada iyo sidoo kale ammaanka guud ee dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Ciidanka Jubaland oo xalay howlgal culus ka sameeyey magaalada KISMAAYO

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gal culus oo xalay ciidamada ammaanka Jubbaland ay ka sameeyeen qeybo ka mida magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa laga fuliyey inta badan xaafadaha ay ka kooban tahay magaaladaasi, ayada oo ciidamadu ay tageen guryo u ahaa bartilmaameed.

Sidoo kale ciidamada Jubbaland ee sameeyey howl-galkaas ayaa dhalinyarada qaar ee ay qateen weydiiyey su’aallo la xiriira amniga.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda amniga ayaa looga hadlay baaritaanadan oo ahaa kuwa xoogan, waxaana lagu sheegay in lagu xaqiijinayo amniga guud ee magaalada Kismaayo.

“Ciidamada Nabadsugidda iyo Booliiska Jubbaland ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka wada xaafadaha magaalada Kismaayo, waxayna baaritaan xooggan ku sameynayaan guryaha iyo gaadiidka dadweynaha,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay wasaaradda amniga.

Warkan oo uu soo saaray afhayeenka wasaaradda amniga ayaa sidoo kale intaasi kusii daray  “Wararka lagu marin habaabinayo bulshada loogana been sheegayo howlgalada amni ee caawa ka socda magaalada Kismaayo waa waxbo kama jiraan aan sal iyo raad laheyn,Waxaan bulshada Jubbaland ugu baaqeynaa inaysan ku kadsoomin wararka lagu xagal daacinayo amniga, si hufanna ula shaqeeyaan ciidanka amniga,”.

Jubbaland ayaa maalmihii u dambeeyey xoojisay ammaanka deegaanadeeda oo mararka qaar ay weeraro ka fuliyaan dagaalyahanada kooxda kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Kismaayo ayaa ka mid ah magaalooyinka ay bilowdeen doorashada kuraasta Golaha Shacabka, gaar ahaan xubnaha baarlamaanka ka soo galaya dhanka Jubbaland.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wararkii ugu dambeeyey ee Shirka Golaha Wadatashiga iyo kulamadii xalay dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee mar kale xalay dib uga furmay hotelka Decale ee Muqdisho ayaa soo dhammaaday, ayada oo aan weli wax heshiis ah lagu gaarin.

Qoraal uu xalay soo saaray afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa lagu yiri “Waxa soo gabagaboobay kulankii ay caawa hotel Decale ku lahaayeen Madaxda Gollaha Wadatashiga Qaran ee looga arinsanaya doorashooyinka kaas oo shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.”

“Shirku wuu sii socon doonaa inshallah waxana la filayaa inuu ka soo baxo gunaanadka Warmurtiyeed rasmi ah oo quseeya arimaha doorashooyinka sida hufnaanta doorashada, waqtiyeynta iyo amniga.” 

Sida aan xogta ku helnay, waxaa weli la isku mari la’yahay arrintan amniga, ayada oo ra’iisul wasaaraha uu doonayo in war-murtiyeedka kasoo baxaya shirka lagu daro in amniga guud ee dalka isaga lagu wareejiyo, haddii kale aanay dhici karin doorasho hufan.

Xitaa haddii shirka sidaas isku raaco, madaxweyne Farmaajo ayaan marnaba ogolaan doonin inuu amniga wareejiyo, balse waxaa jirta dood ah in sidaas ay beesha caalamka ku qasbi karto, haddii Golaha Wadatashiga Qaran ay isku raacaan. 

Si kastaba, madaxweyne goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Axmed Qoor Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa weli diidan arrintan, ayaga oo ku dooday in amniga dalka uu ka baxsan yahay arrimaha doorashada.

Waxay sidoo kale sheegayaan in madaxweyne Farmaajo uu horey amniga doorashada ugu wareejiyey ra’iisul wasaaraha.

Shirka ayaa la filayaa in mar kale uu maanta dib u billowdo, hase yeeshee waxaa jirta cabsi ah in shirka uu burburi karo ama aysan kasoo bixi bixi doonin qodobo la taaban karo, oo wax ka beddelaya xaaladda cakiran ee doorashada dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Golaha Wadatashiga oo dib u bilaabay wada-hadallo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wadatashiga Qaran ayaa dib u bilaabay wada-hadalladooda, waxaana maanta oo Sabti ah ay sii amba qaadeen shirarkooda looga hadlayo xaaladda dalka, iyada oo uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Sida uu shaaciyey afhayeenka xukuumadda, Mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu waxaa kulanka maanta diirada lagu saarayaa qodobada ay dhaliisha ka keeneen xubnaha Midowga Musharixiinta Mucaaradka, Ururada Bulshada Rayidka iyo Wakiilada Beesha Caalamka.

“Madaxda ayaa waxa ay maanta falanqeyn iyo wadatashi ka leeyihiin cabashooyinkii la xiriira hufnaan iyo daahfurnaan la’aanta doorashada oo ay soo gudbiyeen Midowga murashaxiinta, Bulshada Rayidka iyo Saaxibada Soomaaliya,” ayuu yiri Macallimuu.

Shirkan oo ay goobjoog yihiin madax goboleedyada & Duqa Muqdisho ayaa qaatay maalmo badan, ayada oo weli la’isku mari la’yahay qodobada qaar ee shirka, gaar ahaan amniga.

Rooble ayaa doonayo in war-murtiyeedka kasoo baxaya shirka lagu daro in amniga guud ee dalka isaga lagu wareejiyo, haddii kale aanay dhici karin doorasho hufan.

Xitaa haddii shirka sidaas isku raaco, madaxweyne Farmaajo ayaan marnaba ogolaan doonin inuu amniga wareejiyo, balse waxaa jirta dood ah in sidaas ay beesha caalamka ku qasbi karto, haddii Golaha Wadatashiga Qaran ay isku raacaan. 

Si kastaba, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada kala ah Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Axmed Qoor Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa iyaguna dhankooda weli diidan arrintan, waxayna ku doodayaan in amniga dalka uu ka baxsan yahay doorashada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

 

Farmaajo oo Bankiga Dhexe amray in lacagtii laga qabtay Imaaraadka aan la bixin karin

0

Muqdisho (Caasimada Online)  – Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray go’aan ka dhan ah dib u celinta lacagtii dowladda Imaaradka ee galabta uu Ra’iisul Wasaare Rooble balan qaaday in xukuumadiisu ay dib ugu celinayso.

Farmaajo oo fariintaan ku socodsiiyey guddoomiyahaBangiga Dhexe ee dalka ayaa sheegay in lacagtaas sifo aan sharci aheyn dalka lagu soo geliyey 8-dii bishii Abriil ee sanadkii 2018-kii.

Madaxweyne Farmaajo ayaa guddoomiyaha Bangiga Dhexe ka dalbaday in uusan ogolaan in go’aanka Rooble sanduuqa dowladda looga bixiyo lacagtaas, isagoo go’aanka lacagta lagu celinayo ku tilmaamay mid hal nin qaatay.

Sidoo kale wareegtada Farmaajo waxaa lagu xusay in lacaagtaas ay waxyeeleyn karto amiga qaranka iyo dhaqaalaha dalka, hadii ay ka baxdo qasnada dowladda.

“Waxaa mamnuuc ah in go’aan hal masuul gaaray lagu bixiyo lacagtaas, iyadoo aan la marsiin hanaan waafaqsan shuruucda dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka uu Farmaajo soo saaray caawa.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

 

Shirka Golaha Wadatashiga oo caawa dib u furmay + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa caawa magaalada Muqdisho dib uga bilaawday shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kadib maalin nasiino ah oo madaxdu ay kala maqnaayeen.

Xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo war kooban ka soo saaray ajendaha shirka caawa ayaa shaaciyey in laga hadli dooni ‘dhammeystirka, hufnaanta iyo amniga doorashooyinka dalka.’

“Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble  ayaa caawa shir ku leh magaalada Muqdisho, kaas oo qeyb ka ah wada xaajoodyadooda ku saabsan dhammeystirka, hufnaanta iyo amniga doorashooyinka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay xafiiska Rooble.

Shirkaan oo Muqdisho ka socda ku dhawaad hal todobaad ayaan weli xal looga gaarin murankii ka soo laabtay doorashada kuraasta yar ee ilaa hadda laga soo doortay xubnaha golaha shacabka, dhameystirka iyo hufnaanta doorashada.

Sidoo kale waxaa miiska saaran oo la isku mari la’yahay dalab uu wato Ra’iisul Wasaare Rooble oo ah in amniga guud ee dalka isaga lagu wareejiyo, kaas oo hadda uu masuuliyadiisa sheegto madaxweynihii hore Farmaajo.

Madaxda dowlad goboleedyada qaar ayaa la sheegay inay toos uga soo hor jeesteen in amniga dalka laga wareejiyo Farmaajo, halka madaxda Jubbaland, Puntland iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ay ka mideysan yihiin fegradda ah in Farmaajo laga wareejiyo mas’uuliyadda amniga Qaranka.

Xog: Kulan Villa Somalia uga socda madaxweyne Farmaajo iyo Jeneraal Saadaq John

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in hadda uu Villa Somalia kulan uga socdo Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir Jeneraal Saadaq John.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo uu maalmahan waday madaxweyne Farmaajo oo uu la qaadanayo saraakiisha Ciidamada Badbaado Qaran, ee horey ugu lug lahaa dagaalkii looga soo horjeeday muddo kororsiga ee bishii April.

Kulanka u socda Farmaajo iyo Saadaq Joon ayaa daba socda kulan kale oo galabta dhex-maray Taliyihii hore NISA Fahad Yaasiin iyo Jeneraal Saadaq John.

Weli faah-faahin buuxda lagama hayo waxa uu ku saabsan yahay kulankan lama filaanka ah, waxaase la rumeysan yahay inuu salka ku hayo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho iyo cabsida laga qabo inuu dagaal ka dhaco.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa saddex cisho kahor isu keenay Fahad Yaasiin iyo Jeneraal Saadaq John, si loo dhammeeyo mad madowgii u dhaxeeyay ee ka dhashay arrintii muddo kororsiga ee uu Jenanku ka hor-yimid bishii April 2021.

Saadaq John ayaa ahaa sarkaalkii ugu horreeyey ee isku dayey inuu ka hortago muddo kororsiga kadib markii uu ciidamo boolis ah u adeegsaday inuu baajiyo kulankii baarlamanka ee muddo kororsiga, taasi oo keentay in xilka laga qaado, oo uu Farmaajo ka xayuubiyo darajooyinka.

Kulamada uu Madaxweyne Farmaajo la yeelanayo Saraakiishii Badbaado Qaran ee ka soo horjeeday muddo kororsigiisa, ayaa ah kuwa uu ku doonayo inuu kusoo dhoweysto, si aysan culeys ugu noqon dhankiisa, ayada oo laga cabsi qabo in mar kale ay ciidanka Badbaado Qaran soo galaan Muqdisho.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Siyaasiyiin iyo xildhibaano ka fal-celiyey GO’AANKII uu maanta qaatay R/W Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin iyo xildhibaano ayaa ka falceliyey go’aankii maanta uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu Imaaraadka Carabta si rasmi ah ugu cudur-daartay tallaabadii ay ciidamada NISA ay Garoonka Aadan Cadde kula wareegeen lacag ku dhaw 10 Milyan oo doollar, bishii April 2018.

Aadam Aw Xirsi oo xilal kala duwan federaalka iyo Jubaland-ba ka soo qabtay oo siyaasiyiinta arrinta ka fal-celiyey ka mid ahaa, ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray:

“In uu Ra’iisul Wasaare Rooble Dawladda Imaaraatka uga cudur-daarto dhacdadii 2018 ay ciidanka amniga ee Garoonka Aadan Cadde dawladda Imaaraatka uga qabsadeen $9M oo ku jirtay kolay diblumaasi ah waa tallaabo, markii iskeed loo eego, horay loo qaaday,” ayuu yiri Aw-Xirsi

“Soomaaliya ma tahli karto in ay shaqaaqooyin  laga  maarmi karo had iyo jeer kula jirto derisyadeeda iyo dalal ay suuraggal tahay in ay horumarka iska kaashadaan.”

Sidoo kale, wasiirkii hore amniga ee maamulka Galmudug, xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo xildhibaan Mahad Salaad soo dhaweeyay tallaabadii uu maanta qaaday Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Waxay Ra’iisul Wasaaraha uga mahadnaqeen in uu dib u sixid ku sameeyey qaladaadkii uu madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo kooxdiisu sameeyeen sanadihii tagay iyo inuu ka saaro Soomaaliya go’doonka diblumaasiyadeed ee la galiyey.

Fiqi ayaa ugu horeyntii dowladda Imaaraadka Carabta uga mahadnaqay in xiligaan adag ay u soo gurmato dadka Soomaaliyeed, isaga oo madaxweynihii hore Farmaajo ku eedeyay in uu xiriirka dowladaas u xumeeyay danihiisa gaarka ah.

“Farmaajo dalka wuxuu ka dhigtay 5tii sano ee la soo dhaafay NGO rabitaabkiisa ku shaqeeya oo kale, asagoo awooddii dawladnimada u adeegsaday danihiisa gaarka ah. Dawladaha saaxiibada la ahaa Soomaaliya way badnaayeen markii Farmaajo talada dalku uu qabtay, maantay qof walba waa og-yahay dhowrka dawladood ee ku soo haray Soomaaliya,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray in dalalka Eritrea, Qatar iyo Ethiopia oo madaxweynihii hore uu saaxiib dhow ka dhigtay aysan wax gargaar ka hayn shacabka Soomaaliyeed ee abaaraha la ildaran, oo aan ka ahayn kaalmaynta kaligitaliska.

“Raysulwasaare Rooble waa ku mahadsan yahay in uu dib u sixid ku sameeyey qaladaadkii ay Farmaajo iyo kooxdiisu sameeyeen sanadihii tagay iyo inuu ka saaro Soomaaliya go’doonka diplimaasiyadeed ee la galiyey!.”

Mahad Salaad ayaa asaguna dhankiisa madaxweynihii hore Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihiisi ay kala tageen ee Kheyre ku eedeyay inay xumeeyeen xiriirkii Soomaaliya la laheyd dalalka Masar, Sacuudiga, Imaaraadka, Jabuuti iyo Kenya.

“Xiriirkii ay kharribeen afartii sano ee la soo dhaafay waa ku mahadsanyahay Ra’iisul Wasaare Rooble in uu dib u saxo,” ayuu ugu dambeyntiina ku yiri qoraalkiisa Mahad Salaad.

Xukuumadda Rooble ayaa xiligan waxaa ka go’an xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah, oo xiriirkooda uu xuma sanadihii u dambeeyay, oo sida la fahamsan yahay uu horseed u ahaa madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Midowga Musharaxiinta oo war kasoo saaray tallaabadii uu maanta qaaday Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa si weyn u soo dhaweeyay tallaabadii uu maanta qaaday Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee qeybta ka aheyd dib usoo celinta xiriirkii xumaa ee Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta dowladda Imaaraadka ka raali-galiyay dhacdadii bishii April 2018 ay dowladda Soomaaliya ugala wareegtay lacag laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde, xilli uu dowladda Imaaraadka Carabta ka guddoomay deeq gargaar ah, oo ay ugu talo gashay caawinta dadka abaartu saameysay.

Golaha ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku bogaadiyay dadaalka uu dib ugu hagaajinayo xiriirkii sanadihii dambe la xumeeyey ee Soomaaliya kala dhaxeeyey dowladaha Carbeed ee aan walaalaha nahay oo ay ugu horeyso dowladda Imaaraadka Carabta.

“Golaha Midowga Musharaxiintu, wuxuu uga mahadcelinayaa dawlada Isu-taga Imaaraadka Carabta deeqda ay maanta soo gaarsiisay dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu wax-yeelleeyeen,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Golaha ayaa adkeeyay muhiimada xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, ayaga oo xusay in sanadkii tagay dalkeena uu dhexmaray ganacsi ka badan 1.7 bilyan oo dollar.

“Imaaraadka waxa kale oo ay xarun u tahay Shirkadaha, Xawaaladaha iyo ganacsiga Soomaaliyeed,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka Golaha Midowga Musharaxiinta.

Ugu dambeyntiina waxa uu Golaha ku booriyay dowlada Imaaraadka Carabta inay dib u soo celiso kabkii miisaaniyadeed ee dalka, adeegii caafimaad iyo fududeyntii dal ku galka.

Hadalkan ayaa imanaya kadib markii Ra’iisul Wasaare Rooble uu maanta ballan qaaday in dowladda Imaaraadka uu dib ugu wareejin doono lacag bishii April 2018 looga qabtay garoonka Muqdisho.

Xukuumadda Rooble ayaa xiligan waxaa ka go’an xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah, oo xiriirkooda uu xuma sanadihii u dambeeyay, oo sida la fahamsan yahay uu horseed u ahaa madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Rooble oo raali-gelin siiyey Imaaraadka, una celinaya lacagtii lagala wareegay 2018

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta dowladda Imaaraadka ka raali galiyay dhacdadii bishii April 2018 ay dowladda Soomaaliya ugala wareegtay lacag laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde.

Rooble ayaa hadalkan lama filaanka ah maanta ka sheegay Muqdisho, xilli uu dowladda Imaaraadka Carabta ka guddoomay deeq gargaar ah, oo ay ugu talo gashay caawinta dadka abaartu saameysay.

Deeqda ayaa waxaa Rooble ku wareejiyey safiirka Imaaraadka Carabta ee Muqdisho Maxamed Al-Cusmaani.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ballan qaaday in lacagtaas oo ku jirta gacanta dowladda lagu wareejin doono dowladda Imaaraadka waqtiga ugu dhaw.

Rooble oo dowladda Imaaraadka uga mahad-celiyay garab istaaggeeda Shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay ka go’atahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah.

Bishii April 2018, dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigtay lacag dhan 9.6 milyan oo dollar oo garoonka Muqdisho uga soo degtay safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho, taasi oo horseeday in Imaaraadka ay joojiyaan tababarkii ay siin jireen ciidamada Soomaaliya, xiriirka labada dalna uu gaaro meeshii ugu xumeyd.

Dowladda federaalka ayaa sheegtay lacagtaas in loogu talo-galay in arbushaad siyaasadeed looga sameeyo dalka, balse Imaaraadka ayaa ku dooday inay ugu talo-galeen mushaharka militariga Soomaaliya, oo qeyb ka mid ah ay xilligaas tababari jireen.

Tallaabada uu maanta uu qaaday Rooble, ee uu ku bixiyey raali-gelinta, ayaa muujineysa siyaasad cusub oo xukuumadda ay qaadatay, kadib markii Farmaajo uu xiriirka Imaaraadka Carabta u xumeeyey sababo la xiriira dagaalka kala dhaxeeya Qatar. 

Rooble ayaa tan iyo markii uu xafiiska yimid laba goor la kulmay safiirka Imaaraadka ee Muqdisho, waxaana muuqatay inuu isku dayayo inuu hagaajiyo xiriirka Abu Dhabi, oo muhiim u ah ganacsiga Soomaalida. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Maxaa dhici doono haddii illaa March aanay Soomaaliya dooran madaxweyne cusub?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa hal sano dib u dhacday, wuxuuna dalka ku jiraa qalqal amni iyo mid siyaasadeed, waxaase hadda bannaanka timid dhibaatada dhaqaale ee kusoo wajahan Dowladda Soomaaliya haddii aan la helin doorasho.

Dakhliga ay gudaha kasoo xareyn jirtay Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hoos u dhacday iyadoo ay dalal badan joojiyeen kabkii miisaaniyadeed oo ay siin jireen Soomaaliya Bishii December ee sanadkii dhammaaday.

Madaxda Dowladda Federaalka ah waxaa laga soo xigtay inay hayaan mushaarka shaqaalaha iyo ciidanka illaa Bisha March ee sanadkaan.

Haddaba wixii ka dambeeyo Bisha March maxaa dhici doona waa su’aasha ugu badan ee walaaca ku heysa dadka dowlad ku noolka ah?

Dhawaan safiirada dowladaha Caalamka waxay la hadleen madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Rooble labadaba, waxayna u sheegeen inay istaagi doonaan dhammaan kaalmooyinka la siiyo Soomaaliya wixii ka dambeeyo bisha March ee sanadkaan 2022 haddii aysan dhicin doorashada madaxweynaha  ugu dambeyn bishaas.

Sidoo kale, Talaadadii safiirada Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya waxax la kulmeen Golaha wada-tashiga Qaran, waxay u sheegeen inay istaagi doonaan dhammaan kaalmooyinka wixii ka dambeeyo bisha March, waxayna ku adkeeyeen ahmiyadda ay leedahay in doorashada xubnaha golaha Shacabka, tan gudduunka iyo midda madaxweynaha in lagu qabto bisha March ee sanadkaan.

Reerka Galbeeddka waxay bixiyaan ku dhawaad 60% miisaaniyadda Xukuumadda Soomaaliya, kaalmada ciidamada AMISOM, horumarinta iyo daadajinta maamulada xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo caawimaad kale ayey reer galbeedku si joogto ah u bixiyaan taasoo ah shidaalka dhabta ah oo ay ku socoto dowladnimada Soomaaliya.

Inay arrimahaan istaagaan waxay culeys aan la qaadi karin ku tahay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada intaba.

Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee Soomaaliya waxay dhawaan isku dayday inay xirto miisaaniyadii 2021 si miisaaniyad cusub loo abuuro laakiin waa ku dhcii weysay maadaama ay ogtahay inay kaalmadu istaagi doonto wixii ka dambeeyo bisha March.

Xukuumadda waxay go’aansatay in miisaaniyadii sanadkii 2021 lasii durjiyo oo la gaarsiiyo illaa Bisha March oo xilligaas la xiro inta ka horeysana lagu shaqeeyo miisaaniyadii hore.

Amisom in lagu wareejiyo ammaanka madaxtooyada iyo arrimaha la rabo in lagu xaliyo doodda R/W Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka wada-tashiga Qaran ayaa sii socon doono maalmo kale kadib markii madaxda maamul Goboleedyada iyo Ra’isulwasaare Rooble isku raaci waayeen qodobkii uu Ra’isulwasaaraha ku dalbaday in lagu wareejiyo ammaanka guud ee Dalka.

Laba maalmood oo ay socotay dooda qodobkaan kadib hadda waxaa lagu balamay in wada-tashi hoose loo laabto oo caawa isku soo laabtaan dhinacyada.

Sida ay sheegeen xubno kamid ah madaxda Maamulada markii ay adkaatay dooda qodobkaan la xiriira waxaa loo gudbay in mowduuca la jajabiyo oo qeyb laga qaato qeybna la tuuro.

Tusaale, dhanka Ra’isulwsaaraha waxay keeneen dood ku saabsan sida la isku aamini karo oo madaxtooyada loogu wada shaqeyn karo iyadoo la ogyahay wixii dhacay 27 Bishii hore.

Iyadoo goluhu uu ka jawaabayo walaacaas amni waxaa miiska la keenay aragti ah in ciidanka AMISOM lagu wareejiyo ammaanka guud ee madaxtooyada oo banaanka loo soo saaro dhammaan ciidamada Soomaalida ah ee labada Nin kala taabacsan si meesha looga saaro cabsida ku saabsan inuu Farmaajo mar kale isku dayo wax la mid ah talaabadii foolxumada aheyd ee uu qaaday.

In ciidamkoada Soomaalida ah la geeyo Koontaroolada bannaanka ah ayaa ku jirtay dooda. Sida ay wararku sheegayaan dhanka Ra’isulwasaaraha ma diidin aragtidaas, laakiin lama oga inuu Farmaajo aqbali doono in dhammaan ciidamada Soomaalida ah laga saaro gudaha madaxtooyada.

Waajibaadka AMISOM waxaa kamid ah inay sugaan Amniga madaxda Dalka iyo xarumaha muhiimka ah. Qodobka kale ee dooda Amniga laga qaatay ayaa ahaa in Goluhu soo jeediyo in la badalo taliyaha ciidamada Xoogga Dalka Odawaa Yuusuf Raage iyadoo laga heshiinayo cidda lagu badali doono.

Qodobkaan waa aragti miiska taalay, laakiin looguma dul shaqeyn shaqeyn sida qodobka la xiriiray in AMISOM lagu wareejiyo Ammaanka madaxtooyada.

Qodobadaan waa dood weli taagan ee ma ahan go’aan. maadaama la isku mari waayey qodobkii ahaa Ra’isulwasaare Rooble amniga guud halagu wareejiyo waxaa xal loo arkay in xoogaa dooda la fududeeyo oo qodobo kale la abuuro ayey leeyihiin madaxdii aan la hadalnay.

Caawa la filayaa in qodobka amniga go’aan laga gaaro si loogu gudbo qodobada kale ee doorashada la xiriira

‘Muqdisho oo qarka u saaran halista DAGAAL sokeeye’

0

FARMAAJO WAA NIN SIDEE AH?

Dagaal sokeeye waa wax Ilaahay laga magangalo, wax lagu degdegana maaha haddii aanay jirin waxyaabaha sababikara dagaal sokeeye oo la isku badbaadinayo. Dhaqamada khatarta ah ee Farmaajo ayaa sababikara halista dagaal sokeeye oo ka dhaca Muqdisho. Dagaal sokeeye wax lagu degdego maaha, Farmaajana wax la sii eegankaro maaha.

Farmaajo waa nin waxa uu ku hadlo ay beentahay, waxa uu bixiyo ay laaluush tahay, waxa uu ku mashquulsanyahay ay shirqool tahay, waxa uu amrana ay dhagartahay. Waa nin ay kala tageen isaga iyo wadaninimo, dawladnimo iyo qaranimo kana doortay qabiil iyo xukun jacayl ah dhuxul dambas huwan, waa nin ku shaqaysta qabiil iyo danayste uu xusho oo ah maangaab la mid ah caws iyo biyo ku nool, waa nin arxan-laawe ah, dilaa ah, ciil-qabe ah oo dembikasta oo xun u gala kursiga iyo aargoosi, waa nin la aamusan xumaan iyo cadaawad, waa nin ay ka go’antahay inuu noqdo oo ku faano Afwerkiga Somalia oo ah duruusta uu siiyo macallinkiisa, Isaias Afwerki oo dadkiisii ka dhigay wax carara, wax uu laayo iyo wax uu xoog ku haysto, dalkiisana loo yaqaan Kuuriyada Waqooyi ee Afrika. Waa kaas Farmaajo, waa kelitaliye ma naxe ah, waa halis qaran.

FARMAAJO YAA XUKUMA OO KU HAYA VILLA SOMALIA?

Farmaajo waa nin ay toos u xukumaan Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerki oo la tashada tallaabakasta oo uu qaadayo, horena ugu hibeeyay dalka iyo dekedaha Somalia taas oo uu dhaafsaday in lagu hayo xukun kelitalisnimo qabiil inta uu nool yahay (life-long dictator), iyaga ayaa ku amra inaanu ka bixin Villa Somalia iskuna dhejiyo kursiga, doorashadana horjoogsado, waana heshiiskii dhagarta iyo khiyaamada qaran huwanaa ee loo maleegay Somalida Geeska Afrika laguna saxeexay caasimada Axmaarada, Bahardaar 2018.

Abiy Ahmed, oo ah dembiile dilaa ah oo dalkiisa iyo dadkiisa ku burburiyay xukun jacayl, waa ogyahay in haddii laga adkaado Farmaajo uu waayayo dekedaha uu Farmaajo sida sharcidarrada ugu saxeexay, markaas waa inuu markasta ku qasbaa inuu xoog ku joogo madaxtooyada ilaa uu dekedaha gacanta ku dhigo. Farmaajo haddii aanay Beesha Caalamku sandullayn, xoogna uga saarin madaxtooyada, waxa keliya oo uu Farmaajo kaga baxayo Villa Somalia waa dagaal sokeeye.

MAXAA SABABIKARA DAGAAL HALIS AH OO KA DHACA MUQDISHO?

Muqdisho waxay qarka u saarantahay dagaal sokeeye sababta oo ah waxaa si cad uga jira waxyaabaha sababa dagaalka sokeeye. Dagaal sokeeye waa lama huraan marka kelitalisnimo qabiil laasho dastuurka iyo laamaha dawladnimada, ciidan qabiil laguu dhisto, doorashada lagaa horjoogsado, lagaa qaado xorriyadda hadalka iyo dhaqdhaqaaqa, sharaftaada iyo cirdigaaga meel looga dhaco, cabsi iyo cabburin aad ku nooshahay, hal-doorkaaga mid mid loo dilo, hantidaada la boobo laguna koriyo qabiil gaar ah, lagugu gumaysato degaankaaga, horumarka iyo shaqadu istaagaan iwm.

Dadka Muqdisho ayaa maanta ku nool xaaladaas, waxayna runtii qarka u saarantahay dagaal sokeeye oo ay iskaga xorayso kelitalisnimada Farmaajo ee laga xukumo Addis Ababa iyo Asmara iyo kooxdiisa isla markaana lagu badbaadinayo lahaanshaha Somaliyeed ee dalka, qaranimada iyo dawladnimada. Noloshu waxay qiimo leedahay markaad haysato nabad, xorriyad iyo sharaf aad ku raadsato nolol iyo horumar, cadowgaaguna aanu haweysan #dhulkaaga, #qaranimadaada iyo #dawladnimadaada.

MUXUU FARMAAJO KU MASHQUUL YAHAY, YAA LA TASHA, MUXUU MAAGANYAHAY?

Farmaajo kuma mashquul aha nabadda, horumarka iyo maslaxadda ummada, waxaa uu mashquul ku yahay ciidan dhis iyo inuu Muqdisho ku wareejiyo xeryo ciidan daacad u ah si uu magaalada dagaal ugu qabsado una laayo cidkasta oo ka soo horjeeda. Waxaa uu xiriir joogto ah la leeyahay Sirdoonka Eritrea oo kala taliya sidii uu dalka ugu qabsanlahaa ciidan iyo siduu u laynlahaa cidda ka soo horjeeda xukunkiisa. Markaas waa waajib lama huraan ah in kelitaliye Farmaajo la iska xoreeyo oo la iska badbaadiyo inta aanu xoogaysan oo ummadda u horseedin xasuuq, qax iyo burbur. Xaaladu waa qaylodhaan qaran.

Abiy, Farmaajo iyo Afwerki

W/Q: Ibrahim Hassan Gagale

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.