25 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Midowga Musharaxiinta oo soo saaray dalabyo xasaasi ah oo la xiriira doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa goordhoweyd soo saaray qoddobo soo jeedin ah oo ay maanta la wadaageen Golaha Wada-tashiga Qaran, kadib markii ay ka qeyb-galeen shirkii Madasha.

Golaha ayaa sii adkeeyay in la saxo habraaca dooashada, si ay natiijadeeda u noqoto mid la aqbalo, dalkan degenaan iyo xasilooni u horseeda, ayada oo guddiyada doorashada loo madax-baneynayo howlaha doorashada.

Waxay dalbadeen in dib loogu laabto dhamaan doorashada kuraasta lagu muransan yahay, lana buriyo go’aanadii ay gaareen guddigii xalinta khilaafaadka ee dib u habeynta lagu sameeyay.

Waxa uu soo jeediyay Golaha Midowga Musharaxiinta in Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergooyinka ay noqdaan kuwii ka tirsanaa 135-tii Oday dhaqan, islamarkaana la faafiyo liiska magacyadooda inta aysan doorashadu bilaaban.

“Waa in odayga mas’uulka ka ah jufada kursiga leh ee ka tirsanaa 135-tii oday ama kuwii soo xulay baarlamaanka dowlad goboleedyada, hadba kii la isla qaato, oo la tashanaya odayaasha iyo waxgarada jufada hoose ee kursiga leh uu soo gudbiyo xubnaha kale ee afarta ah ee ka mid noqonaya guddiga soo xulista,” ayaa lagu yiri qoddobka labaad ee soo jeedinta Midowga Musharaxiinta.

Sidoo kale waxay soo jeediyeen in odayaasha dhaqanka oo kaashanaya nabadoonada iyo caaqilada jufada kursiga ku astaysan loo madaxbaneeyo xulista ergooyinka, ayna noqoto kaalinta dowlad goboleedyada fududeynta iyo amniga doorashooyinka.

Waxay intaas kusii dareen in Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad goboleed iyo federaal ay xaqiijiyeen ergada wax dooranaysa inay yihiin kuwii ay soo xuleen odayaasha dhaqanka.

“Waa in ergada la diiwaan-geliyo, lana faafiyo liiska magacyadooda, ugu yaraan muddo sadeex cisho ahna fursad loo siiyo inay kula kulmaan musharaxiinta ku tartamaysa. Sidoo kale waa in ergada aan laga hor istaagin la kulanka musharaxiita kursiga ku tartamaysa.”

Ugu dambeyntiina waxay si adag u sheegen in shakhsina laga hor istaagin inuu kursiga beeshiisa u tartamo, islamarkaana meesha laga saaro malxiiska siyaasadeed, ayna fursad siman u helaan musharaxiinta kulanka iyo ka dhex ololeynta ergada kursiga.

Hoos ka aqriso qoraalka Midowga Musharaxiinta oo dhameystiran

 

Xukuumadda R/W Rooble oo gashay heshiis cusub oo ku kacaya 185 milyan oo dollar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda, Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Khaliif ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka hay’adda WFP ee Soomaaliya, Elkhidir Daluum, oo ay si qoto dheer uga wada-hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga wasaaraddu ay la leedahay hay’adda WFP.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray sii ballaarinta wada-shaqeynta labada dhinac, ayada oo lagu saxiixay heshiis wada-shaqeyn oo ku kacaya 185 milyan oo dollar, kaasi oo qeyb ka ah barnaamijka Qaran ee taageerada dadka nugul ee Baxnaano.

WFP ayaa sidoo kale door fulin ka qaadaneysa mashruuca deg-dega ah ee taageerada qoysaska Ayaxu saameeyay, ayada oo xukuumaddana gacan ka siinaysa ka jawaabida abaarta.

“Waxaan hoosta ka xariignay sida ay Dawladda Soomaaliya iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada uga go’antahay xaqiijinta mashaariicda Dawladda ay leedahay oo Baxnaano ugu horreeyo ee WFP fuliso, heshiis wada shaqayn oo aan wadajir u saxiixnay ayay arrintaa ku caddahay,” ayuu yiri Wasiir Cabdiwahaab oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta.

“Dadaalka ku aaddan in Dawladda ay fuliso mashaariicda taageerraya bulshada ayaa meel wanaagsan noo maraya, waxaana dhawaan la dhammaystiri doonaa nidaamka diiwaanka bulshada.”

Sidoo kale, Wakiilka hay’adda WFP ee Soomaaliya, Elkhidir Daluum oo asaguna dhankiisa warbixin guud ka bixiyay mashaariicda ay hay’addu fulinayso sannadkan ee taageerraya bulshada, ayaa boggaadiyay wada shaqaynta wasaaradda ee WFP.

“Sharaf ayay ii tahay inaan mar kale fursad u helo ka shaqeynta Soomaaliya iyo u adeegida shacabka soomaaliyeed, waqtigan waa inaan meesha ugu hooseysa ee cunta yarida gaarnaa, kana qeyb qaadanao hormur iyo nabad waarta,” ayuu yiri.

“Sidoo kale waxaan ka wada-hadalnay wasiirka inaan sii xoojino xiriirkeenna gaar ahaan dhinacyada horumarinta fulinta qorshaha qaranka.”

Si kastaba, kulanka maanta ayaa ahaa midkii ugu horeeyay ee ay yeeshan wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda iyo Wakiilka WFP oo howl-galka loo soo magacaabay dhamaadka sanadkii hore.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Dagaal culus oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegay in uu goordhoweyd ka qarxay dagaal u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda.

Ciidamo ka tirsan kuwa Gorgor iyo Ciidanka Booliska ee ilaaliya xarunta degmada iyo baraha koontarool ee ku dhaw ayaa dagaal culus uu dhexmaray, kadib markii ay ciidamada Gorgor ay ka horyimaadeen howl-galo ay wadeen ciidamada booliska, oo ka dhan ahaa maandooriyaha.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamada dagaalka u dhaxeeyay in uu jiro khasaare dhaawac oo labada dhinac ah, ayada oo askarta dhaawacooda la gaarsiiyay isbitaalka Dhuusamareeb.

Dagaalka ayaa saameeyay isku socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada Dhuusamareeb, iyada oo Bulshada qeybaheeda kala duwan ay walaac ka muujiyeen dagaalkan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda.

Waxa uu ku soo aadaya iska hor-imaadka dagaal ee u dhaxeeyay ciidamada Gorgor iyo kuwa booliska, xilli ay maalmihii dambe ciidamada Gorgor ay wajahayeen eedeymo la xiriira khal-khal gelin amni.

Illaa hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha maanka iyo maamulka Dhuusamareeb oo ku aadan dagaalka maanta dhex-maray ciidamo ka wada tirsan dowladda.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

PUNTLAND oo gacanta ku dhigtay gaari sidday hub badan iyo saanad ciidan

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal ay ciidamada ammaanka dowlad goboleedka Puntland ka sameeyeen gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulkaasi, kaas oo lagu soo qabtay hub iyo saanad ciidan oo sharci darro ah.

Saraakiisha ammaanka ee horkaceysay howl-galka ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen gaari nooca qaada xamuulka oo lagu soo dhex qariyey hub fara badan iyo saanad ciidan, kaas oo lagu qabtay garaash ku yaalla bartamaha magaalada.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in gaariga kor laga soo saaray ciid badan, hoosna lasoo geliyey hubka, balse ciidamada ay hayeen xogta baabuurka, sidaasina lagu qabtay.

”Gaariga ciid ayaa kor looga soo raray, si loogu qariyo hubka iyo saanada saaran, si aan loo dareemin hubka uu sido, balse ciidanka xogtiisa hayay ayaa ku guuleystay inay qabtaan,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha laamaha ammaanka ee ka howl-gala gudaha Boosaaso.

Sarkaalkan oo sii hadlaya ayaa intaasi kusii daray inay xog ku hayaan cidda loo waday hubka iyo meesha uu kusii jeeday gaariga la qabtay, walow uusan waxba sii shaacin.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamada ammaanka ay weli baaris ku hayaan hubka iyo gaariga la qabtay, ayna dib ka shaacin doonaan natiijada rasmiga ah.

Qabashada hubka ay Puntland gacanta ku dhigtay ayaa ku soo aadayo, iyada oo dhowaan dagaal qaraar uu ka dhacay Boosaaso, kaas oo u dhexeeya maamulka Deni iyo PSF.

Xaaladda Boosaaso ayaa maalmihii u dambeeyey aheyd mid deggan, waxaana haatan ka socda dadaallo nabadeed oo la doonayo in lagu soo afjaro xiisadda Puntland iyo PSF.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xukun culus oo lagu riday askartii loo haystay DILKA ZAKARIYE iyo SOWDA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta soo gaba-gabeysay dacwadda kiiska dilkii loo geystay labo ruux oo walaalo ah, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Zakariye iyo Sowdo.

Labadii bishii hore ee December ayey aheyd markii labada ruux ee walaalaha ah lagu dilay xilli habeen ah Isgoyska Dabka, waxaana kiiskooda loo haystay labo Askari oo ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.

Maxkamadda ayaa waxay xukun ku riday askarta loo haysto dilkaas oo lagu kala magacaabo Dable xoogga Cabdi Waayeel Macalin Aadan (Kanidiid) iyo Dayax Nuur Cabdi Aadan.

Guddoomiyaha maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Dable Xoogga Cabdi Waayeel Macalin Aadan (Kanidiid) lagu xukumay dil toogasho ah, halka Dable Dayax Nuur Cabdi Aadan lagu riday xukun hal sano ah oo u dhiganta dambiga uu galay.

Goobta Maxkamadda oo ay ku sugnaayeen Ehelada Zakariye iyo Sowdo iyo labada Askari ayaa lagu soo bandhigay baaritaan la xiriira sida falka uu u dhacay, waxaana la sheegay in rasaasta ay ku geeriyoodeen labada walaalo uu riday Dable Kanidiid, ayada oo ay sheegtay in labo xabadooda oo uu Dable Dayax uu riday aysan cid waxba ku noqon.

Dacwadan kiiska dilka labada walaalo oo muddo soo socotay ayaa ugu dambeyntii cadaalad helay, kadib markii ehelada marxuumiinta ay wacad ku mareen inaysan marnaba aqbali doonin in meel lagu tuuro kiiskooda oo aan waxba laga qaban, haddii kale ay gacantooda ku doonanayaan sharciga.

Si kastaba, ma aha markii u horeysay ee ciidamada dowladda ay rasaas si macno darro ah u fureen ay haleesho dad shacab ah, waxaana yar inta loo soo qabto loona maxkamadeeyo falalkan foosha xun ee ay gaystaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Halkee ayey ku dambeysay xiisadii Boosaaso ee Saciid DENI iyo Reer Diyaano?

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Puntland ayaa xog-uruurin ay soo saartay isniintii ku sheegtay in xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ay ka dhaceen magaalada Boosaaso, isla markaana ay waxyeelo soo gaartay nolosha iyo hantida dadka rayidka, iyada oo ku baaqday in la bixiyo mag-dhow iyo weliba in laga hawlgalo qaadista haraadiga walxaha qarxa.

Inkasta oo ay hey’addan ay ka gaabsatay iney carabka ku dhufato khasaaraha, hadana wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalka socday 21-23-kii December 2021 ay ku naf waayeen in ka badan 30 qof.

Saddexda maalin ee qalalaasaha socday waxaa dhibka ugu badan, uu gaaray xaafadda Riwdaan ee xeebta Boosaaso ah, halkaas oo ay u badan yihiin dad kaluumeysato iyo xoogsato kale ah.

Saameynta dagaalka waxaa uu gaaray heer ay xeraynto dekadda ugu muhiimsan bariga iyo bartamaha Soomaaliya ee Boosaaso, waxaa sidoo kale albaabada loo laabay suuqyada magaalada.

Waxaa sidoo kale, dagaalka ku burburay masaajiyo, iskuulkii Xaaji Mire iyo goobo kale oo qaarkood ay gabbaad ka dhigteen ciidamada dagaalamayey.

Boosaaso, oo ah magaalo ganacsi, nabadna aheyd wixii ka dambeeyey xilligii Cabdullahi Yuusuf ayaa kumannaan dadkeeda ah waxaa ay u qaxeen Garoowe, Carmo, Karin, Ufureyn, Badhan, Waaciye iyo meelo kale oo ka fog, taasi oo  nolosha adkeysay.

Dhanka siyaasadda, dadaallo kala duwan oo ay galeen isimada iyo siyaasiyiin u dhashay Puntland ayaa muuqato in madaxweynaha maamulka Saciid Deni lagu qanciyey inuu faraha kala baxo reer Diyaano iyo PSF-tooda, waxaana la filayaa in arrintan loo xaliyo qaab dhaqan, gorgortankuna uu raalligeliyo labada dhinac.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dhexdhexaadinta ay qeyb ka noqon karto in Maxamuud Cabdulaahi  Diyaano uu xilka ku wareejiyo walaalkii ka yar, taasi oo ka dhigeysa haddii ay dhacdo Diyaanihii 4-aad ee madax ka noqda PSF.

Xiisadda ayaa bilaabatay kadib markii qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland Saciid November 24, 2021 xilka looga qaaday Maxamuud Diyaano, loona dhiibay Maxamed Amiin Cabdullahi Xaaji taas oo ninka hore ka biyo-diiday halka dagaalka uu bilowday kadib markii Isimada qaar ay Deni kula taliyeen in Diyaano xilka wareejiyo laakin loo daayo deegaanka iyo waxyaabo kale, middan uu madaxweynaha iska diiday.

Ciidamada PSF-ta oo aan dastuuri ama sharciyad ku fadhin waxaa ay qeyb ka yihiin hey’adaha ay dhiseen hey’ado ama dowladaha shisheeyey, mana jirto cid ay daacad u yihiin ama la xisaabtanto oo aan hey’adahaasi aheyn.

Haddaba, inkasta oo uu dagaalka istaagay, lagana war sugayo guddiyada wada-xaajoodka, hadana waxa aan jawaab loo heyn maxay aheyd sababta dagaalka loo galay, dadkii dhintay maxay ku dhinteen, hantidii baaba’day sabab, barakicii dhacay yaa loo raacan iyo arrimo kale.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Wadatashiga Qaran & Midowga Musharaxiinta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wadatashiga Qaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay wakiilo ka socda Midowga Musharraxiinta.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa dhammaan Madaxda Dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Golaha iyo Midowga Musharraxiinta ayaa ka wada-hadlay dardar-galinta howlaha doorashooyinka, oo kal hore uu si adag uga horyimid Midowga, kadib markii uu ku sheegay hanaankeeda mid ah “doorasho boob”.

Golaha ayaa dhageystay tallooyin ku aadan hufnaanta doorashada oo ay xubnaha Midowga Musharaxiinta kasoo jeediyeen kulanka maanta.

Dhinaca kale waxaa lagu wada in Madasha Wadatashiga Qaran ay la kulmaan Xubno matalaya Bulshada Rayidka iyo Haweenka.

Waxaa lagu wadaa in shirkaan la soo gaba-gabeeyo maalinta barri ah, asaga oo laga soo saari doona Warmurtiyeed, kaasi oo jiheyn doona doorashada dalka oo dib u dhac ku yimid.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sawirro: Beesha Caalamka oo ku biirtay shirka Golaha Wadatashiga ee Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha golaha wadatashiga qaran oo ka kooban ra’iisul wasaaraha, madax goboleedyada dalka iyo duqa Muqdisho ayaa maanta kulan la yeeshay wakiilada beesha caalamka oo ku biiray wada-hadallada uga socdo Teendhada Afisyoone.

Shirka oo shalay soo billowday ayaa waxaa looga hadlay xaaladda cakiran ee dalka iyo sidoo kale muranada xoogan ee hareeyey doorashooyinka ka socda dalka.

Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada-hadleen taageerada iyo doorka wakiilada beesha caalamka ee ku aadan dardargelinta doorashooyinka, gaar ahaan mida golaha shacabka Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiskra ra’iisul wasaaraha.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan Xubnaha kale ee Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa kulan la yeeshay wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka wada hadleen dardargalinta doorashooyinka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Warka kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa intaasi kusii daray “Ra’ iisul Wasaare Maxamed Rooble waxaa ka go’an in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gebogebeeyo doorashada, iyadoo turxaan bixinta iyo toosinta wixii ka soo laabtay lagala tashanayo dhammaan dhinacyada ay khuseyso sida Midowga Musharixiinta, Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo daneeeyeyaasha kale,”.

Wada-hadallada ayaa sidoo kale sii soconaya, waxaana sidoo kale ku biiri doono xubnaha mucaaradka iyo bulshada rayidka ah, si ay talooyinkooda ugu biirayaan madasha.

Xukuumadda Soomaaliya oo iyadu garwadeen ka ah shirkani ayaa rajeyneysa inay guul ku soo dhammaadaan wada-hadallada socda oo ku soo aaday, xilli aad loogu baahnaa.

Si kastaba, xaaladda dalka uu maraayo ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana dadka Soomaaliyeed ay isha ku wada-hayaan qodobada ka soo baxa shirka golaha wadatashiga.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Halkee ku danbeeyay shirkii uu FARMAAJO ku baaqay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa gebi ahaanba meesha ka baxay shirkii uu madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isugu yeeray Golaha Wadatashiga Qaran, markii uu isku dayey inuu shaqada ka joojiyo Ra’iisal wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraalkii kasoo baxay Farmaajo ee shirkaasi ayaa u qornaa: “Madaxweynuhu wuxuu ku baaqayaa in la isugu yimaado shir wadatashi ah oo lagu saxayo jihaynta doorashooyinka kaas oo ay kasoo qeybgalayaan Goleyaasha Dowladda ee Heer Federaal, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir si la isugu waafaqo hoggaan awood u leh hirgelinta doorasho dhammeystiran oo si hufan dalka uga dhacdo”

Shirkan ayaa hadda fashilmay, waxaana si rasmi ah Muqdisho uga furmay shirkii u uku baaqay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Fashilka shirka, wuxuu ka mid yahay go’aanno uu soo saaray Farmaajo oo shaqeyn waayey, kuwaasoo ay ka mid yihiin: Abaabulka kiis musuq ah oo lagu soo oogay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Shaqo ka joojintii uu ku sameeyay 27-kii December 2021 ee lagu tilmaamay Afgembiga.

Fashilka shirkii Farmaajo ayaa waxaa ka dambeeyay dowladda Mareykanka oo Farmaajo si toos ah uga hor timid, ugana digtay inuu ku kaco falalka halista gelin kara xasiloonida, waxayna si cad ugu shegtay inuu la shaqeeyo Ra’iisal wasaare Rooble iyo shirka uu ku baaqay.

Waxaa sidoo kale shirka Ra’iisal wasaare Rooble ku baaqay ka qeyb galay madaxweynayaasha maamul Goboledyada ee hore u taageersanaa Farmaajo, markii ay cadaadis kala kulmeen beesha caalamka.

Xigasho: Goobjooge

Afar arrin oo xasaasi ah oo horyaalla SHIRKA Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shirka Golaha Wadatashiga ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, kaasoo ay horyaalaan arrimo xasaasi ah.

Dabayaaqadii bishii December ee lasoo dhaafay ayuu ku waqtiyeysnaa shirka, gaar ahaan 27-kii bishaas, hase yeeshee waa uu baaqday sababo aanan si rasmi ah loo sheegin balse la fahmi karay in ay ahaayeen waxyaabo la xiriiray khilaafka u dhaxeeyay madaxda ugu sareysa dowladda federaalka, kaas oo dabcan saamayn ku yeeshay qaar ka mid ah dowlad goboleedyada.

Inkasta oo ay jiraan qodobbo aanan war saxaafadeedyada lagu qorin, warbaahintana laga sheegin, kuwaas oo mararka qaar u daadagsan hoos illaa iyo kursi qof gaar ah lala doonayo ama loo diidanyahay, ayaan haddane si guud halkan kusoo koobaynaa dhowr qodob oo u badan arrimaha doorashada ayaa hor yaalla shirka, waxaana qaarkood ay u muuqdaan caqabado waaweyn oo la isweydiinayo sida looga gudbi doono.

Kulanka oo ka furmaya Muqdisho waxaa isugu imaanaya Ra’iisul Wasaare Roobole, madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, madaxweynaha Galmudug Axmed Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish.

Habraaca Doorashada

Doorashada ayaa u socoto si aanan jadwalaysneyn, waxaana soo badanayay cabashooyinka la xiriira habraaca doorashada .

Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee baarlamaanka ayaa lasoo gabogabeeyay goor sii horreysay halka Golaha Shacabkana ay wali socoto, inkastoo ay jireen dhaliilo iyo cabashooyin hareeyay hannaanka uu kormeerka ka ahaa Ra’iisul Wasaare Rooble.

Dood badan ayaa ka timid habraaca doorashada kaddib markii kuraasta qaarkood uu ka yimid muran iyo isqabqabsi. Shirkan Golaha wadatashiga Qaran oo sababihii loogu baahday ay ka mid tahay arrintaas lafteeda ayaa la filayaa in xal looga gaaro habraac sax ah oo loo maro doorashada.

Habraaca hadda jira ayaa u muuqda mid maamul kasta uu u fasirtay sidii uu doonayay, islamarkaasna waafajiyay natiijadii uu doonayay in ay doorashada kasoo baxdo, waxaana tusaale weyn ah habka xulista ergada iyo xaqiijinta tartan daah furan oo qof kasta oo danaynaya uu musharax noqon karo, taas oo aanan meelo badan ka dhaqangalin.

Caqabadaha ay tahay in xalka loo helo ee dhinaca habraaca waxaa ka mid ah soo xulista ergooyinka iyo musharraxiinta kuraasta Golaha Shacabka.

Guddiga doorashada ayaa marar badan lagu cambaareeyay in ay hareer mareen habraaca loo dejiyay.

Kaalinta Guddiyada

Guddiyada doorashada ee heer federaal iyo heer maamul goboleed ayaa tan iyo markii ay doorashada billaabatay u muuqday kuwo aysan howshooda kala caddeyn, islamarkaasna aanan la ogeyn kaalmaha ay kala leeyihiin.

Waxaa aad u muuqatay in guddiyada heer dowlad goboleed ay lahaayeen awoodda inteed badan, iyaguna ahaayeen kuwa go’aanka ka gaaraya natiijada kama dambeysta ah ee kuraasta la doortay.

Guddiyada maamul goboleedyada u qaabilsan doorashada ayaa lagu eedeynayay in ay la wareegeen awoodihii guddiga heer federaal loo igmaday.

Madaxda shirka u fadhiya ayay hadda hor taallaa inay go’aamiyaan kaalmaha guddiyadan iyo inay shaqooyinkooda kala saaraan.

Waxaa kale oo xal u baahan khilaaf waayadii dambe ka jira guddiga doorashada oo sheegay inay xilkii ka qaadeen guddoomiyahooda, inkastoo isaguna uu sheegay inuu wali shaqeynayo.

Guddiga muranka ugu badan ka taaganyahay waa kan xalinta khilaafaadka oo uu Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ka saaray illaa 11 xubnood.

Sidoo kale shirka ayaa looga fadhiyaa in xal looga gaaro kuraas ka tirsan golaha shacabka oo doorashadooda la isku qabsaday.

Jadwalka

Guddiyada doorashada ayaa tan iyo 27-kii bishii May ee sanadkii hore soo saarayay jadwallo loogu talogalay doorashada oo qabsoomi waayay. Doorashada oo waqti dheer soo jiitameysay ayaa marba caqabad hor leh la kulmeysay.

Tan ayaa ka mid ah howlaha hor yaalla shirka shalay ka furmay magaalada Muqdhisho ee ay beesha caalamka taageertay.

Marka laga soo tago doorashada Golaha shacabka oo ay caqabado badan ragaadiyeen, ilaa hadda lama oga xilliga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha.

Shirka ayay shalay ka qaybgaleyaashu fikrado isku weydaarsan doonaan balse ugu dambeyn waxaa laga rajo qabaa in jadwalka lagu cayimo.

Golahan laftooda ayaa shirkoodii ugu dambeeyay ku sheegay in muddo 60 maalmood ah gudahood lagu soo gabogabeeyo doorashada, taas oo aanan fulin, iyada oo illaa iyo hadda aanan xitaa la dooranin kala bar xildhibaanada baarlamaanka.

Labada Deegaan Doorasho

Heshiiskii September 2020-kii waxaa lagu heshiiyay in doorashada lagu qabto labo deegaan doorasho dowlad goboleed kasta, balse illaa iyo hadda ma jirto hal meel oo ay doorasho ka dhacday oo aanan ahayn caasimadaha dowlad goboleedyada.

Waxaa intaasi kasii daran in inta badan magaalooyinka kaalmaha labaad ku jira ay ka taaganyihiin qalalaaso amni daro ama caqabado kale oo siyaasadeed.

Tusaale magaalada Boosaaso oo loo asteeyay in ay doorashada ka dhacdo ayaa waxaa ka dhacay dagaal ay dad badan ku dhinteen, kuwa kale oo badana ka baro kaceen kadib markii uu dagaal dhex maray ciidamada PSF-ta iyo kuwa Daraawiishka Puntland.

Sidoo kale magaalada Baladweyne ayuu ka socdaa dagaal salka ku haya diidmo la xiriirta maamulka HirShabeelle.

Magaalada Garbahaarey ayaanan weli xal rasmi ah laga gaarin, iyada oo uu ka taliyo maamul aanan hoos tagin kan Jubbaland, islamarkaasna guddigii doorashada qaban lahaa ay ku suganyihiin Kismaayo, qof ka mid ahna uusan tagin Gedo.

Waxaa xusid muddan in shirkii May ee Madasha laisku raacay qodobo lagu xalinayo khilaafka gobolka Gedo, balse wax ka fuley aysan jirin qodobadaas illaa iyo hadda.

Wararkii ugu dambeeyey Shirka Golaha Wadatashiga oo galay maalintii labaad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maalintii labaad ka socda shirka golaha wadatashiga qaran oo uu shalay daah-furay ra’iisul wasaaraha mudane Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo looga hadlayo doorashooyinka dalka.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa kale oo looga arrisanayaa, sidii xal loogu heli lahaa muranka hareeyey doorashada iyo xiisadda siyaasadeed ee haatan ka taagan dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online doodaha shirka ayaa ah kuwa xoogan, waxaana la filayaa in maanta lagu soo qaado dib ugu laabashada habraacyada doorashooyinka ee horay loo soo saaray iyo sidoo kale arrinta deegaan doorashada oo ah mid xasaasi ah.

Wararka ayaa sheegaya in madaxda maamul goboleedyada qaar ay u ololeynayaan in lagu soo koobo doorashada hal magaalo, waxaana ololahaas horkacaya Saciid Deni oo xiisad xoogan ay ka heysato Boosaaso. Axmed Madoobe & Guudlaawe ayaa sidoo kale la mid ah.

Sidoo kale waxaa diiradda la saari doonaa inta uu shirka socdo kaalinta guddiyada doorashooyinka iyo sidoo kale soo saarista jadwal cusub oo la xiriira doorashooyinka.

Dhinaca kale waxaa shirka ku biiri doono xubnaha beesha caalamka iyo kuwa midowga musharixiinta, si loo dhageysto talooyinkooda ku aadan caqabadaha haatan taagan.

Xukuumadda Soomaaliya oo iyadu garwadeen ka ah shirkani ayaa rajeyneysa inay guul ku soo dhammaadaan wada-hadallada socda oo ku soo aaday, xilli aad loogu baahnaa.

Si kastaba, xaaladda dalka uu maraayo ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana dadka Soomaaliyeed ay isha ku wada-hayaan qodobada ka soo baxa shirka golaha wada-tashiga.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Ra’iisul Wasaaraha Haiti oo dil ka badbaaday – Sidee u dhacay isku-dayga dilka ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Koox hubeysan ayaa isku dayday inay disho Ra’iisul Wasaaraha dalka Haiti Ariel Henry, xilli uu ka qayb galayay munaasabadda sanad guuradii kasoo wareegtay markii uu waddankaas qaatay xornimadiisa, sida ay booliska sheegeen.

Falkan lagu beegsaday Mr Henry ayaa ka dhacay kaniisad ku taalla magaalada Waqooyiga-bari xigta ee Gonaïves.

Muuqaal lagu shaaciyay internet-ka ayaa lagu arkayay ra’iisul wasaaraha iyo ilaaladiisa oo cagahooda uga baxsanaya goobta, iyagoo ku ordaya goobta ay gawaarida u yaalleen.

Mr Henry iyo shakhsiyaadka kasoo baxsaday goobtaas ayaa soo orday iyadoo ay socotay rasaas aad u culus, sida muuqaalka lagu arkay.

Xaaladda amni ee waddanka Haiti ayaa aad u xumaatay tan iyo markii la dilay madaxweynihii dalkaas Jovenel Moïse, bishii July ee sanadkii lasoo dhaafay.

Mr Henry ayaa wacad ku maray in uu gacan bir ah ku wajihi doono kooxaha burcadda awoodda badan ee lagu eedeeyay inay mas’uul ka yihiin mowjad afduub ah.

Kooxahan ayaa sidoo kale lasoo tebiyay in ay gacanta ku dhigeen maamulka inta badan goobaha shidaalka laga bixiyo ee dalkaas, arrintaas oo sababtay dhibaato shidaal yaraan ah.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in “burcad argagixiso ah” ay ka dambeeyeen isku dayga dilka ah, haddana la sameeyay warqado fasax ah oo lagu soo xirayo dadka la tuhunsan yahay.

Mas’uuliyiinta xafiiska ayaa ku eedeeyay kooxda weerarkan geysatay inay isku qariyeen darbiyada si ay u beegsadaan kolonyada gawaarida ee Ra’iisul Wasaaraha, sidoo kalena ay baadariga kaniisadda handadeen iyagoo isku gedaamay goobtaas, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Associated Press.

Hal ruux ayaa ku dhintay mid kalena waa lagu dhaawacay rasaasta dhex martay kooxda hubeysan iyo ciidanka amaanka, sida ay ku warrameen warbaahinta maxalliga ah.

Weerarkan ayaa guul darro kale ku ah maamulka aan cagaha adag ku taagneyn ee Mr Henry, oo ku simaha madaxweynaha Haiti noqday labo isbuuc kaddib markii la dilay Moïse.

Ilaa hadda lama oga sababta ka dambeysa isku dayga dilka ah oo la aaminsan yahay inay fuliyeen kooxo calooshood u shaqeysteyaal ah.

BBC

Xildhibaanada Galmudug oo ka jawaabay go’aankii yaabka lahaa ee guddoomiyaha

0

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa ciqaabay ilaa 6 Xildhibaan, iyaga oo  laga joojiyey kulamada qaar halka la sheegay in labo bil aaney qaadan doonin wax gunno ah.

Qoraal kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha golaha Maxamed Nuur Gacal December 30, 2021-kii ayaa sidaa loogu sameeyey xildhibaannada kala ah (1). Xil. Cabdullahi Xersi, oo ah guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha,  (2). Xil. Axmed Cabdirisaq, (3). Xil. Cabdinaasir Aadan, (4). Xil. Cabdiqaadir Bariise, (5). Xil. Mursal Maxamed, iyo (6). Xil. Daahir Shiiqow.

Cabdullahi Xeri Maxamed oo ah guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Galmudug oo ka mid ah liiska xildhibaannada uu Gacal ciqaabay ayaa isna dhankiisa ku tilmaamay tilaabadan mid sharci darro ah.

Xildhibaan Axmed Yuusuf oo qeyb ka ah xildhibaannada laga joojiyey fadhiyada iyo gunnada oo la hadlay idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in tallaabada uu qaaday guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ay meel uga dhaceyso kooramka, hannaanka wax ansixinta iyo xataa doorashadii guddoonka.

Axmed Yuusuf oo arrinkan faahfaahinayey ayaa waxaa uu yiri “Baarlamaankan labo sano ayuu dhisan yahay, waxaa kusoo kordhay caqabad oo ah dhacadadii December 28-keeda kaas oo ah in golaha la keenay sharciga adeegga garsoorka, oo aan soo marin hannaan sax ah sida guddiga joogtada ah ama akhrin hore,  waxaa jirtay in ilaa 10 xildhibaan ay saxiixeen warqad ah in ajendaha laga saaro xeerkan, markii laga saaray ayuu Gacal dalbaday in cod la geliyo in sharaciga uu dib soo celin karo iyo in kale, laakin codeyn la qaaday waxaa ka aamusay ilaa 38 oo ka tirsan 55 xildhibaan oo goobta joogtay halka 17 keliya ay ogolaadeen”.

“Laakin guddoomiye Gacal waxaa uu si iskiis ah u wacay muuqaal baahiyaha isaga oo ku dhawaaqay in codeyn loo qaaday sharciga adeegga garsoorka ay meelmariyeen guud ahaan inta golaha joogtay oo dhan 55 xildhibaan, taasi oo buuqan dhalisay, waxaana isku qabsaday isaga iyo ku xigeenka 1aad xildhibaan Cabdullahi Xersi,, laakin waxaa uu u ciqaabay sida in aanu guddoonka kula jirin”.ayuu intaa raaciyey Xildhibaan Yuusuf isaga oo kusoo gabagabeeyey in arrintan ay keeni karto in xildhibaannada ay go’aan ka qaataan sharciyadda guddoomiyaha.

Xildhibaan horay uga tirsanaa baarlamaanka Galmudug Garaad Yuusuf ayaa dhankiisa  sheegay in arrinta uu guddoomiye Gacal sameeyey ay tahay mid khatar ku ah dowladnimada isaga oo intaa raaciyey “ Baarlamaan waxaa uu ku dhaqmaa xeerar iyo hannaan u deggan, laakin sida uu guddoomiye Gacal u dhaqmay waa sida fulinta oo kale, oo qofka korjooga uu go’aan iska gaaro”.

Garaad Yuusuf oo sii hadlaya waxaa uu yiri “Arrintan waa mid muujineysa sida ay dowladnimada ay aheyd 5-tii sano ee lasoo dhaafay, waa mid kasoo horjeeda dhaqanka baarlamaanka, xeer hoosaadka iyo nidaamyada anshax marinta, waa sharci darro, waana mid keeni karta halaag iyo burbur ku yimaada hey’ado dhisan”.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye. 

Xadgudubyadii ka dhacay magaalada BOOSAASO oo 5 qodob laga soo saaray

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha ee dowlad goboleedka Puntland ayaa war cusub kasoo saaray dagaalladii ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, wuxuuna xafiisku baahiyey bayaan ka kooban illaa shan qodob.

Ugu horreyn Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa shaaciyey inay dhaceen xadgudubyo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha, kuwaas oo uu diiwaan-geliyey xafiisku.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay tahay in magdhow u dhigma la siiyo dadka ay dhibaatada kasoo gaartay dagaalladii dhacay ee u dhexeeyey Puntland iyo PSF.

Qoraalka ayaa lagu xusay in Puntland iyo cid kasta oo ay quseyso laga rabo inay isku howsho sidii magaalada looga uruurin lahaa haraadiga hubka, si aysan u geysan waxyeelo kale.

Ugu dambeyn Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa ugu baaqay dhinacyada haata ku howl-an dhexe-dhexaadinta inay sameeyaan xaqiijin, sidoo kalena ay dadaaladooda ku daraan sidii ay cadaalad u heli lahaayeen dadka dhibanayaasha ah.

“Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland wuxuu si dhow ula soconayaa cadaalad helidda iyo magdhow siinta dadka wax ku noqday dirirta ka dhacday Boosaaso,” ayaa lagu soo gabagabeeyey warsaxaafadeedka.

Dagaalladii ka dhacay dhowaan magaalada ganacsiga ee Boosaaso ayaa sababay dhimasho, dhaawac, burbur iyo barakac ay sameeyeen dadka deegaanka.

Si kastaba, xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana weli socda wada-hadallo lagu soo afjaro xiisadda taagan oo ka dhalatay xil ka qaadistii lagu sameeyey agaasimihii PSF.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

 

Fiqi: Shir ay dhowr Farmaajo fadhiyaan maxaa laga sugi karaa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay Shirka maanta u furmay Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa sheegay inay shirka fadhiyaan dhowr Farmaajo.

Fiqi ayaa sida la fahamsan yahay u jeeda madaxda dowlad goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed oo ayagu si toos ah ugu xiran Villa Somalia, xulafana la ah Farmaajo.

Waxa uu su’aal geliyay waxa ka soo bixi kara Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran oo ay fadhiyaan xulafada Farmaajo, kuwaasi oo sida la rumeysan yahay si adag uga hor imanaya qorshayaasha uu Rooble horgeynayo Golaha.

Sidoo kale waxa uu si gaar ah u weeraray madaxweynaha Galmudug, oo uu sheegay in uu ka dhuuntay in uu cadeeyo mowqifkiisa siyaasadeed, uuna shirka uga qeyb-galay cadaadis lagu saaray.

“Si gaar ah, Dadka reer Galmudug waxay indhaha ku hayaan habdhaqanka iyo qaabka uu shirka ugu matali doono Qoorqoor oo magacooda shirka ku fadhiya, ma Galmudug ayuu ku matali doonaa mise sidii lagu yaqaanay dano iyo dad kale!?,” ayuu yiri.

“Waxaa la wada og-yahay inuu kari waayay inuu yiraahdo “shirka waa ka qeybgalayaa”, dad badan ayaa isweydiinaya sida uu go’aan madax banaan u qaadan karo shirka dhexdiisa?!.”

Wasiirkii hore ee Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa muddooyinkii dambe si weyn u mucaaradsanaa hogaaminta Qoor-Qoor, wuxuuna qeyb ka yahay dhaq-dhaqaaq lagu dhisayo Gole Badbaado oo Galmudug ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyada oo soo saartay digniin culus iyo fariin ku socota shacabka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa si adag uga digtay in adeegyadeeda lagu qaato wax isdaba-marin iyo musuq-maasuq, ayada oo sheegtay in cid kasta oo qeyb ka noqota kiis musuq-maasuq la marsiin doono hanaanka sharciga.

Qoraal kasoo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in Muwaadiniinta iyo Ajaanibta ay u adeegto Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay xaq u leeyihiin helidda adeeg hufan, islamarkaana ka fog eex iyo wax isdaba-marin (Musuq-maasuq).

“Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waa Hay’ad Federaal ah waxayna bixisaa Adeegyada Socdaalka iyo Baasaboorka sida ku cad Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

“Ka qeyb-qaadashada kiis la xiriira wax isdabamarin, ha ahaado Sargaal ka howlgala Hay’adda ama Muwaadin iyo Ajnibi loo adeegayay waxaa la marsiinayaa hannaanka Sharciga.”

Waxay ugu baaqday Muwaadiniinta iyo Ajaanibta baahida u qaba adeegga Hay’adda in looga baahan yahay inay ilaaliyaan shuruucda iyo habraacyada lagu bixiyo adeegyada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, si ay qeyb uga qaatan hufnaanta shaqada.

Sidoo kale waxay ka dalbatay Muwaadiniinta iyo Ajaanibta dalbanaya adeegyada Hay’adda haddii ay la kulmaan eex, musuq-maasuq iyo ku tagri-fal awoodeed ay isla markaaba kusoo wargeliyaan xafiiska cabashada ee hay’adda.

“Waxaa looga baahan yahay inay ku soo wargeliyaan Xafiiska Cabashada ee Hay’adda iyo baraha xiriirka ee hoos ku xusan ama in sanduuqa cabashada ee yaalla xarumaha Hey’adda ay ku ridaan cabashadooda,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wararkii ugu dambeeyay ee SHIRKA Muqdisho iyo guddi ka socda mucaaradka oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya si rasmi ah uga furmay shirka Golaha Wada-tashiga Qaran, kaasi oo u dhaxeeyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda dowlad goboleedyada iyo Duqa magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha doorashada, dardar-gelinteeda iyo hufnaanteeda, jadwalka waqti cayiman oo lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Afhayeenka xukuumadda, Maxamed Ibraahim Macalimu oo goordhoweyd faah-faahiyay shirkaas, ayaa sheegay in shirka uu yahay mid ballaaran, oo ay qeyb ka noqonayaan Midowga Musharaxiinta iyo Beesha Caalamka.

“Inta uu shirka socda guddiyo kala duwan ayey la kulmi doonaan, dadka u qorsheysan inay la kulmaan waxaa kamid ah daneyayaasha arrimaha doorashooyinka oo kamid yihiin Wakiiladda Beesha Caalamka, xubno metalaya Midowga Musharaxiinta iyo qeybo kamid ah bulshada rayidka, si ay u dhageystaan talo soo jeedintooda la xiriirta doorashada,” ayuu yiri Afhayeenka xukuumadda.

Sidoo kale waxa uu sheegay in shirkaan uu xal u noqon doono caqabadaha iyo qaladaadka ka jira doorashada, gaar ahaan midda Golaha Shacabka oo si weyn uga horyimaadeen hanaankeeda Midowga Musharaxiinta.

“Shirka waa mid aad u ballaaran oo aan filayno inuu soo gabagabeeyo arrimaha ku gadaaman doorashada iyo sixitaankeeda. Ra’iisul Wasaaraha iyo dhamaan Golaha Wada-tashiga waxaa ka go’an in shirkaan ka guul gaaran, sidoo kale lagu xaliyo oo diirada lagu saaro meelaha lagu kala duwan yahay.”

Afhayeenka ayaa ugu dambeyntiina sheegay inay rejaynayaa in shirka uu noqdo mid guuleysta oo ay kasoo baxaan qoddobo wax ku ool ah oo gogol xaara hufnaanta doorashada iyo inay sii socoto doorashada.

Si kastaba, xaaladda dalka uu maraayo ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana dadka Soomaaliyeed ay isha ku wada-hayaan qodobada ka soo baxa shirka golaha wada-tashiga.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

QM iyo AMISOM oo ka hor-yimid go’aankii DF Soomaaliya ee garoonka Aadan Cadde, kuna hanjabay howlgal joojin

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf xooggan ayaa ka dhex-qarxay dowladda federaalka Soomaaliya iyo QM iyo AMISOM, kadib markii terminal ay adeegsadaan oo ku yaalla garoonka Aadan Cadde ay xirtay dowladda laba toddobaad kahor.

Xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM iyo AMISOM ayaa qoraal ay warbaahinta la wadaageen kadib go’aankaas ku sheegay inay u hoggaansamayaan go’aanka Soomaaliya.

Si kastaba, sida ku cad warqad qarsoodi ah, labadan urur ayaa si rasmi ah uga horyimid go’aanka dowladda federaalka, ayaga oo ku dooday in xiritaanka terminal-ka MOVCON ee xilligan uu halis gelinayo diblomaasiyiinta iyo askarta adeegsada garoonka ee qaarkood wata hubka.

Warqad diblomaasiyadeed oo loo yaqaan Verbale, oo UNSOM iyo AMISOM direen dowladda Soomaaliya ayaa lagu yiri “waxaan ku baaqeynaa si deg deg ah dib loogu billlaabo howlgallada terminal-ka, si loo xaqiijiyo sii wadidda iskaashigeena, iyo in si fudud loo fuliyo waajibaadkeena.”

“Go’aanka ay dowladda federaalka si deg deg ah ugu xirtay Terminal-ka ma ahan mid la jaanqaadi kara iskaashiga wanaagsan iyo xiriirka wada-shaqeyn ee QM iyo AMISOM ay la lahaayeen dalka aan martida u nahay tan iyo markii la billaabay howlgalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warqadda loo diray wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.

UNSOM iyo AMISOM ayaa waxaa Muqdisho ka jooga tiro shaqaale oo la taaban karo, kuwaas oo aad u adeegsada garoonka Aadan Cadde. 

Warqadda loo diray dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in shaqaalaha caalamiga ah oo loo wareejiyo terminal-ka ay adeegsadaan shacabka uu abuuray ciriiri, islamarkaana shaqaalaha QM iyo AMISOM “ka dhigeysa kuwa durbadiiba la aqoonsan karo, oo noqon kara bartilmaameed,” taasi oo sidoo kale halis gelineysa shacabka. 

QM iyo AMISOM ayaa sidoo kale ku dooday xiritaanka Movcon ay ka dhigan tahay in diyaaradaha rakaabka iyo xamuulka ee labadan urur ay culeys ku noqon karaan dibna u dhigi karaan duulimaadyada rayidka ah ee garoonka Aadan Cadde.

Kadib markii dowladda federaalka ay xirtay terminal-ka MOVCON waxay sheegtay inay la wareegi doonto, islamarkaana geyn doonto shaqaale amni oo Soomaali ah, ayada oo ku eedeysay kuwa caalamiga ah inay dhinac maraan nidaamka amni.

Si kastaba UNSOM iyo AMISOM ayaa u sheegay dowladda federaalka inay raacdo heshiiska loo yaqaan SOMA, oo ay horey u wada galeen, islamarkaana lagala tashado kahor inta aan shaqaale Soomaali ah la geyn terminal-ka.

Heshiiska SOMA ayaa dhigaya in ayada oo aan la eegeyn cidda sameysay xarunta, ay QM mar kasta si toos ah u maamuli doonto.  

Warqadda kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibedda, oo ay heshay Caasimada Online, ayaa lagu sheegay in dhowr sababood loo xiray MOVCON oo ay ka mid tahay inay adeegsadaan rakaab aan aheyn AMISOM iyo QM, taasi oo jebineysa hanaanka socdaalka sharciga ah.

Waxaa sidoo kale warqadda lagu sheegay in marar badan ay dhacday in duulimaadyada QM ay soo cago dhigteen garoonka ayaga oo aan kahor waaxda socdaalka usoo gudbin dokumentiyada rasmiga ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibdda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in qaar ka mid ah duulimaadyada adeegsada MOVCON ay soo qaadeen dad aan haysan baasabooro ama ay warqado ka dhiman yihiin, taasi oo ka dhigan inay si sharci darro ah kusoo galeen Soomaaliya.

Warqadda ayaa qaar ka mid ah qandaraaslayaasha QM ku eedeysay inay terminal-ka MOVCON u adeegsadeen inay ka gudbiyaan waxyaabo sharci-darro ah.

Warqadda ayaa intaas ku dartay in sidoo kale ay jiraan xaalado qaar ka mid ah shaqaalaha waaxda socdaalka lagu xadgudbay ama loo hanjabay, taasi oo horey loogala hadlay QM.

Ma cadda, haddii dowladda federaalka ay ka laaban doonto go’aankeeda, ayada oo warqadda QM iyo AMISOM ay direen laga dheehan karo hanjabaad ah inay joojin doonaan howlgalladooda, haddii aan dib loo furin terminal-ka.

UNSOM iyo AMISOM ayaa dalbaday kulan ku aadan arrintan oo ay la yeeshaan dowladda federaalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Muxuu Prof. SAMATAR ka yiri dagaalka siyaasadeed ee Farmaajo iyo Rooble?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mid ah Senatorrada dooran ee Aqalka Sare oo ka hadlay khilaafka cusub ee ka dhex aloosan madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in la isku hayo gacan ku haynta awooda dowladda.

Waxa uu sheegay in khilaafka labada Nin ee is haya uu midkoodna qadarin u hayn qaranimada, islamarkaana ay danahooda siyaasadeed iskaga hor imaadeen iyo ku gacan sareynta dowladnimada.

“Midkood marka uu kii kale ixtiraami waayo ma ixtiraamayo, mid wax u ogol mid kale majiro, waxaa jirra sad-bursi. Markaa waxaa wadankii laga la’yahay wax garnaqa iyo dad garta qaata,” ayuu yiri.

“Waxaa la isku hayaa afartii sanadood wey dhamaadeen, sharci ayaa doorashooyinka loo dhigay oo sidoodii ha loogu dhaqmo, ha loo madax baneeyo dadka codeynaya oo malxiis iyo balaayo yeysan jirin, taasi ayey rabaan Soomaalida. Siyaasiyiintuna waxay rabaan mid malxiis leh oo dheereysanayaan,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in khilaafka siyaasiyiinta Soomaaliyeed uu salka ku hayo badankooda dhaqaale iyo xukun jaceyl, taasi oo aan u daneyn dhibaatada haysta umadda Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Saan-saanka socda waxaa moodeysa in siyaasiyiinta intooda badan inay u aaba-yeelayn in dagaal meesha ka dhaco, Ilaahay kama yeele. Waa in dadka reer Muqdisho yidhaahdeen nigama yeeleyno dagaal.”

Prof Samatar ayaa qaba in doorashada Golaha Shacabka lagu soo gaba-gabeyn karo muddo kooban, haddii si daacadnimo iyo hufnaan leh looga howl-galo, taasi badalkeeda haddey dhacdana ay qaadan karto muddo sii dheereynaysa muranka taagan.

“Doorashada inta hadhay waxaa lagu dhameyn karaa labo bilood oo weliba si xarago leh lagu dhameeyo waa haddii uu caqli iyo iimaan jiro weeyi. Haddii kale waa suurta-gal in lix billood iyo ka badan ay qaadato.”

Hadalkan ayaa imanaya xili uu meel sarre gaaray khilaafka madaxweynihii hore iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, islamarkaana uu taagan yahay walaac laga qabo in khilaafkan uu dib u dhac kale ku keeni karo dhameystirka doorashada haddii aan la xallin.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Shirka Golaha Wadatashiga oo furmay iyo 3 qodob oo xasaasi ah oo hor-yaalla

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shirka golaha wada-tashiga qaran ee u dhexeeyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, madaxda maamul goboleedyada iyo duqa magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa daah-furay ra’iisul wasaare Rooble, waxaana goobjoog ah madaxda Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, HirShabelle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Intiisa badan waxaa shirkan diiradda lagu saarayaa saddex qodob oo waa weyn, balse laga yaabo inay qodobo kale oo yaryar kusii hoos jiraan, kuwaas oo kala ah;

1- Amniga guud ee dalka, iyo sidii loogu soo wareejin lahaa ra’iisul wasaaraha
2- Sixitaanka habraaca doorashooyinka, oo musuq-maasuq badan uu hareeyey
3- In waqti cayiman lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa sharraxaad looga bixiyey furitaanka shirkan oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka Golaha Wadaatashiga Qaran oo ka furmay Muqdisho, kaas oo diiradda lagu saarayo amniga iyo dardargelinta doorashooyinka, daahfurnaanta iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka BFS,” ayuu lagu yiri qoraalka uu soo saaray Rooble.

Dhnaca kale rajada laga qabo inuu guuleysto shirka maanta furmay ayaa ah mid aad u yar, ayada oo madaxweyne goboleedyada taabacsan Farmaajo la rumeysan yahay inay is hortagi doonaan qorsheyaal dhowr ah oo uu kasoo horjeedo madaxweynihii hore.

Si kastaba, xaaladda dalka uu maraayo ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana dadka Soomaaliyeed ay isha ku wada-hayaan qodobada ka soo baxa shirka golaha wada-tashiga.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii