26.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

Sawirro: Muxuu R/W Rooble caawa kala hadlay SACIID DENI iyo Axmed Madoobe?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa caawa la shiray madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Rooble ayaa labada Madaxweyne kala hadlay qaban-qaabada shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo dhawaan Muqdisho ka furmaya, kaas oo ajandihiisu yahay dardargelinta doorashooyinka dalka.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa Muqdisho kula kulmay madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam iyagoo ka wada hadlay qabanqaabada shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dardargelinta doorashooyinka dalka oo ka furmaya Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Kulankaan ayaa ku soo aadaya iyadoo afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu uu caawa shaaciyey in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen uu Muqdisho ku soo wajahan yahay, isagoo ka qeyb-geli doona shirka, xilli uu horay u diiday ka qeyb galkiisa, isagoo taageero xoog leh u muujinayey Madaxweynihii hore Farmaajo.

“Waxaa magaalada Muqdisho ku sugan Madaxweynyaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle,Galmudug ,Puntland iyo Jubbaland. Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa la filayaa in isaguna uu soo gaaro Muqdisho,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Macalimuu.

Qoraalka afhayeenka XFS ayaa intaas ku sii daray, “Waxa socda diyaar-garowga furitaanka shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Muqdisho ka furmaya maalmaha dhow ee innagu soo aaddan. Shirka ayaa waxa lagaga hadli doono dardargalinta doorashooyinka iyo dhameystirkooda.”

Sida ay ogaatay Caasimada Online Lafta-gareen ayaa bedelay mowqifkiisii diidmada shirkaas, kadib cadaadis xooggan oo uu kala kulmay dowladda Mareykanka.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Mary Catherine Phee oo maalmahan wadday cadaadis ay taageero ugu raadineyso shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa la hadashay hoggaamiyaha K/Galbeed Lafta-gareen.

Lafta-gareen ayaa hadda la filayaa inuu soo gaaro Muqdisho, si uu uga qeyb-galo shirkaas.

Waxaan sidoo kale ogaanay inuu ka shalaayey warqaddii uu ku diiday shirka Rooble, kuna taageeray shirka Farmaajo uu ku baaqay, maadaama ka qeyb-galkiisa iminka ay caddeyn u noqoneyso in uusan aheyn go’aankiisa.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xafiiska Rooble oo war cusub kasoo saaray ka qeyb-galka Lafta-gareen ee SHIRKA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa qoraal uu soo saaray waxuu ku faahfaahiyey diyaar garowga loogu jiro qabsoomidda shirka golaha wadatashiga qaranka, kaas oo maalmaha soo socda Muqdisho ka furmaya.

Macalimuu ayaa shaaciyey in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen uu Muqdisho ku soo wajahan yahay, xilli uu horay u diiday ka qeyb galka shirkaas, isagoo taageero xoog leh u muujinayey Madaxweynihii hore Farmaajo.

“Waxa magaalada Muqdisho ku sugan Madaxweynyaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle,Galmudug ,Puntland iyo Jubbaland. Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa la filayaa in isaguna uu soo gaaro Muqdisho,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Macalimuu.

Qoraalka afhayeenka XFS ayaa intaas ku sii daray, “Waxa socda diyaar-garowga furitaanka shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Muqdisho ka furmo maalmaha dhow ee innagu soo aaddan. Shirka ayaa waxa lagaga hadli doono dardargalinta doorashooyinka iyo dhameystirkooda.”

Sida ay ogaatay Caasimada Online Lafta-gareen ayaa bedelay mowqifkiisii diidmada shirkaas, kadib cadaadis xooggan oo uu kala kulmay dowladda Mareykanka.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Mary Catherine Phee oo maalmahan wadday cadaadis ay taageero ugu raadineyso shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa la hadashay hoggaamiyaha K/Galbeed Lafta-gareen.

Lafta-gareen ayaa hadda la filayaa inuu soo gaaro Muqdisho, si uu uga qeyb-galo shirkaas.

Waxaan sidoo kale ogaanay inuu ka shalaayey warqaddii uu ku diiday shirka Rooble, kuna taageeray shirka Farmaajo uu ku baaqay, maadaama ka qeyb-galkiisa iminka ay caddeyn u noqoneyso in uusan aheyn go’aankiisa

Lafta-gareen wuxuu sameyn karay inuu xiisadda ka aamuso ama ugu yaraan xaaladda cabiro maalmo, hase yeeshee cadaadis kaga yimid Villa Somalia ayaa ku qasbay go’aan deg deg ah oo u muuqday in uusan joogteyn karin.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Dibad-bax laba ujeedo leh oo ka dhacaya Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan looga soo horjeeday afgambigii fashilmay ee ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Muqdisho lagu qabtay ayaa looga dhawaaqay dibadbax ballaaran oo ka dhacaya magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu taageerayo Ra’iisul Wasaare Rooble, islamarkaana looga soo horjeedo madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Musharax Fiqi oo kamid ah siyaasiyiintii ka qeyb-gashay kulankaas ayaa sheegay in uu taageersan yahay dibadbaxaas oo uu sheegay inay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan tallaabooyinka guracan ee madaxweynihii hore.

Dibadbaxaan ayaa dunida loogu cadeynayaa sida uu shacabka uga soo horjeedo in Farmaajo uu sii joogo Villa Somalia, islamarkaana aysan u rabin in markale uu carqaladeeyo doorashooyinka uu hogaankeeda hayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Waa in meel walba laga soo baxaa oo aan cadeynayaa in aan aqbaleyn inqilaab iyo awood maroorsi, dhibaatada iyo duruufta na haysata waan ognahay haddii aan iska indho tireyn, markaa waa in la isku soo baxo,” ayuu yiri.

“Waxaa rabnaa in aan soo saarno hal milyan oo qof oo soo baxaan odayaasha, haweenka, ganacsatada iyo dhalinyarada oo ay hogaamiyaan siyaasiyiinta, waxaa rabnaa in wixii hore noo soo maray aysan markale noo soo marin.”

Tan iyo markii lagu dhawaaqay dibadbaxaan waxaa abaabulkiisa uu si weyn uga socdaa magaalada Muqdisho, waxaana lagu muujinaya sida ay umadda Soomaaliyeed iyo siyaasiyeentooda uga soo horjeedan Farmaajo, ayna u rabaan in uu baneeyo Villa Somalia.

Dhaq-dhaqaaqan cusub ayaa qeyb ka ah dhaq-dhaqaaqyo dhowr ah oo looga soo horjeeda Farmaajo, ayada oo dhawaana uu Ra’iisul Wasaaraha amray inay ciidamada ka amar qaadan karin cid aan isaga aheyn, si looga baaqsado xaalad abuur cusub oo dalka u horseeda halis amni.

Farmaajo ayaa 27-kii bishaan isku dayay in uu awood ciidan ku qabsado xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kadib markii uu soo kala dhex galay khilaaf xoogan oo ku aadan arrimaha doorashooyinka iyo hogaaminteeda, kaasi oo markii dambe guul-dareystay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Maxamed Cabdirisaaq oo fasiray qoraalkii Mareykanka ee Farmaajo iyo R/W Rooble – “Ma ahan sida loo maleeyo”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa cabiray qoraallada kasoo baxay Mareykanka ee ku aadan khilaafka ka dhex oogan madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen rooble.

Mareykanka ayaa laba goor soo saaray qoraallo u muquday inay ku taageerayaan Rooble, uguna hanjabayaan Farmaajo. 

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Mary Catherine Phee ayaa shaaca ka qaaday inay Farmaajo ka dalbatay inuu taageero dadaallada uu wado ra’iisul wasaare Rooble.

“Waxaan maanta kala hadlay madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo baahida deg degga ah ee loo qabo in la joojiyo hadallada iyo ficillada xiisad abuurka ah. Waxaan ku booriyey inuu ra’iisul wasaare Rooble ku taageero qabashada shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo in si deg deg ah loo dhameystiro doorashooyin la isku haleyn karo,” ayey tiri Phee. 

Qoraal kale oo kasoo baxay Mareykanka ayaa lagu yiri ““Dowladda Mareykanka waxay diyaar u tahay inay tallaabo ka qaado kuwa carqaladda ku ah waddada nabadda Soomaaliya.

Haddaba Maxamed Cabdirisaaq oo wareysi siiyey Idaacadda BBC ayaa cabiray waxa loo fasiran karo hadalka Maraykanka iyo dalalka kale ee reer galbeedka iyo wicitaannadooda tooska ah ee madaxda Soomaaliya ee is khilaafsan

“Dabcan arrintan waxay daba socotay markii maalin dhoweyd khilaaf khatar geliyay Soomaaliya dowladnimadeedii iyo wixii la soo dhisaayay tan 2001-dii oo ahayd in Soomaaliya laga dhiso dowlad loo dhan yahay oo uu sal u yahay dastuur, nimaad iyo kala dambeyn,” ayuu yiri.

“Khifkaasi khatarta geliyay in dhamaam ay meesha ka baxdo nidaamkii dowladnimo ka dib ayaa waxaa dhacday in diblomaasiyiinta reer galbeedka iyo Afrikaanka iyo cidkasto oo arrimaha Soomaaliya isha ku haysay laga wadahadlay oo ay is weydiyeen maxaa arrinkan nagala gudboon oo aan Soomaali la qaban karnaa marka qaar waa iyagii qaar soo saaray war qoraalka halka qaar kalana ay barta Twitter ka soo dhigeen aragtidooda.”

“Waxaa taas ka sii dambeysay in taloofan lagula soo hadlay madaxweynaha iyo ra”iisul wasaaraha oo loo sheegay cidwalba waxii ay sameyn lahayd.”

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Maxamed Cabdirasaaq Maxamuud ayaa la weydiiyey in isagoo arrintaasi ka eegaya dhanka diblomaasiyadda dhadhan noocee ah ayay leedahay miyaa loo fasiran karaa in Mareykanka uu u janjeesamay xagga Rooble?

Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa ku jawaabay “Maya, Mareykanku sidaan muddaba ka wada shaqeyneynay oo aan ka wada hadleynay sidii Soomaaliya ay doorasho u aadi lahayd, muddo hal sano ahna arrintaas ayaa ka wada hadleynay, hadana weli waxay u janjeerta in weli la yirahdo xalka keliya waxa uu ku jira in doorasho la aadaa ee ma aragtay afgambi iyo nidaam kale oo sharci darro ah oo madaxweyne iyo ra’iisal wasaare shaqada looga joojiyo.”

Waxa uu intaas ku daray “Sida keliya ee wax lagu hagaajin karo, Soomaaliyana horay ugu socon karto waa in nidaamka sharciga ah la raacaa doorashana la aadaa marka hadalka Mareykankana sidaas ayuu u socdaa, dadkana waxay cabirayaan labada mas’uul keebaa raba inay socota doorashada keeba se raba inay si kale wax u socdaan marka waxay ila tahay dadku ay sidaasi wax ku cabirayaan.”

“Haddii Mareykanka dan uu ka leeyahay Soomaaliya darteed uu rabo inuu u farogeliyo iyagana ma sameynayaan hadey dhacdadana cidna ma yeeleyso laakiin marka lagu leeyahay dadkaagi iyo dalkaagi u tur, xuquuq-doodana ilaali marka in hadalkooda uu meel dheer ku dhaci doono oo dad badan oo Soomaali ahna ay ku raaci doonaan,” ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Shaqsiga Sanadka 2021 “Person of the Year 2021”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online oo kaashaneysa qorayaasha, tafaftirayaasha iyo maamulka ayaa sanadka 2021 u aqoonsatay “Shaqsiga Sanadka 2021” “Person of the Year 2021” Amb. Abuukar Daahir Cusmaan (Baalle).

Tan you markii loo magacaabay Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay bishi Jun 2017, waxaa isbedel dhinacyo badan ah uu ku sameeyay qaabka ay u howl-gasho safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada New York.

Waxaa markii ugu horreysay uu safiirka dhaqan geliyay in kulamada ka dhaca xarunta Qaramada Midoobay ay si toos ah uga qeyb-galaan howl wadeenada safaaradda uu isaga hormuud u yahay, taasoo laga dareemay shirarka caalamiga ah ee Soomaaliya ay ka soo dhex muuqato muddo dheer kadib.

Amb. Abuokar oo ah shaqsi aad u degan, aqoontiisa diblomaasiyadeedna ay aad u sarreeyso, ayaa waxaa uu ku dhiira geliyay dhalinyarada ka shaqeysa safaaradda in qeyb ka noqdaan wada-hadallada iyo matalaadda Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Maxaa u qabsoomay Safaaradda Soomaaliya ee Qaramada Midoobay 2021?

  • Danjire Abuukar Daahir Cusmaan wuxuu Soomaaliya ka bad-baadiyay Qaraarka tirsigiisu yahay 1267, oo ahaa qaraar duqeymo heer caalami ah loogu geysan lahaa dhamaan dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo loo cuskanaayay in argagaxiso dalka degan tahay. waxaana ay waxyeelo badan ka soo gaari laheyd dhammaan dadka shacabka Soomaaliyeed ee degan gobolada Koofureed iyo dadka reer guuraaga ah.
  • Danjire Abuukar wuxuu si toos ah u difaacay ganacsata Soomaaliyeed ee mar walba lagu eedeyn jira inay la shaqeeyaan argagaxisada, kadibna la saari jiray cunaqabatayn shaqi ah, lana xayiri jira hantidooda iyo xoriyadooda socodaalka.
  • Danjire Abukar wuxuu soo afjaray qaraarkii 2608 Qaramada Midoobay ee Burcadda Badeeda, waxaana sanadka laga dhigay sii jiritaanka qaraarka saddex bilood kaliya. Danjiraha ayaa sidoo kale ku qanciyay danjirayaasha kale in Soomaaliya loo dhiso ciidan bad oo xoog leh, kuwaas oo difaaca xeebaha dheer ee Soomaaliya.
  • Danjire Abuukar ayaa bishii Septebmer ee 2020 loo doortay in uu noqdo Madaxweyne ku-xigeenka Qaramada Midoobay, taasoo uu hayay ilaa Bishii September ee sanadkan 2021.
  • Danjiraha ayaa sidoo kale ku guuleystay markii labaad 2021 in Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqoto ururka xuquuqal insaanka ee Qaramada Midoobay “UN Human rights Council”
  • Danjire Abuukar Baale wuxuu si buuxda ula dagaalamay dhoofinta dhuxusha iyo xaalufinta lagu haayay deegaan dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuuna ahaa mashruuc ay muddo dheer wadeen dalal shisheeye oo si xoog badan ugu macaashi jiray dhuxusha laga keeno Soomaaliya.
  • Ergada Soomaalida ee fadhigeedu yahay New York waxaa ay Guul ka keentay in muwaadiniin Soomaaliya oo tiro ka mid noqdaan shaqaalaha caalimiga ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, sidoo kale waxaa fursado waxbarasho heley arday Soomaaliyeed oo helay waxbarashadda Qaramadda Midoobey ee takhasuska ah.
  • Danjire Abuukar wuxuu dagaal badan u galay sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa Cunaqabateyn hubka si ay Dowladda Soomaaliya uga adkaato kooxaha cadowga ku ah ummadda Soomaaliyeed jiritaankeeda ee sida AlShabaab iyo daacish.

 

“Waa in xal loo helo ciidanka isku hor-fadhiya gudaha Villa Somalia,” waxaa sidaas yiri…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Midowga Musharixiinta mucaaradka oo xalay khudbad xasaasi ah ka jeediyey kulan ka dhacay Muqdisho ayaa ka digey halis ka jirta gudaha madaxtooyada oo uu sheegay in ciidamo soo kala horjeeda isku horfadhiyaan.

Cabdiraxmaan ayaa Golaha Wadatashiga Qaran ka codsaday inay shaqadooda ugu horreyso ka dhigaan inay kala qaadaan ciidamada isku hor fadhiyo madaxtooyada dhexdeeda ee kala taageersan madaxwynihii hore ee Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Howsha koowaad ee Golaha Wadatashiga Qaran u taalla waa in xal loo helo labada qori ee Villa Soomaaliya isaga soo horjeeda. Xalkuna waa in Farmaajo Villada dibedda looga soo saaro, kaddib ayaa doorasho iyo sidii loo sixi lahaa laga hadli karaa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Siyaasi Cabdiraxmaan oo sidoo kale ka hadlay taliyayaasha ciidamada ayaa ku baaqay inay is-casilaan, islamarkaana booskooda lagu badalo kuwa aan ka qeybgelin dhibaatada dalkaa ka dhacday Shantii Sano ee lasoo dhaafay.

“Taliyaasha ciidamada hadlay waa fiican tihiin hadalkiina mid ayaa ka dhiman waa inaad is casishaan, dhibaatadii iyo fitnadii dalka ka dhacday hormuud ayaad ka ahaydeen walaalayaalow is casila,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale Cabdiraxmaan ayaa sheegay in maamul Goboleedyada aysan awood u laheyn inay boobaa Kuraasta Golaha Shacabka isagoo xusay in Kuraastaas ay leeyihiin Beelo, wuxuuna si weyn ugu hor yimid siyaasiyiinta Kuraasta u hoos fadhiista madaxda Maamul Goboleedyada.

Waxa uu u mahadceliyay madaxda dowlad goboleedyada ee taageeray ra’iisul wasaaraha isagoo ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada ee weli ka aamusin mowqifka ay ka taagan yihiin khilaafka u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Farmaajo waxa kaliya ee u dhiman waa inuu is toogto”

0

Muqdisho (Caasimada Online ) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh oo ka hadlayay kulan xalay ay Midowga Musharrixiinta ay sheegeen in looga soo horjeeday agembigii fashilmay ee ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa si xooggan u dhalleeceeyey ficilada uu sameeyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, shantii Sano ee uu ku fadhiyey kursiga.

Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay in dulqaad badan loo sameeyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kadib markii uu weeraro ku qaaday shaqsiyaad kala duwan, xayiraad safar uu kusoo rogay iyo kiisas kale.

“Maalmo badan oo 27-ka December 2021 oo kale ayaa dalka soo maray, balse maanta sida looga falcelinayo oo kale ma ahayn, wax kasta oo qof bini’aadam ah uu ka caroodo uuna qori ka qaato ayuu sameeyay Farmaajo,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Sababta dadka ka hor istaagtay in ay gacan qaad ku baddelaan ficilladaas, waxa uu ku sheegay in ay rejo ka qabaan dalka oo niyadda ay ku hayaan in laga gudbi karo dhibaatooyinkaas oo dulqaad iyo dhabar adeeg u baahan sida uu hadalka u dhigay.

“Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wax u haray markaan malaha oo aan ahayn in uu is toogto oo uu dagaal isku qaado mooyee ma jirto,” ayuu yiri Madaxweynihii 8-aad ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay in wararka sheegaya inay kala qeybsan yihiin aysan waxba kajirin, islamarkaana kuwa sheegay ay yihiin kuwii 5-tii sano ee la soo dhaafay lacagta lagu siinayay aflagaadeynta mucaaradka ee loo yaqaano (CAYAYAANKA BARAHA BULSHADA).

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray Xasan Sheekh Maxamuud in inta badan Midowga Musharrixiinta ay jiraan dalka dibadiisa, halka ay kulanka Shaqo uga badan yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xasan Cali kheyre.

“Ma jiraan inaan kala qeybsan nahay, inaan afgembi diidno waan ka mideysan nahay, inaan kaligii talisnimo diidno waan ka mideysan nahay, balse majiraan wararka dadka qaarkood ay sheegayaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamed.

27-kii December 2021, Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay ka badbaaday afgambi uu la damacsanaa Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ciidan dul dhigay xafiiskiisa iyo kan Golaha Wasiirada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xogta dadaallada beesha caalamka – Farmaajo ma lagu qasbayaa inuu iska tago?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM ayaa shaaca ka qaaday in beesha caalamka ay wada-hadallo la leedahay dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya, si looga hortago in xiisadda taagan ay isku rogto dagaal.

“QM iyo saaxiibada caalamiga waxay xiriiro la leeyihiin dhammaan dhinacyada si loogu booriyo inay xiisadda qaboojiyaan,” waxaa sidaas yiri Ari Gaitanis oo ah afhayeenka UNSOM, oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters.

Sida uu sheegay Gaitanis, wada-hadallada ayaa waxaa ku lug leh dalal ay ka mid yihiin Mareykanka iyo UK, iyo ururka Midowga Yurub iyo dhinacyo kale, waxayna Arbacadii kulamo kala gooni la kala yeesheen madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Golaha Midowga Musharaxiinta.  

“Hadafkooda labada kulanba wuxuu ahaa inay ku diiri-geliyaan hoggaamiyayaasha Soomaalida inay hormariyaan danaha waddaanka, ayna diiradda saaraan in la saxo khaladaadka doorashada,” ayuu yiri Gaitanis.

Caasimada Online ayaa ilo-wareedyo diblomaasiyadeed kasoo xigatay in muhiimadda koowaad ee beesha caalamka ay hadda tahay in Farmaajo lagu cadaadiyo inuu faraha kala baxo arrimaha doorashada, oo uu u daayo ra’iisul wasaare Rooble, welina aysan jirin qorshe loogu qasbayo inuu Villa Somalia ka baxo.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Mary Catherine Phee ayaa Arbacadii shaaca ka qaaday inay la hadashay Farmaajo kana dalbatay inuu taageero dadaallada uu wado ra’iisul wasaare Rooble.

“Waxaan maanta kala hadlay madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo baahida deg degga ah ee loo qabo in la joojiyo hadallada iyo ficillada xiisad abuurka ah. Waxaan ku booriyey inuu ra’iisul wasaare Rooble ku taageero qabashada shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo in si deg deg ah loo dhameystiro doorashooyin la isku haleyn karo,” ayey tiri Phee.

Si kastaba, haddii Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ay ku adkeystaan inay howl-galiyaan Ciidamada Badbaado Qaran, waxaa beesha caalamka qasab ku noqon doonta in Farmaajo meesha ka baxo.

“Beesha caalamka waxay hadda sheegeysaa in Farmaajo ay xakameyn karaan ayada oo aan lagu qasbin inuu baneeyo Villa-da, balse ayagaa waxaa hoggaamiya cadaadis, haddii ay arkaan cadaadis ciidan, uma furno wax aan ka aheyn inay Farmaajo ay meesha ka saaraan,” ayuu yiri xildhibaan la hadlay Caasimada Online.

Rooble iyo musharaxiinta qaar ayaa qaba aragti ah in inta Farmaajo uu Villa Somalia dhex joogo aanay dalka doorasho ka dhici karin, ayna muhiim tahay in cadaadis ciidan looga saaro. Si kastaba, waxaa jira xubno kale oo ka mid ah mucaaradka oo qaba in dagaal aan la gelin magaalada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sawirro: Maamulka Gobolka Hiiraan oo soo bandhigay ragii weeraray guddoomiye Jeyte

0

Beledweyn (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaalkii xalay magaalada Beledweyn ku dhexmaray Ciidamada Guddoomiyaha Gobolka Cali Jeyte Cusmaan iyo Ciidamo uu hoggaamiyo Sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere.

“xilli saacadu ku beegneyd abaare (7) Todobadii Fiidnimo ee xalay xilli ay safar shaqo kasoo laabteen degmada Feer-Feer Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Wasiirka Tamarta iyo biyaha Maamulka Hirshabeelle,  Taliyaha Guutada 5 aad, Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Hiiraan iyo masùlinyiin ka tirsan Maamulka gobalka Hiiraan ayaa waxaa rasaas huwiyey Gaarigii ay saarnaayen Maleeshiyaad hubeysan oo uu hoggaaminayay Shaqsi lagu magacaabo Nuur Dheere, isla markaana halkaasi uu ka dhacay dagaal xoogga,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, waxaa ay maamulka sheegeen in gacanta ku dhigeen ragga hubeysan ee weerarka ku soo qaaday, kuwaasi oo gaaraya ilaa 20 ruux iyo sarkaalkii hoggaaminayay, isla markaasna dhowaan la horgeyn doono maxkamadaha awoodda u leh.

”Iyada oo falalka nuucan oo kale ah ay caado u aheyd kooxaha Nabad diidka ah in kolonyo Dowladeed weerar lagu qaado waxuu ahaa fal-huwan halistiisa waxaane la horgeyn doonaa Maxkamadda awooda u leh,” ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan.

”Maamulka gobalka Hiiraan ee Dowlad Goboladeedka Hir-Shabeelle waxaa masuuliyad  ka saaran tahay ka Shaqeynta Amniga iyo xasiloonida guud ee Gobalka cidna laga Aqbali maayo khal-qal gelinta Amniga iyo xasiloonida magaalada Beledweyne,” ayuu sii raaciyey afhayeenka.

Raggaan weerarka qaaday ayaan ilaa hadda la oggeyn cidda ay ka tirsan yihiin.

Dagaalka xalay ka dhacay Baladweyne ayaa waxaa ku dhintay illaa 5 qof halka dhaawaca uu kor u dhaafayo 12 kale kuwaas oo isugu jira Shacab iyo ciidamadii dagaalamay.

 

Mukhtaar Roobow ‘oo lagala baxay’ hoygii lagu hayey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Mukhtaar Roobw Cali Abu Mansuur ayaa lagala baxay hoygii uu Muqdisho ka deganaa, ee uu xabsi guriga ugu jiray, waxaa sidaas sheegay xubno ka tirsan xisbiga uu hoggaamiyo.

Dr. Maxamed Nuur Bilaal, oo ah xoghayaha Xisbiga Amniga iyo Cadaalada ee uu guddoomiyaha ka ahaa Abuu Mansuur, ayaa Idaacadda Goobjoog ee Muqdisho u sheegay in loo soo sheegay in Roobow lala baxay habeenkii 29-ka December, islamarkaana la geeyey xarunta Habar Khadiijo ee NISA.

Dr. Maxamed ayaa sheegay inay hadda jirto khatar ay wajaheyso nolosha Abu Mansuur, isaga oo intaas ku daray in sababta Mukhtaar Roobow loogala baxay guriga ay tahay in lagala cararo cadaaladda, kadib markii uu wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur dalbaday warbixin ku saabsan xaaladda Roobow.

“Markii ay Wasiirka Amniga iyo dowladda Soomaaliya ku baraarugeen dulmiga lagu gaysanayo magaca dowladda, ayna tiri arritan war ha laga keeno, ayaa waxaa muuqaneysa in kooxdii waxan sameyneysay inay mar kale la baxsadeen musharaxii, oo ay la aadeen meel aan la garaneyn,” ayuu yiri Dr. Maxamed Nuur.

“Annaga waxaan dareemeynaa in nolosha Sheekh Mukhtaar ay khatar ku jirto, sidaas darteed waxaan dalabaneynaa baaritaan deg deg, waxaan mar kale dalbanayena caddaalad. Waxaan ugu baaqeynaa ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu arrintan soo faro-geliyo.”

Si madax-banaan looma xaqiijin karo arrinta uu sheegay Dr. Maxamed Nuur Bilaal.

Ku-simaha agaasimaha hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Gaashaanle Sare Yaasiin Farey oo xalay wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in Mukhtaar Rooboow uu ku sugan yahay guri ku dhexyaalla xarunta NISA, amnigiisuna uu sugan yahay, isagoo intaas ku daray in mas’uuliyadda ugu badan ee NISA ay tahay in isaga la ilaaliyo.

Waxa uu sheegay in noloshiisa iyo amnigiisa ay u hayaan sida ay ku sheegeen warqaddii uu soo saaray, wuxuuna intaas ku daray inaysan jirin wax ku kallifaya inay abuuraan waxyaabo aan jirin.

Yaasiin Farey ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin caafimaad darro ama culeys gaar ah oo heysata Mukhtaar Rooboow.

Hoos ka dhageyso wareysiga Dr. Maxamed Nuur Bilaal 

Shariif oo war kasoo saaray tallaabadii uu qaaday Xijaar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa war ka soo saaray hadalkii Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo ciidamada ku amray in aysan ku milmin siyaasadda aysan ku milmin oo ay ku eekadaan shaqada ay qaranka u hayaan.

Sheekh Shariif ayaa si weyn usoo dhaweeyay amarka uu Xijaar faray ciidamada booliska, xilli uu uu jiro khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Waa tallaabo kale oo mudan hambalyo iyo bogaadin hadalka ka soo baxay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ee ku saabsan in ciidanka Booliiska ka fogaadaan ku milanka khilaafaadka siyaasiga ah, ayna xoogga saaraan waajibkooda shaqo ee ay u dhaarteen oo ah ilaalinta nabadda iyo kala dambaynta,” ayuu Shariif Sheekh Axmed ku yiri qoraal uu soo saaray.

Waxa uu sheegay in tallaabadan ay muujinayso biseyl, taasi oo xoojinaysa dhismaha nabadda iyo wada-jirka ciidanka, xilli uu dalka ku jiro marxalad kala guur xasaasi ah, islamarkaana ay taagan yihiin xiisado siyaasadeed.

Midowga Musharaxiinta ayaa kal hore ciidanka uga digay in faraha aysan la soo gelin siyaasadda, waxayna hadda si weyn usoo dhaweynayaan in arrintaas ay garteen hogaankii u sareeyay ee ciidamada.

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa ciidamada booliska Soomaaliyeed uga digay inay ku milmaan siyaasadda, islamarkaana ay si hufan uga shaqeeyan umadda Soomaaliyeed.

Shalay unbey aheyd markii uu Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf uu sidan oo kale ciidanka uga digay inay qeyb ka noqdaan, isaga oo cadeeyey in hal askari aysan ka ogolaa doonin inuu raaco guruub ama aragtiyo gaar ah.

Ciidanka dowladda qaarkood oo marar dhowr ah qeyb ka noqday xiisadaha siyaasadeed ee dalka, ayaa xilligan wajahaya go’aano culus oo meesha ka saaraya in markale ay raacan garab gaar ah ama qeyb ku yeeshan xiisadaha siyaasadeed ee dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

FIQI oo shaaciyey laba arrin oo kala duwan oo Farmaajo uu ka sheegay afgambiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo markale ka hadlay dhacdadii dhawaan awood ciidan looga hor istaagay xafiiskiisa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sheegay in madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu kala afleyn qaawan ka sameeyay inqilaabkii fashilmay.

Sida uu sheegay Fiqi kadib markii Rooble laga hor istaagay xafiiskiisa waxa Farmaajo u tagay xubno u jeediyay in ciidamada laga qaado xafiiskiisa, kuwaasi oo si jees-jees ah kusoo dhaqaajiyey.

“Maalintii inqilaabka dhiciska ah uu dhacay akhyaar u tagtay afgambiyaha ayaa laga soo wariyey in ay u soo jeediyeen in ciidamada qabsaday xafiiska Raysulwasaaraha meesha laga wareejiyo, Raysulwasaarahana loo ogolaado xafiiskiisa inuu galo, wuxuu ugu jawaabay; ma Raysulwasaare cusub ayaa la soo magacaabay?,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in maalin kadib xubno kale oo u tagay Farmaajo uu ku dafiray in uu wax ka oga qorshaha awooda ciidan lagula wareegayay xafiiska Rooble, kadib khilaaf soo kala dhex-galay.

“Anigu maba ogayn xafiis la xirtay, mana dhicin arrintaas!,” ayuu ku yiri xubnaha u tagay Farmaajo, sida uu shaaciyey Fiqi.

Dhanka kale, Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed oo uu sheegay in dan ku qasabtay in uu ku dhawaaqo inuu yahay “Tabliiq Siyaasadeed”.

“Waxa subaxnimadii hore ee maalintii inqilaabka soo kallahay oo lagu arkay agagaarka xafiiska Rooble, mudane Mahdi Guuleed oo horay uga qabatin bartay in marka Raysulwasaare si sharcidarro lagu bedelo inuu kursiga sii kululeeyo, asagoo lagu tuhunsanaa inuu wax ka ogaa qorshaha, balse markuu arkay geela in lala joogo ayuu dhegsaday kaarka tabliiqa siyaasadeed!.”

“Carabta ayaa waxay markaan oo kale tiraahdaa “ sixiroolihii sixirkiisii ayaa la gaddoomey, meeshii uu ka rabay in uu qof kale sixro”!,” ayuu ugu dambeyntiina qoraalkiisa ku yiri Fiqi.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Rooble oo guddi u magacaabaya isku-deygii afgambi ee Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan magacaabaya guddi baaritaan dhab ah ku sameysa ciddii ku lugta laheyd af-gambigii fashilmay ee 27-kii bishaan lagu qaaday hay’addaha dastuuriga ee dalka.

Afhayeenka xukuumadda, Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa sheegay in shirkii golaha wasiirada ee uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Rooble la isku raacay magacaabista guddigaas, kaasi oo ka koobnaanaya 5 xubnood.

Guddiga ayaa baaris dhmaeystiran ku sameynaya sidii ay wax u dhaceen, xilli uu dhawaan Ra’iisul Wasaaraha uu wacad ku maray in uu sharciga la tiigsanayo cidkasta oo ka dambeysay arrintaas.

27-kii bishan ayey aheyd markii ciidamo la dul dhigay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo xarunta Golaha Wasiiradda, isku-deygaas oo markii dambe fashilmay, ayada oo sida la fahamsan yahay uu amarkaas kasoo baxay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kadib afgambigii fashilmay, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu dhammaan ciidamada kala duwan ee dowladda ku amray inay isaga ka amar qaataan, wuxuuna ku hanjabay in uu tallaabo adag ka qaadi doono ciddii amarkiisa ka hor-timaada.

Rooble ayaa xilligan haysta kalsoonida socodsiinta arrimaha doorashooyinka, waxaana dhawaan furmaya shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka, si loogu saxo qaladaadka ka jira doorashada Golaha Shacabka, oo si weyn uga horyimaadeen Midowga Musharaxiinta.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

NISA oo soo saartay digniin culus oo la xiriirta xiisadda siyaasadeed ee dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa uga digtay ciidamada qalabka sida inay ku milmaan siyaasadda, xilli ay xiisad siyaasadeed ka taagan tahay dalka.

Qoraal kooban oo NISA ay soo dhigtay twitter ayaa lagu yiri “Taliska NISA wuxuu ku howlan-yahay sugidda amniga. Wuxuuna ka digayaa ku-milanka siyaasadda ee Ciidamada Qalabka Sida iyo in la siyaasadeeyo waajibaadka Ciidamada. Shacabka Soomaaliyeed waa ku mahadsanyahay mar walba garab istaaga Hay’adaha Amniga Qaranka.”

Qoraalka NISA ayaa waafaqsan digniino ay horey u bixiyeen taliyayaasha Ciidamada Xoogga Dalka iyo Booliska, oo ay ciidanka uga digeen inay ku-milmaan siyaasadda.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hadda ka taagan cabsi la xiriirta inuu dagaal ka dhici karo, ayada oo Ciidamada Badbaado Qaran ay diyaar u yihiin inay difaacaan ra’iisul wasaare Rooble, oo uu Farmaajo Isniintii isku dayey inuu awood ciidan ku qabsado xafiiskiisa.

Rooble ayaa dhacdadaas kadib uga digay ciidamada ammaanka inay ka amar qaataan madaxweynihii hore ee Farmaajo.

Fallanqeeyayaasha siyaasadeed ayaa rumeysan in digniinaha ka dhanka ah ku-milanka ciidanka ee siyaasadda ay yihiin kuwa lagu bad-baadinayo Farmaajo, oo la rumeysan yahay in hadda ay kasoo horjeedaan ciidamada intooda badan.

Waxay tusalae usoo qaateen, in Odawaa, NISA iyo Xijaar inaysan marna ka hadal markii ciidamada dowladda uu Farmaajo bilo kahor u adeegsaday inuu ku weeraro madaxweynayaal hore.

NISA ayaa waxaa hoggaamiya Yaasin Farey oo ku xiran Farmaajo iyo taliyihii hore ee hay’adda Fahad Yaasiin, ayada oo xiisadda hadda taagan ay ka dhalatay sababo ay ka mid yihiin kursiga xildhibaan ee Yaasiin Farey uu ku guuleystay oo muran badan dhaliyey.

Farmaajo ayaa hadda wajahaya cadaadis xooggan, waxaana haddii xiisadda siyaasadeed ay isku beddesho mid ciidan suurta-gal ah in beesha caalamka ay ku qasabto inuu baneeyo madaxtooyada. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Dagaal caawa ka qarxay magaalada Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhoweyd uu dagaal xoogan ka qarxay, ayada oo dhawaan la ogolaaday in magaalada uu tago madaxweynaha HirShabelle.

Magaalada gudaheed ayaa laga maqlaya rasaas xoogan iyo hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana lagu soo waramaya in dagaalka uu u dhaxeeyo mid kamid ah Saraakiishii hogaamineysay ciidamadii Badbaadada Hiiraan iyo ciidamo taabacsan maamulka.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in uu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalkaas, oo qaarkood uu gaaray dad shacab ah oo aan ka fogeyn goobta uu dagaalku ka socdo, gaar ahaan xaafada Kooshin ee magaalada Beledweyne.

Sarkaalka hogaaminaya ciidamada Badbaadada Hiiraan oo lagu magacaabo Nuur Dheere ayaa horay ugu mid ahaa saraakiil ka hor istaagay Cali Guudlaawe safar uu qorsheynayay in uu ku tago magaalada Beledweyne.

Dagaalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay dhawaan Waxgaradka, duubabka iyo odayaasha dhaqanka beelaha dega gobolka Hiiraan oo ku shiray magaalada Muqdisho ay sheegen in Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe uu tegi doono gobolka Hiiraan oo sida ay sheegeen aan cidina ka hor istaagi doonin.

Sidoo kale waxgaradka ayaa waxay Madaxweyne ku-xigeenka maamulka HirShabeelle Yuusuf Dabageed ka dalbadeen inuu raali gelin ka bixiyo hadalkiisii ahaa in doorashada xildhibaanada ee ka dhaceysa Beledweyne ay ku soo bixi doonaan xubnaha ay rabaan.

Qorshaha tagista Guudlaawe ee Beledweyne ayaa markale wajahaya caqabad weyn, ayada oo Odayaasha dhaqanka beelaha dega gobolka Hiiraan ay sheegen in uu tagi karo, xilli aan weli si rasmi ah loo dhameyn xiisada taagan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wararkii ugu dambeeyay ee shirka Rooble iyo madax goboleedyada badankood oo ku sugan Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ku sugan inta badan madaxda dowlad goboleedyada, oo u yimid si ay uga qeyb-galaan shirkii uu kal hore iclaamiyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee Madasha Wada-tashiga Qaranka.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa galinkii dambe ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, ayada oo siyaabo kala duwan loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa ku biiray Qoor-Qoor iyo Guudlaawe oo hore usii joogay magaalada Muqdisho, waxaa keliya ka maqan madaxda dowlad goboleedyada Lafta-gareen oo asagna la filayo inuu soo gaaro caasimada dalka, inkasta oo uu horey u diiday shirka, balse aan maanta xog ku helnay inuu aqbalay.

Lafta-gareen ayaa warqad uu soo saaray 26-kii December ku yiri “Waxaan caddeynayaa inaan ka qeybgali doonin Shirka uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble. Go’aankan wuxuu ka dhashay keddib markii lagu xadgudbay madaxbannaanida Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo 7 xubnood laga saaray iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Federaal oo shalay la kala qeybiyay.”

Caasimada Online ayaa ogaatay in Lafta-gareen uu hadda beddelay mowqifkiisa kadib cadaadis xooggan oo uu kala kulmay dowladda Mareykanka, oo ayadu taageero ballaaran u muujisay shirka uu iclaamiyey Ra’iisul Wasaare Rooble.

Shirka Rooble ee Golaha Wada-tashiga Qaranka ayaa waxaa dib u sixid loogu sameynaya doorashooyinka socda, kadib markii ay mucaaridka si weyn uga horyimaadeen hanaanka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in deegaan doorashada lagu soo koobo hal magaalo, taasi oo horey uu uga digay madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo, inkasta oo aan warkiisa loo joojin doonin.

Shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka oo qorshuhu ahaa in uu furmo 27-kii bishaan ayaa waxaa ku yimid dib u dhac, kadib markii uu madaxweynihii hore Farmajo uu isku dayay in uu fashilayo, inkasta oo uu ku guul-dareystay.

Si kastaba, wuxuu kusoo aadaya Shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka oo inta badan ka qeyb-galayaan madaxda ku bahoobay, xilli xasaasi ah oo dalka ka taagan yihiin xiisado siyaasadeed iyo khilaaf u dhaxeeya madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Golaha Wasiirada DF oo war kasoo saaray afgambigii fashilmay ee FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wasiirada oo maanta uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa si adag loogu cambaareeyay isku-daygii Afgambi ee 27-kii bishan lagu qaaday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Xarunta Golaha Wasiiradda.

Waxay si wada-jir ah u muujiyeen Wasiiraddu sida ay uga xun yihiin falkaas, oo sida la fahamsan yahay uu amarkeeda lahaa madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib khilaaf xoogan oo soo kala dhex-galay Ra’iisul Wasaaraha.

Shirka golaha oo ahaa midkii u horeeyay tan iyo markii uu madaxweynihii hore isku dayay inuu awood ciidan ku qabsado xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxaa lagu taageeray shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka ee markale looga arrinsanayo doorashooyinka.

Golaha ayaa ansixiyay xisaab xirka miisaaniyadda miisaaniyadda dowladda ee 2020-kii, ayada oo la ayiday qorshaha sugidda amniga caasimadda oo ay soo bandhigtay Wasaaradda Amniga Gudaha.

Qorshahaas ayaa faraya in la sameeyo ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida, si ay qeyb uga noqdaan kor u qaadista amniga caasimada.

Sidoo kale waxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya arimaha abaaraha iyo cudurka COVID-19, oo markale kusoo labo kacleeyay dalka.

Ugu dambeyntiina waxaa looga mahad-celiyay taageerada xukuumadda ee Beesha Caalamka iyo hogaaminta Ra’iisul Wasaaraha ee doorashooyinkia iyo Shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka ee uu kal hore ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xog: Lafta-gareen oo ka qeyb-galaya shirka Rooble, kana shalaayey warqaddii hore

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne goboleedka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa ka qeyb-galaya shirka uu iclaamiyey ra’iisul wasaare Rooble ee Golaha Wadatashiga Qaran inkasta oo uu horey u diiday, waxaa sidaas ogaatay Caasimada Online.

Lafta-gareen ayaa warqad uu soo saaray 26-kii December ku yiri “Waxaan caddeynayaa inaan ka qeybgali doonin Shirka uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble. Go’aankan wuxuu ka dhashay keddib markii lagu xadgudbay madaxbannaanida Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo 7 xubnood laga saaray iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Federaal oo shalay la kala qeybiyay.”

Si kastaba, Caasimada Online ayaa fahansan in Lafta-gareen uu hadda beddelay mowqifkiisa kadib cadaadis xooggan oo uu kala kulmay dowladda Mareykanka.

Sida aan xogta ku helnay, waxaa Lafta-gareen la hadashay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Mary Catherine Phee oo maalmahan wadday cadaadis ay taageero ugu raadineyso shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Phee ayaa xalay shaaca ka qaaday inay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku boorisay inuu taageero shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

“Waxaan maanta kala hadlay madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo baahida deg degga ah ee loo qabo in la joojiyo hadallada iyo ficillada xiisad abuurka ah. Waxaan ku booriyey inuu ra’iisul wasaare Rooble ku taageero qabashada shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo in si deg deg ah loo dhameystiro doorashooyin la isku haleyn karo,” ayey tiri Phee.

Lafta-gareen ayaa hadda la filayaa inuu soo gaaro Muqdisho, si uu uga qeyb-galo shirkaas.

Waxaan sidoo kale ogaanay inuu ka shalaayey warqaddii uu ku diiday shirka Rooble, kuna taageeray shirka Farmaajo uu ku baaqay, maadaama ka qeyb-galkiisa iminka ay caddeyn u noqoneyso inuusan aheyn go’aankiisa

Lafta-gareen wuxuu sameyn karay inuu xiisadda ka aamuso ama ugu yaraan xaaladda cabiro maalmo, hase yeeshee cadaadis kaga yimid Villa Somalia ayaa ku qasbay go’aan deg deg ah oo u muuqday inuusan joogteyn karin.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

XIJAAR oo saraakiisha iyo ciidanka siiyey amar la xiriira xiisada Farmaajo iyo Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ahna guddoomiyaha guddiga amniga doorashooyinka ayaa si adag uga digay in Saraakiisha ciidamada ay ku milmaan siyaasadda dalka.

Xijaar ayaa sidoo kale ciidamada faray inaysan qeyb ka noqon karin arrimo siyaasadeed iyo wax ka baxsan shaqadooda, xilli uu jiro khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Waa in ciidanka booliska Soomaaliyeed aysan ku milmin siyaasadda, oo ay shuqul ku laheyn meesha lagu hayo siyaasad ee loo igmaday inay shaqeeyaan amniga qaranka keliya,” ayuu yiri Taliye Xijaar.

“Mas’uuliyadeena koowaad waxaa weey in aan ilaalino amniga, nafta, maalka shacabka Soomaaliyeed, in aan fulino rabitaanka shacabka Soomaaliyeed iyo waxay xaq u leeyihiin, sidoo kale inaan dhowrno odayga waayeelka ah, wiilka yar iyo midka bajaajta ku shaqeeysanaya.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada booliska Soomaaliyeed ay hortaallo shaqo baaxad leh oo qeyb ka tahay amniga doorashooyinka ka dhacaya dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

“Waxaa mas’uul ka nahay doorashooyinka amnigeeda, waxaa mas’uul ka nahay musharaxiinta, ergada wax dooranaya, shaqaalaha iyo dadka loo igmaday inay doorashada daadihiyaan iyo qalabka meesha yaalla ee loo isticmaalayo doorashada.”

Waxa uu intaas kusii daray in lagama maarman tahay in amniga guud ee dalka laga wada-shaqeeyo, islamarkaana ay Saraakiisha iyo ciidamadu xooga saaran sidii si nabdoon looga gudbi lahaa xaalada taagan.

“Waxaa shacabka Soomaaliyeed la socodsiineyna in ciidamada ay diyaar u yihiin in dareenkooda ku shaqeeyaan oo gacan siiyaan, waqti kastana ay u soo jeedan oo sugayaan amnigooda.”

Hadalkan ayaa kusoo aadaya amar shalay kasoo baxay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage, kaasi oo ahaa in ciidamada ka fogaadan arrimaha siyaasadda, si hufana u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Ciidamada ayaa la geliyay heegan buuxa, ayada oo aan laga ogolaan inay raacan guruub ama aragtiyo gaar ah, xilli ay dalka ka taagan xiisad siyaasadeed culus oo u dhaxeysa Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sawirro: Rooble oo xilalka u kala wareejiyey laba wasiir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xilalka u kala wareejiyey wasiirada gaashaandhigga iyo cadaaladda oo uu maalmo ka hor ku sameeyey isku shaandheyn, kadib wareegto uu soo saaray.

Cabdulqadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa loo magacaabay wasiirka cusub ee wasaaradda gaadhaandhigga, halka Xuseen Xasan Xaaji la geeyey wasaaradda cadaaladda.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa xubno ka tirsan golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, waxaana lagu qabtay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

“Ra’iisul WasaarahaXukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka u kala wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Cabdulqadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Wasiirka cusub ee Caddaalada Mudane Xasan Xuseen Xaaji,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Tallaabadaan uu qaaday Rooble ayaa ku soo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay aad isku hayaan madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo oo ay isku qabteen doorashooyinka

Dad badan ayaa sidoo kale u arka tallaabadan mid xeeladeed, ayada oo Cabduqaadir Maxamed Nuur uu ka mid yahay wasiirada aadka ugu dhow Rooble, lana safnaa dhowrkii dagaal ee uu la galay Farmaajo.

Sidoo kale wasaaradda Gaashaandhigga ee loo dhiibay Cabdulqaadir ayaa loo arkaa mid muhiim ah, maadaama haatan xiisad xoogan ay ka taagan tahay Villa Soomaaliya.

Si kastaba, xaaladda dalka ayaa weli ah mid cakiran, waxaase haatan Muqdisho ka socdo dadaaallo xoogan iyo kulamo siyaasadeed oo looga arrinsanayo xiisadda Villa Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-