25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Tigray-ga oo xalay weeraro culus ku qaaday magaalada ASMARA ee dalka Eritrea

Asmara (Caasimada Online) – Ugu yaraan saddex gantaal oo laga soo tuuray gobolka Tigray ee dalka Ethiopia ayaa habeenkii Sabtida ku dhacay caasimadda Eritrea ee Asmara, sida ay xaqiijiyeen ugu yaraan shan diblomaasi oo ku sugan gobolka.

Ugu yaraan laba ka mid ah gantaalaha ayaa ku dhacay garoonka diyaaradaha Asmara, sida ay xaqiijiyeen saddex diblomaasi oo ay soo xigatay wakaaladda wararka Reuters.

Hoggaamiyaha Tigray-ga Debretsion Gebremichael ayaa Talaadadii sheegay in Eritrea ay ciidamo usoo dirtay dagaalka ayaga oo taageeraya  xukuumadda Abi Ahmed.

Wasiirka arrimaha dibedda Eritrea Osman Saleh Mohamed ayaa beeniyey arrintan xiligaas, isaga oo Reuters u sheegay “Qeyb kama nihin dagaalka.”

Goor sii horreysay oo Sabtidii ah, xisbiga xukuma gobolka Tigrayga ee TPLF ayaa ku hanjabay inay weerari doonaan bartilmaameedyo ku yaalla dalka Eritrea.

“Waxaan weerar gantaallo ah ku qaadi doonnaa magaalada Asmara iyo Massawa, si aan u fashilino dhaq-dhaqaaqyada militari,” waxaa sidaas yiri Getachew Reda oo ka mid ah hoggaanka TPLF. Massawa waa deked ku taalla dalka Eritrea.

Qaar ka mid ah dadka ka qaxay gobolka Tigray-ga ee yimid magaalada Hamdayat ee dalka Sudan ayaa Reuters u sheegay in deegaankii ay kasoo qaxeen lagu garaacay gantaalo badan oo laga soo tuuray dhanka Eritrea.

“Waxaa nalagu garaacay gantaallo laga soo tuuray dhanka xuduudda ee Eritrea,” ayuu yiri Naksiam Guru oo ah 22 jir soo qaxay oo hadda ku nool xuduudda.

“Inta ay ka istaagayaan weerarada lagu hayo dadka Tigray-ga, anagana weerarada waan sii xoojin doonnaa,” ayuu yiri Getachew.

Al-Shabaab oo ‘la wareegay’ deegaan u dhow duleedka magaalada Dhuusomareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inay xalay la wareegeen deegaanka Ceel-Dheere oo hoostaga Dhuusamareeb, kadib markii ay isaga soo baxeen ciidamada dowladda Somalia & kuwa maamulkaasi.

Qoraal ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay inay si nabadoon ay kula wareegeen deegaankaas oo u dhexeeyo magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ay haatan dhaq-dhaqaaqyo culus ka wadaan halkaasi.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 21-aad iyo kuwa Galmudug oo ku aadan dhaq-dhaqaqaayadaasi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, iyada oona dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka qarxo halkaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa howl-gallo iyo dhaq-dhaqaaqyo u dhexeeyey labada dhinac laga dareemayey duleedka magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Q/Midoobe oo war cusub ka soo saartay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan oo u warramay  Wargeyska Daily Xayaat ee ka soo baxa dalka Turkiga ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

James Swan ayaa sheegay in weli ay jirto khatarta Al-Shabaab, loona baahan yahay in loo midoobo, si looga adkaado.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in mustaqbalka dhow rajado ay tahay in la wiiqo awooda Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida.

Wakiilka Qaramada Midoobay oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray in kooxdan ay weli halis amni ku heyso Soomaaliya oo haaran isku diyaarineyso doorashada 2020/21.

“Al-Shabaab waxaa halis amni oo weli kajirta Soomaaliya, waxaa muhiim ah in siwadajir ah looga wada hortaggo maadaama ay yihiin kuwo jira oo xiriir la leh al-qaacida, waxaana rajeynayaa inay noqdaan kuwo aan sii jiri karin oo taageero ka waaya Soomaalida,” Amb. James Swan.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay garab istaagaan dowladdooda, islamarkaana ay ku garab siiyaan dagaalka Shabaab iyo amniga dalka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo weli kooxda Al-Shabaab weeraro culus ay ka fuliso gudaha dalka, gaar ahaan Muqdisho oo dhowaan marti-gelineyso doorashooyin.

Maareeye oo weerar kale ku qaaday DF, arrimo dhowr ahna shaaca ka qaaday + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa kulan uu maanta kula hadlayey dhalinyaro ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland, waxuu eedeyn ugu jeediyey ra’iisul wasaare Rooble.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa siyaasiyiin ka soo jeeda Somaliland oo uu ka mid ahaa guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi, waxayna aad uga soo hor jeesteen xubnaha ku metelaya guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka.

Maareeye ayaa sheegay in guddiyada la magaacaabay xubnaha ku metelaya gobollada waqooyi aan hab sax ah loo marin.

“Waxaa dhamaanteen qabnaa in xubnaha guddiyada ilaa hadda magacaaban aan magacaabidooda loo marin hab sax ah oo wadatashi lagala sameeyey dadkii iska lahaa,” ayuu yiri xildhibaan Maareeye.

Isagoo sii hadlayey ayuu sheegay inay isugu imaan doonaan kulamo kale, isla markaana aysan aqbali karin hanaanka loo maray magacaabaista guddiyada metelaya gobollada waqooyi ee Somaliland.

“Sida aad ogtihiin dalku doorashooyin dab-dan ayuu dalku geliyaa oo loo raacayo habkii 2016-kii lagu soo xulay xildhibaanada, waxaana loo baahanyahay in doorashadaasi noqoto mid daah furan, oo u dhaca si xor iyo xalaal ah, qof kasta oo daneynaya kursigana uu u tartamo” ayuu hadalkiisa ku sii daray Maareeye.

Hoos ka Daawo

Qorshaha Donald Trump ee Somalia kahor inta aanu xilka ka degin oo la shaaciyey

Washington (Caasimadda Online) – Warbaahinta Mareykanka ayaa baahisay in Donald Trump uu qorsheynayo in laba dal laga soo saaro ciidamada Mareykanka, ka hor inta aanu xilka ka degin 20-ka Janaayo ee 2020.

Qorshahan ayaa la rumeysan yahay inuu sababay isbeddel uu Trump ku sameeyey hoggaanka wasaaradda gaashaandhigga ee Pentagon-ka, isaga oo xilka ka qaaday xubno la rumeysan yahay inaysan taageersaneyn qorshahan.

Donald wuxuu shaqada ka eryay Mark Esper, oo ahaa wasiirka gaashaandhigga Mareykanka, oo ay Trump is khilaafeen dhowr bil ka hor.

Washington Post, oo xiganeysa qof mas’uul ah kana tirsan Aqalka Cad, ayaa sheegtay in Donald uu wali doonayo in qaar ka mid ah dalalka ay ciidamada Mareykanka joogaan laga soo celiyo, waxaana ka mid ah Soomaaliya iyo Afgaanistaan.

Warbaahinta Mareykanka waxey aaminsan tahay in Donald Trump uu bilaha soo aadan fulinayo qorshahaan, waxaana laga yaabaa in ciidamada Mareykanka laga saaro gudaha Soomaaliya iyagoo si weyn u caawin jiray ciidamada xoogga dalka.

Bishii August ee sanadkaan ayey mar warbaahinta warisay in ololaha doorashada ee Donald Trump uu ku raadinayo inuu dib ugu soo laabto madaxtinimada ay ka mid tahay inuu kasoo saaro ciidamada wadamada Soomaaliya iyo Afgaanistaan.

Isku darka labada wadan waxaa Mareykanka ka jooga 4,500, (700) ka mid ah waxey joogaan Soomaaliya halka wadanka Afgaanistaan ay joogaan 3,800 kun, waxaana jira walaac ay wadamada Soomaaliya iyo Afgaanistaan ka qabaan wararkaan isi soo taraya ee laga yaabo inuu dhaqan galiyo Donald.

Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 700 oo askari, kuwaas oo badankood ah ciidamo gaar ah oo gacan ka geysta tababarka ciidamada Soomaaliya. Dhammaan ciidamadan ama badankood ayaa waxaa la diray intii uu Trump xukunka hayey.

Trump ayaa bartamihii 2017 billaabay inuu ciidamo dheeri ah u diro Soomaaliya, taasi oo qeyb ka aheyd dadaallada ka hor-tagga argagixisada.

Inkasta oo dowlado badan ay ku tiirsan yihiin ciidamada Mareykanka, haddana bixitaankooda waxay Trump u ogolaan doontaa inuu sheegto inuu ka dhabeeyey ballan-qaad uu sameeyey intii uu socday ololaha doorashada 2016, oo ahaa inuu dhameyn doono dagaallada dibedda, isaga oo horey ciidamada Mareykanka uga soo qaaday Afghansitan, Syria iyo Jarmalka.

Trump ayaa looga adkaaday doorashadii Mareykanka ka dhacday 3-dii November, waxaana xilka kala wareegay Joe Biden 20-ka Janaayo 2021. Haddii Trump uusan ku guuleysan inuu ciidamada Mareykanka ka saaro Soomaaliya ka hor xilligaas, waxay u badan tahay in Biden uu joojiyo qorshahan.

Tigray-ga ‘oo beegsanaya’ Asmara iyo Massawa kadib markii ay duqeeyeen laba garoon oo diyaaradeed

Mekelle (Caasimada Online) – Hoggaamiyayaasha gobolka Tigray-ga dalka Ethiopia ayaa ku hanjabay inay weerari doonaan Eritrea, ayaga oo sidoo kale sheegtay weeraro lagu qaaday garoomo diyaaradeed oo ku yaalla gobolka Amxaarada.

Weerarada lagu qaaday garoomada – iyo hanjabaad la xiriirta kuwa kale oo dheeri ah oo soo socda – ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in dagaalka uu saameeyo gobolka oo dhan, xilli Abiy uu sheegay inuu yahay mid kooban oo ujeedo kooban laga leeyahay.

Weerarada oo dhacay habeenkii Jimcaha ayaa lala beegsaday labada magaalo ee Bahir Dar iyo Gondar ee gobolka Amxaarada oo deris la ah kan Tigray-ga.

Dowladda federaalka Ethiopia ayaa qiratay in garoomada diyaaradeed ay gaareen waxyeelooyin, halka dhaqtar ku sugan magaalada Gondar uu sheegay in laba askari lagu dilay 15 kalena lagu dhaawacay.

“Xalay, waxaan waxyeello xun gaarsiinay goobo militari oo ku yaalla garoomada diyaaradaha Gonadr iyo Bahir Dar,” waxaa sidaas yiri Getachew Reda oo ah xubin sare oo ka tirsan ururka TPLF ee Tigray-ga oo maanta bayaan soo saaray.

Waxa uu sidoo kale ku celiyey war horey uga soo baxay TPLF oo ay ku sheegeen in askar Eritrean-ah ay ku lug leeyihiin dagaalka, taasi oo Ethiopia ay beenisay.

Getachew ayaa ku hanjabay in TPLF aysan ka laba labeyn doonin inay weerarto goobo ku yaalla gudaha Eritrea, oo ay ku jirto caasimadda Asmara.

“Haddii ay weerar nooga soo qaadaan Asmara ama Bahir Dar, waxaa naga go’an inaan qaadno tallaabooyin aargudasho ah. Waxaan gantaallo la beegsan doonnaa goobo cayiman, oo dheeri ku ah garoomada diyaaradaha,” ayuu yiri Getachew Reda.

“Waxaan weerar gantaallo ah ku qaadi doonnaa magaalada Asmara iyo Massawa, si aan u fashilino dhaq-dhaqaaqyada militari.”

Abiy Ahmed ayaa Jimcihii sheegay in TPLF ay qarka u saaran yihiin in laga adkaado, hase yeeshee kooxdan ayaa wacad ku maray inay sii dagaalami doonaan.

Farmaajo oo xilka ka qaaday ku-xigeenada G/Banaadir, magacaabay kuwa cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa is-beddel ku sameeyey maamulka gobolka Banaadir, isaga oo xilalka ka qaaday qaar ka mid ah guddoomiye ku-xigeenada maamulka, isaga oo magacaabay kuwa cusub.

Madaxweynaha ayaa u magacaabay Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, ahna ku-xigeenka 1-aad ee Guddoomiyaha Gobolka iyo Duqa magaalada Muqdisho. Xilkan ayaa waxaa laga qaaday Axmed Xasan Iiman.

Madaxweynaha ayaa Cali Cabdi Wardheere u magacaabay ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda. Xilkan ayaa waxaa laga qaaday Maxamed Cabdullaahi Maxamed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale u magacaabay Faarax Cabdi Diini Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir, isaga oo xilkan ka qaaday Cumar Cali Cabdi.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale u magacaabay Xiireey Axmed Rooble loo magacaabay Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, waxaana xilkaas laga qaaday Cumar C/risaaq oo ahaan jiray Xoghayihii gaarka ee Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey dhammaan masuuliyiintan uu magacaabay in ay degdeg u hirgeliyaan qorshaha hormarineed ee laga sugayo, uguna adeegaan shacabka Soomaaliyeed ee Gobolka Banaadir si daacadnimo iyo waddaniyad leh, wuxuuna ku ammaanay gudoomiyeyaashii hore ee xilalkan soo hayey wakhtiga ay u hureen u adeegidda shacabkooda iyo dalkooda.

Guddoonka baarlamaanka maamulka HirShabelle oo arrin lama filaan ah ballan qaaday

0

Jowhar (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka HirShabeelle mudane Cabdixakiin Luqmaan ayaa ballan qaaday in xukuumadda hadda loo dhisay maamulkaas ay muddo afar sano ah wada shaqeyn doonaan.

Gudoomiyaha wuxuu sheegay iney afarta sano ee soo socota ku wada shaqeyn doonaan is qabqabsi la’aan, xasilloni iyo mooshin la’aan.

Sidoo kale wuxuu bulshada rayidka ah uga mahad celiyay sidii ay qeyb weyn uga qaateen in la sugo amniga goobta doorashada iyadoo lagu jiro xilli xasaasi ah, wuxuuna carabka ku adkeeyay in Hirshabeelle ay gali doonto marxalad cusub.

Isagoo bulshada reer Hirshabeelle la dar-daarmaaya wuxuu sheegay ineysan wada shaqeynta ku ekaanin maalmahii doorashada oo ay sii wadaan si loo gaaro guulo kale oo wax ku ool ah.

Gudoomiyaha Baarlamaanka wuxuu sidoo kale sheegay in qorshahooda yahay iney maamulka ka dhigaan mid ka duwan sidii hore, isla markaana ay sameeyaan wada shaqeyn buuxda oo dhexmarta dadka ay talada ka dhaxeyso iyo bulshada si loo gaaro hiigsigooda ah in lagu wada noolaado xasilooni.

Tigrayga oo weerar culus ku qaaday gobolka Amxaarada xilli dagaalku sii xoogeystay

0

Addis Ababa (Caasimadda Online) – Ciidamada Tigray-ga ee dagaalka kula jiray ciidamada dowladda federaalka Ethiopia ayaa lasoo sheegayaa iney gantaallo ku garaaceen deegaano ka tirsan ismaamulka Amxaarada iyadoo weerarkaasi uu ka dhashay khasaare.

Magaalooyinka Gondar iyo Bahirrdaar oo ku yaalla ismaamulka Amxaarada ayaa la duqeeyay, waxeyna Tigray-ga sheegeen iney kaga jawaabayeen weerarada kaga imaanaya dowladda dhexe, oo ciidanka ay adeegsaneyso ay u badan yihiin Amxaaro.

Wararka laga helayo gudaha Ethiopia ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay shan aag kaga wajahan yahiin magaalada Makelle ee xarunta ismaamulka Tigray-ga, waxaana laga cabsi qabaa iney billowdaan maalmo dagaal culus ah.

Sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan ciidamada Itoobiya, qorshaha xiga wuxuu yahay in la beegsado deegaanada Adigrat, AbiyAdi, Ambalage iyo Gijet oo ah goobaha ugu muhiimsan maamulka Tireega.

Militariga Itoobiya waxey sheegeen inay billaabi doonaan wajiga labaad ee hawlgalka loogu magac daray mideynta Ethiopia, waxaana tani ay imaneysa ayada oo caalamka ay ku baaqayaan in dagaalka la joojiyo.

Dowladda Mareykanka ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda gobolka Tigray ee dalka Ethiopia, kaasi oo u dhaxeeya kooxda TPLF iyo ciidamada federaalka dalkaas.

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee Afrika Tibor Nagy ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku yiri “waxaan cambaareyneynaa shacabka lagu xasuuqa magaalada Mai-Kadra, waxaana ku baaqeen in la qaado tallaabo deg deg ah oo lagu qaboojinayo xiisadda gobolka Tigray. Waa muhiim in nabadda lasoo celiy,o shacabkana la bad-baadiyo.”

Guddoomiyaha BF oo ku dhowaaqay guddi billaabaya baaritaan cusub + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa guddi gaar ah u xil-saaray saameynta ka dhalatay cudurka saf-mareenka ah ee Coronavirus oo horey uga dilaacay Soomaaliya.

Guddigan oo ka kooban illaa 9 xildhibaan, ayaa waxaa looga fadhiyaa inay baaris ku soo sameeyaan dhibaatada ka dhalatay xanuunka iyo sida loo maareeyey dhaqaalihii loogu talagalay in lagu xakameeyo cudurkan oo qaar la sheegay in la musuq-maasuqay.

Sidoo kale guddiga ayaa qiimeyn doono in si siman adeegyada caafimaad loo gaarsiiyey dhammaan dadka Soomaaliyeed ee uu saameeyey cudurkaasi.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska Mursal ayaa waxaa sidoo kale lagu shaaciyey in guddigan laga sugayo warbixin dhab ah oo ku aadan saameynta Covid-19 ee Soomaaliya.

Dhowaan xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhageystay warbixin ku aadan xaaladda Coronavirus iyo tallaabada ka hortagga ah ee la qaaday.

Si kastaba dowladda federaalka ayaa horey u xir-xirtay mas’uuliyiin & shaqaale ka tirsan wasaaradda caafimaadka oo lagu eedeeyey inay musuq-maasuqeen gargaarka Covid-19.

Maxay Qaramada Midoobe ka tiri maalgashiga Turkey ee Somalia oo gaaray $bilyan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa markii ugu horreysay si faah faahsan uga hadlay maalgashiga Turkiga ee Soomaaliya iyo taageerada uu siiyo dowlada dhexe.

Swan oo la hadlayey wargeyska Daily News ayaa marka hore boggaadiyey sida hagar la’aanta ah ee ay xukuumadda Ankara u garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu shaaciyey in maalgashiga iyo kaalmada horumarineed ee Turkiga ay sare u qaaday kobaha dhaqaalaha ee dalka, ayna yareysay  shaqo la’aanta.

“Waxaan aragnaa jawaabta Turkiga ee baahiyaha muhiimka ah. Dadaallada Turkiga ee ku aaddan dhismaha waddooyinka [ama] shirkadaha gaarka loo leeyahay ee lagu horumarinayo shaqada iyo waxqabadka garoonka si loo hubiyo in howlaha dekedda ay saameyn ballaaran ku yeesheen dhaqaalaha, gaar ahaan magaalada Muqdisho,” ayuu James Swan.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay in dhammaan kaalmadaas ay muhiim u tahay kaabayaasha dhaqaale ee dalka Soomaaliya

“Kuwani waa qaybo muhiim u ah kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka,” ayii sii raaciyey ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Taageerada Turkiga ee Soomaaliya, gaar ahaan dhanka maalgashiga ayaa maanta  gaartay qadar dhan $ 1 bilyan oo aysan ku jirin howlaha bani’aadanimo iyo horumarka.

James Swan ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in tababarada Turkiga uu siiyo ciidamada Soomaaliya au door weyn ka qaadaneyso awooda iyo dhismaha Xoogga Soomaaliyeed.

“Taageerada balaaran ee loo fidiyay barnaamijka tababarka ciidamada ee Turkiga waxay gacan ka gaysatay dhismaha awooda amniga ee Soomaaliya. Tani waa muhiim maxaa yeelay, ugu dambeyn rajada laga qabo waxay tahay in ciidamada Soomaaliya ay la wareegaan mas’uuliyadda koowaad ee amniga qaranka,” ayuu markale yiri Swan.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa haatan ka dhexeeyo xiriir xoogan iyo iskaashi dhinacyo kala duwan leh oo soo billowday, tan iyo sanadkii 2011-kii.

Xog: Tirada ciidamada ay dowlada Ethiopia ka saartay Soomaaliya oo la ogaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta Bloomberg ee Mareykanka ayaa werisay in dowladda Ethiopia ay kumanaan askari kala baxday Soomaaliya, sida ay sheegeen saddex ilo-wareed oo xog-ogaal ah.

Caasimada Online ayaa aheyd warbaahintii ugu horreysay ee toddobaad ka hor shaacisay in qaar ka mid ah ciidamada Ethiopia ee aan ka tirsaneyn Amisom laga saaray Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Gedo, inkasta aynan helin tirada rasmiga ah.

Hase yeeshee Bloomberg ayaa werisay in Ethiopia ay Soomaaliya ka saartay 3,000 oo askari, kuwaasi oo dib loogu daad gureeyey dalkooda, si ay gacan uga gaystaan dagaalka lagu qaaday gobolka Tigray, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Si la mid ah Caasimada Online, Bloomberg waxay werisay in ciidamada la saaray aysan qeyb ka ahayn 5,000 askari ee Ethiopia ugu jirta howlgalka nabad ilaalinta ee Amisom.

Afhayeenka wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, oo arrintan wax laga weydiiyey ayaa sheegay in su’aalaha la xiriira arrintan la weydiiyo dowladda Ethiopia, maadaama ciidamada la saaray aysan ahayn kuwa qeybta ka ah Amisom.

Dhinaca kale, Caasimada Online ayaa ogaatay in Wasaaradda Gaashaandhigga Ethiopia ay billowday inay saraakiisha Tigray-ga ee qeybta ka ah ciidamada Amisom ka saarto Soomaaliya.

Qorshahan ka dhanka ah saraakiisha Tigray-ga ayaa ah mid qoto dheer oo dhinac walba looga beegsanayo, xilli uu socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya dowladda uu hoggaamiyo Abiy Ahmed iyo gobolka Tigray-ga ee dalkaas.

Sababta loo saarayo saraakiisha iyo ciidamada Tigray-ga ayaa lagu sheegay inay tahay inaan la isku haleyn karin daacadnimadooda.

Madaxweyne Guudlaawe oo doorashadiisa kadib weerar ku qaaday beesha caalamka

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee maamulka HirShabelle, Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) oo la hadlayey warbaahinta ayaa eedeyntiisii ugu horreysau u jeediyey beesha caalamka ee fadhigooda yahay magaalada Muqdisho.

Cali Guudlaawe ayaa sheegay in xubnaha beesha caalamka aysan wax gacan ah ka geysan dhismaha maamulka HirShabelle iyo doorashadii ka dhacday Jowhar.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in iyagu ay tashteen, islamarkaana ay dhisteen maamulkooda sida uu hadalka u dhigay.

“Beesha caalamka wax gacan ah oo ay nagu siiyeen majirto dhismaha HirShabelle, anaguna waan tashanay,” ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe.

Madaxweynaha cusub ee HirShabelle oo hadalkiisa ayaa wata ayaa amaan iyo boggaadin u jeediyey odayaasha dhaqanka iyo guddiga dhismaha ee maamulkaasi ee ka shaqeeyey soo xulista xildhibaanada cusub iyo doorashadii madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka qeybihiisa kala duwan inay la shaqeeyaan maamulkiisa, si loo horumariyo gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

A/Madoobe oo ugu dambeyn caddeeyey mowqifkiisa doorashada Guudlaawe

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa noqday maamulkii ugu dambeeyey ee war-saxaafadeed kasoo saaray aragtidiisa ku aadan doorashadii madaxweynaha HirShabeelle ee lagu doortay Cali Guudlaawe.

Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa lagu sheegay in Dowlad Goboleedka Jubaland ay hambalyo iyo bogaadin u direyso Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleeedka HirShabeelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Ku-xigeenkiisa Mudane Yuusuf Axmed Hagar.

“Madaxweynaha Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ku hadlaya afkiisa, kan xukuumada iyo kan shacabweynaha reer Jubaland ayaa hambalyo waafi ah u diraya madaxda cusub ee Dowlad Goboleedka HirShabeelle, Islamarkaana Alle uga baryaya inuu u fududeeyo gudashada waajibaadka xilalka loo doortay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Ugu danbeyn, Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa ugu hambalyeeynaya shacabka Dowlad Goboleedka HiShabeelle oo si nabad ah ugu dhacday doorashada madaxdooda, una rajeeyey inay sii xoojistaan nabada iyo dhismaha hanaanka dowladnimo ee ay hasytaan.”

Cali Guudlaawe ayaa noqday madaxweynaha kaliya ee doorashadiisa aanay ka dhalanw ax khilaaf ah, ayada oo mucaarad iyo muxaafid ay si isku mid usoo dhoweeyeen, taasi oo ka duwan madax goboleedyadii hore oo khilaaf xooggan uu hareen jiray doorashadiisa.

Mucaaradka ayaa inta badan ku eedeeya dowladda inay faro-gelin ku hayso maamul goboleedyada, ayna si musuq-maasuq ah kusoo saartay madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed, hase yeeshee way ka gaabsadeen inay eedeyn noocaas ah u jeediyaan doorashadii HirShabeelle.

Abiy oo bilaabay qorshe ka dhan ah saraakiisha Tigray-ga ee jooga gudaha Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Ethiopia ayaa billowday inay saraakiisha Tigray-ga ee qeybta ka ah ciidamada Amisom ka saarto Soomaaliya.

Qorshahan ka dhanka ah saraakiisha Tigray-ga ayaa ah mid qoto dheer oo dhinac walba looga beegsanayo, xilli uu socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya dowladda uu hoggaamiyo Abiy Ahmed iyo gobolka Tigray-ga ee dalkaas.

Tallaabadan ayaa timid ayada oo toddobaad ka hor ay dowladda Ethiopia ka saartay Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Gedo ciidamo aan qeyb ka ahayn Amisom. Waxaa hadda soo baxeysa in ciidamadaas oo gaaraya 3,000.

Sababta loo saarayo saraakiisha iyo ciidamada Tigray-ga ayaa lagu sheegay inay tahay inaan la isku haleyn karin daacadnimadooda.

Ilo-wareedyo diblomaasiyadeed ayaa shaaca ka qaaday in dalalka Kenya iyo Jabuuti ay ka carroodeen tallaabada Abiy Ahmed, ayaga oo sheegay in qalalaasaha gudaha ee dalka Ethiopia uu xasilooni darro ka abuurayo Amisom.

Dhinaca kale, ururka Midowga Afrika ayaa shaqada ka eryey madaxii amniga ee ururkaas, oo u dhashay dalka Ethiopia, kadib markii dowladda Abiy Ahmed ay ku eedeysay inuusan daacad u ahayn dalka.

Xafiiska guddoomiyaha ururuka Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa soo saaray amarka shaqada looga eryey Gebreegziabher Mebratu Melese, kaasi oo ku taariikheysan 11-kii November.

Amarka lagu eryey Gebreegziabher Mebratu Melese ayaa yimid kadib markii wasaaradda gaanshaadhigga Ethiopia ay soo saartay warqad ay sidaas uga dalbaneyso ururka Midowga Afrika.

Hoos ka arag warqadda kasoo baxday Midowga Afrika

Mareykanka oo war deg deg ah kasoo saaray dagaalka ka socda gobolka Tigray

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda gobolka Tigray ee dalka Ethiopia, kaasi oo u dhaxeeya kooxda TPLF iyo ciidamada federaalka dalkaas.

Warka kasoo baxay Mareykanka ayaa yimid kadib markii ay soo baxeen warbixino sheegaya in boqolaal qof lagu xasuuqay magaalo ka tirsan gobolka, sida ay sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International.

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee Afrika Tibor Nagy ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku yiri “waxaan cambaareyneynaa shacabka lagu xasuuqa magaalada Mai-Kadra, waxaana ku baaqeen in la qaado tallaabo deg deg ah oo lagu qaboojinayo xiisadda gobolka Tigray. Waa muhiim in nabadda lasoo celiy,o shacabkana la bad-baadiyo.”

Dagaalka gobolka Tigray ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo in Ethiopia ay lugaha la gasho dagaal sokeeye.

Dagaalka ayaa durba sababay xaalad bani’aadannimo oo liidata, ayada oo 14,00 oo qof oo shacab ah ay ka qaxeen gobolka, islamarkaana u gudbeen dalka Sudan.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa howlgalka militari ee gobolka Tigray amray 4-tii November, kadib markii uu ku eeedeeyey ciidamada TPLF inay weerareen xero militari oo ku taalla gobolka, TPLF waa ay beeniyeen eedeyntaas.

Madaxa xuquuqda aadanaha QM Michelle Bachelet ayaa ku baaqday baaritaan deg deg ah oo lagu sameeyo xasuuqa la sheegay inuu ka dhacay magaalada Mai-Kadra, kaasi oo goobjoogeyaal ay sheegeen inay ka dambeeyaan ciidamada TPLF.

Muqdisho iyo Mucaaradka: Maxaa la filaa todobaadkan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la filayaa in toddobaadkan magaalada Muqdisho ku soo laabtaan dhamaan siyaasiinta mucaaradka ah iyo musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo muddooyinkaan ku maqnaa dalka dibadiisa.

Mas’uuliyiinta kusoo wajahan magaalada Muqdisho waxaa kamid ah, Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Maxamed Cabdiraxmaan Siiriin, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Sheekh Daahir Maxamuud Geelle iyo mas’uuliyiin kale,

Madaxdaan ayaa hada ku kala sugan Nairobi, Jabuuti, Masar iyo Turkiga waxaana jira warar sheegaya in qaarkood ayba soo gaareen magaalada Muqdisho maalmihii ugu dambeeyay.

Mas’uuliyiintaan ayaa markii ay dalka ku soo laabtaan qaban doono shirar ku saabsan xaaladda dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo guddiyada magaaban.

Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in wixii hadda ka dambeeya kulamada siyaasadeed ee doorashooyinka ay u badnaan doonaan gudaha dalka, islamarkaana laga soo wareegan doono kaambeenka dibadda ah.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ayaa la filayaa inay kadib aadaan maamul goboleedyada dalka oo ay ka raadinayaan taageero, maadaama halkaas lagu soo dooran xildhibaanada labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya.

Al-Shabaab oo toogasho ku dilay sarkaal Kenyan ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Kenya.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in dilka oo ay fuliyeen rag hubeysan uu ka dhacay deegaanka Caliyaale ee hoostaga Mandera ee gobolka Waqooyi Bari.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in kooxda hubeysan ay rasaas ku fureen sarkaalkaasi oo isla goobta ku geeriyooday.

Magaca sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu sheegay Cabdi Nuur Cumar, kaas oo dhowaan madax looga dhigay ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo ka howl-gala halkaasi.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilkaasi, waxaana ay shaacisay in dagaayahano ka tirsan kuweeda ay fuliyeen toogashadaasi.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada Booliiska dowladda Kenya oo ku aadan dilkaasi.

Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ka fuliya deegaano ku yaalla xadka ay wadaagaan dalal Soomaaliya & Kenya.

Khasaare ka dhashay weerar xalay ka dhacay Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar loo adeegsaday Toorey oo xalay ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Weerarka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen dhalinyaro wada-dagan magaaladaasi, kuwaas oo isku adeegsaday Tooreeyo ama Mindiyo.

Inta la xaqiijiyey waxaa dhacdadaasi ku dhintay ugu yaraan labo dhalinyaro ahaa, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

“Labo wiil oo dhalinyaro ah ayaa lagu dilay Mindi, kadib markii ay isku dhaceen dhalinyarada labo xaafadood oo katirsan Magaalada Boosaaso, waa ay baxsadeen balse baaris ayaa socota,” ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi, iyaga oo gacanta ku dhigay tiro dhalinyaro ah.

Saraakiisha ayaa ammaanka ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka inay daganaan muujiyaan, waxaana ay tilmaameen in qaar ka mid ah dhalinyarada lagu eedeeyey falkaasi ay haatan ku xiran yihiin xasbiga magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Xaaladda ayaa saaka ah mid degan, balse dadka deegaanka ayaa hadal haya dhacdadaasi oo ah mid ugub ah.

Maxaa SOOMAALIDA kala gudboon dagaalka ka socda gobolka Tigray ee Itoobiya?

Soomaalidu, meel ay joogtaba, waxay aad ugu mashquushay dagaalka ka qarxay Itoobiya ee u dhexeeya dowladda dhexe ee dalkaas iyo maamul goboleedka Tigreega. Siyaabo kala duwan ayay uga falceliyeen ammuurta murugsan ee dalkaas ka taagan. Qaar badan oo siyaasiyiinta Soomaalida ka mid ah, sida madaxweyanaha Soomaali-Galbeed Mustafa Cagjar iyo wasiirka amniga ee Galmudug mudane Fiqi, ayaa ku dooday in ay Soomaalidu garab siiso dowladda dhexe ee Itoobiya si loo dhib-tiro kooxdii dhiigyacabka ahayd ee Tigreega taasoo haatan ku dhuumaalaysanyo ismaamulka Tigreega. Sidoo kale, aqoonyahanno Soomaali ah, sida Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagey), ayaa iyaguna qabo in colaadda halkaas ka aloosantay ay Soomaalidu khatar ku tahay in ka badan inta ay Itoobiya ku tahay. Rashiid Cabdi, oo ah falanqeeye siyaasadeed iyo aqoonyahan waqti dheer ka shaqaynayay Geeska Afrika wuxuuba gaaray inuu ku doodo in aan Tigreega la jabin karin. Haddaba Soomaalida maxaa uga bannaan dagaalkaan? In ay dhinac xoojiso se dani ma ugu jirtaa?

Marka kowaadba haddaad si hoose u eegto qaabka aan u dhuun-daloolno dagaalka iyo xaaladaha ka socdo Itoobiya waxaa kugu dhalanayo cabsi weyn. Waxaad ismoodsiin in dadkiiba ay Itoobiyaan noqdeen. Waxaa uu shaki kaa gali in dagaalku ka socdo gudaha Soomaaliya. Itoobiya dagaalka ka socdo uma dhawa Soomaalida. Meesha uu hadda ka dhacayo waa cirifka ugu shisheeyo ee dalkaas. Qaxootigiisu masoo gaaro Soomaalida jid ay u maraanna ma jiro oo waxaa ka xigo qowmiyado badan. Haddii uu sii xoogaysto oo gudaha Itoobiya kusoo fido, waa un sannado badan ka dib marki uu soo gaaro xudduudaha Soomaalida. Haddaba, iyadoo xuddunta dagaalku intaas noo jiro, oo uusan nooga dhawyn midka ka socdo ama muddo dheer ka socday Koonfurta Suudaan, maxaa keenay inaan sidaan ugu mashquulno? Ma Itoobiya ayaa naga xigto Koonfurta Suudaan? Ma innagi ayaa isu qabno Itoobiyaan oo jirkaa nala gubanayo dagaalka dalkeenna ka qarxay? xaqiiqdi waa su’aalo aan jawaab loo hayn. Waa cajaa’ib yaab leh oo na tusaysa sida aan ugu sigannay inaan isu dhiibno Itoobiya. hubaal waxaa ah in qalbigeennu Itooboyaannimo gashay intay doontaba ha la ekeetee! Waxaa halkaan ugu socdaan inaan iraahdo, waxaaba gabi ahaanba khalad ah inaan sidaan ugu mashquulno dagaal sokeeyo oo dal khalaad ka socda.

Labo, Itoobiya waxa ka socda waa dagaal sokeeyo oo dad iyo dowladdiisa u dhaxeeyo. Shacab ahaan, meelna noogama bannaana in qayb ka noqonno dagaal sokeyo oo aan dalkeenna ka socon. Qayb ka noqoshada ama kala taageeridda labo kooxood oo dalkooda isku haysa waxay ka dhigan tahay inaan ka mid nahay oo aannan meelna uga baxsanayn. Sidaa darteed, shacabka Soomaaliyeed iyo maamul goboleedyadiisasinnaba ugama qayb qaadan karaan dagaalkaas. Xagga dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamullada ay qusayso sida kan Soomaali-Galbeed iyagu mowqif way qaadan karaan aan aad u xoogganayn. Waxaan u jeedaa inaan iraahdo waa ay ka hadli karaan laakiin ma habboona inay cudud iyo calaf kaga qayb galaan. ka hadlidda waxaan ka wadaa inay cambaareeyaan ama soo dhaweeyaan hadba kan ay u arkaan in dantoodu ku jirto. Laakiin maslaxo Soomaaliyeed kuma jirto in Abiy loogu kaalmeeyo dagaalka si uu dhaqso ugu soo afjaro.

Waxaa laga yaabaa inaad u qaadato inaan u beer jileecayo Tigreegi na gumeeyay. Maya! Xaasha! Kuwaas gumeyntooda waa waxa aan ugu farxad badnahay inaan maqlo. Laakiin Walaalka Soomaaliyeedow yaan lagaa gadin in dhibka Tigree kaliya ahaa. Waxaa na dhibaateeyay, khatarta galiyay jirintaankeenna ilaa haddana khatar nagu ah waa Itoobiya ee Tigree maaha. Tigree xukuumaddi Itoobiya ayuu madax ka ahaa, isla Itoobiyadii iyada ahayd oo isla ujeeddadi qabto, hadafku isla kii yahay ayuu hadda Abiy Axmed hormuud ka yahay. Taasu waxay ka dhigan tahay inta uu mashquulsan yahay waa dhib iyo dhibaato naga mashquulsan. Haddii se loogu kaalmeeyo inuu dhaqsoo afjaro dagaalka, waxaa uu usoo jeesto waa siyaasadda arrimaha dibadda taas oo ay kow tahay danaha ay Soomaaliya ka leeyihiin.

Hadalkayga ha u qaadan mid xaasadnimo ku dhisan. Dhimashada carruurta iyo hooyooyinka qaxayo marnaba kuma farxayo. Sidoo kale i faraxgalin mayso dhimashada shacab iyo barakaca dad Afrikaan ah. Balse waxaan ka hadlayaa waxaa ay tahay in aan annagu qayb ka noqonno kuwa is barakicnayo ama islaynayo oo marki ay kala bogtaan nagu soo jeesan doono. Xasuusnow, in Tigreegu Soomaalida usoo jeestay shan sannadood ka dib markuu xukunka xoogga ku qabsaday. Intii u dhaxaysay 1991 ilaa 1995, wuxuu ku mashquulsanaa siduu u xasilin lagaa gudaha dalkiisa. Soomalida uu haytso iyo tan dariska la ahaydba wuxuu isaga dhigay Males inuu xabiib jecel u yahay. Waxaan soo gaaray iyadoo la yiraahdo Itoobiyada cusub tii hore maaha iyo Males Soomaaliya ayaa wax bartay oo Soomaalida waa uu jecel yahay. Abiy Axmed inuu isla jidkii Males hayo ayaan aamminsanahay. Waxaa uu doonayaa inuu isa suuxiyo inta uu ka xasilanayo siyaasadda gudaha dalkiisa, markii uu midigta ku dhigo Itoobiya oo dhanna uu isku dayi noo inuu noqdo Males kale.

Waxaan fursad haysannaa inta Itoobiya isku mashquulsan tahay. Mar walba oo xallinta xiisadaha gudaha Itoobiya daba dheeraato waxaan helaynaa fursad aan dalkeenna ku nabadayno oo aan ku xirno albaab walba oo uu cadowgu naga soo gali lahaa. Haddii se aan fududayno Itoobiya inay si dhaqso ah u xasisho, waxaan soo dadajinnay dhibaato aan ka baaqsan karnay iyo mowjado aan ku mashquuli doonno sidaan isaga muusi lahayn. Warki oo kooban xaaladda Itoobiya aan ka dhigno “qori iyo qiiqiis waa la isla tuuraa”.

Ibrahim Aden Shire – Waxaad kala xiriiri kartaa email: [email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid