26.7 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xaaladda ERDOGAN kadib markii saraakiil u dhow laga helay cudurka Covid-19

Ankara (Caasimad Online) – Saraakiil sare oo u dhow madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa laga helay cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19, kuwaasi oo ka tirsan madaxtooyada iyo golaha dalkaasi.

Ibrahim Kalin oo ah afhayeenka madaxweyne Erdogan ayaa shaaciyey maalintii shalay aheyd in laga helay cudurka, isagoona sheegay inuu isku arkay astaamaha yar-yar ee cudurkaasi.

Afhayeenka ayaa ka gaabsaday in uu faah-faahin dheeriya ka bixiyo xaaladiisa caafimaad, kadib marka laga helay cudurka, midaasi oo ka dhigeysa in halis caafimaad uu wajahi karo madaxweyne Erdogan.

Sidoo kale Wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi, Suleyman Soylu ayaa isaguna shaaciyey in cudurka Coronavirus laga helay, isaga iyo xaaskiisa, iyo weliba gabadh ay dhaleen.

Soylu oo wax laga weydiiyay xaaladooda caafimaad ayaa sheegay in xaaladooda ay hadda wanaagsan tahay, isla markaana ay kasoo reysanayaan cudurka.

Labadan mas’uul ayaa lasoo warinayaa inay kulamo la qaateen madaxweyne Erdogan, ka hor inta aan la xaqiijin inay qabaan cudurkaasi, maadama ay ahaayeen labo mas’uul oo aad ugu dhawaa madaxweynaha.

Madaxweyne Erdogan ayaa gebi ahaanba ka bad-qaba cudurkan, kadib markii baaritaano lagu sameeyay, markii laga helay cudurkaasi afhayeenkiisa iyo wasiirkiisa arrimaha gudaha.

Turkiga ayaa markale u muuqda in uu kusoo labo kacleeyay cudurka Coronavirus, iyada oo kiisaska lasoo wariyey maalintii shalay aheyd oo kaliya lagu sheegay 75-kiis.

Madaxweyne Qoor Qoor oo digniin u diray wasiiradiisa

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa markii u horeysay luuqad adag kula hadlay golihiisa wasiirada, isagoona carabka ku adkeeyay in looga baahan yahay inay si deg-deg u qabsadaan shaqooyinkooda.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa sheegay in xubnaha golaha wasiirada Galmudug & Hay’adaha kala duwan ee maamulkiisa laga rabo inay sida ugu dhaqsaha badan u gutaan waajibaadkooga, xili uu hadal ka jeedinayay baarlamaanka Galmudug.

Sidoo kale waxa uu sheegay in shuruucda kala duwan ee Galmudug ay jiraan wasaarado baarlamaanka u gudbiyay iyo kuwo aan weli gudbin, isagoona faray in wasaaradaha dhiman ay soo dhameystiraan shuruucdooda.

Qoor Qoor ayaa golaha baarlamaanka Galmudug kula dar-daraamay inay si adag ula xisaabtamaan golaha wasiirada Galmudug iyo hay’adda kale ee maamulkiisa, midaasi oo uu sheegay inay meesha ka saareyso ‘gaabis ku yimaada waxqabadkooda’.

Ugu dambeyntiina waxa uu xildhibaannada baarlamaanka Galmudug uga mahad-celiyay sida ay u meel-mariyeen shuruuc kala duwan oo ay u gudbiyeen qar kamid ah golaha wasiiradiisu.

Doorashada USA: Guusha Trump ama Joe Biden maxay uga dhigan tahay dunida?

Maalinta Talaadada ee November 3, 2020 muwaaddiniinta Mareykanka ee aan weli codkoodii bixin ayaa u dareeri doonaa goobaha codbixinta. Donald Trump oo ah madaxweyne xilfadhiya oo shacbiyad lixaad leh ku yeeshay fulinta ballanqaadkii dib u soo kabista dhaqaalaha, ayaa wajahaya Joe Biden oo ah siyaasi ruugcaddaa oo ku ololneynaya in maamulku ku fashilay maareynta caabuqa safmareenka ah “Covid-19” ee ilaa hadda dilay tiro ku dhawaad rubac malyan   (230,ooo) qof oo Mareykan ah.

Madaxweyne Donald Trump oo ay muuqato inuu baac dheer yahay musharrax Joe Biden marka lays barbar dhigo xamaasadda taageerayaasha, ayaa dadka da’da ah oo kolkii hore doortay iyo kuwa madow oo badankoodii Heleray Clinton u codbixin ayaa muuqda inay u weecdeen dhinka Biden. Wax weyn ma kala tira badna taageerayaasha labada xisbi Jambuuriga iyo Dimuqraaddigaba, balse waxaa doorashooyinka dhinac u rida codbixiyeyaasha loo yaqaan kuwa “madaxabannaan.”

Sida muuqata hoggaanka xisbiga Dimuqraaddiga waxuu bartilmaamsanayaa inuu dib ula soo noqdo seddaxdii gobol ee kolkii hore laga boobay (Michigan, Wisconsin iyo Pennsylvania). Taas waxay ka dhigan tahay in lagu biyo keenay xisbiga Jamhuuriga, lagana yaabo inay lumiyaan mid ama ka badan xubnaha aqalka sare ee gobollada Arizona, Georgia iyo Nord Carolina.

Ma sahlana in si sax ah loo saadaaliyo natiijada doorashada, inkastoo ilaa hadda ay codkoodii bixiyeen dad kor u dhaafay 90 malyan oo u dhigma saddex meelood laba meel codbixiyeyaashii 2016kii. Walwalka taagan ayaa ah inaan la hubin odorasyaashu inaysan ku dhici doonin qaladaadkii doorashadii hore (2016), inkastoo sanadkaan ay yar tahay codbixiyeyaasha aan weli go’aansan dhanka codkoodu u dhacayo.

Maqaalka uu Thomas Friedman ku qoray wargeyska New York Times asagoo ka walwalsan dimuqraadiyadda dalkiisa ayuu ku yiri, “codayn xor ah iyo xalaal ah, iyo rajada ah in si nabad ah xukunka loo wareejiyo ayaa labadaba su’aal ka taagan tahay.” Madaxweyne Trump ayaa siyaabo kala duwan u sarbeebay in dib loo doorto mooye uusan si sahlan awoodda u wareejin doonin. Taas waxuu micnaheedu yahay in laysla aadi doono maxkamad dibna loo tiri doono codbixinta isu dhowaata ee gobollada qaarkood.

Siyaabo badan ayaa doorashada Mareykanka u saamayneysaa dunida. Afar sanadood oo dheeraad ah inuu helo Trump waxay ka dhigan tahay in Maraykanku dib uga gurto taageerada caalamka xilli dunida u baahan tahay hawlgalkiisa. Dalalka Shiinaha, Iraan, Midowga Yurub waxay u arkayaan inuu yahay qof aan la saadaalin karin. Aragtidaas mid ka duwan waxaa qaba dalalka Hindiya, Ruusha, Khaliijka Carbeed, iyo kuwo kale. 

Si kastaba ha ahaate, Maraykan waxaa ka hirgashay dimuqraadiyadda ugu da’da weyn dunida, walow jawiga qaranka ay soo wajahday cabsi dhalin karta rabshado tijaabo gelisa Dimoqraadiyada.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Soomaali qeyb ka ah baadi goobka dad lagu la’yahay dhul gariirka dalka Turkiga

0

Ankara (Caasimadda Online) – Dhul gariir xoogan ayaa ku dhuftay gobolka Izmir ee dalka Turkiga, waxaana jira wali rajo laga qabo in la helo dad ku xayiran dhismayaashii dumay hoostooda taasoo baadi goobo loogu jiro.

Soomaalida ku nool wadanka Turkiga ayaa qeyb ka ah baadi goobka dadka lagu la’yahay dhul gariirka iyadoo lasoo warinayo in dad Soomaali ah oo macdanta qoda ay si samafal ah ugu gurmanayaan dadka ku dhibaateysan dhismayaasha hoostooda.

Soomaali ku nool degmada Bayraklı ayaa shaqadooda usoo dhaafay si ay u badbaadiyaan walaalahood, waxeyna u warrameen idaacadda adduunka la hadasha BBC-da qeybteeda afka turkiga.

Ilaa iyo hadda 81-qofood ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen dhul-gariirka ka dhacay Izmir maalinimadii Jimcaha, waxaana cabirkiisa lagu sheegay 6.9, waxaana wali socda dadaallo lagu soo badbaadinayo dad la tuhunsan yahay iney wali nool yahin.

Muddo ku dhaw 10-sano dhul-gariir nuucaan ah ma aysan arkin dadka Turkiga, waxaana ugu dambeysay sanadkii 2011 markaas oo magaalada Van ee bariga Turkiga dhacda uu ku dhuftay dhul gariir xoogan oo galaaftay nolosha 500 qofood.

Dhamaadkii qarnigii hore ayey Turkiga la kulmeen dhul gariirkii ugu xooganaa ebid, waxaana uga geeriyootay 18 kun oo qofood kadib laba dhul gariir oo ka dhacay waqooyi galbeed dalkaas.

BF Somalia oo ka doodayo labo arrin oo muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka oo maanta kulan ku yeelan doono xaruntooda Villa Hargeysa ayaa ka doodaya labo qodob oo muhiim ah.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa xalay lagu war-geliyey dhammaan xildhibaanada baarlamaanka, si ay u soo xaadiraan.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in kulankan oo ka mid ah kulamada caadiga ah ee baarlamaanka inuu furmo saacadaha soo socda.

Xildhibaanada ayaa si gaar ah uga doodaya ajandayaasha kala ah: – 1. Akh 3aad ee H/Sh Hay’ada Diiwaangalinta iyo bixinta Aqoonsiyadda, 2. Akh 2aad ee H/Sh Socdaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhowaan shaaciyey inay dardar-gelin doonaan howlaha hor-yaalla baarlamaanka Soomaaliya.

Si kastaba, golaha shacabka oo uu haatan ka sii dhammaanayo muddo xileedka ayaa doonaya inay ka faa’iideystaan waqtiga yar ee u haray, ka hor doorashada 2020/21.

Puntland oo howlgal kula wareegtay deegaano lagu arkay kooxda Al-Shabaab

0

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada daraawiishta Puntland oo saacadihii la soo dhaafay gaaray gobolka Sanaag ayaa howlgallo ka sameeyey gudaha gobolkaasi.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka fuliyeen deegaano hoos yimaada degmada Laas-Qoray ee gobolkaas oo dhowaan lagu arkay Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay la wareegeen deegaanka Gurya-Samo iyo tuulooyin hoos yimaada, halkaas oo ay ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo culus.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey in u jeedkooda uu yahay, sidii looga hortagi lahaa dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo si dhuumaaleysi ah ku jooga gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, iyadoona dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka qarxo halkaasi.

Si kastaba dhaq-dhaqaaqyadan ayaa ku soo aadaya, iyada oo todobaadkii hore ay kooxda Al-Shabaab ku dhowaaqay inay la wareegtay deegaano ka tirsan gobolka Sanaag, walow markii dambe ay dib uga baxeen dagaalyahanadii lagu arkay qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Xog: Safarka Sheekh Shariif ee Jowhar oo salka ku haya laba arrin

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle, waxaana halkaas soo dhoweyn ballaaran ugu sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabeelle iyo kuwa maamulka gobalka Shabeellada Dhexe.

Sheekh Shariif, ayaa socdaalkiisa ku sheegay inuu u kuur galayay doorashada maamulka HirShabeelle iyo in uu soo arko xaaladda gobalka iyo bulshada degaanka.

Ilo-wareedyo ku dhow ayaa socdaalka madaxweynihii hore ku sheegay laba arrin oo kala ah.

1- Inuu ka qeyb qaato dadaallada lagu dhameynayo tabashooyinkii ka dhashay soo xulista baarlamanka iyo qeyla dhaanta ka soo baxeysa qaar ka mid ah beelaha dega HirShabeelle.

2 – Iyo inuu la soo kulmo baarlamaanka, madaxda maamulka, odayaasha degaanka iyo qeybaha bulshada maadaama uu yahay musharax Madaxweyne islamarkaana uu gobalkaas ka soo jeedo, si uu u muujiyo dareenkiisa ku aadan dhismaha maamulka iyo rabitaankiisa siyaasadeed.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa sanado badan tagin gobalka Shabeellada Dhexe oo saameen gaar ah ku leh iyo guud ahaan HirShabeelle, waxa uuna socdaalkiisa ku aaday iyadoo ay socoto doorashada maamulka oo meel dhexe mareyso.

Xiisad ka dhalatay dhismaha cusub ee maamulka HirShabeelle, kadib markii sida wax loo wado ay diideen qaar ka mid ah beelaha gobolka Hiiraan, ayaa hadda u muuqata inay meesha ka baxday kadib markii beelahaas ay qancisay Villa Somali.

Cali Cosoble: “Qalad ayey aheyd in anaga oo ah qabiil yar aan wax ku darsanno ABGAAL oo qowmiyad ah”

0

Jowhar (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa si kulul uga hadlay soo dhaweyntii Magaalada Jowhar Maanta loogu sameeyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in madaxdii soo dhaweysay Sheekh Shariif ay dhammaantood kasoo jeedeen Beesha Abgaal, taasina ay isaga soo xasuusisay hadalkii Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ee ahaa “Abgaal waa qowmiyad.”

Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa Su’aal ka keenay haddii maamulka HirShabelle oo ka kooban Gobolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe uu kusoo aruuray Abgaal, sidoo kalana wuxuu qalad ku tilmaamay in iyagoo kasoo jeedo qabaa’il yar yar ay wax ku darsadeen qowmiyad weyn sida uu hadalka u dhigay.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook

Markaan arkay sawirrada soo dhaweynta Madaxweyne Sharif Shekh Axmad waxaan soo xasuustay warkii adeerkey Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ee ahaa Abgaal waa qowmiyad. Waxaan marqaati ka ahay iney qowmiyad yihiin sababtoo ah madaxweynaha waxaa soo dhaweeyay Ku sime Madaxweyne Cali Gudlawe, Wasiirka Arrimaha Gudaha Caadle, Guddoomiya Gobolka Sh Dhexe Axmad Meyre Makaran, Taliyaha Boliska Hirshabeelle Kor Xasan Dhicisow iyo mas’uuliyiin kale. Haddaad mas’uuliyiinta soo dhaweeyay wareysato wexey ku leeyihiin soo dhaweynta Shariifka looma kala harin, haddaad hoos u sii fiirisana waa hal reer Hirshabeelle ma Abgaal ayey ku soo aruurtay?

Waxaan qirayaa iney qalad aheyd inaan annagoo qabaa’il yar yar ah wax ku darsanno qowmiyad, dhinaca Xawaadlena qaladkaa anaa dusha saaranaya.

Maxaa daliil u ah iney Abgaal qowmiyad yihiin? Muddo ka badan 10 sano qowmiyaddan wexey laheyd inta uu waddan gooni u taagan leeyahay; wexey laheyd lacag u gaar ah, deked u gaar ah, garoon diyaaradeed oo u gaar ah, ciidan u gaar ah iyo madax qaran oo haddana u gaar ah. Ma jiro reer kale ee Soomaaliyeed oo sidaa gaar isugu taagi karo.

Maxaa dhacaya marka ay qabaa’il yaryar wax ku darsadaan qowmiyad?

Hirshabeelle calool Abgaal ayey gashay, in looga tago maahane lalama lahaan karo.

Indha Cadde: “Waa in dalka lagu xukumaa shareecada ISLAAMKA haddii kale….”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade oo ka mid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa ku baaqay in si rasmi ah dalka loogu maamulo diinta Islaamka, “si buu yiri aan uga run sheegno islaamnimada aan sheeganeyno.”

“Islaam ayaan nahay soo maaha, waa inaan ka run sheegno waxa aan sheeganeyno, gaaladu waxay ka run sheegeen waxa ay sheeganayaan,” ayuu yriri Jeneraal Indhacadde.

Si dowladnimada Soomaaliya ay u raacdo dariiqa saxda ah, isla markaana ay guuleysato waxa uu soo jeediyey in dalka lagu maamulo Kitaabka Ilaahey.

“Waa inaan Kitaabka Ilaahey isku xukunno, oo Ilaahey diintiisa aan isku maamulno, markaas waxaan noqoneynaa dad dariiqa saxda ah ku taagan, waana guuleysaneynaa,” ayuu yiri.

Isagoo sii hadalyey ayuu yiri Jeneraal  Indhacade, “Anagoo heysana wixii adduunka ugu fiicnaa. Aakhirana na anfacaayey oo ah Kitaabka Ilaahey, ayaan inta iska diidnay waxaan raadineynaa wax kale, maxay yihiin waxa kale ee aan raadineyno?”

Hoos ka Daawo

Xog: Sababta Guudlaawe uu uga baaqday soo dhoweynta Shariif isagoo jooga Jowhar

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabeelle ahna ku simaha Madaxweynaha maamulkaas Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe, ayaan maanta ka qeyb gelin soo dhaweynta madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo gaaray Jowhar.

Sheekh Shariif, ayaa garoonka waxaa uga hortagay wasiirka Arrimaha Gudaha HirShabeelle iyo guddoomiyaha gobalka Shabeellada Dhexe, waxaana sidoo kale soo dhaweeyay kumanaan shacabka magaalada ah.

Cali Guudlaawe, ayaa mar dambe Madaxweyne Sheekh Shariif ugu tagay hoteelkii uu dagay ee Jowhar waxeyna yeesheen kulan albaabada u xiran yahay oo qaatay saacado badan, iyadoo ay dibad joog ka ahaayeen mas’uuliyiin badan.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in sababta uu Cali Guudlaawe u soo dhaweyn waayay Sheekh Shariif ay la xiriirto inuu ilaalinayo xiriirka dhow ee uu la leeyahay Villa Somalia, oo la sheegay in ay u rabto Madaxweynaha HirShabeelle.

Wararka ayaa sheegaya in Guudlaawe uu iska ilaalinayo in dhamaan mucaaradka lagu sarwiro si aysan saameen ugu yeelan doorashadiisa.

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in Guudlaawe iyo Sheekh Shariif taleefoon kuwada hadleen una sheegay in uusan soo dhaweyn doonin si aysan u sameynin qorshihiisa doorashada islamarkaana uu ka aqbalay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Dad badan ayaa aaminsan in Villa Somalia ay Cali Guudlaawe u diyaarisay Madaxweynaha soo socdo ee HirShabeelle, si uu uga taageero soo laabashada Madaxweyne Farmaajo.

Cabdi Xaashi oo ka horyimid qorshaha DF “Anigaa soo magacaabaya guddiyada doorashada G/Waqooyi”

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhaliilay qaabka ay dowladda Soomaaliya u maamuleyso doorashada kuraasta baarlamanka ee xildhibaanada gobollada waqooyi, wuxuuna dalbaday inuu isaga soo magacaabo guddiga doorashada ee matalaya gobollada waqooyi.

Cabdi Xaashi, ayaa qoraal uu u diray madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada waxa uu ku sheegay in intii lagu guda jiray shirarkii go’aannada looga gaaray hanaanka iyo waqtiga doorashada “aan wax tixgelin iyo qadarin ahba la siinin midnimada Qarannimo oo ay u taagan yihiin siyaasiyiinta beelahaas ku metela Dowladda Federaalka Soomaaliya.”

Sababta ayuu ku sheegay in madashii lagu go’aamiyay heshiiska siyaasadeed ee Doorashooyinka 2020/21 iyo habraacyada hirgelinta heshiiskaas “aysan goobjoog ka ahayn” siyaasiyiin ama mus’uuliyiin meteleysa Gobollada Waqooyi ee Somaliland, madashaas oo ay ahayd in ay ku yeeshaan metelaad iyo go’aanba, sida uu yiri.

Waxa uu sidoo kale sheegay in heshiiska shirkii Golaha Wada-tashiga Qaranka “ay ka maqnaayeen” siyaasiyiin metesha Gobollada waqooyi.

Cabdi Xaahsi ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya aysan xaq u lahayn in magacowdo guddiga doorashada gobollada waqooyi, sida lagu qoray heshiiska doorashada ee ay gaaraan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, sababtuna ay tahay inaysan soo magacaabin xubnaha dowlad goboleedyada.

Guddoomiayah Aqalka Sare ayaa sheegay in sidaas darteed, uu isaga soo magacaabi doono labada xubnood ee gobollada waqooyi ku matalaya guddiga doorashada heer federal, labada xubnood ee guddiga xalinta khilaafaadka, iyo sideedda xubnood ee guddiga doorashada heer gobol ee gobollada waqooyi.

Xigasho VOA

Wasiirka cusub ee A/Gudaha oo caddeeyey mowqifkiisa doorashada HirShabeelle

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa soo saartay qoraal ay kusoo dhoweyneyso soo Xulista xildhibaanada baarlamanka labaad ee Dowlad Goboleedka HirShabeelle.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda ayaa loogu hambalyeyey Baarlamaanka labaad ee loo dhaariyay Dowlad Goboleedka HirShabeelle iyo dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan ee ka qeyb qaatay hannaanka geeddi socodka soo xulista Baarlamanka labaad ee HirShabeelle.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxa ay uga mahad celisay Guddiga soo Xulista Baarlamaanka Dowlad Goboleedka HirShabeelle shaqadii wanaagsaneyd oo ay ka qabteen soo xulista xubnaha Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda arimaha gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale bayaanka ayaa lagu yiri “ Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxa ay u hambalyaynaysaa Baarlamaanka 2aad ee loo dhaariyay Dowlad Goboleedka Hirshabeele iyo dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan ee ka qeyb qaatay hannaanka geeddi socodka soo xulista Baarlamanka 2aad ee Hirshabeelle.

Qoraalkan ayaa ahaa mid laga filayey wasiirka arrimaha gudaha ee cusub ee Jeneral Mukhtaar Xuseen Afrax, sababtoo ah sababaha uu xilkan ku helay ayaa waxaa ka mid aha heshiis dhex maray ugaaska beesha uu kasoo jeedo ee Xawaadle iyo madaxtooyada Soomaaliya, kaasi oo ugaaska ku taageeray hanaanka doorasho ee HirShabeelle, si xilkan loo siiyo Jeneral Mukhtaar.

Shariif oo ka hadlay safarkiisa Jowhar iyo arrimo xasaasi ah

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-Shabeelle, iyada oo si weyn ugu soo dhaweeyen mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan HirShabelle iyo bulshada qeybaheeda kala duwa.

Sheekh Shariif oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedka ka dambeeya safarkoodu uu la xiriiro howl ay muddo soo wadeen, isla markaana ku qotonta tabashooyin ka dhashay arrimaha doorashooyinka.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay muddo badan lasoo daala dhaceysa kala duwanaanta fikirada iyo is-jiid-jiidka, xiligan loo baahan yahay in la is dhageysto oo wax walba si nabad ah lagu dhameeyo.

“Howl aan wadnay muddo oo ku saabsaneyd dad xooga tabasho qabay oo arrimaha doorashooyinka ka qabay oo aan muddoba la wadnay, oo meel fiican soo gaarsiinay ayaa rabna in arrintaas si nabad ah lagu dhameeyo,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas kusii daray “dalka Soomaaliya guud ahaanba wuxuu kasoo daalay kala duwanaasho, oo in la is dhageystona waa wax wanaagsan. Markaa waxaan rabna in aan hiigsano dalalka horumarka gaaray oo aanu gaarno”.

Madaxweynihii hore ee dalka marnaba si cad uma kala saarin arrinta ay hanaankeedu tabashada ka taagan inay tahay doorashooyinka maamulka HirShabeelle iyo mida dowladda dhexe ee laga dhawaan laga gaaray heshiiska.

Si-kastaba, Ilo wareedyo muhiim ah ayaa Caasimada Online u sheegay inuu madaxweynihii hore ee Soomaaliya ka qeyb-geli doono dhismaha dowlad goboleedka HirShabelle, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka maamulkaas, iyada oo si dhab ah loo ogeyn sida uu sameyn ugu yeelan karo.

Shariif ayaa sidoo kale kulamo kala duwan la qaadan doono madaxda HirShabelle ee ku sugan Jowhar iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, oo iyadu wajaheysay dhibaatooyin adag, xili ay ku jirto marxalad kala guur ah.

Iska hor-imaad khasaare gaystay oo ka dhacay Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya is-rasaaseyn khasaare sababtay oo saaka ka dhacday isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay dagaalameen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo rag hubeysan.

Iska hor imaadka ayaa yimid, kadib markii ay kooxo hubeysan oo ka degtay mooto ay rasaaseeyeen ciidamo ka tirsan kuwa dharcadda nabad-sugida oo ku sugnaa halkaasi, waxaana labada dhinac dhexmartay is-rasaaseyn khasaare kala duwan geysatay.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintay ugu yaraan labo qof, iyadoona uu ku dhaawacmay mid kale, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in mid ka mid ah ragga weerarka geystay nolosha lagu qabtay isaga oo dhaawac ah, waxaana la geeyey isbitaal.

Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo gacanta ku dhigay tiro dad ah oo u badan dhalinyaro.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha hay’adaha amniga dowladda oo ku aadan iska hor imaadkaasi.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa Muqdisho ka dhacayey falal isugu jira weeraro, qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo qaarkood ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha Canada oo ka jawaabay xoriyadda hadalka ee loo adeegsado in loogu gefo diinta Islaamka

Ottawa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa difaacay xoriyadda hadalka, hase yeeshee waxaa uu yiri “ma ahan xad la’aan” islamarkaana ma ahan “in gef aan loo baahneyn oo sabab la’aan ah” ay ku sameyso dad gaar ah.

Isaga oo ka jawaabaya su’aal aheyd xuquuqda lagu daabaci karo sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH – ee la midka ah kuwii uu daabacay wargeyska Faransiiska ee Charlie Hebdo – ayaa Trudeau waxa uu yiri “mar walba waan difaaci doonnaa xoriyadda hadalka, hase yeeshee xoriyadda hadalka ma ahan mid xad la’aan ah.”

Waxa uu intaas ku daray “waxaa waajib nagu ah inaan dadka kale ula dhaqanno si xushmad leh si aan u baraarno, ee ma ahan inaan dhaawacno dadka aan dunidan wadaagno.”

“Ma jiro qof xuquuq u leh inuu toogasho ka fuliyo shineemo ay dad ka buuxaan. Mar walba waxaa jira xad.”

Ra’iisul Wasaaraha Canada ayaa iska fogeeyey mowqifka uu qaatay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, wuxuuna ku baaqay in xoriyadda hadalka loo adeegsado si taxaddar leh.

Waxa uu intaas ku daray “waa waajibkeena inaan ka warhayno saameynta erayadeenna iyo ficilladeena ay ku yeelan karaan dadka kale, gaar ahaan bulshooyinka iyo kooxaha markii horeba dareemayey takoor.”

Trudeau ayaa sidoo kale cambaareeyey weerarkii saddexda qof lagu dilay ee ka dhacay magaalada Nice ee dalka Faransiiska, oo uu sheegay “inuusan lahayn wax cudur daar ah.”

Macron ayaa toddobaad ka hor ka careysiiyey dunisa Islaamka kadib markii uu cambaareeyey “islaamiyiinta”, wacadna ku maray “inaanu ka tanaasuli doonin” sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH.

Hase yeeshee, wareysi uu shalay siiyey Aljazeera ayuu Macron kaga soo dabcay mwoqifkaas, wuxuuna sheegay inuu fahamsan yahay dareenka ay Muslimiinta ka qabaan sawir gacmeedyada lagu aflagaadeynayo Nebi Muxamed NNKH, wuxuuna carabka ku dhejiyey in dowladdiisa aysan marnaba taageersaneyn sawirradaas.

“Sawir gacmeedyadan ma ahan mashruuc dowladeed, balse waxay ka imanayaan wargeys madax banaan oo xor ah, islamarkaana aan ku xirneyn dowladda,” ayuu yiri Macron, isaga oo intaas ku daray inuu fahamsan yahay dareenka ay Muslimiinta ka qabaan arrintan.

Macron waxa uu wareysiga ku yiri “Waxaan u maleynayaa in falcelinta ay ka dhalatay been iyo doorin lagu sameeyey erayadeyda, sidaas darteedna dadka ay u fahmeen inaan taageersanahay sawir gacmeedyadan.”

Jadwal deg deg ah oo loo sameeyey DOORASHADA G/Baarlamanka HirShabelle

0

Jowhar (Caasimadda Online) – Guddiga doorashada guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka HirShabeelle ayaa maanta soo saaray islamarkaana shaaciyay jadwalka doorashada guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle.

War kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in Maalinta Berri oo Isniin ah ay bilaabaneyso qabashada Araajida musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka, halka 3-da Bisha November oo ku aadan Talaalada ay musharixiinta jeedin doonaan khudbadahooda.

Sidoo kale Guddiga doorashada guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka HirShabeelle ayaa sheegay in 4-ta Bisha November oo ku beegan Maalinta Arbacada ah la qaban doono doorashada Guddoonka Baarlamaanka labaad ee Hir-Shabeelle.

Jadwalka ayaa waxaa lagu caddeeyey in min hal maalin loo qoondeeyey qabashada araajida musharixiinta, hadal jeedinta iyo doorashada, waxaana doorashada guddoonka oo ka kooban Guddoomiye iyo laba ku xigeen lagu dooranayaa muddo seddex maalmood gudahood ah.

Doorashada Hirshabelle ayaa si xowli ah ku socoto iyadoo u muuqato mid aan u baahneyn olole oo Mas’uuliyiintii xilalka qaban lahaa ay diyaarsan yihiin.

Halkan hoose ka aqriso qoraal ay soo saareen guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka Hirshabelle;

Dib u dhac ku yimid jadwalkii doorashada ee lagu heshiiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dib u dhac uu ku yimid jadwalka doorashada Soomaaliya 2020 illaa 2021 ee horey loo shaaciyey, kadib heshiiskii ay magaalada Muqdisho ku gaareen dowladda dhexe, dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Sida uu qorshuhu ahaa maanta oo ay ku beegan tahay 1-da bisha November ayaa lagu waday inuu billowdo qorshaha soo xulista, diyaarinta ergooyinka iyo goobaha codbixinta, balse waxaa muuqata inuu dib u dhac ku yimid qorshahaasi iyo jadwalkii la shaaciyey.

Sidoo kale waxaa lagu heshiiyey 10-20-ka October ee bishii hore in lasoo magacaabo guddiga doorashada, hayeeshee uu dib u dhac ku yimid, welina laguma dhowaaqin guddigaas, walow maamul goboleedyada ay soo dhameystireen xubnihii ku metali lahaa guddiga doorashada iyo ka xalinta khilaafaadka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Dib u dhac-yadan ayaa loo sababeynayaa arrimo farsamo, balse waxaa haatan socda dadaalladii ugu dameeyey ee doorashada oo ay wado xukuumadda Rooble.

Qorshaha ayaa sidoo kale ah in doorashada Aqalka Sare ay dhici doonto 1-da illaa 10-ka December, halka tan golaha shacabka ay dhici doonto 10-ka illaa 27-ka December.

Sidoo kale doorashada guddoonka labada Aqal iyo tan maadaxweynaha ayaa dhici doonto 1-da Janaayo illaa 8-da Febraayo ee sanadka soo socda 2021-ka.

Si kastaba dadka falanqeeya siyaasadda iyo sidoo kale hoggaanka xisbiyada mucaaradka  ee ka jira dalka ayaa ka digaya wax kasta oo dib u dhac u keeni kara ama fashilin kara jawdwalkii lagu heshiiyey ee doorashooyinka Soomaaliya 2020/2021-ka.

ROOBLE oo hal arrin oo uga digay Golahiisa Wasiirada

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kaga digay golahiisa wasiirada iney ku kacaan musuq-maasuq iyo ku tagri-fal awoodeed mudada ay xilka hayaan.

Eng Rooble ayaa tilmaamay in xukuumadiisa ay sii dar-dar galineyso qorshayayaasha kasoo horjeeda musuqa xilli uu booqday saddex xarun oo muhiim ah.

Ra’iisul wasaaraha wuxuu booqday Bangiga dhexe, Wasaaradda Maaliyadda iyo Dekedda magaalada Muqdisho wuxuuna kulamo la yeeshay madaxda iyo maamulka hay’adahaan iyagoo ku sugan goobtooda shaqada.

Wuxuu ka dhageystay warbixin ku saabsan sida ay ugu adeegaan shacabka iyo hufnaanta maaliyadeed oo ay adeegyada ku fuliyaan.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble wuxuu sidoo kale sheegay in xukuumadiisa ay ka go’an tahay dhowridda amaanada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed isagoo dul istaagay iney muhiim aheyd tallaabooyinkii ay dowladda qaaday oo xubno ka tirsan xukuumadii hore loogu eedeeyay xatooyo xoolo dadweyne.

Kormeerka Maxamed Xuseen Rooble wuxuu salka ku hayay inuu dar-daaran siiyo maamulka ilaha dhaqaalaha dalka iyadoo wadanka uu ku jiro kala guur, wuxuuna sidoo kale ugu baaqay iney dar-dar galiyaan hawlahooda iyadoo dhaqaalaha uu hoos u dhigay xanuunka Covid19 oo dunida dhibaato weyn kusoo kordhiyay.

Xukuumadda ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxaa looga fadhiyaan iney dalka dhaafiso marxaladaan kala guurka ah kana shaqeyso arrimaha doorashooyinka, amniga iyo sidoo kale waxyaabaha aas-aasiga ah ee looga gudbi karo marxaladaan.

Sawirro: Sheekh Shariif oo gaaray Jowhar + Ujeedka

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa goor dhow gaaray magaalada Jowhar ee caasimada maamulka HirShabelle, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan HirShabelle, maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa ku soo dhoweeyey garoonka Jowhar.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan ayaa inoo sheegay inuu madaxweynihii hore ee Soomaaliya ka qeyb-geli doono dhismaha dowlad goboleedka HirShabelle, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka maamulkaas, lamana oga sida uu sameyn ugu yeelan karo.

Shariif ayaa sidoo kale kulamo kala duwan la qaadan doono madaxda HirShabelle ee ku sugan Jowhar iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

HirShabelle oo muddo fog wajaheysay dhibaatooyin adag ayaa hadda ku jirta marxalad kala guur ah, iyada oo lagu muransan yahay qabsoomida doorashooyinka maamulkaasi.

Si kastaba, safarka Sheekh Shariif ayaa ku soo aadaya, xilli maalmihii u dambeeyey uu ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimad Kenya oo uu ka waday kulamo siyaasadeed.

 

Khadiija “Sidee dad haysta madaxweyne Farmaajo oo kale ay beesha caalamka u weydiisan karaan taageero”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda gargaarka, maareynta iyo masiibooyinka xukuumadda Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye oo maanta hadal ka jeedisay xaflad loogu soo dhaweynayey wasaaradan oo ay ku cusubtahay ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqday inay isku filaansho gaaraan.

Waxa ay sheegtay in Soomaalida ay ceeb ku tahay inay gargaar caalami ah dalbadaan, iyagoo heysta madaxweyne Farmaajo.

“Dadkeenu waxay dhahaan beesha caalamku hana soo gaarto, sidee  dad dowlad leh beel caalam wax u weydiistaan? Sidee dad madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo kale heysta ay beel caalam wax u weydiisan karaan? Sidee umad islaam ah oo Alle abuurtay ay bini’aadan kale wax u weydiisan karaan?,” ayey tiri wasiir Khadiija Diiriye.

Waxay dadka ka dalbatay inay Ilaah tala saartaan, “Guud ahaan dowladda iyo xukuumadda Madaxweyne Farmaajo maanta meel ayey soo gaartay,” ayey tiri.

Khadiija Maxamed Diirye ayaa lagu tiriyaa wasiirrada sida weyn ugu dhow madaxweyne Farmaajo, waxayna tan iyo markii uu Farmaajo tala qabtay aheyd wasiir ka tirsan dowladda uu hoggaamiyo.

Hoos ka Daawo