27.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

Ciidamada GORGOR oo nolosha ku qabtay xubno ka tirsan Al-SHABAAB

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gallo qorsheysan oo ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Gorgor ay ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Howl-gallada oo ahaa kuwa ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey deegaanada Bariire, Toortoorow, Mubarak, Shaam-garre, Jowhar yarey oo dhammaantood hoostaga degmadda Awdheegle ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in howl-galladan lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ahaa bartilmaameedka ciidamada sameeyey howl-galladaasi.

Saraakiil u hadashay ciidamada Gorgor ayaa sheegay inay howl-galladaas ku soo qab-qabteen illaa 6 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuna sugnaa deegaanada ay gaareen ciidamada ee hoostaga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi waxa ay kusii dareen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo la xiriira howl-galladaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa Shabeelaha Hoose oo ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ka socday guluf ka dhan ah Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolkaasi.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sawirro: Shirkadda Somtel oo toddobaadkii 24-aad abaal-marisay 1,000 macaamiil

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Xildhibaano ,Mas’uuliyiinn ka socotay Jaamacadaha Muqdisho,  Ururada dhalinyada ,Ururada bulshada rayidka Mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda isgaarsiinta somtel,.

Ugu horeyntii  Waxaa Munaasabada hadal-jeedin rasmi ah ka sameeyay Madaxa Suuqgeynta  & iibka  shirkadda isgaarsiinta somtel  Mudane: Cumar Maxamed Nuur Oo aad u bogaadiyay Somtel kuna Tilmaamay Ololaha ku Shubo Oo Guuleyso 10,000 Hadiyadood Mid  Wax tar u leh  bulshada soomaaliyeed  macamiil walba oo sameeya ku shubasho  Wuu u tartami karaa fursadan qaaliga ah kaasoo isticmaala adeegyda somtel ku hadal, internet & adeegga eDahab

“Waa barnaamij macaamiisha si daah-furan nasiibkooda u tijaabiyaan iyagoo sameeynaya ku shubashada kaarka ku hadalka & Data internet-ka Kuna helayaan hadiyado qaali ah sida gaariga Hyundai-ga, Bajaajyada, Dahab-ka I.w.M  Waxaan balan qaadeeynaa inan  haliisa ka sii wadno waliba  si rasmi ah  U daah-furno sanadka Cusub 2022 waliba hadiyado ka badan intii aan bixin jirnay 2021  Sidoo kale waxaan balan-qaadeeynaa inan sanadkaan ku darno hadiyadaha lagu bixinaayo Hanti Ma-guurto ah & Hadiyado kale oo Muhiim ah Waxaan ku Maamuuseeynaa  Generate-gareynta  gaariga Hyundai-ga  Sedexaad Waliba Nuuca raaxada ah Qiimihiisu uu yahay ku dhawaad 40’000 doolar Professor :Mxamed  Cumar Dhalxa oo ah Xildhibaan  Ka Tirsan Golaha Shacabka iyadoo macaamiisheenu  u furantahay fursadaan qaaliga ah Waxaan aad ugu faraxsanahay inay ku tartamaan macaamiisheena ku dhaqan Magaalada Muqdisho & kuwa Gobalada. W waa Olole daaah-furan waxaan galabta si toos ah ugu   Dhawaaqeeynaa macaamiilka ku guuleeystay gaarigii sedexaad iyadoo marti sharafta aan ku marti-qaadnay gacantooda inoogu generate gareyn doonaan Wxaan Sidoo kale idiin-la wadaagayaa in xaflad balaaran aan u sameyn doono macaamiilkiii ku guuleystay gaariga Waxaan ka codsanaya Xildhibaanada sharafta leh inay Nagala Soo qeyb-galaan”

Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay Gudoomiyaha jaamacada  Green Hope University Dr: Mustaf Macalin Cabdulle oo ku dheeraaday ahmiyada Ololaha  Ku shubo oo guuleeyso 10’000 Hadiyadood

“Waxaan u hambalyeeynayaa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ah Shirkadii ugu horeysay ee macaamiisheeda ku celisa10’000 Hadiyadood daqligii yaraa ay macaamiisha shirkadda ku soo celiyeen waa talaabo bogaadin-mudan waxaan marqaati ka nahay in macamiisha guuleysatay si toos ah loogu wareejiyay abaalmarinadii ay ku guuleysteen  Waxaa Sharaf gaar ah in shirkaddu Nagu maamuusto inaan gacanteena ku generate gareyno macamiishii ku guuleysatay todobaadkii 24 aad  Waxaan waqti dheeri ah siiyay si system-ku u wada maro dhamaan Nambarada  macaamiisha isticmaasha adeegyada somtel  waxaa xusid mudan in  galabta Shirkada Si toos ah ugu dhawaaqeyso Macaamiilki ku guuleystay gariga Hyundai Waan ku Faraxsanahay inan goobjoog unoqo Xaflada Daah-furka Ololaha ku shubo oo guuleyso & Galabta oo si rasmi ah loo soo xirayo”

Waxaa Sidoo kale munaasabada ka hadlay  Xildhibaan:Prof Maxamed Cumar Dhalxa  oo  Lagu Sharfay Inuu Generate-gareeyo  Gaariga Hyundai-ga Sedexaad  Isagoo bogaadiyay howsha adag ay somtel bulshada u heyso & hadiyadaha qiimaha leh ay bulshada ku Celineeyso

“Waxaan si diiran u bogaadinayaa Maamulka sare ee Somtel & Howl-wadeenada shirkadda oo dadaal dheeri ah ku bixiyay in somtel bulshadu wax ku celiso waliba 10’000 hadiyadood sidoo kale waxaa mahad balaaran mudan somtel oo  qabaneeysa barnamijkaan daah-furnaanta leh  iyadoo qof waliba u tartami karo fursadaan qaaliga muhiimada waa in macaamiilku sameeyaa ku shubasho si uu uga faa’ideyso fursadaan taariikhiga ah Waxaa Xusid Mudan in  Shirkadda Isgaarsiinta Somtel oo la timid Istaraatijiad Suuq-geyn dhaxal  gal ah kaasoo aan ka jirin suuqa soomaliya waxa Hubal ah in Dahabshil Group Maal-gelin balaaran ka sameeysay guud ahaan Soomaaliya Waa shirkadda Kaliya ee ka qeyb-qaadata Had & jeer Taakuleynta dadka danyarta ah Waxaan goobjoog U ahaa Xafladii Gaariga 1ad lagu gudoonsiiyay Maamo beeraleey Dan-yar ah oo ku Nool  Deegaanada Hir-Shabelele Galabta Waxaa leygu sharfay inan gacanteyda Ku Generate gareeyo Wxaan rajeeynayaa beeraleeyda inay ku guuleystaan Waxaan diyaar u mahay hadii ay Geeleeyda naga guuleystaan inan u hambalyeeyno waa nasiib Lama Saadaalin karo Cida  Ku guuleysaneeysa Waxaan balan-qaadaya Xaflada  lagu abaalmarinaayo macaamiilka ku guuleystay gariga Sedexaad inan ka soo qeyb-galo Sida uu iga Codasady Ku xigeenka waaxda ganacsiga Mudane: Cumar Maxamed Nuur ( Saacid)”

Ugu dambeyntii Waxaa munaasabada  ka hadlay Mudane:  Xildhibaan Yuusuf Xeyle jimcaale oo bogaadiyay wax-qabadka muuqda ee shirkadda Somtel & Hormarka balaaran ay ku talaabsatay

“waxa’ ay shirkaddu nagu sharaftay inaan si toos ah ugu generate gareyno  macaamiisha  u tartantay hadiyadaha ‘10’000  todobaadkii 24 aad   Waxaan rajeeynayaa in todobaad kasta  si gaar ah uga  soo qeyb-galo  Marka  Dib loo daah-furo sanadka Cusub 2022 Si dhow ayan ula socdaa  ololahaan shirkaddu ku abaalmarineeyso macaamiisheeda sharafta leh hadiyado  wax ku ool ah sida:  gaariga Hyundai-ga, bajaajyo, Dahab,  Laptop-yo I.w.m  waxaan alle ka baryayaa in somtel u barakeeyo waxa ay heeysato madaama ay bulshada wax ku celineeyso  10’000 hadiyadood. Waxaan cadeeynayaa in olalahaan uu daah-furanyahay oo waxaa ku guulestay macaamiil kala joogo deegano kala gedisan  Galabta Waxaan la damaashaadeeyna Macaamiilkii ku guuleystay gaariga Sedexaad oo ku nool gobalka banaadir Waxaan leenahay  hadiyadaha Somtel dalka oo idil ayey wada gaartay Labada gaari  ee horay Somtel u bixisay waxaa ku guuleystay gobalada Hiiraan & Baay Galabta. Waa galabtii Gobalka banaadir   Hambalyo ayan Leenahay   Weliba D/ kaaraan uu ku nool yaahy macaamiilka gaariga 3-aad ku guuleystay”

Isku soo wada duuboo Dhamaan  macaamiisha Shirkadda Somtel waxaan u rajeynaynaa inay ku guuleystaan 10’000 hadiyadood ee sanadka 2022 , Shirkaddu ugu talagashay Macamiisheeda sharafta leh hadiyadahaan oo Ugu sareeyo Hanti ma guurto ah & & hadiyado kale oo qaali ah

kuwasoo la gudoonsiin doono Macamiilkii ku guuleysta  31 bisha December 2022   Welib si rasmi ah aan ugu dhawaaqi doono macaamiilkii ku guuleystay   Hantda Ma guurtada waxaan leenahay macaamiisheena ka faa’ideysta  Ololaha ku shubo oo guuleyso 10’000 hadiyadood.

Waxaa xusid mudan in gaariga Hyundai  Sedexaad  ay ku guuleysatay Macaamiil Lagu Magacaabo Xaliimo Cumar Karaani oo ku nool Degmada kaaraan ee Gobalka Banaadir  Shirkadda isgaarsiinta  Somtel waxa ay ku bixin doontaa Gaariga  Hyunda-ga Sedexaad  xaflad balaaran taasoo lagu qaban doono mid ka mid ah hoteelada ugu casrisan  Magaalada Muqdisho Hadaba si dhow ula soco Munasabadaan loo madlanyahay dhawaan.

Roobe oo guddi u magacaabay afgambigii fashilmay 27-ka December + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa magacaabay guddi ka kooban shan wasiir oo loo xil-saaray baaritaanka afgambigii uu isku dayey Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa go’aanka uu ku magacaabay guddigaan waxa uu u cuskaday go’aan ay todobaadkii tegay wadajir u gaareen golaha wasiirrada.

“Iyada oo la fulinayo Go’aankii Golaha Wasiirrada, Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi ka kooban Shan Wasiir kuwaas oo baaris rasmi ah ku samayn doona dhacdadii 27 December la isku dayay in la afgambiyo Xafiisyada Ra’iisulwasaaraha iyo Xukuumadda,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay xafiiska Rooble.

Xubnaha wasiirrada ah ee guddiga uu caawa magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kala ah: 

1- Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka gaashaandhigga—Guddoomiye.
2- Cabdullaahi Maxed Nuur Wasiirka Amniga Gudaha.
3- Cabdullaahi Abuukar Xaaji – Wasiirka Waxbarashada.
4- Gen Bashiir Maxamed Jaamac, Wasiirudowlaha Hawlaha Guud.
5- Cabdixakiim Xasan Ashkir, Wasiirudowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Xubnaha Guddigaan in ay baaristooda ku soo gabagabeeyaan muddo todobaad ah,” ayaa lagu yiri qoraalkaan caawa ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sawirro: Khasaare nafeed oo ka dhashay qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday laba kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax gaari oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Howlwadaag.

Gaariga qarxay oo ahaa nooca raaxada ee loo yaqaano Hariyar waxaa ku geeriyooday qofkii waday, waxuuna ku qarxay meel u dhaw Isgoyska Baar-Ubax ee degmada Howlwadaag, sida uu xaqiijiyey taliyaha booliska degmadaas.

Wakaaladda wararka dowladda ee SONNA oo soo xiganeysa Taliyaha booliska degmada Howlwadaag Najiib Cabdi ayaa baahisay in gaariga uu xoog ku soo dhaafay bar-control oo Isgoyska Carwo-Idko ay ciidanku ku leeyihiin, isla markaana uu qarxay iyadoo la ceyrsanayo.

Taliyaha ayaa sheegay in qofkii waday gaari oo kaliya uu ku geeriyooday qaraxa, waxaana ku dhaawacmay laba qof oo goobta ka agdhawaa.

Sida ay sheegayaan xogaha aan heleyno gaarigaan oo ay ku rarnaayeen waxyaabaha qarxa ayaa doonayey inuu gudaha u soo galo magaalada Muqdisho, inkastoo aan weli la ogaan halka uu ahaa bartilmaameedkiisa.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wasiirka Amniga oo Yaasiin Farey ku amray in NISA isaga baxdo garoonka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa soo saaray waqad uu Agaasimaha NISA Yaasiin Farey ku amrayo inuu dhamaan ciidanka NISA ka soo saaro gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Yaasiin Farey ayaa warqadaan lagu faray in mas’uuliyadda amniga garoonka qeybtii ay ka hayeen ciidanka NISA uu ku wareejiyo taliska booliska Soomaaliya ee ka howlgala gudaha garoonka.

Wasiirka amniga ayaa qoraalkiisa ku shaaciyey in go’aankaan la qaatay kadib markii ay ka dhaceen gudaha garoonka isku halayn amni oo kaliftay dayacaad amni oo balaaran, maadaama mas’uuliyadda amniga garoonka ay qaybsan tahay oo aysan ku jirin hal gacan.

“Kadib markii ay bateen cabashooyinka ay kasoo gudbiyeen hay’adaha dowladda ee ka howlgala gudaha garoonka, ciidamada NISA oo ku kaca xad-gudubyo isugu jira gacan qaad iyo handadaado joogta ah, lehna cadaymo buuxa. Waxaa la go’aamiyay, lana farayaa in guud ahaan Amniga garoonka uu la wareego Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana lagula xisaab-tamayaa Saldhiga Garoonka ee Booliska oo kaliya mas’uuliyadda amni garoonka, wixii ka danbeeya 2-da bishaan Janaayo 2022,” ayaa lagu yiri qoraalka wasiirka.

Wasiir Cabdullahi ayaa qoraalkaan ku sheegay in la go’aamiyey in dib loo soo celiyo dhammaan taliska iyo ciidanka NISA ee ka howlgala gudaha garoonka, laga bilaabo 02-Janaayo 2022 oo ku beegan Axadda berri ah.

“Hadaba waxaa la farayaa ku simaha agaasimaha hey’adda NISA in uu ku wareejiyo dhamaan mas’uuliyada amni ee ciidanka NISA ay horay gacanta ugu hayeen uu si buuxda ugu wareejiyo ciidanka booliska, dibna ula soo laabto dhamaan taliska iyo ciidanka ka howl gala gudaha garoonka, mana jiraan wax ciidan NISA ah oo ka howlgelaya ama hub la geli kara gudaha garoonka, markii laga reebo ciidamada ku sugan xarumaha rasmiga ah ee gudaha garoonka ay ku leeyihiin Waran iyo Gaashaan,” ayaa lagu yiri qoraalka wasiirka.

Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa waxaa ka howlgeli jiray Ciidan Nabad sugid dhar cad ah, waxaana ciidankan markii hore si toos u xukumi jiray kaaliyihii Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Kulane, waxaana inta badan loo adeegsan jiray arrimo siyaasadeed iyo dadka laga xanibayo inay ka dhoofaan garoonka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

 

Xog: Guddigii loo diray eeda Ra’iisul Wasaare Rooble oo jawaab kale soo gudbiyey

0

Muqdisho (Caasimada Onlie) – Dhawaan waxaa jawaabtooda dib loogu celyey guddi 5 xubnood ah oo saraakiil ciidan ahaa kuwaas oo baarayey sarkaal eedeeyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Taliyaha ciidamada Badda Cabdixamiid ayaa wuxuu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku eedeeyey inuu dhisanayo dhul uu leeyahay ciidanka Xogga Dalka, gaar ahaan qeybtiisa ciidanka Badda.

Arrintaan oo culeys iyo xiisad culus dhalisay waxaa Villa Somalia lagu eedeeyey inay rabtay inay dhaafsato dano doorasho oo Rooble meelaha qaar uga fuqo isna laga dabciyo xaaladda.

Guddi ayuu taliyaha ciidamada salka u saaray eedaan, guddigaan waxay jawaabtooda soo celiyeen bilowgii todobaadkii hore balse waa laga diiday jawaabtaas.

Khamiistii ayey mar kale jawaabtii labaad u gudbiyeen taliyaha ciidamada xoogga Dalka Odawaa Yuusuf Raage sida uu noo xaqiijiyey xubin kamid ah guddigaan.

Jawaabtii koowaad ee guddigaan waxay aheyd Taliyaha ciidamada Badda wuxuu ku dhacay dambi Ciidan oo uu ku weyn karo xilkiisa, waana in tallaabo laga qaadaa.

Dhulka waxaa leh ciidank xogga Dalka, gaar ahaan ciidankii Badda, cid walba oo dhisaneyso dhulkaas waxaa laga rabaa inay la timaado sharciyad. Intaas ayey ku qoreen jawaabtoodii koowaad.

Jawaabtii Koowaad sidaan horey idinkugu sheegnay kuma uusan qancin Odawaa Yuusuf Aadan iyo kooxdii gadaal ka hageysay shaqadaan, waxaana guddiga lagu soo celiyey warqad waxaana lagu yiri soo caddeeya cidda dhisaneyso Dhulka.

Jawaabta Labaad oo ay Khamiistii gudbiyeen guddiga waa intii hore oo lagu daray ma naqaano cidda dhisaneyso Dhulka ee fadlan haloo diro hay’adaha ku shaqada leh arrimaha Dhulalka.

Jawaabtaas waxay guddiga gadaal ka raaciyeen howshii guddigaan intaas ayey ku egtahay, iyagoo malaha ka cararaya in mar kale lagu soo celiyo warqadda iyo shaqada kiiskaan.

Sida aan horey u baahinay saraakiishaan waxay u badnaayeen xubno sumcad weyn ku dhex leh dhinaca ciidanka xoogga Dalka, waxayna si weyn u fahamsanaayeen in loo dhiibay mudac siyaasadeed oo ay garanayeen cidda la rabo in lagu mudo, taasoo keeni kartay inay sabab u noqdaan xiisad cusub oo ka dilaacda Dalka.

Galmudug oo ganaax culus dul dhigtay lix ka mid ah xildhibaanada maamulka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal  Warqad uu u diray Wasaaradda Maaliyadda Galmudug kuu sheegay in xildhibaanada baarlamaanka Galmudug qaarkood Mushaarka laga jarto.

Warqaddaan ayaa lagu sheegay in 6 Xildhibaan laga joojiyey gunadda 2 bil iyo ka qeybgalka 4 Fadhi.

Xildhibaanadaan ayaa la sheegay in ay diideen in ay noqdaan kuwa taageersan Madaxweyne Qoorqoor oo aan waxba ka sheegin dhaliilaha maamulka Galmudug.

Xildhibaanadaan ayaa lagu eedeeyey inay carqalad ku noqdeen kulamada Baarlamaanka , waxaana sidoo kale lagu eedeeyey been abuur.

Xildhibaanada ayaa lagu amray inay raali gelin qoraal ah iyo mid Oraah ah ay ka bixiyaan waxyaabiha lagu eedeeyey.

Magacyada lixda Xildhibaan ayaa kala ah:

1 – Xildhibaan Cabdullaahi Xirsi Maxamed
2 – Xildhibaan Axmed Cabdirisaaq Cabdullaahi
3 – Xildhibaan Cabdinaasir Aadan Cusmaan
4  – Xildhibaan Cabdulqaadir Cabdullaahi Bariise
5 – Xildhibaan Mursal Maxamed Yuusuf
6 – Xildhibaan Daahir Cabdi Shiiqow

Xiisadda hareysay gudiyada doorashooyinka oo kasii dartay – Maxaa soo kordhay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli dood adag iyo xiisad culus ay ka taagan tahay guddiyada doorashooyinka ee heer federaal (FEIT) iyo heer dowlad goboleed (SEIT), kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyey wajahayey culeyso xoogan iyo eedeymo loo jeedinayey.

Xuseen Carab Ciise oo ka tirsanaa xilldhibaanada golaha shacabka ee muddada xil heynta ka dhammaatay ayaa shaaca ka qaaday in weli ay dhibaato ka jirto guddiyada doorashada.

Xildhibaanka oo horay kursigiisii dacwad uga keenay, balse loo xukumay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa shaaciyey in loo baahan-yahay in sixitaan deg-deg ah lagu sameeyo guddiyada FEIT iyo SEIT ee doorashooyinka dalka.

“Waxaan doonayaa inaan ka hadlo guddiyada SEIT, FEIT iyo Khilaafaadka. Khilaafaadka iyaga waa la taabtay, laakiin dhibaatada ugu weyn waxa ay ka jirtaa waa labada kale sixitaan deg-deg ah ayuu FEIT u baahan yahay oo waaba ku bilaabmay,” ayuu yiri Carab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in guddiyadan ay horseedayaan musuq-maasuq, isla-markaana aysan dan ka laheyn qaranimada Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Runtii waxay muujiyeen iyaga oo aan gambaneynin inay horseedayaan musuq-maasuq, dana aaney ka laheyn qaranimada Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Xiisadda hareysay guddiyada doorashooyinka ayaa marba marka ka dambeyso ka sii dareyso, waxaana arrintooda ay dhalisay khilaafka haatan ka taagan dalka, gaar ahaan Villa Soomaaliya ee u dhexeeyo Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sida uu qorshuhu yahay Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa go’aan rasmi ah ka gaari doono arrintan, si loo soo afjaro xiisadda taagan oo saameyn ku yeelatay doorashooyinka.

Si kastaba, Rooble ayaa horay u kala diray guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka, taas oo keentay in markale ay soo noqoto xiisadda Villa Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

 

Xog: LAFTA-GAREEN oo ka qeyb galaya shirka Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo horey u diiday inuu ka qeybgalo shirka uu iclaamiyey Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadda lasoo sheegayaa inuu badalay mowqifkiisa.

Lafta-gareen ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho oo ay joogaan dhammaan madax goboleedyada dalka.

Sida ay noo xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo kamid ah xafiiska Ra’isul wasaare Rooble, Laftagareen ayaa ugu dambeyn aqbalay inuu ka qeybgalo shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee uu iclaamiyey Rooble.

Laftagareen ayaa la sheegay inuu cadaadis xoog leh kala kulmay Beesha Caalamka taasna ay keentay inuu aqbalo ka qeybgalka shirkaas, waxaana la filayaa inuu Maalmaha soo socdo soo gaaro Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa horey u sheegay inuu ka qeybgeli doono shirka uu iclaamiyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna sababta ku sheegay inay tahay isagoo aan ku qanacsaneyn isbadalkii uu Rooble ku sameeyey guddiga xalinta khilaafaadka.

Illaa hadda lama shaacin waqtiga rasmiga ah ee uu furmi doono shirka madaxda Maamul Goboleedyada iyo Ra’isulwasaare Rooble, balse waxaa la filayaa inuu furmo Asbucaan gudahiisa.

‘Sababta Farmaajo ku kaliftay inuu isku dayo afgambiga’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabaddoon Cali Jeesto oo ka hadlay afgambigii fashilmay ee madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku qaaday xafiiska Ra’iisul Wasaare, ayaa sheegay inay ka dambeyso markii uu Rooble kasoo horjeestay kursiga uu u boobay Yaasiin Farey.

Waxa uu sheegay in Farmaajo u adkeysan waayey in Ra’iisul Wasaare Rooble uu cadaalad u raadiyo kursiga HOP#067 oo guddigiisa ay u xalaaleeyen Ku-simaha agaasimaha hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Gaashaanle Sare Yaasiin Farey.

“Haddii Farmaajo uu ka samri waayey kursi laga soo dhiciyay oo isku dayey in uu ku ciqaabo Ra’iisul Wasaaraha go’aaankii uu ka qaatay guddigii uu sameystay, intaas ayuu ka billowday khilaafka,” ayuu yiri Nabaddoon Cali Jeesto oo ah saxiixaha rasmiga ah ee kursiga HOP#067 oo loo boobay gacan yaraha Farmaajo.

Sidoo kale waxa uu carabaabay haddii uu madaxweynihii hore ka samri waayey hal kursi, uusan ka samri doonin kuraas kale oo uu rabo in uu boobo, taasi oo ku tilmaamay wax aan la aqbali karin.

“Soomaaliyeey hadafkiina waxaa ku xaqiijin kartaan inaad iska dhicisaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, hadafkiinu waa nabad, dowlad wanaag, waa doorasho loo dhan yahay oo lagu tartami karo.”

Nabaddoonka ayaa sheegay in dowladnimada ku dhismi karto in qofna aan lagu xadgudbin xaqiisa, oo uu isku soo taagi karo kursiga uu rabo, ayada oo Odayaashana xaqooda la duudsin karin.

“Nimankan Shabaabka loo yaqaano qofka haddii uu u shaqeyn waayo sida ay rabaan qoorta ayaa laga goynaya, Farmaajo-na qofkasta oo aan kula shaqeynayn fikirka uu qabo Soomaaliya wax kuma laha! – Ma aqbali karno.”

Ugu dambeyntiina waxa uu bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay meel uga soo wada-jeestaan rabitaanka guracan ee Farmaajo oo dalka u horseeday bur-bur iyo xaalado kal hore si adag looga soo gudbay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Arrin uu sameeyey wasiirka arirmaha dibedda Pakistan oo caro ka dhalisay Sacuudiga

Islamabad (Caasimada Online) – Dadka Sacuudiga ayaa si caro leh uga hadlay hab “aflagaadeyn” ah oo uu u fariistay wasiirka arrimaha dibedda Pakistan intii uu socday kulan uu la yeeshay safiirka Sacuudiga ee Pakistan.

Waxay si weyn baraha bulshada ugu dhalleeceeyeen wasiir Shah Mahmood Qureshi ayaga oo ku eedeeyey “xushmad darro” uu ku sameeyey safiirka Sacuudiga ee Islamabad Nawaf bin Said al-Malki.

Qureshi ayaa la arkayey inuu lugtiisa midig dul saaray tan bidix kadibna u jeediyey dhanka safiir Nawaf, taasi oo dad badan oo Sacuudiyaan ah ay ku qeexeen aflagaadeyn. 

Labada mas’uul ayaa kulmay si ay uga wada hadlaan dhacdooyinka gobolka dibna ugu eegaan xiriirka labada dal, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay safaaradda Sacuudiga ee Pakistan.

Hase yeeshee dadka Sacuudiga iyo Carabta ayaa dhan kale ka eegay kulanka. 

“Wasiirka Arrimaha Dibedda Pakistan wuxuu safiirka Sacuudiga u qaabilay si aan horey loo arag,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka ka carooday falkan.

“Haddii aanay jirin sabab caafimaad oo ku kaliftay, wasiirka arrimaha dibedda Pakistan wuxuu ku kacay nacasnimo iyo jaahilnimo xadgudub ku ah nidamaka diblomaasiyadda,” ayuu yiri qof kale.

“Haddii aan ahaan lahaa safiirka Sacuudiga, waan isaga tagi lahaa kulankaas,” waxaa sidaas isna caro ku muujiyey qof saddexaad.

Qof kale ayaa isna baraha bulshada ku qoray “edab-darro, maskax la’aan iyo dhaqan aan diblomaasi aheyn oo uu wasiirka arrimaha dibedda Pakistan ku sameeyey safiirka Sacuudiga. Sidee ayuu uga aamusay aflagaadadan.”

Dadka kale qaarkood ayaa “habka afalaagdeynta ah” ee uu Qureshi u qaabilay Nawaf la barbar dhigay “habka wanaagsan” ee uu ula macaamilo diblomaasiyiinta kale, taasi oo ku sheegeen inuu ugu talo-galay.

Pakista iyo Sacuudi Carabiya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir diblomaasi iyo mid militari oo qoto dheer, hase yeeshee xiriirka labada dal ayaa liitay sanadihii tegay kadib markii Islamabad ay diiday codsiga Riyadh ee ahaa inay ciidan ku tabarucdo dagaalka Yemen.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii 

Prof. Xuseen Warsame: Yaan la yareysanin hanjabaadda Mareykanka ee Soomaaliya

Calgary (Caasimada Online) – Prof. Xuseen Axmed Warsame oo barre ka ah Jaamacadda Calgary ee dalka Canada ayaa sheegay inaanan la dhayalsan karin hanjaabadda Mareykanka, ee ku aaddan in uu tallaabo ka qaadi doono cid kasta oo carqalad ku ah waddada nabadda ee Somaliya.

“Hanjabaadda Mareykanka lama yareysan karo. Wadamada Galbeedka iyo hay’adahooda ayuu hormuud u yahay, marka ay ugu yaraato waa marka la iska kaa dhaafyo ee la yiraahdo war kuwaan aan iska ilowno, waxba kama soo socdaanee. Taasina waxay keeni doontaa in dhaqaale badan oo la helo ama la quudin jiray, mashruucyo ama miisaaniyad kabid ha ahaato ay naga maqnaadaan. Marka arrintaasi yaan la yareysanin,” ayuu yiri Prof. Xuseen Axmed Warsame oo VOA la hadlay.

Prof. Xuseen Axmed Warsame ayaa yiri “Waxaan rajeynayaa Madaxda Soomaalida, oo ay ku dhex jiraan dad badan oo dowladda ka mida, oo Maamul Goboleedyada aan ogahay inay dhex ordayaan, ha dhageystaan dadkaas bannaanka ah, talooyinka ka imaanaya.”

Waxa uu intaa ku daray “Mareykanka iyo Ingiriiska dhawaaqiisuna waxaan filayaa runtii inuu wax uun ka sii tari doono, ee aanu waxba u dhimi doonin.”

Prof. Xuseen Axmed Warsame oo baaq u jeedinayay Madaxda Dowladda Federaalka ayaa yiri “Waxaan oran lahaa madaxda, labadooduba dib ha ugu noqdaan mowqifkooda gaarka ah, oo ha iska shakiyaan, malaha wada sax matihiin ha is yiraahdaan, qiimaha ugu badana hala siiyo waqtiga ugu yar ee lagu soo dhameynayo doorashooyinka, oo ah halka loo socdo, wa aniga lahaa waa roob di’i doona oo doog laga sugayo.”

Hadalkiisa ayuu intaa ku daray “Walaalkay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) waxaan ka codsanayaa, isagaan dhabarka isa sii saarayaa inuu dib uga noqdo shaqo ka joojinta Ra’iisal Wasaaraha, oo uu candhuufta dib u liqo, taasaa furuhu yahay. Furaha labaad waxaa weeye walaal Ra’iisal Wasaare Rooble yaan lees carinin, ragga lama cariyo ee isugu yeer Madaxdii Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, go’aan aad degdeg ugu dardargelinaysaan doorashooyinka soo saara.”

Baaqyada ay aqoonyahanada Soomaaliyeed u jeedinayaan Madaxda Qaranka ayaa ku soo aadaya, xilli uu sii kordhayo cadaadiska uu caalamku ku saarayo Madaxda Qaranka dardargelinta doorashooyin hufan oo daahfuran.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Ciidamada Ammaanka iyo rag hubeysan oo xalay ku dagaalamay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa is rasaaseyn xalay ka dhacday qeybo ka mid ah degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada Booliska degmadaasi iyo rag hubeysan oo watay dareeska ciidamada milatariga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu yimid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada ammaanka oo xilligaas waday howl-gal iyo ragga hubeysan oo markaasi la socday mooto Bajaaj la sheegay inay xoog kusoo raaceen, taas oo mareysay xaafadda Jamhuuriyo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Booliska ay toogasho ku dileen mid ka mid ah raggii hubeysnaa ee ay la dagaalameen, waxaana sidoo kale uu dhaawac fudud soo gaaray sarkaal lagu magacaabo Daa’uud Dalmar oo ah taliye ku xigeenka Booliska Kaaraan.

Sidoo kale ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay gacanta ku dhigeen koox dhalinyaro oo ciyaal weero ah, kuwaas oo dhibaato xoogan ka waday xaafadda Jamhuuriyo, kuwaas oo iyaguna ku hubeysnaa Mindiyo iyo Baangado ay ku waxyeeleyn jireen dadka shacabka ah.

Saraakiisha ammaanka oo ka hadlay ayaa sheegay in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan ragga burcadda ah iyo dhalinyarada ay soo qabteen, iyaga oo intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga ee ka socda halkaasi.

Kaaraan ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka taagnaa dhibaatooyin amni darro, iyada oo meeshii ugu sarreysay ay gaartay qaylo dhaanta dadka deegaanka ee ku nool degmadaasi.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka taagan xaalado is-biirsaday, sida xiisad siyaasadeed iyo mid amni darro, taas oo ku aaday xilliga doorashada dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Midowga Afrika oo farriin u diray Farmaajo iyo Rooble

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa war cusub kasoo saaray xaaladda sii cakirmeysa ee Soomaaliya, gaar ahaan xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya ee u dhexeyso madaxweynihii hore Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Guddoomiyaga guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa farriin toos ah u diray labada dhinac, wuxuuna ugu baaqay inay ka wada-hadlaan xiisadda dhexdooda ah.

Moussa Faki Mahamat ayaa sidoo kale xusay in loo baahan yahay in la xakameeyo xiisadda qaraxday, isla-markaana la soo celiyo wada-shaqeynta labada xafiis.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay muhiim tahay in la joojiyo hadallada kul-kulul ee sii hurinayo xiisadda, is-lamarkaana laga fakiro mustaqbalka Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa marar kala duwan ka hadlay xaaladda adag ee Soomaaliya, wuxuuna markastaa ku booriyaa madaxda Soomaaliyeed inay ilaaliyaan xasiloonida dalka.

Bayaankan ayaa ku soo aadayo, iyada oo weli halkeedii ay tahay xiisadda Villa Soomaaliya, taas oo saameyn ku yeelatay doorashooyinka dalka, gaar ahaan tana Golaha Shacabka.

Soomaaliya waxaa weli dood xoogan ay ka taagan tahay hannaanka doorashada oo ay si weyn u dhaliileen mucaaradka oo ku eedeeyey hoggaanka dallka boob doorasho.

Si kastaba, qorshaha ayaa ah in Golaha Wada-tashiga Qaran ay go’aan rasmi ah ka gaaraan arrintan, si loo soo afjaro xiisadda taagan ee hareysay doorashooyinka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Axmed Madoobe iyo Cabdi Xaashi C/llaahi?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka bilaabay kulamo siyaasadeed oo looga hadlayo xaalada cakiran ee ka taagan gudaha dalka.

Axmed Madoobe ayaa maanta qaabilay guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi, waxaana labada mas’uul kulanka ku wehliyey Senator Fartaag oo laga soo doorto Jubaland.

Kulankan ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa mid is xog wareysi ah, wuxuuna ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka dagan yahay Axmed Madoobe hoggaamiyaha maamulka Jubbaland.

Labada mas’uul ayaa si gaar ah diirada u saaray sidii looga gudbi lahaa xiisadda hareysay doorashooyinka, si xal loogu helo xaaladda kala guurka ah ee haatan laga jiro.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Muqdisho u joogo ka qeyb-galka shirka uu iclaamiyey Rooble, kaas oo la filayo in go’aan rasmi ah looga gaaro xiisadda siyaasadeed ee dalka

Deni iyo Axmed Madoobe ayaa sidoo kale waxay xalay kulan hordhac ah la qaateen ra’iisul wasaaraha oo ay kala hadleen arrimaha taagan & furitaanka shirka Golaha Wada-tashiga.

Soomaaliya waxaa weli dood xoogan ay ka taagan tahay hannaanka doorashada oo ay si weyn u dhaliileen mucaaradka oo ku eedeeyey hoggaanka dallka boob doorasho.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

Koonfur Galbeed oo ku dhowaaqday qabashada doorashada kuraas horleh

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga doorashada ee Koonfur Galbeed (SEIT) ayaa shaaciyey qabashada doorashada 11 kursi oo ka mid ah xubnaha golaha shacabka ee ka imaanaya maamulkaasi, kuwaas oo doorashadooda lagu qabanayo magaalada Baydhabo.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in doorashada kuraastan la qabanayo todoobadka soo socda, iyada oo lagu wargeliyey guddiga heer federaal.

“Waxaa guddiga doorashada heer federaal ee (FEIT) uu ku wargelineynaa liiska kuraasta baarlamaanka golaha shacabka ee aan qorsheyneyno inaan qabano todobaadka soo socda,” ayaa lagu yiri waradda kasoo baxday guddiga doorashada ee Koonfur Galbeed.

Qabashada doorashada kuraastan ee ay ku dhowaaqday Koonfur Galbeed ayaa ku soo aadeyso, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay dood ka taagan tahay doorashada, gaar ahaan guddiyada maamulaya oo khilaaf xoogan uu ka taagan yahay, kadib tallaabadii Rooble.

Koonfur Galbeed ayaa horay u qabatay doorashada illaa 11 kursi, walow kuraasta qaar ay ka timid cabasho xoogan, isla-markaana la hakiyey, taas oo uga sii dartay xiisadda taagan.

Soomaaliya waxaa weli dood xoogan ay ka taagan tahay hannaanka doorashada oo ay si weyn u dhaliileen mucaaradka oo ku eedeeyey hoggaanka dallka boob doorasho.

Si kastaba, waxaa la filayaa in dooda taagan iyo cabashada doorashada xal waara looga gaaro shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Marka la eego marxaladda wadankeenu ku jiro, maxaa la gudboon Soomaalida?

0

Tan iyo burburkii qarannimadeena dhamaadka qarnigii 20-aad, umadda Soomaaliyeed waxaay ku taamaysey inaan dhisano hoggaan iyo maamul dowladdeed oo:

1. Dib u yagleella haykalkii dowladnimo iyo hay’adaheedii, una adeegga bulshoweynta Soomaliyeed

2. Ilaaliya midnimada iyo madaxbanaannida dalkeena, oo xakameeya faragelinta shisheeyaha /dibedda, gaar ahaan tan deriskeena

3. Xafidda hantida kooban ee qarankeena, kana fogaadda musuqmaasuqa iyo xatooyada hantida umadda Soomaliyeed

4. Huwan, kana muuqato haybaddii Soomalinimo oo ka duwan kala qaybsanaantii qabiiliga ahayd

Anigoo ku kalsoon in inta baddan umadda Soomaaliyeed ay isku raacsan tahay afartaa ujeedo ee kor ku xusan, waxaa marag madoonto ah inaysan nasoo marin maalin maanta aan uga dhownahay inaan gaarno himilooyinkaas sare.

Maamulka hada inoo dhisan ma eedla’a laakiin hala dumiyo waa arin guracan oo Soomaalidu aysan ogolaan karin, waayo waa soo aragnay maamul la’aan. Waa in aan toosino wixii qalooc ah ee yimaada, siina ambaqaadno ka mira dhallinta daddaalkii dheerraa ee aan usoo galnay dib u yagleellida qarannimadeena.

Umadda Soomaaliyeed waxaa la gudboon inaan ku fara adaygno dowladnimada soo kobcaysa, cod dheerna uga dalbano dhinacyada isku haya siyaasada dalka inay ilaaliyaan midnimada iyo madaxbanaannida dalkeena una turaan soo kabbashada qarankeena.

Waxaa muhiim ah in dhinacyada isku haya hoggaanka dalkeena maanta, waa Raysalwasaaraha iyo Madaxweynaha’e, inay dib uga noqdaan dhamaan go’aannadii iyo ficilladii keenay qilaafka cusub ee iminka jira, doorashadana ku soo gebagabeeyaan mudo koobban oo cayiman.

Hadafkeenu waa inaan xafiddano dowladnimadeena, la shaqayno maamulka jira inta aan ka dhisanayno maamul cusub oo horay usii ambaqaada himilooyinkeena, kana taxaderno mar dambe inaan dib ugu noqono fowdadii iyo burburkii aan kasoo kabanaynay in mudo ah.

Mahadsanidiin

Maxamed F. Jaamac,
[email protected]
Virginia, USA

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Kadib isku daygii afgambi ee fashilmay, Rooble waa ‘inuu doortaa’ laba arrin midkood

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Xasan Sheekh Cali Nuur oo ka faallooda arrimaha Siyaasadda gaar ahaan midda Soomaaliya oo si adag uga horyimid afgambigii dhicisoobay ee Farmaajo, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha u furan tahay in uu doorto labo arrin midkood, oo aan laheyn mid saddexaad.

Waxa uu sheegay in xilligan loo baahan yahay in uu Rooble iska dhiciyo duulaanka madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo dhawaan uu soo kala dhex-galay khilaaf xoogan, si hufana u guto waajibaadka loo igmaday.

Haddii uu taas sameyn karina uu baneeyo kursiga uu ku fadhiyo, si ay u saartan shaqsi si dhab ah ula dagaalaya madaxweynihii hore oo soo dhaafay xadkiisi, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa la rabaa in Rooble uu shaqadiisa u qabto si sax, haddii uu Waraabayasha la noolaan karina, Waraabayaal badan ayaa noo jooga ee meesha ha ka wareego,” ayuu yiri Prof. Xasan Sheekh Cali Nuur oo carabka ku adkeeyay in marxaladan aan looga gudbi karin dabacsanaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Farmaajo uu aaminsan yahay in xoog iyo awood ciidan wax lagu qaato, haddii taas mid lamid ahna loogu jawaabi aan laga adkaan karin rabitaanada guracan ee madaxweynihii hore.

“Meel u dhiman majirto (Farmaajo) baterigii ayaa ka dhamaaday, markaa waa in la iska dhiciyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey isaga oo carabka ku adkeeyay in madaxweynihii hore uu hore iskugu qasay ciidanka iyo siyaasadda, xilligan uu qiil ka dhiganayo in ciidanka siyaasada aysan ku milmin, maadama xeeladihii awood maquuninta ay ka dhamaadeen.

Ugu dambeyntiina waxa uu ku baaqay in loo midoobo iska dhicinta Farmaajo, si ay dalka uga sii socoto doorasho daah-furan oo saamileyda siyaasadda ku qanacsan yihiin, taasi oo taageero ballaaran ka haysata saaxiibada caalamiga ah iyo daneyayaasha Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sawirro: Muxuu R/W Rooble caawa kala hadlay SACIID DENI iyo Axmed Madoobe?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa caawa la shiray madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Rooble ayaa labada Madaxweyne kala hadlay qaban-qaabada shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo dhawaan Muqdisho ka furmaya, kaas oo ajandihiisu yahay dardargelinta doorashooyinka dalka.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa Muqdisho kula kulmay madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam iyagoo ka wada hadlay qabanqaabada shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dardargelinta doorashooyinka dalka oo ka furmaya Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Kulankaan ayaa ku soo aadaya iyadoo afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu uu caawa shaaciyey in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen uu Muqdisho ku soo wajahan yahay, isagoo ka qeyb-geli doona shirka, xilli uu horay u diiday ka qeyb galkiisa, isagoo taageero xoog leh u muujinayey Madaxweynihii hore Farmaajo.

“Waxaa magaalada Muqdisho ku sugan Madaxweynyaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle,Galmudug ,Puntland iyo Jubbaland. Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa la filayaa in isaguna uu soo gaaro Muqdisho,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Macalimuu.

Qoraalka afhayeenka XFS ayaa intaas ku sii daray, “Waxa socda diyaar-garowga furitaanka shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Muqdisho ka furmaya maalmaha dhow ee innagu soo aaddan. Shirka ayaa waxa lagaga hadli doono dardargalinta doorashooyinka iyo dhameystirkooda.”

Sida ay ogaatay Caasimada Online Lafta-gareen ayaa bedelay mowqifkiisii diidmada shirkaas, kadib cadaadis xooggan oo uu kala kulmay dowladda Mareykanka.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Mary Catherine Phee oo maalmahan wadday cadaadis ay taageero ugu raadineyso shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa la hadashay hoggaamiyaha K/Galbeed Lafta-gareen.

Lafta-gareen ayaa hadda la filayaa inuu soo gaaro Muqdisho, si uu uga qeyb-galo shirkaas.

Waxaan sidoo kale ogaanay inuu ka shalaayey warqaddii uu ku diiday shirka Rooble, kuna taageeray shirka Farmaajo uu ku baaqay, maadaama ka qeyb-galkiisa iminka ay caddeyn u noqoneyso in uusan aheyn go’aankiisa.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xafiiska Rooble oo war cusub kasoo saaray ka qeyb-galka Lafta-gareen ee SHIRKA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa qoraal uu soo saaray waxuu ku faahfaahiyey diyaar garowga loogu jiro qabsoomidda shirka golaha wadatashiga qaranka, kaas oo maalmaha soo socda Muqdisho ka furmaya.

Macalimuu ayaa shaaciyey in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen uu Muqdisho ku soo wajahan yahay, xilli uu horay u diiday ka qeyb galka shirkaas, isagoo taageero xoog leh u muujinayey Madaxweynihii hore Farmaajo.

“Waxa magaalada Muqdisho ku sugan Madaxweynyaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle,Galmudug ,Puntland iyo Jubbaland. Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa la filayaa in isaguna uu soo gaaro Muqdisho,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Macalimuu.

Qoraalka afhayeenka XFS ayaa intaas ku sii daray, “Waxa socda diyaar-garowga furitaanka shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Muqdisho ka furmo maalmaha dhow ee innagu soo aaddan. Shirka ayaa waxa lagaga hadli doono dardargalinta doorashooyinka iyo dhameystirkooda.”

Sida ay ogaatay Caasimada Online Lafta-gareen ayaa bedelay mowqifkiisii diidmada shirkaas, kadib cadaadis xooggan oo uu kala kulmay dowladda Mareykanka.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Mary Catherine Phee oo maalmahan wadday cadaadis ay taageero ugu raadineyso shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa la hadashay hoggaamiyaha K/Galbeed Lafta-gareen.

Lafta-gareen ayaa hadda la filayaa inuu soo gaaro Muqdisho, si uu uga qeyb-galo shirkaas.

Waxaan sidoo kale ogaanay inuu ka shalaayey warqaddii uu ku diiday shirka Rooble, kuna taageeray shirka Farmaajo uu ku baaqay, maadaama ka qeyb-galkiisa iminka ay caddeyn u noqoneyso in uusan aheyn go’aankiisa

Lafta-gareen wuxuu sameyn karay inuu xiisadda ka aamuso ama ugu yaraan xaaladda cabiro maalmo, hase yeeshee cadaadis kaga yimid Villa Somalia ayaa ku qasbay go’aan deg deg ah oo u muuqday in uusan joogteyn karin.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii