26.5 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Shirka Golaha Wadatashiga oo furmay iyo 3 qodob oo xasaasi ah oo hor-yaalla

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shirka golaha wada-tashiga qaran ee u dhexeeyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, madaxda maamul goboleedyada iyo duqa magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa daah-furay ra’iisul wasaare Rooble, waxaana goobjoog ah madaxda Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, HirShabelle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Intiisa badan waxaa shirkan diiradda lagu saarayaa saddex qodob oo waa weyn, balse laga yaabo inay qodobo kale oo yaryar kusii hoos jiraan, kuwaas oo kala ah;

1- Amniga guud ee dalka, iyo sidii loogu soo wareejin lahaa ra’iisul wasaaraha
2- Sixitaanka habraaca doorashooyinka, oo musuq-maasuq badan uu hareeyey
3- In waqti cayiman lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa sharraxaad looga bixiyey furitaanka shirkan oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka Golaha Wadaatashiga Qaran oo ka furmay Muqdisho, kaas oo diiradda lagu saarayo amniga iyo dardargelinta doorashooyinka, daahfurnaanta iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka BFS,” ayuu lagu yiri qoraalka uu soo saaray Rooble.

Dhnaca kale rajada laga qabo inuu guuleysto shirka maanta furmay ayaa ah mid aad u yar, ayada oo madaxweyne goboleedyada taabacsan Farmaajo la rumeysan yahay inay is hortagi doonaan qorsheyaal dhowr ah oo uu kasoo horjeedo madaxweynihii hore.

Si kastaba, xaaladda dalka uu maraayo ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana dadka Soomaaliyeed ay isha ku wada-hayaan qodobada ka soo baxa shirka golaha wada-tashiga.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Afar sabab oo ay ku fiican tahay ‘hal deegaan doorasho’

0

Kadib doorasho soo jiitameysay tan iyo July 29-ka sanadkii hore, maanta waxaa la filayaa in kulan sixitaan ah ay caasimadda Muqdisho ku yeeshaan madaxda madasha wadatashiga qaran oo ay ku mideysan yihiin ra’isul wasaaraha Soomaaliya, madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Qodobbada laga hadlayo marka laga soo tago amniga oo ra’isul wasaaraha inuu hoos tago la adkeyn doono, sixidda habraacyada doorashada, habeynta xulista ergada, qeexidda jadwalka iyo guddiyada doorashada, waxaa kale oo si gaar ah dood laga yeelan doonaa “Deegaan Doorashada” in labada magaalo lagu daayo iyo in hal magaalo lagu soo koobo.

Haddaba, marka la fiiriyo nooca doorasho iyo xaaladaha kale ee dalka ka jira, ma jirto wax ka fiican in deegaan doorashada lagu koobo hal magaalo, halkanna ka akhriso 4 sabab.

Dedejinta waqtiga doorashada: In doorashada ay 5 bil soo jiitanto, ilaa hadana xildhibaannada la doortay aaney dhameyn 90 ka mid ah  xildhibaannada ka kooban 329-ka ee baarlamaanka federaalka ah waxaa u sabab ah caga-jiidka maamul goboleedyada, oo aan ku qanasaneyn labada deegaan doorasho, haddii lagu adkeysanaya waxaa ay horseedi kartaa dib u dhac horleh, sidaa darteed soo afjarista doorashada waxaa udub dhexaad ah u doorashada ay ka dhacdo hal deegaan doorasho.

Yareynta khilaafaadka: Sababta kale, ee hal deegaan doorasho ka dhigeysa midka ugu haboon waa in lasoo yareeyo khilaafka maamullada kala dhaxeeya magaalooyinka aan caasimadda aheyn.

Marka laga reebo Koonfur galbeed iyo Cabdicasis Lafta-gareen, inta kale madaxda waxaa ay caqabad kala kulmi doonaan magaalooyinka kale sida: Deniga Puntland iskuma fiicna Boosaaso, Qoorqoor-ka Galmudug wey ku adagtahay maamulidda Galkacyo halka Guudlaawaha Hirshabelle iyo Madoobaha Jubbaland aaneyba tagi Karin Baladweyn iyo Garbahaarey.

Caqabad amni: Caqabada keeni kara in hal deegaan doorasho laga dhigo waxaa ay ugu weyn midda amniga, oo waxaa aad ugu adag sugidda amniga ee magaalooyinka ka fog caasimadaha maamul goboleedyada.

Qaarkood magaalooyinkaasi dhulka laguma tagi karo oo waxaa ku hareereysan Al-shabaab sida Baraawe halka qaar kale ay geesaha ama gudaha ka joogaan ciidamo kasoo horjeeda maamulka sida Boosaaso, Baladweyn iyo Garbahaarey.

Dhaqaalaha iyo lojistikada: In hal deegaan doorasho lagu kobo waxaa kale oo ay albaabka u furi kartaa in ay yaraato ku tiirsanaanta baahida aadka ah ee loo qabo beesha caalamka iyo xataa maalgelinta ay marar badan u hakatay doorashada, waxaana la raaci doonaan qaab aad u dhow doorashada aqalka sare.

Waare oo Rooble siiyey talo la xiriirta wasiirada iyo madax goboledyada raacsan Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare oo wareysi cusub bixiyey ayaa markale weerar afka ah ku qaaday madaxweynihii hore Farmaajo, isagoo sidoo kale ka hadlay xiisadda haatan taagan.

Waare oo uu warramay Hanoolaato ayaa ku eedeeyey madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo in sidii uu rabo uu ka yeelanayo dastuurka, kuna tumanayo shuruucda dalka

“Dastuurku wuu cad yahay, madaxweynaha ilaa inta madaxweyne kale laga dooranayo xafiiska ayuu sii joogaa meel ay dastuurka uga taallo ma jirto, haddii xitaa lagu doodi lahaa baarlamaanka ayaa ansixiyay ma jirto, qof weliba rabitaankiisa ayuu wax u fasirtay,” ayuu yiri

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Farmaajo xeeladdiisa dagaal ay tahay mid qatar ah, isla-maraakana uu qofka mas’uulka ah ku karaamo-tirayo dadkiisa, sida uu hadalka u dhigay.

“Farmaajo waxa uu yaqaanaa dagaal qofka dadkiisa lagu hor karaamo-tirayo, waxa uu biyaha & korontada ka goystay Guddoomiyihii Baarlamaanka, waxa uu lug ku qasbay Ra’iisul Wasaaraha XFS, Farmaajo in uu Villada ka baxo iyo in uu ku jiro wax micno ah malah,” ayuu markale yiri Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka HirShabeelle.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin u diray ra’iisul wasaare Rooble, wuxuuna uga digay inuu markale gacanta u gelin talada, sidoo kalena uu aqbalo wada-hadallada ay garwadeenka ka yihiin xubnaha u dhow Farmaajo.

“Waxa aan leeyahay Ra’iisul Wasaare talada gacantaada ku jirto markale ha iska saarin, wasiirada iyo madaxweyne goboleedyada u dhaw madaxweynaha wadahadal lama dhaho waa hoosaasin waana tii badda geliyay tookadii hore,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Soomaaliya ayaa waxaa weli ka taagan xiisad xoogan oo ka dhalatay doorashooyinka, taas oo kasii dartay markii uu soo laba kacleeyey khilaafka u dhexeeyo Farmaajo iyo Rooble.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Jeneraal XUUD oo shaaciyey inuu qabsaday magaalada Beledweyne kadib dagaal

Beledweyne (Caasimada Online) – Janaraal Abuukar Xaaji Warsame (Xuud), oo kasoo horjeeda maamulka HirShabelle, ayaa faah-faahin ka bixiyey dagaal ay ciidankiisa shalay la galeen maamulka gobolka Hiiraan, kaasi oo uu guulo ka sheegtay.

Janaraal Xuud oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa beeniyey inuu billaabay dagaalka, wuxuuna sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Qowlad oo qiyaastii 12Km waqooyi uga beegan xaruunta gobolka Hiiraan ee Beledweyne uu ahaa mid lagu soo qaaday fariisamahooda.

Waxa uu sheegay in hadda uu si buuxda gacanta ugu hayo maamulka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, islamarkaana ay ciidankiisa joogaan inta badan xaafadaha magaalada.

“Waxaan hadda joogaa Beledweyne, dhamaan xaafadaha ciidankeyga ayaa haysta, waxaan ka jawabeynaa weerarkii shalay na lagu soo qaaday. Waxaa aan dhiseeynaa maamulka Hiiraan State, HirShabelle kama sii shaqeeyn doonto Hiiraan,” ayuu yiri Jeneraal Xuud.

Waxaa ilaa xalay magaalada ka socday dedaallo la doonayay in si nabad ah ay magaalada ku yimaadaan Cali Jeyte iyo ciidamadii la socday ee shalay dagaalka ku galay deegaanka Qowlad iyo in janaraal Xuud uu ka baxo magaalada, islamarkaana xabbad dambe aysan ka dhicin.

Jeneraal Xuud ayaa sheegay in ujeeddadiisu tahay dhismaha maamul goboleed lagu magacaabo Hiraan oo aysan dooneyn in ay wax la qeybsadaan maamulka haatan jira ee HirShabeelle ee uu Cali Guudlaawe madaxweynaha ka yahay.

Xuud ayaa dowladda federaalka ee Soomaaliya ku eedeeyay in ay diiday in ay wadahadal iyo heshiis la gasho ciidamadiisa, sidaa awgeedna ay xoog iyo cabburin ku dhistay maamulka haatan ka jira HirShabelle.

“Maammul la yirahdo HirShabelle kama jiro Hiiraan  Waxa dhacaya oo dhan, waxay u dhacayaan waa intaa. Sida dowladda federaalka khasabka iyo juujuubka ah ee ay ku dhisatay (maamulka Hirshabelle) si aan aqbali karno oo aan yeeli karno ma aha. Annaga Hiiraan baa nala yirahdaa…gobolkan waa gobol gobolladii kale ka haray, xaqdarrada intaasi la’eg oo nagula sameeyay ayaan ka dhiidhinay oo aan diidannahay,” ayuu yiri Janaraal Xuud.

Janaraal Xuud ayaa sheegay in madaxtinnimada gobolkaasi ay qaateen dad uu sheegay in aysan u dhalan gobolkaasi oo ujeedadoodu ay tahay buu yiri in ay madaxtinnimo ku helaan sidaasi.

Guddoomiyaha gobolka Hiraan, Cali Jeyte, wuu sheegay in dagaalkii shalay dhacay ay iyaga guushu ku raacday isla markaana ciidamadii ka soo horjeeday ay u cararreen dhanka dhul sida uu sheegay ay joogaan Al-Shabaab.

Wuxuu intaasi ku daray in Beledweyne ay ku soo rogeen bandow isla markaana hawlgallada socda ay sii wadi doonaan balse ilo lagu kalsoon yahay ayaa BBC-da u sheegay in bandowgaasi uusan wali dhaqangelin oo xalay ilaa xilli dambe ay magaaladu ka socdeen muddaharaadyo looga soo horjeedo dagaalkaasi iyo maamulka HirShabelle.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xasan Daahir: “Farmaajo iyo Xuseen Ceydiid waxay u maree 30 sano kahor” + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka falceliyey wareysi uu dhawaan bixiyey Siyaasiga Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid oo sheegay in Farmaajo aan lala dagaali karin oo xabad uusan ridin ka Xuseen ahaan aysan Muqdisho ka dhici karin.

Xasan Daahir ayaa sheegay inuu dhageystay wareysigaas, isla markaana ay u soo baxday in Xuseen Ceydiid uu soo maraayo meel mar hore lasoo dhaafay, sidoo kale Farmaajo ayuu ku tilmaamay nin lamid ah Xuseen Ceydiid oo aan is biday awood uusan laheyn.

Sheekh Xasan ayaa sheegay in mar lagu sirmay Xuseen Ceydiid oo loo maleynayey inuu leeyahay kartidii Aabihiis oo kale, balse hadda ay u joogto halkii la maraayey waayihii lagu sirmay.

“Waxaan is dhahay Xuseen meel uu siyaasadda ka soo galo ayuu raadinayaa, markaasuu ka hadlay meel 30 sano ka hor laga soo tegay, laakiin dadku dadkii maaha oo waqtigu waqtigii maaha,” ayuu yiri Xasan Daahir.

Sheekh Xasan ayaa beesha Abgaal uga magad celiyey inay iska aamusiyeen dadkii la midka ahaa Xuseen Ceydiid oo uu ka carabaabay Cali Maxamed Geedi iyo Salaad Cali Jeelle, “Walow aad hoosta ku heysataan Shariif oo diintii inta calaanjiyey tufay,” ayuu yiri.

Sidoo kale Xasan Daahir oo la hadlay Farmaajo ayaa sheegay in awood aan jirin ay maskada uga jirto, isagoo u fekeraya sidii uu u fekeri jiray Maxamed Siyaad Barre, sida uu sheegay Xasan Daahir.

“Waxaan la hadlayaa Farmaajo, madaxa waxaa kaaga qunfulan caqliyadii Maxamed Siyaad Barre oo kale, adiga ina Ceydiid isku mid ayaa tihiin, waxaad ku fekeree in caqliyadii Maxamed Siyaad oo kale aad hir-geliso, taasina hadda suurta gal maaha,” ayuu yiri.

Xasan Daahir ayaa Farmaajo ku dhaliilay sababta uu ula dagaalayo Ra’iisul wasaare Rooble oo isagu uu keensaday markii hore, isagoo sheegay in dadka hadii aan laga xishoon si kasta oo ay u qabowyihiin ay ugu dambeyntii qarxayaan oo wax kasta haleeyaan.

“Farmaajo ninkaan adigaa keensaday, maba aanaan aqoon anagu, sida adigaba uu Shariif kuu keensaday oo kale, marka shaqadaan adigaa ku wareejiyey, isagaana masuul ka ah ee ka leexo, maxaad u qashqashaadeysaa? Waaba nin iska dabacsane” ayuu yiri Xasan Daahir.

Hoos ka daawo 

PUNTLAND oo ka jawaabtay is-casilaadda hoggaankii guddiga doorashooyinka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dimuqraadiyeynta ee dowlad goboleedka Puntland ayaa ka hadashay go’aanka is-casilaadda ah ee ay shalay ku dhowaaqeen guddoomiyaha iyo ku xigeenka guddiga KMG ah ee doorashooyinka oo shaaciyey inay gabi ahaan banneeyeen xafiiska, kadib daruufo soo wajahay.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa waxaa lagu sheegay in is-casilaadda madaxdaas aysan saameyn ku yeelan doonin doorashooyinka qofka iyo codka ah ee haatan ka billowday maamulkaasi, taas oo lagu horreysiiyey Qardhow, Eyl & Ufeyn.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay inay socon doonto shaqada guddiga, gaar ahaan dhammeystirka doorashooyinka golaha deegaanka ee ka socda Puntland.

Waxa kale oo ay wasaaraddu u mahadcelisay guddoomiyaha is-casilay iyo ku xigeenkiisa oo ay sheegtay inay shaqo adag soo qabteen, iyaga oo la yimid howlkarnimo.

Dhinaca kale xubnaha guddiga doorashooyinka Puntland oo xaaladda soo korortay kulan ka yeeshay ayaa iyaguna war cusub soo saaray, waxayna doorteen guddoomiye & ku xigeen.

Guddiga ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in maalmaha soo socda uu bilaabi doono wada-tashiyada la xiriira dhammeystirka doorashooyinka golaha deegaanka ee Puntland.

Doorashooyinkan ayaa waxaa ku tartamaya ururo siyaasadeed oo ka dhisan Puntland, kuwaas oo olole xoogan haatan ka wada magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda SUDAN iyo is-casilaada Abdalla Hamdok

Khartoum (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii wadanka Sudan Abdalla Hamdok ayaa maanta ku dhowaaqay inuu iska casilay xilka, kadib khudbad uu u jeediyey shacabka dalkaasi.

Abdalla Hamdok ayaa shaaca ka qaaday in xaaladda dalka ay gaartay meeshii ugu xumeyd, isla-markaana uu go’aansaday inuu xafiiska banneeyo.

Sababta ugu weyn ee uu uga tegay shaqada wuxuu ku sheegay inay dan ugu jirto shacabka reer Sudan oo haatan wajahaya xaalad ka dhalatay is qab-qabsiga taagan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu fursad siinayo hoggaanka cusub ee imaan doono, si looga gudbo xaaladda cakiran ee haatan ka jirta dalka Sudan.

“Waxaan go’aansaday in aan dib u celiyo mas’uuliyadda, oo aan ku dhawaaqo in aan iska casilay xilka ra’iisul wasaaraha, oo aan fursad siiyo nin ama haweeney kale oo dalkan sharafta leh … ka caawiaya sidii uu uga gudbi lahaa inta ka hadhsan xilliga ku meel gaarka ah si uu u noqdo waddan rayid ah oo dimuqraadi ah.” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha is-casilay.

Waxa kale oo uu farriin culus u diray dhinacyada kala duwan ee isku haya Sudan, gaar ahaan milatariga, siyaasiyiinta iyo shacabka oo uu ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabada.

Isbedalka markale ka dhacay Sudan ayaa ku soo aadayo, iyada oo dhowaan Milateriga dalkaasi uu afgambi billaabay, waxayna Mr Hamdok galiyeen xabsi guri, laakiin dib ayaa loogu celiyay xukunka kadib markii uu saxiixay heshiis cusub oo ku dhisan awood qeybsi.

Dhanka kale dibad-baxayaasha ayaa weli wada mudaharaadyadooda, iyaga oo gaaf wareegaya waddooyinka, isla-markaana dalbadanaya hoggaan siyaasadeed oo rayid ah.

Si kastaba, Sudan ayaa waxaa ka dhacay isbedallo xoogan, waxaana ay caan kusii noqotay afgembiga, wixii ka dmabeeyey markii la ridday madaxweynihii dalkaasi Cumar Al-Bashiir.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Al-Shabaab oo weerar culus ka fulisay gudaha KENYA

0

Nairobi (Caasimada Online) – Xubno ka tirsan xoogaga kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu soo warramayaa in maanta weerar culus oo khasaare kala duwan geystay ay ka fuliyeen gobolka xeebta Laamu ee dalka Kenya halkaas oo ay ku dileen ku dhowaad 10 qof.

Weerarka ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay deegaanka Widhu oo ay gudaha u galeen xoogaga Al-Shabaab, kadibna ay ku dileen ugu yaraan lix qof, sida ay sheegeen saraakiisha amniga.

Sidoo kale saraakiisha ayaa shaaca ka qaaday in ragga weerarka fuliyey ay dab qabadsiiyeen xaafaddo ay daganaayeen dad shacab ah oo ku yaalla halkaasi.

Booliska ayaa sidoo kale intaasi ku daray inay baxsadeen kooxda weerarka fulisay, waxayna tilmaameen inay haatan wadaan howl-gallo lagu baadi goobayo raggaasi.

Dhanka kale shacabka ayaa waxaa soo wajahay cabsi xoogan oo la xiriirta weerarkaasi, kadib markii lagu dilay lix qof oo ka mid ah dadka deegaanka.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu harreeyey ee sanadkan cusub billowgiisa kooxda Al-Shabaab ka fuliso gudaha dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada u dhow xadka Soomaaliya.

Inta badan xoogaga Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo  ka dhaqaaq ah ku qaada ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya iyo kuwa ku sugan xadka labada dal, waxaana weeraradan ay sii xoogeysteen sanadihii dambe iyagoo dhaliyey khasaare xoogan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sawirro: DF oo faah-faahisay waxyaabihii yaabka lahaa ee lagu arkay xeebta LIIDO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho waxaa shalay subax lagu arkay Xumbo ama Xoor ay baddu soo tuftay, taas oo ilaa hadda aan la garan waxa sababay ama ay ka dhalatay.

Weli ma jirto cid baaritaan ku ogaatay oo bulshada la wadaagtay, waxa sababay in baddu xumbo tufto.

Hasa yeeshee Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumeysiga iyo khayraadka badda Soomaaliya Maxamuud Sheekh Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa wax laga weydiiyey arrintaan, isagoo tilmaamay in qatar caafimaad ay ka dhalan karto.

Agaasimaha ayaa sheegay in xumbo badeedka ay keento isbeddalka cimillada iyo saliidda ay iska bedelaan doomaha, taas oo lagu daadiyo gudaha badda.

Sidoo kale Agaasime Maxamuud Sheekh waxa uu sheegay in qashinka lagu shubo badda uu isna sababo in biyuhu xumbeeyaan, taas oo badanaa dhalisa qataro caafimaad leh oo saameeya bulshada deegaanka.

Sawirro laga soo qaaday xumbadaas oo xeebta Liido aad ugu soo caarisay ayaa maanta lagu baahiyay baraha bulshada, laakiin ilaa hadda ma jirto cid si dhab ah u baartay waxa ay ka dhalatay oo warbixin ka soo saartay.

Shirka oo maanta furmaya kadib heshiis uu Rooble la gaaray 3 madax goboleed

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa la filayaa inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho kadib markii ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu xalay is-faham la gaaray saddex madaxweyne goboleed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xalay la kulmay hoggaamiyayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, isagoo kala hadlay furitaanka shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee maanta.

Kulankii xalay ayaa ujeedkiisu ahaa in Rooble uu ku xaqiijiyo ka qeyb-galka Axmed Qoor Qoor, Cabdicasiis Lafta-gareen iyo Cali Guudlaawe ee shirka maanta, ayada oo uu jiray shaki ku aadan arrintaas.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in is-faham lagu gaaray shirka, islamarkaana saddexdan madaxweyne goboleed ee taabacsan Farmaajo ay ballan-qaadeen inay iman doonaan shirka maanta.

Shirka xalay ayaa waxaa ka maqnaa madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, kuwaas oo uu Ra’iisul Wasaare Rooble habeen hore la kulmay. Balse, labadan madaxweyne goboleed ayaan marnaba shaki ku jirin ka qeyb-galkooda shirka.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa ahaa kan kaliya ee si rasmi ah horey ugu diiday shirkan, inkasta oo uu aqbalay markii dambe kadib markii ay cadaadis xooggaan saareen Mareykanka.

Si kastaba, rajada laga qabo inuu guuleysto shirka maanta furmaya ayaa ah mid yar, ayada oo madaxweyne goboleedyada taabacsan Farmaajo la rumeysan yahay inay is hortagai doonaan qorsheyaal dhowr ah oo uu kasoo horjeedo madaxweynihii hore.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sawirro: Maxuu Rooble caawa kala hadlay madax goboleedyada taabacsan Farmaajo?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa caawa kulan gaar ah la qaatay madaxda seddaxda maamul goboleed ee taabacsan dowladda federaalka, gaar ahaana lagu xagliyo inay daacad u yihiin madaxweynihii hore Farmaajo.

Sida uu baahiyey xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Rooble ayaa la kulmay hoggaamiyaasha Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabelle, isagoo kala hadlay furitaanka shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo dhawaan lagu wado inuu ka furmo Muqdisho.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa la kulmay madaxweyneyaasha Dowlad-goboleesyada Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabelle ka hor Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhawaan ka furmaya Muqdisho. Dhammaan madaxda Dowlad-goboleedyada ayaa soo gaaray Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalkaan oo ka soo baxay xafiiska Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa habeen ka hor sidaan oo kale ula kulmay hoggaamiyaasha Puntland iyo Jubbaland oo hotelka ay Muqdisho ka degan yihiin uu ugu tegay, isagoo kala hadlay qabsoomidda shirkii uu iclaamiyey todobaad ka hor.

Madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa hadda u muuqda inay ku kala qeyb sameen danaha siyaasadeed ee dalka, waxaana laga war sugayaa go’aanada ay ku gaari doonaan shirkaan lagu wado inuu Muqdisho uga furmo.

Horay waxaa shirkaan u diiday oo mid Farmaajo ka gees iclaamiyey taageeray hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo markii dambe ka shalaayey go’aankaas, kadib markii cadaadis iyo waji gabax uu kala kulmay dalalka caawiya Soomaaliya oo Mareykanku ugu horeeyo.

Haatan waxaa Muqdisho ku sugan dhamaan madaxda dowlad goboleedyada dalka, waxayna ka qeyb geli doonaan shirka uu iclaamiyey Ra’iisul Wasaare Rooble, iyadoo uu meesha ka baxay shirkii Farmaajo iclaamiyey oo markii horaba carqaladeyn loo arkaayey.

Maxay tahay sababta uu C/llaahi Maxamed Nuur u beegsaday ciidanka NISA ee garoonka Aadan Cadde?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Galmudug, xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay sababta ka dambeysay tallaabadii wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Maxamed Nuur uu ku amray Agaasimaha NISA Yaasiin Farey in ciidanka NISA uu ka soo saaro garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Fiqi ayaa aad u taageeray talaabadaas, isagoo sheegay in ciidanka NISA ee sanadihii dambe garoonka Aadan Cadde ka howlgeli jiray ay fuli jireen danaha gaar ah ee madaxweynihii hore Farmaajo.

“Ciidanka NISA ee garoonka ku sugnaa sanadahan danbe, waxaa garoonka u taalay isbaaro lagu cadaadiyo ama ay ka afduubtaan dadka Farmaajo ka aragtida duwan ee safraya, mararka qaarkood waxay xannibi jireen socdaalkooda!,” ayuu Axmed Macalin Fiqi ku yiri qoraal uu soo saaray.

Fiqi ayaa sheegay in ciidanka lagu amray inay ka baxaan garoonka ay horay u afduubteen dad u safri lahaa gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo ee Jubbaland, intii ay cunaqabateynta dowladda dhexe saarneyd deegaanada maamulkaas.

‘Waxay horay u afduubteen mas’uuliyiin u socdaalayey Kismaayo ama gobolka Gedo, qaar xildhibaanno qaran ku jiraan ayay ka reebeen safar ay u socdeen, waxay cagajugleyn ku hayeen ciidamada Booliiska iyo shaqaalaha garoonka, waxaa la xusuustaa xadgudubkii ay kula kaceen saraakiisha iyo shaqaalaha hey’adda socdaalka iyo burburintii ay u geysteen qalabkii garoonka oo aan waxba laga qaban,” ayuu yiri Fiqi.

Ugu dambeyntii Axmed Macalin Fiqi oo wasiirka amniga XFS ku bogaadiyey go’aanka Nabad sugidda looga saarayo garoonka ayaa qiray in ciidan ka shaqeeya sirdoonka looga baahan yahay garoonka Aadan Cadde, balse kuwa hadda jooga ay muhiim tahay in la bedelo oo la keeno ciidan shaqadaas u daacad ah.

“Talaabada uu qaaday wasiirka Amnigu waxay mudan tahay bogaadin iyo soo dhowayn, waana mid meesha ka saaraysa ciidamo u shaqeeya sida hangashtii kacaanka! NISA kaalin dhanka sirdoonka ah waa ku leedahay garoonka, balse waa in xirfadlayaashii hawshaas qaban lahaa oo nadiif ah loo soo xulaa,” ayuu yiri Axmed Fiqi wasiirkii hore ee amniga Galmudug.

Amarkii xalay wasiirka amniga XFS ee ku socday Yaasiin Farey oo looga dalbaday inuu ciidanka dharcadda ah ee NISA ka soo saaro garoonka ayuu waqtigiisu ku ekaa maanta, balse ilaa hadda ma jiraan wax cadeynaya inuu fulay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

PUNTLAND oo war kasoo saartay dagalkii maanta ka dhacay duleedka caasimada

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo goordhoweyd shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay dagaalkii xoogana ee maanta ka dhacay duleedka caasimada Puntland ee Garoowe.

Axmed Karaash ayaa ugu horeyntii ka tacsiyadeedyay dadkii ku dhintay dagaalkaas, halka kuwa ku dhaawacmayna uga baryay Ilaahay inuu ka kiciyo oo uu siiyo caafimaad, una booya dhayo.

Waxa uu ku baaqay in si deg deg ah lagu joojiyo dagaalkaas, islamarkaana ay labada dhinac qaatan xabad joojin, ayada oo wixii jirra lagu xalinayo wada-hadal iyo jawi nabdeed.

“Waa dad walaalo ah oo xigto ah, waxaan ku baaqeyna in la joojiyo, waxa kale oo ku baaqeyna Isimada, culimada iyo odayaasha reer Puntland inay arrintaas u kacaan, dowladdana waxay awoodeeda saareysa sidii halkaas uga dhacdo nabad waarta,” ayuu yiri.

“Waxaa ku baaqeyna in xabada ay shuruud la’aan ku joogto, wixii ka dambeeyana sulux iyo wanaag lagu xaliyo, oo nabad-gelyada la ilaaliyo. Sheydaan ayaa ka adeegay waa inay istaagto colaada iyo dirirtaas.”

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dagaalka ayaa waxa uu xoogiisa ka dhacay tuulada Saax-maygaag, waxayna xiisadan ku saleysan tahay deegaameynta deegaankaas oo u dhaxeeya degmada Boocame ee gobolka Sool iyo tuulada Birta dheer ee gobolka Nugaal.

Khasaaraha dagaalkan ayaa illaa hadda inta la xaqiijiyey waxaa ku dhimatay lix ruux oo ka tirsan dhinacyadii dagaalamayay, ayada oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 15 qof oo kale.

Dagaalkan oo u dhaxeeyay labo maleeshiyaad beeleed ayaa yimid kadib markii xal laga gaari waayey muranka ka taagan nidaamka deegaameynta, waxaana colaadan ku barakacay qoysas badan, xilli ay abaar iyo xaalad bini’aadanimo ka jirto gobolka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Guddoomiyihii guddiga doorashada Puntland iyo ku-xigeenkiisa oo is-casilay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashada Puntland iyo ku-xigeenkiisa ayaa goordhoweyd is casilay, ayaga oo warqada istiqaalada u gudbiyay xubnaha Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland.

Guuleed Saalax, Guddoomiyihii hore ee guddiga doorashooyinka Puntland oo qoraal soo saaray kadib markii uu xilkaas iska casilay, ayuu ku sheegay in duruufo ka horyimid dartood uu goostay in uu baneeyo booskaas.

Xirsi Faarax ahna Guddoomiye ku-xigeenka guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa asagna is-casilaadiisa ku sheegay inay ku salaysan tahay duruufo amni u gaar ah, sida uu sheegay.

Labada mas’uul ayaa ahaa kuwii ugu sareeyay ee hogaaminayay guddiga doorashooyinka Puntland ee qabtay doorashooyinkii qof iyo codka ahaa ee ka qabsoomay qeybo kamid ah deegaanada maamulkaas. Guddigan waa midka u gaarka ah Puntland, ee ma ahan kuwii qabanayey doorashooyinka federaalka.

Hoos ka aqriso labada qoraal ee ay soo saareen Guuleed iyo Xirsi

Qoraalka Guuleed Saalax

Saaka waxaan ugudbiyay Xubnaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland warqad aan ku bannaynayo jagada Guddoomiyanimo ee Guddiga, sidoo kale isla saaka waxaan Guddoomiyaha Baarlamaanka la wadaagay warqad aan isaga casilayo xubinimaddii Guddiga ee aan kusoo shaqaynayay muddo 2 sano iyo bar ah. Waxaan qorshaynayay inaan qayb kasii ahaado shaqada adag ee Xubnaha Sare iyo Shaqaalaha Guddigu u hayaan bulshada reer Puntland, laakiin duruurfo iga hor yimid dartood waxaan goostay inaan banneeyo booska.

Aniga oo ku kalsoon aqoonta, khibradda, kartida iyo iskuduubnaanta Xubnaha Sare iyo Shaqaalaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland, waxaan ALLE idankiis hubaa in shaqada qaybta harsan ay si habsami leh ku dhamayndoonaan. Shaqada inteeda badan waxaa awalba hayay xubnaha kale iyo shaqaalaha, Guddoon ahaan kaalintayadu waxay ku koobnayn hogaamin, matalaad iyo hagis guud.

Waxaan u mahadcelinayaa cid walba oo gacanqabad iyo taageero siisay Hay’adda Doorashooyinka si guud anigana si gaar ah muddadii aan hogaaminayay Hay’adda. Si gaar ah waxaan ugu mahadcelin Madaxweynaha iyo dhamaan masuuliyiinta dawladda, ururada siyaasadda, ururada bulshada, dadweynaha reer Puntland iyo saaxiibada beesha caalamka.

Ugu dambayn waxaan u mahadcelinayaa xubnaha sare iyo shaqaalaha Guddiga oo aan soo wada qabanay shaqo adag duruufo adagna aan soo wada marnay.

Bulshada reer Puntland oo aan aragnay sida ay ugu baahiqabaan nidaam dawladnimo oo ku yimaada doorasho dadweyne oo xalaal ah, waxaan ku kalsoonahay in dawlad iyo dadweynaba aan hayaanka iyo tubta cagta la saaray marna aan laga noqondoonin.

Muddadii aan hogaaminayay Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland wixii wanaagsanaa ee na qabsoomay mahaddeeda ALLE ayaa iska leh, ka sokow xubnihii iyo shaqaalihii Guddiga ee muujiyay hawlkarnimo, daacadnimo iyo iskuduubni. Wixii farsamo ahaan naga qaldamay muddadaas masuuliyaddeeda aniga ayaa qaadaya cudurdaar iyo raaligelina kasiinaya dadweynaha reer Puntland.

Aniga oo muwaadin ah waxaan marwalba diyaar u ahaandoonaa inaan talo iyo tabarba la garab istaago dhamaystirka hirgalinta hannaanka xisbiyada badan ee Puntland.

Qoraalka Xirsi Faarax

Daawo: Gabadhii ’15 jirka aheyd’ ee kursigii la diiday kula tartantay xildhibaan Sareedo oo hadashay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharaxadii la tartantay Xildhibaano Sareedo Maxamed Cabdalla oo ayadu markale difaacatay kursiga HOP154, oo uu Guddiga doorashooyinka uu sheegay in qaabkii loo maray doorashadiisa aysan waafaqsanayn habraacyada doorashada.

Guddiga doorashada heer federaal ayaa hore u sheegay in gabadha la tartantay Sareeda aysan soo buuxin shuruudihii murashaxnimada qodobkiisa 3aad ee heshiiskii 1 Oktoobar 2020.

Gabadha oo lagu magacaabo Fardowsa Ibraahim Cabdi ayaa ayada oo ay garab taagan tahay xildhibaan Sareedo beenisay inay jirto 15 jir, islamarkaana ay da’deedu tahay 27 jir, taasi oo meesha ka saareysa eedeynta loo laalay kursiga HOP154.

“Weligay ma tagin meel lagu tartamayo, aniga codsaday in aan la tartamo, doorashadana waxay u dhacday si cadaalad ah oo ula tartamay (Sareedo),” ayey tiri.

Xildhibaano Sareedo oo ayaduna hadashay ayaa sheegtay in da’da laga faafiyay gabadha la tartantay ay ka dambeeyan dad xumaan tashiil ah, sida ay hadalka u dhigtay.

“Waa gabadh 27 jir ah oo dhalatay 1994, Soomaaliya waxaa la keenay qofka markii wax laga sheegayo been laga sheego oo la maago. Dadka xun warkooda yaan la tixgelin ee dadka fiican ha la tixgeliyo,” ayey tiri.

Si kastaba, arrinta yaabka leh ayaa ah in gabadhan iyo xildhibaan Sareedo ay weli wada socdaan toddobaadyo kadib doorashadii, taasi oo muujineysa inuu xiriir ka dhaxeeyo, oo ay doorashada ka aheyd malxiis un.

Hadalkan ayaa imanaya xilli uu Guddiga doorashooyinka heer federaal uu horaanta bishii hore ku dhawaaqay in kursiga ay ku guuleysatay Xildhibaano Sareeda uu ku celisay yahay, waxba kama jiraana ay tahay natiijada kasoo baxday.

Sawirro: Maxay safiirada Mareykanka iyo UK kala hadleen LAFTA-GAREEN?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, ayaa galinkii dambe ee maanta kulan xasaasi ah la qaatay Safiiradda dowladda UK iyo Mareykanka.

Kulanka ayaa waxaa looga wada-hadlay xaaladihii u dambeeyay ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, amiga iyo abaaraha, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Laftagareen.

Sidoo kale waxaa kulankaan qeyb ka ahaa oo madaxweyne Laftagareen ku wehlinayay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Agaasimaha Madaxtooyada.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa horey u sheegay inuu ka qeybgeli doono shirka uu iclaamiyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, hase yeeshe markii dambe wuu bedelay go’aankiisa, sida aan ogaanay.

Laftagareen ayaa cadaadis xoog leh kala kulmay Beesha Caalamka, taasi oo keentay inuu aqbalo ka qeybgalka shirka uu hore u iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Illaa hadda lama shaacin waqtiga rasmiga ah ee uu furmi doono shirka madaxda Maamul Goboleedyada iyo Ra’isulwasaare Rooble, balse waxaa la filayaa inuu furmo Asbucaan gudahiisa.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa waxaa ka qeyb-galaya madaxda dowlad goboleedyada oo dhan, ayada oo uu fashilmay isku day uu madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ku rabay in uu kala jebiyo madaxda ku mideysan Golaha.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Dagaal culus oo maanta ka qarxay duleedka caasimada PUNTLAND + Khasaraaha

0

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa maanta dagaal culus uu ka qarxay duleedka magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland, kaasi oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dagaalka ayaa waxa uu xoogiisa ka dhacay tuulada Saax-maygaag, waxayna xiisadan ku saleysan tahay deegaameynta deegaankaas oo u dhaxeeya degmada Boocame ee gobolka Sool iyo tuuada Birta dheer ee gobolka Nugaal.

Khasaaraha dagaalkan ayaa illaa hadda inta la xaqiijiyey waxaa ku dhimatay lix ruux oo ka tirsan dhinacyadii dagaalamayay, ayada oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 15 qof oo kale.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalkan uu yimid kadib markii xal laga gaari waayey muranka ka daagan nidaamka deegaameynta, waxaana colaadan ku barakacay qoysas badan, xilli ay abaar iyo xaalad bini’aadanimo ka jirto gobolka.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka iyo mas’uuliyiinta maamulka Puntland. Sidoo kale majirto waan-waan illaa hadda laga dhex bilaabay labada Beelood ee dagaalamay.

Ma aha markii u horeysay ee deegaanka Saax-maygaag uu ka dhaco dagaal beeleed, mana jirto illaa hadda wax tallaabo ah oo laga qaaday colaada soo laab-laabatay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Shan QODOB oo ay tahay in lagu xaliyo shirka Rooble iyo madax goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wadatashiga Qaran ayaa saacadaha soo socda kulan ku yeelan doona caasimadda Muqdisho kadib fashilkii afgambi uu hormuud ka ahaa Farmaajo oo dhacay todobaadkii hore.

Dhammaan madaxda maamul goboleedyada sida Puntland Saciid Deni, Galmudug Axmed Qoorqoor, Hirshabelle Cali Guudlaaawe, Koonfur Galbeed Cabdicasis Lafta-gareen iyo Jubbaland Axmed ayaa ku sugan Muqdihso, iyaga oo ajiibay codsiga ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Rooble ee ahaa shirka wadatashiga.

Qaar ka tirsan madaxda oo maalmo sii joogay ayaa la kulmay ergeyga xogheyaha guud ee qaramada Midoobey iyo safiirro ka socday beesha caalamka oo ay ugu horeeyaan Mareykanka iyo Ingiriiska.

Shan qodob oo ay tahay in xoogga lagu Saaro:

Sixidda Habraacyada: Waxaa jira cabasho ka jirta habraacyada, iyada oo guddiga doorashada ee heer federal iyo kuwa maamul goboleedyada iyo xataa madaxda maamul goboleedyada ay meel uga dhaceen hab-raacyada sida xulista, ergada iyo doorashada xildhibaannada golaha shacabka, waxaana soo baxay kiisas badan oo ku saabsan is daba-mareyn ay sameeyaan SIET, taasi oo keentay in la dhaliilo qaabka wax u socdaan, keeneysana baahida loo qabo inn hadda la saxo si loo soo celiyo kalsoonida lagu qabo hannaanka doorashada.

Xulista Ergada: Xulista ergada waa caqabad kale oo ay tahay in wax laga qabto, loogana hadlo shirkan, waayo ilaa hadda ma jirto hal guddi oo SIET ah oo shaaciyey magacyada ergada, qaabka loo xulay, beesha ay ka tirsan yihiin, xataa intooda badan lama arko wejiyadooda iyo cidda ay yihiin. Arrinta xulista ergada waa dodo badan ka keenay musharaxiinta, odeyaasha, bulshada rayidka ah iyo xataa korjoogeyaasha, waxaana la joogaa in shirka lagu saxo arrinkan.

Yareynta Samaeynta Madaxda Maamul Goboleedyada: Aqalka sare ilaa hadda oo lagu jiro golaha shacabka, waxaa meesha ka baxday in ay dhacdo doorasho, keliya waxaa soo baxa cidda ay xushaan maamul goboleedyada, iyaga oo gacanta ku haya guud ahaan doorashada. Maamul goboleedyada cid aaney dooneyn ma noqon karo musharax, ma ahaan karo odey, ergo ama xataa korjooge. Waxaa jiray kuraas badan muran ka jiray sida HOP#67, HOP#103 iyo HOP#154.

Kaalimaha SIET, FIET/EDRC: Doorashadan waxaa ay meesha ka saartay kaalinta (FIET) iyada la awoodsiiyey SIET maadaama ay ku yimaadeen xulista madaxda maamul goboleedyada, waana kooxda dambe cidda ay ku shaqeystaan madaxda maamul goboleedyada, oo ay doorashada ku dhacaan.

Waxaa intaas dheer, FIET xilligan malaha guddoomiye, oo Maxamed Cirro oo u ahaa waxaa la ceyriyey, waxaa kale oo isna ra’isul wasaare Rooble eryey guddoomiyihii iyo iyo 6 kale oo ka tirsan guddiga xallinta khilaafaadka, labada dhacdo waxaa ay dhaceen dhammaadkii December.

Kooxdan la ceyriyey waxaa lagu eedeeyey iney ku milmeen siyaasaha socda, shaqo gudasho la’aan, tusaale ahaan guddiga xalinta khilaafaadka waxaa uu fasaxay kuraas muran ka jiray sida Yaasiin Farey iyo Mahdi Guuleed, waxaa kale uu wax ka qaban waayey kuraas kale oo cabasho laga keenay kuraasta 237, 239 iyo 255 iyaga oo lacagta iska qaata.

Jadwal Doorasho oo Cusub: Waxaa in ka badan afar jeer lagu guuldareystay jadwalka doorashada, waxaana kulankan uu noqon karaa mid lagu dejiyo jadwal doorasho, oo la hubo xilliga lagu soo gabagabeyn doono doorashada golaha shacabka, la dhaarin doono labada aqal, guddoon dooran doonaan isla markaana ay noqoneyso doorashada madaxweynaha.

DAGAAL culus oo dib uga qarxay duleedka Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhow uu dagaal dib uga qarxay duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, kaas oo u dhexeeyo ciidamada HirShabelle iyo kuwa kale oo taabacsan sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere oo ka mid ah saraakiisha haatan kasoo horjeedo maamulka.

Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu yimid, kadib markii ciidamada HirShabelle oo kaashaanaya kuwa dowladda, gaar ahaan qeynta 27-aad ee Xoogga dalka ay weerar ku qaadeen fariisiin ay ciidamada sarkaalkaasi ka sameysteen duleedka dhinaca waqooyi ee  magaalada, waxaanka halkaasi haatan ka socda iska hor imaad u dhexeeyo labada dhinac.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in dagaalka xooggiisa uu ka socdo deegaanka Qowlad, isla-markaana la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kal duwan.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, waxaana weli rasaas xoogan laga maqlayaa duleedka Beledweyne.

Dagaalkan ayaa daba socda iska hor imaad habeenkii Jimcaha ka dhacay Beledweyne, kadib markii la weeraray kolonyo uu la socday guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte.

Guddoomiyaha oo ka hadlay xiisaddaas ayaa hanjabaad u diray saraakiisha kasoo horjeeda HirShabelle ee ku sugan Beledweyne, wuxuuna sheegay inay gacan bir ah ku qaban doonaan amniga, sidoo kalena ay ka hortagi doonaan dadka liddiga ku ah nabad-gelyada.

Dhanka kale waxaa magaalada Beledweyne haatan ka billowday dibad-bax rabashada wata oo ay dhigayaa bulshada deegaanka, kuwaas oo kasoo horjeeda weerarka lagu qaaday sarkaal Nuure oo ka mid ahaa saraakiishii la baxay bad-baadada Hiiraan.

Dibad-baxayaasha ayaa sidoo kale ku qeylinayo erayo ka dhan HirShabelle, waxaaya dhagxaan iyo biro ay ku gooyeen qaar ka mid ah waddooyinka magaalada.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana marba marka ka dambeysa sii xoogeysanayo dagaalka oo saameeyn dadka deegaanka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

XOG: Laba qodob oo dhabar-jab ku ah FARMAAJO oo hor-yaalla shirka MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa la filayaa inuu Isniinta ka furmo magaalada Muqdisho kadib markii ay soo wada gaareen dhammaan madaxweyne goboleedyada dalka.

Hase yeeshee, shirka ayaa wajahaya caqabad xooggaan, waxaana yar fursadda laga qabo in lagu meel-mariyo laba qodob oo xasaasi ah, kuwaas oo ay gadaal ka riixayaan ra’iisul wasaare Rooble iyo qaar ka mid ah madax goboleedyada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, qodobka koowaad ayaa ah; in deegaan doorashada lagu soo koobo hal magaalo. Qodobkan ayaa waxaa si aad ah u daneynaya Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe, oo ay caqabad ka kala haysato magaalooyinka Garbahaarey iyo Beledweyne.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo markii hore ka cago jiidayey fikraddan ayaa la sheegay inuu hadda taageerayo kadib markii ay isku xumaadeen Farmaajo, oo aad uga soo horjeeda arrintan, horeyna uga digay.

Qodobka labaad ayaa ah; in ra’iisul wasaare Rooble doonayo in shirka laga soo saaro baaq ah in amniga dalka si buuxda ra’iisul wasaaraha loogu soo wareejiyo, haddii aanay taas dhicinna aanu dalka doorasho hufan ka dhici karin

Farmaajo ayaa horey Rooble ugu wareejiyey amniga doorashada, base taas wax weyn ma beddelin, waxaana weli hay’adaha amniga si buuxda gacanta ugu hayo Farmaajo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa rumeysan in haddii ay Golaha Wadatashiga Qaran ay qodobkan isku raacaan shuruudna uga dhigaan dhameystirka doorashada inay hoggaamin karto in beesha caalamka ay cadaadis ku saarto Farmaajo inuu sidaas sameeyo, inkasta ay u badan tahay in Farmaajo uusan marnaba taas aqbali doonin.

Rooble ayaa qorsheynaya in haddii uu amniga gacanta ku dhigo inuu beddelo dhammaan taliyayaasha ciidamada dalka, si uu awoodda dalka si buuxda gacanta ugu dhigo.

Si kastaba, Qoor Qoor iyo Lafta-gareen oo ku xiran Farmaajo ayaa lagu war-geliyey inaysan marnaba ogolaan labadan qodob, waxaana diidmadooda ay ka dhigi kartaa in shirka uu kusoo dhammaado natiijo la’aan, ama laga soo saaro qodobo aan macno badan laheyn oo guud. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii