26.5 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Taliye ku-xigeenkii hore ee NISA oo sheegay in lagu deg-degay go’aankii W/Amniga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenkii hore ee NISA Ismaaciil Daahir Cusmaan oo u warramay Universal TT ayaa ka hadlay go’aanka kasoo baxay wasiirka amniga gudaha Cabdullahi Maxamed Nuur oo amar ku bixiyey in ciidamada dharcadda ee NISA ay isaga baxaan gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ismaaciil Daahir ayaa marka hore shaaca ka qaaday in loo baahanaa in tallaabo adag laga qaado ciidamada NISA ee ka howl-gala garoonka, oo uu ku eedeeyey inay juujuubaan ama handadaan siyaasiyiinta ka firkirka duwan dowladda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Mr Daahir ayaa dhanka kale xusay in lagu deg-degay go’aanka wasiirka amniga, wuxuuna tilmaamay inay habooneyd in kaliya la beddalo hoggaanka NISA ee Aadan Cadde.

“Xoogaa waxaad moodaa warqadda in lagu deg-degay, sababtana wax kale ma aha ciidankaas waxay mudan yihiin in hoggaankooda marka hore la beddalo, haddii ay ku waana qaadan waayaana iyaga dhanba meesha laga beddalo,” ayuu yiri Ismaaciil Daahir.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “In gabigood garoonka laga bixiyo waxay qatar gelineysaa amniga guud ee garoonka,”.

Taliye ku-xigeenkii hore ee NISA oo hadalkiisa sii wata ayaa is barbar dhig ku sameeyey shaqooyinka ay garoonka ka hayaan booliiska iyo nabad sugida, wuxuuna tilmaamay in ciidamada booliska ay u xilsaaran inay koontaroolaan kastamka, halka ciidamada NISA ay ka shaqeeyaan amniga garoonka, si ula socdaan dadka soo galay dalka & kuwa ka baxaya.

“Booliska waxa ay inta badan ku howlan yihiin oo ay ka shaqeeyaan dhinaca kastamka waxa soo galaayo iyo waxa ka baxaayo dalka ayey koontaroolaan, halka nabad sugidda shaqadooda ay tahay sugidda amniga iyo la dagaalanka kooxda Al-Shabaab, si aysan dalka usoo gelin ama uga bixin dad la raadinaayo,” ayuu markale wareysiga ku yiri Ismaaciil.

Si kastaba, garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa waxaa horeya uga howlgeli jiray ciidan nabad sugid dhar cad ah, waxaana ciidankan markii hore si toos u xukumi jiray kaaliyihii Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Kulane, waxaana inta badan loo adeegsan jiray arrimo siyaasadeed iyo dadka laga xanibayo inay ka dhoofaan garoonka Aadan Cadde.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Rooble oo qorsheynaya inuu xilka ka qaado Yaasiin Farey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka fakaraya inuu xilka ka qaado Taliyaha KMG ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey), sida ay ogaatay Caasimada Online.

Rooble toos xilka ugama qaadi karo Yaasiin Farey, hase yeeshee wuxuu horgeyn karaa Golaha Wasiirada oo leh awoodda xilka ka qaadista. 

Yaasiin Farey waxaa lagu tilmaamaa gacanta midig ee Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoona uu Ra’iisal Wasaaruhu tuhunsan yahay inuu caqabad ku noqon karo hufnaanta doorashada.

Sida muuqata, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa qaadaya tallaabooyin dhowr ah oo lagu cadaadinayo Yaasiin Farey, kahor inta aan si toos ah xilka looga qaadin.

Dhawaan wasiirka amniga Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa Yaasiin Farey ku amray inuu warbixin dhameystirsan ka keeno sababta iyo halka uu ku xiran yahay Mukhtaar Roobow, hase yeeshee Yaasiin ayaa waqtigii loo qabtay ku soo diray warbixintaas.

Mar kale wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa shalay Yaasiin Farey ku amray inuu dhamaan ciidanka NISA ka soo saaro garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, isagoo faray in ammaanka garoonka uu si buuxda ugu gacan geliyo ciidanka booliska.

Wasiirka amniga ayaa qoraalkiisa ku shaaciyey in go’aankaan la qaatay kadib markii ay bateen cabashooyinka ay kasoo gudbiyeen hay’adaha dowladda ee ka howlgala gudaha garoonka, ciidamada NISA oo ku kaca xad-gudubyo isugu jira gacan qaad iyo handadaado joogta ah, lehna cadaymo buuxa.

Yaasiin Farey waxa uu hormuud u yahay khilaafka haatan dib uga soo dhex cusboonaaday Ra’iisal Wasaaraha iyo Farmaajo, kadib markii uu muran xoogan hareeyay kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP067, kaas oo sida la sheegay uu Yaasiin Farey kusoo baxay, bishii November.

Taliyaha KMG ee Hay’adda NISA ayaa galaaftay toddoba xubnood oo ka mid ahaa Guddiga Xalinta Khilaafaadka, ka dib markii si aan sax ahayn ay u maareeyeen cabashadii laga keenay kursigaasi. Ra’iisal Wasaaraha ayaana 18-kii December shaqada ka eryay xubnahaasi.

Yaasiin Farey oo sidoo kale ku magacaaban Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Banaadir ayuu Madaxweyne Farmaajo bishii September u magacaabay inuu noqdo Kusimaha Hay’adda NISA, maalmo ka dib xil ka qaadistii uu Ra’iisal Wasaaruhu ku sameeyay Taliyihii hore ee hay’adaasi Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abokar Dubbe, Golaha Wasiirada ayaa taageeray dardargelinta ciidamada amniga iyo sugidda amniga caasimadda, si ay inoogu dhacdo, buu yiri, doorasho nabdoon oo xasilloon.

“Waxaa la ayiday oo la taageeray qorshaha amniga caasimadda oo horey loo ansixiyay, si loo dardargeliyo amniga caasimadda. Amniga caasimadda iyo qorshaha amniga caasimadda oo abuurayay guddi ciidan oo isku dhaf ah, oo ka kooban dhammaan Ciidamada Qalabka Sida,” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa yiri “Dardargelinta ciidamada amniga iyo sugidda caasimadda ayaa iyagana la taageeray oo la ayiday, iyadoo loogu talagalay dhammaan 17-ka degmo in si degdeg ah looga hawlgalo, si ay inoogu dhacdo doorasho nabdoon oo xasilloon.”

Haddii Rooble uu meesha ka saaro Yaasiin Farey waxa uu noqonaya ninkii 3-aad ee ku dhow Madaxweynaha ee uu meesha ka saaro, marka laga soo taggo Fahad Yaasiin iyo Cabdullaahi Aadan Kulane, oo soo noqday Madaxii Shaqaalaha ee Hay’adda Sirdoonka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

C/llaahi Maxamed Nuur oo sharaxaad cusub ka bixiyey amarkii ka dhanka ahaa NISA ee garoonka Aadan Cadde

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur oo xalay Agaasimaha KMG ah ee NISA, Yaasiin Farey ku amray in ciidanka NISA uu ka soo saaro gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey amarkaas.

Wasiirka ayaa qoraal kale oo uu soo saaray waxuu ku sheegay in amarkaas uusan quseyn ciidamada NISA ee ilaaliya baraha control ee laga galo garoonka, balse uu ku kooban yahay dharcadda ka howlgasha gudaha garoonka.

“Isbedelka la xiriira Ciidamada NISA ee ka howlgala Garoonka Aadan Cadde wuxuu quseeyaa oo kaliya Ciidamada Dharcadda ah ee ka hawlgala Gudaha Garoonka Diyaaradaha (Terminal ka). Ma quseeyo Ciidamada gacanta ku haya Baraha Koontoroolada ee laga galo Garoonka Aadan Cadde,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Wasiirka ayaa qoraal uu soo saaray fiidkii hore ee xalay waxuu ku shaaciyey in go’aanka ciidanka NISA looga saarayo garoonka la qaatay kadib markii ay bateen cabashooyinka ay kasoo gudbiyeen hay’adaha dowladda ee ka howlgala gudaha garoonka.

Sidoo kale waxa uu sheegay wasiirku in ciidamada NISA ay ku kaceen xad-gudubyo isugu jira gacan qaad iyo handadaado joogta ah, kuwaas oo cadeymo loo hayo, sida uu sheegay.

Amarka wasiirka ee lagu dalbaday in ciidanka dharcadda ah ee NISA laga saaro gudaha garoonka Aadan Cadde ayaa laga sugayaa Yaasiin Farey inuu dhaqan geliyo Axadda maanta ah, sida ku cad warqadda wasiirka amniga.

Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa waxaa ka howlgeli jiray ciidan Nabadsugid dhar-cad ah, waxayna ciidankan markii hore si toos ah u hoos tegi jireen kaaliyihii Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Kulane, inta badana waxaa loo adeegsan jiray arrimo siyaasadeed iyo in dadka ka dhoofaya garoonka qofkii ay doonaan laga xanibo safarkiisa.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Ciidamo ka tirsan DANAB oo qarax lagula beegsaday duleedka Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya iun maanta qarax miino uu ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb, kaas oo laga helayo faah faahino kala duwan.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Danab oo marayey halkaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Ugu yaraan illaa saddex askari oo ka tirsan ciidamada Danab ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, kuwaas oo loo soo qaaday magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Ciidamada la qarxiyey ayaa ku sii jeeday dhinaca deegaanka Ceeldheere oo ay ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa qarax kadib howl-gal kooban ka sameeyey wadada isku xirta Ceeldheere iyo Dhuusamareeb, balse ma jirto illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka oo la xiriira weerarkaasi.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada Xoogga dalka ayaa howl-gallo ballaaran ka waday deegaanada Galmudug, gaar ahaan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah ka fulisa Dhuusamareeb iyo deegaanada kale ee ku teedsan, taas oo keentay dhaq-dhaqaaqyada ay haatan ciidamada Danab iyo kuwa Daraawiishta dowlad goboleedka Galmudug ay ka wadaan halkaasi.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wararkii ugu dambeeyey xiisadda Beledweyne iyo Jeyte oo uu hanjabay Xuud

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan oo maanta la shiray saraakiisha amniga ee magaalada Beledweyne ayaa si adag uga hadlay iska hor imaad habeen ka hor ka dhacay gudaha magaalada oo u dhaxeeyey sarkaal gadoodsan oo ku mowqif ah Jeneraal Xuud iyo ciidamada ammaanka.

Guddoomiyaha ayaa aad u dhaliilay hanaanka ay u shaqeeyaan laamaha amniga ee magaalada Beledweyne, isagoo saraakiisha ku amray inay la yimaadaan qorshe amni oo ka duwan kii hore.

“Waxaan rabaa ammaanka magaalada Beledweyne wajiga uu maanta leeyahay mid aan aheyn inuu yeesho, hal sano iyo bar ayaan xaaladaan ku nooleyn mana lagu sii noolaa karo, saraakiisha waxaan ka doonayaa in deg deg amniga wax looga bedelo,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Sidoo kale waxa uu sheegay in aysan u dul qaada doonin jabhadda Jeneraal Xuud ee ku jirta duurka oo mararka qaar weerarro ka fulisa gudaha magaalada Beledweyne, sidoo kalena aad u diidan in magaaladaas uu tago madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe.

“Hadii reer hebel la yahay oo tabasho jirto, reer hebel anagaa u madax ah, tabashadoodana anaga ayaa wax nagala weydiinayaa ee nin duurka u cararay wax laga weydii maayo, nin boorso kaliya dalkaan ka taalana wax laga weydiin maayo, kuwa halka sano horay gadaal u cararaya Ceel-gaal, maanta kadib uma dul qaada doono,” ayuu yiri guddoomiye Cali Jeyte.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo saraakiisha ammaanka aad ugu canaantay in amniga ay wax badan ka qabtaan ayaa sheegay inay hadda  joogaan heer ay lafahooda la baxsan waayaan oo qarka ay u saaran yihiin in la dilo.

“Saraakiishii waa idinka, amniga in wax weyn laga qabtaan rabaa, waxay xaaladu maree lafaheena inaan la baxsa weyno oo magaalada aan dhex-mari weyno, ma in aniga la i dilaa la iskula jiraa oo tolnimo ah? maya taasi ma dhaceyso,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan.

Hoos ka daawo

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Ciidamada GORGOR oo nolosha ku qabtay xubno ka tirsan Al-SHABAAB

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gallo qorsheysan oo ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Gorgor ay ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Howl-gallada oo ahaa kuwa ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey deegaanada Bariire, Toortoorow, Mubarak, Shaam-garre, Jowhar yarey oo dhammaantood hoostaga degmadda Awdheegle ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in howl-galladan lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ahaa bartilmaameedka ciidamada sameeyey howl-galladaasi.

Saraakiil u hadashay ciidamada Gorgor ayaa sheegay inay howl-galladaas ku soo qab-qabteen illaa 6 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuna sugnaa deegaanada ay gaareen ciidamada ee hoostaga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi waxa ay kusii dareen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo la xiriira howl-galladaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa Shabeelaha Hoose oo ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ka socday guluf ka dhan ah Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolkaasi.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sawirro: Shirkadda Somtel oo toddobaadkii 24-aad abaal-marisay 1,000 macaamiil

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Xildhibaano ,Mas’uuliyiinn ka socotay Jaamacadaha Muqdisho,  Ururada dhalinyada ,Ururada bulshada rayidka Mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda isgaarsiinta somtel,.

Ugu horeyntii  Waxaa Munaasabada hadal-jeedin rasmi ah ka sameeyay Madaxa Suuqgeynta  & iibka  shirkadda isgaarsiinta somtel  Mudane: Cumar Maxamed Nuur Oo aad u bogaadiyay Somtel kuna Tilmaamay Ololaha ku Shubo Oo Guuleyso 10,000 Hadiyadood Mid  Wax tar u leh  bulshada soomaaliyeed  macamiil walba oo sameeya ku shubasho  Wuu u tartami karaa fursadan qaaliga ah kaasoo isticmaala adeegyda somtel ku hadal, internet & adeegga eDahab

“Waa barnaamij macaamiisha si daah-furan nasiibkooda u tijaabiyaan iyagoo sameeynaya ku shubashada kaarka ku hadalka & Data internet-ka Kuna helayaan hadiyado qaali ah sida gaariga Hyundai-ga, Bajaajyada, Dahab-ka I.w.M  Waxaan balan qaadeeynaa inan  haliisa ka sii wadno waliba  si rasmi ah  U daah-furno sanadka Cusub 2022 waliba hadiyado ka badan intii aan bixin jirnay 2021  Sidoo kale waxaan balan-qaadeeynaa inan sanadkaan ku darno hadiyadaha lagu bixinaayo Hanti Ma-guurto ah & Hadiyado kale oo Muhiim ah Waxaan ku Maamuuseeynaa  Generate-gareynta  gaariga Hyundai-ga  Sedexaad Waliba Nuuca raaxada ah Qiimihiisu uu yahay ku dhawaad 40’000 doolar Professor :Mxamed  Cumar Dhalxa oo ah Xildhibaan  Ka Tirsan Golaha Shacabka iyadoo macaamiisheenu  u furantahay fursadaan qaaliga ah Waxaan aad ugu faraxsanahay inay ku tartamaan macaamiisheena ku dhaqan Magaalada Muqdisho & kuwa Gobalada. W waa Olole daaah-furan waxaan galabta si toos ah ugu   Dhawaaqeeynaa macaamiilka ku guuleeystay gaarigii sedexaad iyadoo marti sharafta aan ku marti-qaadnay gacantooda inoogu generate gareyn doonaan Wxaan Sidoo kale idiin-la wadaagayaa in xaflad balaaran aan u sameyn doono macaamiilkiii ku guuleystay gaariga Waxaan ka codsanaya Xildhibaanada sharafta leh inay Nagala Soo qeyb-galaan”

Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay Gudoomiyaha jaamacada  Green Hope University Dr: Mustaf Macalin Cabdulle oo ku dheeraaday ahmiyada Ololaha  Ku shubo oo guuleeyso 10’000 Hadiyadood

“Waxaan u hambalyeeynayaa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ah Shirkadii ugu horeysay ee macaamiisheeda ku celisa10’000 Hadiyadood daqligii yaraa ay macaamiisha shirkadda ku soo celiyeen waa talaabo bogaadin-mudan waxaan marqaati ka nahay in macamiisha guuleysatay si toos ah loogu wareejiyay abaalmarinadii ay ku guuleysteen  Waxaa Sharaf gaar ah in shirkaddu Nagu maamuusto inaan gacanteena ku generate gareyno macamiishii ku guuleysatay todobaadkii 24 aad  Waxaan waqti dheeri ah siiyay si system-ku u wada maro dhamaan Nambarada  macaamiisha isticmaasha adeegyada somtel  waxaa xusid mudan in  galabta Shirkada Si toos ah ugu dhawaaqeyso Macaamiilki ku guuleystay gariga Hyundai Waan ku Faraxsanahay inan goobjoog unoqo Xaflada Daah-furka Ololaha ku shubo oo guuleyso & Galabta oo si rasmi ah loo soo xirayo”

Waxaa Sidoo kale munaasabada ka hadlay  Xildhibaan:Prof Maxamed Cumar Dhalxa  oo  Lagu Sharfay Inuu Generate-gareeyo  Gaariga Hyundai-ga Sedexaad  Isagoo bogaadiyay howsha adag ay somtel bulshada u heyso & hadiyadaha qiimaha leh ay bulshada ku Celineeyso

“Waxaan si diiran u bogaadinayaa Maamulka sare ee Somtel & Howl-wadeenada shirkadda oo dadaal dheeri ah ku bixiyay in somtel bulshadu wax ku celiso waliba 10’000 hadiyadood sidoo kale waxaa mahad balaaran mudan somtel oo  qabaneeysa barnamijkaan daah-furnaanta leh  iyadoo qof waliba u tartami karo fursadaan qaaliga muhiimada waa in macaamiilku sameeyaa ku shubasho si uu uga faa’ideyso fursadaan taariikhiga ah Waxaa Xusid Mudan in  Shirkadda Isgaarsiinta Somtel oo la timid Istaraatijiad Suuq-geyn dhaxal  gal ah kaasoo aan ka jirin suuqa soomaliya waxa Hubal ah in Dahabshil Group Maal-gelin balaaran ka sameeysay guud ahaan Soomaaliya Waa shirkadda Kaliya ee ka qeyb-qaadata Had & jeer Taakuleynta dadka danyarta ah Waxaan goobjoog U ahaa Xafladii Gaariga 1ad lagu gudoonsiiyay Maamo beeraleey Dan-yar ah oo ku Nool  Deegaanada Hir-Shabelele Galabta Waxaa leygu sharfay inan gacanteyda Ku Generate gareeyo Wxaan rajeeynayaa beeraleeyda inay ku guuleystaan Waxaan diyaar u mahay hadii ay Geeleeyda naga guuleystaan inan u hambalyeeyno waa nasiib Lama Saadaalin karo Cida  Ku guuleysaneeysa Waxaan balan-qaadaya Xaflada  lagu abaalmarinaayo macaamiilka ku guuleystay gariga Sedexaad inan ka soo qeyb-galo Sida uu iga Codasady Ku xigeenka waaxda ganacsiga Mudane: Cumar Maxamed Nuur ( Saacid)”

Ugu dambeyntii Waxaa munaasabada  ka hadlay Mudane:  Xildhibaan Yuusuf Xeyle jimcaale oo bogaadiyay wax-qabadka muuqda ee shirkadda Somtel & Hormarka balaaran ay ku talaabsatay

“waxa’ ay shirkaddu nagu sharaftay inaan si toos ah ugu generate gareyno  macaamiisha  u tartantay hadiyadaha ‘10’000  todobaadkii 24 aad   Waxaan rajeeynayaa in todobaad kasta  si gaar ah uga  soo qeyb-galo  Marka  Dib loo daah-furo sanadka Cusub 2022 Si dhow ayan ula socdaa  ololahaan shirkaddu ku abaalmarineeyso macaamiisheeda sharafta leh hadiyado  wax ku ool ah sida:  gaariga Hyundai-ga, bajaajyo, Dahab,  Laptop-yo I.w.m  waxaan alle ka baryayaa in somtel u barakeeyo waxa ay heeysato madaama ay bulshada wax ku celineeyso  10’000 hadiyadood. Waxaan cadeeynayaa in olalahaan uu daah-furanyahay oo waxaa ku guulestay macaamiil kala joogo deegano kala gedisan  Galabta Waxaan la damaashaadeeyna Macaamiilkii ku guuleystay gaariga Sedexaad oo ku nool gobalka banaadir Waxaan leenahay  hadiyadaha Somtel dalka oo idil ayey wada gaartay Labada gaari  ee horay Somtel u bixisay waxaa ku guuleystay gobalada Hiiraan & Baay Galabta. Waa galabtii Gobalka banaadir   Hambalyo ayan Leenahay   Weliba D/ kaaraan uu ku nool yaahy macaamiilka gaariga 3-aad ku guuleystay”

Isku soo wada duuboo Dhamaan  macaamiisha Shirkadda Somtel waxaan u rajeynaynaa inay ku guuleystaan 10’000 hadiyadood ee sanadka 2022 , Shirkaddu ugu talagashay Macamiisheeda sharafta leh hadiyadahaan oo Ugu sareeyo Hanti ma guurto ah & & hadiyado kale oo qaali ah

kuwasoo la gudoonsiin doono Macamiilkii ku guuleysta  31 bisha December 2022   Welib si rasmi ah aan ugu dhawaaqi doono macaamiilkii ku guuleystay   Hantda Ma guurtada waxaan leenahay macaamiisheena ka faa’ideysta  Ololaha ku shubo oo guuleyso 10’000 hadiyadood.

Waxaa xusid mudan in gaariga Hyundai  Sedexaad  ay ku guuleysatay Macaamiil Lagu Magacaabo Xaliimo Cumar Karaani oo ku nool Degmada kaaraan ee Gobalka Banaadir  Shirkadda isgaarsiinta  Somtel waxa ay ku bixin doontaa Gaariga  Hyunda-ga Sedexaad  xaflad balaaran taasoo lagu qaban doono mid ka mid ah hoteelada ugu casrisan  Magaalada Muqdisho Hadaba si dhow ula soco Munasabadaan loo madlanyahay dhawaan.

Roobe oo guddi u magacaabay afgambigii fashilmay 27-ka December + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa magacaabay guddi ka kooban shan wasiir oo loo xil-saaray baaritaanka afgambigii uu isku dayey Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa go’aanka uu ku magacaabay guddigaan waxa uu u cuskaday go’aan ay todobaadkii tegay wadajir u gaareen golaha wasiirrada.

“Iyada oo la fulinayo Go’aankii Golaha Wasiirrada, Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi ka kooban Shan Wasiir kuwaas oo baaris rasmi ah ku samayn doona dhacdadii 27 December la isku dayay in la afgambiyo Xafiisyada Ra’iisulwasaaraha iyo Xukuumadda,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay xafiiska Rooble.

Xubnaha wasiirrada ah ee guddiga uu caawa magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kala ah: 

1- Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka gaashaandhigga—Guddoomiye.
2- Cabdullaahi Maxed Nuur Wasiirka Amniga Gudaha.
3- Cabdullaahi Abuukar Xaaji – Wasiirka Waxbarashada.
4- Gen Bashiir Maxamed Jaamac, Wasiirudowlaha Hawlaha Guud.
5- Cabdixakiim Xasan Ashkir, Wasiirudowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Xubnaha Guddigaan in ay baaristooda ku soo gabagabeeyaan muddo todobaad ah,” ayaa lagu yiri qoraalkaan caawa ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sawirro: Khasaare nafeed oo ka dhashay qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday laba kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax gaari oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Howlwadaag.

Gaariga qarxay oo ahaa nooca raaxada ee loo yaqaano Hariyar waxaa ku geeriyooday qofkii waday, waxuuna ku qarxay meel u dhaw Isgoyska Baar-Ubax ee degmada Howlwadaag, sida uu xaqiijiyey taliyaha booliska degmadaas.

Wakaaladda wararka dowladda ee SONNA oo soo xiganeysa Taliyaha booliska degmada Howlwadaag Najiib Cabdi ayaa baahisay in gaariga uu xoog ku soo dhaafay bar-control oo Isgoyska Carwo-Idko ay ciidanku ku leeyihiin, isla markaana uu qarxay iyadoo la ceyrsanayo.

Taliyaha ayaa sheegay in qofkii waday gaari oo kaliya uu ku geeriyooday qaraxa, waxaana ku dhaawacmay laba qof oo goobta ka agdhawaa.

Sida ay sheegayaan xogaha aan heleyno gaarigaan oo ay ku rarnaayeen waxyaabaha qarxa ayaa doonayey inuu gudaha u soo galo magaalada Muqdisho, inkastoo aan weli la ogaan halka uu ahaa bartilmaameedkiisa.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wasiirka Amniga oo Yaasiin Farey ku amray in NISA isaga baxdo garoonka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa soo saaray waqad uu Agaasimaha NISA Yaasiin Farey ku amrayo inuu dhamaan ciidanka NISA ka soo saaro gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Yaasiin Farey ayaa warqadaan lagu faray in mas’uuliyadda amniga garoonka qeybtii ay ka hayeen ciidanka NISA uu ku wareejiyo taliska booliska Soomaaliya ee ka howlgala gudaha garoonka.

Wasiirka amniga ayaa qoraalkiisa ku shaaciyey in go’aankaan la qaatay kadib markii ay ka dhaceen gudaha garoonka isku halayn amni oo kaliftay dayacaad amni oo balaaran, maadaama mas’uuliyadda amniga garoonka ay qaybsan tahay oo aysan ku jirin hal gacan.

“Kadib markii ay bateen cabashooyinka ay kasoo gudbiyeen hay’adaha dowladda ee ka howlgala gudaha garoonka, ciidamada NISA oo ku kaca xad-gudubyo isugu jira gacan qaad iyo handadaado joogta ah, lehna cadaymo buuxa. Waxaa la go’aamiyay, lana farayaa in guud ahaan Amniga garoonka uu la wareego Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana lagula xisaab-tamayaa Saldhiga Garoonka ee Booliska oo kaliya mas’uuliyadda amni garoonka, wixii ka danbeeya 2-da bishaan Janaayo 2022,” ayaa lagu yiri qoraalka wasiirka.

Wasiir Cabdullahi ayaa qoraalkaan ku sheegay in la go’aamiyey in dib loo soo celiyo dhammaan taliska iyo ciidanka NISA ee ka howlgala gudaha garoonka, laga bilaabo 02-Janaayo 2022 oo ku beegan Axadda berri ah.

“Hadaba waxaa la farayaa ku simaha agaasimaha hey’adda NISA in uu ku wareejiyo dhamaan mas’uuliyada amni ee ciidanka NISA ay horay gacanta ugu hayeen uu si buuxda ugu wareejiyo ciidanka booliska, dibna ula soo laabto dhamaan taliska iyo ciidanka ka howl gala gudaha garoonka, mana jiraan wax ciidan NISA ah oo ka howlgelaya ama hub la geli kara gudaha garoonka, markii laga reebo ciidamada ku sugan xarumaha rasmiga ah ee gudaha garoonka ay ku leeyihiin Waran iyo Gaashaan,” ayaa lagu yiri qoraalka wasiirka.

Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa waxaa ka howlgeli jiray Ciidan Nabad sugid dhar cad ah, waxaana ciidankan markii hore si toos u xukumi jiray kaaliyihii Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Kulane, waxaana inta badan loo adeegsan jiray arrimo siyaasadeed iyo dadka laga xanibayo inay ka dhoofaan garoonka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

 

Xog: Guddigii loo diray eeda Ra’iisul Wasaare Rooble oo jawaab kale soo gudbiyey

0

Muqdisho (Caasimada Onlie) – Dhawaan waxaa jawaabtooda dib loogu celyey guddi 5 xubnood ah oo saraakiil ciidan ahaa kuwaas oo baarayey sarkaal eedeeyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Taliyaha ciidamada Badda Cabdixamiid ayaa wuxuu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku eedeeyey inuu dhisanayo dhul uu leeyahay ciidanka Xogga Dalka, gaar ahaan qeybtiisa ciidanka Badda.

Arrintaan oo culeys iyo xiisad culus dhalisay waxaa Villa Somalia lagu eedeeyey inay rabtay inay dhaafsato dano doorasho oo Rooble meelaha qaar uga fuqo isna laga dabciyo xaaladda.

Guddi ayuu taliyaha ciidamada salka u saaray eedaan, guddigaan waxay jawaabtooda soo celiyeen bilowgii todobaadkii hore balse waa laga diiday jawaabtaas.

Khamiistii ayey mar kale jawaabtii labaad u gudbiyeen taliyaha ciidamada xoogga Dalka Odawaa Yuusuf Raage sida uu noo xaqiijiyey xubin kamid ah guddigaan.

Jawaabtii koowaad ee guddigaan waxay aheyd Taliyaha ciidamada Badda wuxuu ku dhacay dambi Ciidan oo uu ku weyn karo xilkiisa, waana in tallaabo laga qaadaa.

Dhulka waxaa leh ciidank xogga Dalka, gaar ahaan ciidankii Badda, cid walba oo dhisaneyso dhulkaas waxaa laga rabaa inay la timaado sharciyad. Intaas ayey ku qoreen jawaabtoodii koowaad.

Jawaabtii Koowaad sidaan horey idinkugu sheegnay kuma uusan qancin Odawaa Yuusuf Aadan iyo kooxdii gadaal ka hageysay shaqadaan, waxaana guddiga lagu soo celiyey warqad waxaana lagu yiri soo caddeeya cidda dhisaneyso Dhulka.

Jawaabta Labaad oo ay Khamiistii gudbiyeen guddiga waa intii hore oo lagu daray ma naqaano cidda dhisaneyso Dhulka ee fadlan haloo diro hay’adaha ku shaqada leh arrimaha Dhulalka.

Jawaabtaas waxay guddiga gadaal ka raaciyeen howshii guddigaan intaas ayey ku egtahay, iyagoo malaha ka cararaya in mar kale lagu soo celiyo warqadda iyo shaqada kiiskaan.

Sida aan horey u baahinay saraakiishaan waxay u badnaayeen xubno sumcad weyn ku dhex leh dhinaca ciidanka xoogga Dalka, waxayna si weyn u fahamsanaayeen in loo dhiibay mudac siyaasadeed oo ay garanayeen cidda la rabo in lagu mudo, taasoo keeni kartay inay sabab u noqdaan xiisad cusub oo ka dilaacda Dalka.

Galmudug oo ganaax culus dul dhigtay lix ka mid ah xildhibaanada maamulka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal  Warqad uu u diray Wasaaradda Maaliyadda Galmudug kuu sheegay in xildhibaanada baarlamaanka Galmudug qaarkood Mushaarka laga jarto.

Warqaddaan ayaa lagu sheegay in 6 Xildhibaan laga joojiyey gunadda 2 bil iyo ka qeybgalka 4 Fadhi.

Xildhibaanadaan ayaa la sheegay in ay diideen in ay noqdaan kuwa taageersan Madaxweyne Qoorqoor oo aan waxba ka sheegin dhaliilaha maamulka Galmudug.

Xildhibaanadaan ayaa lagu eedeeyey inay carqalad ku noqdeen kulamada Baarlamaanka , waxaana sidoo kale lagu eedeeyey been abuur.

Xildhibaanada ayaa lagu amray inay raali gelin qoraal ah iyo mid Oraah ah ay ka bixiyaan waxyaabiha lagu eedeeyey.

Magacyada lixda Xildhibaan ayaa kala ah:

1 – Xildhibaan Cabdullaahi Xirsi Maxamed
2 – Xildhibaan Axmed Cabdirisaaq Cabdullaahi
3 – Xildhibaan Cabdinaasir Aadan Cusmaan
4  – Xildhibaan Cabdulqaadir Cabdullaahi Bariise
5 – Xildhibaan Mursal Maxamed Yuusuf
6 – Xildhibaan Daahir Cabdi Shiiqow

Xiisadda hareysay gudiyada doorashooyinka oo kasii dartay – Maxaa soo kordhay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli dood adag iyo xiisad culus ay ka taagan tahay guddiyada doorashooyinka ee heer federaal (FEIT) iyo heer dowlad goboleed (SEIT), kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyey wajahayey culeyso xoogan iyo eedeymo loo jeedinayey.

Xuseen Carab Ciise oo ka tirsanaa xilldhibaanada golaha shacabka ee muddada xil heynta ka dhammaatay ayaa shaaca ka qaaday in weli ay dhibaato ka jirto guddiyada doorashada.

Xildhibaanka oo horay kursigiisii dacwad uga keenay, balse loo xukumay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa shaaciyey in loo baahan-yahay in sixitaan deg-deg ah lagu sameeyo guddiyada FEIT iyo SEIT ee doorashooyinka dalka.

“Waxaan doonayaa inaan ka hadlo guddiyada SEIT, FEIT iyo Khilaafaadka. Khilaafaadka iyaga waa la taabtay, laakiin dhibaatada ugu weyn waxa ay ka jirtaa waa labada kale sixitaan deg-deg ah ayuu FEIT u baahan yahay oo waaba ku bilaabmay,” ayuu yiri Carab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in guddiyadan ay horseedayaan musuq-maasuq, isla-markaana aysan dan ka laheyn qaranimada Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Runtii waxay muujiyeen iyaga oo aan gambaneynin inay horseedayaan musuq-maasuq, dana aaney ka laheyn qaranimada Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Xiisadda hareysay guddiyada doorashooyinka ayaa marba marka ka dambeyso ka sii dareyso, waxaana arrintooda ay dhalisay khilaafka haatan ka taagan dalka, gaar ahaan Villa Soomaaliya ee u dhexeeyo Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sida uu qorshuhu yahay Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa go’aan rasmi ah ka gaari doono arrintan, si loo soo afjaro xiisadda taagan oo saameyn ku yeelatay doorashooyinka.

Si kastaba, Rooble ayaa horay u kala diray guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka, taas oo keentay in markale ay soo noqoto xiisadda Villa Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

 

Xog: LAFTA-GAREEN oo ka qeyb galaya shirka Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo horey u diiday inuu ka qeybgalo shirka uu iclaamiyey Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadda lasoo sheegayaa inuu badalay mowqifkiisa.

Lafta-gareen ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho oo ay joogaan dhammaan madax goboleedyada dalka.

Sida ay noo xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo kamid ah xafiiska Ra’isul wasaare Rooble, Laftagareen ayaa ugu dambeyn aqbalay inuu ka qeybgalo shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee uu iclaamiyey Rooble.

Laftagareen ayaa la sheegay inuu cadaadis xoog leh kala kulmay Beesha Caalamka taasna ay keentay inuu aqbalo ka qeybgalka shirkaas, waxaana la filayaa inuu Maalmaha soo socdo soo gaaro Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa horey u sheegay inuu ka qeybgeli doono shirka uu iclaamiyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna sababta ku sheegay inay tahay isagoo aan ku qanacsaneyn isbadalkii uu Rooble ku sameeyey guddiga xalinta khilaafaadka.

Illaa hadda lama shaacin waqtiga rasmiga ah ee uu furmi doono shirka madaxda Maamul Goboleedyada iyo Ra’isulwasaare Rooble, balse waxaa la filayaa inuu furmo Asbucaan gudahiisa.

‘Sababta Farmaajo ku kaliftay inuu isku dayo afgambiga’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabaddoon Cali Jeesto oo ka hadlay afgambigii fashilmay ee madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku qaaday xafiiska Ra’iisul Wasaare, ayaa sheegay inay ka dambeyso markii uu Rooble kasoo horjeestay kursiga uu u boobay Yaasiin Farey.

Waxa uu sheegay in Farmaajo u adkeysan waayey in Ra’iisul Wasaare Rooble uu cadaalad u raadiyo kursiga HOP#067 oo guddigiisa ay u xalaaleeyen Ku-simaha agaasimaha hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Gaashaanle Sare Yaasiin Farey.

“Haddii Farmaajo uu ka samri waayey kursi laga soo dhiciyay oo isku dayey in uu ku ciqaabo Ra’iisul Wasaaraha go’aaankii uu ka qaatay guddigii uu sameystay, intaas ayuu ka billowday khilaafka,” ayuu yiri Nabaddoon Cali Jeesto oo ah saxiixaha rasmiga ah ee kursiga HOP#067 oo loo boobay gacan yaraha Farmaajo.

Sidoo kale waxa uu carabaabay haddii uu madaxweynihii hore ka samri waayey hal kursi, uusan ka samri doonin kuraas kale oo uu rabo in uu boobo, taasi oo ku tilmaamay wax aan la aqbali karin.

“Soomaaliyeey hadafkiina waxaa ku xaqiijin kartaan inaad iska dhicisaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, hadafkiinu waa nabad, dowlad wanaag, waa doorasho loo dhan yahay oo lagu tartami karo.”

Nabaddoonka ayaa sheegay in dowladnimada ku dhismi karto in qofna aan lagu xadgudbin xaqiisa, oo uu isku soo taagi karo kursiga uu rabo, ayada oo Odayaashana xaqooda la duudsin karin.

“Nimankan Shabaabka loo yaqaano qofka haddii uu u shaqeyn waayo sida ay rabaan qoorta ayaa laga goynaya, Farmaajo-na qofkasta oo aan kula shaqeynayn fikirka uu qabo Soomaaliya wax kuma laha! – Ma aqbali karno.”

Ugu dambeyntiina waxa uu bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay meel uga soo wada-jeestaan rabitaanka guracan ee Farmaajo oo dalka u horseeday bur-bur iyo xaalado kal hore si adag looga soo gudbay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Arrin uu sameeyey wasiirka arirmaha dibedda Pakistan oo caro ka dhalisay Sacuudiga

Islamabad (Caasimada Online) – Dadka Sacuudiga ayaa si caro leh uga hadlay hab “aflagaadeyn” ah oo uu u fariistay wasiirka arrimaha dibedda Pakistan intii uu socday kulan uu la yeeshay safiirka Sacuudiga ee Pakistan.

Waxay si weyn baraha bulshada ugu dhalleeceeyeen wasiir Shah Mahmood Qureshi ayaga oo ku eedeeyey “xushmad darro” uu ku sameeyey safiirka Sacuudiga ee Islamabad Nawaf bin Said al-Malki.

Qureshi ayaa la arkayey inuu lugtiisa midig dul saaray tan bidix kadibna u jeediyey dhanka safiir Nawaf, taasi oo dad badan oo Sacuudiyaan ah ay ku qeexeen aflagaadeyn. 

Labada mas’uul ayaa kulmay si ay uga wada hadlaan dhacdooyinka gobolka dibna ugu eegaan xiriirka labada dal, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay safaaradda Sacuudiga ee Pakistan.

Hase yeeshee dadka Sacuudiga iyo Carabta ayaa dhan kale ka eegay kulanka. 

“Wasiirka Arrimaha Dibedda Pakistan wuxuu safiirka Sacuudiga u qaabilay si aan horey loo arag,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka ka carooday falkan.

“Haddii aanay jirin sabab caafimaad oo ku kaliftay, wasiirka arrimaha dibedda Pakistan wuxuu ku kacay nacasnimo iyo jaahilnimo xadgudub ku ah nidamaka diblomaasiyadda,” ayuu yiri qof kale.

“Haddii aan ahaan lahaa safiirka Sacuudiga, waan isaga tagi lahaa kulankaas,” waxaa sidaas isna caro ku muujiyey qof saddexaad.

Qof kale ayaa isna baraha bulshada ku qoray “edab-darro, maskax la’aan iyo dhaqan aan diblomaasi aheyn oo uu wasiirka arrimaha dibedda Pakistan ku sameeyey safiirka Sacuudiga. Sidee ayuu uga aamusay aflagaadadan.”

Dadka kale qaarkood ayaa “habka afalaagdeynta ah” ee uu Qureshi u qaabilay Nawaf la barbar dhigay “habka wanaagsan” ee uu ula macaamilo diblomaasiyiinta kale, taasi oo ku sheegeen inuu ugu talo-galay.

Pakista iyo Sacuudi Carabiya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir diblomaasi iyo mid militari oo qoto dheer, hase yeeshee xiriirka labada dal ayaa liitay sanadihii tegay kadib markii Islamabad ay diiday codsiga Riyadh ee ahaa inay ciidan ku tabarucdo dagaalka Yemen.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii 

Prof. Xuseen Warsame: Yaan la yareysanin hanjabaadda Mareykanka ee Soomaaliya

Calgary (Caasimada Online) – Prof. Xuseen Axmed Warsame oo barre ka ah Jaamacadda Calgary ee dalka Canada ayaa sheegay inaanan la dhayalsan karin hanjaabadda Mareykanka, ee ku aaddan in uu tallaabo ka qaadi doono cid kasta oo carqalad ku ah waddada nabadda ee Somaliya.

“Hanjabaadda Mareykanka lama yareysan karo. Wadamada Galbeedka iyo hay’adahooda ayuu hormuud u yahay, marka ay ugu yaraato waa marka la iska kaa dhaafyo ee la yiraahdo war kuwaan aan iska ilowno, waxba kama soo socdaanee. Taasina waxay keeni doontaa in dhaqaale badan oo la helo ama la quudin jiray, mashruucyo ama miisaaniyad kabid ha ahaato ay naga maqnaadaan. Marka arrintaasi yaan la yareysanin,” ayuu yiri Prof. Xuseen Axmed Warsame oo VOA la hadlay.

Prof. Xuseen Axmed Warsame ayaa yiri “Waxaan rajeynayaa Madaxda Soomaalida, oo ay ku dhex jiraan dad badan oo dowladda ka mida, oo Maamul Goboleedyada aan ogahay inay dhex ordayaan, ha dhageystaan dadkaas bannaanka ah, talooyinka ka imaanaya.”

Waxa uu intaa ku daray “Mareykanka iyo Ingiriiska dhawaaqiisuna waxaan filayaa runtii inuu wax uun ka sii tari doono, ee aanu waxba u dhimi doonin.”

Prof. Xuseen Axmed Warsame oo baaq u jeedinayay Madaxda Dowladda Federaalka ayaa yiri “Waxaan oran lahaa madaxda, labadooduba dib ha ugu noqdaan mowqifkooda gaarka ah, oo ha iska shakiyaan, malaha wada sax matihiin ha is yiraahdaan, qiimaha ugu badana hala siiyo waqtiga ugu yar ee lagu soo dhameynayo doorashooyinka, oo ah halka loo socdo, wa aniga lahaa waa roob di’i doona oo doog laga sugayo.”

Hadalkiisa ayuu intaa ku daray “Walaalkay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) waxaan ka codsanayaa, isagaan dhabarka isa sii saarayaa inuu dib uga noqdo shaqo ka joojinta Ra’iisal Wasaaraha, oo uu candhuufta dib u liqo, taasaa furuhu yahay. Furaha labaad waxaa weeye walaal Ra’iisal Wasaare Rooble yaan lees carinin, ragga lama cariyo ee isugu yeer Madaxdii Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, go’aan aad degdeg ugu dardargelinaysaan doorashooyinka soo saara.”

Baaqyada ay aqoonyahanada Soomaaliyeed u jeedinayaan Madaxda Qaranka ayaa ku soo aadaya, xilli uu sii kordhayo cadaadiska uu caalamku ku saarayo Madaxda Qaranka dardargelinta doorashooyin hufan oo daahfuran.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Ciidamada Ammaanka iyo rag hubeysan oo xalay ku dagaalamay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa is rasaaseyn xalay ka dhacday qeybo ka mid ah degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada Booliska degmadaasi iyo rag hubeysan oo watay dareeska ciidamada milatariga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu yimid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada ammaanka oo xilligaas waday howl-gal iyo ragga hubeysan oo markaasi la socday mooto Bajaaj la sheegay inay xoog kusoo raaceen, taas oo mareysay xaafadda Jamhuuriyo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Booliska ay toogasho ku dileen mid ka mid ah raggii hubeysnaa ee ay la dagaalameen, waxaana sidoo kale uu dhaawac fudud soo gaaray sarkaal lagu magacaabo Daa’uud Dalmar oo ah taliye ku xigeenka Booliska Kaaraan.

Sidoo kale ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay gacanta ku dhigeen koox dhalinyaro oo ciyaal weero ah, kuwaas oo dhibaato xoogan ka waday xaafadda Jamhuuriyo, kuwaas oo iyaguna ku hubeysnaa Mindiyo iyo Baangado ay ku waxyeeleyn jireen dadka shacabka ah.

Saraakiisha ammaanka oo ka hadlay ayaa sheegay in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan ragga burcadda ah iyo dhalinyarada ay soo qabteen, iyaga oo intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga ee ka socda halkaasi.

Kaaraan ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka taagnaa dhibaatooyin amni darro, iyada oo meeshii ugu sarreysay ay gaartay qaylo dhaanta dadka deegaanka ee ku nool degmadaasi.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka taagan xaalado is-biirsaday, sida xiisad siyaasadeed iyo mid amni darro, taas oo ku aaday xilliga doorashada dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Midowga Afrika oo farriin u diray Farmaajo iyo Rooble

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa war cusub kasoo saaray xaaladda sii cakirmeysa ee Soomaaliya, gaar ahaan xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya ee u dhexeyso madaxweynihii hore Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Guddoomiyaga guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa farriin toos ah u diray labada dhinac, wuxuuna ugu baaqay inay ka wada-hadlaan xiisadda dhexdooda ah.

Moussa Faki Mahamat ayaa sidoo kale xusay in loo baahan yahay in la xakameeyo xiisadda qaraxday, isla-markaana la soo celiyo wada-shaqeynta labada xafiis.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay muhiim tahay in la joojiyo hadallada kul-kulul ee sii hurinayo xiisadda, is-lamarkaana laga fakiro mustaqbalka Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa marar kala duwan ka hadlay xaaladda adag ee Soomaaliya, wuxuuna markastaa ku booriyaa madaxda Soomaaliyeed inay ilaaliyaan xasiloonida dalka.

Bayaankan ayaa ku soo aadayo, iyada oo weli halkeedii ay tahay xiisadda Villa Soomaaliya, taas oo saameyn ku yeelatay doorashooyinka dalka, gaar ahaan tana Golaha Shacabka.

Soomaaliya waxaa weli dood xoogan ay ka taagan tahay hannaanka doorashada oo ay si weyn u dhaliileen mucaaradka oo ku eedeeyey hoggaanka dallka boob doorasho.

Si kastaba, qorshaha ayaa ah in Golaha Wada-tashiga Qaran ay go’aan rasmi ah ka gaaraan arrintan, si loo soo afjaro xiisadda taagan ee hareysay doorashooyinka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Axmed Madoobe iyo Cabdi Xaashi C/llaahi?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka bilaabay kulamo siyaasadeed oo looga hadlayo xaalada cakiran ee ka taagan gudaha dalka.

Axmed Madoobe ayaa maanta qaabilay guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi, waxaana labada mas’uul kulanka ku wehliyey Senator Fartaag oo laga soo doorto Jubaland.

Kulankan ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa mid is xog wareysi ah, wuxuuna ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka dagan yahay Axmed Madoobe hoggaamiyaha maamulka Jubbaland.

Labada mas’uul ayaa si gaar ah diirada u saaray sidii looga gudbi lahaa xiisadda hareysay doorashooyinka, si xal loogu helo xaaladda kala guurka ah ee haatan laga jiro.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Muqdisho u joogo ka qeyb-galka shirka uu iclaamiyey Rooble, kaas oo la filayo in go’aan rasmi ah looga gaaro xiisadda siyaasadeed ee dalka

Deni iyo Axmed Madoobe ayaa sidoo kale waxay xalay kulan hordhac ah la qaateen ra’iisul wasaaraha oo ay kala hadleen arrimaha taagan & furitaanka shirka Golaha Wada-tashiga.

Soomaaliya waxaa weli dood xoogan ay ka taagan tahay hannaanka doorashada oo ay si weyn u dhaliileen mucaaradka oo ku eedeeyey hoggaanka dallka boob doorasho.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-